- Warbixinadii
ugu dambeeyey ee dagaalada ka socda
Daynuunaay, Iidaale iyo Bandiiradley
- Ciidamada
Itoobiya oo looga digay in ay u sii gudbaan...
- Ciidamo ka
tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku dhow
Xudur.
- Abshir
Bacadle oo la xaqiijiyey in uu nool yahay.
- Xarunta
Ismaaciil Jimcaale oo u soo jeedisey
Dowladda Itoobiya..
Talaada,
Dec 26, 2006
Ciidamada Maxaakiimta oo Xeelada Dagaal
Awgeed....
Talaada:
Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegay
in Ciidamadii Maxaakiimta ee ku jirey aagga
Daynuunay iyo goobo kale oo ay hore difaaca
ugaga jireen ay dib uga soo gurteen halkaas,
taas oo la xiriirta xeelad, waa sida wararku
u dhegeen'e.
Masar oo Ka Digtey Cawaaqibka ka Dhalan Doona Dagaalka Soomaaliya
QAAHIRA: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Masar, Axmed Abul Gheit,
ayaa Isniintii ka digey xaaladda aadka u liidata ee Soomaaliya,
taas oo uu yiri waxay dhalin kartaa dagaal ka dhaca gobolka oo dhan,
waxayna halis gelineysaa mustqabalka geeska Afrika, sida ay
werisey wakaaladda wararka ee rasmiga ee dalka Masar ee marka la soo gabiyo loo yaqaan
MENA.
Wasiirku waxa uu digniintaas ku bixiyey dhambaalka uu
u dirayey Itoobiya, Eritrea iyo saddex
dal oo ku jira Golaha Ammaanka oo ah Maraykanaka, Britain iyo France.
Dhammaan beesha caalamka iyo gobolku waa in ay xoojiyaan isku dayga in la joojiyo
hawlgalada hubaysan ee gudaha Soomaaliya, si loo baajiyo dagaal ka qarxa gobolka
oo dhan kaas oo leh cawaaqib meel dheer gaaraya, ayuu yiri Abul Gheit. [Dhegeyso:
Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Soomaaliya]
Wararkii
Shalay:::
Warbixinnadii
ugu Dambeeyey ee Dagaalada ka socda
Daynuunaay, Iidaale iyo Bandiiradley...
Waxaa maalintii todobaad galay dagaalka u
dhexeeya Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah
iyo kuwa Itoobiya ayaa haatan dagaalku waxa
uu u muuqdaa mid ku sii baahaya deegaano hor
leh, haddii aan u leexano Dhinaca Degmada
Baladweyne waxay wararku sheegayaan in
Ciidamada Itoobiya oo wata dabaabado ayna la
socdaan maleeshiyo Soomaaliyeed ay gacanta
ku dhigeen waxaan magaalada shalay ciidamada
Itoobiya keeneen Yuusuf Axmed Hagar (Daba-Geed),
waxa uuna u jeediyey intii ka hartay dadka
reer baladweyne maadaama dadka intiisa badan
isaga qaxeen Magaalada, waxa uuna dadweynaha
u sheegay in ay fasax yihiin wax walba oo
ganacsi ah, sida Qaadka, Furitaanka
Shaneemooyinka.
Ciidamadii Maxaakiimta Islaamiga ah oo ku
sugan Garisyaani ayaa waxay isku
abuubulayaan sidii ay dagaal rogaal celis ah
ugu qaadi lahaayeen Itoobiyaanka kaas oo ay
ku doonayaan inaydib ugu qabsadaan
Baladweyne, waxaana shalay Muqdisho ka baxay
ciidan aad u xoogan oo isku qaybiyey labo
qaybood, kuwaas oo gaaray degmada Jowhar.
Dhinaca Bandiiradley waxaa doraad ka dhacay
dagaal faraha la isaga gubtay oo keenay in
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ay dib ugu
soo gurtaan Deegaanka Gelinsoor, waxaan
shalay oo dhan ka socday halkaasi dagaal aad
u culus oo la isku adeegsaday hubka
noocyadiisa kala duwan, waxaana ciidamo
gurmad ah ka baxeen magaalooyinka Bacudwaaq,
Xarardheere, Dhuusamareeb, Galhareeri, Ceel
Dheere iyo Ceel Buur.
Deegaanka Daynuunaay ayaa isna waxaa ka
socda dagaalkii ugu kharaaraa , iyadoo
habeenkii xalay ahaa ay si aad ah ugu
dhawaadeen Magaalada Baydhabo, iyadoo
rasaasta si weyn loo maqlayey magaalada
Baydhabo, sidoo kale deegaanka Iidaale ayaa
isna shalay ilaa iyo xalay waxaa ka socday
dagaal aad u kharaaraa oo la isku adeegsaday
hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo Degmada
Diinsoor ay shalay gaareen ciidamo
Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka tagay
gobalada Jubbooyinka Kuwaas oo si aad ah u
xoojiyey Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah.
Dagaalka ka socda Deegaanka Bandiiradley
ayaa la sheegay in uu u soo gurtay dhinaca
Degmada Diinsoor, waxaana la sheegay in
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ay ka
dagaalamayaan deegaanka Diinsoor, iyadoo ay
si aad ah isaga caabinayaan ciidamadaasi oo
wata hubka dabaabaadka.
Dhanka kale
diyaaradaha Ciidamada Xabashida ayaa shalay
duqeeyeen magaalooyinka Muqdisho iyo
Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle, waxaa
kaloo lagu waramay in Garoonka Diyaaradaha
ee Balidoogle ay shalay galabnimadii
diyaaradaha Xabashida ay dib ugu soo
laabteen, hase yeeshee si aad ah ayay
Ciidamada Maxaakiimtu isaga difaaceen,
waxayna Diyaaradahaasi qasaaro gaarsiiyeen
xoolo halkaasi daaqayey.
Diyaaradaha dagaalka ee Xabishada ee shalay
duqeeyey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Muqdisho, ayaa halkaasi ku dhaawacay
Haweenay ka mid ahayd Dumarka Nadiifiya
Garoonka, waxaana shalay markiiba la geeyay
hubka lidka Diyaaradaha.
Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa uga
digay dadka in ay ku dhawaadaan goobaha laga
cabsi qabo inay duqeeyaan ciidamada Itoobiya,
waxaana shalay Muqdisho ka dhacay
banaanbaxyadii ugu balaarnaa waxaana
dhallinyarada loogu baaqayey in ay u
dhaqaaqaan Jihaadka.
Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah
ayaa iyana shalay ka dhaqaaqay Magaalada
Muqdisho kuwaas oo ay tiradoodu gaareysay
2-kun iyo shan Boqol kuwaas oo si aad ah u
hubeysnaa, waxaana la sheegay in ay u
dhaqaaqeen dhinaca Degmada Duunaanay oo uu
ka socdo dagaal aad u kharaar.
Isku soo wada duuboo dagaalku waxa uu u
muuqdaa mid ku baahaya dhamaana gobalada ay
Maxaakiimtu ka taliyaan iyadoo Ciidamada
Itoobiya si weyn looga adkaaday dhinaca
dhulka, balse ay haatan adeegsanayaan
dhinaca Diyaaradaha, hase yeeshee Shacabka
Soomaaliyeed ayaa waxaa soo mareen duqeyntii
ciidamad Mareykanka ee Sagaashameeyadii iyo
waliba duqeyntii ciidmada Itoobiya ee
sanadihii Sideetameeyadii, dhamaan
duqeyntaas oo aan wax guul ah laga gaarin,
shacabkuna ay yihiin kuwo waayo arag u ah
dagaalada dhinaca diyaaradaha.
- Duqayntii diyaradaha ee dagaalkii
1977-78 ee diyaradaha xabashidu ay
duqeeyeen gobolada dhexe ee Soomaaliya
waxay aakhrikii sababtay in xabashidu
xabsiga u taxaabto Cabdullaahi Yuusuf oo
taariikhdu sheegto in uu diyaaradaha
xabashida kusoo hoggaamiyey gobolada/dhulka uu asal
ahaan ka soo jeedey, waxaana C/laahi
Yuusuf la xiray
markii ay Itoobiya ka gaartey danteedii
ahayd laynta shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Itoobiya oo looga digay in ay u
sii gudbaan...
Iyadoo maalintii todobaad uu galay dagaalka
u dhexeeya Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga
ah iyo Ciidamada itoobiya ee gardarada ku
soo galay gudaha dalka Soomaaliyeed, ayaa
haddana waxaa Dowladda Itoobiya soo gaaraya
cadaadisyo badan oo ka imaanaya wadamada
deriska la ah Soomaaliya, Wadamada Midowga
Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, waxaana
Ciidamada Itoobiya looga digay Itoobiya in
ay gudaha u sii gasho dalka Soomaaliya,
iyagoo sheegay in ay u keeni karto
dhibaatooyin ballaaran oo ku faafa wadamada
Geeska Afrika.
Ciidamada
Itoobiya oo ka soo gudbay Kumanan kun ayaa
waxaa la sheegay in ay ku hafan doonaan
gudaha dalka Soomaaliyeed, waayo shacabka
Soomaaliyeed waxay dhamantood ka midoobeen
gardarada Ciidamada Itoobiya, kaddib markii
diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Itoobiya
ay shalay duqeeyeen Goobo ka mid ah Muqdisho,
gaar ahaan garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Muqdisho, waxayna taasi ka careysiisay
shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka
gudihiisa iyo dibaddiisa.
Ciidamada
Itoobiya oo looga awood roonaaday dhinaca
dhulka ayaa haatan waxay bilaabeen in ay
adeegsadaan diyaaro, iyadoo wargeysyada
mucaarada ee ka soo baxa Dalka Itoobiya
ciidamada Itoobiya looga digay in ay galaan
gudaha dalka Soomaaliya, waxayna mucaaradda
Qaarkiis soo jeediyeen in sida ugu
dhaqsiyaha badan Ciidamada Itoobiya uga soo
baxaan Soomaaliya, sidoo kale muslimiinta ku
dhaqan dalka Itoobiya ayaa iyana waxa ay aad
uga caroodeen gardarada Ciidamada Itoobiya
ka wadaan Soomaaliya, waxayna u soo
jeediyeen Dowladda Itoobiya inay
ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, inta
aysan arrintu faraha ka bixin oo aysan ku
faafin gobalada Dalka Itoobiya. Sidoo kale
wadamo IGAD ayaa Dowladda Itoobiya ka
dalbaday inay joojiso weerarada ay ku hayso
dalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in haddii
ay sii socdaan weeraradaasi ay keeni karto
caro weyn oo ka dhalata dagaaladaasi.
Ciidamo
ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku dhow
Xudur.
Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ee
Gobalka Bakool waxay sheegayaan in Ciidamo
Maxaakiimta Islaamiga ah oo wata 35 Tikniko
ah ay ku dhawaadeen Degmada Xudur ee Gobalka
Bakool, waxayna shalay duleedka Magaalada
Kulamo kula yeesheen odoyaasha iyo waxgarada
iyo culima'udiinka degmadaasi.
Ciidamada Maxaakiimta oo doraad qabsaday
Magaalada Tiyeeglow ayaa halkaasi si weyn
loogu soo dhaweeyey waxaana la sheegay in
ciidamadaani ka qayb-qaataan hareereynta
lagu hayo Degmada Baydhabo oo ay si aad ah
ugu sii siqayaan Ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga ah, kuwaas oo weeraro ka wada
deegaanada Iidaale iyo Daynuunaay.
Ciidamada Maxaakiimta oo wata hub aad u
xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay doonayaan
inay jaraan wadada keliya ee ay isticmaalaan
Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Degmada
Bardaale, waxaana lagu waramay in ay isku
qaybiyeen labo qaybood oo ay qayb u
dhaqaaqday dhinaca Degmada Qansax Dheere iyo
kuwo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Xudur.
Abshir
Bacadle oo la xaqiijiyey in uu nool yahay.
Abwaan Abshir Nuur Faarax oo ah Guddoomiyaha
Golaha Abwaaniinta Islaamka Soomaaliyeed oo
shalay wararka la soo geliyey Magaalada
Muqdisho ahaayeen inuu geeryooday, ayaa
haatan waxaa la xaqiijiyey in Abshir uu nool
yahay oo uu ku sugan yahay Diinsoor ee
Gobalka Baay.
Abshir Bacadle oo wajiga hore ee dagaalka u
tagay sidii uu u guubaabin lahaa Ciidamada
Maxakiimta Islaamiga ah ayaa horey waxa uu u
sheegay in uu doonayo in uu ku geeryoodo
dagaalka Jihaadka ah ee u dhexeeya
Soomaaliya iyo itoobiya ayaa waxaa
noloshiisa ku farxay shacabka Soomaaliyeed
oo aad u guubaabin jiray ahna abwaan
markasta shacabka fara wanaaga, una adeega
Suugaanta.
Abshir oo xiran Tuutihiisa iyo qorigiisa
ayaa waxa uu doonayaa in uu ka qayb-qaato
dagaalka lagula jiro ciidamada itoobiya oo
si gardaro ah ugu soo duulay dalka iyo
ummadda Soomaaliyeed.
Xarunta
Ismaaciil Jimcaale oo u soo jeedisey
Dowladda Itoobiya..
Xarunta Ismaaciil Jimcaale ee Xaquuqda
Aadanaha ayaa cambaareysay dagaalka baahsan
ee ka socda Gobalada Baay, Hiraan iyo Mudug,
dagaalkaas oo ay si weyn ugu lug leedahay
Dowladda Itoobiya oo is ticmaaleysa hubka
calculus iyo Diyaarado, dagaalkaas oo
sababay barakac weyn oo ku yimid shacabka
kaas oo xadgudub qayaxan ku ah Xuquuqda
Aadanaha, Hay'addu waxay sheegtay in mudo 16
sano ah shacabka Soomaaliyeed ku jireen
dagaalo Sokeeye oo ka dhashay xadgudubyo
liddi ku ah xaquuqda Aadanaha, dagaalka
socda uu bilow u yahay xadgudubyo kale oo la
doonayo in dhiigga shacabka lagu daadiyo.
Xaruntu waxay u soo jeedineysaa Dowladda
Itoobiya in ay kala baxdo Ciidamadeeda
gudaha dalka Soomaaliyeed ayna dhowrto
madaxbanaanida iyo xaquuqda dhuleed ee ay
Soomaaliya leedahay, sidoo kale waxay u soo
jeedineysaa Maxaakiimta iyo Dowladda
Federaalka in ay khilaafkooda ku dhameeyaan
wada hadal iyo is afgarad.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii ugu
Isniintii Dagaalka Itoobiya Kusoo Qaaday
Soomaaliya.
Ciidamada
Itoobiya oo Duqeeyey Garoonka Diyaaradaha
Muqdisho
Dec 25, 2006: Saakay subaxnimaddii ayaa
guuxa diyaaradaha Ciidamada itoobiya laga
maqlay hawada Magaalada Muqdisho, waxaana
diyaaradahaasi ay argagax geliyeen
dadweynaha ku nool magaalada.
Diyaaradahaasi ayaa markii dambe waxay
gantaal ku dhifteen garoonka Diyaaradaha ee
Magaalada Muqdisho, wuxuuna weerarkaasi
dhaawac ka soo gaaray Haweenay kuwa
nadiifiya garoonka ka mid ah, waxayna
duqeyntu markii ay socotay garoonkaasi aysan
ku sugneyn wax diyaarado ah, iyadoo garoonka
isugu soo baxeen dadweyne fara badan oo ka
careysnaa weerarkaasi kuna tilmaamay mid
nafla caarinimo ah, waayo waxay sheegeen in
Ciidamada Itoobiya ay ku jabeen dhinaca
dhulka.
“Shacabka Muqdisho horey u soo arkeen
duqeyntii ciidamada Mareykanka ee sanadihii
sagaashameeyadii wax guul ahna kama aysan
gaarin” ayuu yiri nin odey ah oo aad uga
careysnaa weerarkaasi oo u soo jeediyey
shacabka Muqdisho inay ogaadaan in diyaarad
aan waxba lagu qaadi doonin.
Hawlihii garoonka ayaa dib u bilowday,
waxaana garoonka ka soo degay guddoomiyaha
guddiga fulinta ee Golaha Maxaakiimta Sheekh
Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha
Shuurada Sheekh Xasan Daahir oo iyagu la
sheegay in ay ka yimaadeen dalka Imaaraadka
Carabta.
Sheekh
Shariif iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka
soo degay Garoonka Muqdisho...
Waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka
soo degay labada mas’uul ee ugu sareysa
golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo kala ah
Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan
Daahir Aweys.
Intii aysan soo degin mas’uliyiintaani ayaa
waxaa garoonka duqeeyay diyaaradaha Tikreega
oo waxyeelo aan sidaasi u weyneyn gaarsiiyey
Garoonka, balse markii dambe, waxaa Garoonku
uu dib u bilaabay hawlihiisii, waxaana ka ka
soo degay dhowr diyaaradood.
Soo labaashada mas’uuliyiintaan ayaa waxay
dardargelineysaa dagaalka lagula jiro
ciidamada Xabashida ee ku soo xad-gudbay
dalka Soomaaliya, waxaana markiiba bilowday
abaabul kii ugu balaarnaa oo looga hortagayo
ciidamada Xabashida.
Guddoomiyaha Shuurada ayaa markiiba labistay
tuutihii ciidamada, waxaana la filayaa in
sida ugu dhaqsiyaha badan uu u aado goobaha
dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ayaa
waxay sheegayaan in dagaal aad u qaraar uu
ka socdo Aaga Daynuunaay oo iyadoo ciidamada
Maxaakiimta ay horey ugu dhaqaaqeen dhinaca
Magaalada Baydhabo, waxaana la maqlayey
rasaasta xoogga leh ee ka soo dhaceysa
dhinaca Maaya-Foolka.
Dhinaca Bandiiradley waxaa isna ka socda
dagaal aad u qaraar oo la isku adeegsanayo
hubka culus iyo midkiisa fudud, waxaana la
sheegay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada
xabashida lagu soo riday jiidda dagaalka ee
Bandiiradley.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Bandiiradlay
Dagaalkii ka dhacay shalay
magaalada Bandiiradlay ayaa ahaa mid culus oo aan waxba
la isu reeban, la isuna adeegsaday Diyaarado.
Bandiiradlay waa magaalo
aan sidaa u waynayn ciidamada Soomaalida waxay ka
joogeen dhina koonfureed ee magaalada, kuwa Itoobiyaanka
ahna waxay joogeen dhinaca Waqooyiga magaalada, waxay
noo sheegeen masuuliyiin wargal ah in lagu jabiyey
ciidan kii lugta ahaa, lagana kiciyey goobahoodii loona
gaystay ciidamada cadawga Itoobiya khasaare lixaad leh.
Wararka ayaa tibaxay:
Tirada dhimashada marka la isku daro Gaalada iyo gaalo
raacyadaba waa in kabadan 31, waa sida warku u dhigay'e,
dhinaca dhaawacana waa in kabadan sideetan. "Sida uu noo
sheegay qof isbitaalka Gaalkacayo isagu tagay. Sidoo
kale waxay wararku intaa kudarayaan in diyaarad kuwa
dagaalka ah dhaawac laga gaar siiyey Cadowga soo duulay
aana la hubin meesha ay ku danbaysay - balse warar
dhowaan soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaraddaas la soo
ridey kaddib markii ciidamada diffaaca Soomaaliyeed ay
gantaal la heleen.
Dhinaca Mujaahidiinta
Soomaalida waxaa ka shahiiday 4 waxaana ka dhaawacmay
tiro aan gaarin 10. Xaaladda Bandiiradlay ee hadda
Ciidamada Soomaalida waxay ku soo noqdeen
fariisimahoodii, dib ayey uga soo gurteen meelihii ay
shalay gaareen, kuwa Cadowga Itoobiyana waxay iyana ku
soo dhawaadeen meelihii shalay laga kiciyey. Xaalada
ayaa daganayd Saaka, markii warkan la qorayey.
Iidaale
Iidaale waxaa ka dhacay
dagaal aad iyo aad u kharaar aadna loogu isticmaalay
madaafiicda goobta. waxaa la riixay ciidamada Itoobiya
lana jabiyey, waxaana lagaar siiyey khasaase laxaad leh.
Dhimashada loo gaystay ayaa ah mid aan xad lahayn maydka
ayaa daadsan goobahii laga kiciyey, wararka ayaa intaa
ku daraya inay Ciidmada Soomaaliyeed ee xaq u dirirka ah
ay cagta mariyeen ciidan Itoobiyaan ahaa oo dhabar jabin
loogu soo diray. Sidoo kale warar aad u xoog badan ayaa
sheegaya in laga dilay Itoobiyaanka laba Genaral kadib
markii si gaadmo ah taliskoodii loogu tagay.
Ciidamada Mujaahidiinta
Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabtay goobahoodii hore
dhinaca iidaale xeelad dagaal darteed, marka la isku soo
duubo khasaaraha lagu gaarsiiyey Ciidanka Itoobiya,
waana mid aan qarsoomi doonin lagana dareemi doono dalka
Itoobiya. waasida warbixinta aan ku helay.
Dhinaca
Puntland sidee looga arkay Dagaalka Itoobiya kusoo
qaaday Soomaaliya.
"Waxaa nasiib daro ah in
maanta Airporkii loo dhisay in Soomaaliya laga difaaco
maanta laga weerarayo Soomaaliya, Airporka Gaalkacayo
inay ka kacaan diyaaradaha Itoobiya waxay noo tahay
dadnimo xumo" sidaa waxaa yiri qof reer Puntland ah oo
weydiistey in aan magaciisa la sheegin, sidoo kalena mid
kale ayaa yiri" waxaa meesha ka baxay in reer Puntland
loo sheego waxaa idin soo weeraraya Maxaakim ama hawiye,
kaddib markii Itoobiya cadaysay maanta inay Soomaaliya
dagaal kula jirto, isticmaalaysana Gaalkacayo oo
Puntland maamusho" shacabka reer Puntland intiisa badan
ayaa aad uga xun sida guracan ee Maamulka Puntland u
maamulayo siyaasadda iyo in ay saldhig u noqdaan cadowga
soo jireenka ah ee Soomaaliya inuu maanta Soomaaliya ka
duqeeyo Puntland, waliba shacabka reer Gaalkacayo ayaa
waxay soo xasuusteen markii dagaalkii 1977 uu socday ee
ay ka carari jireen markay maqlaan guuxa diyaaradaha
cadowga, ayna ka nasteen markii la ebyey saldhiga cirka
ee magaalada Gaalkacayo, kaasoo maanta Itoobiya
Isticmaalayso.
Dhinaca
daynuunay
Wararka kusaabsan
Daynuunay dib ayaan ka soo sheegi doonaa.
Gababada warbixintaan ay
qaybta wararka ee Somalitalk isku soo duba riday ayaan
markasta idiin soo tabin doonaa hadba meesha xaalada
cusub ee uu galay dalka Soomaaliya.
Soomaaliya oo La Soo
Weeraray
Somalia Under Attack
-
Wararkii ugu Dambeeyey ee Dagaalka u
Dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya
- Sarkaal
Itoobiyaan ah lagu diley Gudaha Baydhabo
-
Ciidamada Itoobiya oo markii ugu horeysey u
isticmaaley Dagaalka Diyaaradaha..
- Askar
Itoobiyaan ah oo ka baxsaday dagaalka oo
gaarey wadanka..
-
Banaanbax looga soo horjeeda Ciidamada
Itoobiya oo ka dhacay..
-
Maamulka Puntland oo si weyn looga dareemey
dagaalka u dhaxeeya..
- Dowlad
Kenya oo dooneys in ay kala dhexgasho
Itoobiya iyo soomaaliya..
-
Maalinta Carruuta Soomaaliyeed oo laga xusey
Dalka..
-
Wasiirka arrimaha dibada Sweden oo walaac ka
muujiyey dagaalka ay Itoobiya ku soo qaaday
Soomaaliya
Wararkii
ugu Axadii ee Dagaalka u Dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya
Waxaa maalintii lixaad galay dagaalada u dhaxeeya Ciidamada
itoobiya iyo kuwa maxaakiimta islaamiga, waxaana illaa
shalay iyo xalayba socday dagaalo aad u kharaar kuwaasoo ka
dhacay Aaga DeyNuunaay, Manaas, Kala Beyrka oo ka tirsan
Gobolka Hiiraan iyo Bandiradleey oo ka tirsan Gobola Mudug,
dagaalkaasna waxaa soo qaaday ciidamada Itoobiya oo markii
ugu horreysey adeegsaday diyaradaha dagaalka, gaar ahaa
aagga gobolka Hiiraan oo ay wax yeelo ugu geysteen dad rayid
ah oo ku sugnaa magaalada B/weyne.
Ciidamada Maxaakiimta
Islaamiga oo iyagu guulo ka soo hooyay dagaalada ka socda
gobolka Bay ayaa iyagu haatan ku sii siqaya magaalada
Baydhabo oo fadhiga Dawladda FKMG ah, waxaana ciidamada
maxaakiimtu ay gaareen halka lagu magacaabo Gasarta oo
Baydhabo u jirta illaa 20 kiilo mitir halka ciidamadii ka
dagaalamayay Aagga Iidaale ay ku soo dhawaadeen halka lagu
magacaabo Xerada Manaas oo ah halka ay tababarada ku qaataan
Ciidamada Dawladda FKMG.
Dagaalka ka socdey aagga
kala bayrka ayaa waxa lagu waramay inuu ku dhawaaday
degaanka Feer Feer, sidoo kale dagaalkii ka socday degaanka
Bandiiradleey ayaa isaguna lagu tilmaamay inuu ahaa
dagaalkii ugu kharaaraa ee dhex mara ciidamada Itoobiya iyo
Maxaakiimta, waxaana dagaalkaas ka qayb galay diyaaradaha
dagaalka ee Itoobiya kuwaasoo ka soo duulay garoonka
diyaaradaha Gaalkacyo, dagaalkan ayaa u muuqda mid ku
faafaya dhamaan gobolada soomaaliya, waxaana si weyn looga
dareemay gudaha itoobiya iyadoo Isbitaalada Magaalada Addis
ababa ay buux dhaafiyeen Dhaawaca Ciidamada Itoobiya, sidoo
kale mas’uuliyiinta maxkamadaha waxay sheegeen in wixii
hadda ka danbeeya uu dagaalku ku faafi doono waddamada
geeska afrika iyadoo ciidamo Itoobiyan ah oo dagaalka ka
baxsaday ay isku dhiibeen dawladda Kiinya, gaar ahaan
magaalada Mandheera.
Sarkaal Itoobiyaan ah
lagu diley Gudaha Baydhabo
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba waxay sheegayaan in
sarkaal Itoobiyan ah saakay lagu dilay bartamaha baydhaba
kaddib markii ay soo weerareen koox dableey ah oo diidan
joogitaanka ciidamada itoobiya ee gudaha soomaaliya.
Dilka sarkaalkaas waxaa wel wel iyo walbahaar uu ku abuuray
ciidamada Itoobiya ee baydhaba ku sugan, waxaana magaalada
Baydhabo lagu arkayaa ciidamo Itoobiyan ah oo si aad ah isu
ilaalinaya.
Mas’uuliyiinta xukuumadda federaalka iyo saraakiisha
ciidamada itoobiya ayaa la sheegay inuu khilaaf soo kala
dhex galay, khilaafkaas oo la xiriira dhina dagaalka kaddib
markii ciidamo fara badan oo dawladda u xaraysnaa ay u
baxsadeen dhinaca Maxkamadaha.
Magaalada baydhaba ayaa shalay waxaa laga gooyay
isgaarsiinta, waxaana gooyay Saraakiisha Itoobiyanka ah ee
ku sugan magaaladaas baydhabo kaddib markii ay saraakiishu
dareemeen in wararka ay bixiyaan isgaartsiinta hase yeeshee
mar danbe ayay is gaarsiintii dib u soo laabatay, sidoo
waxaa magaalada Baydhabo maalinimadii shalay ahayd laga
furay Idaacad u gaar ah dawladda, waxaana furey madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf.
Ciidamada Itoobiya oo
markii ugu horeysey u isticmaaley Dagaalka Diyaaradaha..
Dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha iyo Ciidanka Itoobiya ayaa
markii ugu horeysey u isticmaalay dagaalka Diyaaradaha gaar
ahaan Aagga kala bayrka oo ka tirsan gobolka Hiiraan,
waxayna diyaaradahaas geysteen khasaarooyin naf iyo maalba
leh waxaana la arkayay dad rayid ah oo ka qaxayay
guryahoodii oo magaalada Beled-weyne.
Siddeed diyaaardood oo noocoodu yahay Miig ayaa ka qayb
galay dagaalkaas, wuxuuna dagaalkaa u muuqda mid u dhaxeeya
Soomaaliya iyo Itoobiya, waayo waxaa meesha ka baxay mar
marsiinyadii Dawllada Itoobiya oo ahaa inay difaacayso
Dawladda taagta daran ee ku ururtay magaalada Baydhabo
Ciidamada Itoiobiya ayaa haatan u muuqda kuwo doonaya inay
dib isaga riixaanb ciidamada Maxkamadaha Islaamiga oo ku sii
siqaya Xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba
inuu dagaalku u gudbo Gudaha Waddanka Itoobiya.
Dagaalka Bandiiradleey ayay Ciidamada Itoobiya u adeegsadeen
diyaaradaha Helikobtariska, nin Oday ah oo aan kala
xiriirnay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu yiri “Waxaa
maanta Nasiib darra ah in Garoonkii Diyaaradaha ee Gaalkacya
ee loo dhisay in lagu difaaco qaranka in Maanta ay ka kacaan
diyaaradaha Itoobiya”.
Askar Itoobiyaan ah oo ka
baxsaday dagaalka oo gaarey wadanka..
Waxaa magaalada Mandheera ee W/Bari ee dalka Kenya maalintii
shalay ahayd gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu
gaareyso 34 askari, kuwaas oo ka baxsaday dagaalka u
dhexeeya Soomaliya iyo Itoobiya, waxaana halkaasi ku
qaabilay Dowladda Kenya.
Ciidankaan oo dalbaday mangelyo Siyaasadeed ayaa waxay
sheegeen in sababaha ay u soo baxsadeen ay tahay iyadoo si
aad ah uga soo horjeeday weerarka gardarada ah ee ay
Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Ciidamadaasi oo la wareystay ayaa waxay
sheegeen in ciidamo fara badan ku soo jiraan wadada kuwaas
oo doonaya in iyana la siiyo mangelyo Siyaasadeed, hase
yeeshee Dowladda Itoobiya ilaa iyo haatan kama hadlin
baxsashada ciidamadaasi.
Ma ahan markii ugu horeeyay ee ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka
baxsadaan Itoobiya, ka hore ayay ahayd markii ciidamo ka
tirsan Itoobiya ay ka baxsadeen deegaanka Nageyle iyagoo
weydiistay mangelyo siyaasadeed iyo waliba deganaasho
Dowladda Kenya.
Banaanbax looga soo
horjeeda Ciidamada Itoobiya oo ka dhacay..
Waxaa Magaalada Muqdisho shalay ka dhacay Banaanbax ka
socdey waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, banaan
baxaas oo looga soo hor jeeday dagaalada ciidamada
Itoobiyanka ay ka wadaan gudaha waddanka Soomaaliya, waxayna
b anaan baxayaashu klu dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen
“Gaal Gaal dooni mayno,” “Ha Dhacdo Itoobiya”, “Itoobiya
waxay mareyaa wadadii bur burka” iyo ereyo kale, banaan
baxayaasha qaarkod ayaa xirayay goobaha ganacsiga, waxayna
dadka u soo jeedinayeen in la aado Jihaadka.
Banaan baxayaasha oo wajiyadoodu ay ka muuqatay caro aad u
fara badan ayaa waxa mararka qaarkood ay tuuryeynayeen
goobaha ganacsiga iyadoo banaan baxayaasha ay dalbanayeen in
sida ugu dhaqsiyaha badan loogu qaado dagaalka
Shalay waxaa la fasaxay dugsiyadii ay ardeydu wax ka
baranayeen iyadoo qof kasta oo Muqdisha ku nool uu u dheg
taagayay natiijada waxa uu ku danbayn doono dagaalka u u
dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.
Maamulka Puntland oo si
weyn looga dareemey dagaalka u dhaxeeya..
Wararka naga soo gaaraya maamul Goboleed Puntland waxay
sheegayaan in gobolada maamulkaasi uu ka taliyo si weyn
looga dareemay dagaalka ka socd degaanka Bandiiradleey,
waxaana magaalooyinka qaarkood lagu soo daadiyay ciidamo si
weyn u baarayay gawaarida iyo dadka waxayna magaalooyinka
qaar ka samaysteen kontoroolo.
Magaalada gaalkacyo oo ku dhow halka uu dagaalku ka socdo
ayuu maamul goboleedku ka wel welsanaa in magaaladaasi ay ka
bilowdaan kacdoono looga soo hor jeedo, waxaana magaalada
marayay ciidamo Itoobiyan ah oo dadka si aad ah u baarayay,
iyadoo lagu soo waramay in Isbitaalka Magaaqlada gaalkacyo
la soo buuxiyay dhaawac aad u tira badan oo ku soo
dhaawacmay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha iyo
kuwa Itoobiya, sidoo kale garoonka Magaalada gaalkacyo ayaa
waxaa la wareegay ciidamada Itoobiya, waxaana shalay ka
kacayay garoonkaasi diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada
Itoobiya kuwaasoo duqeyn u geysanayay Aagga hore ee dagaalka.
Dowlad Kenya oo dooneys
in ay kala dhexgasho Itoobiya iyo soomaaliya..
Dawlada Kiinya ayaa la sheegay inay waddo dadaal ay ku
dooneyso inay ku dhex dhexaadiso Maxkamadaha iyo Ciidamada
Itoobiya, waxaana maalintii shalay ahayd Magaalada Addis
ababa gaaray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kiinya si
mas’uuliyiinta itoobiya ay isula soo qaadaan xaaladda
Soomaaliya oo haatan cirka isku shareertay.Sababa dawladda
Kiinya ay arrimahan u waddo ayaa ah kaddib markii dagaalka u
dhaxeeya ciidamada Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada
Itoobiya si weyn looga dareemay Kiinya, gaar ahaana
Muslimiinta halkaa ku dhaqan ay si weyn uga caroodeen gar
darada Ciidamada Itoobiya ay ku soo qaadeen Soomaaliya,
waxaana waddanka Kiinya ka bilowdey is diiwaan gelinta dadka
doonaya inay ka qayb galaan Dagaalaka u dhaxeeya Itoobiya
iyo Soomaaliya.
Sidoo kale Zoonka 5aad ee Soomaalidu ay degto ee Itoobiya
ayaa si weyn looga dareemay dagaalka u dhxeeya maxkamadaha
Itoobiya, waxaana ka bilowdey Dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq
ah .
Maalinta Carruuta
Soomaaliyeed oo laga xusey Dalka..
Shalay oo ay ku beegneyd 24-ka December ayaa ahayd maalin
loo aqoonsaday maalinta Carruuta Soomaaliyeed, waxaana
xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta ka
dhacday Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxaana ka
qaybgalay qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo xafladdaani
ays oo qaban-qaabisay Hay’adda Somali Child Protection and
Development (SOCPD).
Maanta waxay ku beegan tahay maalinkii xasuuqa loo gaystay
arday Soomaaliyeed oo wax ka baraneysay dugsiga Sare ee
Axmed Gurey, maalinkaas ayaana loo aqoonsaday maalinka
Carruurta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Hay’adda SOCPD mudane Max’ed Cabdi Max’ed oo ka
hadlay xafladdaasi ayaa waxa uu sheegay in Carruurta
Soomaliyeed ay haysteen awalba dhibaato kala duwan, waxaana
sii muujiyey dhibaatooyin ay keeneen abaaraha, guddoomiyuhu
waxa uu sheegay in hay’adaha kala ah SOCPD iyo TPO ay iska
kaashadeen barnaamij wax loogu qabanayo dhibaatooyinka
haysta Carruurta Soomaaliyeed.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wasiirka arrimaha dibada
Sweden oo walaac ka muujiyey dagaalka ay Itoobiya ku soo
qaaday Soomaaliya
Iyadoo beesha caalamka ay si aad ah ula yaaban tahay
gardarada qaawan ay cadowga soo jireenka ah ku soo qaadeen
Soomaaliya iyagoo sheegtay iney difaacayaan dowlada taagta
darran ee Beydhaba ku go'doonsan ayaa hadana durba waxaa soo
yeereysa qeylo dhaan la xirriirta sidoo loo joojin lahaa
dagaalka markiisa horeba ahaa anaa kaa awood badan ee
cadowgu soo qaadeen.
Markii ugu horeysay ayaa
dowlada cusub ee dhawaan ka dhisantay wadankan Sweden waxaa
wasiirkeeda u qaabilsan arrimaha dibada Carl Bildt ka digay
dagaalo lugu hoobto oo ku fida geeska Afrika. Waxaa uu
sheegay iney muhiim tahay dib loogu laabto miiska wadahalada
iyadoo la daminayo xiisada.
Hadalkan ayuu sheegay wasiirka xilli uu la hadlayey kooxo
reer Yurub ah oo haatan ku howlan lo socdo xiisadda haatan
ka cusboonatay waxaana uu tilmaamay iney muhiim tahay in
cadaadis siyaasadeed la saaro dowlada maqaar saarka ee
rajiimka Zanaawi hogaamiyo. Waana markii ugu horeysay ee
dowlada Sweden ka hadasho dagaalada bareerka ah ee cadowga
soo jireenka ah ku soo qaadeen jamhuuriyadda Xorta ah
waxaana isagoo siyaalo kala duwan uga hadlaya arrimahaasi
xusay iney muhiim tahay in beesha caalamka ay si deg deg ku
demiso dagaalkaasi.
|