SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
Daabaco Boggan | Print
MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London 

dhambaal argagax leh!!!??? 

Ka dib dalgaaladii iyo burburkii gaarey dalkeenii Soomaliya , waxaa ka dhashay barakac , iyo qax weyn oo ku dhacay dadkeenii Soomaaliyeed, tiiyoo aad maanta ka heleysid meel walbaa oo dunida ka mid ah, waxaana dhaawac aan laga soo kabsan Karin soo gaarey , naftii, maalkii, sharaftii, iyo magacii Soomaaliyeed, waxaana moodaa in aay yar tahay inta fahamsan arintaa iyada ah , waayo waxaa muuqata weli xiiso badan oo loo qabo qaxa iyo qaxootinimada , inkastoo dhibka ka jira dalkii loo aaneyn karo, balse waxaa is weeydiin mudan  waa ayo cida laga sugayo ineey Soomaaliya hagaajiso ? Ma soomaali mise ajnabi ?. 

Hadaba intii lagu jiray qaxaan ayaa waxaa jira dhalinyaro badan oo ku hana qaadey ama ku dhalatay , kuwaasoo aan haba yaraatee indhaha ka qaadin qaran Soomaaliyeed, ama ummad Soomaaliyeed oo dunida dusheeda laga qiimeeyo ama laga ixtiraamo , waxeeyna ku hana qaadeen Soomali oo Qaxootinimo dunida ku dawarsata , lagana karaahsaday dunida dacaladeeda , . waa tii horey loo yiri Heybad waxaad ku leedahay dhulkaada hooyo. 

Dhalintaan khaas ahaan kuwooda ku nool Yurub , America, Asutralia , New Zealand , waxeey waayeen cid aay ka dhigtaan hormuud ama ku deydaan ( Role Model), sababtoo ah inta badan waxaa aay la nool yihiin, Hooyo, ama Eedo, Habaryar, oo Single Mother ah , isla markaasna aan laheyn haba yaraatee wax waxbarasho ah,oo hore isla caruurtana aay u yihiin, af celiyayaal , marka macquul ma ahan in uu qofkaa ka qaato tarbiyo, iyo toosin midna , marka caruurtii, waxaa meel cidla ka helay , qolooyinka nolosha ka dhacay oo asalkooda yahay Madoowgii la adoonsan jiray, oo daroogada ku iibiya dariiqyada. 

Hadii aan usoo noqdo ciwaanka qoraalkeyga , waxaan booqasho ku tagay Xabsi lagu xiro dhalinyarada ka yar 21 jirka ,iyo wixii ka yar oo ku yaala magaaladaan London, oo la yiraahdo Feltham Young Offenders Prison ,kaasoo aan in mudo ah howlihiisa ku mashquulsanaa maadaama aan hawlaha Jaaliyada ka shaqeeyo, dhibaatada dadkeena ku heysatana wadamadaana ma ahan wax hal qoraal looga sheekeyn karo ,

Xabsiga waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan yareyn, oo ah da,a kala duwan balse ka yar 21 sano , Soomalidana waa jinsiyada ugu badan ee ku xiran Xabsiga, oo waxeey aad uga badan yihiin, Jamaican ka oo ugu badnaan jiray weligood, xabsiyada wadankaan , dhalinyardaan waxa ay isugu jiraan, qaar xukun sugayaal ah, iyo kuwo la xukumay , waxeeyna qaar ka mid ah ii sheegeen in lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, oo ah wakhti badan runtii . 

Dhalinyaradaan waxaa aay ku eedeeysan yihiin Danbiyo kala duwan, mid kastaana wuxuu si hufan kuugu sheegayaa waxa uu sameeyey, oo lagu soo xiray,  

Qaar ka mid ah waxa aay kuu sheegayaan in danbiyada lagu soo xiray aaney shaqo ku laheyn oo aaney galin ,  balse qaar ka mid saaxiibadood aay sameeyeen oo iyagana aay ag joogeen oo sidaa lagu soo xiray, oo hadana aay maxkamad sugayaan.. 

Dhalinyaradaan ku xiran xabsiga ayaan ka wareystay arimo isoo gaarey oo shaagayey in dhalintaa Soomaaliyeed ee  ku xiran xabsigaa lagu dhibaateeyo, oo xitaa la faraxumeeyo, hase ahaatee markii aan wareystay dhalinyaradaa Soomaaliyeed ayeey ii sheegeen in arintaa aaney jirin haba yaraatee, oo wax jirdil ah oo loo geysta aaney jirin. 

Dhalinyaradaa soomaaliyeed ee ku xiran xabsiga  kama muuqan wax niyad xumaan ah, waxaana laga soo xiray daafaha kala duwan ee London.

Mar aan la hadlayey  qaar ka mid ah masuuliyiinta Xabsiga ayaa waxaa aay si toos ah iigu yiraahdeen, in aay aad ula yaabanyihiin tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiga , oo aay aad u badan tahay , marka loo eego nisbada aan ka nahay dadka degan London, iyo hareeraheeda, waxeeyna yiraahdeen waa dhambaal argagax leh , waxeeyna ii sheegeen in aan fadhiga ka kacno hadii aan nahay Jaaliyada soomaaliyeed ee degan wadankaan oo aan ka fekerno sidii aan shabaabkeena u badbaadin laheyn, oo kuwa xabsiga ku jirana loo caawin lahaa, inteey ku jiraan xabsiga  iyo markeey kazoo baxaanba.. 

Hadaba hadii aan nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee degan wadankaan UK, gaar ahaan London, waxaa lagama maarmaan ah in aan arintaan ugu istaagno si haybeysan , oo aan ku caawineyno caruurteena, kuwa Xabsiga ku jira iyo kuwa bannaanka jooga, 

Waxaana  aaminsanahay in caruurta Soomaliyeed , aay yihiin double victims , waayo marka ugu horeysa waxaa gabay waalidkoodii iyo Jaaliyadoodii , waayo , waalidiinta ugu horeyn waxeey ku fashilmeen in caruurtooda , aay gacanta ku qabtaan, oo si fiican u barbaariyaan, Soomaaliya markii la joogey , waxaa saacidayey degaanka , hase ahaatee halkaan waa ka duwan tahay Soomaaliya , waxaana muuqata in waalidiinta in badan oo ka mid ah ma fahmsano , arintaa iyada ah, Jaaliyadiina waxeey ku fashilanay in aan xarumo iyo meelo aay dhalinyarada ku baashaalaan, waxna lagu baro loo abuuro , marka dhalinyarada Soomaaliyeed waxeey waayeen waxyaabo aay heystaan dhalinta kale ee qeyrkooda ah, ee ku nool wadankaan, waana inaan aqbalnaa inaan ku fashilanay inaan caruuteena badbaadino , mana filayo ineey jirto qasaare ka weyn in aan caruurteena qasaarno, mana filayo xoolo kastaa oo la sameeyo ineey caruurta la qeymo noqonayaan . 

Waxaa kaloo xusid mudan in marka arintaan timaado in cid kastaa iska riixeeyso masuuliyada, oo waalidkiina yiraahdo, dadka ka shaqeeya howlaha jaaliyada ayaa na gabay, dadka jaaliyada ka shaqeeyana leeyihiin , dadkii ayaa caruurtoodii gabay, kana qeyb qaadaneynin howlaha jaaliyada hadii laga codsado.. 

Hadaba si arintaan si habsami ah oo habeysan ugu bilaabato , qaasatan kuwa xabsiga ku jira hada, oo aan u habeyno shaqadeena , waxaan soo jeedin lahaa in qof kastaa oo arintaa inuu gacan ka geysato diyaar u ah inuu  ila soo xiriiro, waxaana waxyaabaha loo baahanayahay ka mid ah , in waqtigaada aan qeyb ka bixiso oo booqashooyinka ka qeyb qaadato , iyo wixii kale ee xirfad oo aad gacan ka geysan kartid, waxaana ku dedaali doonaa , hadii allah idmo , in si joogto ah Xabsiga uga hawlgalno, una sii gudubnaa kuwa kale , insha allah , waxaana muhiim ah ina hawlaha aan qabaneyno joogto noqdaan , si aay miro u dhalaan, . 

Waa inaan  ogaanaa  inaan jiilaal soo koraya ku lumineyno qurbaha , wadankiina waxa ka jira waan og nahay , markaa micnaheedu wuxuu yahay in Soomaalinimada khatary weyn ku jirto mustaqbalka dhaw  

Waxaana muhiim  inaan ogaano in allah SWT na caawin doono hadii aan caawino , dadkeena dhibaateeysan , sida ku cad xadiiska NNK, mana filayo cid anaga aan aheyn oo u istaageysa  hadii aan anaga u istaagin,  ? arintana waa soo dhaaftey is eedeyntii dhexdeena ee fadhiga aan ka kacno;  
 

Fadlan igala soo xiriira cidii ineey gacan ka geysato u diyaar ah  

Abdullahi Osman
Director

Access for Support and Development Centre
10 High Street
Southall , Middx
UB1 3DA 

Tel;0208 574 1228
Mobile: 07961 326 923

E-mail: aosman66@yahoo.co.uk 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 27, 2006


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD