SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

 

Wararkii: Agoosto 24, 2006

  • Kongo: Heshiis lagu dhammeeyey rabshadihii ka dhacay dalka Kongo.
  • UN: Qaramada midowbay oo ka hadashay caruur lagu laayay suudaan qaarna la faraxumeeyay.
  • Hambalyo loo diray Cali Axmed Jaamac (Jangali). 

Nairobi: Wiil la waayey - muddo dhan 40 malmood

 

salaamu calykum. Sawirka qofka kor ka muuqda waa sawirka Nuux Cumar Muuse, waxana la la'yahay oo aan la ogayn meel uu jiro inuu dhintay iyo inuu noolyahay mudo ah 40 maal mood, marka cidii argta anagala soo xiriiirto talafoonadan. 612-2034555 Minneapolis ama 254-722119259 Nairobi kenya ama 2525454857 somalia. waad mahadsan tihiin.  ama Email: salaam_omar@yahoo.com

the picture of above person is called Nuux omar muse and he has been missing for the last 40 days . please anyone who knows his whereabouts can contact us on the below phone numbers, 612-2034555 Minneapolis, 254722119259 Nairobi, kenya and 2525454857 Somalia. thank you all.

Qore: abdisalaam muse | Email: salaam_omar@yahoo.com


Suxufiyiinta Gobolka Minnesota

 

Haddii aanu nahay Suxufiyiinta Gobalka Minnesota, waxa aanu hambalyo u direynaa iyo soo dhaweyn xilka cusub ee loo dhiibey Wasiirka Warfaafinta ee Dowlada ku meelgaarka mudane Cali Axmed Jaamac (Jangali). 

Waxa si weyn hambalyo kuugu soo wada direya bahda telefishinada, bahda raadiyayaasha, bahda websaadyada, iyo bahda wargeysyada qoraalka ee gobalka Minnesota, U.S.A. Dhamaan waxa aanu ku leenahay hambalyo iyo wada shaqeyn wacan.  

Hadaanu nahay gaar ahaan idaacadaha telefishinka la daawado waxa aanu jecel nahay in aanu kuugu casuuno in aad timaado Minnesota, oo aanu kuugu xirno idaacadaha waaweyn ee gobolka sidii ay u caawimi lahaayeen Dowlada.  

Wada Shaqeyn Wacan
Abdimalik Askar
Founder/Producer
Somali Media, aabdimalik@hotmail.com

Kongo: Heshiis lagu dhammeeyey rabshadihii ka dhacay dalka Kongo.

Rabshado socday mudo sadex maalmood ah ayaa ka taagnaa dalkaaso kongo oo dalka ugu ciidamo nabad ilalainta badan maanta dunid.

Rabshadahaan ayaa u dhexeeyay ilaalada madaxwaynaha  dalkaasi kongo iyo ninka sida waynula tartamaya tartanka doorashadaasi  kaasi oo gaystay khasaaro naf iyo maalba leh.

Taniyo markii ay bilaamatay rabshadahaani waxaa lagu soo daad gureeyay dalkaasi kongo ciidamo dheeraad ah oo nabad ilaalin  oo  ka socda dadlalka yurub balse ah kuwo hos tagaya qaramada midowbay.

Madaxweynaha waddanka Jamhuuriyadda Dimoqraaddiga Kongo iyo ninka la tartamaya ee Jean Pierre Bemba ayaa ku
heshiyey in la dhammeeyo rabshado ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Kinshasa, kuwaas oo u dhexeeyey ciidamada dawladda iyo taageerayaasha siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Dhinacyada isku haya talada waddankaas ayaa heshiis buuxa ku gaarey in dagaalka la joojiyo, iyadoo maalintii shalay ciidamo boqollaal gaaraya oo ka socda Midowga Yurub ay gaareen caasimadda Kinshasa si ah xiisaddaas hoos ugu dhigaan.

Ciidamo hubaysan oo taageerayaal u ah labada murashax oo u tartamayey madaxtinimada waddanka Kongo ayaa rasaas ka bilaabay magaalada caasimadda ah ee Kinshasa maalintii Axaddii tasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac,tallaabadaas oo keentay in ciidamo ka socda Midowga Yurub oo nabad ilaalin u joogey dalka Gabon ay u soo gudbaan magaalada Kinshasa si ay gacan uga gaystaan ilaalinta nabad lagu soo dabaalo dalkaasi kongo oo ay la dageen dagaalo sokeyo mudo 40sano ah.

Doorashadii ka dhacday dalka kongo  ayaa tirinda codadkii la dhiibtay shaki galisay in uu u muuqdo dalkaasi inuu yeesho madaxwayne  si cad loo soo doortay waxaana la diiday in joseph madaxwaynaha hada talada haya uu yahay madaxwaynihii ku soo baxay doorashadii la dhiibtay waxaana lagu wadaa in ay markale dalkaasi kongo ka dhacdo doorasho dimuquraadi ah.

labada murashax oo ugu codadka badan oo kala ah madaxwayanaha hada talda haya Mr:Joseph Kabila iyo murashaxa  kale oo ah Mr:Jean Pierre Bemba ayaa lagu kala saari doonaa wareeg labaaad oo doorasho markale ka dhacda dalkaasi kongo xiliyada ama bilaha soosocda.

UN: Qaramada midowbay oo ka hadashay caruur lagu laayay suudaan qaarna la faraxumeeyay.

Warbixin cusuboo uu soo saaray xoghayaha guud ee qaruumaha midowbay Mr: kofi annan ayaa shaaa ka qaadaysa in xaalada dalka suudaan ee caruurta lagula kacayo ay tahay mid sii xumaanaysa.

Warbixinta kofi annan ee qaramada midowbay ayaa lagu shegay jamhada mucaaradka ah iyo kuwa taageerada dawalada suudaan in ay si wayn ugu lug leeyihiin tacadiyada loogaysanayo caruurta dalka suudaan.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in xitaa ay jirana caruur laga dhigto ciidan kuwaasi oo aan xaq u lahayan in la ciidameeyo iyaga oo aan gaarin da'dii qaangaarnimada islamarkaana inta la afduubo la ciidameeyo.

Warbixinta annan ayaa sidoo kale lagu cadeeyay in ay jiraan caruur lagu laayahay bartamaha caasimada khartuum ee suudaan sidoo akalena ay jiraan caruur kale oo lagu laayay  koonfurta dalkasi suudaan.

Jamhada ay sida wayn u taageerto dawalada suudeen ee Janjaweed iyo jamhada kale ee mucaaradka ah ee loo yaqaano Sudanese Liberation Army (SLA)  ayaa si wayn loogu xiriirinayaa ku luglahaanshaha  tacadiyada caruurta dalkaasi suudaan, gaarahaana kuwaasi oo kadagaalama darfuur.

Jamhada mucaaradka ah aya ku xoogwayn koonfurta dalkaasi suudaan, jamhadaasi iyo xukuumada suudaana waxaa ay horay uwada saxiixdeen heshiis aan sidaas u dhaqan  galin.

Mr: kofi annan ayaa ugu baaqay madaxwaynaha suudaan iyo hogaamiyaha maamulgobaleedka  koonfurta suudaan in ay   wax badan ka qabtaan xaalada caruurta lagula dhaqmayo tacadiyada iyo dhibaatooyinka aan kala go'a lahayn  ee ka taaganguud ahaan dalkaasi suudaan.

Koxaha isku haya wadaxaajoodka darfuur iyo koonfurta sudan ayuu Mr: annan ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii loo sii wadi laha wadahadalada dhinayada nabada  ee guud ahaan dalka suudaan  sidii loogu soo dabaali lahaa.

Kooxaha u gargaara caruurta dunida ayaa ku qiyaasaya 100.000 guud ahaan aduunka inta laga dhigto askar intooda badnina waa african.
 

A/rizak koronto

Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 24, 2006

C/Qaasim “Aniga ayaa igu horeeya oo Qoriga Qaadanaya haddi aysan Tigreega ka ..”
»Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaanka Gobolka...
»Maxaakiimta oo tababar u furtay Dhalinyaro ka tirsanaan..
»Shalay oo la dhaariyey Xubnihii cusbaa ee golaha Wasiirada
»Xildhibaan Guuleed oo soo jeediyey Dowlada & Maxaakiimta
»Xildhibaan Jinni Boqor “Dowladda uu soo dhisay waa Jug..
»Daahir Rayaale oo la kulmay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye
»XAFLADII QALIN JABINTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE KARACHI
»Dalladda Dhakhaatiirta Xoolaha Soomaaliya Oo Shir Uga..
»Garowe: Shir ku saabsan caafimaadka xoolaha ayaa lagu..
»Nairobi: Wiil la waayey - muddo dhan 40 malmood
Wararka oo dhan akhri... Guji.... Aug 23

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD