SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

War Gaalkacyo maa Gaalada laga Kacsho 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


BISMILLAAHIRRAXMAANIRAXIIM

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU. 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Qabiil Mudug iyo Hawd wax ka dega baa la dhahaa Gaalo-eri. Erigu maaha xoolaha ariga ama adhiga loo yaqaan ee waa gaalo-cayriyayaal. Hadda waxaad mooddaa in in badan oo ka mid ah dadka reer Puntland noqdeen gaalo-keenayaal. Waana u qalannaa in innaga iyo tafiirteenna loogu yeero gaalo-keenayaal marba haddii maanta magaladii Gaalkacyo ay maxaysato Tigree ah dhex mushaaxeyso. Adduun! Waan joogay mar ay diyaarado Xabashiyeed dukheynayeen Gaalkacyo weliba iyadoo si naxariis-darro ah qumbulad iska weynaatay ku dhufatay magaalada bartankeeda si ay u geysato geerida iyo burburka ugu badan. Dabcan weyna geysatay. Hadda waxaa la ileeyahay magaaladii sidaas ahayd ayaa la rabaa in xarumaheeda, xeryaheeda ciidamada iyo garoomadeeda lagu wareejiyo! Isla diyaaradihii rusheeyey Gaalkacyo baa hadda ku soo degaya iyagoo raba iney ka duulaan si ay u dukheeyaan magaalooyin Soomaaliyeed oo kale! Yaa weligiin waxaas ku fekeray! Ilaahay balanki, nimanka hadda Soomaaliya iyo Puntland horbooda markey diyaaradahaasu na rusheynayeen waxay ku dhexjireen ciidama Itoobiya iyagoo loo yaqaan Kulmis! Maanta iyaga iyo saaxibadood baa Ilaahay mar kale ku kulmiyey Baydhabo iyo Gaalkacyo! Shaki iigama jiro in wixii Kulmis-1 ku dhacay uu ku dhacayo Kulmis-2. 

Waxaan aamminsanahay, qof kasta oo reer Puntland ah oo raba in Xabashi timaaddo inuusan lahayn magaaladaas. Qofkii wax dhalay ama dhul ka dhashay, Xabashi iyo wax la mid ah uma dhiibto geyigiisa. Waxaan is xasuusinaynaa dhowr arrimood si aan u fahanno qofku siduu diintiisa, dhulkiisa, dadkiisa iyo ubadkiisa uga naxo: 

  1. Mar ay labo haween ah isku qabsadeen wiil ay midba sheegatay iney iyadu dhashay waa tii nabi Daa’uud (CS) u xukumay midda weyn. Dabadeedna waa tii Nabi Suleymaan (CS) uu arrintii soo galay oo yiri: waan idiin kala goynayaa wiilka kaddibna tii aan wiilka dhalin ku qanacday arrintaas halka tii wiilka dhashay ay tiri intii la qali lahaa ha qaadato wiilka midda aan dhalin. Markii nabi Suleymaan (CS) u caddaatay tan wiilka dashay ayuu farta ka saaray. Sidoo kale qofkii Somaaliya ama Puntland ama Mudug u dhashay inta Maxkamadaha u diido Gaalkacyo ma keeneen Xabashi. Marka haddaan nahay shacabka Soomaaliyeed waxaan iney waddanka xukumaan u xukunnay maxkamadaha maxaa yeelay qolyaha dowladaha sheegta waa kuwo cadowga Soomaaliyeed u adeegaya oo sidii haweentii aan wiilka dhalin u rabtay in wiilka la qalo aan iyaguna uga naxeyn in Zenawi uu Soomaaliya xukumo.
  1. Saxaabigii Kacab Binu Maalik markii uu ka baaqday dagaalkii Tabuuk waa tii la yiri hasoo dhexgelin saxaabada ilaa xitaa haweentiisii la yiri ka tag. Heer uu gaaray in magaaladii uu ku dhashay ay la noqotay meel uusan garanayen sidoo kalana dadkii dad u xigay oo ay isla soo koreen xitaa diideen iney salaanta ka qaadaan iska daa iney la hadlaane. Iyadoo arrintu halkaas marayso ayaa waxaa warqad uga timid boqorkii Ruum oo ku leh: Kacaboow, nin weyn oo gabyaa ah baa tahay, marka ma tihid nin la ihaaneystee haddii saaxibkaa (nabiga SCW ka wadaa) ku deyriyey, annaga na soo haleel! Kacab (RC) wuxuu yiri: dhibtii hore waxaa iiga darnaatay warqaddaas ilaa intuu jeexjeexay uu dab ku riday. Halka Gaalkacyo oo barwaaqo afkaas la maraysa ay dadkeedu ogolaadeen in Xabashi timaado.
     
  2. Markii labadii saxaabi ee Cali Binu Abii Daalib iyo Mucaawiye is dagaaleen labadaba Ilaahay raalli haka noqdee waxaa jirtay in sidoo kale boqorkii Ruum uu la soo xiriiray Mucaawiye oo yiri: ma rabtaa inaan ciidan kuu soo diro si ay kuu caawiyaan oo aad ula dagaashaan Cali Binu Abii Daalib? Laakiin Mucaawiye inta warqad u qoray buu yiri: Eey baad tahay ee mar dambe sheekadaas oo kale yaan kaa maqal.

Ma ila yaabteen markaan soo qoray gabaygii Allaha u naxariistee Cismaan Yuusuf Keenadiid ee ahaa: Xayoow Maxamadoow laga waswaas xaalka reer Muduge? Ilaa uu yiri: 

  • wa meel xaqiiqdii dhuntoon, xaqa la sheegeyne
  • waa meel ay xaaraantu tahay, sida xalaashiiye
  • waa meel xadgudub joogo iyo, xilofur beeneede;
  • waa meel xurquun door u yahay, kii xarshaash ihiye
  • waa meel xifaalliyo dembiyo, xani ka buuxdaaye
  • waa meel uu xoolaysan lacag, xaakin kii ihiye;
  • waa meel xirfoba laga dhigtaa, xeelad iyo ceebe
  • waa meel ninkii xoog yaraa, xaddan ku joogaaye
  • waa meel xaraash iyo dhac iyo, xoogsi la hayaaye;
  • waa meel xayaatiyo dadnimo, ka xadfanaadeene
  • waa meel midkaad xor u tiqiin, Xabash ka liitaaye.

Anigu hal beyd oon mar hore ku daray iyo mid kale aan gabaygaas ku karo  

  • waa meel xabaaluhu yihiin xaram la aadaaye (qabriyo laga dambeeyo)
  • waa meel Tigreegii xumaa xaakimkii yahaye

Haddaba ogaada, maqaalku caay ma ahayne waxaan arkayey waxa meesha ka soo socda. Marka waxaan Cismaan iyo ani Mudug ku heysannay ma la hayaa maanta? Haddii Cismaan Allaha u naxariistee qofkii reer Mudug ah oo uu xumaantiisa ka yaabo Xabash ku mateli jiray; bal ka warran haddii maanta dadkii reer Mudug intooda badan uu Xabash xukumo!? 

Dhinaca kale haddaad milicsato, waxaan daris nahay Somaliland. Xisbiga UCID ninka xukuma waa kii lahaa wiilka Addis Ababa ku dhashay ayaa iga xiga kan Xamar ku dhashay! Shaki iigama jiro in kuwo Puntland xukuma iyo isagu ay isku hal macallin (Zenawi) wax ka dhigteen marba haddii Xabashidu ka xigto culumadii xurmada lahaa ee Soomaaliya ama Puntland u dhashay. Laguye ninka xisbigaas xukuma iyo Cabdi Gahayr baa isku qabiil ah!? Cabdi, iyadoon Xabashi Hargeysa qabsan sidoo kalana xitaa aysan imaan geyiga Riseef Eeriya (Hawd) ayuu dhihijiray: 

  • WALLEE ama gufaacada ka qaday guga la eegaayo
  • WALLEE ama Guhaadoow waxaan geysto lala yaabye
  • gacmaheyga jeeraan sidii Guray ku ciil beelo
  • ama aan gaal madoow Harar ku dilo Giibba laga noole

Ilaahay hortiis, Maxkamadaha iyo Cabdi Gaheyr waa ehel Soomaali isla ah waana isku mowqif. Cabdi Gaheyr mar uu geel iyo dagaal ka hadlayey buu diyaar u ahaa sidii Axmed Guray gaalada u laayey ama Xabash kale oo Harar lagu dilay loo galay inuu rag badan u geli doono haddaan laga maadan. Marka Soomaalida saxdaa oo arrintaas Cabdi la qabta iyo iyadoo wadaadada loo rajeyneyno iney “ Xarafka Diineed” dheer yihiin Cabdi Gahayr miyaad ka fileysaan iney Xabashida u daayaan geyiga Soomaaliyeed? Jawaabtu waa maya. Halka Cabdi Gahayr dadka ugu gooddinjiray in sidii Axmed-gurey Xabashida u laayey uu raggaas kale u leyn doono ayaa kuwa madaxda dowlad-ku-sheega iyo kuwa ilmoland waxay ku goodinyaan iney siday culumada u laayaan ay u leyndoonaan haddii shacabku ka horyimaado!  

Waxaan kaloo xasuusanayaa markuu Maxamed Fiin Cali-dhuux ku lahaa: 

  • galow baa ka ciyey ceelashaad, geesi ku ahayde
  • Buuhoodle geel looma horin, goorti dabadeede
  • gammaankii badnaa ugama fulo, labada geesoode
  • garmaaddii shubaysiyo la waa, garabyo weyntiiye
  • geedaha ka baxay laga ma cuno, godobyo dhowdhoowe
  • god abaaday waakaa noqdiyo, guri madoobaade
  • waxa guuldarrada ugu wacnaa, geni colaadeede

Marka nimanka Gaalkacyo soo geshay maxaysatada Tigreega haddee waa dad raba iney Gaalkacyo noqoto galangal sheydaan. Marka waxaan filayaa inaad is heleysaan waxaad Ilaahay ka barideen oo ah walaalihiinnii Xabashiyeed. Sidii Qur’aanku u sheegay in magaalo barwaaqo ku dhexjirtay oo irsaaqaddeedu subax iyo galabba ay u imaaneysay ay dadkii degenaa inkireen nimcadii Ilaahay dabadeedna Ilaahay dhadhansiiyey cadaab daran. Marka sida Maxamed Fiin Buuhoodle ka sheegay waxaan filayaa in Gaalkacyana noqondoonto marba haddii culumadeedii, macallimiinta dugsi-Qur’aanka dhigijiray, ganacsatadii, dhallinyaradii iyo xitaa dumarka xijaabka qaba qaarkood inta ka haajireen ay Itoobiyaan xumi fariistay meesha. 

Waagaan Mudug joogay oon kurayga ahaa waxaan u heystay in reer Mudugu dadka kale ka diin badan yihiin, ka caqli badan yihiin, ka geesisanyihiin, wax kastana ka badshaan! Run ahaantii, waxa hadda dadka reer Putland horbooda weligood ma horboodin oo odayaashii hore waxay ahaayeen kuwa caqli badan xitaa kuwooda dhibka badan. Laakiin marna isma oran indha-adeygayaga baa gaaraya inaan inta maxaysato Itoobiya u dhashay keensanno aan culumadeena ka ceyrino Mudug! 

Gabyaa reer Waqooyi ah baa laga hayaa: tabantaabo gacal baa rabaaye toloow hala i dhoofsho. Hadda waxaan dadka Soomaaliyeed iyo reer Puntland ka codsaneynaa iney ka qeybqaataan sidii Tigreega looga dhoofin lahaa geyiga Soomaaliyeed oo dhan iyo gaar ahaan Mudug. Xabashidu kuma dhoofeyso jiscin ama nooli la siiyo laakiin waxay rabtaa xabbad nool in afka loo gesho amaba gacanta lagu soo dhigo. 

Waxaan kaloo dadka maangaabkaa ee mandiqaddaa u dhashay kula talinlahaa inaan saxaafada laga maqal qof ka soo jeeda degaankaas oo soo dhoweynaya joogintaanka Xabashida. Ma aha wax qof damiir lihi ku hadlikaro. Marka Xabashina keente; hadduu Ilaah idmana waan ka xoreyneynaa Xabashida geyiga Soomaaliyeed guud ahaan iyo kan Puntland. Ilaah idanki waxaan rajeynayaa in geyigaas lagu ciido Ciidda Carafo iyadoon Xabashida ceeriinka cuntaa aysan joogin Soomaaliya guud ahaan iyo Puntland gaar ahaan. Marka sida magaca Gaalkacyo u tusayo in meesha gaalo hore laga kacshay ayaan rabnaa inaan magaalada ku soo celino magaceeda saxdaa markaan hadduu Ilaah idmo aan ka saarno maxaysatada Tigreega.  
 

WABILLAAHI TOWFIIQ

ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU. 
 

C/Waaxid C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec1, 2006

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD