SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII AGOOSTO 18, 2006
  • Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed oo qabtay Banaamij ku saabsan Afka Soomaaliga
  • Maxaakiimta oo sheegay in Hubka oo dhan laga ururin doono dadka reer Mogadishu
  • Afgooye oo uu ka socdo Kacdoon Looga Soo Horjeedo Xukunka Cirfo
  • Shir Jaraa'id oo uu Qabtay Madaxweyne Xigeenka DGPL
  • Ururka Islaax oo War- Saxaadeed ka soo saartey Xafladdi laga joojiyey

Jimcadii iyo Masjidka Isbahaysiga Muqdisho:::



Salaadii Jimcada maanta: Lasoco warbixinta...

Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed oo qabtay Banaamij ku saabsan Afka Soomaaliga

Waxaa maalintii shalay ahayd Xarunta Naadiga dhalinyarada ee KANAVA lagu qabtay Barnaamij ku saabsan faa’iidada afka soomaaliga waxaan si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka  Soomaaliyeed, ee PEN iyo Naadiga Ardayda Soomaaliyeed ee Nakatsa waxaana Maalgaliyey Hay’adda Daryeel Bulasho Guud waxaana ugu horeyntii halkaas warbixin ka soo jeediyey Xoghayha Naadiga PEN ee Koonfurta Soomaaliya C/naasir Macalin Yuusuf wuxuuna sheegay in Naadiga ah PEN uu yahay Naadi u taagan kor u qaatida afka Soomaaliga  asagoo sheegay in uu qabtay Barnaamijyo fara badan oo la xiriira faa’iidada afka Soomaaliga.

Waxaana halkaas ka hadlay Gudoomiyahay Naadiga PEN ee Koonfurta Soomaaliya Abwaan Cabdi Muxumed Amiin wuxuuna sheegay in Bulshada ay tahay midda ilaalsan karta afkooda hooyo wuxuuna sheegay in Dowladdii Milateriga ahayd wixii laga dhaxlay ugu wayneyd Qorista afka Soomaaliga ”Ummad aan la ahayn Qoraal waa geedi aan sahan la hayn “ayuu yiri Cabdi Muxumed Amiin  oo sheegay in dhalinyarada looga baahan yahay in ay illaalsadaan afkooda hooyo taasoo uu sheegay in lagu gaari karo hormar.


Waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Xuseen Maax oo asagu si aad u uruuriya afka Soomaaliya waxa uu sheegay in Wadamada horay u maray sida Jabaan Shiinaha iyo Faransiiska ay ku hor mareen afkooda hooyo  dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay in  ay ku daydaan asagoo sheegay in wadamadaasi aan kaga duwan nahay asagoo afkeenna Soomaaliga uu ku Qoran yahy Laatiin taasoo uu sheegay in ay tahay faa’iido weyn u soo hoyatay shacabka soomaliyeed “Ummadi Ummaday ka Akhris badan tahay waa ka hormar badan tahay “ayuu yiri Maax oo sheegay 1974-tii dadka Soomaaliyeed 55% waxa ay ahaayeen kuwa wax Qori kara waxna Akrin karaan maantase tiradaas hoos ayay u dhacay waxaana ugu wacan  ayadoo si aad looga faano afka Soomaaaliga.

Xubnihii halkaa ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Prof Ciise Max’ed Siyaad oo asagu Macalin ka ahaa Jaamacadda ummadda wax uuna sheegay in Dowladdi Max’ed siyaad ay ahayd Dowlad tixgalin gaar ah siin jirtay afka Soomaaliga isagoo sheegay in  Dugsiyada hoose, dhexe, sare, ilaa heer Jaamacadeed ardayda wax lagu bari jiray  afka Soomaaliga waxa uuna sheegay in tirada Idaacadaha ee maalin walba sii kordhaya ay keeneen hoos u dhac ku yimid Qorista iyo Akhruska afka Soomaaliga.

 

Waxaa kaloo ka hadlay Dr, C/raxmaan Abuu-Xamsa wuxuuna isna sheegay in afka soomaalig uu yahay afafka ugu hodansan Adduunka  waxa uuna sheegay in loo baahanyahay in la sii kobciyo afka Soomaaliga maadaama uu yahay dhaxalka kaliya ee haysato Ummadda Soomaaliyeed.

W/D Amiin Yuusf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Maxaakiimta oo sheegay in Hubka oo dhan laga ururin doono dadka reer Mogadishu

  

 Wararka kasoo baxaya xafiiska golaha maxaakiimta ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho ayaa waxuu sheegayaa inay hubka laga ururin doono dadka ku dhaqan magaalada muqdisho ,sidoo kalena waxaa warku intaas ku darayaa inay ganacsatada hubaysan ee magaalada muqdisho iyana loo sheegi doono waqti ay hubkooda kusoo wareejiyaan golaha maxaakiimta .

  

Arintan oo ay soo dhoweeyeen dadyow badan oo iyagu markoodii horeba aan hubaysnayn ayaa waxaa muuqata inaysan dadka qaarkii u riyaaqin arintan oo ah talaabadii koowaad ee wax lagaga qabanayo dhanka amaanka ee ay qaadaan golaha maxaakiimtu ayaa waxaa durba laga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo hubka ee loo yaqaano cir toogtaha oo lasoo camiray hubka qorayaha yaryar sida ak47 oo uu durba qiimo dhac weyn ku yimid .

 

sidoo kale kadib markii ay arintani soo shaac baxday ayaa waxaa nin kasta oo hub haystay waxaa laga dareemayaa walaac ay ka walaacsan yihiin sidee wax yeeshaan iyo arimo kale ,ma jiraan kasokow hadalka ay soo sareen golaha maxaakiimtu mooyee wax lagu fuliyey go,aankan oo talaabo ah oo la qaaday .

 

si kastaba ha ahaatee arintan hub ururinta ah ayaa ah hadii ay rumowdo mid aad muhiim ugu ah xaga nabad gelyada magaalada muqdisho oo iyadu ah mid gebi dhaclaynaysa waloow ay golaha maxaakiimtu ay badankeeda ka dhigeen amaan dhaanta muqdishadii hore ee xiligii ay ka talin jireen qabqablayaasha dagaalka ee laga awood batay.

 

Dadka reer afgooye oo wada kacdoono ay ku doonayaan inay iska tuuraan xukunka xuseen weheliye cirfo

 

 Sida uu xaqiijieyey Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Degmada Afgooye C/laahi Xasan Cabdi waxaa Khamiistii xabsiga loo taxaabay dhalinyaro iyo odayaal ka qeybqaadaneyey kulan ay ku soo dhaweynayaan Maxaakiimta Islaamiga, si looga wareejiyo dhibaatooyinka ka taagan deegaanadooda.  

 

C/laahi Xasan Cabdi waxa uu sheegay falkaasi lagu xiray Ragaasi in uu ka dambeeyey Gudoomiyaha Degmada Xuseen Weheliye Cirfo oo uu ku eedeeyey in uu yahay nin doonayo in uu si adoonsi ah ku sii heysto dadka Degmada Afgooye, waxa una ku cel celiyey in hada dadkaasi ay yihiin kuwo ka koray silicii ay ku noolaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye isaga oo ugu baaqay Maxaakiimta in ay deg deg uga soo gaaraan.

  

Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in ay 16-kii sano ee la soo dhaafay ay ka dhaceen falal ka baxsan Bani’aadanimada, isaga oo tilmaamay mar hadii kacdoon uu ka dhacay Muqdisho iyana ay doonayaan in Maxaakiimta ay ku soo dhaweeyeen sida  uu yidhi in looga baxo dhibaatada mudada dheer taagneyd.

  

Waxaan diyaar u nahay Maxaakiimta in aan dhaqaale iyo dhiigba u hurayno, ee hanaga soo gaadheen sida ay dhibaatada uga dul qaadeen dadka Muqdisho ayuu yidhi mas’uulkaasi, oo intaasi raaciyey in dadka ku dhaqan degmada Afgooye ay yihiin kuwo aad u jecel kitaabka alle.

  

Mar ay isku dayday shabakada wararka afnugaal news xafiiskeeda muqdisho  in aan xidhiidh la sameyno gudoomiyaha Degmada Afgooye Xuseen Wehliye cirfo ayey inoo suurto gali weyday in aan wax ka weydiino eedeymahan loo soo jeediyey, hase yeeshee waxaa muuqata in Gobalka Sh/Hoose uu ka bilowday kacdoon ay shacabka ku nool deegaanadaasi ay ku doonayaan in ay ku tuuraan Maamulada ka taliya deegaanadooda.

 

 Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho somalia

0025215766666

002521653623


Shir Jaraa'id oo uu Qabtay Madaxweyne Xigeenka DGPL

Garowe: "difaaca  puntland waa waajib saaran cidkasta oo reer puntland ah, waana in aysan ka cararin guryahooda dadka reer puntland ee ay isdifaacaan".... shirjaraaid uu qabtay madaxwayne kuxigeenka Puntland.

Madaxwayne k/xigeenak puntladn xasan daahir afqurac ayaa Khamiistii Agoost 17 shirjaraaid ku qabtay xarunta madaxtooyada puntladn ee garowe  oo kaga hadlay khudbad uu dhinacyo badan kaga hadlayo.

Shirkan jaraid ayuu kagahadlay xaalada amaan ee puntland waxana uu sheegay in amaanka puntland uu iminka marayo meel aad u saraysa  loona baahan yhaya in la sii xoojiyo amaanka puntland.

madaxwayne ku xigeenka puntland xasan daahir afqurac ayaa yiri dadka reer puntland waa in ay adkaystaan amaankooda ayna iska difaacaan dhulbalaarsiga maxkamadaha muqdisho ay wadaan islamarkaana aysan ka cararin guryahooda oo ay iska caabiyaan weerar kasta oo bahal nimo ah ee kaga yimaada dhulbalaarsiga maxkamaduhu ay wadaan.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa waxa kale oo uu sheegay in maxkamadaha Muqdisho looga baahan yahay in ay xasilooni ku soo dabaalaan goobaha ay qabteen gaar ahaan magaalada muqdisho .

Maxkamduhu waa in ay sugaan amaanka magaalada Muqdisho loomana baahna in u socdaan sidii duufaatii oo kale,Muqdisho waxaa la daris ah gobollo ay wali ka arimiyaan qabqablayaashii dagaalka ee soomaaliya." ayuu yiri Mudane Afqurac.

Waxa uu intaasi ku daray in magaalada Muqdisho qabashadeeda ay maxkamaduhu hor muud ka ahaayeen balse dadka hawsha waday waxa uu sheegay in ay ahaayeen shacabka muqdisho oo dhib saday qabqablayaashii dagaalka ee mudada afduubka u haystay.

Waxa uu xusay in gobollo daris la ah Magaalada muqdisho ay wali gacanta ku hayaan qabqablayaashii dagaalka aysanna maxkamaduhu wax ka qaban, isaga oo ku macneeyay arrin qabiil isaga oo ka sii hadlayana meelaha ay wali kataliyaa qabqablayaashu waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay  Marka, afgooye oo muqdisho afkeeda ah,  oo uu sheegay in ay ka taliyaan qabqablayaashii dagaalka isaga oo yiri waxay ay uga  hirgalin waayeen meelaha ay wali haystaan qabqablayaashu maxkamad ayaa ah arin qabiil  taasina waa wax aan shacabka somaliyeed u baahnayn.

Mar uu ka hadlayaya arinta ku saabsan cabdi qaybdiid ayuu sheegay in cabdi qaybdiid uu marki hore ku yimid puntland wafdi  la socday madaxwaynaha somalia deedna uu u gudbay dhanka deegaankiisa wax ciidan ahana ma wadan ahna ma wadan balse ciidan horay u joogay koonfurta mudug oo beeshiisa ah ayaa horay usiiraacay, hadana waxay ku sugan yihiin xadka somalia iyo ethiopia,   puntlaand    wax ciidan ah oo ay siisay majiraan ee waaa ciidan beeshiisa oo uu isku dubaritay taasina maahan dhaliil aanu leenahay dagaalka ka dhexeeya cabdi qaybdiid iyo maxkamaduhuna maahan arin ay iskula soo gali karaan puntland.

Xassan Dahir Maxamud ayaa waxa uu ka hadlay maamulka cusub ee dhowaan looga dhawaaqay koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in ay la shaqaynayaan haddii laga helo shuruudihii maamul nimo oo uusan shaacin.

ugu danbayntiina xasan daahir afqurax ayaa sheegay in ay ilgaar ah ku eegayaan dhaqdhaqaaq kasta oo ka soo cusboonaata somalia waxana uu ka digay dhaqdhaqaq la shegay in ay kooxo ka madax banaan puntland sida lashegay ay ka wadaan dhaqdhaqaaq baryahaanba ay  kawadeen  gobalka sanaaag  waxana uu uga digay inay kooxahaasi ay ka waan toobaan waxa ay wadaan isaga oo sheegay in ay ilgaar ah ku eegayaan waxa ka soconaya dhamaanba gudaha dalka somalia. 

A/rizak koronto
Garowe puntland


Ururka Islaax oo War- Saxaadeed ka soo saartey Xafladdi laga joojiyey

Xarakada Islaax ayaa war – Saxaafadeed ka soo saartey Xaflad Diini ah oo shaley ku qaban lahaayeen Hotel Shaamoow oo ay hor istaageen ama joojiyeen  Maxkamadaha wuxuu u qornaa War -Saxaafadeedkaas

Xarakada Islaax oo qabanqaabisay Xaflad diini ah oo lagu maamuusayo sanadguuradii 28-aad ee aasaaskeeda, laguna qabanayey maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 17 Agoosto 2006, Hotel  Shamow, ayaa waxaa  xafladaas lagu joojiyey Go’aan ka soo baxay Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

Xafladaan waxaa lagu Martiqaaday Golaha Maxkamadaha Islaamka, Culumaa’udiinka Odayaasha Dhaqanka, Ururada Bulshada rayidka ah, Shaqsiyaadka Caanka ah ee Gobalka Banaadir.

Hadaba Xarakada Islaax ayadoo aad uga xun go’aanka Mamnuucidda qabashada Xafladan, waxay ka Cudurdaarnaysaa dhamaan Mas’uulaiyiinta iyo dadwaynaha Xafladda lagu casuumay.

Go’aankan lagu joojiyay qabashada Munaasabadan diiniga ah oo aan waxba u dhimayn    Nabadgelyada iyo Xasiloonida, wuxuuna Xadgudub ku yahay xorriyaadka guud oo Shacabka muddo u soo halgamayay, baahi weynna ay u qabeen.

Golaha Maxaakiimta Islaamku waxay guulo ka soo hooyeen Xasilinta amniga, isla  markaana ku baaqeen ku Dhaqanka Shareecada Islaamka, taasi oo aad loo soo dhaoweeyay.

Ugu dambayn, waxaan xasuusinaynaa walaalaheen, Maxkamadaha, inuusan Go’aanka  mamnuucidda Xafladaha iyo   kulamda dadwaynuhu in uusan u adeegaynin danta dalka iyo diinta, wuxuuna dhaawacayaa sumcdda Golaha Maxaakiimta, wuxuuna ka soo horjeedaa himilooyinkii ay dadwaynuhu ka sugayeen Kacdoonka ay Maxkamadaha horkacyeen.

Waxaa ku Saxiixnaa War-saxaafadeedkaas
Afhayeenka Xarakada Islaax
Shiikh Cabdulaahi Cali Xayle 

Qoraalkii ka soo Baxay Maxkamadda ee lagu Mamnuucay Xafladaas 

Aydoo laga ambaqaadayo Go’aankii ka soo baxay Golaha sare ee Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ee dulucdiisa ahayd in aan la qaba Karin shir siyaasadeed , oo aan ogalaansho  looga haysan Golaha Maxaakiimta, taasoo dhaawici karta Midnimada, Xasiloonida, Nabadgalayada ay ku naaloonayaan Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Hadaba marka aan ogaanay in Berri taariikhdu tahay 17/08/2006 saacdu marka ay tahay 09:00 AM (Subaxnimo) lagu qaban doono Hotel Shamo, shir siyaasadeed, oo aan fasax looga haysan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, soona qaban-qaabinayeen Ururka Al-Islaax, ayaa waxaa lagu wargelinayaa dhamaan jihooyinka ay khusayso oo ay ugu horeyso Maamulka Hotel Shamo, in la mamnuucay qabashada Shirkaas.

Waxaana rajaynayaa in ay u hoggaansami doonaan Waxaa ku saxiixnaa qoraalkan dhammaan jihooyinka ay khusayso.

Waxaa ku saxiixnaa qoraalkan
Gudoomiyaha Maxkamada Buula Xuubey
Shiikh Ibraahim Xasan.
###

W/D Amiin Yuusf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Agoosto 18, 2006


Ergey ka socda Dowlada Itoobiya oo ku soo fool leh Baydhabo
. Ciidamada Itoobiya ee qabsadey Deegaanka Balan Bale..
. Bosaso: Dab wax yeelo u gaystay xero qaxooti..
. Beesha Direed oo furatey Maxkamad Islaami ah...
. Ururka SOWJA oo Siminaaar u qabtey Suxifiyiin ka kala..
. Ogeeysiin Mudahraad ka dhici doona Sweden...
. RAASHIN LOO QAYBIYEY DADKA KU NOOL XERYAHA...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... GUJI... Aug 17


Xaggee ku dambeysey Ballantii Gaagaab in Toos looga waraysan doono Telefishanka Soomaalida ee Minnesota?

Wariyayaasha Tv-ga:
Halkan ka dhegeyso weriyaha oo sheegay in uu baqday waraysigii wasiirka

Habeenimadii Isniinta (Agooso 14, 2006), sidii horay Soomaalida loogu sheegay, waxaa la sugayey in Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu soo fariisto Telefishanka Somalida Minnesota si toos dadweynuhu ay su'aalo u weydiiyaan. Laakiin, markii la gaarey xilligii la filayey in wasiirku telefishanka soo fariisto ayaa waxaa shaashadii soo qaabilay weriyayaashii oo meeshii laga filayey hadalka ah: "hadana ku soo dhowaada wasiirka", ayaa mid ka mid ah uu sheegay in waraysigaasi uu baaqday, weriyaha oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Barnaamijyada aan caawa idiinku talo galay ayaa waxaa ka mid ahaa in aan idiin soo gudbino waraysi aanu la yeelan doono wasiirka maaliyadda ismaamulka Soomaalida ee Puntland..... .... nasiib darro.... ..... .... arrimo awgeed waa uu baaqday caawa anagoo mar labaadna jecel in aan idinka raali gelino duruufo jira awgeed." [Halkan ka dhegeyso hadalkii weriyaha.]. Telefishanku ma sheegin wax farriin ah oo uu wasiirku u soo faray Soomaalida Minnesota ee sugeysey in ay su'aalaha tooska ah weydiiyaan amaka dhegeystaan warbixin.

Puntland: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no...
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dowlado iyo hay'ado ku dhiiri geliyey in Puntland.. Guji...

Nidaamka la qorsheeyey ayaa ahaa in muddo soddon daqiiqo ah uu wasiirku fadhiyo telefishanka halkaasna ay dadweynaha daawanaya si toos ah su'aalaha u soo weydiiyaan. Arrintaas oo aad uga duwan qaabka ay u shaqayso saxaafada Puntland ee ay wasiirdu xakumaan lagana siidaayo waxa ay rabaan oo qura, ama la weydiiyo su'aalaha ay rabaan oo keliya.

Waxay ahayd habeenkii Jimcada Agoosto 11, 2006 markii uu wasiirka maaliyadu la kulmay Soomaalida Minnesota, waxaan ahabeenkaas dadka loo sheegay in waqtigu uu wasiirka hadda ku yaryahay oo aan su'aalo la weydiin karin, laakiin uu telefishanka soo fariisan doono si su'aalo loo weydiiyo, ballantaas oo ahayd Isniin Agoosto 14, 2006, waana tan noqotay mid baaqatay.



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD