SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print
QAABKA QORISTA
Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga
16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo Guji..

Wararkii: Agoosto 20, 2006

  • Golaha Maxaakiimta oo ka digay dadka ku qaraabta magaca Maxkamadaha…
  • Dagaal dhex maray maleeshiyooyin Yuusuf Daba-Geed iyo Cabdi Waal..
  • Dowlada Jabuuti oo gaashaanka ku dhufatay in Soomaaliya loo diro…
  • Culuma’diinka Magaalada Marka oo raali gelin u diray Culuma’udiinkii uu horkacayay Sheekh…
  • Dowladda Yemen oo wada qorshe ay ku dooneyso in ay isugu keento.
  • Bosaso: Boliska magaalada Bosaso ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qaqabanayaan dad tahriibayaal ah.
  • Ufayn: Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka xanaanada xoolaha ayaa ayaa gaaray degmeda ufayn ee gobalka Bari.

Soomaalida Sweden oo ku banaanbaxday safaarada Itoobiya

Caasimada Sweden ee Stockholm ayaa waxaa shalay ka dhacay banaan bax siweyn loo soo agaasimay kuwaasoo ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafay 300 oo qof. Banaanbaxan ayaa waxaa soo abaaburay urrrada kala ah Urrurka Isbaheysiga Ummadda Soomaaliyeed, Somali Diaspora, iyo urrurka Somaliska Islamka Församling.
Warkan oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Golaha Maxaakiimta oo ka digay dadka ku qaraabta magaca Maxkamadaha…

Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo iyagu gacanta ku haya gudaha Magaalada Muqdisho ayaa digniin ka soo saaray dadka ku qaraabanaya magaca Maxkamadaha Islaamiga ah. Sheekh C/rixiin Mudeeyay oo Golaha Maxaakiimta u qaabilsan dacwada iyo warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in dadkaasi ay maxaakiimta Islaamiga ah kor kala socdaan, isagoo sheegay in cidii lagu arko arrimahaasi ay la kulmi doonto ciqaab iyo xarig.

Dhawaan ayaa maleeshiyooyin ku qaraabanaya magaca Maxaakiimta Islaamiga ah waxay hanjabaadyo u jeediyeen Footooyin iyo Shaneemooyin, sidoo kale waxa ay hanjabaadyo u jeediyeen qaar ka mid ah Suxufiinta ka howlgala Muqdisho, waxa uuna u soo jeediyay Sheekh C/rimiin shacabka Soomaaliyeed inay arrimahaasi la socodsiiyaan Maxaakiimtana soo wargeliyaan, waxa uu sheegay in ciidamo ka socda Maxaakiimta Islaamiga ah ay dhawaan howlgal balaaran ka sameyn doonaan Magaalada Muqdisho.

Dagaal dhex maray maleeshiyooyin Yuusuf Daba-Geed iyo Cabdi Waal..

Dad socoto ah oo ka yimid deegaanka Feer-Feer waxay noo sheegeen in maalintii doraad ahayd uu dagaal dhex maray maleeshiyooyin kala taageersan Yuusuf Max’ed Hagar (Yuusuf Daba-Geed) iyo Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), waxaana dagaalkaasi la sheegay in ay ku dhinteen labo ruux, saddex kalana ay ku dhaawacmeen. Dagaalka inta uusan bilaaban ayaa muran xoog leh waxa uu dhex maray Yuusuf Daba-Geed iyo Cabdi Waal, wuxuuna murankaasi ku saabsanaa markii Yuusuf Daba-Geed uu ciidamada Itoobiya u sheegay in hubkii ay lahaayeen Cabdi Waal iyo xubno kale ay ku wareejiyeen Golaha Maxaakiimta, waxa uuna Dowladda itoobiya uga digay in aysan mar kale hub kale siin Cabdi Waal iyo ragga la midka ah, taasina waxay keentay inay Cabdi Waal uu si aad ah uga caroodo, waxa uuna ciidan ka doontay dhinaca deegaanka Laba Baar oo ay beeshiisu ku xoog badan tahay, halkaas ayuu ka so uruursaday ciidamo, waxayna weerar ku soo qaadeen halkii uu deganaa Yuusuf Daba-Geed, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu socday mudo saacad ah, waxaana markii dambe soo kala dhex galay ciidamada Itoobiya oo labadoodii u yeeray, kaddibna halkaasi ku wada hadashiiyey. Labadaasi xubnood ayaa haatan isku afgartay in ay si wadajir ah uga hortagaan ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah. Intii uu murunku socday ayaa waxaa na soo gaaray in Bootaan Ciise Caalin uu u dhaqaaqay dhinaca Magaalada Baydhabo, isagoo ka cabsaday in warkii uu sheegay Yuusuf Daba-Geed ay ku xiraan Ciidamada Itoobiya. Hogaamiyayaasha Soomaalida ee u baxsaday dhanka Soomaaliya ayaa iyagu ah kuwo mar kasta fuliya awaamiirta Dowladda Itoobiya oo ah burburinta dalka Soomaaliyeed, iyadoo hubka ugu badan ee ay Dowladda Itoobiya siiso raggaasi ay yihiin Miinooyinka, iyadoo ka cabsi qabta in haddii ay bixiso hub waaweyn uu dib ugu soo laabto, waxyeelana uu u gaysto.

Dowlada Jabuuti oo gaashaanka ku dhufatay in Soomaaliya loo diro…

Wadamada IGAD ayaa durba ku kala qaybsamay in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda wadamada IGAD, waxayna qaarkood sheegeen in haddii Soomaaliya la geeyo ciidamo shisheeye Soomaaliya ay dhibaato sii kordhin karto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Jabuuti ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Jabuuti ay si aad ah uga soo hojeedo in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Wadamada IG AD.

“Marka hore waxaan haboon in la xaliyo dhinacyada isku haya gudaha wadanka Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka Arrimaha dibadda ee Jabuuti oo sheegay in Dowladooda aysan marnaba Soomaaliya u diri doonin ciidamo nabad ilaalin ah. Dhinaca kale Dowladda Suudaan ayaa gaashaanka ku dhufatay in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah, waxayna sheegtay in ciidamo shisheeye Soomaaliya loo diri karo markii shacabka Soomaaliyeed ogolaadaan ciidamadaasi.

Culuma’diinka Magaalada Marka oo raali gelin u diray Culuma’udiinkii uu horkacayay Sheekh…

Qaar ka mid ah Culuma’udiinka ku nool Magaalada Marka ayaa raali gelin u diray culuma’udiin ka tirsan Golaha Maxaakiimta oo uu horkacyay Sheekh Fanax oo dib looga celiyay Magaalada Marka.

Culuma’udiinka waxa ay sheegeen in aad uga xumaadeen in xubno ka tirsan Golaha Maxaakiimta dib looga soo celiyo Magaalada Marka, iyagoo doonayay in halkaasi ay ka sameeyaan abaabul ku aadan dhinaca Diinta Islaamka iyo sidii uu Gobalku ula qabsan lahaa is bedelka ka dhacay dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Warkaan oo aan ka soo xiganay Idaacadda Banaadir ayaa waxaa kaloo culumidaasi sheegeen in ay sii wadi doonaan howlaha lagu soo dhaweynayo Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo u soo jeediyay Maamulka Gobalka Sh/hoose in Gobalka uu la jaan qaado gobalada kale ee laga dhisay Maxkamadaha Islaamiga ah.

Dowladda Yemen oo wada qorshe ay ku dooneyso in ay isugu keento.

Iyadoo maalin maalinta ka dambeysa uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta, isla markaana uu sii liciifayo shirkii Khartuum ayaa Dowladda Yemen waxay wadaa qorshe ay ku dooneyso in ay ku wada hadalsiiso Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in dhawaan uu soo gaaro Magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ergay ka socda Dowladda Yemen, isaga oo wada casuumaad ah in ay ka soo qaybgalaan shir ka dhici doona Magaalada SANCA ee Dalka Yemen bishan dabayaaqadeeda.

Dowladda Yemen waxa ay dooneysaa inay keli keli marka hore u martiqaado xubnaha isku haya Soomaaliya, Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka, kaddibna waxa ay dooneysaa in ay kulan guud u qabato labada dhinac.

Dowladda Yemen waxay horey heshiis u dhex dhigtay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Guddomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan kaddib markii uu mudo u dhexeeyay khilaaf kaasoo keenay in ay horey dhaqaaqi weyso dowladdii lagu dhisay Dalka Kenya, waxaana Dowladda Yemen labada dhinac ku heshiisiisay in Dowladda Federaalka ka howlgasho Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Munaasabada Sanadguuradii 8aad ee Puntland oo lagu qabtay dalka Maraykanka

Minneapolis:- Wasiirada ka socda Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland
ayaa ka qeyb galay xaflad balaaran oo ay Jaaliyada Maraykanka ku qabatay gobalka Minnisota ee dalka Maraykanka.

Wasiirka Maaliyada Mohammed Ali Yusuf, iyo Wasiir kuxigeenka Dekkada iyo Khayraadka Puntland Md. Abduweli Abdirahman Geyre ayaa kamid ahaa marti sharaftii lagu casumay munaasabadaasi oo ay isugu yimaadeen Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee ku dhaqan gobalka Minnisota ee dalka Soomaaliya. Warkan oo dhan akhri... GUJI..

Bosaso: Boliska magaalada Bosaso ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qaqabanayaan dad tahriibayaal ah.

Ciidamada booliska gobalka bari ee puntand ayaa bilaabay hawlgal ay ku ugaarsanayaan dad tahriibayaal ah dadkaas tahriibayaasha ah ayaa ah kuwo maalmihii ugu danbeeyay ku soo qul qulayay deegaanada puntland si ay uga tahriibaan magaalada bosaso iyaga oo ku siijeeda dalka yaman oo duxuud laleh puntland.

35 ruux oo u badan ethiopian iyo dad somali ah oo deegaan ahaan ka soo jeeda koonfurta somalia ayaa maanta  lagu soo qabtay hawlagal ay sameeyeen ciidamada booliska gobalka bari dadkani waxay ku jireen hawlaha tahriibayaasha.

Dhamaan dadla maanta lasoo qabtay ayaa lasheegay in la gayndoono halkii ay ka yimaadeen  iyaga oo ay puntland ay soo rogtay sharci cusub.

Hawlgalkan ayaa ku soo beegmay sharci cusub oo ay soo rogtay xukuumada puntland kaasi oo ku amraya in dhamaan dadka lagu tuhmo tahriib iyo kuwa lagu soo qabto hawlgal tahriib ah dib loogu celin doono halka ay ka yimaadeen iyaga oo waliba algu amrayo in gaarigii keen puntland uu isgau dib u celindoono sida uu cadeeyay taliyaha  booliska gobalka bari, isaga ayaa isku qabta kharashka celinta dadka uu keenay ayuu yiri taliyaha gobalka bari.

Ufayn: Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiirka xanaanada xoolaha ayaa ayaa gaaray degmeda ufayn ee gobalka Bari.

Wafdi balaaran oo ka socda DGPl iyo hayada Qaruumaha midowbay u qaabilsan  cuntada iyo beeraha ee FAO, ayaa booqday
degmada Ufayn, ee gobolka Bari.

degmada ufayn oo horay u ahaanjirtay xaruntii hore ee  daaqa qaranka gobalka bari.

Ulajeedada wafdigan sida wadajirka ah uga socda puntland iyo FAO ayaa lagu sheegay sidii  ay ugu kuur galilahaayeen xaalada veeraha degmada ufayn iyo iyaga oo si tijaabo ah uga hawlgalin doona beero degmadaasi ufayn.

Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya Graham Farmer iyo kuxigeenkiisa Maxamed Awaare oo wafdigan kamid ahaa ayaa sheegay in hay’adoodu ay ka hirgelineyso deegaanka Ufayn beero tijaabo ah oo lagu bacriminayo waxna lagaga qabanayo xabkaha iyo faleenka, beerahaas oo ahaa kuwii hore ee wakaaladda daaqa qaranku ay halkaas ku lahayd.

Wafdigan  booqanaya degmada ufayn ayaa waxaa degmadaasi ku soo dhaweeyay wax garadka iyo isimada degaanak iyo dadwayne aad u farabadan isimadii soo dhawaysayna waxaa ka mid ahaa Beeldaaje Cali Faarax iyo duqa degmada Ufayn, Axmed Faarax.

Isha degmada Ufayn siisa biyaha ama ay degmadasi ka hesho biyaha ayay wafdigani booqdeen  intii ay ku sugnaayeen.

Waa markii ugu horaysay ee wafdi si wada jir ah uga socda puntland iyo FAO ay si wada jir ah u booqdaan degmadaasi Ufayn oo ka mid ah degmooyinka gobalka Bari.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 20, 2006

16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..
Maalintii Jimcadii ayaa dad lagu qiyaasay 10,000 oo qof ku tukadeen Salaaddii Jimcaha Masjidka Isbahaysiga oo muddo.. Guji...


Xildhibaan Nuuraani  oo cambaareeyay xarigii Gudoomiye ku Xigeenkii Degmada Baraawe..
Maamul Gobaleed la magac baxay Hirgal oo lagu wado in..
Golaha Maxaakiimta oo si aad ah uga hor yimid in..
Maxkamad Islaami ah oo laga furay deegaanka Lafoole…
Degmada Baraawe..


16-sano kaddib oo dib loo furay Masjidkii Isbahaysiga..


Saladii Jimcada oo lagu tukaday Masjidka Isbahaysiga


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD