SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Isku Aadka Horyaalka Yurub
(pdf)

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 
Wararkii: AGoosto 29, 2006
  • Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha..
  • Golaha Maxaakiimta oo ka dalbaday Suudaan..
  • Xubin ka tirsnaan jirtay Shirkaddii..
  • Geeddi oo tababar u furay ciidamo ka tirsan..
  • Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo..

Sheekh Shariif oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha..

Ummadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Suudaan iyo Ardayda wax ka barata wadankaasi ayaa hal mar ku soo baraarugay imaanshaha Gudodomiyaha Maxaakiimta Islaamiga ah kaddib markii Taleefishinka Suudaan ay ka daawadeen isaga oo kulan la leh Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, uuna uga warbixiyey xaaladda wadanka Soomaaliya, durbadiiba ummadda Soomaaliyeed, waxay bilaabeen in ay soo hor tubtaan hotelkii uu deganaa iyagoo doonaya in ay arkaan Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kulankii dhex maray Madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir iyo Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Golaha Maxaakiimta waxay halkaasi ka caddeeyeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan kulanka Khartuum oo la filayo in maalinta beri ah uu ka furmo wadanka Suudaan Caasimadiisa Khartuum. Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta waxa uu u mahadceliyey Dowladda Suudaan oo uu sheegay in ay mar kasta ku taagan sidii Wadanka Soomaaliya cagihiisa isugu taagi lahaa. Sheekh Shariif, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan u baahneyn ciidamo Shisheeye, balse ay u baahan tahay in laga saacido dhanka adeega Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, biya iyo wixii la mid ah. Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Suudaan ay ka go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, loona dhameyn lahaa khilaafka u dhexeeya Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka.

Golaha Maxaakiimta oo ka dalbaday Suudaan..

Iyadoo haatan uu booqasho ku joog Dalka Suudaan Guddoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa Maxaakiimta ay ka codsadeen in ay gacan ka gaysato sidii Dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda ugala bixi lahayd Gudaha Dalka Soomaaliya.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Gobolo ay ka mid yihiin Baydhabo, Bakool, Gedo, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaas oo uu sheegay in ay halkaasi ka wadaan dhibaatooyin fara badan.

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya aysan ogoleyn in Soomaaliya ay ka dhalato Dowlad, waxa uuna sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in Ciidamo Itoobiyaan ah ku sugnaan gudaha Dalka Soomaaliya.

Dowladaha IGAD ayaa iyagu ku kala qaybsan in Ciidamo ka socda wadamada IGAD loo diro Soomaaliya, waxaana arrintaasi si weyn uga soo horjeeda dowlado ay ka mid yihiin Jabuuti, Suudaan iyo Ereteriya halka wadamada Uganda iyo Itoobiya ay sheegeen in ay doonayaan in ay gacan siiyaan Dowladda Federaalka, sidoo kale Dowladda Kenya ayaa iyadu weli mowqfikeeda caddeyn.

Xubin ka tirsnaan jirtay Shirkaddii..

Waxaa maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho Axmed Yuusuf Galool oo ka mid ah maamulkii Shirkaddii Barakat, waxa uuna shirkiisa jaraa’id ku sheegay in mudo dheer uu ku jiray Liiska dadka lagu tuhunsanaa Argagixisinimada, isagoo sheegay in lagu haystay in uu ka tanaasulo xubnimadiisa shirkadda Barakat, taas oo uu sheegay in uu diiday.

”Tani waxay marqaati cad u tahay in Shirkadda Barakat iyo maamulkeeda saraba aysan lahayn wax dambi ah, sidoo kalana aysan jirin sabab ummadda Soomaaliyeed ay u sii xayirnaato” ayuu yiri Axmed Yuusuf Galool oo intaa raaciyey ”iyadoo maskaxadda aynu ku hayno in 9/11/200 Commissin-ka warbixintii ay qoreen waxay si cad ah oo saafi ah in aanu jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Barakat iyo argagixisada noocey doontaba ha ahaatee”, ugu dambeyntii waxa uu ka codsanayaa Qaramada Midoobey iyo Dowladda Mareykanka in ay ka saaraan shirkaadda Barakat Liiska cunaqabateynta oo ilaa iyo hada ay ku jirto, sidoo kalana la sii daayo dhamaan hantida ka xaniban shirkadda Barakat iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Geeddi oo tababar u furay ciidamo ka tirsan..

Ra’isul Wasaare Cali Mx’ed Geedi ayaa maalintii shalay ahayd xerada Labaatanjirow tababar uga furay ilaa iyo 300 oo Askari oo loo tababarayo dhianca Booliiska, waxa uuna sheegay mar uu la hadlayey ciidamadaasi in loo baahan yahay inay tababarka si wanaagsan u qaataan.

Ra’isul Wasaare Geeddi waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii ay dib ugu dhis lahayd ciidankii xoogga dalka soomaaliyeed, si ay uga qayb-qaadan xasilinta wadanka.

Dowladda Federaalka haatan u muuqata mid dib u eegeysa xaaladda ciidamada Soomaaliya kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay Dowladda ka goosanayeen ciidamo isugu jiray kuwo Booliis ah iyo kuwo Milatari.

Shariif Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo..

Shariif Xasan Sheekh Adaan o ah Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaara u ah Dowladda Federaalka, waxayna isla shalay gaareen magaalad Nayroobi ee Dalka Kenya, iyadoo xalay ay kulamo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya oo ay isla soo qaadeen sidii Dowladda Federaalka uga qaybgali lahayd kulanka Khartuum oo la filayo in uu qabsoomo maalinta beri ah oo ay bishu tahay 30-ka Agoosto.

Waa markii ugu horeysya ee Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta ay wada ogolaadaan in ay ka qaybgalaan shirka Khartuum oo ay qabanqaabadeeda leeyihiin Jaamacadda Carabta, waxaana magaalada Khartuum haatan ku sugan Guddoomiyaha Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu hogaaminayey wafdi aad u balaran.

Guddoomiye Sheekh Shariif ayaa xalay kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ku wax ku barata Dalka Suudaan, waxa uuna uga warbixiyey xaaladda Dalka uu maanta marayo, isagoo sheegay in ujeedadiisu ahayn in wadankaan ay xil ka qabtaan, balse ay doonayaan in ay dalkaan ku soo dabalaan nabad buuxda.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Bosaso:Wasiiro  puntland ah ayaa dib ugu soo laabtay dalka ka dib socdaal maalmo qaatay  oo ay ku tageen maraykanka.

Wasiirka maaliyada puntland Dr: maxamed Cali Yuusuf Gaagaab iyo wasiir kuxigeenka dekedaha iyo kalluumaysiga Prof Cabdiweli  Abdirixmaan gayre ayaa socdaal maalmo qaatay kadib maanta dib ugu soolaabtay  dalka iyaga oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee amgaalada bosaso.

Wasiirka Maaliyada ee Puntland Dr: Mohammed Ali Yusuf, iyo Wasiir kuxigeenka Dekkadaha iyo Kaluumeysiga ee Puntland Md Abduweli Abdirahaman Geyre, ayaa la kulmay Madaxa Guud ee Waxbarashada ee Maamulka gobolka Minnesota iyo Soomaalida ku dhaqan gobolkaas oo siwayn iyagu u soo dhaweeyay intii ay ku guda jireena socdaalkooda ay kala kulmeen niyad wanaag.

Wasiirrada Puntland ayaa sidoo kale soo sameeyey xiriiro dhinaca ganacsiga iyo waxbarashada ah oo lagu mataanaynayo Puntland iyo Minnesota.

Wafdiga ka socday puntland oo in mudo ah ku sugnaa dalka maraykanka ayaa  waxay muujiyeen in ay la kulmeen waji wanaagsan ayna kala hadleen madaxdii ay la kulmeen sidii loo hormarin lahaa dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga  waxayna sheegeen in arimaas iyo kuwa kaleba ay si wanaagsan ay  ugu guulaysteen sida uu carabaabay wasiir ku xigeenka dekedaha  mudane gayre.

Wasiirrada ayaa waxay caasumaad ka heleen haya’dda weyn ee u shaqaysa Soomaalida deggan gobolka Minnesota, hay’addaas oo lagu magacaabo Confederation Somali Community of Minnesota.

Wafdigan ayaa maanta si her sare ah loogu soo dhaweeyaya magaalada bosaso iyaga oo ka soo dagay garoonak diyaaradaha bosaso oo ay markii horeba ka dhoofeen.

Laascaanood: ciidan hubaysan  aya saacadaha soo socda ku wajahan magaalada gaalkacyo kuwaas oo tababar u furmi doono.

 wararka laga helayo magaalada laascaanood ayaa xaqiijinaya in ciidamo gaaraya ku dhawaa  700 oo  askari oo kakala yimid magaalooyinka laascaanood iyo buuhoodle ee gobalada sool iyo cayn ay ku wajahan yihiin magaalada  gaalkacyo.

Ciidankan oo aan horay uga tirsanayn ciidamada daraawiishta puntland   ayaa hada loo furayaa tababar ciidan kaasi oo uga bilaaman doona magaalada gaalkacyo sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumada puntland.

tababarkan loo furayo ciidamadan gaaraya 700 ayaa waxa uu socon doonaa mudo 3 bilood ah kaasi oo marka ay dhamaystaaana  ay si toos ah uga mid noqondoonaan  ciidamada draawiishta puntland.

Cidamadan ka tegay deegaamadan daraawishta sool sanaag iyo cayn ayaa ku soo beegmay xili ay diyar garow ku jiraan ciidamada maamulka labaxay Somaliland ee fadhiya duleedka laascaanood isla markaana doonaya in ay mar’uun gacanta ku dhigaan magaalada laascaanood.

Sikastaba  ciidanka hada tababarku u furmayo ayaa ku soo beegmaya xili cabsi wayn laga qabo in dagaal ku dhexmaro gobalka mudug ciidamada puntland iyo kuwa maxaakiimta oo shegay in ay galkacyo tagayaan mar un puntland na ay sheegtay in ay isdifaacayso oo aanay cidna duulaan ku ahayn balse hadii la soo weeraro ay isdifaacayso.

Beirut: Kofi Annan  oo boqasho uga bilaamatay bariga dhexe maanta.

Xoghayaha guud ee qaamada midowbay  Mr: Kofi Annan ayaa maanta oo isniin ah booqasho uga bilaamtaya dalalaka bariga dhexe.

Wadamada laguwado inta uu ku gudajiro nooqashadisa   waxaa kale oo ka mid ah  Isreal, flastin, suria, iyo dalka ay sida wayn ugu xarbina in uu helo hubka nugliyerka ee Iran, waana booqashadhii ugu horaysay  ee uu kofi annan ku tago dalkaasi Iran tan iyo wixii ka  markii uu xukunka qabtay madaxwaynaha hada talada haya ee Mr: maxamuud axmed najad.

Mr. Annan ayaa lagu wadaa inuu madaxda dalka Lubnaan kala hadli doono hawlaha xabad joojinta la dhex dhigay Xisbullah iyo Israa’iil iyo hawlaha ciidamada nabad sugidda ee Qaramada Midoobay.
 

Mr, Annan waxaa laga codsan doonaa sida ay wararku sheegayaan in uu ka qeyb qaato sidii ay maxaabiis isu dhaafsan lahaayeen Xisbullaah iyo Israa’iil.
 

Mr. Annan oo  kadagay dalka lubnan maanta oo isniin ah ayaa lagu wadaa in uu la kulmo raysal wasaaraha dalkaasi  Fuad Siniora, Mr Berri  iyo diblamaasiyiin kale.

Macada in uu la kulmi doono hogamiyaha xisbulah MrXassan  Nasrallah kaasi oo soo dhaweeyay wada hadalada labada shinac.

Intii uu dagaalku socday waxaa ku geeriyooday 1,100 lubnaaniis ah iyo 159 isreal ah  mudo dhan 34 maal mood oo uu dagaal xoogani ka socday koonfurta lubnaan halkaasi oo lagu soo waramayo in ay gabi ahaanba burburtay.

A/rizak koronto

Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 29, 2006

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu baaqay Wadamada IGAD ay ku daydaan...
»Lacag kasoo degtey Garoonka Magaalada Bososo
»Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya oo ay soo wajahdey..
»Horyaalkii 35 aad ee soomaaliya oo si xiiso leh uga socda..
»Xashiiskii ugu badnaa oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka..
»Maxaakiimta Islaamiga ah oo beeniyay in Ciidamo...
»Markabkii labaad oo ku soo xirtay Dekedda Weyn ee..
»Geeddi oo kulan gaar ah la yeeshay Yuusuf iyo Shariif…
»Magalada Bujumbura oo Martigelineysa Tartanka...
»GABADHII UGU HORREYSAY OO DALXIIS KU TAGEYSA HAWADA SARE!
»Suxufi basaasnimo loogu xiray dalka Suudaan...
»GUDDOOMIYAHA XISBIGA S.N.L.F. OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED
»
Uganda. xukuumada uganda iyo jamhada mucaaradka ah..
»Chad: dawlada chad ayaa amar dagdag ah ku bixisay in ay..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Aug 28

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo...
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal...
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay...
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah..
Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 25

Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda Soomaalida Degan | Warbixin Kooban
 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD