Markii
Golaha Maxaakiimtu ay la wareegeen gebi ahaan Magaalada
Muqdisho ayaa waxaa arrintaani si aad ah u soo dhaweeyey
shacabka soomaaliyeed oo iyagu qayb ka ahaa la wareegidaasi,
kaddib markii ay u adkeysan waayeen mudo 16 sano ah
qabqablayaashii dagaalka.
Markii meel
lagu ogaaday raggii xooga ku haystay magaalada Muqdisho ayaa
waxaa qaar ka mid ah Maxaakiimta Islaamiga ah ay bilaabeen
in ay weeraro ku qaadaan goobaha laga daawado Aflaanta,
waxaana weerarkaasi xoogeystay intii uu socay Koobkii
Adduunka, hase yeeshee arrintaasi qaar ka mid ah
dhallinyarada cabasho ayay ka keeneen, waxaana arrintaan wax
laga weydiiyay Guddoomiyaha Golaha maxaakiimta oo yiri
“Xirid Shineemo waa nooga weyn arrimo fara badan oo na hor
yaala”, hadalkaasi ayaa Milkiilayaasha shaneemooyinka aad
ugu farxeen, waxaana ka fuqday neef weyn, hase yeeshee
Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku yaala xaafadaha ayaa iyagu
iska watay howshii ka hortaga iyo xirida shaneemooyinka,
waxayna milkiilayaasha lagu amray in aysan furi Karin
Shaneemadooda, habeenada qaarkood ayaa ciidamo ka socda
Maxaakiimta waxay u soo dhuuntaan Shaneemooyinka ku yaala
xaafadaha dhexdhexdooda halkaas oo ay ka bilaabaan in ay
dhallinyarada xoog uga saaraan isla markaana ay burburiyaan
Tabeelayaasha iyo qalabka kale oo halkaasi yaala.
Ciidamada Maxaakiimta ayaa inta badan waxay is ticmaalaan
marka ay imaanayaan shaneemooyinka Gawaarida loo yaqaano
Cabdi Bilayaasha oo leh guux ay si aad ah uga argagaxaan
dhallinyarada daawata Aflaanta.
Gaari
Caasi ah ayaa isagoo ag maraya goob Shaneemo waxa uu u
guuxay sidii uu Cabdi Bile,waxaa dhacday dhallintii
fiirsaneysay shaneemada u qaateen in ay yimaadeen
Maxaakiimta Islaamiga ah, markiiba waxaa dhacday is buurasho,
iyadoo dhallinyarada qaarkood uu ka soo gaareen dhaawacyo
fudud, markii ay banaanka u baxeen ayaa mid ka mid ah
Dhallinyaradii waxa uu u sheegay saaxiibadii in guuxa yeeray
uusan aheyn Cabdi Bilihii Maxaakiimta balse uu ahaa Caasi
meesha marayey , mid baase yiri “War heedhe wadnihii ayaa na
caddaaday, sidee ayaan ka yeelnaa guuxa kan ee Cabdi
Bilaha”.
Habeen
kale ayaa Gaari kale oo u guux dhow Cabdi Bilaha, waxa uu ag
maray Goob shaneemo ah, markii uu labo jeer, Hiim………Hiim………Hiim…
ka siiyey ayaa dhallinyaradii oo ay dhega u taagnaayeen
halkii ku kala baxsadeen oo is buurasho weyni ka dhacday
goobtii, waxaana halkaasi gacani uga jabtay wiil dhallinyaro.
Haweenay
meeshaa Shaah ku iibineysay ayaa tiri “Guuxaani ma ahan kii
aad ka carari jirteen ee waa gaari kale oo meesha iska
marayey”, Wiil Dhallinyaradii ka tirsanaa oo naagtii la
hadlaya ayaa yiri “Mar dambe shaneemadaan soo ma galo”, waxa
uuna intaas u sii daba dhigay “Shaneemo xaafd ag teenaa ku
tiil ayaan uga soo cararay guuxaan ee mar walba muxuu ii
daba socdaa”.
Qaar ka
mid ah Shaneemooyinka ayaa waxay bilaabeen in ay ilaalo kore
sameystaan si ay isaga ilaaliyaan Baabuurta Maxaakiimta.
Habeen
sii horeysay ayaa Gaari Cabdi Bile ah oo aysan lahayn
Maxaakiimtu qorina uu saarneyn waxa uu ka soo muuqday meel
fog mid ka mid ah dhallinyaradii ilaalada ku jirtay ayaa
qaylo dhaan gaarsiiyey saaxiibadiisii kale oo ku qayliyay
“War waa la soo socdaaye, ka soo baxaay oo isaga cararaay
meesha”, markiiba waxaa bilaabatay in Dhallinyaradii ku
jirtay gudaha shaneemada ay ku qayliyaan “Nin walibow
naftaa,cagahaaga wax ka day”, waxayna halkaasi waxyeelo ka
soo gaartay qaar ka mid ah dadkii daawanayey iyo qalabkii
yiilay shaneemada markii la jiiray, Sidoo kale cunug
daawanayey shaneemada ayaa waxa qabsatay koronto hase
yeeshee waa laga soo gaaray oo isagoo suuxsan ayaa la soo
bixiyey.
“Maxaakiimta Islaamiga ah waa in labo midood ku dhaqaaqaan,
waa tan horee, in gebi ahaanba ay Amar ka soo saaraan
shaneemooyinka, ama ay iska dhaafaan” ayay ku talo bixiyeen
dadka daawada aflaanta qaarkood waxayna intaa raaciyeen
“Habeen walba kuma jiri karno carar iyo kala orod”.
Dhibaatadan iyo khasaarahan soo gaaraya habeen walba
dhallinyara daawata Shaneemooyinka ayaa waxaa ka dooday dad
iyago la socday is bedelka cusub ee dhacay, waxayna qaarkood
soo jeediyeen inaan la joogin xiligii ay Maxaakiimtu isku
mashquulin lahaayeen in ay xiraan Shineemooyinka, waayo ayay
yiraahdeen, waxaa weli hor yaala arrimo ka waaweyn
xiritaanka Shaneemooyinka. waa in ay Maxaakiimtu ku
xisaabtamaan khasaaraha ka imaan karan is buurashada
dhallinyarada oo nafta lagu weyn karo, haddii ka.le
Maxaakiimtu waa in ay go’aan ka soo saaraan