SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Mukulaal Madow
 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Shoobtoo Soo carar, Maxaa dhacay Aay Maana?, Ma ogid miyaa in la dilay Muriidi?, “Waa Muridiigee?”, “Waa Muridiigii Biibitada yar ku lahaa Marwaas Hoostiisa?” “Hadaan gartay, Alla waa wiilkaa yaraa ee Masaakiinka ahaa, waa u maleehaayey in dhibaatadan ku dhaceyso, Ilaahaa joogo, ilaahaa joogo, Shoobto maxaa loo dilay Muriidi?”, “Niman mooryaan ah oo Gaari watay ayaa mid iyaga ka mida wuxuu rabay in uu shaah ka iibsado, markii uu shaahii labo jeer dhedhemiyey, ayuu ku yiri Muriidi, “Doofaaryahow maxaa nooga iibisay Shaaha qaraar”, intii uusan jawaab bixin Muriidi ayaa afka xabad loo geliyey meeshii uu ku dhacay” “Waa u maleehaayey meeqa sanaaan dhahayey, halkoo Mukulaal Madow ah iska keenso” “Waa runtaa, amba xitaa waxaan kula taliyey in halkaas Mukulaal Madowgaa iska keensado, balse wuxuu igu yiri ‘lacag aan ku kharashgareeyo oo aan siiyo ma hayo, Biibitadana wax sidaasi ah igama soo galaan”.

Qolo mooryaan ahoo Biibito ku hor qayileysa ayaa wiil yar oo Garaabiisti ah oo reer Xamar ah waxa uu damcay in uu Caleemaha yar yare ee ka daatay ragaasi, in uu hoostooda ka gurubsado, mid ka mid ah Mooryaantii ayaa Bistoolad inta uu la baxay Lugahana kor u qaatay madaxa ku dhiftay cunugii, dhulka lama soo dhicin, kooxdii Mooryaanta ahayd wax jixin jix ah dilkaas kama muujin oo qayilaadoodii ayey sii wateen, durbadiiba waxaa goobtii yimid Hooyadii iyo Aabihii dhaley wiilkaasi oo ay daba ordayaan Haween iyi Dhallinyaro kale, gabar baa ku barooratay “Alla waa dhintayeey Cumarey” Mooryaantii mid ka mid ah ayaa dhowr xababood kor ugu riday dadkii meeshiina ku kala eryey, Aabbihii iyo Hooyadii dhalay wiilka waxay kari waayeen sidii ay ku soo qaadan lahaayeen Maydka wiilkooda, Gabar la yiraahdo Jiijo ayaa Odeygii iyo Habartii ku tiri “waxaan idiin hayaa talo aad ku soo qaadan kartaan maydka cunuga”, Hooyadii oo ay iline ka da’eyso ayaa tiri “Maxay tahay noo sheeg yaakhee, Ilaahaa jiroo joogee” Odeygii dhalay wiilka iyo Habartii ayaa isku soo jeestay, meeqaa ku dhahaayey wadankaan naga wad oo aan ka tahriibno.

Odeygii ayaa Gabadhii Jiija ahayd ku yiri “Aawey taladaan noo haysay”, waxayse ku tiri “Aw-Cismaan Minankiisa ayaa waxaa jooga Igaarkoo Mukulaal Madow ah” “Waa runtaa” ayuu Odeygii jawaab ka dhigay.

Gurigii Cismaan ayaa loo yaacay, markii la gaaray waxaa iridkii kaga hor yimid, Cismaan Qudhiisii, oo weydiiyey waxa dhacay “Ma ogid miyaa in la dilay Cumarey?” “Cumareygee ma kii yaraa ee 9-jir un ahaa?” “haa isaga waaye, xitaa waxaa naloo diiday in aan soo qaadano maydkiisii, waxaan u baahanay in aan nagu dartaan Baroonshe si uu maydka noogu soo qaado”.

Baroonshe oo qol ku jira oo qayilaya, ayaa Odeygii Aw-Cismaan ahaa u tagay oo ku yiri “Baroonshow cid Deriskeena ah ayaa wiil yar laga dilay Maydkiina loo diiday”, Baroonshe oo indha banaanka keenay ayaa dibadda u soo baxay oo Odeygii iyo Habartii weydiiyey “Ragga dilay wiilka waa reerkee?”, “Anaga maxaa ka kaseenaa reer reer” ayay si wada jir ah u yiraahdeen Odeygii iyo Habartii, “Waxay ku hadlayaan waa maxay, wadankaan waad la socotaan xaalkiisa reer baa wax lagu dhaqaajiyaa ee cid la iska abaari karo ma jirto”. Odeygii Baroonshe la joogay ayaa baryey Baroonshe, sidii ayuuna ku tegay goobtii Maydka yiilay, markiiba raggii ayay is aqoodeen sidii ayaana Maydkii lagu soo siiyey reerkiina kuna aasteen.

Subax waagu soo baryaayo, ayaa cid reer Xamar ah gurigooda waxaa la soo hor dhigay nin mayd ah, subixii markii ay indha kala qaadeen ayay waxay arkeen gurigoodii oo uu horyaalo nin mayd ah. Ninka maydka ah koox mooryaan ah oo uu ka tirsanaa ayaa gurigii isku hareeyey, mid ka mid ah mooryaantii ayaa amar ku siiyey Ciddii inay soo bixiyaan ninka dilay ninkan, haddii kalesa ay arki doonaan Madaxyadoodoo Qalalan, Ciddii inta yaabtay ayey wax ay sameeyaan garan waayeen, Odeygii reerka ayaa qoorta dariishadii ka soo dhiibtay, oo yiri “Yaakhee anaga ninkaan ma dilin, Maydkan meesha waa la soo dhigay” “Muxuu ku hadlayaa Odeygu, Yaakhee Yaaakheeydaada ma aqaanee, soo saar ninka haddii kale……….”

Reerkaas, waxay ku qasbanaadeen in ay bixiyaan diyadda ninkaasi, xitaa waxaa dhacday in dhowr jeer loogu soo noqnoqday diyo ninkaa oo keliya ah, waxay markii dambe isaga tahriibeen dalka iyadoo aaday dalka Yemen

.Dhacdooyinkaa xanuunka badan ee aan ka soo sheekeeyey waa kuwo dhacay 16 kii sano ee la soo dhaafay marka ereyga Mukulaal Madowga waa erey reer Xamarka u yaqanaan Beelaha hubeysan waxaana dhihi karaa”Isku Ilaali iskana Ilaali”

Nin reer Xamar ah ayaa laga hayaa in uu yiri “Yaakhee anaga manala yasaa, maa hubka aan hayno nalaka wareejiyo, reer hebelba waa laga qaadaye” “War hub miyaad haysataan sacabooleey ayaad tihiini” “Mukulaal Madowyaashaan guriga ii fadhiya ma arkeysid miyaa, iyagaaba hub ahee oo loo baahan yahay in la wareejiyo”, Abuu Mansuur oo ah Guddoomiye ku xigeenka Ammaanka Golaha Maxaakiimta ayaa waxa uu yiri ‘waa dhamaatay xiligii Mukulaal Madow, xitaa Mukulaal cad.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 21, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD