SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print
mad dog
DAAWO: Video: Meles Zenawi oo Afkiisa ka Qirtay in uu Weeraray Qaranka Soomaaliya
:::FILIM:: XORAYNTII 77:::

xorriyo
Daawo Filim laga duubay: Xorayntii Soomaali Galbeed & Soomaali Abow ee 77.. Daawo


kalmoyKornayl Sheegtay in uu Soomaali yahay oo Hadallo La Yaab Leh Ku Hadlay isagoo difaacaya gumeysiga Itoobiya... daawo
"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...
QaadDuullimaadyadii Diyaaradaha Qaadka ee La joojiyey oo khasaare ba’an ku haya Kenya Qaadka laga joojiyey Soomaaliya waxa uu hoos u dhac ku keenay... Akhri...
Caddayn: Shirkadda Consort oo ka Diiwaan Gashan Maldives
Wasaaradda Ganacsiga ee Dalka Maldives ayaa dhowaan si rasmi ah shaaca uga qaaday in shirkadda... Akhri...
hooyoSoomaaliya: Halista HIV/AIDS iyo Xudduudaha Laga Tallaabo
Warbixin: Berbera oo noqotay meesha ugu AIDS-ka badan Dhulka Soomaaliyeed...
Akhri..



Ma Xalbaa in Dowlado Shisheeye La Adeegsado

Marka hore waxey mahad idilkeed u sugnaatay Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

Waxa ayaandaro ah Soomaali oo horey uu u soo baa’iyay { dagaalo sokeeye, qax, abaaro, sunta badaha lagu duugo, fatahaada wabiyada }, in maantana loogu daro duqeyn cirka iyo dhulkaba ah. Arintaasi waxaan oran karaa mas’uuliyadeeda waa wax aan annagu isu geysanay. Itoobiyaan nooma ay yimaadeen haddii aynaan u yeeran, dowlado kale nooma yimaadeen haddii aan laga faa’ideysan khaldaadkeena.

Dowladda kumeelgaarka ah waxaan oran lahaa war sidani xal maaha, Soomaali ha baaba’do, haddii ayan ( DFKS) shaqeyneen. Taasi maaha mid caqli gal ah, oo waxaan idinkula talin lahaa war siyaabo kale oo aad dadka ku kasbataan baa baddan, ee arintan waa inaad deg deg wax uga qabataan, oo aad Itoobiya dalka ka saartaan. Haddii leydinku khaldamay waxaad furi kartaan new dialogue oo aad meel walba ku muujin kartaan khaldaadka aad tirsaneysaan, ee inaad dalki kusoo hogaamisaan Dowlado shisheeye waa wax aad looga naxo. Taariikhda arintaasi baal mugdi ah ayey ka galeysaa.

Maxkamadaha islaamiga ah waxaan oran lahaa, horeynaa waan u iri war libinti aad kasbateen ha iska kala daadinina. Dagaal xal ma noqdo, war maamul iyo kala danbeyn u sameeya meelaha aad gacanta ku heysaan. Ummaddi oo dhan baa ku qanacsanaa wanaaga faraha baddan aad sameyseen, ee haku badalanina in xumaan leydiin qaado. Waxaana idin oran lahaa joojiya dagaalka. Taariikhda iyadaa isqoreysa, oo wax walboo wanaag ah aad sameysaana waa loo jeedaa, ee warhooy libintaad kasbateen ha iska dayacinina.

Dowladda kumeelgaarka ah iyo Midowga Maxaakiimta islaamigaba waxaan wadjir ahaan ugu baaqayaa inay dib usoo fariistaan Miiski dib u heshiisiinta, oo ay bilaa shuruud dagaaladaas joojiyaan. Wadahadal waa sida kaliya ee uu xalku ku iman karo. Qolo walbana ha isku daydo inay waxoogaa tanaasulaad ah sameyso, si heshiis wadjir ah loo gaaro, oo leysugu soo dhawaado. Taas micnaheedu maaha inaan leeyahay wax ayan Diintu raali ka aheyn ha la isku qanciyo. Mar walba waxaan leeyahay wax walboo Diinteena Islaamka ah ka hor imanaya daaqada halaga tuuro.

Itoobiya waxaan mar kale ku celinayaa waxa muhiin ah inaad derisnimada dhowrtaan, oo aad ka deysaan faragelinta iyo weerarda gardarada ah ee aad ku waddaan Soomaaliya. Itoobiya waxaan ugu baaqayaa inay waddankeena si shuruud la’aan ah uga baxdo. Dunida waxaan ogeysiinaynaa in ay itoobiya ay nagu soo xadgudubtay. Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay arintaas u soo bandhigaan ra’yul caamka, oo ay qoraalo baddan ka sameeyaan. Ha abaabulaan shirar baddan oo arimahan loogu soo bandhigayo World Press – ka.

Sidoo kale Eritariya waxaan ugu baaqayaa inay naga deyso faragelinta ay nagu heyso, oo ha eegto wanaagi loo galay waagi ay xorriyadeeda raadsaneysay. Mar labaad waxaan ku celinayaa Eritariya faraha hakala baxdo arimaha Soomaaliya. Sidoo kale aqoonyahanada hasoo bandhigaan faragelinta ay Eritariya nagu heyso.

Waxaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa Soomaaliyeey aynu iska deyno caadifada Qabiilka iyo qof Jecleysiga. Si wadjir ah aynu waddankeeni u raadino sida uu xalku ku jiro. Mar walba nabadda ayaa ah muhiim in la raadiyo waayo Soomaaliya dagaal wey ka daashay oo hadduu qiimo leeyahay dagaal, 16 sano ayaanu xabad isku heysanay. Waxaa muhiim ah inaad eegtaan dadka Soomaaliyeed ee waqtiga xaadirka ah ay fatahaada webiyadu waxyeeleeyeen, oo cidlada hurda. Ma dowbaa in dadki noocaas ah lagu weeraro diyaarado. Soomaaliyeey innagaa isugu wacan arintaas ee aynu isdaba qabano. Qabiil meel lagu gaarayo ma jirto, waxa loo bahan yahay waa Midnimo.

Qoraalkeygi waa iga intaas, wixi aan asiibay waxey ka sugnaatay Allaah, wixi aan ku khaldameyna waa nafteyda iyo sheydaan.

By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
saicentadv@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 26, 2006


Tacsi – Marxuum ( Dr. Maxamed Cali xasan )

Innaa lilaah wa Inna Ileyhim Lanuraajicuun


Dhammaan Shaqaalaha iyo Maamulka hay’adda Somali advice & Information Centre, oo fadhigeedu yahay magaalada Leicester ee dalka ingiriiska, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaan ehelada iyo qoyski uu ka geeriyooday Marxuum Dr. Maxamed Cali Xasan ( Gacmo Gaab ), oo shalay oo ay bishu aheyd 24ki December ku geeriyooday magaalada Kismaayo.

Dr Maxamed Cali Xasan waxa uu ahaa, muwaadin Soomaaliyeed oo aqoontiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu xilal kala duwan kasoo kala qabtay, isagoo ahaa Taqtar caan ka ah gayiga Soomaaliyeed gaar ahaan magaalada muqdisho, wuxuu ahaan jiray maamulaha isbitaalka Guud ee Digfeer sanadihi todobaatameeyadi, wuxuu kaloo noqday Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale wuxuu ahaa Wasiir kuxigeenki Wasaaradda Caafimaadka.

Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Xasan, wuxuu ahaa nin aad uga tilmaaman bulshada, aadna loo jecelyahay, laguna xasuusto waxqabadki uu bulshada usoo qabtay

Hay’adda Saicent waxa ay leedahay Allaha isagana Janatul Ferdowsa ka waraabiyo, qoyski iyo eheladiisiina iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aaaamiin.


By:- Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Adviser


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH