SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
:::SIR FAKATAY:::

Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 Wararkii: Agoosto 25, 2006
  • Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo, iyo dawlada Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo.
  • Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay waddanka Nigeria ayaa la sii daayey.
  • Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah u dirayo dalka Lebanon.
  • Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo weli ka soconayo magaalada muqdisho
  • Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal & Qaadiyaal ah...

Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo oo Cabasho u Gudbiyey Senator Coleman

Maamulayaasha shirkadaha xawilaadaha Soomaaliyeed ee Minnesota oo isugu tegey xafiiska Sen. Coleman ka dib markii ay la soo deristay digniin culus oo kaga timid Bangiyadii ay lacagaha ku xawili jireen... Akhri...

Madaxwayne Cadde Muuse oo Qirtay Ciidamo Ethiopian ah in ay joogaan Galkacyo, iyo dawlada Ethiopia oo beenisay ciidankeedu in ay galeen Galkacyo.

Madaxwaynaha puntland Gen: Cadde Muuse ayaa si rasmi ah u qirtay oo aan leexleexad lahayn  in ay ku sugan yihiin puntland gaar ahaana magaalada galkacyo ciidamo Ethiopian ah.

Qirashada uu qirtay Cadde Muuse in ay Gaalkacyo joogaan ciidan Ethiopian ah ayaa ku soo beegmaysa xili dawlada Ethiopia ay beenisay in ciidamadeedu ay u gudbeen  gudaha puntland gaar ahaana magaalada gaalkacyo oo ay beenisay warkaasi oo ka soo yeeray markii horeba maxaakiimta islaamiga ah ee magaalada muqdisho iyadoo kadibna ay cadeeyeen  ama si cad looga soo sheegay gudaha gaalkacyo sida ilo lagu kalsonyahay ay qirayaan.

Hadalka Cade Muuse uu ku qiratay in ay joogaan gudaha puntland ciidamo Ethiopian ah ayaa ahaa mid ka fogaa diplomasiyada  waxana uu cade muuse muujiyaya qiraal dhab ah oo dhamaystiran marba hadii uu afkiisa kaga qirtay in ay jiraan ciidankaasi oo si aan leex leexad lahayn uu cade muuse afkiisa uga qirtay.

La iskuma diidana dhamaan in ay joogaan ciidamo Ethiopian ah guud ahaan somalia balse sanadihii la soo dhaafay waa ay ku yaraayeen ciidamo ka socda Ethiopia in lagu arko gudaha puntland  tanina waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay Ethiopia ugu ooman tahay in ay faragalin toos ah ku samayso dhulka somalidu dagan tahay oo dhan.

Cade muuse ayaa sheegay in ciidanka  ka yimid Ethiopia ay ahaayeen ciidan gaaraya hal-batalyan sida uu carabaabay tira ahaana uu ku sheegay 250 ciidan gaaraya  waxana uu yiri waxay puntland u yimaadeen in ay tababar siiyaa ciidamada puntland  gaar ahaana saraakiisha maadaama ay iska dhamadeen guud ahaan saraakiishii dawladii somalia qaarkoodna ay hawlgab noqdeen halka buu yiri qaarkakalena ay noqdeen wax dalka kamaqan taasina ay tahay lagamamaarmaan in lahelo saraakiil tababar qabta  oo dhaqaajisa hawlaha ciidamada puntland si aanu ula jaanqaado ciidamada aduun waynaha oo ka haqabtiran dhanwalba ee ciidan.

Xiriirka puntland iyo Ethiopia

Puntland iyo ethiopia waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireey ilaa iyo SSDF ayuuna taxanyahaya xiriirkayaga, ayuu yiri Cadde, marla arkana waanu ka wadahadalnaa arimaha amaanka iyo wax isdhaafsiga puntland iyo qoomiyada somalida ethiopiana waa dad walaalo ah oo siku reer ah sidaa darteed waxaanu nahay dad xiriir wanagsan leh ayuu yiri.

xiriirka maxaakiimta iyo puntland

Mar uu ka hadlayaya  xiriirka maxaakiimta iyo puntland cade muuse waxa uu sheegay in maxaakiimta uu xiriir fiican kala dhexeeyo puntland, waana wadahadalnaa waana isnaqaanaa raga waawayn waxayna noo cadeeyeen in aysan puntland weerar ku soo ahayn anaguna aanu weerar ku ahayn,balse marla arko waxaa jira kuwo yar yar oo maxakiimta ah oo meelahaa ka booteeya oo yiraahda cirkaanu soo duminaynaa anaguna kuwaas yar yar ee bootaynaya waanu isu diyaarinay ayuu yiri cade muuse.

Madaxwayne cade muuse oo hada ku sugan magaalada gaalkacyo  ee xarunta gobalka mudug ayaa warkaasi cadeeyay, cade muuse ayaan ka gaban ama aan qarin  ciidanka ethiopia balse waxa uu aad ugu adkaystay in ay ciidankaasi yihiin kuwo tababarayaal ah oo aan dagaal iyo in ay cid daafacaan aan u socon.

Cade muuse ayaa maalmihii ugu danbeeyay kawaday magaalada gaalkacyo hawlo lagu sifaynayo amaanka magaalada, cade muuse waxa uu maalintii shalay ahayd booqasho ku tagay ispitaalka guud ee magaalada gaalkacyo waxana uu warbixino ka dhagaystay madaxda ispitaalka guud ee gaalkacyo waxana uu ugu danbayntii xaalada ispitaalka u saaray gudi isaga oo sheegay in ay ispitaalku leeyahay dhaqaatiir fiican oo aqoon u leh hawlaha caafimaadka  loona baahan yahay in wax wayn laga qabto xaalada isbitaalka guud ee magalada gaalkacyo.

Nigeria: Shaqaale ajnabi ah oo lagu afduubtay waddanka Nigeria ayaa la sii daayey.

Lix shaqaale ajnabi ah oo u kala dhashay wadamada Britain, Ireland iyo Poland kuwaas oo laga afduubtey meel lagu caweeyo oo ku taal magaalada xeebta ah ee Port Harcourt, 13-kii bishan August ee ay nu soodhaafnay ayaa maanta sarakiisha amaanka ee dalkaasi Nigeria shaaca ka qaadeen in si rasmi ah loo siidaayay.

Shaqaalaha lasiidaayay ayaa mudo 10 casho ah ku jiray gacanti afduubtay, shaqaalahaan ayaa ahaa kuwo ajnabi ah oo ka baarayay dalkaasi nigeria saliid  uu wadankaasi hodanka ku yahay.

Toddobaadkii la soo dhaafay dawladda Nigeria waxay qaadday tallaabo ka dhan ah afduubayaasha kuwaasi oo lagu baadi goobayo ragii wax afduubay si loo samatabixiyo shaqaalihii ajnabiga ahaa ee la afduubay waxana dhacdooyinkaas loo xirxiray dad gaaryaa 100 qof intooda badana waa la sii daayay markii danbe.
 

Kooxo dabley ah ayaa inta badan afduubyo kula kaca shaqaalaha shisheeyaha ah ee ka hawl gala goobaha saliidda  dalkaasi uu hodanka ku yahay waxana ay kooxahaasi diidan yihiin siyaasadda dawladda ee qaybsiga khayraadka dabiiciga ah sidoo kalena kooxaha afduubayaasha ah ayaa dalbada lacag madaxfurasho ah inta badana dawlada nigeria ayaa diida in ay bixiso lacag madaxfurasho ah taasi oo ay dawladu ku tilmaanto in ay noqn karto shaqo kale oo u furanta dhamaan dadka ku kacsan dawlada iyo kooxaha qawlaysatada ah dalkaasi nigeria.

si kastaba dawlada nigeria ayaa ku guulaysata intabadan soo furashada  dadkii la afduubay.

Paris: Farasiiska oo ogolaaday in uu ciidamo dheeraad ah u dirayo dalka Lebanon.

Madaxwaynaha dalka faransiiska ayaa cadeeyaya in dalkiisu uu diyaar layahay ciidamo gaaraya hal-batalyan in uu u diro dalka Lebanon.

hadalka uu madaxwayne Jacques Chirac  ka jeediyay telvitionka ayuu  ku cadeeyay in uu u dirayo ciidamo gaaraya ilaa iyo 1600 oo ciidan nabad ilaalinta ka qayb qaata dalkaasi lebanon.

Faransiiska oo horay u shaaciyay in uu hagooamin doono ciidamada nabad ilaalinta ee qaramada midowbay u dirayso dalka lebanon ayaa  ka gaabsaday kadib markii uu  ka codsay golaha amaanka  in ay soo hordhigto dalkiisa shaxda   lagu galayo dalkaasi lebanon arintaas oo ku kalifta francesk in uu soo diro 200 oo ah  ciidan  xirfad layaal ah kuwaasi oo uu ku kordhiyay ciidamadii hore ee lebanon ka joogay dalkaasi lebanon taasi oo markaas noqotay arin kale oo qaramada midowbay ku kaliftay in ay raadiso dawlad kale oo hogaanka  u qabata ciidamada nabada ilaalinta lebanon la gaynayo.

Dalka talyaniga ayaa  hogaanka u qabanaya  ciidamada nabad ilaalinta qaramada midowbay ee  lagaynayo  dalkaasi lebanon, talyaniga ayaa  u diraya ciidamo gaaraya 3000 halka franceskuna uu maanta ogolaaday in uu dirayo ciidamo isku gaaraya 2000.

Mr: Chirac ayaa cadeeyay in ciidamadiisu ay hoostagayaa kuwa nabad ilalainta qaramada midowbay ee la gaynayo lebanon wixii ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadanayso qaramada midowbay. 

A/rizak koronto
Garowe puntland


Furitaanka iyo ku biiritaanka midowga maxaakiimta oo weli ka soconayo magaalada muqdisho ,  

Maxkamada nuurul islaam waa maxkamada y furatey beesha garre magac ahaan balse shaqadeedu ay gaaridoonto marka laga soo tago dalka gudihiisa wadamada deriska ah sida kenya ,iethopia , iyo jabuuti , maxkamada oo laga markii ugu horeeysay laga bilaabay sii sii iyo shiirkole ayaa u xuubsiibtey midowga maxaakiimta sida ay sheegeen gaarka mid ah mas,uuliyiinta ka soo qeyb galay furitaanka maxkaamda nuurul islaam ,  

 Ku biirtaanka Midowga maxaakiimta waxey ka turjameysaa sida raaliga looga yahay ku dhaqanka kitaabka aale waana cisi sharafta aan garney ayey diidan yihiin kuwa dalbanayo in ciidamo la keeno dalka sidaas waxaa yiri sh: qaasin sh: maxamed nuur mar uu ka hadlayey furitaankii xaflada looga dhawaaqay maxkamada nuurul islaam ee xafada dagmada hodan   maxkamadaan oo ah maxkamadii 32aad kuwaas oo  maalin walbo kasbado taageerayaal farabadan ,  

Xafladaas oo aheyd mid siweyn loo soo agaasimay  ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay  suldaan cabdulahi sh: cusmaan oo ku hadlaayey magaca odoyaasha dhaqanka ee beesha garre wuxuuna carabka ku dhuftey in ay isaga baxeen dhamaan xeerarkii ay la lahaayeen beelaha kale waxii maanta ka danbeeyane ay kula xukluntamidoonaan ku dhaqanka shareecada islaanm wuxuuna meesha ka saaray wax yaabihii xunxumaa ee laga dhaxlay dhaqamadi gaboobay ee dib u dhaca ku keenay bulsho weynbta somaliyeed sida , bacmadow , iyo diyada aan gaarsiisneyn xadkii ay u qeexday shareecada islaamka , 

 

Waxaa munaasibadaas hadalo ka soo jeediyey sh: nuur baaruud gurxan oo sheegay in uu aad u soo dhaweynayo furitaanka maxkamadaan nuurul islaam iyo ku dhaqan ka manhajka kitaabka quranka kariinka ah wuxuuna xusay in loo bahan yahay in xariga eebe la wada qabsado taas oo lagu gaarayo liibaan aduunyo iyo mid aakhiro wuxuuna ugu baaqay  beesha garre iyo guud ahaan somalida oo dhan in ay xariga ilaahey wada qabsadaan ,

Furitaankaan maxkamada islaamka ah ee nuural islaam waxaa ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashey mas,uuliyiin ka socotey midowga maxaakiimta islaamka iyo kuwa maxkamadaha degmooyinka gobolka banaadir waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa dr cabdulaahi cabdi ibraahin garweyne oo ah ninka u qaabilsan maxkamadaha dhinaca waxbarshada ,  sh: nuur baaruud gurxan oo ka socday golaha majmaca culumada somaliyeed iyo  aadan xasan maxamed ( abuu dujaan)  kuwaas oo guud ahaan ka waramay guulaha isdaba jooga ah ee maxaakiimtu ka faareen dalka iyo dhibaartooyiinkii ay soo mareen culumada somaliyeed iyaga oo sheegay in dhibaatooyin joogto ah lagu haayey iyado oo qaarna la dilo halka kuwa kalana la dhoofin jirey balse nasib wanaag maanta in shacbiga somaliyeed ay ka xoroobeen arintaas uur ku taalada leheyd ,  

Ugu danbetii waxaa munaasibadaas gabagabadi ka hadlay sh : xasan cusmaan xuseen oo ahaa gufoomiyaha cusub ee loo magacaabay maxkaamda nuurul islaam isaga oo sheegay in ay maxkamadu ka howl gali doonto gobolada dagmooyinka ay beeshu dag  iyo dowlaha dariska la ah somaliya sida keynya ,iyo eithiopia deegaano ka tirsan   

Maxkamadaan ayaa waxaa gudoomiye u ah sh : xasan cusmaan xuseen ku xigeena waxaa u ah sh: soomow cusmaan halka uu afhayeenka yahay cabdirisaaq xaaji xasan .

Sheikh Shariif oo Aqoonkororsi u furay 70 Garsoorayaal & Qaadiyaal ah...

Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,ayaa Khamiistii siminaar aqoonkororsi oo socon doono mud 14 maalmood ah oo u dhiganta 40 saacadood oo weliba gelinka danbe ah u furey in ka badan 70 garsooreyaal  ama qaali kuwaas oo isug jira kuwa hore iyo kuwo cusub ,xaruuntii hore ee maxkamadda gobolka Banaadir..

 

Waxaa la furayaa doorad loogu talagalay in wadaado garsoorayaal ah oo u kala baxa ragii hore uga shaqeyn jirey iyo kuwa hada ka shaqeeya  rag aqoon yahano shirci ah loogu talagalay in ay laba asbuuc ku qaataan tababar iyo isxasuusin wixii la iloobay ,

 

Waxaa lagu bilabay aayado quraan ah oo uu halkaa ka aqriyey mcacalin abuukar shuqaale ,

Waxaa shirka furay godoomiyaha labada xaafadood ee xamar jajab iyo xamarweyne sh: xuseen kuna soo dhaweeyey gudigii ka socday midowga maxaakiimta in ay halkaa ka sii amba qaadaan barnamijka ,

 

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ,Gudiga garsoorka iyo gudiga fulinta ee midowga maxaakiimta islaamka gudoomiyaha labada xaafadood ee maxkamada islaamiga ah ,godoomiyayaasha maxkamadaha islaamiga ah ee gobolka banadir ,garsoorayasha ,rag kale oo muxaadiriin ama ka soo qeyb galayaal ah sida wariyayaasha iyo goobjaagayaalka ,

 

xubnaha Siminaarka waxa  furey waxaa ka mid ah Sheekh Xasan cusman axmed (xasan mahdi ) oo ka mid ah guddiga fulinta ee golaha maxaakiimta islamarkaasna ka tirsan  islamarkaasna ah madaxa Garsoorka ,Garsooreyaasha ,asagoo ka hadllaya siminaarka ayaa wuxuu u mahad celiyey dadkii babaadiyey xarunta maxkamadda,

 

Waxaa halkaa warbixin ka soo jeediyey sh: ibraahin sh: maxamed oo ka mid ahaa dadkii badbaadiyey dhismaha maxkamada gobolka oo aan waxba laga bililiqeysan intii ay ku jirtey xaalada howgabka ahey ,

 

 

“Walaalayaa maxkamadaan wax badan ayey soo martey mar ay galo ka shaqeyneysay ,mar dad muslim ah ay ka shaqaynayeen ,taariikhdeeda ma dhawa dhismahaan waxaa la dhisay 1988 dii inkasta oo hada burbur ka muuqdo waxaa lagu tiring karaa dhismayaasha cusub 1988 dii ayaa faraha laga qaaday kahorna waxey aheyd jiingdo ,

waxaa soo maray garsoorayaal iyo dad badan oo shqaqaale ah wax dhintey iyo wax noolna waa leeyihiin wax hada shaqada wax ka haayo waa leeyihiin sidaa daraadeed maadaama uu garsoorku uu yahay arin culus qofka bini aadanka ah wax shaqo uu ka dhigto aysan eheyn garsoorku waa dhib badan yahay ,

 

garsoorku wa tikniko oo kale hadi uu halaabo waxaa dhacayso wixii nagu dhacay waxey ka bilowdeen garsoorkii oo xumaaday waxaa hada dhisan maxkamada racfaanka ,xeer ilaalintii ,maxkamadaha dagmooyinka 16 ka degmo  cadaaladu waa muhiin garsoorkii hore iyo kuwii danbe waa fadhiyaan , markii ay maxkamaduhu burbureen nin waliba danihiisa ayuu qabsaday , ninkii rooti gaada ,kii moos gada ,kii gaari gacan riixi kara dhamaan shahaado oo dhan waxba waa teri weyday runta ayey tagtey iyo maxaad qabsan kartaa ,hada hadii la isu soo celiyo oo garsoorkii la keeno wa alxamdu lilaahi , sahreecada islamka in wax lagu xakumo waa wax aad loogu baahan yahay xukunka shareecada lama diidi karo waxaa la isku qilaafa qaadista dacwada ee lama diidano xukunka ,

 

“ ninka tuuga ah oo qof dilay dadka oo dhan waxey jecel yihiin in uu fakado waxeyna ku doodayaan sidaas muu iska yiraahdo sidaa muu iskaga difaaco , haduu waxaas dhihi laha waa lasii deyn lahaa dadka oo dan waxey la jiraan ninkaas tuuga ah marka dadka waa hooseyaan garsoore dhisan waa loo baahan yahay waana lagu so biiri karaa wixii wax ka garanaya xukunka islaamka ,

 

maxkamadu waxey ka kooban tahay sadax dabaq waana lagu shaqeyn jiray dhamaantood oo waa la buuxin jirey ayuu ku soo koobay hadalkiisii ,

 

waxaa manta goobjoog ah raga maxkamadaha islaamiga ah had ka shaqeeya rag kale oo qabiiriin ah oo runtii aqoon yhano waaweyn ah laakiin aan heysann fulin iyo awood kuligoodna waxaa la rabaa in la mideeyo lana keeno rag saldhig u noqdo garsoorka in lag soo saaro ,

 

sh: shariif sh: axmed “ mahadcelin ka dib walaalayaa dakaanu wuxuu u burburey cadaalad daro cadaalad oo dhana waxaa ay ku jirtaa kitaabka alle waxaa dhacday cadaalad siyaasadeed ,mid bulsho ,iyo mid garsoor intaba waa dhaceen taasu waxey keentay dalkaanu in uu burburo 16 sano na uu soo kabsan waayey ilahey fadligiisa dadaal badan ka dib umadu waxey u baahan tahay in cagaha dhulka loogu saaro iyada oo la adeegsanayo cadaalada ,

 

“ waxaad ogsoon tihiin shacabku markii uu dhibtooday in uu samaystey maxkamado islaami ah waxay shaqeeyeen intii ay qaban karaan howsha umada waxey u bahan tahay juhdi badan iyo fursad la bixiyo garsoorayaal badan la diyaariyo si loo mideyo howsha umada meelksta oo ay jooganba dadka beeska u noqonayo waa dadka beesha fadhiyo manta hadii ay cadaalad sameyaana nin aan ku soo talagelin in uu cadaalad sameeyo aqqonkast ha lahaadee dhif mooyee wax horumar ah lagu arki mayo ,

sh : shariif wuxuu u cadeeyey garsoorayaashii halkaa fadhiyey in uu isagu xataa soo bargay sharciga uuna ka soo baxay kuliyada qaanuunka doonayane in uu dadkiisa iyo dalkiisa uga faaiideeyo ,

Sidoo kale wuxuu sheegey addunka inay ugu sharaf badan yihiin Garsooreyaal caaddil ah diiniyan iyo maaddi labadaba ,wuxuuna kula dardaarmey inay  dhowraan caddaaladda

 

Isaga oo tusaale u so qaatey garsoore gurigiisa loogu tagay oo laga dhadhiciyey arintii oo dhan ka dibna markii uu maxkamadii yimid ay isku dhaceen dhinacii kale iyo garsoorayaashii la qasheynayey ,

Ugu danbeyntii wuxuu hadalkiisa uga baxay dadka loo garqaadayo yaanan macaamilo idinka dhaxeynin oo aan ka aheyn maxkamada horrteeda  ha iskuugu kiin danbeyso marka aad xakunka ridaan oo aad tiraahadaan marka aad albaabka ka baxdaan  macsalaama dib danbe agteyda ha soo joogsanina  intaasu waxey ka mid tahay waxyabaha cadaalada kor u qaada

 

 Muuse Maxuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com |  Agoosto 25, 2006

Warar Googoos ah: Agoosto 24
»Kongo: Heshiis lagu dhammeeyey rabshadihii ka dhacay...
»UN: Qaramada midowbay oo ka hadashay caruur...
»Hambalyo loo diray Cali Axmed Jaamac (Jangali)...
Wararka oo dhan ka akhi halkan.... Guji...

C/Qaasim “Aniga ayaa igu horeeya oo Qoriga Qaadanaya haddi aysan Tigreega ka ..”
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaanka Gobolka...
»Maxaakiimta oo tababar u furtay Dhalinyaro ka tirsanaan..
»Shalay oo la dhaariyey Xubnihii cusbaa ee golaha Wasiirada
»Xildhibaan Guuleed oo soo jeediyey Dowlada & Maxaakiimta
»Xildhibaan Jinni Boqor “Dowladda uu soo dhisay waa Jug..
»Daahir Rayaale oo la kulmay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye
»XAFLADII QALIN JABINTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE KARACHI
»Dalladda Dhakhaatiirta Xoolaha Soomaaliya Oo Shir Uga..
»Garowe: Shir ku saabsan caafimaadka xoolaha ayaa lagu..
»Nairobi: Wiil la waayey - muddo dhan 40 malmood
Wararka oo dhan akhri... Guji.... Aug 23

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD