SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minneapolis: Xarunta Abuubakar As-Saddiiq Islamic Center oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah.

Minneapolis, MN, USA: Waxaa galabnimadii Jimacadii (Agoosto 25, 2006) isugu yimid Xarunta Abubakar banaankeeda Saxafiyiin kala duwan oo ka socda warbaahinta gudaha ee Gobolka Minesota, iyo Madaxda Waaxda xiriirka ee Jaaliyada Yuhuuda, kaddib markii maamulka Abubakar uu warsaxaafadeed kasoo saaray gubidii loogaystay 24 August qayb kamida xarunta Abuubakar As-saddiiq.

Sida aad warbixinta & sawirada hoose ku arki doontid, waxaa la gubey kutub iyo buugaag aad u farabadan oo taaley gudaha Xarunta Abuubakar, isla mar ahaantaasna waxaa derbiga masjidka lagu qoray calaamado xambaarsan nacayb iyo xiddigta Yuhuudda.


Abdiaziz Sugule oo jeedinaya
Warsaxaafadeedkii

Midig: Abdirashid, sugule, Gary (city Council member)

dadkii kasoo qayb galay oo daawanaya kutub gubatay

Dadkii ka soo qayb galay oo dhegeysanaya warsaxaafadeedka

Warsaxaafadeedkii Xarunta Abuubakar iyo Warbixin...    


Kutubta ka badbadey dabka, lakiin qoydey

xiddigta Yuhuuda oo lagu buufiyey derbiga masjidka

Kutubtii dabka ka badbaadey oo qoyan

Kutbta gubatey

Waaberigii Khamiistii (Agoosto 24, 2006) xiligii salaada subax ay soo dhawayd ayaa Xarunta Abubakar ee ku taal magaalada Minneapolis, USA, waxaa soo weeraray laba nin, inta la qiyaasayo, mudo markay dhex wareegayeen sida laga daawaday Kaamirooyinka ku xiran Xarunta ayaa Salaadii Subax dhexdeeda waxaa laga dareemay goobta hadda sida ku meel gaarka ah loogu tukado qiiq iyo ur meel gubanaysa, muddo yar kaddibna waxaa la ogaaday in qayb kamida xarunta oo ay taalay kutub dab la qabad siiyey, isla markiiba waxaa lala xiriiray Dab damiska oo baskhtiiyey dabkaas.

Waxaa goobtaas ku gubtay Kutub Cilmi ah, halka qaar kalana ay aad u qoyeen markii dabka la daminayey, dabka ayaa waxaa loo isticmaalay Mashiin lagu xaaqo barafka oo xaruntu lahayd ayaa inta laga daadiyey shidaalkii dab lagu daaray.

Waxaa sidoo kale lagu arkay gidaarka Xarunta Calaamadaha tilmaamaya nacaybka oo lagu buufiyey darbiga xarunta, falkaan ayaan cidna loo qaban ilaa hadda kadib markay carareen danbiilayaashii sida laga arkay Kaamirada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xarunta Abuubakar As-sadiiq

Sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxday maamulka Xarunta Abuubakar As-sadiiq:

  • Markey saacadu ahayd 2:54 a.m. waxaa kaamarada masjidku muujisay in nin uu soo jebiyey daaqada gadaal ee masjidka ee dabaqa hoose, waxana uu ninkaasi cabaar ku warwareegey gudaha masjidka qayb mugdi ah, kaddibna waa uu ka baxay masjidka asagoo aan waxba samayn ama dhibaato geysan, waana qaybta uu dhismuhu ka socdo ee masjidka.

  • Markey saacaduu ahayd 5:18 a.m. waxa ay kaamarada masjidku muujisay in nin labaad uu isla daaqadii uu ninkii hore jebiyey ka soo galay masjidka, waxana uu markiiba aaday dhinaca maqaasiinka ee aan hadda la isticmaalin, halkaas oo ay ku kaydsan yihiin boqolaal kutub iyo buugaag ah. Asagoo adegsanaya mashiin kuwa barafka lagu xaaqo ah oo uu masjidku leeyahay ayuu ninkii dab qabadsiiyey, dabkaas oo gaaray kutubta iyo buugaagta,

  • Markey saacaddu ahayd 5:39 a.m. waxa ay Kaamaradu muujisay in ninkii dhibka geystey uu si degdeg ah uga baxayo masjidka isagoo ka baxaya isla daaqaddii.

  • Daqiiqado ka did ayaa la dareemay dabka, markaas ayaa la wacay booliska, dabdamiskiina ay sidaas ku yimaadeen,

  • Warsaxaafadeedku Masjidku waxa uu sheegay in ilaa markii xarunta loo iibiyey masjidka ay toddobaad kasta helayey, mararka qaarkoodna maalin kasta, ay helayeen fax-yo xambarsan farriimo ay ka muuqato nacayb iyo cay, iyo erayo ay ka mid yihiin "ku laabta dalkiinii";

  • Warsaxaafadeedku inkasta oo uusan cidna farta ku fiiqin hadana waxa uu sheegay in arrintani u muuqato mid la xiriirta nacayb (Hate Crime); waxaana warsaxaas=fadeedku sheegay in xarrunta loo asaasay isu soo dhoweynta dadka.

  • Warsaxaafadeedkii oo Af-Ingiriisi ah ka akhri halkan.... GUJI

Xarunta Abubakar As-Saddique Islamic Center ayaa Muslimiinta Soomaalida ubadan ee reer Minnesota ka gateen Magaalooyinka Mataanaha Minneapolis iyo St. Paul ee Gobolka Minnesota, hadana waxaa gaba gabo ah dhismihii qaybtii koowaad ee Masaajidka.

Falkax Naxdinta leh ayaa ay aad uga xumaadeen Muslimiinta reer Minnesota una arkeen inay mudan tahay in si deg deg ah wax looga qabto lagana hortago inuu soo noqdo fal noocaan oo kale ah, Maamulka Xaruntu wuxuu xiriir lasameeyey Booliiska qaybta qaabilsan baaritaanada kiiskana uu ka warbixiyey siduu u dhacay.

 Maamulka Xarunta ayaa ka codsaday hayada qaabilsan baaritaanada inay raadiyaan cidii ka danbaysay falkaan foosha xun.

Maamulka Xarunta Abubakar ayaa falkaan uga tacsiyeynaya dhamaan Muslimiinta reer Minnesota Gaar ahaana Soomalida, wixii arintaas kasoo kordhana waxay kasoo jeedin doonaan Kulan diineedkii lixaad ee  ka dhacaya Minneapolis Convention Center, September kowdeeda ilaa sadexdeeda (Jimce, Sabti iyo Axad).

Halkaan ka daawo sawiro laxariira dabka... Guji...

Warsaxaafadeedkii oo Af-Ingiriisi ah ka akhri halkan.... GUJI


Gudaha masjidka Qaybta dhismuhu ku socdo

Nacaybka lagu qoray derbiga masjidka

Masjidka dhinaca dabacyada labada dabaq

Masjidka dhinaca woqooyiga xiga ee dabaqa

Matoorkii dabka la qabadsiiyey

Kutub aad u gubatey

Halkaan ka daawo sawiro laxariira dabka... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 25, 2006

Wararka kale ee Maanta ka akhri halkan.... GUJI...


Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD