SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Qaranka Soomaaliya
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..


"Ninkii walaalkii loo xiirayow adiguna soo qoyso!"

Shalay waxey aheyd waqti caalamku jaahil ahaa islamarkaasina ay jirtay maskaxdii gumeystaha foosha xun ay ku qufulneyd qeybi oo xukun iyo boobkii waxashinimada lahaa ay dunida inteeda badan ka wadeen taasoo keentay in dowlada Aids-ka baa'bi'iyey ee Amxaaradu heshay fursad ay ugu calaacasho kufaartii gaalada aheyd ee ay ku beer laxowsatay iney badd Islaam ah ku heereysan tahay sidaasina ku noqotay dowladii ugu horeysay ee Afrikaan sheegato oo ka qeyb qaadatay qeybsigii qaarada Madowg.

Maanta oo ay dunidu isbadashay dagaal bareer ah Islaamka lugu hayana uu noqday mid gaaray heerkii ugu xumaa ayaa taliska faashilka ah geesteeda kaga faa'iideysaneyso duulaan bareer ah dhulkii Xorta ahaa Soomaaliyeed ku soo qaaday iyadoo sheeganeysa iney difaaceyso dowlada aanba jirin ee taagta darran ee maciin biday cadowgii gaar ahaaneeda.

Melez Sinaawi oo horey u sheegay in dowlada faashilka ah ee taagta darran difaaceyso ayey bilowday iney diyaarado u qaadato dadka rayidka ah markii dagaal xaga dhulka ah oo lugu naafeeyey ay maxkamaha la gashay. Hadaba arrintu maanta ma jooto maxkamad maxkamad ee waxey taagan tahay siddii loo tir tiri lahaa jiritanka dhul iyo dad ahaaneed ee maxaa ku dhacay intii maanta iyo garaadka laheyd? Meeyey damiirki wadanimo? Dadku ma waxey run moodeen hadalada beenta ah ee lugu maaweelinayo mise dadku kama daalin caadifada ragaadisay ee Qarankoodi dumisay cadowgana siisay fursadan taariikhi ah.

Xaqiiqdii waxaan la inkiri karrin in maxkamaduhu noqdeen Xisbulaahidi geeska Afrika, waxeyna u istaageen difaacista dhulka iyo dadka Soomaaliyeed halka burcada dagaal oogeyaalka ah ee la isku soo aruurshay luguna sheegay dowlad ee Beydho lugu hayo dalkii ku soo hogaamisay cadowga soo jireenka ah oo weliba xubnaha sheegta dowladaasi faashilka ay xabsiga dhigeen dhabtoodiina soo arkay taasina waa ayaan darro u soo hoyotay Soomaaliya.

Dowlada C/laahi Yuusuf waxey mooday in xabashidu inta dalka u qabato ku wareejineyso taasi horaa adduunka looga waayey hadase dhicimeyso, balse waxa uu ilaaway in durba Itoobiya aysan wanaag soomaali ka shaqeyn ee ay abuureyso markale jab jabadeyntii ay dowladiisa taagta darran ka shaqeyn weysay kuwaaso ah iney dib u soo celineyso dagaal oogeyaalkii dalka qaribay. Tusaalene Maxamed Dheere iyo Beebe oo wada socda ayaa hamigoodi ahaa iney Jowhar ku soo laabtaan, ina Qeybdiid oo Illaahey ogyahay sida uga soo faro baxsaday xabsigii Sweden ayaa isagana la yiri dadkaaga gumaad.Talow askari waaba askari arxan laawe ahee ummadda u sacbo tumeyso maxey yihiin mawaaney laheyn damiir? (Arrinkan waxaan u leeyahay waxaan u soo joogay dadkii C/qeybdii u barooraneyey markii lugu xiray Sweden dhaxantana u taagna, maanta dadkaas buu ehelkoodii dilay amarna ku baxshay in la laayo,iyagoo u soo adeegtay cadowgii soo jireenka ahaa qaar baase qoomamo ka joogo oo ay kamid yihiin kuwii dad ugu xigay aan la sheekeystay).

Hadaba maanta dadka sheegta magaca Soomaali taariikhda adduunka baalmadow bey kaga jirtaa dhowr arrimood oo ay ugu horeyso iney ogolaadeen in ka badan 16 sanno dagaal oogeyaal u taliyaan kuwaasoo ahaa daneysteyaal aan damiir laheyn oo danahooda fiirsanayey iyo in kamid ah kuwaas waa dagaal oogeyaalk e nacalada Alle ku dhacdaye ay misna cadowgii soo jireenka ahaa u soo adeegsadeen. Afar iyo labaatankii dicember-na waa maalin aan taariikhdu ilaawi doonin markii codowga soo jireenka ahi ay diyaaradahoodi duqeyn u geysteen magaalada caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan garoonka caalamiga ah taasoo aysan ku dhicin xilligii ay jirtay dowladii marxuum Maxamed Siyaad Barre oo u babac dhigay awoodii ay sheegan jireen kufaartii Aids-ka la il darneyd ee Tigreega, arrintanina waxey timid markey shaleen qaa'imin qowleysato ah oo u adeega cadowga Illaahey iyo kan soomaaliyeedba.

Ugu dambeyntii ummaddyahay iyadoo ay igu adag tahay ka shaqsi ahaan inaan qeexo waxa aan dareemayo maadama damiirkeyga uusan isiineyn inaan aqbalo in dalkeygii ay Amxaaro qabtasatay ayaan hadana leeyahay ku qabatay iyo Qadar EEBBO waa la qaataa, sidaas daraadeed ayaan inta dagaalka Jihaadka ah kula dardaarmayaa iney talada Alle saartaan maalintoodana ay helayaan dalkana ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed ee dulmanayaasha ah. Soomaaliyana Soomaali baa leh ee malaha Qaa'imiinta qowleysatada ah ee hogaanka u hayo kooxda xooga wax ku maquunisa ee Addis soo wakiilatay. Arrintuna amxaaro soomaali kalama jecla hadeysan doqon aheyne soomaali waa Soomaali.Daalimiintana weli ma xasuusna xukuumadihii Itoobiya soo maray mid aan Soomaaliya ku soo duulin maantana tan kama duwana kuwii hore waxaanse Alle ka bariyey in ceyshku qabto Meles caanihii xalaasha ahaa uu ka cabay ciideena!

Ninkii walaalkii loo xiirayow adigana soo qoyso! Waan arki doona halka ay ku dambeeyaan daalimiinta Beydhabo ee kaafirka Meles Sanawi ku adeegto.

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 27, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH