SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 Wararkii: Agoosto 26, 2006
  • Fursad soo martay Ehelada ragga Soomaaliyeed ku xiran wadanka Thailand..
  • Qaar ka mid ah Ciidamadii ku xareysnaa Manaas oo loo qaadayo…
  • Khilaaf soo kala dhex galay maamul Putland iyo Maamulkii dhawaan looga...
  • Jaamacadda Carabta oo ka codsatay Itoobiya in ay Ciidamadeeda kala baxaan..
  • Muran xoogan oo u dhexeeya Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumada..
  • Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo dagaal kula wareegay…

  • »BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND & MAXKAMADAHA ISLAAMKA

Fursad soo martay Ehelada ragga Soomaaliyeed ku xiran wadanka Thailand..

Afar nin oo u dhalatay Dalka Thailand ayaa ku soo caariyey Xeebaha Deegaanka Xaafuun, kaddib markii Markab kalluumeysi oo ay saarnaayeen laga soo tuuray.

Afartaan nin oo dabaalanaya ayaa waxaa badbaadiyey doon Kalluumeysi oo laga leeyahay maamul Gobaleedka Puntland, kuwaas oo markii dambe u soo dhaqaajiyey dhanka Xeebta.

Afartaan nin oo ay ka muuqatay dhibaatada badda ayaa waxay ahaayeen kuwo aan aqoonin luuqadaha Beesha caalamku isku afgarto, balse luuqadooda ku hadlayey.

Abshir Cabdi Taangi oo ah Duqa Degmada Xaafuun ayaa waxa uu sheegay mar uu u waramayey saxaafadda in raggaasi uu haatan caarfimaadkooda u waramayey, isla markaana uu sheegay in ay wargeliyeen maamul Gobaleedka Puntland.

Afartaas nin markii la ogaaday inay u dhasheen dalka Thailand ayaa waxaa si weyn ugu farxay ehelada saddex nin oo ku xiran Thailand laguna xukumay min Taban sano oo xarig ah, kaddib markii lagu eedeeyay in ay ku kaceen wax loogu yeeray falal argagixiso, waxaana la filayaa in Afartaan nin ay ku gorgortamaan ehelaada saddexda nin ee ku xiran dalka Thailand.

Ehelada saddexda nin ee ku xiran Taylan ayaa waxay horey u sheegeen in ragga ku xiran Taylan ay yihiin kuwo si cadaalad daro ah loogu xiray Taylan, isla markaana xarigooda ka dambeeyeen rag u dhashay maamul Gobaleedka Puntland.

  • Si aad wax badan uga ogatin saddexda ka tirsanaa askarta Daraawiishta DGPL ee ku xiran Thailand, AKhri: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 18 | 

Qaar ka mid ah Ciidamadii ku xareysnaa Manaas oo loo qaadayo…

Xerada Manaas oo ay ku xareysan yihiin ilaa iyo 3000 oo Ciidamo ah oo u badan kuwii laga keenay maamul Gobaleedka Puntland ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in qaar ka mid ah ciidamadaasi loo wado deegaanka Bu’aale oo ka tirsan Gobalka J/dhexe halkaas oo la sheegay in ay ka dhigan doonaan saldhig.

Ciidankaasi ayaa waxaa la sheegay inay gacan siin doonaan Barre Hiiraale haddii uu weerar kaga yimaado dhinaca Maxaakiimta, iyadoo Barre Hiiraale oo wasiirka Gaashaandhiga loo magacaabay uu ku howlan yahay sidii maamul gobaleed loogaga dhawaaqi laha gobalada Jubbooyinka oo ay xarun u noqon doonto Kismaayo.

Barre Hiiraale ayaa baryahanba u janjeeray dhianca Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, hase yeeshee warar hoose oo aanu helnay aya awaxay sheegayaan in maamul Gobaleedka looga dhawaaqayo Kismaayo looga dhigi doono madax nin ka soo jeeda Gobalada Puntland kaddib markii loo sheegay Barre Hiiraale in isagoo wasiir ah uusan qaban Karin xilka maamulka loo sameynayo Jubbooyinka, hase yeeshee Su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay Barre Hiiraale ma ku qanci doonaa arrintaasi, iyadoo la og yahay in ay uu faa’iido weyn ku qabo Jubbooyinka, mise waxaa loogu yeeri doonaa Madaxweynaha maamul Gobaleedka Jubbaland ahna wasiirka Gaashaandhiga ee Dowladda Federaalka .

Khilaaf soo kala dhex galay maamul Putland iyo Maamulkii dhawaan looga...

Wararka ka imaanayta Gobalada Dhexe waxa uu sheegayaa in khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay maamul Gobaleedka Puntland iyo maamulka dhawaan looga dhawaaqay Gobalada Mudug ee la magacbaxay Gal-Mudug-Land, kaddib markii mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ay sheegeen in aysan aqoosaneyn maamulka Gal-Mudug, waxay kalloo sheegeen in Magaalada Gaalkacyo aysan heelan Karin labo maalmul.

Arrintaan ayaa waxaa si aad ah uga xumaaday mas’uuliyiinta Cusub ee Gal-Mudug oo ku tilmaamay faragelin lagu hayo maamulkooda, isla markaana waxay sheegeen in wararka ka soo ka yeeraya mas’uuliyiinta Puntland looga baahan yahay inay ka fiirsadaan.

Sidoo kale mar la wareysyta Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac ayaa waxa uu sheegay in maamulku uusan ogeyn meel looga dhawaaqay Gal-Mudug waxa uuna sheegay in Magaalada Gaalkacyo aysan marnaba yeelan doonin wax la labo maamul.

Jaamacadda Carabta oo ka codsatay Itoobiya in ay Ciidamadeeda kala baxaan..

Jaamacadda Carabta oo iyadu dooneysa in uu guuleysto shirka Khartuum ayaa ugu baaqday Dowladda Itoobiya in ay faragelinta ay ku hayso Soomaaliya joojiso, isla markaana ay si dhaqsi leh ciidamadeeda ay ugala baxdo gudaha Dalka Soomaaliya.

Warqad qoraal ah oo ay Golaha Maxaakiimtu gaarsiiyeen Jaamacadda Carabta ayaa waxay kaga dalbabdeen in wadamada Jaamacada Carabtu il gaar ah ku eegaan faragelinta qaawan ee ay Dowladda Itoobiya ku hayso Soomaaliya, Iyadoo Maxaakiimtu ku sheegeen qoraalkooda in aysan ka qaybgali doonin Shirka Khartuum ee Itoobiya ay ka baxdo Dhulka Soomaaliya.

Muran xoogan oo u dhexeeya Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumada..

Iyadoo dhawaan Ra’isul Wasaare Geeddi uu magacaabay Golahiisa Wasiirada oo ka kooban 31 xubnood ayaa waxaa cabasho xoog leh ay ka timid beelaha Soomaaliyeed oo sheegay in Saamigii 4.5 si weyn loogu xadgudbay.

Muran xoogan ayaa u dhexeeya Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda, iyadoo Ra’isul Wasaare Geeddi uu ku doodayo in xukuumaddaani ay tahay mid la isku shaandheeyey, isla markaana uu kal hore Geedi kalsooni ka helay Golaha Baarlamaanka, hase yeeshee xildhibaanada qaar ayaa waxay qabaan in Dowladdaani tahay mid cusub oo loo baahan yahay in la horkeeno Golaha Baarlamaanka si loo ansixiyo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay in arrintaani uu haatan ku dhex jiro isagoo dhawaan kulamo la yeeshay Geeddi iyo Shariika.

Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo dagaal kula wareegay…

Waxaa maalintii shalay ahayd Maxkamdda Islaamiga ah ee Al–Hudaa ay weerar ku qaadeen Xarunta xisbiga ee Magaaladad Muqdisho halkaas oo ilaala ka hayeen qaar ka mid ah Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waxaana weerarkaas ku dhintay hal qof oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, waxaa ku dhaawacmay saddex kale.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugannaa Xarunta ayaa waxay qaar ka mid ah sheegeen in aan la soo wargelin imaanshaha Ciidamada Maxaakiimta, iyadoo sheegay inay diyaar u ahaayeen in ay si habsami leh ku wareejiyaan xaruntaasi.

Golaha Maxaakiimta ayaan wax war ah ka soo saarin dhibka ka dhacay xarunta Xisbiga, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la dhigay Isbitaalka Madiina oo qaarkood la sheegay inay aad u ildaran yihiin.

Lama garanayo sababaha ay Maxaakiintu weerar ugu soo qaadeen xaruntaasi, iyadoo la og yahay in goobo fara badan si wanaagsan loogu wareejiyey Maxaakiimta Islaamiga ah oo ay ugu dambeysay xaruntii Taliska Ciidanka Booliiska iyo goobo kale oo muhiim ah.

Xarunta Xisbiga ayaa waxaa kulamo ku yeelan jiray Golaha Deegaanka Gobalka Banaadir, marna waxay xarun u ahayd Golaha Baarlamaanka gaar ahaan kuwii ku sugnaa Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

»BAAQ KU WAJAHAN DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND & MAXKAMADAHA ISLAAMKA
Shir ay shalay galabnimadii isugu yimaadeen wax-garad ka soo jeeda gobollada Puntland oo deggen magaalada London ayaa waxaa ka soo baxay baaqyo ku kala wajahan dhinacyada isku hor fadhiya duleedka magaalada Gaalkacyo... AKhri....

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 26, 2006

MasjidXarunta Abuubakar As-Saddiiq oo Lala Beegsaday Fal Cadownimo ah
Minneapolis, USA: Waaberigii maalintii Khamiistii ayaa laba nin waxa ay xarunta masjidka...
Akhri...

somaliXawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo Cabasho u Gudbiyey Sen. Coleman
kadib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay.. Guji

Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo
Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo...
Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal...
Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay...
Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah..
Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 25

Qaab Nololeedka Magaalada Leicester iyo Xaaladda Soomaalida Degan | Warbixin Kooban
 


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD