SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Agoosto 21, 2006

  • Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi oo Saaka ku Dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub.
  • Magaalada Qaahira: Laba tariin oo isku baa ba'ay
  • Minneapolis: Munaasabad Loo Qabtay Jaamacad laga hirgalinayo Kismaanyo 
  • Golaha Maxaakiimta oo sheegay in ay dhamaatay xiligii 4.5..
  • Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho u yimid arrimo la xiriira..
  • Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka dabcay mowqifkiisii ahaa in dalka aan la keenin ciidamo Shisheeye..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo gebi ahaanba la wareegay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo..
  • Goob lagu tumi jiray Mingiska iyo Booranaha oo albaabada loo laabay..
  • Wasiiro kasocda Puntland ee ku sugan Maraykanka oo booqday Inver Hills Community College
  • Garowe: Macalimiin  mudaharaadka Ka hordhigay wasaarada waxbarashada  DGPL ee garowe.
  • Garowe: Imtixaankii sanad dugsiyeedka sanadka oo sixitaankiisi dib loogu  soo celiyay  deegaanada puntland, Gambool-na  guul ka soo hooyay.

MAGACYADA WASIIRADA UU MAGACAABAY CALI MAX’ED GEEDDI

Magacaabista Wasiirada Xukuumadda Cali Max’ed Geeddi, waxaa ka maqnaa goobtii looga dhawaaqayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekh Aadan, waxaa kaloo ka maqnaa Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana akhriyey afhayeenka Xukuumadda C/raxmaan Nuur Max’ed (Dinaari).

Sh. Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) wasiirka garsoorka.
Ismaaciil Hurre Buubaa wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga
Xuseen Maxamed Ceydiid wasiirka arrimaha gudaha ahna ra'iisal wasaare ku xigeen.
Barre Aadan Shire (Hiiraale) wasiirka Gaashaandhiga.
C/lalahi Cabdi Garuun wasiirka amniga Qaranka.
C/llaahi Sheekh Ismaaciil Maxamed Maxamud Xeyd
Xuseen Ceelaabe Faahiye wasiirka Qorsheynta iyo tirikoobka
Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud Wasiirka Maaliyadda
Fowsiyo Maxamed Sh Xasan wasiirka Horumarinta iyo arrimaha qoyska.
Saalim Caliyow Ibrow wasiirka Xanaanada xoolaha, ahna Ra'iisal wasaare ku xigeen.
C/qaadir Nuur Caraale Wasiirka Beeraha
Xasan Abshir Faarax wasiirka kaluumaysiga iyo kheyraadka badda
C/llaahi Yuusuf Maxamed wasiirka Betroolka iyo tamarta.
Maxamed M. Guuleed (Gacmadheere) wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta.
Maxamed Ibrahim Xaabsade wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka.
Cali Ismaaciil Cabdi (Giir) wasiirka Dekada iyo gaadiidka badda.
C/llaahi Axmed Afrax Wasiirka Ganacsiga
Maxamud Salaad Nuur wasiirka Macdanta iyo biyaha.
C/raxmaan Cabdi Waare wasiirka waxbarashada.
Mowlid Macaane Maxamed Wasiirka Isboortiga
Saalax Cali Faarax wasiirka Shaqada iyo horumarinta shaqaalaha
Cabdi Maxamed Tarax wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta.
Maxamed C/llaahi Kaamil wasiirka Warshadaha
Sh Xasan Ismaaciil Bile wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta.
Cali Axmed Jaamac Jangeli wasiirka Warfaafinta
Saciid Xasan Shire wasiirka Dib u Dhiska iyo dib u dejinta.
C/casiis Sheekh Yuusuf wasiirka Caafimaadka.
Xuseen Maxamud Sh Xuseen wasiirka Hidaha iyo tacliinta sare
Cali Maxamed Maxamud (Xareed Wassiirka Dalxiiska iyo Duur Joogta
Maxamed Maxamud Xeyd Wasiirka Deegaanka
Maxamuud Cabdulaahi Jaamac ( Sifir ) Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha

Magacyadda Wasiiru - Dowlayaasha

Magaca Xilka  loo  Magacaabey
Khadiijo Maxamed Diiriye wasiiru dawlaha warfaafinta
Sh Aadan Madeer wasiiru dawlaha qorsheynta iyo tirikoobka.
Cabdalla Boos Axmed wasiiru dawlaha kaluumaysiga iyo kheyraadka badda.
c/kariim Axmed Cali wasiiru dawlaha maaliyada.
Maxmud Sayid Aadan wasiiru dawlaha arrimaha gudaha.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Magaalada Qaahira: Laba tariin oo isku baa ba'ay

Shil tareen oo aad u ba'an ayaa saaka barqadii kadhacay dalka masar caasimadisa qaahira dhankeeda waqooyi, shilkan waxaa kugeeriyooday in ka badan 80 qof halka 163 kale ay ku dhaawacmeen, dhilkan ayaa dowlada masar kutirey inuu yahay kii ugu ba, naa mudo haatan laga joogo afar sanadood.

 

Kooxaha qaabilsan bad baadada ayaa iyagu goortii uu shilka dhacay tagay si ay ubadbaadiyaan dadka labada tariin dhexdooda ku baa ba ay, dowlada masar ayaa iyada madaxdeeda ka hadleen waxaana kamid ah madaxdii ka hadashay madaxwayne xusni mubaarik, waxaa kaloo mesha shilka ka dhacay tagay wasiiro uu kamid yahay wasiirka arimaha gudaha iyo raysal wasaaraha iyo weliba wasiirka caafimaadka, wixii intaas dheer ee soo kordha waanu idinla soo socod siindoonaa..

 

Abdirizak A.kaneec

Kaneec1@hotmail.com

Qaaahira masar



Minneapolis: Munaasabad Loo Qabtay Jaamacad laga hirgalinayo Kismaanyo 

Galabnimadii Axada (Agoosto 20) waxaa magaalada Minneapolis, gaar ahaan xaafada Cedar ee Soomaalidu u badan yihiin, lagu qabtay shir looga gol lahaa hirgalinta Jaamacada Kismaayo (Jubba University). Waxaana shirkaas marti u ahaa Daud Zwink oo ah Madaxa Hay'ada Somali Relief Fund oo ah Hay'ad gargaar oo ka hawl gasha wadanka Soomaaliya. 

Daud Zwink waa Muslim u dhashay Maraykan, waxana uu muddo dheer joogey Soomaaliya halkaas oo uu horraantii 70-naadkii ku islaamay. Waxana uu si xeeldheer uga hadlay muhiimada ay leedahay hirgelinta Jaamacadaha Soomaaliya, gaar ahaan jaamacada xaflada loo qabtay ee Kismaayo laga hirgelinayo ee Jubba University of Kismayo.

Waxaa kale oo munaasabadaas ka hadlay Keith Ellison oo ah nin Muslim ah isla mar ahaantaasna u tartamaya aqalka Odayaasha Maraykanka (U.S. Congress) kuna jira musharaxiintii xisbiga dimoqraadiga ee doorashada koowaad ee dhici doonto September 12, 2006. Sidoo kale waxaa halkaas erayo dhiiri gelin ah ka soo jeediyey Maxamuud Wardheere oo dadka ku guubaabiyey wanaag ay leedahay hirgelinta Jaamacada. Waxaa kale oo ka hadlay waxgarad kale oo dhammaantood muujiyey baahida ay Soomaalidu u qabaan in la hir geliyo goobo wax barasho si dadka jahliga looga saaro. "QORIGA DHIGA, QALINKA QAATA".


Bidix: Keith Ellison | Midig: Daud Zwink

Wardheere iyo akhyaar kale oo ka hadlaya xafladda

Dad ka mid ah kasoo qaybgalayaashii munaasabada ayaa goobtii shirka waxa ay ku bixiyeen (Ballan qaadeen) lacag dhan shan-kun ($5,000) oo doolar oo loogu deeqay Jaamacada Kismaayo.

Reer Minnesota intii ka maqnayd xafladii waxa ay deeqda Jaamacada Kismaayo ku hagaajin karaan ama kala xiriiri karaan Maxamed Ciise: Email:  hajiissa@gmail.com ama 612-310-3833.



Golaha Maxaakiimta oo sheegay in ay dhamaatay xiligii 4.5..

Shir jaraa’id oo ay shalay qabteen Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxay kaga warameen arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda dalka iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka goobaha ay ka taliyaan Golaha Maxaakiimta.

War saxaafadeedkaan oo uu faahfaahiyey madaxa Dacwada iyo Warfaafinta ee Golaha Maxaakiimta Sheekh C/rixiim Cali Muudey waxa uu sheegay in Golaha Maxaakiimta gebi ahaanba mamnuuceen in la dhoofiyo dhuxusha & jarida jirta iyo waliba Ugaarta, isagoo sheegay in ciddii lagu arko iyadoo ku xadgudbeysa sharcigaasi Maxkamad lala tiigsan doono.

“Wey dhaamatay xiligi wax la yiraahdo 4.5, umadda Soomaaliyeed dhamaantood way siman yihiin” ayuu yiri Sheekh C/rixiim oo sheegay in ay jihaad la geli doonaan ciidamada IGAD ee la sheegay inay ku soo fool leeyihiin Gudaha Dalka Soomaaliya.

“Dowladda Kenya waxay la mid noqotay Dowladda Itoobiya oo aan dooneyn in Soomaaliya ay hesho nabad iyo xalisooni” ayuu yiri Sheekh C/raxiin oo u soo jeediyeen wadamada doonaya in ay Soomaaliya u soo diraan ciidamo nabad ilaalin ah in ay arrintaasi ka digtoonaadaan.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho u yimid arrimo la xiriira..

QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga... Akhri..
MASJIDKA ISBAHAYSIGA:::
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah Guddoomiyaha Golaha Shuurada ee maxaakiimta islaamiga ah ayaa maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan faahfaahin laga bixin, sababaha uu Sheekh Xasan u yimid Magaalada Muqdisho ayaa imaanshihiisa waxaa ka dambeeyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isagu booqday Gobalada dhex, halkaasna ay iska soo raaceen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta ayaa waxay sheegeen in Sheekh Xasan Daahir Aweys uu u yimid Magaalada Muqdisho sidii uu u arki lahaa howlaha Nabadgelyada ee ka socda magaalada Muqdisho iyo waliba sidii kulamo la tashiyo ah uu ula sameyn lahaa mas’uuliyiinta sarsare ee Golaha Maxaakiimta taas oo ay ugu horeyso sidii looga hortagi lahaa ciidamada ku soo wajahan Soomaaliya ee ka socda IGAD.

Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka dabcay mowqifkiisii ahaa in dalka aan la keenin ciidamo Shisheeye..

Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf ayaa ka dabcay mowqifkiisii ku aadanaa keenista ciidamo shisheeye, waxa uuna sheegay in waqtigaan loo baahan yahay in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye ha noqdeen kuwo safka hore iyo kuwa safka dambe ah.

“Anagu isma aaminsanin cid na soo dhex gashana si aad ah ayaa loogu baahan yahay” ayuu yiri Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa Xildhibaanadii sida aadka ah uga soo horjeeday in Soomaaliya la keeno ciidamo Shisheeye.

Max’ed Cabdi Yuusuf waxa uu sheegay in Golaha maxaakiimta ay wax weyn u qabteen bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna Dowladda iyo Maxaakiimta u soo jeediyey in ay ka qaybgalaan shirka Khartuum.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gebi ahaanba la wareegay Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo tiradoodu gaareyso 400 oo askari ay shalay la wareegeen Garoonka Diyaaradaha ee Baydhabo.

Ciidankaan ayaa durbadiiba isku qaybiyey labo qaybood kuwo degay Duleedka magaalada iyo kuwa ku dhex jira gudaha Garoonka, laman garanayo sababaha ay ciidamadaasi ula wareegeen garoonkaasi, sidoo kale Dowladda Federaalka wax faahfaahin ah kama bixin ciidamadaasi la wareegay garoonka Diyaaradaha.

Dhawaan ayaa ciidamo ilaalo ka ahaan jiray garoonkaasi waxay u soo baxsadeen dhinaca Maxaakiimta Islaamiga ah kaddib markii ay cabasho ka muujiyeen dhaqaale la’aan iyo darxumo.

Ciidamada Itoobiya ayaa dadka qaar waxay sheegeen inay horey ugu sugnaayeen magaalada Badydhabo kaddibna ay u dhaqaaqeen garoonkaasi, waxaana la sheegay in sababaha ciidamadaasi garoonka u qabsadeen ay tahay iyadoo maanta lagu wado inay ka soo deg aan ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u fara badan, hase yeeshee qabshada garoonkaasi waxa uu u soo beegmay xili aan weli la dhisin dowladdii la kala diray ee Cali Max’ed Geedi.

Goob lagu tumi jiray Mingiska iyo Booranaha oo albaabada loo laabay..

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka tirsan Golaha maxaakiimta gaar ahaan Maxkamadda Islaamiga ah ee Ridwaan ee Degmada Huriwaa waxa ay xireen goob lagu tumi jiray Mingiska iyo Booranaha.

Ciidamadaasi ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen dadkii tumi jiray Mingiskaasi iyo Buranahaasi iyo kuwii laga tumayay oo isugu jiray rag iyo dumar, sidoo kale waxay ciidamada Maxaakiimtu burburiyeen dhamaan qalabkii wax lagu tumi jiray ee yiilay halkaasi, sidoo kale xiligii ay Maxaakiimtu albaabada u laabanayeen xaruntaasi oo ku taala Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhex yiilay xoolo fara badan oo halkaasi lagu qalay.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadweynaha deegaanka oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabeen goobtaasi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Wasiiro kasocda Puntland ee ku sugan Maraykanka oo booqday Inver Hills Community College

Minneapolis:- Wasiirada ka socda Dowlada Puntland ee safarka ku jooga dalka Maraykanka ayaa booqday mid kamid ah jaamacadaha Maraykanka ee ku xiran Jaamacadaha ka dhisan Gobalada Puntland. Wasiirka Maaliya ee Dowlada Puntland Md.Mohammed Ali Yusuf, iyo... AKhri warka oo dhan... (pdf)

Garowe: Macalimiin  mudaharaadka Ka hordhigay wasaarada waxbarashada  DGPL ee garowe.

Magaalada garoowe ee caasimada Puntland  ayaa waxaa Axadii dibad bax ka dhigay macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada Hoose, Dhexe ee gobolada Puntland oo baryahaan  uu siminaar uga socday garwowe.

macalimiinta dibad baxa ka hordhigay wasaarada waxbarashada puntland ee garowe ayaa  kakala yimid dhamana gobalada puntland oo bilihii aanu soo dhaafnay uu tababar uga socday magaalada Garoowe ayaa waxa ay ka cabanayaan qaabka uu ku sucdo maamulka tababarka iyo rajo xumo ay ka muujinayeen mustaqbalkooda taasi oo laxiriirta marka uu dhamaado siminaarkan ay aadka uga cabanayaan.

Wasaarada waxbarashada puntland ayaa mudooyinkii ugu danbaysay ku hawlanay sidii ay puntland ku heli lahayd baryaal  xirfad u leh hawlaha macalinimada dugsiyada hoose,dhexe ee gobalada puntland.

Wasaaradda Wax barashada ee Puntland ayaa waxa ay sheegtay in tiro ka mid ah macalimiintaasi laga xulan doono marka uu dhamaado tababarkaas kuwaasi oo wasaaraddu ay mushaar u qori doonto intii ku gudubta imtixaanka marka laqaado.

Wasiirka wax barashada ee Puntland Dr: Axmed Siciid Aw-nuur ayaa waxa uu sheegay in cabashadasi ay wadaan macalimiin uu ku tilmaamay in aysan aqoon lahayn oo ay ka cabsi qabaan in ay ku guulaysan kari waayeen imtixaan uu sheegay in ay qaadayaan marka uu tababarkaasi dhamaado. 

Sikastaba Waa markii labaad oo muddo laba bilood gudohood ah ay macalimuuntaasi ay mudaharaad noocani oo kale ah oo ay ku soo bandhigayaan cabashooyinkooda ka dhigaan xarunta wasaarada waxbarashada puntland ee Garowe.

Wasiirka  wasaarada waxbarashada ayaa ah  wasiirkii ugu horeeyay ee tiro macalimiiin gaaraysa in kabadan 300  ufuray siminaarkii  ugu horeeyaya ay  si guud isugu arkaan tiro intaa la eg ee  barayaal ka ah guud ahaan gobalada puntland macalimintaan ayaa ah kuwa wax ka dhiga dugsiyada hoose, dhexe, ee deegaanada puntland oo dhan.

Garowe: Imtixaankii sanad dugsiyeedka sanadka oo sixitaankiisi dib loogu  soo celiyay  deegaanada puntland, Gambool-na  guul ka soo hooyay.

Imtixaankii sanad dugsiyeedka dugsiyada sre ee puntland ayaa maalintii shalay ahayd sixitaankiisii dib loogu sooceliyay caasimada puntland ee Garowe.

Dugsiga sare ee gambool secondary school ayaa soo hooyay guul wax ku ool ah   taasi oo farax galisay waalidiinta iyo maamulka  dugsiga sare ee gambool iyo maclimiinta iyo waliba ardayda  kaasi oo  u furtay markale ardayda  gobalka nugaal in ay hogaanka ama majraha u qabtaan hogaanka waxbarashada deegaanada puntland.

85 ayaa u soo fariiisatay imtixaankii sanadakan dugsiga gambool oo kalia waxaana ay dhamaantood ku baaseex imtixaankii sanad dugsiyeedka dugsiyada sare mana jirin hal qof oo dhacay sida  ay cadaysay haayada unesco oo iyadu hada gacanta ku haysa  sixitaanka imtixaanka dugsiyada sare ee puntland.

32 arday oo ka mid ah ardaydaas imtixaanka u fariisatay  ee gambool ayaa keentay grade A  waana tiradii u badnayd oo hal imtixaan loo fariisto dugsiyada sare ee puntland mar kaliya keentay grade A tan iyo markii dib loo furay dugsiyada sare ee puntland.

Tan iyo markii la keenay imtixaanka ayaa arday ku faraxsnayd natiijada imtixaankii la keenay iyaga oo sheegayay in  ay tahay xaqoodii ay shaqaysteen mirihiisana ay dhamayaan.

Iyada oo cadaadis la saaray markii loo fariisnaayay qaadista imtixaanka oo sixun loo ilaalinayay  ayay hadana ka soo baxeen cadaadiskaas saarnaa oo ay hada ku faraxsan yihiin natiijadii ka soo baxday imtixaankoodii ay galeen.

Cadaadiskaas saarnaa ayay ardaydu aad uga cabanayeen iyo tirabadnida imtixaanka iyaga oo loo ilaalinayay markii uuu imtixaanku biaalamay si xun oo adag.

guusha ay hada mira heeda dhadhan sanayaan ayaa ahayd mid adag oo ay soo mareen mudo 4sano oo ay u soo fadhiyeen subaxwalba in ay u kalahaan dugsiga sare ee gambool ardayda gobalka nugaal ee  sanadkan u guulaysatay guul wax ku ool ah.

Sanadkii ugu horeeyay ayaa dugsiga sare ee gambool waxa uu majarha u qabtay in  ardaydii ka qalin  jabisay ay ahaayeen kuwii ugu sareeayay imtixaanada dugsiyada sare ee puntland iyaga oo sanadkaas galay kalimaha 1aad iyo 2aad guud ahaan dugsiyada sare ee puntland oo ay ahaayeen markaasna ardaydii ugu badnayd ee xaga baasitaanka imtixaanada sanadkaas.

Sanadkan ayay mar kale u qabteenmajaraha  in ay ka sooo hooyaan guul wax ku ool ah iyaga 32 ka mit ah ardayda dugsiga sare ee gambool ay ku baasto gradeka loo yaqaano A  mana jirin sanadkan cid dhacday  sanadkan dugsiga sare ee gambool.

Guushaas ay soo hooyeen ayaa waxaa habmalyo iyo bogaadin   warqad ka turjumaysa soo gaarsiiyaya maamulha dugsiga  iyo guud ahaan ardayda dugsiga sare ee gambool  imtixaan qaadihii ee ka socday haayada uneco oo hada jooga magaalada nairobi Mr:Rowl, oo isaga mudooyinkii ugu danbeeyay ku hawlanaa hawlaha waxbarashada puntland gaar ahaan kuwa dugsiyada sare ee puntland oo dhan.

Baghdad: 20 qof ayaa ku dhimatay 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen xus diimeed kadhacayaya iraq.

Ugu yaraan 20 aya ku dhimatay 300 oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo garay   kadib markii uu nin hubaysani rasas ooda kaga qaaday dad  xusayay xusdiimeed oo dhamaandood ahaa shicada dalka iraq.

Xujaydan ayaa xusaysay xusdiimeed sadakasta loo dhigo Imam Musa Kadhim, oo ay aamin sanyihiin in ay tahay waajib saaran in la xuso Imamka muslimiinta shicada ah ee u badan dalkaasi Iraq.

Sida ay waraku xaqiijinayaan ninka xabada ooda kaga qaaday dadkaasi xusayay xuskaasi ayaa lagu sheegay in uu ahaa nin ah muslimiinta sunida dalkaasi Iraq.

Wasiirka caafimaadka dalkaasi iraq ayaa xaqiijiyaya in ay meelo kale ka dheceen qaraxyo dadna ay wax ku noqdeen.

Kooxaha qaabilsan amaanka dalkaasi iraq ayaa baaraya sida ay wax u dhaceen iyaga oo baarbuuta ka baaraya waxyaabaha qarxa.

Wasiiraka difaaca dalka iraq  oo lagu magacaabo General Abdul Qader Jassim ayaa warfidiyenada u sheegay in la qabtay 30 qof oo looga shakiyaya in ay ku  lug lahaayeen  dhacdadaasi sidoo kale 14 booliis ah ayaa ka mid ahaa dadkii dhaawacmay sida ay  shaacisay wasaarada difaaca dalkaasi iraq.

Xusdiimeedkaan ayaa ah mid sanad walba lagu qabto dalkaasi iraq sandkii hore  waxaa ku geeriyooday qarxyo lala beegsaday xusdiimeedkaasi dad gaaraya 1,000 tiro intaa kabadana dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dhamaan dadkaasi waa wada shicada u badan dalka iraq.

 

A/rizak koronto
Garowe puntland

Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedi oo Saaka ku Dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub.

Agoosto 21, 2006| Baydhabo

Ra'iisal wasaaraha dowladda federaalka kmg ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geedi ayaa saaka  ku dhawaaqay magacyada xubnaha golaha wasiirada  xukuumadiisa cusub.

C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo ah afhayeenka xukuumada FKMG ah ayaa warfidiyeenada u akhriyey, isla mar ahaantaasna qoraal ahaan ugu qeybiyay magacyada wasiirada cusub ee xukuumada ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi, waana ku wan magacyada wasiirada oo ka kooban 31 wasiir iyo 5 wasiiro dowlayaal.

 
Magacyada Wasiirada Saaka lagu dhawaaqey.
  • 1-Wasiirka arrimaha gudaha ahna Ra'iisal wasaare ku xigeenka  Eng Xuseen Maxamed Faarax Caydiid.
  • 2- Wasiirka Gaashaandhigga Col. Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale)
  • 3- Wasiirka Maaliyada Col. Xasan Maxamed Nuur (Shati Guduud)
  • 4- Wasiirka arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa)
  • 5- Wasiirka Garsoorka Sheekh Aadan Maxamuud Nuur (Aadan Madoobe)
  • 6- Wasiirka Amniga Qaranka C/laahi Cabdi Garuun
  • 7- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ahna ra'iisal wasaare ku xigeen C/laahi Sheekh Ismaaciil
  • 8- Wasiirka qorshaynta iyo tirakoobka, Xuseen Ceelaabe Faahiye
  • 9- Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh Xasan
  • 10- Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Dhirta iyo Daaqa ahna ra'iisal wasaare ku xigeen Saalim Caliyow Ibrow.
  • 11- Wasiirka beeraha C/qaadir Nuur Caraale
  • 12- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Xasan Abshir Faarax
  • 13- Wasiirka Batroolka iyo arrimaha Tamarta C/laahi Yuusuf Maxamed
  • 14- Wasiirka Hawlaha guud iyo guryeynta Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere)
  • 15- Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Cali Ismaaciil Cabdi Giir
  • 16- Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade
  • 17- Wasiirka Ganacsiga C/laahi Axmed Afrax
  • 18- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamuud Salaad Nuur
  • 19- Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Cabdi Waare
  • 20- Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Mowliid Macaani Maxamuud
  • 21- Wasiirka Shaqada iyo horumarinta Shaqaalaha Salaax Cali Faarax
  • 22- Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Maxamed Tarrax
  • 23- Wasiirka Warshadaha Maxamed C/laahi Kaamil
  • 24- Wasiirka Arrimaha diinta iyo Awqaafta Sheekh Xasan Ismaaciil Bile
  • 25- Wasiirka Warfaafinta Cali Jaamac Jangali
  • 26- Wasiirka Dib u dhiska iyo dib u dejinta Siciid Xasan Shire
  • 27- Wasiirka Caafimaadka C/casiis Sheekh Yuusuf
  • 28- wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha dibadda Maxamuud Cabdullaah Jaamac (Sifir)
  • 29- Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen
  • 30- Wasiirka Dalxiiska iyo Duur joogta Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed)
  • 31- Wasiirka Deegaanka Maxamed Maxamuud Xayd

Magacyada wasiiro dowlayaasha saaka lagu dhawaaqey.

  • 1- Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan
  • 2- Wasiiru dowlaha qorshaynta iyo tirakoobka Sheekh Aadan Sheekh Mader
  • 3- Wasiiru dowlaha Warfaafinta Khadiijo Maxamed Diiriye
  • 4- Wasiiru dowlaha Kaluumaysiga iyo Kheyraadka badda Cabdalla Boos Axmed
  • 5- Wasiiru dowlaha Maaliyadda C/kariim Axmed Cali

Wasiiro ku xigeenada golaha wasiirada ee saaka ku dhawaaqey oo ka koobnaan doona 31 wasiiro ku xigeen ayaa dib laga soo magacaabi doonaa iyadoo wasiirada saaka lagu dhawaaqey maalinta talaalada ah oo bari ku beegan baarlaamka la hor gayn doono.

Yusuf Maxamed Ismail (Gaduudow)

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 21, 2006

Golaha Maxaakiimta oo ka digay dadka ku Qaraabta magaca Maxkamadaha…
»Dagaal dhex maray maleeshiyooyin Daba-Geed & Cabdi Waal
»Soomaalida Sweden oo ku banaanbaxday safaarada Itoobiya
»Dowlada Jabuuti oo gaashaanka ku dhufatay in Soomaaliya
»Culuma’diinka Magaalada Marka oo raali gelin u diray...
»Dowladda Yemen oo wada qorshe ay ku dooneyso in ay..
»Bosaso: Boliska oo bilaabay hawlgal ay ku soo qabana..
»Ufayn: wasiirka xanaanada xoolaha ayaa gaaray degmeda
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Aug 20

Soomaalida Sweden oo ku banaanbaxday safaarada Itoobiya

Caasimada Sweden ee Stockholm ayaa waxaa shalay ka dhacay banaan bax siweyn loo soo agaasimay kuwaasoo ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafay 300 oo qof. Banaanbaxan ayaa waxaa soo abaaburay urrrada kala ah Urrurka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed, Somali Diaspora, iyo urrurka Somaliska Islamka Församling.
Warkan oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD