SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
»BAAQ AY WAXGARADKA SOOMAALIDA DENMARK KA SOO SAAREEN SIYAASADDA CUSUB EE SOOMAALIYA


Isku Aadka Horyaalka Yurub
(pdf)


MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 
Wararkii: Agoosto 30, 2006
  • Sheekh Shariif oo la tashi u yimid Magaalada Muqdisho..
  • Miles Zanawi oo ka codsaday Musavini in ay si wadajir ah isaga difaacaan waxa ay ugu..
  • Dowladda Ereteriya oo ku hanjabtay in ay Soomaaliya u soo direyso ciidamo.
  • Dowladda Federaalka oo aad uga carootay dib u soo laabashadii Sheekh Shariif..
  • ROOBABKII MUQDISHO KA DA,AY OO DHIBAATOOYIN GEYSTEY  
  • Garoowe: Ururka Somali Relief Org Denmark oo deeq soo gaarsiiyay  Baarlamaanka Puntland.
  • Laascaanood: Tababar   u soo xirmay suxufiyiinta gobalka sool oo maanta la soo gabagabeyay.
  • Dagaalo lagu naafeeyey Ciidamada Gumeyisga Itoobiya

Sheekh Shariif oo la tashi u yimid Magaalada Muqdisho..

Gudoomiyaha Golaha Maxaakmiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo mudo labo maalmood ah ku sugnaa Dalka Suudaan ayaa si dhaqsi leh ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii uu dalka Suudaan kulamo kula soo yeeshay Madaxweynaha Dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaasi. Kulankii dhex maray Sheekh Shariif iyo Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa la iskula soo qaaday sidii loo soo gebagabeyn lahaa khilaafka u dhexeeya Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.

Guddoomiye Sheekh Shariif ayaa Magaalada Muqdisho ugu soo laabtay sidii uu la tashi dheer ula sameyn lahaa mas’uuliyiinta kale ee Golaha Maxaakiimta, iyadoo la tashigaasi uu yahay waxa laga yeelayo kulanka dhex maraya Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka. Maxaakiimta islaamiga ah ayaa iyagu aad u diidan in dalka la keeno ciidamo shisheeye, sidoo kale waxay si aad ah uga soo horjeedaan faragelinta Dowladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya, sidoo kale waxay doonayaan in Dastuurka lagu bedelo Kutubka Alle, sidoo kale waxay doonayaan in Dowladda Federaalka ay joojiso ciidamada ay ku soo daldaleyso Gudaha Dalka Soomaaliya. Sheekh Shariif markii uu ka so tagay dalka Suudaan waxaa halkaa gaaray Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna la filayo in uu kulamo la yeesho Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiri, hase yeeshee warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Golaha Maxaakiimta u dirayaan Aqoonyahano iyo Culuma’udiin si ay uga qayb-qaataan wada hadalada Dowladda Federaalka, hase yeeshee Dowladda Federaalka waxay dooneysaa in kulankaasi uu ka soo qaybgalo Sheekh Shariif, maadaamay Khartuum u direen Guddoomiyhii Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Adan iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayoi.

Miles Zanawi oo ka codsaday Musavini in ay si wadajir ah isaga difaacaan waxa ay ugu..

Iyadoo maalintii shalay ahayd Magaalada Kambala ee Dalka Suudaan kulan ay ku wada yeesheen madaxda labada wadanka ee Itoobiya iyo Yugaandha Miles Zanawi iyo Musavini, waxaana kulankaasi looga hadlayey  xaaladda Soomaaliya gaar ahaan sidii gacan loo siin lahaa Dowladda Federaalka.

Miles Zanawi ayaa Madaxweynaha Uganda ka dhaadhiciyey in ay iska kaashaadaan waxa loogu yeeray kooxaha Argagixisada ee ku sugan Geeska Afrika, sidoo kale labada mas’uul ayaa waxa ay isku afgarteen in wada shaqeyn dhex marto ciidmadooda inta ay ku sugan yihiin.

Sidoo kalana waxay isku afgarteen in ay si wadajir ah isaga difaacaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee doonaya in ay ku soo siqaan Magaalada Baydhabo.

Dhawaan ayaa qalab iyo saraakiil ka tirsan Wadanka Uganda waxay gaareen Magaalada Baydhabo oo xarun u ahayd Dowladda Federaalka, waxayna imaanshaha qalabkaasi iyo saraakiishaasi horudhac u yihiin ciidamo badan oo ay Dowladda Uganda u soo direyso Soomaaliya, iyadoo horey ay Baydhabo u joogeen ciidamo ka socda Dalka Itoobiya.

Dowladda Ereteriya oo ku hanjabtay in ay Soomaaliya u soo direyso ciidamo..

Dowladda Ereteriya oo waayadan waday qorshe ah in Soomaaliya aan loo dirin ciidam ka socda Wadamada IGAD ayaa qorshahaasi waxa uu noqday mid fashilmay iyadoo Dowladda Ereteriya haatan ku hanjabtay in ay Soomaaliya u direyso Ciidamo, maadaama wadamada Itoobiya iyo Yugaandha u hogaansami waayeen in Soomaaliya aan loo dirin ciidamo ka socda IGAD.

Imaanshaha ciidamada Wadamada IGAD oo iyagu ku kala qaybsan arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa laga yaabaa in uu dagaal ku dhex maro gudaha dalka Soomaaliya, haddii aan xal deg deg ah loo helin arrimahaasi, waxayan dadka qaarkood sheegeen in ay la mid noqon doonto xaaladda sida tii dalka Kongo oo labada ciidan oo iska soo horjeeda oo ka socday wadamada Deriska la ah ay galeen, hase yeeshee waxaa markii dambe lagu heshiiyey in ay gebi ahaanba ka baxaan cidamadaasi dalka Kongo.  

Dowladaha Itoobiya iyo Ereteriya ayaa si weyn isugu haysta arrimaha Soomaaliya, iyadoo dowladda Ereteriya lagu eedeeyo in ay taageero siiso Maxaakiimta Islaamiga ah, halka Itoobiya iyana lagu eedeeyo in ay taageero siiso Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka oo aad uga carootay dib u soo laabashadii Sheekh Shariif..

Dowladda Federaalka ayaa si weyn uga carootay dib ugu soo laabashadii Guddoomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Dowladda Federaalka ay Shirka Khartuum u dirtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Axmed, waxayna ku tilmaantay soo laabashadaasi mid lagu fashilinayo shirka Khartuum ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta.

Kulankii horey u dhex maray  Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka ayaa waxa ay Dowladda Federaalku sheegtay in Golaha Maxaakiimta ay kulankaasi u soo dirsadeen rag heerkoodu hooseeyay, waxayna soo jeediyeen in wada hadalada dhex maraya Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta uu noqdo mid uu ka soo qaybgalo Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee golaha Maxaakiimta.

Golaha Maxaakiimta ayaa waxay doonayaa in ay shirkaasi u diraan Culuma’udiin iyo Aqoonyahano ka tirsan Golaha Shuurada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

ROOBABKII MUQDISHO KA DA,AY OO DHIBAATOOYIN GEYSTEY  

 

Dhibaatooyinka iyo  jidgooyada roobabkii  xalay iyo maantaba ka da.ayey ay u  geysteen  magaalada muqdisho iyo xaafadaha biyaha u nugul oo qasaare lixaadlehi soo gaarey ,

 

Isusocodka gaadiid iyo dadka lugta ah ayaa yaraday ka dib markii xalay iyo manta ay da.ayeen roobobkii raxmada lahaa kuwaasi oo ka bilowday muqdisho iyo magaalooyin ku dhowdhow waxaana qasaare ka soo gaaray meelo kala duwan oo ka tirsan wadooyinka waaweyn  oo an la dayactirin mudo 16 sano ah ,

 

Magaalada muqdisho ayaa ka mid ahayd meelihii ay ka istaageen dadka iyo  gaadiidka  isla markaan waxa yaraaday dadkii socotada ahaa  waxeyna siteen dadka intiisa badan dalaayadaha roobka iyo kobo loogu talagalay in lagu dhexmaro biyaha ,

 

Dhibaatooyinka soo gaaray dadka iyo gaadiidka ayaa waxey ka kala dhaceen meelo kala duwan oo magaalada ka mid ah iyada oo dadbadani ay ka soo bixi kari waayaan guryahodii  qaarna ayba ku dul dumeen sida ka dhacday xaafada yaashiid iyo warshadii kooka koolada oo ay ka dhaceen dhimasho iyo dhaawacba waxaana manta la raadsan waayey nolol maalmeedii caadiga ahaa ,

 

Dadka muruq maalka ah ayaan helin wixii ay ku kasban jireen muruqooda sida gaariganada ,xamaaliga , biyoolayaasha, IWL ,

 

Waxaa biyo dhex ceegaagaan dhamaan dariiqyadii la mari jirey gudaha xaafada bakaaraha waxyaalada biyihu ay guryahay u geysteen ayaan dhaqso loo ogaan Karin ayaa muuqaalka ugu weyni yahay wiil  ku dhintey  biyo fadhiisidka masaajidka dabaqeynka ee bakaaraha kaa soo ay biyuhu liqeen halka yaqshiidna ay sido kale ku dhinteen laba wiil oo yaryar waxaa dhaawac ka soo gaaray guri ku dumay warshadii kooka koolada haweeney uur lah  iyo burbur soo gaaray qoysas aad u badan oo aan iskala tacaali Karin biyaha guryahooda hor fadhiya waxeyna sababtu tahay kaarikooyin  caro kaawo ah oo la hordhigay guryahay qaarkood si ay biyuhu u soo gaarin taasoo sababtey in guri kasta biyihii jiingadiisa ka soo hoora ay isagii marti u noqdaan dhowr biloodna ay qaadan karto inta dhulku ka liqayo ,

 

Muuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya

002521576666


Garoowe: Ururka Somali Relief Org Denmark oo deeq soo gaarsiiyay  Baarlamaanka Puntland.

Ururkan  lagu magacaabo Somali Relies Org  oo ka diiwaan gashan dalka Denmark ayaa maanta deeq soo gaarsiiyay xarunta baarlamaanka puntland ee garowe.

Deeqdan oo isugu jirta codbaahiyayaal iyo qalab xafiiseed u badan codbaahiyayaasha ayaa la gudoonsiiyaya gudoomiyaha baarlamaanka puntland kaasi oo gudoomay deeqdan.

Gudoomiyaha baarlamaanka oo deeqdaasi gudoomay ayaa waxa uu u mahad celiyay Gudoomiyaha ururka Maxamuud Khalif Faarax iyo dhamaan xubnaha ururkaasi deeqda so gaarsiyay ee Somali Relief Org, denmark.

Hodman Maxamed Xashi oo ka mid ah xubnaha ururka Somali Relief Org ayaa waxa ay sheegtay in ay jiraan deeqo kale oo ay ugu talo galeen deegaanada  Puntland kuwaasi oo ku jira gacanta ururuka,Hodman ayaa waxa ay intaasi ku dartay in aysan deeqaha ay ugu talo galeen Puntland intaasi ku ekayn ayna rajaynayaan in ay sii laban laabaan deeqaha ay soo gaarsiiyaan Puntland.

Maaha markii ugu horaysay oo ay ururkani deeq soo gaarsiiyaan puntland   xili hore ayay hayd markii ay soo gaarsiiyeen isbitaalka guud ee magaalda garowe deeq   taasi oo u badnayd sariiraha bukaanka iyo computero loogu talagalay in lagu baaro macdanta  iyo qalab kale oo u badnaa caafiamadka.

Laascaanood: Tababar   u soo xirmay suxufiyiinta gobalka sool oo maanta la soo gabagabeyay.

Siminaar in mudo ah uga soconayay suxufiyiinta gobalka sool magaalada laascaanood ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaalada laascaanood ee xarunta gobalka sool.

Agaasimaha guud Ee Tv-ga iyo radio-ga Warsan ee Wadanka finland  oo shaqo ku yimid Dalka Somalia gaar Ahaan Gobolada Sool Ayaa Siminaar u fidiyay Qaar kamid Ah saxaafada gobolka Sool kaasi oo lagu baranayay habka sawirqaadka duubista wararka  Siminaarkan Oo Mudadii Uu Socday Lagu Baranayay Qalabka Diyaarinta Barnaamijyada Duubiista Iyo Jarjarida barnaamijyada iyo Farsamada iyo sidoo kale Culuunta Saxaafada Sida Anshaxa Saxaafada Xeerarka Saxaafada ayaa lagu soo bandhigay laguna bartay mudadi uu socday Siminaarkan  oo aad u anfacay  suxufiyiintii siminaarkaas ka qayb galay.

Xaflad Siweyn Loo Soo Agaasmay Oo Kadhacday Hoolka Shirarka Ee Hotel Khaliij international Ee Magaalada laascaanood Ayaa Lagu Soo Gaba Gabeeyay Siminaar Uu Qabtay Agaasimaha guud Ee Tv-ga iyo radio-ga Warsan ee Wadanka finland Mr Maxamed Muuse Seeraar  

Maxamed Muuse Seeraar Oo Ahaa Macalinki Bixinayay Siminaarkan Ayaa Gabagabadii Siminaarkan Aad U Amanay Shaqada Ay Hayaan Suxufiiyinta gobolka Sool Loona Baahana Yahay Haayadaha Ku Shuqul Leh Arimaha Saxaafada in Ay Gacan Siyaan Sidoo Kale Agaasimaha guud Ee Tv-ga iyo radio-ga Warsan ee Wadanka finland Mr Maxamed Muuse Seerar Ayaa Wax Laga Xumaado Ku tilmaamay Dhibaatooyinka Lagu Hayo Saxaafada Xorta Ah ee Madaxabanaan.

Waa siminaarkii ugu horeeyaya e loo qabto saxaafada madaxabanaan ee ka jirtay gobalka sool gaar ahaana magaalada laascaanood   oo ay ka hawlgalaan suxufiyiin badan oo iskeed loo asaasay gaar ahaana magaalada laascaanood waxaa ka jira idaacad madaxbaaan oo ay dadka magaaladu ka helaan wararka joogtadaha  iyo dhacdooyinka  dunida taasi oo hawada ku jirta in ka badan 15 saac maalin walba.
 

A/rizak koronto
Garowe puntland

Xabsigii Abu qureyb ee Ciraaq oo albaabada la iskugu dhiftay


Xaflad lagu soo dhaweeyey Dahabo Faarax 

Waxa si diiran lagu soo dhaweeyey Gobalka Minnesota Dahabo Faarax. Waxana soo dhaweeyey muslimiinta iyo Somalida degan gobalka. Waxa shir weyn oo xog wareysiya lagu qabtey badhtamaha magaalada Minneapolis, Minnesota, waxana ka soo qayb galey mas’uuliyiinta gobalka, saxaafada, culimaa’udiinka, hooyooyinka iyo qaraabada Dahabo Faarax. 

Waxa halkaas laga akhriyey taariikhda Dahabo iyo xilalkii ay ka qabatey Somalia. Dahabo waxa ay ka mid aheyd gabdhihii ugu horeeyey ee tacliin u taga dalka Talyaaniga. Markii ay ku soo noqotey Somaliana waxa ay xil ka qabatey Jaamacada Umada Somaliaya. Xilkaas oo ahaa in ay madax ka ahyed kuliyada Luuqadaha. 

Dahabo markii wadanku burburey waxa ay u qaxdey dalka Kanada, markii ay joogetey mudana waxa ay ku laabatey Somalia, oo ay la shaqeyneysey hay’ad Sweden ah oo xarunteedu tahay Garoowe. Waxana ay halkaas ka dhistey Jaamcada Puntland State University, Garoowe. Dahabo taariikhdeeda waxa soo diyaariyey halkaasna ka akhriyey uruka caanka ah ee Somali Women Civil War Survivals. 

Sawirada halkan ka daawo... GUJI...

Reported by Somali Media, Abdimalik Askar aabdimalik@hotmail.com


Warbixin: Xafladii soo dhaweyn ee ka dhacday wilaayadda Michigan, USA. 

Detroit, MI - Waxay jaaliyadda Somaaliyeed ee ku nool Michigan u sameeyeen xaflad soo dhoweyn ah ee loo sameeyey waiirku xigeenka dakadaha iyo khyradka badda ee Dowlad Gobolleedka Puntland ee ka mid ahaa wafdigii beryahaan booqashada ku marayey North America ee uu hogaaminaayey Dr.  Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab). Xafladaas waxay ka dhacday qolka shirarka ee hoteelka Comfort Inn & Suites ee Ann Arbor, Michigan.  

Waxaa Xafladda ka soo qayb galay Soomaali badan oo daneynaayey inay ogaadaan akhbaarta dalkooda. Soomaalidu waxaa ay ka kala yimaadeen nawaaxiga magoolinka Ann Arbor, Ypsilanti, Detroit Metropolitan area iyo illaa  Windsor Kanada. 

Ka dib markii lagu furay ayado Quraan ah  Mas’uuliyiinta Jaalliyadda ayaa ku soo dhoweeyey mudane Abdulwali oo halkaas ka soo jeediyey warbixin dheer oo taabanaysay xaaladda dalka manta marayo iyo isbedelka ka iyo horumarka  Dowlad Gobbolleedka Puntland siiba dhaqaalaha, waxbarashada, isgaarsiinta, kheyraadka badda, barigaba iyo qodobo kale ee jaaliyadda markaas ay xiiseynayeen.

Shirkaas waxaa lagu soo gabagabeeyey su’aalo, talooyin, iyo xogwareysi dhex maray wafdigii iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee madashaas joogtay. 

Sawirada ka eeg halkan.... GUJI....

Waxaa soo tebiyey: c/shakur A Geyre | Email: cshakur3@yahoo.com
 


Hyderabad: Gambool xaqiisu waa in aysan galin gorgortan Bayaan ay soo saareen ardayda puntland ee hindia.

Bayaan ka soobaxay ardayda puntland ee waxkabarata dalka Hindia   ayay kaga hadleen xaalada  haysata ardayda dugsiga sare ee gambool kaasi oo natijadii imtixaankoodi laga soo qaaday waxkamajiraan kadib markii ay dhamaandood ku baaseen imtixaankii ay galeen sida ay shaacisay haayada unesco balse ayhadan dabadhigtay arin lagu sheegay in uu dhacay qish kaasi oo sababay burbru natijadii ay sugayeen,

bayaanka ardayda puntland ee dalka hindia ayaa sidatan u qornaa:

Ardayda puntland: Hindia Hyderabad

  • Ku: madaxwaynaha puntland
  • Ku: wasiirka waxbarashada
  • Og: Ardayda puntland ee hindia

Ujeedo:  Gambool xaqiisu waa in aysan galin gorgortan

sida aan lawada socono waxaa lalaalay ama waxbakamajiraan lagasooqaaday natiijadii imtixaanka fasalka afraad dugsiga sare ee Gambool ee magaalada garoowe fasalkaas oo ay kudhaqaaqday Hay adda Unesco taas oo iyadu maamusha Imtixaanada dugsiyada sare ee puntland ,hadda warkaan markii uu soobaxay waxaa uu ahaa mid fajac iyo amma kaag ku abuura gaar ahaan ardadii imtixaanka lagabaabi,iyay iyo guud ahaanba dadka daneeya waxbarashada iyo horumarka dugsiga sare ee garoowe.

haddanaba anagu  oo kuhadlayana magaca ardayda puntland ee waxkabarta magaalada hyderabad ee dalka hIndia waxaan sishuruud la,aan ah uga codsanaynaa hay,adda Unesco inay kanoqdaan go aankaas oo ahaa mid lagu deg degay ayna sooceliyaan natiijadda imtixaanka ee arday waayo maahan wax si dheel dheel ah lagu baa bi,inkaro natiijo imtixaan oo la ogyahay inay tahay meesha ugu saraysa ee adduunka qof higsado ,haddii ay hay adu iskadhagatirto codsigaan waxaan dadwaynahay kunool magaalada garoowe iyo cidkasta oo waxkaqabankarta ama dib usoocelinkarta natiijadda ka codsanaynaa inay qaataan talaabo wax ku ool ah.

 imtiaxaan arday laga baa bi,iyay maahan wax sisahal ah laysku ilowsiinkaro  mana ahan wax dadyar ay go aanka gaarikaraan tan kale oo meesha laga arkaa waxaa weeye caddaalad daro lagu sameeyay iskuul dhan imtixaankiisii oo aysan ahayn dhawr ama xataa kala bar ardayda ee waaa mid lalabeegsaday iskuulka oo dhan iyo dhamaan ardadii imtixaanka gashay oo aan hal qof ka bad baadin ,waxaa kale oo iyana meesha kujirta waxaa loolafiirsaday maadooyinka muhiimka ah sida saddexda sayniska ah  xisaabta iyo social sayniska.

Hadaba guud ahaan madaxda puntland gaar ahaana madaxwaynaha waxaan ka codanaynaa in aysan dhayalsan  natiijada ardayda 4sano u soo fadhiyay in ay mar dhameeyaan dugsiga sare oo ay u hawlgalaan  cidii qaladka lehna la saaraa qaladkooda.

Wasirka waxbarashda puntland isagana waxaan ka cosanaynaa  in uu san galin wax gor gortanah natiijada imtixaanka ardayga gambool iskana daayaa madax adayga oo uusan difaac u noqon haayada unesco oo uu la saftaa dadka uu madaxda u yahay   oo ay ardaydu ka midka yihiin.

arintaan  hadii la soo afjaro oo ardaydu ay si niyad ah u helaan natiijadoodii waxaa ay farax galinaysaa guud ahaan reer puntland.

 ahmed c/rahman adan dalab
Mobile :009989253824
Hyderabad India

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 30, 2006


Barnaamijkii Radio Xoriyo
29 Aug 2006
================================
 
 
 Dagaalo lagu naafeeyey Ciidamada Gumeyisga Itoobiya.

Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay.

Ciidamaad Itoobiya oo Xabsiga dhigey Haweenaydii cali Kunaay.
 
Kulan ku Dhex maray wadanka Maraykanka masuuliyiin sarsare oo maraykan ah iyo madax kamid ah JWXO.

 
Go’aamadii Kalfadhigii 3aad ee G/Dhexe ee JWXO ee lagu qabtay dalka Ogaadeenya gudihiisa.

 

================================
 
Dagaalo lagu naafeeyey Ciidamada Gumeyisga Itoobiya

13/08/06 weerar lala beegsaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo u soo gurmaday ciidammado dagaal ku qabsaday Xiidadow, waxaana halkaas lagaga dilay 5 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
14/08/06 dagaal sidoo kale ka dhacay meesha lagu magacaabo Danbar-weyne, oo ka tirsan degmada Dhanaan, waxaa ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 30 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay tiro badan oo kale.
 
14/08/06 dagaal mir oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku qaadeen ciidammo gumaysigu leeyahay oo ku sugnaa Sasabane waxaa gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
15/08/06 dagaal ka dhacay Huuraale waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 5 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
16/08/06 dagaal ka dhacay Xaad-Weyn, oo ka tirsan Garbo, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 3 askari, 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
 
18/08/06 dagaal adag ayaa ka dhacay magaalada Caado, ku taalla duleedka magaalada Wardheer, ka dib markii uu cadowgu halkaas ciidammo aad u badan isugu keenay, waxaana halkaas ciidammada gumaysiga lagaga dilay 80 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 100 askari.
 
19/08/06 dagaal ka dhacay Kuus-cawl, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 6 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sideed General oo ka mid ah Ciidamada Itoobiya oo la la'yahay
 
War naga soo gaadhaya Caasimada Gumeysiga Itoobiya ee Adis Ababa ayaa sheegaya in la la'yahay sideed(8) General oo ka mid ahaa Ciidamada Itoobiya   ah oo aan la garanaynin meel ay ku suganyihiin.
 
Sida ay warar xog ogaal ahi sheegayaan kadib markii uu baxsaday General Kamal ayuu Meles Zenawi qabqabtay 8 General oo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen baxsashada General Kamal.

Lama oga in la laayay iyo inay xabsi qarsoodi ah ku jiraan. Balse warar aan ka helnay xaga Ciidamada Itoobiya  ayaa sheegaya inay jirto xaalad aad u qalafsan kadib markii la waayay Saraakiishii Ciidamada, taasi oo aad looga baqayo inay isku gadoodaan Ciidamadu.

Saraakiishan la waayay ayaa u kala dhashay Qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromo.
 
Dhinca kale, Saraakiisha Ciidamada ee TPLF ayaa bilaabey baadhitaan ku wajahan Ciidamada, iyo sida ay daacad ugu yihiin xukumada ka talisa Itoobiya, waxayna Ciidamada u keenaan waraaqo la buuxinayo oo   askari walba ku qorayo waxa uu ka cabanayo oo uu si qarsoodi ah oo aan cidina u ogeyn uu waraaqaaas u buuxinayo.
 
Balse sida warku sheegayo waraaqahaas ayaa waxaa baadhitaan ku sameynayaa saraakiil gaar ah oo eegaya farta qoraalka askariga iyo saxiixisa, taas oo keentay in askartaas talaabo laga qaado.
 
Warku wuxuu intaas ku darayaa in bisha August 16, 2006 ay kaadiriyiinta iyo saraakiisha TPLF ku qabtey kulan meesha lagu magacaabo Arategna Kifle Tor Gibe, kadib markii koobtaas lagu qaybiyey waraaqo ciidamaada Itoobiya ku dhiri gelinaya in ay raacaan wadadii uu marey General kamal Gelchi oo ay ka goostaan taliska Adis aba.
 
Si kastaba ha, ahaatee waxaa jira jahawareer iyo guud ahaanba xaalada Siyaasadeed oo
faraha ka baxday.

Ciidamada Itoobiya oo Xabsiga dhigey Haweenaydii Cali Kunaay
 
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Jigjiga ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Itoobiya Xabsiga u taxabaeen Xaaskii Cali Kunaay. Haweenaydaas oo lagu magacaabo NASRO, ayaa warku wuxuu sheegayaa in ay tahay qof Xaamilo ah.
 
Cali Kunaay oo ahaan jirey Afhayeenka Baarlamaan ku sheega Dabaqoodhiga ee Magaalada Jigjiga ayaa isagu badhatman bishan August u baxsadey wadanka Abu Dabai sida warku sheegayo.
 
Ma jiraan warar tifaf tiran oo ku saabsan sababta ay Ciidamada Itoobiya u xidheen Haweenaydan oo Xaamilada ah. Balse Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayaa ku caan ah falaka noocan oo kae ah u xidhaan ama ciqaabaan qaraabada qofka ay u danbi u malaeegayaan.
 
Maxkamadaha oo ka digey in ay dagaal ku qaadi doonaan ciidamada Uganda ee jooga Baydhabo

Afhayeenka Madaxa Dacwadda iyo Warfaafinta ee Golaha Maxkamaddaha Islaamka Cabdi Raxiim Cali Muudey ayaa ka digey  in ay dagaal kala hortagayaan ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Baydhabo hadii aysan si dhaqso ah uga bixin dalka Soomaaliyaa.

Hadalka C/raxiim Cali ayaa soo baxay ka dib markii saraakiil iyo qalab militari oo ka yimid wadanka Uganda ay ka dageen magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ciidamadaasi iyo saraakiishaasi ay yihiin kuwo horudhac u ah ciidamada IGAD ay go'aamiyeen in la keeno Soomaaliya.
 
Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ah madaxa Urur Goboleedka IGAD ee xiligan xaadirka ah.

Jaamacada Alamaya ( Alamaya University) oo uu kacdoon ka dhacey
 
Wararka naga soo gaadhaya Jaamacada Alamaya (Alamaya University) ayaa sheegaya in Jaamacadaas ay ka dhaceen qulqulatooyin dhaliyey gacan ka hadal.
 
Kacdoonkan ayaa dhacay markay taarikhdu ahayd bishan August 25,. Rabshadahan ayaa u dhexeeyay Ardayda Jaamacada ee ka soo kala jeeda Qoomiyada Romada iyo kuwa Tigreaga.
 
Warku wuxuu sheegayaa in ay rabshadahaas ku dhintay inta hada la ogyahay ugu yaraan 4 ruux, halka uu dhaawacu gaadhao 113 ruux.
 
Jaamacada Alamaya waxay ku taalaa meel u jirta Magaalada Harar 14km oo kaga aadan dhinaca Waqooyiga.
 
Ququlatooyinkan ayaa u muuqda mid ku wajahan xaalada siyaasadeeed ay ku sugantahay Dawlada ka  talisa Itoobiya.
 
Ardeyda Jaamacadaha Itoobiya ayaanan u dhiganin waxbarshada si niyad ah, iyadoo marba marka kasii dambaysa kasoo xumaanayso xaaladu.
 
Ma jiraan ilaa iyo hada wax xal ah oo arintaas Jaamacada laga gaadhay. Sida ay noo xaqijiyeen qaar kamid ah Ardayda Jaamacada dhigata ayaa sheegaya in ay aad u hoosayso rajada laga qabo deganaanshaha iyo sdii xasilooni loogu soo dabaali lahaa Jaamacada.
 
Jaamacada ayaa waxaa hada ku sugan Ciidamo aad u tiro badan, kuwaas oo ku kla dhex jira Ardeyda.
 
Ardeyda Itoobiya ayaa taariikh ahaan aad caan ugu ah in ay abuuraan kacdoono ka dhan ah xukumada, iyaga oo aad uga gilgisha dhibaatooyinka xukumadu ku kacdo.
 
Kulan ku Dhex maray wadanka Maraykanka masuuliyiin sarsare oo maraykan ah iyo madax kamid ah JWXO.
 
Wafti ka kooban 30 ruux oo ka kala socday Odayaasha, dhalinyarada, Haweenka, aqoonyahanada Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya, iyo afar aqoonyahan oo ka socday Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa kulan mudo la qorshaynayey la yeeshay Anna Nevada oo ah madaxa Xadhiidhka Caalamiga ah ee Xafiiska Senator Coleman fadhigeeduna yahay Washignton, taasoo hogaaminasay masuuliyiin sarsare oo ay ka mid ahaayeen, Maxamuud Nuur Wardheere oo ah siyaasi caan ah oo Minnesota iyo Maraykankaba laga yaqaano isla markaana ah Wakiilka Soomlaaida ee Xafiiska Senatorka Senatorka, iyo Madaxa dhinacyada Sharciyada xafiiska Senator Coleman Anna Kopperud.
 
Wafuudi ka socotay Soomaalida Ogaadeenya ayaa warbixin dheer ka akhriday goobti, isla markaana gal ay qoraalo ka buuxaan kana hadlayey ku tumashada xuquuqal insaanka iyo tacadiga ka jira Ogaadeenya ee ay hadh iyo habeen gaysanayaan Ciidamada Cadawga ah ee Xukumada ay TPLF hogaamiso.
 
Dhanka kale, odayadii goobta fadhiyey ayaa si cad u muujiyey in dawlada Maraykanka iyo bulshada Caalamkaba ay dani ugu jirto in xaalada Ogaadeenya wax laga qabto. Sababtu waxaa weeye ayey yidhaahdeen, iyadoo hadii aan xal loo helin dhibaatada Ogaadeenya aysan deganaansho iyo xasilooni ka dhalan karin gobolka Geeska Afrika iyo gebi ahaanba Bariga Afrika.
 
Waxay odayadu sidoo kale u sheegeen Anna Nevada, in Jaaliyada Ogaadeenya ee dalkan Maraykanka aysan nolol degan ku noolaan karin dalkan maadaama ay ehelkooda dalka Ogaadeenya ku nool ay dhibaato guumaysi ku jiraan hadh iyo habeena ay ka seexan la'yihiin wararka ka imanaya Ogaadeenya oo dhiilo xambaarsan. Odayada oo tilmaamayey waaya aragnimada ay u leeyihiin dhibaatada faca wayn ee Guumaysiga ee Abasiiniya ayaa tilmaamay, in shacbiga Ogaadeenya uu mudo dheer ku soo jiray dhibkan, maantana la soo gaadhay wakhtigii la soo gebagebayn lahaa waxna laga qaban lahaa.
 
Waxay Haweenka Jaaliyada Ogaadeenya ka socday aad ugu dheeraadeen iyaguna dhibaatada khaaska u ah Haweenka iyo Gabdhaha Ogaadeenya oo beryahan dambe uu gumaysigu dhibaatooyin gaara ah ku hayo. Waftigii haweenka Ogaadeenya ee Maraykanka ayaa masuulkaas Maraykanka ah u sheegay in kufsiga, dilka, iyo nolol lagu xabaalo haweenka Ogaadeenya ay yihiin wax joogto ah oo gumayigu si maalinle ah ugu gaysto dumarka Ogaadeenya.
 
Dhanka kale waxay dareen dheeraad ah ka muujiyeen in 40% Ciidamada Guumaysiga Itoobiya ee Ogaadeenya jooga ay qabaan Cudurka HIV/AIDS, taasina ay keeni karto in dhibaatooyinkii dadwaynaha kaga imanayay ciidammada gumaysiga ay ku soo biiraan dhibaatooyin caafimaad oo xad-dhaaf ah, iyadoo waliba ayna Ogaadeenya ka jirin goobo caafimaad oo cudurkan lagu ogaan karo.
Dhanka kale waxay Haweenku si gaara uga codsadeen Anna Nevada iyo Anna Kopperud inaysan xaaladan fududaysan oo ay Golaha Wakiilada iyo kuwa Senate-ka iyo Waaxda arimaha dibada ee Maraykanka u gudbiyaan.
Mid ka mida hooyooyinka ka hadlay goobta oo ah Haweeya Xassan Xirsi ayaa tidhi, "Waxa dhibka ugu badan uu ku dhacayo waa dumarka, idinkuna dumar ayaad tihiin, sidaa darteed waa inuu jidhku idiin danqado dhibaatada haysata Dumarka Ogaadeenya."
 
Dawlada Maraykanka ayaa lagu boorriyay inay wax ka qabato dhibaatada iyo dulmiga ka jira Ogaadeenya iyadoo kaashanaysan xaqiiqda ka jirta Gobolkaas. Anna ayaa ballanqaaday inay gudbin doonto fariimahan inta tabarteeda ahna aysan waxba la hadhi doonin inay indhaha dawlada Maraykanka ku soo jeediso Xaalada ka jirta Ogaadeenya.
 
Intaas ka dib waxaa goobti ka hadlay, aqoon yahanadi ka socday Jamhuuriyada Soomaaliya iyagoo muujiyey in dhibaatada Ogaadeenya ay tahay mid fac wayn, sababna u ah faragalinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya. Wakhtigan la joogo Saddex Gobol oo Jamhuuriyada Soomaaliya ah ayey Ciidamada Itoobiya ku jiraan ayey yidhaahdeen. Waxay kaloo sheegeen in Itoobiya oo dad gaadhaya 7 million oo Soomaali ah guumaysanaysay ay hadda rabto inay ku darsato intii xorta ahayd.
 
Hadaba waxay Anna Nevada ka codsadeen inay fariin ka qaado ku wajahan Xaaladaha ku soo cusboonaaday Geeska Afrika isla markaana Dawlada Maraykanka aysan Itoobiya garab ku siin faragelinta qaawanee ay Soomaaliya ku hayso. Dadka Soomaaliyeed wuu iska difaaci karaa Maxaysatada Itoobiya, balse waxaa loo baahan yahay in Geeska Afrika nabad lagu wada noolaado ayey ku soo koobeen hadalkoodi.
 
Kulankani wuxuu ahaa mid xiiso leh oo ay labada dhinacba si fiican isu dhagysteen, isla markaana ay hawlgal iyo waxqaad isugu dardaarmeen.
 
 
Go’aamadii Kalfadhigii 3aad ee G/Dhexe ee JWXO ee lagu qabtay dalka Ogaadeenya gudihiisa.
Kalfadhiga Golaha Dhexe, Ogaadeenya.
July,31,2006
 
 
Kadib markii ay si qoddo dheer uga doodeen ka soo qaybgaalayaasha kalfadhigu ajandihii Kalfadhiga, una kuur galeen xaaladda uu marayo halganka gobonimadoonka shacabka Ogaadeenya iyo guud ahaanba xaaladda Geeska Afrika, wuxuu Kalfadhigu gaadhay go’aamada soo socda:
 
1.         Maadaama uu halganka gobonimadoonka Ogaadeenya si wayn u taabagalay, lagagana guulaystay  gumeysatada Itoobiya ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba wuxuu Kalfadhigu go’aamiyey in la joogteeyo lana sii horumariyo guulaha la taaban karo ee halganka.
2.         
2.      In la xoojiyo abaabulka iyo baraarujinta dadweynaha Ogaadeenya dibad iyo gudaba.
3.      In la horumariyo lana sii xoojiyo xidhiidhka saaxiibtinimo een la leenahay shucuubta iyo ururada ictiraafsan xaqa aayo ka talinta dadka Ogaadeenya.
4.      In la sii horumariyo iskaashiga aan la leenahay xoogaga ka soo horjeeda taliska gumeysiga Itoobiya.
5.      Si kor loogu qaado aqoonsiga iyo sumcadda halganka xaqa ah ee shacabka Ogaadeenya  waa in laga dhaadhiciyo shucuubta caalamka dadaal dheeri ahna loo sameeyo hirgelinta arrintaas.
6.      In banaanka la soo dhigo aduun weynahana loo bandhigo xadgudubka iyo ku tumashada xuquuqul insaanka ay Itoobiya ku hayso dadweynaha Ogaadeenya een waxba galabsan, iyada oo la adeegsanayo waddo kasta oo lagu soo bandhigikaro xadgudubkaas aan isaga oo kale la arag.
 
Baaq:
 
Kalfadhigu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Ogaadeenya inay:
 
1.      Sii xoojiyaan taageerada halganka ee hiil iyo hooba leh ee ay la barbar taagan  yihiin JWXO.
2.      Ka digtoonaadaan shirqoolada cadowga gumeysiga Itoobiya ee uu ugu talo galay in uu ku kala qaybiyo cududood midaysan ee ay ku taageersan yihiin halganka JWXO hormuudka ka tahay, cadowgaas oo adeegsanaya biidhi qaatayaasha u dhashay Ogaadeenya.
3.      Kalfadhigu wuxuu ugu baaqayaaa dadyawga xorriyadda iyo nabadda jecel inay taageeraan halganka uu shacabka Ogaadeenya ugu jiro xorriyadiisa.
4.      Waxaan sidaas oo kale bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay cambaareeyaan gumeysatada meel kaga dhaca ay ku hayso Itoobiya xuquuq ul insaanka  shacabka Ogaadeenya iyo faragelinta joogtada ah ay ku hayso Soomaaliya.
 
Cabaarayn
 
Kalfadhigu wuxuu si weyn u cambaaraynayaa:
1.      Falalka bahalnimada ah ee ay ka midka yihiin dilka, kufsiga, dhaca, xadhiga iyo baro kicinta ee gumeysatada Itoobiya ku hayso shacabka Ogaadeenya taasoo horey iyada oo kale caalamka uga dhicin.
2.      Faragelinta qaawan ee Itoobiya ku hayso Soomaaliya iyada oo ujeedadeedu tahay inay curyaamiso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.
 
 29 Aug 2006.
Axmed Xidig
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu baaqay Wadamada IGAD ay ku daydaan...
»Lacag kasoo degtey Garoonka Magaalada Bososo
»Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya oo ay soo wajahdey..
»Horyaalkii 35 aad ee soomaaliya oo si xiiso leh uga socda..
»Xashiiskii ugu badnaa oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka..
»Maxaakiimta Islaamiga ah oo beeniyay in Ciidamo...
»Markabkii labaad oo ku soo xirtay Dekedda Weyn ee..
»Geeddi oo kulan gaar ah la yeeshay Yuusuf iyo Shariif…
»Magalada Bujumbura oo Martigelineysa Tartanka...
»GABADHII UGU HORREYSAY OO DALXIIS KU TAGEYSA HAWADA SARE!
»Suxufi basaasnimo loogu xiray dalka Suudaan...
»GUDDOOMIYAHA XISBIGA S.N.L.F. OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED
»
Uganda. xukuumada uganda iyo jamhada mucaaradka ah..
»Chad: dawlada chad ayaa amar dagdag ah ku bixisay in ay..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Aug 28

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo...
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal...
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay...
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah..
Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 25

Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda Soomaalida Degan | Warbixin Kooban
 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD