Baydhabooy Yaa Ku Leh!!??
W/D:-
Maxamed Macallin Cismaan {Allman}
Emeil:-
fatxumaalik@hotmail.com
Emeil:-
fatxumaaliky@yahoo.com
Qormadaan aan ugu magacdarnay
Baydhabooy yaa ku leh, oo ah su’aal
hadda taagan, waxaan Akh’ristayaasha
qiimaha leh aan ugu soo
bandhigaynaa Taariikhada Maamul
xiliyadii hore, waqtiyadii degmo
ahaan iyo Gobol ahaan loo magacaabay
Magaalada Baydhabo, xaalada ay hada
ku sugan tahay xiligaan la joogo.
Waxa
kaloo aan ku soo qaadanaynaa
arrimaha siyaasadeed guud ahaan
dalka Soomaaliya oo dhacdooyin
kooban ah iyo aragtiyo kala duwan oo
aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah
dadka ku nool Magaalada Muqdisho.
Dadkaasoo aan kula kulanay goobo
kala duwan, waxay ka hadlayaan Mar
hadii Hogaamiye kooxeedyadii 16-ka
Sano burburiyey dalka guud
ahaantiisa, isla markaana ay kala
qaybiyeen guud ahaan wadanka oo dhan,
oo intoodii badnayd laga ceyriyey
Xarumihii ay ku sugnaayeen, ayna ku
soo hareen Magaalooyinka Baydhabo,
Hargeysa, Gobolada Woqooyi Bari iyo
Mudug, iyagoo qaarkood sheeganaya
inay ka mid yihiin DFKMG, halka qaar
kale ay sheeganayaan inay ka go’een
dalka intiisa kale iyo kuwo kale oo
iyagana sheeganaya inay dhisteen
maamul Goboleed madax banana, ayna
soo baxeen Maxkamado Islaami ah oo
Koofurta dalka intiisa badan gacanta
ku haya, iyagoo doonaya inay dalka
ku soo rogaan Xukun Islaami ah,
qaybo ka mid ah dalka Soomaaliyana
ay ku sugan yihiin Ciidamo Ajnabi ah
oo ka socda Dowladaha deriska,
lagana yaabo inay soo socdaan kuwo
kale oo dunida, shacabka
Soomaaliyeedna uu qarka u saran
yahay in mar kale uu la kulmo dagaal
waqtiyo hore laga soo gudbay inuu
dib ugu noqodo, iyadoo Gobolada
qaarkood shacabkii ku noolaa ay uga
barakeceen Fatahaada Wabiyada
Shabeele iyo Jubba, oo walina aysan
jirin Maamul laysku raacsan yahay oo
ka hirgelay dalka oo wax u qabta
shacabka, hadaba maxaa la gudboon
shacabka Soomaaliyeed inuu sameeyo!!?.
Ugu
horeyn Hadii aan soo qaadano,
Magaalada Baydhabo waxay ka mid
tahay Magaalooyinkii ugu caasanaa
dalka Soomaaliya, xiligii dowladii
Militeriga waxaa lagu sheegi jiray
Caasimada seddexaad ee Soomaaliya,
Juquraafi ahaan waxay ku taalaa
dhinaca Galbeed ee Magaalada
Muqdisho oo ah Xaruntii Soomaaliya,
waxayna u jirtaa 247KM. Dhinaca
Woqooyi ee Magaalada Baydhabo waxay
xuduud la leedahay Gobolka Bakool,
Bari Gobolka Shabeelaha Hoose,
Galbeed Gobolka Gedo, Koofur Gobolka
Jubada dhexe, waxay keloo xuduud la
leedahay dhinaca Woqooyi Bari
Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Magaalada Baydhabo waxay caan ku
tahay dhulbeereer aad u weyn iyo
dhaqashada xoolaha, dhulkeeda wuxuu
isugu jiraa dhul Beereed, Buuraley,
Banaan iyo Daaqsin, dadka ku nool
Magaalda Baydhabo tiro ahaan
xiliyadii hore waxaa lagu qiyaasi
jiray ugu yaraan 800,000, inkastoo
aan tirada rasmiga ah ee hada ku
nool aan si rasmi loo sheegi-karin,
mudadii dowlad la’aanta dalka ka
jirtay waxaa soo baxay Ganacsato
waaweyn oo awood u yeeshay inay
hogaamiyaan arimaha siyaasada iyo
guud ahaan arimaha Bulshada ee
Gobolka.
Gobolka Baay Degmooyinka hoos yimaad
marka laga reebo Xarunta ay ku taalo
waa 4- Degmo oo kala ah Degmooyinka
Buur-hakaba, Qansax dheere, Diinsoor
iyo Berdaale, Duqii Magaalada
Baydhabo ee ugu dambeeyey markii
dowladii militeriga ay dhaceysay oo
aan waraysi gaar ah kula yeeshay
Magaalada Baydhabo Md,Cabdullaahi
Macallin Maxamed ayaa wuxuu iiga
waramay Taariikhdii maamulada kala
duwanaa ee ay soomartay iyo xiligii
loo aqoonsaday Magaalo ahaan wuxuuna
yiri isagoo arimahaasi ka hadlaya
iyo kuwo kale “Magaalada waxaa
deegaan ahaan loo aqoonsaday
1913-kii, waxaana soo maray maamulo
kala duwan oo isugu jira Gumaysi,
Daakhili iyo kuwa markii Xoriyada la
qaatay. Tirada inta maamul ee
soomartay waxaa la sheegaa 12
Gudoomiye Gobol iyo 5 Duq-Magaalo oo
aan aniga ka mid ahay ayuu yiri
isagoo hadalka sii wata ayaa intaa
ku daray.
“Gudoomiyihii Gobolka Baay ee ugu
horeeyey wuxuu ahaa Axmed Raage,
waxaana ka dambeeyey Cali shido,
Axmed Xaaji, Munye Qaasim,
dhamaantood waxay xilka soo qabteen
intii uusan Kacaankii Militeriga
dhalan, markii uu Kacaanku dhashay
waxaa xilkii Gudoomiyaha Gobolka
Baay qabtay Axmed Ismaaciil Boqor
oo ka mid ah sarkaal ka tirsan
Ciidamdii XDS, wixii intaas ka
dambeeyey waxaa isku bedbedelayey
saraakiil kale oo ay ka mid ahaayeen
Cismaan Sokor, Ismaaciil Suldaan,
nin kale oo magaciisa aan hilmaamay
oo u dhashay Beesha Isaaq, waxaa
isna ka dambeeyey Xasan Xaaji Cilmi,
sidoo kale waxaa ku xigay nin lagu
naaneysi jiray Daboole, Gudoomiyihii
ugu dambeeyey ee Gobolka Baay wuxuu
ahaa Maxamuud Geele Cabdi.
Mar uu
ka hadlaayey inta duq-magaalo ee soo
martay Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu
ku sheegay in Duqii Magaalihii ee
ugu horeeyey uu ahaa Maxamed Yaroow,
Cali Caliyoow ayaa ku xigay, sidoo
kale waxaa ku xigay Cumar Hindi,
Aadan Cabdi Axmed {Aadan Waraabe}
iyo aniga oo ahaa ninkii ugu
dambeeyey Duq-Magaalada ee Gobolka
Baay Markii dowladu ay dhacaysay.
Sidoo
kale waxaa uu iiga waramay
xarumihii dowlada ay lahayd ee ugu
muhiimsanaa kuna yaalay Magaalada
Baydhabo waxaana ka mid ahaa
xarumahaasi, Xaruntii Wasaarada
Boostada iyo isgaarsiinta, Wakaalada
Biyaha, Xooga Korantada Ummada,
Isbitaalkii weynaa ee Magaalada
Baydhabo, Goobo Wax-barasho oo isugu
jiray Dugsiyo hoose, dhexe iyo sare,
2 waxay ahaayeen dugsiga sare, 4
dugsiga dhexe ayey ahaayeen, 4-ta
kalena waxay ahaayeen Dugsiga Hoose,
sidoo kale waxaa ku yiilay Xaruntii
Wasaarada Maaliyada, Bangiga dhexe
oo qaab Birifaati ahaan ku shaqeyn
jiray, Xabsi Gobol oo weyn, Maxkamad
Gobol, Saldhig Booliis, Qaybta
Booliiska Gobolka, Xarun
Guulwadayaasha Ummada, Saldhig Weyn
oo ay lahaayeen Ciidamadii XDS iyo
Xaruntii Madaxtooyada Gobolka Baay
ayuu hadalkiisa ku soo koobay Duqii
hore ee Magaalada Baydhabo C/llaahi
Macallin Maxamed.
Magaalada Baydhabo waxay lahayd
seddax Suuq mid xoolaha lagu iibiyo,
mid kale oo kuwa Bagaashka lagu gado
oo degmadoo dhan ay lahayd iyo mid
yar oo ku yiilay Woqooyiga Magaalada
Baydhabo iyo Kawaan weyn oo
gudihiisa u baahan yahay xiligaan in
la nadiifiyo oo la dayactiro,
dhamaan xarumahaan uu sheegay Md, C/llaahi
Macallin iyo kuwa kale ee ku yaalaba,
waa kuwo burbursan marka laga reebo
kuwo ay dhowaan dayactirtay DFKMG
iyo kuwo ay degan yihiin dadweyne ka
soo hayaamay goobo kala duwan oo ku
hareerays-naa Magaalada iyo qaar ka
mid ah Gobolada dalka, kuwaasoo u
dhashay deegaanka, waxayna u
muuqdaan in gebi ahaan lala wareegay
dhismooyinkaasi, waxaana
adkaandoonta qaabkii looga rari
lahaa dadkaas.
Waxaa
Magaalada Baydhabo ka socda
dhismooyin kala duwan oo aan hore
loogu arki jirin iyo kuwo hore oo la
dayactirayo, waxaa qaali noqday
kirada Guryaha iyo jiifka Hoteelada
intii DFKMG ay soo degtay, waxaa
sare u kacay qiimaha cuntada ee
Baararka, waxaa bedelmay qiimaha iyo
Baabuurtii ay raaci jireen
dadweynaha gudaha iyo Gobolada kale
ee dalka, waxaa burbursan
wadooyinkii Magaalada gudaheeda,
waxaa batay Hoteeladii Magaalada oo
noqday 67, waxaana wali socda kuwo
kale oo la dhisayo, halka hore ay ku
yiileen 13- Hoteel, intii burburku
dalku ka jiray waxaa ka hanaqaaday
Is’gaarsiin Caalami ah, waxaana
intaa dheer kuwo taararka hallow
halowga oo iyaguna qayb weyn ka soo
qaatay isku xirka dadweynaha intii
aysan ka hirgelin wadanka
shirikadaha Is’gaarsiinta, waxaa
kale oo ka hanaqaaday shirkado
xawaaladeed oo tiradoodu gaarayso,
ilaa 13 shirkadood, waxaa laga
sameeyey 3 goob Caafimaad oo aan
hore loogu sameyn, waxaa la
hirgeliyey goobo wax-barasho oo
cusub oo isugu jira kuwo hoose,
dhexe iyo sare oo aan dadka intooda
badan wada awoodin qiimaha lagu
dhigto Dugsiyadaas.
Waxaa
kale oo Magaalada ka hirgalay Ururo
wadani ah oo isugu jira kuwo
dhalin-yaro, Haween, kuwo xuquuq
aadane iwm, waxaa shaqeeya Garoonkii
Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo,
inkastoo uu si xeeladaysan uu u
xiran yahay, ilaa iyo intii ay isku
dheceen ilaaladii hore ee Garoonka
iyo kuwo ka amar qaata DFKMG, kuma
soo degaan diyaaradaha UN-ka, mar
mar dhif ah maahee, ma jiraan wax
weyn oo ay ku soo kordhisay DFKMG
intii ay soo degtay Magaalada
Baydhabo, marka laga reebo daddka
halkaasi isugu yimid ee shaqo doonka
ah, amaanka Magaalada inta badan waa
ay wanaagsan tahay marka loo fiiriyo
xiliyadii dagaalada sokeeye,
inkastoo mararka qaar ay dhacaan
shilall yar yar, kuwaasoo intooda
badan ay geystaan iska hor imaadyo
dowlada iyo Kooxo maleeshiyo
deegaanka oo dhibaatooyin dhimasho
iyo dhaawac leh.
Marka
loo fiiriyo awooda wax qabad ee
dowlada, lama dhihi karo Maamul iyo
kala dambeyn lagu kalsoon yahay ayey
ka hirgelisay Degmada Baydhabo oo
marka laysku celceliyo dhan 5-KM oo
isku weer ah, sababtoo ah Dowlada
waxay ku jirtaa dhismo iyada
dhexdeeda ah oo ku salaysan nidaamka
4.5-ka, min Raysul-wasaare ilaa
Biitooni, lagamana sugaayo xiligaan
inay dal iyo dadd wax u qabato,
xubintii la magacaabo oo aan
waafaqsanayn nidaamka 4.5-ka
xalinteeda waxay qaadataa ugu yaraan
Bill, hadii kale jiritaanka dowlada
ayaaba halis la geliyaa, amaanka
Magaalada Baydhabo waxaa la wareegay
Ciidamada Ethobia oo in mudo ah lagu
soo gurayey, iyagaana amarka
maamulkeeda bixiya, wixii ay rabaan
ayey sameeyaan, intii ay ku
sugnaayeen Baydhabo waxaa lagu dilay
dadd badan oo deegaanka u dhashay,
waxaana lagu xirxiray xubno wadaado
ah iyo Wariyeyaal deegaanka u
dhashay, qaarkoodna waa ay isaga soo
carareen, dadka deegaanka waxay ka
daaleen dhibaatooyinka dagaaladii
sokeeye, oo waxay ka baqayaan in
isku dhacyo kale ay ka dhacaan
deegaanka, mana jecla dagaal inuu ka
dhaco deegaankooda, waxayna siweyn u
doonayaan iyadoo aan dagaal ka
dhicin in dowladu ay is’bedel
sameyso, hadii ay sameyn weyso Is-bedel
ay gebi ahaanba isaga guurto
maadaama ay ku guulaysan weyday,
nidaamkii iyo kala dambeyntii laga
sugaayey, qaar ka mid ah dadd
weynaha waxay leeyihiin ma ahan wax
la qaadankaro, anigoo jooga dalkayga
Hooyo inaan ka baqo Ethobia inay i
xirto, Halka qaar ka mid ah
wariyeyaasha ay leeyihiin xoriyadii
hadalka waxaa naloogu bedelay Xarig
waa yaab.
Markii
ay burburtay dowladii dhexe ee
Soomaaliya 1991-dii wixii ka
dambeeyey Magaalada Baydhabo waxay
noqotay goob dagaal oo ay isku
hardinayaan maleeshiyooyin Urur iyo
kuwo Beeleed, ku wasoo ka yimid
deegaano kala duwan oo dalka ka mid
ah iyo kuwo ku hareeraysnaa Gobolka
Baay, waxaana loo bixiyay Magaaladii
Moowdka, kadib markii ay ka
geeysteen dil, dhac, kufsi iyo
barakac aan la qiyaasi Karin,
waxaana dhacday dhibaatadii ka
dhalatay hardankaasi in dad weynihii
ku noolaa dhexdeeda iyo kuwa ka ag
dhowaaba ay u dhintaan Gaajo,
Oon,Cudur iyo Colaad, dadkuna waxay
u dhimanayeen tarab tarab, waxaana
la waayey Nidaam wax kala haga.
1992-dii ayaa dalka waxaa soo gaaray
Hay’ado gargaar, kuwaasoo isku dayey
inay badbaadiyaan dadkaas macluushu
ay haleeshay, 1995-tii ayaa ciidan
uu hogaaminayo Gen, Caydiid waxay
qabsadeen Magaalada Baydhabo oo
markaa u muuqatey inay ka soo
kabanayso diiftii dagaalada sokeeye
ee ka qarxay Soomaaliya 1991-dii,
waxaana maamulayey markaasi Gudi ka
mid ah dadka deegaanka iyo Hay’adaha
gar-gaarka, waxayna mar labaad
noqotay goob dagaal .
1999-kii ayaa Ururkii {RRA} oo marar
badan isku dayey inuu ka saaro, ku
guulaystay hanashada Magaalada
Baydhabo, iyagoo garabsanaya
Ciidamadii Ethobia, Ururkii {RRA-da}
markii uu ka saaray Magaalada
Baydhabo ciidamadii Gen, Caydiid,
wuxuu dhisay maamul adag, wuxuuna
ahaa Ururka keli ah ee deegaankii uu
gacanta ku hayey ka hirgeliyey
nidaam iyo kala dambeyn ee ka jiray
Gobolada Koofureed, waxayna soo
celiyeen nabad-gelyo laysku halayn
karo, laakiin ma sii waarin.
2003-da waxaa mar seddexaad ka
dhacay dagaal ay isaga soo
horjeedaan mas’uuliyiinta Ururkaasi
ugu sareysa, aakhirkiina waxay
noqotay in Ururkaasi u kala jabo
labo garab oo midkood laga soo
saaray deegaanka.
Shirkii dibu-heshiisiinta lagu
qabtay Magaalada Nayroobi ee dalka
Keynia, wuxuu isu soo dhaweeyey kala
qaybsanaantii ku dhex jirtay
Mas’uuliyiinta RRA-da, markii la
dhisay Baarlamaankii iyo DFKMG,
hase ahaatee markii ay shireen
Golihii Baarlamaanka shirkoodii ugu
horeeyey ee ay ku yeesheen dalka
dibadiisa wixii ka dhacay waa laysla
ogaa oo saxaafada in badan bay ka
hadashay.
Magaalada Baydho oo ahayd meelaha
sida weyn laysku qabtay in dowladu
ay sii degto, ayaa ugu dambeyntii
is-jiid jiidkii labada garab
Baarlamaanka, waxay Baydhabo nasiib
u heshay in dowladu si ku meel gaar
ah u sii degto Magaalada Baydhabo,
waxayna Magaalada Baydhabo isu
bedeshay mid soo ceshan rabta
magaceedii hore, laakiin taasi dadd
badan oo arimaha Soomaaliya si weyn
wax uga qora ayaa waxay ka
muujinayaan sheki, waxayna leeyihiin
Baydhabo waxay qayb ka tahay
Magaalooyinkii hore Soomaaliya u
lahayd , waxayna hormuud u tahay bay
leeyihiin kuwo kale oo laga cabsi
qabo inay gacanta ku dhigaan
ciidamada Ethobia oo hore u haystay
qaybo ka mid ah dhulkii weynaa ee
Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa socda diyaar
garoow dagaal oo dhinac kasta ah, oo
ay wadaan qaybaha kala duwan ee
dowladaha dunida qaarkood iyo
NGo’syada caalamiga qaar ka mid ah,
mana jiro xal aan dagaal ahayn oo
muuqda, marka laga reebo arintaan
diyaar garowga ah, shacabka
Soomaaliyeed kuma baraarugsana
hawlahaan socda, sababtoo ah waxaa
jira siminaaro kala duwan oo ay
qabanayaan qaar ka mid ah Ngo-yada
Dowliga ah iyo kuwa aan dowliga
ahayn, waxaana si lama filaan ah u
baaqday dagaal weyn oo dhici lahaa
Roobabkii dayrta iyo fatahaad-yo ay
geysateen labada Wabi Jubba Iyo
Shabeele, dowlada FKMG dhexdeeda
waxaa ku jira khilaaf, isagoo wajiyo
badan leh, taasina waxay mustaqbalka
luminaysaa wax qabadkii laga
doonayey Beesha Caalamka iyo
is’fahamkii guud ee Bulshada
Soomaaliyeed, inkastoo Allihii na
uumay awoodiisa laga gudbi Karin,
Laakiin bulshada ku nool inteeda
badan ma taageersana DFKMG,
maadaama ay dowladu ay la timid
Ciidamo ka socda dowladaha deriska
iyo dilka dadka deegaanka ay
geysanayaan.
Magaalada Baydhabo hada waxay u
muuqataa mid lahaan shaheeda uu
mugdi ku jiro, maadaama ay ku sugan
yihiin Ciidamo Ethobian oo aan
tiradooda si rasmi ah loo sheegi
Karin, isla markaana dadka deegaanka
wax xurmad ah kuma laha, oo
xuquuqdii ay ku lahaayeen
deegaankooda ma helaan, maadaama
DFKMG lagu soo dhisay nidaamka
4.5-ka, halkii laga rabay in dowladu
ay u deyso arrimahooda gudaha dadka
deegaanaka, waxay ku haysaa
faragelin toos ah, taasina waxay
inta badan keentaa isku dhacyo soo
noqnoqda.
Maamulka Gobolka Baay iyo kan
deegaanka ee hada ka jira Magaalada,
waxaad moodaa in dadweynu aysan ku
qanacsanayn, sida uu wax u maamulayo,
sababtoo ah Maamulka gobolka isagoo
aan wax digniin, waanooyin iyo talo
celin u soo gudbin dadweynaha ayey
isku deyaan inay wax fuliyaan, sida
duminta buushashka ku yaala
hareeraha jidadka soo gala Suuqa
weyn ee Magaalada Baydhabo, iyadoon
dadweynaha loo sheegin halka iyo
sababta loo rarayo. Dadkaas laga
burburinayo Buushashka waxaa ku jira
Haween Agoomo haysta oo aan haysan
meel kale oo ay nolol maalmeedkooda
ka soo saartaan iyo kuwo kale oo u
badan dad danyar ah.
Deegaan ahaan Magaalada Baydhabo
waxaa iska leh Beelaha Digil iyo
Mirifle, khaas ahaan beelaha sideed
iyo sagaal, gaar ahaan beesha sideed,
dadka ku nool Magaalada Baydhabo
waxay is-weydiinayaan maadaama ay in
mudo ah dagaalo soo noqnoday ay ka
dheceen Magaalada Baydhabo, horta
Baydhabooy yaa ku leh ??!!, ma
Dagaal oogayaasha dalka Soomaaliya
ayaa iska leh, mise dowladaha
deriska ayaa ku loolamaya oo doonaya,
mid kasta inay gacan ku haynta
magaalada ay la wareegto, mise
dadkii iska lahaa ayaa doonayaa in
ay iska wareejiyaan deegaan
ahaanteeda iyo magaceeda maadaama ay
hanan waayeen Maamulkeeda iyagoo
isku duuban, mise Ethobia ayaa iska
leh, mise Ciidamada ka yimid
Punt-land, mise dadkii deegaanka
lahaa ayaan sida wax loo maamulo iyo
nabad-gelyada loo sugo aqoon iyo
su'aalooyin kale, runtii waa su’aal
muhiim ah marka loofiiro waxyaabaha
dhacaya, sababtoo ah Ciidamada ku
sugan Magaaalada Baydhabo waxay
isugu jiraan kuwo laga keenay
Gobolada dalka qaarkood haba ugu
badnaadeen kuwa Punt-land laga
keenay iyo kuwa Ethobia.
Laakiin su’aalahaasi ka
jawaabistooda waxay u taalaa in
badan oo ku nool dalka gudihiisa iyo
dibadiisa, balse anigu waxaan
leeyahay wali arintaasi waxay
leedahay jawaab dhow in Soomaaliya
ay ka mid tahay Magaalada Baydhabo,
isla markaana ay iska leeyihiin
dadka deegaanka ku magacaaban inta
kale waxaan u arkaa in arintu ay
tahay hadal tiro aan tayo lahayn.
Dhinaca kale tan iyo markii
kalsoonida loo qaaday Dowlada Prof;
Cali Maxamed Geedi ee uu
Raysul-wasaaraha ka ahaa
islamarkaana lagu soo dhisay
Magaalada Nayroobi ee dalka Keynia
kana koobanayd 100-ka xubnood iyo
dheeraadka, ayaa xaalada Siyaasadeed
ee dalka waxaa maalinba maalinta ka
dambeysaa ay sii noqonaysay mid gebi
dhaclaynaysa, waxaana soo baxay
dhacdooyin kala duwan.
Dhacdooyinka kala duwan ee ka
dhacayey dalka waxaa ka mid ah in
Wasiiradii uu soo dhisay Prof; Cali
Maxamed Geedi intooda badan ay
is’casilaan, kadib markii ay heshay
kalsoonida Baarlamaanka Xukuumada
Prof, Geedi, taasoo in badan la
hadal hayey sidii kalsoonida loogala
noqon lahaa dowlad Prof,Geedi, waxaa
si lama filaan ah u kala fogaaday
Mas’uuliyiinta dowlada ugu sareysay,
waxaa si hal haleel ah ugu soo
gurmaday Mas’uul ka mid ah Dowladaha
deriska, oo kalsooni weyn ku qabay
Madaxda sare ee DFKMG.
Mas’uulkaan ka socday dowladaha
dersika wuxuu ku guulaystay inuu
xakameeyo khilaafkii markaa jiray,
waloow aakhirkii waxyaabihii lagu
heshiiyey ay isu rogeen khilaaf ku
faafay dhamaan xubnaha DFKMG intooda
badan.
Waxyaabaha laysku af-gartay ayaa
waxaa ka mid ahaa, in dowlada gebi
ahaanba la kala diro, isla markaana
uu Raysul-wasaaruhu uu soo dhiso
xukuumad kooban oo tayo leh, hase
ahaatee arimahaan ayaa waxay keeneen
in dhismaha xukuumadu uu waqti badan
qaato, waxaana soo baxay hadal hayn
fara badan oo ku saabasan dhismaha
xukuumada cusub, taasoo ay ka mid
tahay in Mas’uuliyiinta sarsare ee
dowlada ay isku qabtaan qaabka loo
soo xulayo xubnaha Golaha Wasiirada
DFKMG, inkastoo markii dambe
arintaasi ay ka soo wajahday
culaysyo caalami ah iyo kuwo gudaha
sida aan ka helayney ilo wareedyo
hoose.
Ku
dhawaaqista dhismaha Golaha
Wasiirada cusub ee Dowlada Prof;
Cali Maxamed Geedi kadib, waxaa soo
baxay mucaaradad xoog badan oo
dhinaca xubnaha Baarlamaanka ah,
sidii ay kalsoonida u heli lahayd
Xukuumada cusub ee uu soo dhisay
Raysul-wasaare Prof; Cali Maxamed
Geedi, iyadoo aan taasi lagu
guulaysan ayaa dowlada waxay ka qayb
gashay shirkii labaad ee
dibu’heshiisiinta Magaalada Khartuum
oo dhowr jeer lagu hungoobay
qabsoomidiisa, waxayna labada
dhinaca DFKMG iyo Maxkamadaha isla
soo saxiixdeen heshiis ka kooban
11-qodob.
Intii
uu shirka socday waxaa safaro kala
duwan dalka dibadiisa ku aaday
Mas’uuliyiinta sare ee Dowlada iyo
Maxkamadaha, iyagoo si gooni gooni u
tagay Magaalada Nayrobi ee dalka
Kenya, iyagoo kala qabayna fikrado
kala gedisan, hase ahaatee Urur
Goboleedka IGAD oo ku shiray isla
bishaas ayaa waxay soo saareen
go’aano lagu doonayey sidii Ciidamo
shisheeye oo ka socda IGAD loo geyn
lahaa dalka Soomaaliya.
Go’aamadan ayaa waxaa si weyn ugu
soo horjeestay Madaxda sare ee ee
Maxkamadaha Islaamiga, xubno ka mid
ah Urur Goboleedka IGAD oo ay ku
jiraan dowladaha deriska qaar ka mid
ah, waxaa jawaab aan la filaynin ka
bixiyey Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG
Col/Barre Aadan Shire wuxuuna yiri
“in Ciidamo shisheeye dalka la
keeno ma ogolin, waxaana ku filan
ciidamadii XDS”, wuxuu keloo ku
dhawaaqay in maamul Goboleed Jubba
Land uu dhisayo oo ka kooban labada
Jubba iyo Geddo.
Hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka
wuxuu noqday mid dhaliyey khilaafyo
fara badan oo uusan filaynin, waxaa
ka daba hadlay Mas’uuliyiin kala
duwan oo isugu jira madaxda Dowlada,
Siyaasiinta deegaanadaasi, Hogaamiye
dhaqameedyo iyo Ururo bulsho oo ka
jiray deegaanadaasi, waxaa Magaalada
Baydhabo ka bilowday dibad baxyo
looga soo horjeedo hadalka
Wasiirka.
Magaalada Baydhabo oo ahayd xaruntii
Dowlada FKMG daddweynihii deganaa
waxay isu diyaariyeen banaanbaxyo ay
uga soo horjeedaan, laakiin markii
la gaaray xiligii isu soo baxa, wax
yar ka hor waxaa Garoonka
Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ka
bilowday is rasaasayn ay ku
geeriyoodeen ugu yaraan shan ruux
ayna ku dhaawacmeen in ka badan,
kadib markii ay isku dhaceen Koox
ilaalo hore uga ahayd Garoonka
Diyaaradaha Magaalada Baydhabo iyo
Ciidamo ka amar qaadanayey Taliyaha
Ciidamada Booliiska DFKMG Gen, Cali
Madoobe. Oo gacan ka helaayey
Ciidamo kale oo hore u joogay
agagaarkaasi.
Is
rasaasayntaan ayaa waxaa ka hadlay
Mas’uuliyiin fara badan oo isugu
jira Siyaasiinta deegaanka, Wagarad
iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada,
waxaana soo baxay mawjado hadal ah
oo wata caro kala duwan, waxaa khal
khal galay Amaankii Magaalada
Baydhabo, waxaa la qaaday Baandowgii
saarnaa Magaalada Baydhabo in mudo
ah, iyadoon cidina lagu wargelin in
la qaaday, Ciidamadii Booliiska
waxay maalmo ku xeroodeen
Xeryahoodii, waxaana dhegaha
daddweynaha nabada jecel ku soo
dhacaayey in la ugaarsandoono
qaybaha kala duwan Ciidamada DFKMG
siday u dhan yihiin, hadii lagu arko
iyagoo dirayskooda wata Habeenkii
Magaalada Baydhabo, waxaa
dhibaatadii dhacday, dusha laga
saaray Sarkaalkii ugu sareeyey
Ciidamada Booliiska DFKMG.
Iyadoo
arintaasi daddweynaha iyo
Mas’uuliyiinta kala duwan ee ku
sugan Baydhabo aysan ka qaadan
mowqif midaysan oo la wada og’yahay
ayaa waxaa dhacay Qarax geystay
khasaaro naf iyo maal leh oo la
doonayey in lagu dilo Madaxweynaha
DFKMG Col/C/llaahi Yuusuf Axmed.
Qaraxaan oo ka dhacay meel aan ka
fogeyn Irida Xarunta Baarlamaanka
DFKMG ee Magaalada Baydhabo ayaa
waxaa daqiiqado gudahood Indhaha iyo
Dhegaha Caalamka ay ku soo jeesteen
sawirada Qaraxa, Xaalada Siyaasadeed,
tan Nabad-gelyo iyo waxa ka dabeeya,
Qaraxaan oo ahaa mid aan Soomaaliya
waligeed lagu arag, laguna maqlin,
waxay keentay in ay hadlaan dadd in
mudo ah aamusnaa, ayna naxaan dadd
aan diyaar u ahayn inay naxaan,
waxaa farxay dadd aan farax ku
haboonayn, waxaana dhashay Maalin
dareen kala duwan wadata, waxaa sii
furmay Al-baabkii shekiga iyo
Fowdada, waxaana ruux kasta ka lumay
koontaroolkii, waxaana la galay
saacado wata cabsi badan.
Qaar
ka mid ah ilaalada Mas’uuliyiinta
kala duwan ee dowlada waxay ii
sheegeen markii uu Qaraxu dhacay,
daqiiqado kadib waxaa hoolka
Baarlamaanka isugu soo uruuray wax
alle wixii ilaalo ahaa ee la socday
Mas’uuliyiinta ku sugnaa Hoolka,
waxaana qadar daqiiqado ah khal khal
galey amaanka, iyadoo laga cabsi
qabay in halkaas uu ka dhaco dagaal
Af-saar ah, waxaa goobtii yimid
Ciidamada Booliiska.
Saacado kadib waxaa soo baxay in
lays-weydiiyo cida ka dambeysay
Qaraxaan, waxaana laysla
dhexmaraayey horta Qaraxaan yaa ka
dambeeya, Ma Qabiil baa leh, mise
Qaran baa leh, arimahaasi iyo kuwo
kale oo badan, waxaana la xiray dadd
badan oo wadaado ah, islamarkaana
lagu sheegay inay qayb ka ahaayeen
dadkii ka dambeeyey Qaraxa, waxaa la
adkeeyey amaanka goobihii kala
duwanaa ee ay joogeen Mas’uuliyiinta
dowlada, iyo guud ahaan Xarunta ay
ku sugan tahay dowlada, waxaana soo
baxay is’bedelo aysan dadku si guud
u wada fahmaynin, kuwaasoo ay ka mid
yihiin in marka mas’uuliyiinta
dowlada qaarkood xarumahooda ay
kasoo baxayaan la dhigo ilaalo gaar
ah oo isugu jira kuwo wata qoryo iyo
kuwo nabad-sugid ah goobaha ay
marayaan, waxaa Hoteelada Magaalada
lagu wargeliyey in ay diiwaan
geliyaan dadka cusub ee soo seexda.
Iyadoo
ay taasi jirto ayaa waxaa mar
seddexaad dib laysugu soo noqoday
shirkii dibu-heshiisiinta Khartuum
oo ay Jaamacada carabta soo qaban
qaabisay, midkaasoo aakhirkii lagu
guul dareystay inuu si habsami leh u
furmo, oo waa lagu soo kala dareerey,
waxaana Magaalada Muqdisho yimid
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKMG
Shariif Xasan Sh, Aadan iyo wafdi
xildhibaano oo uu hogaaminayo,
arintaan ayaa waxay dhalisay dareen
weyn oo cabsi leh, waxaana
durbadiiba soo baxay khilaaf xoog
leh, waxaa hadalo isu burinaayo ay
ka soo yeereen Xubno ka tirsan
Mas’uuliyiin dowlada, waxaa
imaashiyaha Gudoomiyaha baarlamaanka
soo dhaweeyey dadweynaha
Soomaaliyeed ee ku kala nool dunida
dacaladeeda, halka qaarkood ay ka
digeen inuu imaashiyaha Gudoomiyaha
Baarlamaanka Shariif Xasan Magaalada
Muqdisho keeno khilaaf hor leh.
Waxaa
layaab iyo amakaag ah ciidamada
dowlada u xareysan lama siiyo
Mushaar iyo nolol maalmeed ku filan,
isla markaana waxaa maalin walba la
furaa tababaro is-daba joog ah,
waxaana loo diyaarinayaa inay xabada
isu dhigaan si ujeedooyinka dowlada
loo fuliyo, waxaana intaa usii dheer
in lagu maslaxo waxyaabaha maanka
dooriya sida Jaadka, waxaa Magaalada
dhexdeeda aad ku arkaysaa, qaar ka
mid ah Maleeshiyooyinka dowlada u
xareysan oo ay horjoogayaashooda
jaad ugu qaybinayaan Magaalada
dhexdeeda, hase ahaatee qaar ka mid
ah Mas’uuliyiinta dowlada marka ay
jago doonayaan waxaan hadalo hoose
ku maqalnaa in lacago fara badan la
bixiyey, waa yaab kale oo u baahan
in wax badan laga ogaado.
Qaar
ka mid dadka aqoonyahanada, wax-garadka
iyo siyaasiinta hawlgabka ah oo
arimahaan siweyn ula socda arkeyna
, isla markaana ah xeel dheereyaal
dhinaca sharciga iyo Militeriga
ayaa waxay ka muujiyeen wal wal weyn,
sababtoo ah iyadoo saraakiishii hore
ee dowladii militeriga qaarkooda
isticmaali jiray balwada loo caal
waayey dhaqaalaha ku baxaayey iyo
sida lagu xukumidoono kuwaan
doonayaa in lagu hubeeyo jaad.
Xiligii aantegay Baydhabo
Magaalada Baydhabo waxaan tegay laga
soo bilaabo 26-kii Febraayo 22-kii
Oktoobar 2006-da, marka laga reebo
laba bilood oo aan ku sugnaa Marko
iyo Muqdisho oo aan hawlo shaqo u
joogay, mana ahayn waqtigii iigu
horeysay oo aan tago magaalada
Baydhabo.
Markii
tageyaayey Magaalada Baydhabo iyo
markii aan ka soo tegayeyba waxaa u
dhexeeyey farqi aad u weyn, hadii
aan soo koobo, Hoteelkii iigu
horeeyey ee aan ku degay markii aan
seexaday habeenkii subaxii waxaa
lagu bilaabay dayactir, taasina
waxaa keenay waxay ahayd jiif la
‘aanta ka jiray xiligaas, waxaana ku
soo ququlaayey dadd kala duwan.
Qiimaha Hoteelku wuxuu ahaa mid
hoose, maalmo kadib wax baa lagu
daray heer uu gaaro inta kuwa kale
lagu seexdo, Nolosha Magaalada
xiligaasi waxay ahayd mid aad u
liidata, xitaa hadii aad lacag
wadatay, ma heleyn waxa aad rabto,
ma jirin Baabuur la raaco, magaalada
waxaa gees walba Qoryo la
dhexmaraayey maleeshiyooyinka
deegaanka, inkastoo xiligaas aan
cabsida hada jirta aysan ka jirin,
Mas'uuliyiinta xiligaas joogay waxay
ahaayeen kuwo la yaaban
nabad-gelyada Magaalada Baydhabo
sida hada loona yaaban yahay
Muqdisho, laakiin Mas'uuliyiintii
xiligaas la arkayey waqti walba hada
lama arko, hadii aad aragto waxaa la
socda koox qoryo wadata, taasina way
kuu cadahay waxa ka jira.
Sidoo
kale sida Magaalada ay uga dhaceen
qaraxyadii iyo dilka mas'uuliyiinta
waxaa jira kooxo u xilsaaran wax
kasta oo ku soo kordha magaalada, ha
ahaado ruux iyo wixii la mid ahba,
waxaana jira dabagal aad u balaaran,
laakiin sidaas ay tahay dowladu ma
awoodo inay fuliso hashii ay
doonayso marka laga reebo wax-yaabo
yar yar oo iska caadi ah oo dadka
deegaanka ay ogol-yihiin, iyadoo
waliba waqti badan qaadata ka
dhaadhicintooda arimahaas, dadka soo
gala Magaalada ee saaran baabuurta
kala duwan qaarkood waxaa lagu
reebaa Barkoontaroolada ama waxaa
loo gudbiyaa baabuurta saldhiga
Booliiska halkaas oo su'aalooyin
lagu weydiiyo, Magaalada dhexdeeda
waxaad ku arkaysaa ciidamo Ethobia
ah oo wata Baabuurta dagaalka iyagoo
gashan dharka lagu yaqaano
maleeshiyooyinka Soomaalida, waxa
keli ah oo lagu kala saarikaro ayaa
waxay tahay qaabka Hubka ay u wataan
iyo feejignaanta ay qabaan, qaarkood
waxaad moodaa Soomaali, waxayna la
bexeen Gar weyn, isla markaana
waxayna qaateen Cimaamado guduudan,
qofka ku cusub deegaanka wuxuu u
malaynayaa inay wadaado Soomaali
yihiin.
Dhinaca kale Markii ay qabsadeen
Maleeshiyooyinka Maxkamda Islaamiga
Magaalada Muqdisho ayna sugeen
ameenkeeda waxaa taageeray qaybaha
kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed
oo ku kala nool dalka gudahiisa iyo
dibadiisa, waxaana safaro kala duwan
oo aan kala go’ lahayn dalka ku
yimid inta badan aqoon-yahanadii
qurbo jooga ahaa, waxayna la shireen
Mas’uuliyiintii Maxkamadaha
Islaamiga, iyagoo u gudbinaya
talooyin wax ku ool ah mustaqbalka
dhow iyo kan fogba, balse taasi
waxba laga ma soo qaadin marka laga
reebo in yar oo fara ku tiris ah
mooyaane, taasina waxay muujinaysaa
inay kala mid yihiin Hogaamiye
Kooxeedyadii 16-ka sano ku
hardamaayey hogaanka dalka iyo
Magaalada Muqdisho, kadib markii
shirar badan loo qabtay iyo fariimo
lagula talinayo loogu soo gudbiyey
Warbaahinta dalka iyo dibadba, hase
ahaatee taasi waxba kuma qaadan
hogaamiye kooxeedyadii oo
haroogoodii wuxuu hada ku sugan
yahay Magaalada Baydhabo iyagoo
qaarkooda DFKMG ay ka mid yihiin,
halka kuwa kale iyaguna ay wadnka
isaga haajireen.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu ka
mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii ugu
horeeyey ee dalka ka jiray in mudo
ahna dagaal ugu jiray sidii talada
dalka uu gacanta ugu dhigi lahaa.
sida
uu warbaahinta ka sheegay
qudbadiisii ugu horeysay ee uu
jeediyo markaad dib u dhuuxdo waxaa
laga dhadhansan karaa mid is
burinaysa wuxuuna yiri “ Aniga waxaa
laygu xantaa inaan ahay nin dagaal,
laakiin wixii maanta ka dambeeya
waxaan ahay nin nabdeed, xilka aad
ii dhiibteen ama waa laygu dilayaa,
ama waan iska dhiibayaa, hadii kale
wax baan dalka ka qabandoonaa”.
Hadaladaan waxay muujinayaan inuusan
ka tanaasulin waxa uu sheegayey,
sababtoo ah dalka hada waxaa ku
sugan Ciidamo shisheeye oo aan
rabitaanka shacabka Soomaaliyeed
lagu keenin, ciidamadaan ayaa waxay
ka soo jeedaan dowladaha deriska oo
in mudo ah dagaal kala dhexeeyey
dalka Soomaaliya, codsashada
ciidamada shisheeye iyo in dalka
Soomaaliya cunaqabataynta hubka laga
qaado, dhamaan hadaladaan iyo kuwo
kale oo fara badan waxay ku
tusinayaan inaan wali dagaaladii
sokeeye laga bixin, lama oga in
madaxweyne C/llaahi Yusuf uu
hilmaamay iyo in kale hadaladaan
iska soo horjeeda, dagaalkuna
dhibaatooyinkiisa isagaa hore u
sheegay oo wuxuuna yiri “Jabhadnimo
waa Jahano oo wax fiican ma ahan”.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wali kuma
quus qaadanin sida loo galay
saaxiibadiisa oo qaarkood hada la
jooga, halkii laga rabay inuu wax
badan daweeyo, waxaa dhibaataysan
ciidamadii isaga ciidan u ahaa oo ma
haystaan wax mushaar ah, wuxuuna
jecel yahay inay xabada ka difaacaan,
waa yaabka yaabkiis.
Waxaa
gacan ku haynta degmada Diinsoor la
wareegay Maamulka Maxkamadaha
Islaamiga maalmo dhow, waxaa maalmo
la xiray Isgaarsiintii Degmada,
taasoo ganacsatada degmada iyo
shacabkii ku nolaa laga dhigay
xuquuqdoodii mid aan jirin, waxaa
idaacadaha qaarkood ee ka hawlgala
Magaalada Muqdisho laga siidaayey in
ay la wareegeen gacan ku haynteeda
DFKMG, taasoo aysan ka haysan warar
xaqiiqo, sida la og’yahayna ay tahay
in Tikniko iyo Ciidamo ku sugnaa
deegaanka Unfuroow oo ay la haayeen
Beelaha dega deegaankaasi, markii ay
maqleen in maxkamadaha Islaamiga ay
qabsadeen Degmada Diinsoor oo u
cararay laga dhigay wax gacan ku
haynta degmada ay la wareegeen DFKMG,
si isku dhacyo looga abuuro
deegaankaasi, mana ahan markii ugu
horeysay oo warar aan la hubin ay ka
soo tabiyaan Idaacadaha Qaarkooda,
inkastoo aan la ogeyn wax ay uga
danleeyihiin.
Dhowaan waxaa afaafa hore ee
Magaalada Baydhabo ka dhacay qarax
labaad oo ay ku dhinteen sarkaal ka
tirsan Ciidamada Booliiska iyo qaar
ka mid ah shacbi Soomaaliyeed oo
saarnaa baaburta kala duwan ee lagu
baarayey halkaasi, lama oga sababaha
qaraxaasi iyo Cida ka dambeysay,
balse warar soo baxayey waxay
sheegayeen in Gaari Market Two ah oo
ay saaran yihiin haweenay iyo laba
rag oo mid uu yahay darawalka
Gaariga oo magaciisa la iigu sheegay
Abukar Eelaay u ahaa gaariga qarxay.
C/llaahi Sh, Maxamed Daa’uud
Maxamed Maxamuud Rooble (Diyeeshe)
Xaaji Maxamed Xaaji Maye |
Darawalka gaariga ayaa la iigu
sheegay in markiisa hore laga
kexeeyey Magaalada Muqdisho, isagoo
qaab makaaniko ahaan loo waday,
markii uu gaariga sameeyeyna lagu
yiri inoo gee Magaalada Baydhabo,
isagoo aan waxba kala socon wax
gaariga ku rakiban iyo goorta la
qarxin rabo.
Hadaba
:-
Hadaba
iyadoo ay og’yihiin waxaas iyo wax
ka badan shacbiweynaha Soomaaliyeed
meel kasta oo ay joogaan iyo dhamaan
Bulshoweynta Caalamka ayaa waxaan
qaar ka mid ah dadweynaha ku nool
Magaalada Muqdisho wax ka weydiinay
aragtidooda ku aadan, Mar hadii
Hogaamiye kooxeedyadii 16-ka Sano
burburiyey dalka guud ahaantiisa,
isla markaana ay kala qaybiyeen guud
ahaan wadanka oo dhan, oo intoodii
badnayd laga ceyriyey Xarumihii ay
ku sugnaayeen, ayna ku soo hareen
Magaalooyinka Baydhabo, Hargeysa,
Gobolada Woqooyi Bari iyo Mudug,
iyagoo qaarkood sheeganaya inay ka
mid yihiin DFKMG, halka qaar kale ay
sheeganayaan inay ka go’een dalka
intiisa kale iyo kuwo kale oo
iyagana sheeganaya inay dhisteen
maamul Goboleed madax banana, ayna
soo baxeen Maxkamado Islaami ah oo
Koofurta dalka intiisa badan gacanta
ku haya, iyagoo doonaya inay dalka
ku soo rogaan Xukun Islaami ah,
qaybo ka mid ah dalka Soomaaliyana
ay ku sugan yihiin Ciidamo Ajnabi ah
oo ka socda Dowladaha deriska,
lagana yaabo inay soo socdaan kuwo
kale oo dunida, shacabka
Soomaaliyeedna uu qarka u saran
yahay in mar kale uu la kulmo dagaal
waqtiyo hore laga soo gudbay inuu
dib ugu noqodo, iyadoo Gobolada
qaarkood shacabkii ku noolaa ay uga
barakeceen Fatahaada Wabiyada
Shabeele iyo Jubba, oo walina aysan
jirin Maamul laysku raacsan yahay oo
ka hirgelay dalka oo wax u qabta
shacabka, hadaba maxaa la gudboon
shacabka Soomaaliyeed inuu sameeyo!!?.
Ugu
horeyn C/llaahi Sh, Maxamed Daa’uud
oo hore uga mid ahaan jiray
Xildhibaanadii TNG-ada Carta oo hada
ka mid ah Ganacsatada yar yare e
Suuqa Daawada ee Barkaaro oo aan
kula kulmay goobtiisa shaqo ayaa
qaba fakir ah “ Shacabka
Soomaaliyeed wuxuu ku jiraa xaalad
Tiih ah, taasina ilaahay baa waqti u
sameys’tay oo inagu ma ogin xiliga
laga baxayo, sababtoo ah shacabka
Soomaaliyeed wuxuu u kala qaybsan
yahay DFKMG, Maamulka isku
magacaabay Somaliland, Puntland iyo
Maxkamadaha Islaamiga, intaasina
waxay ku haystaan Qori caaradiisa,
taasina waxaa looga gudbi karaa,
waxaan la helaynin oo aan ula jeedo
in faragelinta shisheeye laga daayo
arimaha Soomaaliya, isla markaana
layska daayo qabiilka, sababtoo ah
Soomaalidu way is fahmeysaa oo waa
isku Af, Diin,Dhaqan iyo isku Sinji,
hadii arintaasi la waayo Soomaaliya
waxay gelaysaa Maxmiyad, waxaana ka
faa’iidaysanaya Dowladaha waaweyn ee
dunida, waxayna dib ugu noqonaysaa
gumaysigii hore, waayo ma hayno
tabar aan wax is kaga difaacno ayuu
hadalkiisa ku soo koobay”.
Maxamed Maxamuud Rooble oo ka mid
ah raga ku hawlan hawlaha Gawaarida
ee Gobolka Baay aada, islamarkaana
ka mid ah dadka degan Magaalada
Muqdisho ayaa qaba fakir ah “
Shacabka Soomaaliyeed qaybihiisa
kala duwan waxaa la gudboon, inay
mar kale ay kacaan, sababtoo ah
waxaa maqan xuriyatul qowl-koodii,
waxaana laga dhigay mid cabursan,
xalkuna wuxuu ku jiraa, in kuwa hada
sheeganaya Mas’uuliyiinta kala duwan
iyo Hogaamiyeyaasha shacabka in ay
si toos ah u wada kulmaan, maadaama
ay luntay kalsoonidii dowladii dhexe
ee Soomaaliya isu keeni lahayd,
hadii arinkaasi la waayo wadanku
wuxuu halis ugu jiraa inuu maxmiyad
galo, marka shacabka Soomaaliyeed
waa inay ka fekeraan maslaxadooda”.
Sidoo
kale Xaaji Maxamed Xaaji Maye oo ka
mid ah Beeralayda ku dhaqan Gobolka
Shabeelaha Hoose oo aan kula kulmay
Boosteejada Baabuurta aada qoryoolay
ayaa isana qaba fakir ah “Shacabka
Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay
raacaan Maamulka Maxkamadaha
Islaamiga, sababtoo ah 16-Sano
dhibaato socotay ayey mudo 3-Bilood
gudahooda ku soo Af-jareen, hadii
dadka shabeelaha hoose ahaana u
hadlo waxaan taageer-sanahay in
maamulkii hore uu inoo jiro, hadii
shacabka Soomaaliyeed uu taageeri
waayo Maxkamadaha Islaamiga, waxaa
ku imaandoona dhibaatooyin hor leh
oo dhiig badan uu ku daato, xalka
keliya ee dalka iyo dadka lagu
dhaqi karo waa Kitaabka Alle iyo
Sunada Nabiga {NNK} ha ahaatee iyo
in la helo Madax u shaqeysa dadka,
diinta iyo Dalka”.
W/D:-
Maxamed Macallin Cismaan {Allman}
Emeil:-
fatxumaalik@hotmail.com
Emeil:-
fatxumaaliky@yahoo.com
Adigoo jiran haygu soo noqonin...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 9, 2006