SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII AGOOSTO 16, 2006
  • Dowladda Itoobiya oo u soo jeedisey Geeddi in uu dedejiyo magacaabista..
  • Golaha Maxaakiimta oo ogolaaday ka qaybgalka kulanka Khartuum..
  • Cabqi Qaybdiid iyo ciidamo uu wato oo u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo deegaanka…
  • Golaha Maxaakiimta Islaamiga oo digniin ka soo saaray in ciidamadooda loogu yeero..
  • Ururka SOWJO oo siminaar u qabtay Suxufiyiin ka kala socotay qaybaha warbaahinta..
  • Dagaalo calculus oo lagu naafeeyey ciidanka gumaysiga Itoobiya.
  • GAROOWE : Hay'adaha Diakonia iyo Contenberg oo dib u eegis ku samayna waxqabadka...

Dowladda Itoobiya oo u soo jeedisey Geeddi in uu dedejiyo magacaabista..

Dowladda Itoobiya oo iyadu ka dambeysay in la soo afjaro khilaafkii u dhaxeeyay Dowlaadda Fedaraalka kaasoo dhaliyey in Wasiiro fara badan ay iska casilaan Dowladdii Cali Max’med Ceeddi ayaa lagu waramay in Ra’iisul Geedi ay farriin uga timid Dowladda Itoobaya farriintaas oo ah in Ra’isul Geeddi uu dedejiyo magacaabista Golaha Wasiirada oo waqtigii loogu talagalay ay dhaaftay muddo seddex maalmood ah, Ra’isul Wasaaraha ayaa waxaa la sheegay in wadatashiyo uu la leeyahay Mas’uuliyinta sare ee Dowladda kaasoo la xiriira sidii loogu dhawaaqi lahaa Golaha Wasiirada. Kulan qaatay mudo dhowr saacadood ah ayaa waxaa yeeshay Madaxwayne C/laahi yuusuf, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’isul Geeddi waxaana la sheegay in wali ay jiraan khilaafyo yar yar oo la xariira cidda loo magacaabayo ama ka mid noqoneysa Golaha Wasiirada, warar aynu ka helnay xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Wasiirka arrimaha Dibada ee Itoobiya uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Baydhabo si uu u dhameeyo khilaafka wali ku ku kala dhexjira Mas’uuliyiinta Dowladda si mar kale uu u soo afjari la haa khilaafka wali taagan, arrimaha la isku mari la’ yahay waxaa ka mid ah sidii Beelaha loogu qaybin la aa Xubnaha Wasiirrada Dowlada Fadaraalka, Iyadoo saddex mas’uul uu mid waliba wato rag oo uu doonayo in ay ka mid noqdaan golaha Wasiirada.

Golaha Maxaakiimta oo ogolaaday ka qaybgalka kulanka Khartuum..

Kulan ay shalay isugu yimaadeen labada Gole ee ay ka kooban yihiin Maxaakiimta Islaamiga aha ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo la xirira ammaanka goobaha ay ka gacanta ku hayaan Maxaakiimta Islaamiga ah iyo waxa laga yeelayo kulanka Khartuum.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa xubnaha Golaha maxaakiimta waxay isku afgarteen ka qaybgalka kulankaasi oo la doonayo in lagu heshiisiiyo iyaga iyo Dowladda Federaalka.

Maalintii doraad ahayd ayaa wafdi ka socday Dowladda Kenya waxa uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxa uuna kulan la yeeshay Golaha Maxaakiimta oo uu ka dalbaday inay ka qaybgalaaan kulankaasi, sidoo kale wafdigaani waxa uu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo ay isla soo qaadeen ka qaybgalka kulankaasi waxayna sheegeen inay ka qaybgalayaan kulankaasi, ilaa iyo haddana lama oga waqtiga la qabanayo kulankaasi, iyadoo Jaamacadda Caraba ay aad u daneyneyso isku imaanshaha labada dhinac ee isku haysta arrimaha Soomaaliya.

Cabqi Qaybdiid iyo ciidamo uu wato oo u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo deegaanka…

Wararka naga soo gaaraya gobalada dhexe waxay sheegayaan in Cabdi Qaybdiid oo looga adkaaday dagaalkii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo maalmahan abaabul dagaal ka waday Gobalka Mudug ayaa waxaa la sheegay in maalintii shalay ahayd ciidamo uu horkacayo ay u soo dhaqaaqeen dhianca deegaanka Bandiiradley halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Golaha Maxaakiimta.

Cabdi Qaybdiid waxaa ku wehliya ciidamada uu wato ciidamo ka socda Puntland waxaana la sheegay in markii uu ka soo baxayey Gaalkacyo uu kulan la soo yeeshay Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland Cadde Muuse oo ay isla soo qaadeen sidii wadajir ah looga hortagi lahaa Ciidamada Maxaakiimta oo ku sii siqaya Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah oo horey ugu sugnaa deegaanka Gelinsoor ayaa waxaa la sheegay inay fariisin ka dhigteen deegaanka Bandiiradley oo 60Km u jirta Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug waxaana la sheegay in ay wataan tikniko fara badan.

Golaha Maxaakiimta Islaamiga oo digniin ka soo saaray in ciidamadooda loogu yeero...

Sheekh C/raxmaan Cali Muudey oo golaha Maxaakiimta u qaabilsan dhinaca Dacwada iyo warfaafinta ayaa waxa uu sheegay in Maalmaha soo socda ay Magaalada Muqdisho ay ka howlgali doonaan ciidamo ka socda Golaha Maxaakiimta oo wata darees ka duwan kuwii hore, kuwaas oo la sheegay in ay sugi doonaan Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Sheekh C/raxiim waxa uu Saxaafadda uga digay in wixii haatan ka dambeeya aan ciidamada Maxaakiimta loogu yeeri Karin maleeshiyo, balse loogu yeeri karo Ciidamada Ammaanka Golaha Maxaakiimta ee Gobalka Banaadir.

Sheekh C/raxiim waxa uu sheegay in ereyga Maleeshiyo uu gef ku yahay ciidamada Maxaakiimta Islaamiga, waxa uuna u soo jeediyay Saxaafadda in ay ka digtoonaadaan ereygaasi.

Golaha Maxaakiimta ayaa sidoo kale waxay doraad u digeen meelaha Footooyinka ay ka furan yihiin meelaha laga kireyso Cajaladaha iyo Shaneemooyinka.

Ururka SOWJO oo siminaar u qabtay Suxufiyiin ka kala socotay qaybaha warbaahinta..

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunt ururka Suxifiyiinta Haweenka Soomaaliyeed ee SOWJO lau qabtay siminaar soconaya mudo labo maalmood ah kaasoo ay ka qaybgalayaan 30 xubnood oo ka kala socotay qaybaha warbaahinta.

Siminaarkaan oo lagu baranayey xeerarka iyo shuruucda saxaafadda ayaa waxaa cashiro ka bixinayey Shariif Cali Shire oo isagu si aad ah ugu dheeraaday sida loo sameeyo wararka.

Qamar Salaad oo ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Ururka SOWJO ayaa waxa ay sheegtay in ujeedada siminaarkaan loo qabtay ay tahy sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta suxufiyiinta, waxaa furay siminaarkaan Nuurto Sheekh Max’ed oo ah guddoomiyaha Xoriyatul Qowlka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


GAROOWE : Hay'adaha Diakonia iyo Contenberg oo dib u eegis ku samayna waxqabadka Barnaamijka Danyarta oo ay si wadajir ah u wadaan. 

Hay'adaha Diakonia Sweden iyo Contenberg oo si wadajir ah u wada Mashruuca loogu magacdaray Mashruuca danyarta ka soo xirfad ay ku shaqaystaan dadka lagu barayo , ayaa maanta Workshop ay dib u eegis ku samaynayaan waxqabadkooda 6-da billood ee la soo dhaafay ku qabtay Xarunta Jaamacada puntland state university( PSU) ee magaalada garowe ku qabtay. 

Mashruucaan oo ay labadaas hayadood iska kaashanayaan ayaa socday mudo halsano ah waxaana   workshopkan looga danleeyahay sidii la isugu baraarujinlahaa sidii loo sii wadi lahaa iyo waliba guulihii lagaaray mudadii uu socday mashruucani. 

C/samad Ibraahim Jaamac oo isagu xiriirinayay aqoon-iswaydaarsigan ayaa ku soo dhaweeyay Xiriiriyaha Waxbarashada ee Hay'adda Diakonia C/salaam Biligsay si uu tafaasiil uga bixiyo ula jeedada Workshopkan. 

C/casiis Jaamac Nugaal oo ka socday Hay'adda Contonberg ayaa isna warbixin kooban ka bixiyay ulajeedada aqoon-iswaydaarsigaan , wuxuuna xusay in 6 bilood kadib markasta ay munaasib tahay in la qabto aqoon-iswaydaarsi kan la mid ah oo dib u eegis logu samayn doono wixii ka qabsoomay mashruuca. 

Mashruucan , oo soconayay muddo halsano ah ayaa waxaa ka faa'iidaystay oo xirfadlayaal iminka  ku noqday dad gaaraya ilaa 1, 500 oo qof ku waa soo la baray , farsamooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin , farayaamo , tolida dharka , naqshadayntooda IMM. 

Si kastabaha ahaatee aqoon is waydaarsigan oo socon doona mudo2 maal mood ah ayaa waxaa looga gol leeyahay in la isku baraarujiyo isii loo bahin lahaa wax tar ka iyo ka faa iidaysiga mashruucan waxaana la is waydaarsan doonaa talooyin wax ku ool ah  si looga mira gaaro ulajeedii laga lahaa mashruucan oo socday hada mudo halsano ah oo ayna wax ku barteen dad gaaraya 1,500  oo ah dad dan yar ah kuwaaso oo hahad qaatay aqoon wax barasho ay kala mid nqon doonaaan dad badan oo ah dad aqoon bartay iyaga oo awalna ahaa dad aan aqoon lahayn dantuna u saamixi wayday in ay wax bartaan. 

Mudadii halka sano ahayd ee uu socay mashruucani  ayay si wayn uga faa iidaysteen in ay noqdaan dad wax bartay oo  iyaga oo aan lumin fursadii ay heleen. 

A/rizak koronto
Garowe puntland

Xaggee ku dambeysey Ballantii Gaagaab in Toos looga waraysan doono Telefishanka Soomaalida ee Minnesota?

Wariyayaasha Tv-ga:
Halkan ka dhegeyso weriyaha oo sheegay in uu baqday waraysigii wasiirka

Habeenimadii Isniinta (Agooso 14, 2006), sidii horay Soomaalida loogu sheegay, waxaa la sugayey in Wasiirka Maaliyadda DGPL, Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) uu soo fariisto Telefishanka Somalida Minnesota si toos dadweynuhu ay su'aalo u weydiiyaan. Laakiin, markii la gaarey xilligii la filayey in wasiirku telefishanka soo fariisto ayaa waxaa shaashadii soo qaabilay weriyayaashii oo meeshii laga filayey hadalka ah: "hadana ku soo dhowaada wasiirka", ayaa mid ka mid ah uu sheegay in waraysigaasi uu baaqday, weriyaha oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yiri "Barnaamijyada aan caawa idiinku talo galay ayaa waxaa ka mid ahaa in aan idiin soo gudbino waraysi aanu la yeelan doono wasiirka maaliyadda ismaamulka Soomaalida ee Puntland..... .... nasiib darro.... ..... .... arrimo awgeed waa uu baaqday caawa anagoo mar labaadna jecel in aan idinka raali gelino duruufo jira awgeed." [Halkan ka dhegeyso hadalkii weriyaha.]. Telefishanku ma sheegin wax farriin ah oo uu wasiirku u soo faray Soomaalida Minnesota ee sugeysey in ay su'aalaha tooska ah weydiiyaan amaka dhegeystaan warbixin.

Puntland: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no...
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dowlado iyo hay'ado ku dhiiri geliyey in Puntland.. Guji...

Nidaamka la qorsheeyey ayaa ahaa in muddo soddon daqiiqo ah uu wasiirku fadhiyo telefishanka halkaasna ay dadweynaha daawanaya si toos ah su'aalaha u soo weydiiyaan. Arrintaas oo aad uga duwan qaabka ay u shaqayso saxaafada Puntland ee ay wasiirdu xakumaan lagana siidaayo waxa ay rabaan oo qura, ama la weydiiyo su'aalaha ay rabaan oo keliya.

Waxay ahayd habeenkii Jimcada Agoosto 11, 2006 markii uu wasiirka maaliyadu la kulmay Soomaalida Minnesota, waxaan ahabeenkaas dadka loo sheegay in waqtigu uu wasiirka hadda ku yaryahay oo aan su'aalo la weydiin karin, laakiin uu telefishanka soo fariisan doono si su'aalo loo weydiiyo, ballantaas oo ahayd Isniin Agoosto 14, 2006, waana tan noqotay mid baaqatay.


Barnaamijkii Radio Xoriyo

15 Aug 2006
 
================================
  •  Dagaalo calculus oo lagu naafeeyey ciidanka gumaysiga Itoobiya.
  • Gabdho badan oo ciidammada gumaysigu faraxumeeyeen iyo dad la xidhxidhay

  • Shirweynihii 10aad ee Jaaliyadaha Ogadenya oo guul ku dhamaaday.

  • Police-ka Port Elizabeth ee K/afrika oo baadhay dukaamada Somalida.
  •  
  • Sanadguuradii 22aad ee aas-aaskii JWXO.

Warar Goos-Goos ah.

================================
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogadeenya ayaa sheegaya in labadii toddobad ee u denbeyay ay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ka dhaceen dagaallo dhawr ah oo si wayn loogu nafeeyay cidammada gumaysatada Itoobiya.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 07/08/06 dagaal kulul oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Balli-cigaal, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa jab iyo halaag loogu gaystay ciidammada maxaysatada ah ee gumaysatada Itoobiya. Dagaalkan, oo ahaa mid aad u adag oo dhex-maray ciiammadii Cirjiidh iyo kuwa nugul ee gumaysatada Itoobiya, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 120 askari. Waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 141 askari.
 
Wariyuhu wuxuu kaloo noo soo sheegay in intii u dhaxaysay 01 – 08/08/05 dagaallo kala duwan oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ciidammada gumaysiga lagaga dilay 48 askari, 34 kalana lagaga dhaawacay.
 
Dagaal sidoo kale ciidammada xoreynta Ogaadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex-maray Bulqa-yar markii ay taariikhdu ahayd 12/08/06 waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 16 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 20 kale
 

Gabdho badan oo ciidammada gumaysigu faraxumeeyeen iyo dad la xidhxidhay

 
50 gabdhood oo reer Ogaadeenya ah  ayay Seddexdii bilood ee u denbeeyay  ciidammada gumaysatada Itoobiya ku kufsadeen nawaaxigii uu ka dhacay dagaalkii Quusiye, oo ka tirsanaa Dhanaan.
 
Gabdhahan ayaa la sheegayaa inay badankoodu uuraysteen, ka dib markii ay ciidammada gumaysigu kufsigaas u gaysteen.
 
Xadgudubkan waxshinimada ah ee loo gaystay gabdhahan da’yarta ah waxaa ka hadlay wadaado deegaanka ka tirsan, kuwaasoo tilmaamay foolxumada denbiyada ay ciidammada Wayaanuhu kula kaceen gabdhahaas. Markii ay taariikhdu ahayd 24/07/06 ayaa wadaadadan xabsiga loo taxaabay, waxayna kala yihiin wadaadadaasi;
1-     Sh Axmed Aaden Huriye
2-     Sh Maxamed Cabdi Dalal iyo
3-     Sh Cabdinaasir.
 
Dhinaca kale:Kabtii-naag, oo ka tirsan gobolka Qorraxey, waxaa ka qaxay dadkii ku noolaa, ka dib markii ay ciidammada Wayaanhu u hanjabeen.
 
Markii ay taariikhdu ahayd 03/08/06 waxay ciidammada Wayaanuhu boobeen tuulada Qudhunley, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxay halkaas ku dhaceen hanti dadwayne oo kala duwan, waxay sidoo kale gubeen aqallo ay dad shacab ahi lahaayeen. Dadka dhibaatooyinkan loo gaystay waxaa ka mid ah;
1-     C/llaahi Axmed Jiilal, oo laga dhacay lacaga gaadhaysa 2200 oo Bir.
2-     Deeq Maxamed Sagal, oo isagana oo laga dhacay seddex Jeergaan oo Subag ah.
 
Waxay sidoo kale ciidammada Wayaanhu aqalladoodii ka gubeen dadka kala h;
1-     Xasan Qorane
2-     Sh C/llaahi Wali
3-     C/llaahi Dheere
4-     Maxamed Cali Cumar
5-     Ilma Shuuriye Sh C/llaahi iyo
6-     Sh Cabdi Sh C/llaahi
 
Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 12/08/06 waxay ciidammada Wayanuhu ku dileen tuulada Burqayar nin rayad ah oo lagu magacaabo Shaafi Maxamed. 

Shirweynihii 10aad ee Jaaliyadaha Ogadenya oo guul ku dhamaaday.

Shirweynihii jaaliyadaha Ogadenya oo socday sadex maalmood 11-13 ayaa Axadii lagu soo gabagabeeyey halkii uu ka dhacayay Copenhagen-Denmark.

Shirkan oo sadexdii maalmood ee uu socdayba ay kasoo qayb galeen dadweyne aad utiro badan oo isugu jira bulshada qaybaheeda kala gadisan,ayaa maalintii Axada ahayd kusoo xidhmay guul iyo isafgarad buuxda.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen madaxsare oo JWXO ah ayaa dadkii su'aalo ku asqeeyeen si wanaagsan oo waafi ahna looga wada qanciyey iyagoo u riyaaqay sida madaxda jabhadu iskugu kalsoon yihiin una danaynayaan inay ka shaafiyaan shacabka ogadenya waxyaabaha sadrigoodu rogrogayo ee bushi bixinta u baahan.

Shirka waxaa kaloo kasoo qayb galay marti sharafeed sarsare oo ay kamid yihiin C/fataax Jaamac Caamir iyo Faarax Afeey,waxayna shirka kasoo jeediyeen khudbado dhaxal gal ah oo meelo badan taabanaya,dhiiga kasoo qayb galayaashana dhaqaajiyey.

Dhinaca kale waxaa maalintii Axada ahayd shirka khadka Telefonka ugu hambalyeeyey gudoomiyaha JWXO Adm:Mohamed Cumar Cismaan iyo N/hurayaal la joogay xarunta dhexe ee JWXO ee Ogadenya, gudoomiyuhu wuxuu u sheegay xaadiriintii shirka siday ugu faraxsan yihiin shirka jeclaan lahaayeena inay joogi lahayaeen halkaas, sidoo kale wuxuu gudoomiyuhu sheegay inay awood milatari oo aan la loodin karin ku joogaan Ogadenya iyagoo aysan jirin cid ay uga baqayaan dhulkooda hooyo.

Waxaa kaloo shirka khadka Telefonka ugu soo hambalyeeyey gudoomiyihii hore ee JWXO Sheekh Ibrahim Cabdalla oo aad ujeclaa inuu madasha shirka goob joog ku ahaado hasa-yeeshee ay suuroobi weyday, Sheekh Ibrahim wuxuu yidhi ummada Ogadenya qadiyadeedii si dhab ah ayay u fahantay gumaysiguna waa sii dhicitaan israacis kaliya ayaa u hadhay ee gacmaha is qabsada.

Waxaa kalo shirka khudbado iyo talooyin dhaxal gal ah kasoo jeediyey wufuudii kala kala socotay jaaliyadaha ogadenya ee wadamada: Canada,Germany, Australia, Sweden, Norway ,Finland, London-Uk, Midland-Uk, Swiss iyo jaaliyada Denmark.

kasoo qayb galayaashii shirka ayaa madasha shirka ka cadeeyey inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin JWXO,iyadoo weliba halkaas ay hadalo gaagaaban kasoo jeediyeey wiil 10 jir ah oo u dhashay Ogadenya,iyo gabadh da,yar ah oo buraanbur ka tirisay halkaas waxayna labadaas da,yar ka oohiyeen dadkii madasha shirka fadhiyey.

fiidnimadii habeenkii isniinta ayaa shirka lasoo afjaray iyagoo weliba dadkii isu xiisa qaba jeclaan lahaana inuu shirku sii socdo.
 
Xidhitaankii shirka aya lagu xidhay heestii calanka, kadibna dadweynihii loo fasaxay inay jalabuteeyaan halkaasna ay dhaanto lalayaabo ku cayaareen.
 
Shirka waxaa laga soo saaray goaano dhaxal gal iyo weliba baaq ku wajahan shacabka somalida Ogadenya.
 
Police-ka Port Elizabeth ee K/afrika oo baadhay dukaamada Somalida.
 
Wariyaha RX uga soo warama wadanka K/Afrika ayaa noosoo tabiyey in maaalinkii Axada ee ay taariikhdu ahayd 13ka August ay Booliska wadankaasi baadhitaan laxaadleh kusameeyeen tukaamada soomaalida ee kuyaala magaalada Port-Elizabeth aga gaarkeeda.Booliska ayaa ula qiil baxay baadhitaanka tukaamadaas inay baadigoobayaan hubka sharci darrada lagu haysto ee wadanka yaala si ay nabad galya xumida wax uga qabtaan balse arintaas ayaa sababtay in tukaamo badan la xidho kuwa kalana laboobo.
 
warku wuxuu intaas kudarayaa inay boolisku qabteen ugu yaraan 10 Bistooladood oon shar ciyayasnayn isla markaana waxay xabsiga utaxaabeen dhalinyaro badan oo soomaali ah oo ah kuwii loogu yimid tukaamada Bistooladahan lagasoo qabqabtay.
dhalinyaradan la xidhixidhay ayaa isugu jira mulkiilayaal iyo shaqaale ka shaqaynayay tukaamada labaadhayay ee laga dhex helay Bistooladaha aan sharciyaysnayn.
dhalinyarada la xidh-xidhay oo tira badan ayaa waxaan magacyadooda haynaa oo kaliya 3 waxayna kalayihiin:
 
1=Cali Booy-booy
2-shariif
3-  C/wali
4- waxaana kamid ahaa mulkiilayaasha tukaamadooda lagalay Tamaan maxamed Cabdi oo la xidhay iyo wiil shaqaale u ahaa oonaan magiciisa haynin, halka laboobay tukaan uu lahaa nin lagu magacaabo Siyaad oo kuyaalay xaafada Injooli.
 
Goos-goos.
 
Q/dahare.
 
wararka naga soo gaadahaya magaaada qabridaha ayaa
sheegayaan in shalay niskii danbe baabuur waaweyn oo ah nooca xamuulka qaada ay cgi
xabsiga u taxaabeen.baabuurtan oo in kabadan todobaad
ku xanibnaa magaalada qabridahar loona diiday in ay
baxaan magaaladaasi islamarkaasna xamuulkii ay wadeen
ilaa iyo hada uu saaraa ayaa wxaa shalay taxaabay jeelka xerada cgi ee kuyaala magaalada
qabridahar ilaa iyo hada macada sababta dhabta ah ee
babuurta loo xidhay .
 
wararka naga soo gaadahaya islamagaalada qabridahar
ayaa waxay sheegayaan in shalay niskii hore uu CWXO
raashin u qabshay shacabka tuulada dalaad ee degmada
qabridahar iyo agagaarkeeda.
 
Sidoo kale shalay mar aan khadka telka kula xidhiidhnay wariyaheena gobolka Qoraxay ayaa noo xaqiijiyey dagaal ka dhacay tuulada Yucub oo markii dambana sii gaadhay ilaa Qamuuda,dagaalkaas ayuu wariyuhu noo sheegay in jab weyn loogu gaystay ciidanka maxaysatada ah ee gumaysiga itoobiya.
 
Jigjiga.
 
Maalintii shalayto ahayd waxaa magaalada jigjiga lagu xidhay wiil magaciisa aanaan helin laakiin ina ayihiisa naloogu sheegay ina Cabdi Xirsi Cawl laguna naanayso Laangadhe.
wiilkan oo ka yimid wadanka maraykanka ayay CGI ee jigjiga shalayto ka qabteen magaalada kadibna geeyeeyn Xabsiga weyn ee Garabcase ilaa iyo hadana lama oga xaalka wiilkaas wuxuu ku sugan yahay.
 
Qabashada wiilkan ka yimid Maraykanka ayaa la sheegayaa inay ka dambeeyaan qaar kamid ah dabaqoodhiga doolka ah ee baryahanba ku sugnaa ogadenya oo farta ku fiiqay.
 
Dhinaca kale  golaha dhexe ee maamul ku sheega jigjiga ayaa si dagdag ah looga yeedhay xafiiska KT zenawi waxaana loo haystaa baxsashadii Cali Kunaay oo u baxsaday dalka isutaga imaaraadka carabta.
 
15 Aug 2006.
C/nuur Sheekh Maxamed
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 16, 2006

Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo khasaaro u gaystay jidadka Muqdisho
»Minnesota: Xaggee ku dambeysey ballantii Gaagaab..
»Isqabqabsi hareeyey ku dhawaaqistii Golaha Wasiirada..
»Golaha Maxaakiimta oo shuruud ku xiray Shirka..
»Ciidamada Itoobiya oo shalay xayiraad ku soo Rogay..
»Baydhabo: Wafdi ka socda kenya oo si wayn loogu soo..
»War saxaafadeed ku saabsan Ciidamada Ethiopia..
»Darusalaam: Go'aankii Shirweynihii AW DIGIL...
Wararaka oo dhan ka akhri halkan... Aug 15


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD