SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Wararkii: Agoosto 23, 2006

  • C/Qaasim “Aniga ayaa igu horeeya oo Qoriga Qaadanaya haddi aysan Tigreega ka ..”
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaanka Tirsan Gobolka .
  • Maxaakiimta oo tababar u furtay Dhalinyaro ka tirsanaan jirtey
  • Shalay oo la dhaariyey Xubnihii cusbaa ee golaha Wasiirada..
  • Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed oo u soo jeediyey Dowlada iyo Maxaakiimta..
  • Xildhibaan Jinni Boqor “Dowladda uu soo dhisay Jug Jug meeshaada joog.
  • Daahir Rayaale oo la kulmay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika
  • XAFLADII QALIN JABINTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE KARACHI
  • Dalladda Dhakhaatiirta Xoolaha Soomaaliya Oo Maanta Shir Uga Furmay Garoowe 
  • Garowe: Shir ku saabsan  caafimaadka xoolaha ayaa  lagu qabtay magaalada Garoowe.
  • Muqdisho: "Siyaarada Biyimaalow maxakamadaha fasax ma looga weydiistey?"

Nairobi: Wiil la waayey - muddo dhan 40 malmood

 

salaamu calykum. Sawirka qofka kor ka muuqda waa sawirka Nuux Cumar Muuse, waxana la la'yahay oo aan la ogayn meel uu jiro inuu dhintay iyo inuu noolyahay mudo ah 40 maal mood, marka cidii argta anagala soo xiriiirto talafoonadan. 612-2034555 Minneapolis ama 254-722119259 Nairobi kenya ama 2525454857 somalia. waad mahadsan tihiin.  ama Email: salaam_omar@yahoo.com

the picture of above person is called Nuux omar muse and he has been missing for the last 40 days . please anyone who knows his whereabouts can contact us on the below phone numbers, 612-2034555 Minneapolis, 254722119259 Nairobi, kenya and 2525454857 Somalia. thank you all.

Qore: abdisalaam muse | Email: salaam_omar@yahoo.com


C/Qaasim “Aniga ayaa igu horeeya oo Qoriga Qaadanaya haddi aysan Tigreega ka ..”

C/Qaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladii Carta ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa oo ku yaala magaalada Muqdisho, waxa uuna ka halday dhowr qodob oo ay ka mid yihin, faragelinta Dowladda Itobiya ku hayso arrimaha Soomaaliya, Doorka liita ee ay ku socoto Dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya, iyo Kacdoonkii Shacabka ee Maxaakiimtu hormuudka u ahaayeen iyo waxa la gudboon, waxa uuna sheegay C/qaasim in dhibaatada shacabka Soomaaliyeed haysata ay ugu horeyso faragelin shisheeye. “Waa waajib na saaran in aan arrimaheena xalisano, cid aan duulaan ku nahay ma jirto” ayuu yiri C/qaasim oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ku caan baxday khilaaf joogto ah oo dhexdhexeeda ka aloosan maalintii la soo dhisay ilaa iyo haatan, xiriir la’aanta ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka, Faragelinta Ciidamada Tigrega ah oo Dowladda KMG ah ay u ogolaatay inay dalka soo gasho, Ka gaabinta dibuheshiisiintii Soomaaliyeed oo saldhig u ahayd axdigii lagu soo dhisay dowladda, Maamulkii Dowliga ahaa ee heer Qaran iyo heer Gobol oo aan waxba laga qaban, Waxay Dowladdu ogolaatay in qabqablayaashii Dagaalka ee laga saaray Xamar ay ku soo dhaweyso Baydhabo. “Aniga ayaa ugu horeeya oo Qoriga qaadanaya haddii aysan Tigreegu ka bixin gayiga Soomaaliyeed” ayuu yiri C/Qaasim Salaad Xasan oo sheegay in Dowladda Itoobiya aysan marnaba ogoleyn in Soomaaliya ay noqoto Qaran. Mar uu ka hadlayey dhinaca Maxaakiimta waxa uu sheegay in Maxaakiimtu ay ku yimaadeen rabitaanka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay ku sugan yihiin Kooxo Argagixiso ah, isgoo sheegay in argagixisada ay Soomaaliya lahayd ay ahaayeen Qabqablayaashii dagaalka oo shacabka Soomaaliyeed ku hayay dhibaato joogto ah, ugu dambeyntii waxa uu C/Qaasim soo jeediyey in la xoojiyo midnimada iyo kalsoonida ka dhexeysa hogaanka Maxaakiimta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay deegaanka Tirsan Gobolka .

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in meesha loo yaqaano Bandiiradleey ay soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dalka gudihiisa.

Ciidamadani Itoobiyaanka oo wata hub iyo gaadiidka dagaalka ayaa soo galay gelinkii dambe ee shalay iyagoo halkaasina ka bilaabay in ay isku sii fidiyaan.

Sarkaal katirsan Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qorsheynayaan Itoobiyaanka in ay u soo dhaqaaqaan Dhanka Gelinsoor halkaasi oo fariisin u ah Ciidamada Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Halka ay ku sugan yihiin Ciidamada Golaha Maxaakimta iyo Goobta ay soo galeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa waxaa u dhaxeeya illaa 30km, waxaana laga cabsi qabaa in haddii ay horey ugu soo dhaqaajiyaan Dhanka Goobaha ay fadhiyaan Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed in halkaasi uu ka qarxo Dagaal dhex mara Ummadda Soomaaliyeed iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee iyagu gardarada ku yimid dalka Soomaaliya.

Sarkaalkani oo ka tirsan Saraakiisha Ammaanka ee Golaha ayaa shaaca ka qaaday in diyaar garow Culus ay galeen waxa ay sugayaanna ay tahay keliya waxyaabo yar yar oo ka harsan,

Maxaakiimta oo tababar u furtay Dhalinyaro ka tirsanaan jirtey

Tiro kor u dhaafeysa 600 oo maleeshiyaad ah oo lagu biirinayo ciidamada maxaakiimta islaamka Somaliyeed ayaa shalay tababar looga furey xerada Hiil-weyne, waxaana halkaasi ka dhacay munaasabad balaaran oo ay ka qaybgaleen madaxda ugu sareysa Maxaakiimta Islaamiga ah. Munaasabadaan oo ay hadlo ka jeediyeen madaxda ugu sareysa maxaakiimta islaamka Somaliya ayaa halkaasi waxaa ugu horey ka hadlay Gudoomiyaha Xamar iyo Xamar-Daye Macallin Xaashi oo faahfaahin dheer ka bixiyey heerarkii ay soo martay xerada Hiil-Weyen, Waxa uu sheegay in ciidamada lagu xareeyay xerada ay yihiin kuwii hogaamiyeyaashii lagaga itaal roonaaday Muqdisho iyo kuwo kale, waxaana sidoo kale ka hadlay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Hiil-Weyne ku tilmaamay gob wax weyn ka tartay tababarka dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo ka qayb qaatay dagaaladii lala galay Itoobiya.

Shalay oo la dhaariyey Xubnihii cusbaa ee golaha Wasiirada..

Xaflad balaaran oo ayaa maalintii shalay ahayd ka dhacday xarunta ADC-da ee Magaalada Baydhabo ayaa lagu dhaariyey Golihii Xukuumadda ee dhawaan Ra’isul Wasaare Geedi magacaabay. Xafladdaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo waliba Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, oo dhamaantood la dardaarmay Xukuumadda Cusub. waxaa goobta xafladda lagu dhaariyey Xubnaha cusub ee Xukuumadda, waxayna mas’uuliyiinta halkaasi ka jeediyeen hadalo. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumaddu ay hor taalo shaqo balaaran, isla markaana looga baahan yahay in ay boorka iska jafto, oo aysan noqon sidii middii iyada ka horeysay ee dhawaan uu kala diray Madaxweynuhu, Shariif Xasan ayaa isna ugu baaqay in Golaha cusub howlkarnimo, waxaana lagu wadaa in dhawaan la hor geeyo Golaha Baarlamaanka si ay u siiyaan codka kalsoonida.

Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed oo u soo jeediyey Dowlada iyo Maxaakiimta..

Sirtii Qarsoonayd ee Quixtar oo La Fashiliyay

TV-ga NBC oo Dabagal Dheer Ku sameeyey Shirkada Quixtar

Xildhibaan Faysal Cumar Guuleed oo doraad ka soo laabtay Magaalada Baydhabo ayaa mar aan kula kulanay Hotel Naaso Hablood waxa uu sheegay in mar kale laga war sugo waxqabadka Dowladda uu ku dhawaaqay Cali Max’ed Geeddi.

Faysal mar wax laga weydiiyey sida uu arko qabsoomida shirkii Khartuum waxa uu sheegay Faysal in shirkaasi loo baahan yahay in ay ka wada qaybgalaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta, isagoo sheegay in uu miro dhal noqon doono shirkaasi, sidoo kale waxaan weydiinay in ay ciidamo Itoobiyaan ah ku sugan yihiin Baydhabo, waxa uuna ku jawaabay “Waqti way jirtay laakiise maanta wax ciidamo Itoobiyaan ah ma joogaan Magaalada Baydhabo”.

Faysal waxaan kaloo weydiinay sida uu arko ciidamada IGAD ay ku yaboohday, waxa uuna yiri Faysal “Shacabka Soomaaliyeed ha ogodaan, in anagu aan ogolaanay in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ku sameeya shacabka, balse ma aanan ansixin in dalka la keeno ciidamo ka socda Wadamada safka hore”.

Ugu dambeyntii Faysal waxa uu si aad ah u soo dhaweeyay nabadgelyada buuxda ee ka dilaacday Magaalada Muqdiso, isagoo u mahaceliyay Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay inay qabteen howl bulshada Soomaaliyeed ay si aad ah ugu baahnaayeen.

Xildhibaan Jinni Boqor “Dowladda uu soo dhisay Jug Jug meeshaada joog.

Xildhibaan Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) ayaa wax laga weydiiyay sida uu arko Dowladda uu soo dhisay Cali Max’ed Geeddi, waxa uuna yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya “Dowladda uu soo dhisay Geeddi waa jug jug meeshaada joog, waayo wax is bedel ah oo ay soo kordhineyso ma jirt:”. Jinni Boqor waxa uu sheegay in Dowladda aan wax is bedel ah lagu sameynin, isagoo tilmaamay in dib loo soo celiyay raggii ay markii horeba ka socon weysay Dowladda Federaalka.

“Geeddi waxa uu garab maray arrimihii la isla ogaa ee ahaa in Dowladda la soo yareeyo, isagoo Magacaabay Wasiiro Dowlayaal” ayuu yiri Jinni Boqor oo sheegay in Dowladda Federaalka ay si weyn uga gaabisay in ay heshiis la gasho Maxaakiimta oo uu sheegay inay gacanta ku hayaan inta badan Koonfurta Soomaaliya.

Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) mar wax laga weydiiyey in Dowladdu tahay mid cusub, waxa uu yiri “Waa Dowlad cusub, waxaana loo baahan yahay in la hor geeyo Golaha Baarlamaanka si kalsooni loogu weydiiyo”, waxa uuna meesha ka saaray in Dowladdu tahay mid la isku shaandheeyey.

Afhayeenka Maxkamadda Furqaan oo ku eedeeyey Cabdi Qaybdiid in uu…

Afhayeenka Maxkamada Al-furaaq Sh Cagaweyne ayaa ku eedeeyey Col Cabdi Cawaale Qaybdiid inuu Ciidamo Itoobiyaan ah ku soo hogaamiyey Bandiiradlay kaddibna uu xoog kula wareegay gacan ku haysnta Magaaladaasi.

Sheekh Cagaweyne ayaa waxaa kaloo eedeeyn u soo jeediyay Dowlada Goboleedka Puntlland oo uu sheegay inay ka qaybqaadatay dagaalkii maanta ka dhacay deegaankaasi, afhayeenka ayaa sidoo kale carabka ku dhiftay in dagaalka maanta ay ka qaybqaateen ciidamo Itoobiyaan ah oo iyagu la sheegay inay soo galeen deegaankaasi.

Waxaa jira cabsi laga qabo in uu dagaal dhex maro Ciidamad Maxaakiimta iyo kuwa Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo la sheegay inay garab siinayaan ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana qabshada Magaalada Bandiiradley ku soo beegan tahay kaddib markii Sheekh Xasan Daahir Aweys u soo boqoolay Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Gudoomiyaha Beelaha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika

Bristol- Somali Voice 22-08-06: Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo imika ku sugan dalkan Britain ayaa maanta ku qaabilay huteelka uu deggan yahay ee ku yaala badhtamaha London Masuuliyiin ka socotay Beelaha Gabooye ee reer Somaliland oo uu hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Beeshaasi ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabi oo ku magac dheer " Saaqa"
 
Xubnahan ka socday beesha Gabooye waxay madaxweynaha ka wada hadleen guud ahaan dhibaatooyinka dhaqaale, waxbarasho,iyo dhinaca cadaalada darrada ee beeshaasi dul saarnayd sanadaha tirada badan ee sida cadaalada ka fog loogu takoorayay beeshaasi Gabooye, waxaanay ka doodeen sidii xukuumada Somaliland ay gacan u siin lahayd sidii beeshu ay uga soo kaban lahayd dhibaatooyinkaasi una heli lahayd cadaalad iyo xaq soor u siman guud ahaan bulsho weynta Somaliland. 
 
Kulankan oo ahaa mid si weyn ay isugu afgarteen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Beesha Gabooye waxaa la isla gartay in Xukuumada Somaliland ay si weyn wax uga qaban doonto cabashooyinka jira ee beeshu ay tabanayso isla markaasna waxa Madaxweynuhu uu sheegay in dhamaan muwaadiniinta Somaliland ay yihiin qaar u siman sharciga hortiisa isla markaasna xukuumadiisu ay wax la qaban doonto beeshan boqolaalka sanadood la takoorayay.
 
Gudoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika Mudane Maxamed Ciise Caabi oo jariidadan Somali Voice uga warramay kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha, waxa uu yidhi
 
" Si fiican ayaanu isula afgaranay Madaxweynaha arrimaha aanu kala hadalnay, waxaana uu ahaa kulan aad u qiimo badan oo aanu rajaynayno in faaiido balaadhani uga soo baxdo beeshan la dulmiyay, waxaana Madaxweynuhu uu naga codsaday inaanu qoraal ahaan ugu soo gudbino wax alla waxa ay beeshu tabanayso taasoo uu ballan qaaday inuu wax ka qabto, sidoo kale waxaanu ku ballanay inaanu dalka hooyo tagno si cabashooyinka jira wax looga qabto"

 
Si kastaba ha ahaatee Beeshan Gabooye ee Somaliland oo ah beel geesiyiin ah oo kaalin weyn kaga jira horumarinta dalka Somaliland isla markaasna ah muwaadiniin boqolaal sanadood uu saarnaa dulmi iyo gooni sooc ayaa waxaa imika shacbiga Somaliland ay ku baraarugeen siday lagama -maarmaanka u tahay in la soo afjaro cadaalad darrada iyo cunsuriyada Jahliga ku dhisan ee lagu hayo muwaadiniintan.

 
Jariidada Somali Voice waxay ugu baaqaysaa qof kasta oo Muslin ahiba inuu u hawl galo sidii loo tirtiri lahaa cadaalad darrada iyo hayb sooca lagu hayo beeshan, waxaa sidoo kale aanu ugu baaqaynaa Guud ahaan Shacbiweynaha Somaliland iyo Xukuumada Somalilandba inay u hawlgalaan sidii wax loola qaban lahaa beeshan wadaniyiinta ah gaar ahaan dhinacyada dhaqaale, waxbarasho, iyo horumarineed si beeshan loo soo gaadhsiiyo beelaha kale ee Somaliland. 
 
Kaysar Cabdilaahi
Tafatiraha Jariidada Somali Voice
Email: kaysar202@yahoo.co.uk
www.thesomalivoice.co.uk

XAFLADII QALIN JABINTA ARDEYDA SOOMAALIYEED EE KARACHI

Waxaa maalintii khamiista aheyd taariikhduna ku beegneyd 17ka Agosto 2006 lagu qabtey magaalada Karachi, gaar ahaan hotelka caalamiga ah ee Shereton Hotel, Xafladii qalinjabineed ee 13aad    (13th Convocation Ceremony, 2006) taasoo si heersare ah loosoo agaasimey eey qabateyna Jaamacada weyn ee "Preston University" ahna jaamacadaha gaarka ah tan ugu weyn uguna Cimriga dheer wadankan Pakistan (The oldest and largest private University in Pakistan). Jaamacadan waxaa la aasaasey 1980, waxeyna Campus-yo ama xarumo ku leedahay dhamaan 10-ka magaalo ee ugu waaweyn wadankan Pakistan. Xafladan oo eey ku qalin jabinayeen ardey gaareysa dhowr boqol isuguna jirey Pakistaan iyo Ajaanibba ayaa waxaa   ka mid ahaa lix ardey oo Soomaali ah. Ardeydaa nasiibsatey ee Soomaaliyeed ayaa waxeey kala ahaayeen:

  • Xasan Cabdullaahi Diiriye
  • Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor)
  • Maxamed Cali Faarax (Ugaaska)
  • Bashiir Cumar Ciise
  • Ismaaciil  Faarax Yuusuf (Xaaji Dacam).
  • Axmed Cismaan Faarax (Zaahid)

Xafladu waxey ka koobneyd labo galin. Galinka hore waxaa isugu yimi oo kaliya dhamaan ardeydii qalin jabineysey, shaqaalaha, maamulka iyo macallimiinta jaamacada, ayadoo loo sharaxayey qaabka habsamida leh ee xaflada u dhici doonto iyo waxyaabaha laga rabo ardeydaa qalin jabineyso, tusaale ahaan: sida ey gaardis ugu soo galayaan hoolka xaflada, iyo hadhoow sida ey ku baxayaan, sida ugu haboon ee la rabo in ey isaga tiiriyaan daqiiqadaha lagudoonsiinayo shahaadada oo ey masraxa taaganyihiin ayadoo camera-men-yadana sawirada ku boobayaan I.W.M. Qeybtaa "Rehearsal session-ka" ah oo bilaabatey 9:00am ayaa 12:00kii duhurnimo soo gabagaboowdey. 

Galinkii dambe ayaa xaflada si official-ah waxeey u bilaabatey 6:00pm halkaasoo ey kusoo xaadireen dhamaan mas'uuliyiintii loogu tala galay. Xaflada oo uu kasoo qeybgali lahaa ninka labaad ee ugu awooda badan wadankan Mr. Mohammedmian Soomro  ee ah Chairman   Pakistan Senate, ahna kusimaha madaxweynaha marka uu wadanka banaankaba uga boxo, ayaa waxeey u suurta galiweysey in uu yimaado, roobab aanan horey loo arag oo galabtaa daadad meelkasta buuxiyey darteed oo ey macquul noqon weysey in kolonyada mas'uulkaasi ee amnigiisa ilaalinaya si aan hakad laheyn kusoo gaaran hotelka. Roobabkaa xooga badan   ayaa ilaa 27-qof  ku diley magaalada Karachi.

Programkii xaflada sida uu u dhacay 

  • 6:00pm- Marti sharafkii ayaa goobta kusoo xaadirey
  • 6:16pm- Ardeydii qalin jabineysey (The Graduates) ayaa gaardis kusoo galay goobta
  • 6:20pm- Aayadaha quraanka kariimka ah ayaa lagu furey xaflada
  • 6:23pm- Muusikada qaranka (The National Anthem) -dabcan waa tan pakistaane- ayaa kooxda Bambeyda halkaa ku garaaceen
  • 6:25pm- Madaxii xaflada (The Chief Guest) ayaa ku dhawaaqay in xafladu furantahay
  • 6:26pm-Warbixin sanadeed ayaa halkaa waxaa ka jeediyey Vice Chancellor-ka: Dr.Nazir A. Mughal
  • 6:36pm- Qudbadii soo dhaweynta ayaa waxaa halkaa ka jeediyey Chancellor-ka: Dr.Abdul Basit
  • 6:45pm- Senior program Director-ka: Mr. Anwar A.Ansari ayaa halkaa ka aqriyey liiska ardeyda qalin jabineysa ee markaana meesha xaadirka ku ah
  • 6:50pm- Madaxa xaflada ayaa Shahaadooyinkii qalin jabinta gudoonsiiyey ardeydii qalinjabineysey.
  • 7:40pm- Madaxa xaflada ayaa Billado Dahab ah (Gold Medals), iyo Shahaado Sharafyaba (Merit Certificates) gudoonsiiyey ardeydii qalinjabineysey   ee guulaha gaarka ah gaarey (CGPA: 3.5 or above) kadib markii shahaadooyinka caadiga ah dhamaadeen
  • 7:50pm- Madaxa xaflada (The Chief Guest) ayaa qudbadiisii halkaa ka jeediyey.
  • 8:00pm-Erayo mahadnaq ah ayaa waxaa halkaa ka jeediyey Pro-Chacellor-ka: Justice (retired) Syed Deedar Hussain Shah
  • 8:09pm- Madaxii xaflada ayaa iclaamiyey in xafladu xeran tahay
  • 8:10pm - Ardeydii qalin jabineysey ayaa gaardis uga baxay hoolka xaflada
  • 8:15pm- Sawiro koox koox ah (Group Photographs) ayaa madaxdii iyo ardeydii meesha kuwada galeen
  • 8:30pm - Meeshii ayaa casho sharaftii lagu wada taabtey leyskuna macasalaameeyey.

 Wabillaahi Towfiiq

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor)
Karachi-Pakistan
Halkan ka daawo dhamaan sawiradii xaflada
cabdiboqor@gmail.com


Dalladda Dhakhaatiirta Xoolaha Soomaaliya Oo Maanta Shir Uga Furmay Garoowe 

22 August 2006

Radio Nugaal (Garowe): Daladda dhakhaatiirta xanaanada xoolaha Soomaaliya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SLPF (Somali livestock professional forum) ayaa maanta waxaa magaalada Garoowe uga furmay shir wadatashi ah oo socon doona mudo saddex maalmood ah.

Ajendaha shirkaan ayaa ah xoojinta iyo dardargalinta hawlaha daladda oo dhawaanahaan habacsanaan gashay iyo weliba soo bandhigidda hawlaha ururrada xubnaha dalladda ka ah ay ka qabteen aagagga kala duwan ee dalka Soomaaliya sida Somaliland, Puntland iyo Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

Shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen xubno gaaraya 20 xubnood oo ka tirsan dalladdaan SLPF ayaa waxaa kaloo goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada dawladda goboleedka Puntland, waxaana shirkaan si rasmi ah u furay wasiir kuxigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha, deegaanka iyo beeraha Puntland Mudane C/laahi Maxamed Barre (Cabdullaahi Caato), oo halkaas hadallo furitaan iyo bogaadin ah uga kasoo jeediyey, Mr Caato waxa uu sheegay in dhismaha dalladda SLPF ay soo jiidatay mashruuca SAHASP oo wax weyn ka qabtay caafimaadka xoolaha gobolada kala gedisan ee Soomaaliya, waxa uuna dhakhaatiirtii shirka kasoo qaybgashay kula dardaarmay inay hawshooda labo-jibbaaraan.

Waxaa kaloo isna halkaasi ka hadlay guddoomiye kuxigeenka dalladda SLPF Dr Xirsi Cabdille Guuleed oo sharaxaad ka bixiyey ujeedada kulankaan dalladda, waxa uuna sheegay in ay dhakhaatiirtu ka wada hadlayaan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta iyo iskaashiga dalladda, isagoo sheegay in boorka laga jafayo habacsanaan dalladda in dhawaale ka jirtay.

Aggaasimaha guud ee mashruuca caafimaadka xoolaha ee SAHASP, Maxamed Faarax Diiriye oo isna shirkaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey hergalinta mashruucaan, Mudane Maxamed waxa uu sheegay in mashruucaan uu yahay mid laga hirgaliyey wadamo badan oo Afrika ku yaalla, laguna xoojiyey wasaaradaha xanaanada xoolaha ee wadamadaas, balse iyadoo Soomaaliya aysan horey u lahayn dawlad dhexe sannadihii lasoo dhaafay ayaa la dhisay mashruucaan SAHASP uu la shaqeynayey daladdaha dhakhaatiirta xoolaha gobolada Soomaaliya iyo weliba wasaaradaha xanaanada xoolaha ee maamulada jira sida Puntland iyo Soomaaliland, waxa uuna sheegay in mashruucani wax weyn ka qabtay caafimaadka xoolaha intuu ka shaqeynayey golada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Dalladda SLPF waxaa la aasaasay sanadkii 2000, waxaana ku mideysan ururrada dhakhaatiirta xoolaha iyo xirfadleyda kale ee xanaanada xoolaha ee Somaliland, Puntland iyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Muuse C/risaaq  Mire
Mmire19@hotmail.com  


Garowe: Shir ku saabsan  caafimaadka xoolaha ayaa  lagu qabtay magaalada Garoowe.

kulan balaaran oo ay isugu yimaadeex khuburo ku  ka shaqaysa caafimaadka xoolaha ayaa maanta ka furmay xarunta PRCR ee magalada garowe.

kulan ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen lix haya’ddoo doo
ka shaqeeya caafimaadka xoolaha kana kala yimid Puntland, Somaliland iyo koonfurta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta haayada PRCR ee magaalada garowe, kaas oo looga gol leeyahay sidii loo midayn lahaa amaba la isugu xiri lahaa hay’adaha ka shaqeeya dhinacayada  caafimaadka xoolaha.

Kulankan ayaa waxaa furay wasiir kuxigeenka xannaanada xoolaha beeraha iyo deegaanka dhirta iyo daaqa, Mr: Caato, waxana uu sheegay in kulankan oo kale uu muhiimad gaar ah  u leeyahay caafimaadka xoola loona baahan yahay in had iyo goor laga shaqeeyo caafimaadka xoolaha somalida guud ahaan.

Sikastaba kulankani maahan kii ugu horeeyaya oo looga hadlayo caaafimaadka xoolaha somalida ayna ka soo qaybgalaan qaybo badan oo ka mid ah somliya, waxaana jiray kulamo badan oo isdaba jooga ah tan iyo markii uu sucuudigu joojiyaya iibka xoolaha somalida kaasi oo looga arinsanayay iibka xoolaha iyo caafimaadkooda oo marar badan ka dhacay guud ahaan somalia. 

A/rizak koronto
Garowe puntland


Muqdisho: "Siyaarada Biyimaalow maxakamadaha fasax ma looga weydiistey?"

Siyaradii Macalin Maxamed Cabdi Biyimaalow oo muddo ka badan bil ka socotay Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in caawa la soo gaba gabeeyo, iyadoo bananbaxa Siyarada ay Galabta banaanbaxeedu dhacay, waxaan siyaarada ka soo qeybgalay Culumaa’udiin magac ku leh diinta Islaamka. 

Waxaa siyaarada sanadkaan uga duwaneyd iyadoo khaadumiinta ay lahaayeen kaarar lagu aqoonsado, waxaana sidoo kale galabtii iyo habeenkii wacdiyo diini ah ka soo jeedin jiray Masjidka macalin Biyimaalow Culumaa’udiin waa weyn oo ay ka mid ahaayeen

  1. sh: maxamuud owcabdule cariif
  2. sh: muxyadiin xasan ayaanle
  3. cabduqadir colow
  4. sh: maxamuud dauud
  5. sh: cabdulaahi maxamed xasan (gaywarow )
  6. sh: abuukar xasan maalin
  7. sh: maxmauud guri ceyl
  8. sh: cabdifataax maxamuud gawiid
  9. sh: xasan bayaan
  10. sh : abuukar sh: cali faray
  11. sh shariif xasan yuusuf
  12. sh: cabdirisaaq yare
  13. sh: cabdulaahi cali cabdi
  14. sh muxudiin sh: cali muumin

Waxaa sidoo kale wareysi dheer la yeelanay XoghayahaUrurka Duruqu Suufiyah  Sheekh C/Qaadir Maclin Nuur oo ka warbixiyay qaabka diyaargarowga siyaarada iyo arrimo kale oo ay weydiiyeen suxufiyiintu,wuxuuna hoosta ka xariiqay in siyaaradu bilaabatay 1-dii bisha Rajab islamarkaana ay dhamaan doonto 2-da bisha Shacbaan, wuxuuna sheegay in siyaaradan ay tahay tii 52-aad ee lagu xuso Maclin Biyimaalow. 

“Siyaarada sanadkaan waxaa looga kala yimid  goobo fog fog oo dalka gudihiisa iyo dibadda ah sida Gobolada Dhaxe, hiiraan, Puntland, Gedo, Bay iyo Bakool, Jubooyinka iyo dalal dibaddda ah oo ay ka mid tahay  UK, Ameerika, Finland, iyo dalal kale oo dhowr ah” ayuu yiri Sheekh C/Qaadir Maclin Nuur oo sheegay in Jameecada dhuruqu Suufiyah ay joogto meelo kala duwan oo dunida ah.


 

“ calamada siyarada suran waa 500 oo calan waxeyna soo surnaan jireen tan iyo intii la siyaranayey sheekh mudo 52 sanadood ah iyada oo sanadkiiba ay ku siyaadaan 167 calan sanadkii horena ay gaarayeen xarunta mowlaca sh; macalin biyo maalow , cid loogu dan leeyahayna ma jirto waxaana calamadaas dhexda uga qoran towxiishka waana astaantii lagu garanayey dariiqooinka” ayuu yiri sh: Cabduqaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad oo sheegay in mudadii ay socotey siyaradu la quudinayey masaakiinta inta timaada mowlaca maalin kastane waxaa la qabanayey wacdiyo dini ah, wuxuuna sheegay in siyardu ay wadaan jameecada macalin biyo maalwo oo uu sheegay in ay ku caan baxday faafinta quraanka kariimka ah iyo baridiisa wuxuuna sheegay in ay gacanta ku hayaan 985 dugsi quraan iyo 27 masaajid oo lagu aqriyo cilmig kala duwan , 

mar wax laga weydiiyey in qabashada siyaaradaan ay wax fasax ah weydiisteen midowga maxaakiimta shareecada ayuu sheegay oo horey u amarta oo wax isku iomaatin ah oo ay san ogeyn la qaban Karin ayuu kaga jawaabay sida aad ogtihiin magaalada muqdisho waxaa la wareegay gacan ku heynteeda midowga maxaakiimta islaamka inti ka danbeysana wax qilaaf ah oo dhexmarey ma jiraan maamulka cusub iyo ahlu suna waljameeca  su,aashaan ku saabsan in fasax la weysdiisto kuma jirto kulan diimeed waayo iyaga ayaaba fahamsan in diin la faafiyona cid fasax loogama qaato diinta  waa la faafin jiray iyaguna magac diimeed ayey ku socdaan diintana waa faafineynaa xiriiro waa jiraan fasax aad sheegaysaana ilaaheybaa samada ka soo dejiyey wuxuu ilaahay na faray ayaan wadnaa xumaanta ayaa reebeynaa samaanta ayaan faafineynaa sidaa darted hadii la dukanaayo cid aad fasax uga baahan tahay ma jirto tana waxey la mid tahay iyada oo la dukanayo  

Sheekh C/Qaadir Maclin Nuur oo xiligii aan wareysaneynay Tusbax weyn oo dhowr Boqol qoorta u surnaa ayaan wax ka weydiinay fikirda kala duwan ee laga qqbo tusbax inuu cadeyn ka bixiyo wuxuuna yiri “Fikirka ay Soomaalidu ka aamin san tahay waa mid qalad ah, waxaana ugu jawaabayaa la qodob waa maree Soomaalidu Ninkii Tusbax wata waxey u taqaan nin Jaahil ah oo duqon ah , waxaan u sheegeenaa dadka in xiligii an hana qaadnay nala geeyay goobaha waxbarashada oo dalka iyo dibaddda ah oo aqoonyahano Soomaaliyeed ah, waxaan u sheegeenaa Dadka Caamada ah Inuusan caqli kordhinayn caqlina dhimayn, tan labaad Tusbaxu waa jiri jiray ilaa waqtigii Nabiga NNKH waxaana heysan jiray Saxaabigii Abuu Hureyrah kaasoo gaaraayay ilaa kun xabo, waxaana Dhigaaya Kutubo badan, muraadka laga leeyahayna waa in la kaalmeysto, mana aha wax Bidco ah” ayuu kusoo gunaanaday hadalkiisa. 

Intaas waxaa halkaas ka duceeyay Sh.Axmad Gabale iyo Maclin Nuur Maxamed Siyaad, waxaana halkaas goob joog ka ahaa Sheekh Axmed Sh. Aadan Dheere, Sheekh Maxmuud Ow Cabdule Cariif iyo Mashaaiq kale oo faro badan   

dhinaca kale waxaa halkaa ku  wareysanay Drs Xabiibo Macalin Nuur oo ka timid dalka ingriiska waxeyna sheegtey in haweenka siyaarada yimid ay ka yimaadeen dalal ka mid ah yurub iyo amerika waxeyna intaa ku dartey in sababta ugu weyn ee halkaan u yimaadeen ay tahay ka qeyb galka siyaarada Macalin Biyo Maalow, waxeyna sheegtay  in siyaarada marka ay dhamaato ay dib ugu laban doonaan iyada iyo xubnaha la socda Dalalkii ay ka yimaadeen. 

Muuse Maxamud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdsiho somaliya
002521576666/0025.....21653623

Sheekh Shariif: Gobalka Sh/hoose waa Gobol Gacan siiyey Maxkamadaha...
»Cadde Muuse oo booqday halka ay ku sugan yihiin..
»Gaalkacyo oo lagu xirxiray dad taageersan Golaha..
»Golaha Baarlamaanka oo la hor keenayo xubnaha wasiirada..
»Banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Baydhabo..
»MAGACYADA WASIIRADA IYO BEELAHA AY KA SOO JEEDAAN
»DEEGAANKA GELIN SOOR OO LALA GAAREY LABA BOOYADOOD
»Laascaanood: wafdigii uu hogaaminayay m/kuxigeenka..
»Burundi: Booliska wadanka Burundi oo xabsiga dhigay..
»Hargaysa:Daahir Riyaale oo soo saaray digreeto uu..
windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD