SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


“Nabi Muuse tii soo Martaa Maanta la Hayaaye(Wadaadada Punltand)

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Aug, 2006  


BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM. 

ASSALAAMU CALAYKUM. 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Sida muuqata, golayaasha maxkamadaha oo hormuud u yihiin Al-Furqaan ayaa go’aansaday iney wax ka qabtaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug sida Xarardheere, Hobyo iyo Koonfurta Gaalkacyo. Waxay rabeen iney xididdada u siibaan isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Cadaado ilaa Wadajir/Baraxley, Gaalkacyo. Waxaa kaloo la rabay in meesha laga saaro in haraadigii urururkii Ashahaado-la-dirirka si uusan Qeybdiid meesha uga sameysan xarun uu ka burcadeeyo kuna waxyeeleeyo dadka iyo wadaadada. Waxaa barbar socday fursad ah in wadaadada Puntland  sidoo kale ka faa’iideystaan oo ay degaankooda u horseedaan maamul iyo nabad ka sii fiican tey hadda heystaan. 

Nasiib-darro wuxuu hadalkii culumadii Puntland noqday kan ay dhahaan oo kale cadowga golaha maxkamadaha Soomaaliyeed sida reer Galbeedka, Itoobiya, Kenya, Uganda, dadka raaciyadda u ah dagaaloogayaasha iyo kuwo kalaba. Hadalkaasi waa: maxkamaduhu ha joogeen Xamar waxna ha ka qabteen! Waxay dhahaan: hadday maxkamaduhu sidaas yeelaan waxaa raacaya Soomaali oo dhan. Waxaa kale oo wadadaada Puntland qaarkood ku andacoodaan iney heystaan maamul iyo nabad sidaas darteedna aysan diyaar u ahayn in laga kala daadsho. Sidoo kale waxay dadka u sheegaan inaan loo baahneyn fidno. 

Shaki ma leh in Addis Ababa uu ka jiro maamul iyo nabad ka sarreysa tan Puntland. Ka warran sheekhii dhaha: looma baahna in ururka Oromadu (OLF) la dagaalaan Zenawi si ay usoo ceshadaan degaankooda iyagoo qiil ka dhigaya in magaaladaas ay nabad tahay maamulna ka jiro? Waxaa la mid ah midda culumadaasi ka sheegayaan Puntland. Soow  nin u dhashay Soomaali oo ay isku heybyihiin reer Puntland (Daarood) oo aan dambi lahayn, magaalada Gaalkacyood dhexdeeda, looma gacangelin Xabashi sidoo kalana  Xabashi iyo Cabdi Qeybdiid ma joogaan Gaalkacyo? Waxaa Baydhabo laga soo qaaday istaafkii Cabdi Qeybdiid oo lagu soo dajiyey Gaalkacyo. Marka innagu ma nabad iyo maamul kastaan rabnaa mise mid diinta Islaamka ku saleysan? Haddii nabadda laga wado shacabkoon is dilin waxaa adduunka ugu nabadgelyo badan meelaha ay shuuciyaddu ka jirto ama ay xukumaan kali-taliyayaasha. Fiiri Addis Ababa. Marka laga reebo xasuuqii doorashadii ugu dambeysay, shacabku isma dilo maxaa yeelay qori baa madaxa looga hayaa oo lababa qofba  isuma imaan karto. Marka haddaan labo qof shiri karin sidee isku dili karaan?

 Wadadaada Puntland maxay fidno u yaqaanaan? Ma dagaal kasta? Inkastoon la is barbar dhigikarin, ka warran haddii nabi Muxamed (SCW) lagu eedeeyo xulufadii mushrikiinta iyo qabaa’illadii Carabta lahaa ee dul yimid Madiina dagaalkii Al-Khandaq/Al-Axzaab? Ma aha markii kuwa xaqa ku socda iyo kuwa baadilka raba ay iska horyimaadaan in la yiraahdo fidnaa imaaneysa! Hadday saas tahay haddee jihaadkaa noqonaya fidno! Maxaa faraqa oo u dhaxeeya ciidamada u dhashay Itoobiya iyo kuwa Ugaandha  oo markii Xamar la xoreeyey qaarna soo galay Soomaaliya, qaarna hadda soo socdaan? Waxaa intaas dheer, dagaaloogayaashii Xamar looga adkaaday kulligood oo weerar kasoo ah laga bilaabo Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Baay iyo Bakool iyagoo taageero dhaqaale iyo hub ka helaya Itoobiya in culumadii Puntland ay iyagana geestooda weerar kaga yihiin Al-Furqaan iyagoo leh: naga jooga! Culumida Puntland waa sheegeen inaan la keensan ciidamo shisheeye laakiin arrintaas waxaa dhegaha ka fureystay IGAD qaarkeed, dowladda taagta daran iyo Puntland. Marka maxaa u qorshaa wadaadada Puntland? Ma cadowgii oo soo socda bey weli horeynayaan Al-Furqaan?

 Soow hadalkiinnu uma ekaanayo hadalkii reer Banuu Israa’iil ay nabi Muuse (CS) ku dhaheen: Muusoow adi iyo Rabbigaa dagaalama annaguna halkaan baan fadhiyeynaaye? WALLAAHI, aniga xaggeyga ineysan farqi u dhaxeyn qofkii iyadoo ciidamo Ugandha u dhashay iyo kuwo Itoobiyaan ah iyo gaalo-raacyo ay waddanka qaarna soo galeen, qaarna soo socdaan leh: wadaadada Xamar ha nabadeeyeen dhulka kaddibna dadku iyagaa soo raacayee! Yaa xukumay in wadaadada Xamar keligood Xamar iyo Soomaaliya xasiliyaan? Mise keligood baa difaacaya cadowgaas aan soo sheegay? 

Xabashida waxaa Gaalkacyo loo keenay in idinka la idin ku xuuxiyo ileyn cid kaloo ka baqeysa ma lahee. Haddey Xabashidu awood leedahay maxay u aadi la’dahay Dhuusomareeb iyo Guriceel? Sababtu waa qabiilka halkaas dega saaxiib lama aha Xabashida mana tagikarto dhulkooda laakiin sidii Cadde Muuse sheegay waxay saaxiib la yihiin reer Puntland! Ilaahoow aniga ha igu darin kuwa saaxiibka la ah Xabashi iyo Zenawi. Marka waxaa idin ka soo ifbaxay ceeb weyn oo ah in idinkii iyo Xabashi aad Puntland wadajoogtaan weliba iyagoo ugaarsanaya dadkii Soomaaliyeed ee xaqa ku lahaa Puntland. Horta taasi waa cuqubadii oo lagu soo dadajiyey culumada iyo shacabka Puntland. 

Waxaa kaloo meesha soo galay sheekadii laga sheegijiray sheekh Yuusuf Al-Kowneyn Allaha u naxariistee ee ahayd in inta wadaado u yeeray yiri: Qur’aan iyo tuf ku jabsha koob uu dhexda u dhigay dabadeedna yeeli waayey. Markii dambe ayuu inta ul bud ah ku dhuftay koobkii buu cardaadiqaha ka dhigay. Sidoo kale, nin Soomaaliyeed oo gaajo xun heyso baa yimid gurigiisii dabadeedna haweentiisii oon waxba hayn baa inta haan biyo ka buuxiyey u saartay lulid si ay ninkeeda u maameeliso. Ninkii waayeel buu ahaaye wuxuu yiri: WALLEE ama biyoow subag dhashe ama lulliin dambe la idiin ma celiyo. Waxaan uga danleeyahay: WALLEE ama wadaadada Puntlandoow cadowga Ugandha, Itoobiya iyo haraadigii Ashahaado-la-dirirka leh ee Soomaaliya kusoo xadgudbey ku leyse tuf, wacdi iyo habaar ama ma jirto cid dambe oo idin ka dhegeysaneysa difaaca waddanka. Marka haddaan shacabkii Putland nahay waxaan raalligelineynaa golayaasha maxkamadaha ee Al-Furqaan hogaamineysayo oo fileysay iney Mudug hal dhagax labo shimbirood ku dilaan laakiin culumadii reer Puntland la fahmiweyday. Marka wadaadada Puntland waxay u muuqdaan niman raba iney biyo subug ka dhashaan. Marka yeysan idin hoodaadeyn oo cimaamadahaas gudgudoon idin hodin. 

Ma fahmin waxa wadaadada Puntland arrimahaas ugu wacan. Waxaan maskaxdeyda ku soo dhacaya dhowr arrimood: 

  1. In culumadu ay arkeen belaayo aannaan arag oo ay iska daciifeen dabadeedna markay Al-Furqaan ku soo dhowaatay Gaalkacyo ooy damacday iney ka fujiso nimanka Xabashida saaxiibtinnimadeeda ka caddeystay shacabka Soomaaliyeed hortooda sidoo kalana  xaalufinta ku haya badaha iyo dhulka leh sidii  ninkii uu nabi Muuse (CS) damcay inuu ka fujiyo kii reer Fircoon oo raranayey ee lahaa: Muusoow ma waxaad rabtaa inaad nin kale disho. Hadda waxaad mooddaa in wadaadada Puntland leeyihiin: maxkamadoow waxaa madaxdiinna ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys marka horay buu Puntland dagaal uga riday marka yuusan hadda dad kale naga leyn!

 

  1. In culumada Puntland loola xisaabto sidii “mustadcafiinta” oo aysan lahayn awood iyo xeelad kale midna toona iyagoo leh: Ilaahoow mar meeshaan naga saar oo makhraj noo fur. Hadday taasi jirto haddee mey dhaheen: Al-Furqaaney naga joog. Teeda kale qof miskiin ah ma noqdeen kuwa ugu maalqabeysan geyigaas.

 

  1. In meesha ay taal xasadnimo. Waxaa caadi ah in marar badan la arko culumo waaweyn oo xasadda kuwo kale. Qofkii akhriya culuumta Islaamka wuxuu arkayaa arrimahaas oo kale. Waxaa jira in Sheekh weynaa oo la orajiray Ad-Duhliyu uu colaadiyey imaamu Bukhaari (RC) weliba iyagoo isku degaan ka soo jeeda. Marka waa dhicikartaa in qaarkood xasdaan guusha ay keeneen culumadu uu ku jiro sheekh Xasan Daahir Aweys.

 Madaxda Puntland iyo dadka raacsanba waxay mar kasta dhahaan: wadaadada Puntland iyagaa leh ganacsiga ugu badan ee Puntland marka hadday far qaadaan waa iyga dadka ugu horreeya ee khasaaraya! Mid ka mid ah wuxuu yiri: nin guri dhalo ah ku jiraa ma tuuro dhagax. Taariikhda lama sheegin qof raba in dalkiisa lagu xukumo diin Ilaahay dabadeedna raba isagoon sameyn wax halgan ah ay iska dhacdo. Waxaan ku leeyahay wadaada Puntland in golayaasha maxkamadaha Xamar ay dagaallameen si aysan fidno u ahaan Soomaaliya oo Xamar ugu horreyso. Marka hadda waxaad markaathi iiga tihiin in ciidamada Ugandha, Itoobiya, kuwa Ashahaado-la-dirirka iyo dowlad- ku-sheeguraba rabaan iney soo ceshaan fitnadii taalay Soomaaliya. Miyeydaan arag in raggii Xamar laga ceyrshay ay kulli hoosta ka galeen dowladda taagta daran? Marka weli ma fahmin waxa aad u leedihiin Al-Furqaan baa fidno keeneysa ee haka joogto dhulkey u dhasheen. Marka fidno hadday jirto waa Cabdi Qeybdiid iyo Xabashi; labaduna waa joogaan Puntland.

 Mas’alada kale eey ka simanyihiin ducaad reer Puntland ah iyo caamadooduba waa: mey maxkamaduhu wax ka qabtaan Shabeellaha Hoose? Fiican. Ma dhahayo dadka reer Shabeellaha Hoose dhib ma qabaan. Xitaa haddaan dhahno lacagta laga qaado Shabellaha Hoose waa baad; soow lacagtaas iyo hubkii lagu gaday maaheyn wixii Xamar lagu xoreeyey? Tii lagu dulleeyey Ashahaado-la-dirirka? Halka canshuurta Puntland laga qaado loo qeybinjiray Ashahaado-la-dirir badan oo hebel iyo hebel leh. Haddoo u dambeysana la siiyo Cabdi Qeybdiid. Ma maqasheen maamulka Shabeellaha Hoose oo diinta diiddan ama Xabashi hoosta soo gashaday ama qof wadaad ah oo jooga halkaas u gacangelinaya Xabashi? Halka Xabashi Gaalkacyo joogto sidoo kalana dad Daarood ah loo gacangelinayo Xabashi. Marka labada maamul kee diinta iyo dadka dan u ah? Marka haddii meel wax laga qabanayo waxaa ugu horreysa Puntland ileyn iyadaa diinta lagala dagaalaa sidoo kalana Xabashi joogtaaye. Xaashaaye marna anigu shacabka Puntland ma heysto ee waxaan ka hadlayaa waa maamulka. Markaas kaddib ayaa loo galayaa Shabeellaha Hoose. Weydiiya culumadiinna midda daran in qof maskiin ah oo Shabellaha Hoose jooga laga gado biyaha wabiga iyo qof muslim ah oo jooga Gaalkacyo oo loo gacangasho Xabashi? Waa labo dambi oo waaweyn laakiin waxaan aniga shaki iiga jirin waxaa daran qof muslim ah oo cadow loo gacangasho. 

Waxaan shabaabka Puntland u soo jeedinayaa marba haddii culumadiinnu go’aansadeen inaan lala hadlin madaxda Puntland xitaa iyagoo Xabashi iyo Cabdi Qeybdiid keensaday in marka la caawiyo golayaasha maxkamadaha ee jooga Koonfurta Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo dhammaan Koonfurta Soomaaliya maaddaama uu ku soo socdo cadowgaas aan kor ku soo sheegay. Marka ku biira Al-Furqaan oo dhinaca idin ku heysaa iyagaa idin ku soo dhoweynaya meel aan dagaalooge iyo Ashahaado-la-dirir joogin.  

F.G. Sidaan is leeyahay, culumada Puntland waa dad kumaan kun oo jeer iga kheyr badan. Marka maqaalku ma aha dhalleecayn loo soo jeedinayo. Keliya waa uun mas’alo aan kaga soo horjeedo. Marka waxaan ka codsanayaa intay ka xanaaqi lahaayeen iney ii soo duceeyaan.

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 31, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD