SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

Isku Aadka Horyaalka Yurub
(pdf)

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 
Wararkii: AGoosto 28, 2006
  • Lacag Shilin Soomaali ah oo kasoo degtey Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Bososo.
  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu baaqay Wadamada IGAD ay ku daydaan.
  • Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya oo ay soo wajahdey welwelkii ugu Xooganaa…
  • Horyaalkii 35 aad ee soomaaliya oo si xiiso leh uga socda Garoonka Banaadir
  • Xashiiskii ugu badnaa oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka maxkamada Xamar weyne.
  • Maxaakiimta Islaamiga ah oo beeniyay in Ciidamo shisheeye ay joogaan..
  • Markabkii labaad oo ku soo xirtay Dekedda Weyn ee Muqdisho…
  • Geeddi oo kulan gaar ah la yeeshay Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif…
  • Magalada Bujumbura oo Martigelineysa Tartanka dhalinyarada ..
  • GABADHII UGU HORREYSAY OO DALXIIS KU TAGEYSA HAWADA SARE!
  • Suxufi basaasnimo loogu xiray dalka Suudaan 
  • GUDDOOMIYAHA XISBIGA S.N.L.F. OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED

  • Maxkamad Nuurul-Islaam oo Howlgalkeeda Ugu Horreeyey Ka Billowdey Gobolka Shabeellada Hoose: 

  • Uganda. xukuumada uganda iyo jamhada mucaaradka ah oo kala saxiixday heshiis 20 sano kadib.
  • Chad: dawlada chad ayaa amar dagdag ah ku bixisay in ay wadankeeda isagabaxaan laba shirkadood oo saliida ka baarayay dalka chad.
Lacag Shilin Soomaali ah oo kasoo degtey Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Bososo.
 
Lacag shilin somali ah oo gaareysa (500) oo bilyan  ayaa shalay soo gaartey magaalada boosaso ee xurunta gobolka bari lacagtan ayaa waxaa laga soo dajiyay Airoborka magaalada bososo waxaana xaqiiyay in lacagtan ay soo degtey  Masuuliyiinta Airoborka Bososo.
 
Lacag tan shilin somaliga ah oo Cadadkeedu gaarayo (500) shan boqol oo bilyan oo shilin somali ah ayaa waxaana  lagu soo farsameeyay dalka indoniisiya  waxayna ku socotaa sida la sheegey dowlada kmg ah ee soomaaliya.
 
Lacagtan ayaa la sheegin in laga sarifo doono magaalada boosaaso kadibna loo gudbin doono xurunta dowlada kmg ah ee soomaaliya ee Magaalada baydhabo.
 
lagahana noocaan oo kala ah ayaa marka ay soo gaareen deegaamada Dowlad goboleedka puntland waxaa cirka isku shareera doolarka iyo waliba maciishada iyadoo ay dadka danyarta ah arintan oo kale ay cabasho ka muujiyaan.
 
Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)
Bososo,Puntland,Somalia

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ugu baaqay Wadamada IGAD ay ku daydaan.

      Maxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay saraakiil ka soctay Wadnka Uganda oo tiradoodu gaaraysey afaartan Sarkaal kuwaas oo la socday Sadax Diyaaradood oo kuwa Milatariga ah, waxaana kulankaas la iskula soo qaaday sidii Dowladda Uganda uga Qaybqaadan lahayd gacansiinta Dowladda dhinaca amaanka wuxuuna Madxwaynaha uga mahadceliyay sida Uganda ay markasta u daneynayso in Soomaaliya ay dib ugu soo laabto. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa ugu baaqay Wadamada IGAD in ay ku daydaan Dowlada Uganda ay Ciidamada u soo diraan dalka Soomaaliya.

Waxaana maalintii shalay ahayd Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo soo gaaray Qalab Milatari oo ay leedahay Dowladda Uganda kuwaas oo iskugu jiray Teendhooyin, Dareyska Ciidamada,  Gawaarida wax lagu qaado iyo Matoorada ee dabka dhaliya waxaana la filayaa in ay soo gaaraan Maalamaha soo socda Ciidamo ka socda Wadanka Uganda oo tiradooda lagu sheegay ilaa iyo 500 oo askari, hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu diidmo ka muujiyey imaanshaha ciidamadaasi, iyadoo sheegay in ciidamdaasi aysan si sharci ah ku soo galin gudaha dalka soomaaliya, maadaama Soomaaliya aan laga qaadin cunaqabateyntii hubka, taasina waxay keeneysaa in ciidamo kale ay iyana soo galaan gudaha Dalka Soomaaliya. Saddex diyaaraadoo ee shalay soo gaartay Baydhabo ayaa waxaa loo diiday inay sawiro ka qaataan suxufiyiinta ku sugan Magaalada Baydhabo, sidoo kale waxaa loo diiday in ay gudaha u galaan halka uu kulanku ku dhex marayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Saraakiisha Ciidamada Uganda. Ciidamada Uganda oo la filayo in ay dhawaan soo gaaraan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la dejin doonaan meel ku dhow Garoonak Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, halkaas o ay ka dhigan doonaan xarun, warar ayaa waxay sheegayaan in Jeneral ka tirsan Ciidamada Uganda uu noqon doono Taliyaha ciidamada IGADSOM ee Soomaaliya.

Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya oo ay soo wajahdey welwelkii ugu Xooganaa…

      Soomaalida ku nool dalka Itoobiya ayaa la sheegay in ay soo food saartay wal wal aad u balaaran, kaas oo la xiriira, halista dagaal ka dhex qarxa Soomaaliya iyo Itoobiya.

      Dad socoto ah oo dhawaan soo gaaray Muqdisho kana yimid dalka Itoobiya oo Wargeyska u waramay ayaa sheegay in si weyn ay uga cabsi qabaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi Itoobiya dhibaato uu u horseedi karo dagaal dhex mara Soomaaliya iyo Itoobya, waxayna dadkaasi sheegeen in haatan dadka Soomaaliyeed ee ku nool qaar ka mid ah Gobalada Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa ay soo food saareen dhibaatooyin xoog leh oo kaga imaanaya dadka u dhashay Itoobiya, waxaana la sheegay in mararka qaar lagula kaco falal bini’aadanimada ka baxsan sida in la kufsado Gabdhaha Soomaaliyeed, in xoog lagu haysto Dumar Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale falal xun loo gaystaa carruurtada Soomaalida ah. Dadkaan socotada ah ayaa waxay kaloo wargeyska u sheegeen in xiligaan ay sii xoogeysatay dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku nool Dalka Itoobiya, taas oo ay sheegeen in ay ugu wacan tahay is bedelka cusub ee ka dhashay Dalka oo ay Itoobiya si weyn uga soo horjeedo, isla markaana qaar ka mid ah ciidamadeedu ay soo galeen Xuduudaha Soomaaliya.

Horyaalkii 35 aad ee soomaaliya oo si xiiso leh uga socda Garoonka Banaadir

 

Ayadoo dhawaan Garonka Banaadir uu dib ugu furmay horyaalkii 35-ee Kubadda cagta oo asagu hakad galay 2004 ka dib markii la isku qabsaday hogaanka xriirka kubadda Cagta waxaa maalintii shalay ahayd ciyaar ka tirsan Horyaalka wada yeeshay kooxaha Banaadir, Telecom, iyo kooxda Elman waxaana ciyaartaas ka qayb galay dadwaynihii ugu badnaa ee lagu arko Garoomada kubada cagta waxaana ka dhex muuqday Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde Gaabow) iyo Gdoomiayah xiriirka kubada cagta Muxyadiin Xasan Cali (Darbawayne) waxaana ciyaartaan ay ahayd tii ugu xiisaha badanayd ee ka dhacda Garoonkaas markii la furay horyaalka, waxaana qaybtii hore cayaarta Gool qurux badan la dhaliyey Kooxda Banaadir waxaana isku darsamay Sawaxan, Qeylo, iyo sacab ay samaynayeen Taageerayaasha Kooxda Banaadir waxaana cayaarta qaybtii horay ku soo gabagaboday 1-0 oo ay la hayd Banaadir.

Macalin Geela oo tababare u ah Kooxda Elmen ayaa la tashi dheer ka dib waxaa lagu soo laabtay Garoonkii ayadoo Kooxda Elman isku dayday in ay soo guddo goolka, wax la hardamo oo la isweeraraba ayaa Kooxda Banaadir waxay hashay Goolkii 2-aad oo ay ku Quusisay Kooxda Elman waxaana cayaartii ku soo gabwgabooday 2-0 oo ay guusha ku raacday Kooxda Banaadir oo ay hogaanka ku qabatay dhibic qur ah waxayna Kooxda Banaadir leedahay 15 Dhibcood halka Elman ay ka leedahay 14-Dhibcood.



Xashiiskii ugu badnaa oo ay gacanta ku dhigeen Ciidanka maxkamada Xamar weyne.

Ciidamada Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar jajab ayaa Hawlgalo ay kawadaan Maalmahani dambe Gudaha Degmooyinkaasi waxa ay kusoo qabteen Hawlgalkii ugu dambeeyay Mukhaadaraad aad u fara badan. Nooca Mukhaadaraadka ay gacanta kusoo dhigeen ayaa ah Xashiishka Maandooriyaha loo yaqaano Murujwaana, waxaana ay kasoo saareen Dhulka oo uu ku aasnaa, waxayna kasoo saareen Xaafad kudhaw Bacaadlihii hore. Tanka Xashiishadda oo aanan wax miisaan ah lasaarin ayaa ah sida Mas'uuliyiinta Maxkamaddaasi ay uxaqiijiyeen Shabakadda Islaamiga ah ee Qaadisiya 4-Bundad iyo Bar (Jawaanada Dharka Hudheyda lagu keeno). Mas'uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmooyinka X/weyne iyo X/jajab ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Xashiishaddani ay tahay tii ugu faraha badneyd oo Golaha Maxaakimta ay gacanta ku soo dhigaan tan iyo xilligii la Aasaasay Maxkamadaha oo idil, waxaana lagu gubi doonaa sida qorshuhu yahay Garoonka weyn ee Kubadda Cagta “Muqdisho Stadium”. Mas'uulka ugu sareeya ee dhinaca Ammaanka Degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar jajab Sheekh Xuseen Cumar Xuseen oo Maalintii shalay Shacbiga ku dhaqan labada Degmo ee uu Mas'uulka ka yahay kula hadlayay Masjidka weyn ee Marwaas ayaa waxa uu ka codsaday in mas'uuliyadda ay u dhiibteen aysan ku eeganin oo ay wax la qabtaan.

Maxaakiimta Islaamiga ah oo beeniyay in Ciidamo shisheeye ay joogaan..

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah aya waxa ay si kulul u beeniyeen warar ka soo yeeray Dowladda Federaalka oo sheegayay in Ciidamo Ajnabi ah dhawaan laga soo dejiyay xeebaha Warshiikh iyo Ceel Macaan, waxayna wararkaasi ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

Golaha Maxaakiimta waxay sheegeen in warka ka soo yeeray Dowladda Federaalka uu yahay mid lagu marin habaabinayo Beesha Caalamka, laguna qarinayo ciidamada Itoobiyaan ah ee ku sugan Deegaano ka tirsan Gobalada Dalka.

”Sabab aan ugu yeerano ciidamo Shisheeye, meesha ma taalo, waayo goobaha aan ka talino dhamaan waa nabad” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Golaha Maxaakiimta, waxayna beesha Caalamka ka codsadeen in il gaar ah lagu eego faragelinta Itoobiya ay ku hayso Arrimaha Soomaaliya.

Markabkii labaad oo ku soo xirtay Dekedda Weyn ee Muqdisho…

Iyadoo Maalintii Khamiista ahayd Dekedda Weyn ee Caalamiga ah uu ku soo xirtay markabkii ugu horeeyay oo ganacsi ah kaddib markii Golaha Maxaakiimtu ay caddeeyeen in ay dekeddaasi furan tahay, shalay ayaa markab aad u weyn waxa uu ku soo xirtay Dekedda Magaalada Muqdisho.

Markabkaas oo siday Bakaash, Raashin iyo Gawaari aya ka yimid dalka Imaaraadka Carabta waxaa la sheegay in uu u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.

Markii Khamiistii ku soo xirtay Dekedda ayaa isagu dhamaatay dejintisii, iyadoo howlaha Dekedda ay ku socdaan si xowli ah, waxaana maalin walha ka howgala shaqaale aad u badan oo maalin walba ka howlgali jiray Dekedda Ceel-Macaan.

Dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay furitaanka Dekedda, waxayna ka codsadeen Maxaakiimta Islaamiga ah inay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Maciishadda waxayna sheegeen Maciishad aad u jaban, maadaama ay fooda nagu soo hayso Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan oo ay ka harsan yihiin maalmo yar.

Geeddi oo kulan gaar ah la yeeshay Cabdulaahi Yuusuf iyo Shariif…

Iyadoo Ra’isul Wasaare Geeddi uu dalbaday in dib loo dhigo Kalsooni siinta Dowladdii uu dhawaan soo dhisay Cali Max’ed Geeddi oo ka kooban 31 xubnood ayaa waxaa maalintii shalay ahayd kulan ku yeeshay Xarunta Madantoonyada ee Magaalada Baydhabo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xaan Sheekh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana kulanakasi la iskula soo qaaday sidii ay u howlgali lahayd Dowladdii Cali Max’ed uu dhawaan soo dhisay. Ra’isul Wasaraha ayaa Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaanka waxa uu doonayaa in uu ka dhaadhiciyo in Dowladdiisu aysan ahayn mid cusub, balse ay ahay mid la isku shaandheeyey oo ay horey kalsooni uga heshay Golaha Baarlamaanka, hase yeeshee Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagu doonaya in Dowladda Cali Max’ed Geeddi la hor keeno Golaha Baarlamaanka si ay kalsooni halkaasi uga hesho, waxaa muuqda in mar kale uu soo bixi rabo khilaaf u dhexeeya mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda.

Magalada Bujumbura oo Martigelineysa Tartanka dhalinyarada ..

Sida uu noo sheegay Gilles Sereni oo ah Madaxa Saxaafadda iyo arrimaha Sport-ka ee Qaramada Midoobay, laantooda ay ku leeyihiin wadanka Burundi, waxaa Bisha soo socota ee September ka bilaabanaya Magaaladda Bujumbura ee wadanka Burundi tartanka Xulalka da’dood ka hooseys 20-jirada ee Bariga iyo Bartamaha Africa ee (CECEFA Under-20 tournament).

Wariyaha GOOL SPORTS Faarax Blue oo ku sugan Magaaladda Kampala ee wadanka Uganda ayaa la xiriiray Gilles Serenni oo isna ku sugan Magaaladda Bujunbura ee Xarunta Burundi, wuxuuna u sheegay in UN-ku uu qeyb weyn ka qaadan doono tartankaas, wuxuuna sheegay in qaban-qaabada tartankaas ay ka socota Magaalada Bujunbura, wuxuuna cadeeyay in wadamada Bariga iyo Bartamaha Africa Xulalkoodu ay ka soo qeyb gali doonaan, hase ahaate aan weli la sameyn isku aadka tartankaas, laakiin tani ay tahay ku dhawaaqis oo kaliya.

Wuxuu sheegay Gilles Sereni in Somalia ay ka soo qeyb galeyso Tartankaas, isla markaana Somali ay tahay wadan aan Tartamada wadamada bariga iyo Bartamaha Africa aan ka baaqan, waxaana ku dhawaaqista qabashada Tartanka ay ku soo begantay xilli diyaar garoow uu gali karo Xulka Qaranka K/cagta 20-jirda Soomaaliya.

GABADHII UGU HORREYSAY OO DALXIIS KU TAGEYSA HAWADA SARE!
(Socdaalkani oo qaadanaya 10-maalmood waxay ku bixisay $20-Milyan oo Dollar!)

      Haweeney Ganacsato ah oo u dhalatay Dalka Iran oo lagu magacaabo Anoshiya Ansari ayaa lagu wadaa in ay noqoto Haweeneydii ugu horreysay ee Dalxiis u aadda Hawada Sare, isla markaana raacda Dayax-gacmeedka, waxaana Anoshiya ay arrintani u suuro gashay kaddib markii lagu beddelay Nin Ganacsade weyn ah oo u dhashay dalka Japan, laguna magacaabo Daisoko Inamoto, kaasoo doonayay in uu noqdo ninkii ugu horreeyey oo dalxiis u taga Hawada Sare, hase yeeshee safarkani looga baajiyay sababo caafimaad aawadeed.

      Anoshiya Ansari oo 39-jir ah ayaa socdaalkeeda dhinaca Hawada Sare u ambabaxaysa 14-ka Bisha soo socota ee September sida ay shaacisay Wakaaladda dhinaca Hawada sare ee Federalka Ruushka ee fadhigeedu yahay Moscow.

      Waxa ay Anoshiya raaci doontaa Gaadiidka Hawada Sare ee magiciisu yahay “9-AMT ZuyoS” waxaana Haweeneydani 10-maalmood ku soo raaxeysan doontaa Hawada Sare, waxaa lagu warramay in Anoshiya Ansari waagii ay yareyd ay fiidkii seexan jirtay bannaanka hore ee gurigooda, waalidkeedna ka codsan jirtay in ay halkaasi iska seexato, si ay isaga daawato Xiddigaha, waxaana ay ku fikiri jirtay in ay mar uun Meerayaashaasi ka ag dhowaato, hase ahaatee marna uma aysan muuqan in riyadeedu ay maalin u rumoobi doonto!.

       Dhinaca kale riyada Anoshiya ayaa waxaa u suuro geliyay u guuriddii qoyskeeda ay u guureen dalka Mareykanka, halkaas oo ay ka bilowday Ganacsiga xorta ah, iyadoo sanadkii 2000-na shirkad dhinaca Isgaarsiinta ah oo ay qoyskeedu leeyihiin ay ku iibsatay adduun dhan $750-Milyan oo Dollar.

W/D Amiin Yuusuf khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


  Suxufi basaasnimo loogu xiray dalka Suudaan 
 
Weriye u dhaashay dalka Mareykanka ayaa dacwad loogu soo oogay dalkaasi Suudaan kadib markii falal basaasnimo leh lugu eedeeyey. Weriyahan oo magaciisa la yiraahdo paul Solopek ayaa ka tiran wargeyska Chicago tripune iyo National Geographic. Weriyahan ayaa waxaa la qabatay bishan ogosto lixdeeda isaga iyo nin tarjumaan ah, waxaana la sheegay inuu halkaasi u joogay  howlo saxafinimo oo ay u soo dirtay shaanalka National Geographic. Ninkani waxaa lugu eedeynayaa inuu ku dhaqaaqay howlo basaasnimo iyo warar been abuur ah oo la sheegay inuu gobolkaasi ka faafinayey. Warkan oo dhan.. Akhri...

GUDDOOMIYAHA XISBIGA S.N.L.F. OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED

 

Guddoomiyaha xisbiga Somali National Liberation Forces C/laahi Xaaji Axmed Xabeeb ayaa magaalada Muqdisho ka soo saaray warsaxaafadeed.

 

Warsaxaafadeedkaasi oo dhinacyo badan taabanayay ayaa waxa uu u qornaa sidan:

 

Waxaan ahay mudaawdin Soomaali ah, waxaan marka hore u hambalyeynayaa kacdoonka shacabka Xamar oo ay hoggaaminayaan maxkamadaha Islaamiga ah ee ku guuleystay xoreynta iyo nabad ku soo celinta gobolka Banaadir oo ay caasimaddii Soomaaliya ku taal iyo gobollo kale.  Mirihii ka soo baxay kacdoonkaas waxay kala yihiin:

 

1. Ka eryiddii qab-qablayaasha nabadda diidanaa muddo 16 sano ah oo halaq galeyn ka dhigay Magaalada muqdisho.

 

2. Nabad gelyadii gobolka Banaadir iyo gobollada ay ka taliyaan oo soo noqotay 95%, islas markaana dhamaystir kaliya u baahan.

 

3. Furitaanka dekedda iyo garoonkii diyaaradaha oo maanta shaqeynaya oo maraakiibtii iyo diyaaradihii ka howl galayaan, taasina waxay keentay farxad dadweyne iyo daqli caalamku ogaaday in ilihii kaabayaasha dhaqaalaha ay ka furmeen caasi-madda Somaliya ee Muqdisho.

 

4. Magaaladii Muqdisho oo si hagar la'aan ah looga howl galay nadaafadeeda.

 

5. Nabad jaceyl iyo dib u heshiisiinta maxkamadaha iyo dowladda Federalka darteed labo jeer ay u aadeen magaalada Khartoum, markii seddexaadna waxaa dalkeena soo galay ciidamo Itoobiyaan ah oo ay madaxda sare ee dowladda Federalka u yeereen ayaa meel walba oo dalka ka mid ah soo galay, hase ahatee maxkamad-uhu hor istaageen inaysan dalka Suudaan iyagoo shuruud uga dhigay in marka hore ciidamada Itoobiyaanka ee ku jira dalka ay ka baxaan, taasna way ku mahadsan yihiin, waana xaq.

 

Haddaba looma baahna in golay-aasha maxkamadaha shuurada iyo fulinta ay xakameyn waayaan qaar ka tirsan maxkamadaha oo ku shaqeynaya weerarro aan loo dirin ama aan ka soo bixin madaxda sare ee labada gole ee maxaakimta islaamiga.

 

Tal soo jeedin

Si aanay u fashilmin nabad gelyadii iyo dadaalkii hirgalay waxaan talo ku soo jeedinayaa:

 

1. In madaxda sare ee maxkama-daha ay yeeshaan xafiisyo loogu soo hagaago markii ay dhacaan ficilllo ka soo horjeeda hannaan u socodka howlaha loo baahan yahay in la saxo.

 

2. In gobolka Banaadir iyo gobollada kale oo ay ka taliyaan maxkamaduhu loo sameeyo maamul ku shaqeeya daacad-nimo iyo caddaalad aan ku koob-neyn maxkamadaha oo kaliya lagana qeyb geliyo bulshada rayidka ah, aqoon-yahannada iyo kuwa waayo aragga ah ee horay u soo shaqeeyay.

 

3. In wada hadalka Khartoum aydnaan ka qeyb gelin inta ciidamada Itoobiya ay dalkeena ku jiraan, haddii jaamacada Carabta ay xoogga idin saarto ka qeyb galka shirka aan isku qaybino labo qeybood oo kala ah: (1) Qeyb shirka aadda iyo (2) Qeyb difaacda dalka iyo diinta, si hal dhagax loogu dilo labo shimbirood.

 

4. In aan la lumin lana daayacin kontaroolka Muqdisho, lagana dhigo koontarool kasta ciidamo joogto ah waayo cadowgu waa badan yahay dibad iyo gudaba.

 

5. In la joojiyo orodkaan faraha badan inta uu adkaanayo xukunkiina oo aysan idinka xiiso dhicin shacabka sida weyn idiin taageeray, waayo maxkamad kasta waxay u shaqo tagaysaa meesha ay doonto, sida weerrada lagu sameynayo dhallinyada cayaaraha jecel, aroosyada farxaddii ay lahaan jireen loo soo galbiyo, goobaha wax lagu sawiro oo la fasaxo, waayo waxaas oo in la diido waxay munaasib tahay markii xukunka islaamiga uu xoogoobo oo la doorto ama la dhiso dowlad Islaami ah Insha allaah, laakiin hadda lama joogo waqtigeedii.

 

6. Looma baahna inaad xilalka wax qabadka laga rabo aad idinka uun isku koobtaan ee ha la idinka arko inaad magacawdaan dadka loo qaateenka ah oo xilalkooda gudan kara.

 

7. Orodka iyo meel qabsiga intaad hakisaan xoojiya inta aad haysataan si inta harsan iyagoo raalli ka ah waxqabadkiina daacadnimo ay idiinku soo raacaan

 

8. In kala dambeynta iyo is maqalka la adkeeyo ciidamada maxkamadaha la wacyi geliyo, kuwa kale ee la xareynayana la dhaqan celiyo lana baro xirfado ay ku shaqeystaan

 

9. In aad ku talo gashaan in dalka ay ku jiraan ciidamo ajnabi ah oo doonaya bur-burka iyo kala qoqobnaanta Soomaliya oo ay dalka soo geliyeen madaxda sare ee dowladda Federalka oo ay weliba inkirayaan iyagoo kul sugan gobolka Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug qeybta Puntland ka taliso, sida uu qirtay Cadde Muuse oo maamulkaasi madaxweyne u ah.

 

10. Waxaa nasiib darro ah in dowladda Federalka ah aanay weli qiran in Itoobiya ay ku jirto dalkeeda, IGAD-na ay leedahay ciidamo ka tirsan Suudaan iyo Uganda aya la keenayaa, Itoobiyana ha ku sii jirto Soomaaliya, waxay ka mid tahay: Ma anaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doono ee ha laga feegjinaado waxa ka dambeeya shirqoolka la maleegayo oo Soomaaliya lagu kala geynayo.

 

Wabillaahi towfiiq

Guddoomiyaha Xisbiga S.N.L.F C/laahi Xaaji Axmed (Xabeeb)

Tel: +2521-273904 /E-mail: xabeeb712@yahoo.com


Maxkamad Nuurul-Islaam oo Howlgalkeeda Ugu Horreeyey Ka Billowdey Gobolka Shabeellada Hoose: 

Maalin ka dib markii la qabtey xafladda furitaanka maxkamadda Nuurul-islaam ayaa waxay shaqadeeeda ugu horreysey  ka billowdey gobolka shabeellada Hoose ,wafddiga maxkamadda oo watey illaa saddex gaari oo qaar ka mid ah yihiin ciidamo ilaallo u ah wafuudda maxkamadda ayaa waxaa horkacaayey ,Guuddoomiyaha maxkamadda Sheeekh Xasan Cusmaan Xuseen ,ku xigeenkiisa Macallin Soomoow Cusmaan ,Afhayeenka C/risaaq Xaaji Xasan Qallaafe,iyo guddoomiyaha hay’adda isllaamiga ee Al-tahaamun ee fadhigeedu yahay Afggooye Sheekh Aadan Xasan  Xuseen ,islamarkaasna ka tirsan shuurada maxkamadda Nuurul -isllaam ,iyo xubno kale oo ka tirsan shuurada . 

Wafdiga oo safarkiisa ka biillaabey magalada muqdisho ,ayaa wuxuu ku hakadey ,magaalada afggooye halkaas oo uu ka billaabey wacyi gelinta hadafka maxkamadda ee ku dhaqanka shareecada isllaamka iyo in la sammeysto maamul madax banaan oo isllaami ah .Wafdigu wuxuu sii marey tuulooyin badan oo ay degto Beesha maxkamaddan furatey,waxaana tuulooyinka laga soo dhoweeyey ka mid ah Osmaan dure ,Awjeelle ,Baadlle baxarka ,Iidoow Guudoow Furuqlleey iyo Toortooroow oo wafddiga socodkiisa ku ekaa ,waqtiga uu wafddigu halkaas gaarey oo galab ahayd ,waxaa magaalada banaankeeda ku soo dhoweeyey odeyaasha dhaqanka Haweenka,dhalinyarada iyo culumaauddiinka degamada oo dhammaantood watey caleemo qoyan ,waxayna ereyadooda ka mid ah soo dhowaada walaalyaal ,allaahu –akbar,diinta silaamka kor ,dulmigu ha dhaco,Maamul islaami ah baan rabnaa iwm . 

Intaas ka dib ayaa waxaa dadkii la hadlley guddoomiyaha maxkamadda ,wuxuuna u mahadceliyey shacabka degan Toortooroow oo si xammaasad ku dheehan tahay ku soo dhoweeyey maxkamada ,wuxuuna taas bedelkeeda abaal uga dhigey inay ahaatey degmadan halkii ugu horreeysey maxkmaddu ka shaqo billaabeyso,wuxuuna dhamaan qaybaha bulshada ka codsadey inay u huraan maamulkan cusub ee ka shaqo billaabayo deegaankooda iyo gobolkaba inay u huraan maalkooda iyo naftooda ,taas oo ay ku heli doonaan liibaan adduun iyo aakhiro ,Waxayna ,jawaab uga dhigeen allaahu-akbar. 

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu meel faggaare ah oo uu dadka kula hadllaayey sheegey inay ka howlgalayaan dhammaan deegaannada ay Beeshu degto oo aysan u aabayeeli doonin koox qof ka hor yimaada maamulkooda wuxuuna ku nuuxnuuxsadey in ay dhowaan meesha ka bixi doonto mugddiga ,dulmiga ,jahliga ay muddo dheer ku jireen dadka gobolkan dega.Dhinaca kale waxaa hadallo soo dhowayn iyo mahad celin ah  halkaas ka jeediyey waxgaradka deegaankaas oo ay ka mid yihiin Cabdi Xaaji Aadan Magadlle,Gaaboow Buulle ,iyo Cabdi jiis . 

Intaas ka dib ayaa waxa wareysi gaaban la yeeshey guddoomiyaha saxaafadda Gudaha oo ay ka mid tahay Idaacadda Quraanka ,iyo Wariyaha DMC ee muqdisho , 

Waxaana Su’aalaha la weydiyey ka mid ah: 

Su:aal:Guddoomiye Waxaan ognahay in gobolkan ay degan yihiin Beelo aad u badan gaar ahaan Beelaha awdigil,markaas maxkamaddiinnu ma Beeshaada oo keliya ayay ku shaqo leedahay mise dhammaan way mataleysaa Beelaha kale ee Digil? 

Jwaab: walaal sida aad ka arkeysid magaca maxkamadda ma aha mid ku qotonta hal qabiil ,qof kasta oo islaam ah oo dega gobolkan waan ku soo dhoweyneynnaa ,inkasta oo aan annagu noqonney asaaseyaal ,hase yeeshee fulinteeda way u furan tahay qof kasta oo dega Gobolka ,haddii ay qabaa’illada walaalaheenna iyagana nagu soo biiraan waxaan leeyahay ku soo dhowaada,haddii ay furtaan maxkamado kale waxba kama qabno oo waa iskaashaneynnaa. 

Su.aal:Sheekh Xasan Waxaan ka warqabnnaa in gobolkan uu ka jiro maamul uu horkacyo indhacadde ,markaas isdee bay idin ku suuragaleysaa inaad ka shaqeysaan ? 

Jawaab:Gobolka annaga ayaa u dhalanney ,waxaana wadnnaa kitaabka ilaahey midka meel haysta iyo kan aan haysan labadba waxaan ugu yeereynnaa kitaabka ilaahey mana u maleynaayo inuu jiri karo qof ka soo horjeesta kitaabka ilaahey . 

Su.aal :Guddoomiye Beelaha Dega Gobolka Shabeellada Hoose maxaad ugu baaqeysaa?

Jawaab:Waxa dhamaan qabaa’illada gobolkan dega ugu baaqayaa inay taageeraan maamul islaami ah oo ay iyagu iska leeyihiin ,islamarkaasna u huraan naftooda iyo maalkooda. 

Waxaa soo tebiyey: Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya
002521576666/002521653623


Uganda. xukuumada uganda iyo jamhada mucaaradka ah oo kala saxiixday heshiis 20 sano kadib.

mudo 20sano ah oo ay jamhada mucaaradka ah ee dalka uganda oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (LRA)  ayaa heshiis kukala saxiixday koonfurta sudan magaalada juba halkaasi oo ay indhawawleba uga socdeen wadahadalo lagu dhexdhexaadinayo.

Afhayeen u  u hadlay dawlada uganda ayaa sheegay in jamhada LRA ay meel isugu gayso ciidamadeeda isla markaana ay hukooda haysanayaa tan iyo inta si rasmi ah la isku aaminayo.

Jabhadda LRA xabad joojin ayeey ku baaqdey, laakiin dowladda Uganda waxa ay sheegtey in loo baahanyahey qorshe guud oo xabad joojinta ku xiga.

20 sano dagaal ka socday dalka uganda  ayaa maanta ay fursad u tahay in heshiiskan lagu soo afjaro, kumaakun ayaa ku dhintay dagaalkan in kabadan halmayan oo kalena way ka qaxeen waqooyiga dalka uganda oo ah halka ay jamhadu ka soojeedo ayna ka dagaalanto.

Dadka ku dhaqan waqooyiga uganda niyad  wayn umahayaan jamhada LRA waayo jamhadaas waxaa lagu eedeeyaa in ay caruurta afduubto islamarkaana ay ka dhigato askar  u dagaalanta jamhada.

Chad: dawlada chad ayaa amar dagdag ah ku bixisay in ay wadankeeda isagabaxaan laba shirkadood oo saliida ka baarayay dalka chad.

Madaxwayanah dalkaasi chad Mr: Idriss Deby  ayaa amar ku bixiyaya in ay labadaasi shirkadood isaga baxaan dalkiisa si dag dag ah labadan shirkadood ee laga saarayo dalka chad ayaa kala ah ChevronTexaco and  Petronas oo laga kala leeyahay wadamada maraykanka iyo malaysia.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey shirkadahaasi in ay iska bixin waayeen canshuurtii ku waajibtey, kadibna ay dawladdu go’aansatay in ay 24 saac gudahood dalkaas ay isaga baxaan.

Labadan shirkadoo oo 60% ku lahaa wax soo saarka saliidda laga qodo waddanka Chad, kama aanay jawaabin amarka degdegga ah ee  uga yimid dhanka dawladda wadanka chad.

Madaxwayne Mr: Idriss Deby   ayaa cadeeyay in dawladiisu ay kafaale qaadayso in ay si dag dag ah ula wareegayso meelaha kale ee harsan.

Go’aanka degdegga ah ee uu qaatay madaxweyne Mr: Idiris Deby ayaa noqday mid ka yaabiyey suuqyada iyo shirkadaha saliidda ee caalamka oo idil.

Dalka chad ayaa isku rogay hada   mid xiriir la leh shirkado chines ah 3 maal mood aya laga joogaa markii ay chad marti qaaday Diplamasi chinese ah.

Sanadkan bilowgiisii ayaya ay dawlada chad sheegtay in ay joojinayso waxsoosaarka saliid   kadib markii ay sheegtay in shirkadahaasi ay bixin waayeeen canshuurtii ku waajibtay.

Dabayaaqadii bishii December ayay ahayd markii ay  dawlada chad  ay  ka baxday  banka aduunka kadib markii ay dawladu soo saartay sharci cusub oo ka dhan  ah wax soosaarka saliid dalkeeda  kadib markii ay dawladu sheegtay in  ay iyadu si rasmi ah u maamulayso goobaha waxsoosarka.

A/rizak koronto

Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 28, 2006

Minnesota: Coleman iyo Kennedy oo Dalbaday in dib loo eego Shuruucda Bangiyada...
ayagoo ka jawaabaya codsi uga yimid Bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo xawaaladaha ayey labo warqadood... Guji...

Warbixin ku Saabsan Heerka uu Marayo ololaha Nadaafadda G/Banaadir
iyo Mudaharaad ka dhan ah wasiirka waxbarashada Puntland oo ay soo abaabuleen ardayda Gambool oo ka.. Guji... Aug 27

»BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND & MAXKAMADAHA ISLAAMKA
Shir ay shalay galabnimadii isugu yimaadeen wax-garad ka soo jeeda gobollada Puntland oo deggen magaalada London ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo ku kala wajahan dhinacyada isku hor fadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo... AKhri....

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 26, 2006

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo...
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal...
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay...
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah..
Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 25

Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda Soomaalida Degan | Warbixin Kooban
 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD