SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


Reer Puntlandiyoow, Al-Furqaanna ma Horistaagnay;  GalMudug iyo Cabdi Qeybdiidna ma Hoostaan Gashannay

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Aug, 2006  


 ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATU

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM. 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariisna nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ilaahoow yaannu ku sifoobin sifaadkaad ku sheegtay daalimiinta. Markuu Ilaahay ka soo hadlay Ibliis iyo inuu diiday sujuuddii nabi Aadam baa Ilaahay na leeyahay  ma   Ibliis iyo duriyaddiisaad ka yeelaneysaan wadeey, Aniga (Ilaah) sokodeyda; iyagoo cadow idiin ah; waxaa baas lahaaday bedelkoodaas. 

Haddii maamulkii Puntland yiri: Gaalkacyo ma wadajoogayaan labo maamul iyagoo horistaagayey Al-Furqaan maxay tahay doorashada lagu dhexqabtay Gaalkacyo oo la leeyahay waxaa la doortay madaxeyne, ku-xigeen iyo afhayeen baarlammaan? Mise wixii aan shareecada Islaamka ahayn dhib naguma hayaan? 

Waxaa intaas dheer wuxuu maamulka Puntland taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeeba siiyey Cabdi Qeybdiid! Marka maamulka sidaas ah sidee u xukumikaraa dad muslimiin ah (reer Puntland)? 

In maamulka Puntland iyo kan la sheegayaba khaldanyihiin waxaa u daliil ah: Koonfurta Mudug markii laga hadlayo waxaa ugu waaweyn waa xaafadda Wadajir (Baraxley) ee Koonfurta Gaalkacyood, Xarardheere iyo Hobyo. Xarardheere waxaa ka taliya midowga maxkamadaha oo ay Al-Furqaan walaalo yihiin; Koonfurta Gaalkacyana waxaa maamul kale u diiddan Puntland ( waa siday hadalka u dhaheen); keliya waxaa soo haray Hobyo oon filayo in iyada lafteedu ay maxaakiimtu gacanta ku dhigidoonaan haddii Ilaah idmo. Waa markaan ka hadlayo degmooyinka. Marka hadday dhacdo in maxaakiimtu ka taliyaan Hobyo waxaa dhacaysa in magaalada Gaalkacyo ay ka wada talindoonaan labo madaxweyne waa Cadde iyo Kimiko. Waxaa labadoodaba ka agdhow Cabdi Qeybdiid oo ilaa hadda tagikara labada qeybood ee Gaalkacyo. Marka GalMudug ma Baraxley kaliyey maamul-goboleed u sameyn? Teeda kale waxay ku fiicantahay in la yiraahdo maamul-xaafadeed!  

Maqaalkeygii ahaa: wadaadada Xamar oo waranle noqday iyo kuwa Puntland oo warato noqday ayaan ku sheegay inay wadaadada Puntland ka gaabiyeen kaalintoodii wadaadnimo. Wadaadku waa inuu ahaadaa hormuudka bulshada. Qofka kasta siiradii nabiga (SCW) iyo khulufaa’u Raashidiintii waa yaqaan. Ma cid nabi Muxamed ka geesisan baad maqasheen? Ma maqalnay cid ka deeqsisan? Cid ka shaqo badan? Cid ka naxariis badan? Maxaa wadaadada Puntland u arkiwaayeen waxa kuwii dariiqadu arkeen? Kuwii dariiqadu waa ka bannaanbaxeen maxkamada Al-Furqaan iyagoo diinta ku colaadinaya laakiin ilaa hadda ma maqal waxa wadaadada Gaalkacyo dhooban ka dhaheen maamulka GalMudug ee la rabo in lagu majaxaabiyo midowga maxkamadaha khaasatan Al-Furqaan. 

Maaddaama aan u hadlo kacdoonka shacabka ee Puntland waxaan cambaareynayaa maamulka Puntland iyo kan GalMudug oo usoo tafoxeytay la dagaalanka diinta Islaamka. Shacabka Puntandiyoow, soo meydaan arag Koonfurtii Gaalkacyo ee madaxkamadda Al-Furqaan loo diiday in doorasho la leeyahay maamul kalaa loo sameynayaa lagu qabtay? Marka maamulkiinnu waa Ashahaado-la-dirir. Waa la yaqaan halka Ashahaado-la-dirir u dambeyneysa. Sidaasoo kale haddii aad ka dhiidhinweydaan arrintaas ayaa idinka laftiinnu wax ka heleysaan wixii Ilaah ku falo kuwa Ashahaado-la-dirirka ah laakiin qof kasta hadhow baa la la soo saarayaa wuxuu ku dhinto. Kii raalli ka ah maamulka Ashahaado-la-dirirka waxaa aakhiro la soo jamcindoonaa Zenawi iyo gaalo-raacyada laakiin wixii qalbiga ka neceb waxaa suurtowda in Ilaahay u dambi dhaafo laakiin haddaan gacanta la qaban maamulkaas, dhibtu waa nawadagaaraysaa. 

Ogaada in culumadiina looga saxsanaankaro mas’alo ama mas’alooyin. Soow ma xasuusataan wiilkii yaraa ee xaddiisku ka hadlay sidoo kalana tafsiirka Suurat Al-UKhduud la soo gasho? Marka wiilkaasi wuxuu ka fiqi batay ninkuu wax ka soo bartay. Marka waxaan aamminsannahay in qolooyinkeennaan horboodaya kacdoonka Puntland aan mas’aladaas kaga saxsannahay shuyuukhdeenna joogta Puntland.  

Marka si aad u baajisaan xasuuqa dadkeena degen Laasacaanood ee Xabashidu ka wado sidoo kalana ay uga baxdo Balanbale, Kala-beyr iyo meelo kale waa inaad kacdoon sameysaan iskana tuurtaan maamulka Puntland iyo kan la leeyahay GalMudug. Ogaada shareecadu Islaamku ma keento waxaan kheyr ahayn.  Hala iska jiro gefka ah: nabad baan heysannaa markii maxkamad iyo shareeco laga hadlo sidii iyadoo shareecadu dhib keento! Haddaad kacdaan, Itoobiya waa iskaga guureysaa geyigaas. Marka xaggiina iyo Somaliland baa Soomaaliya laga soo galay. 

Waxaan mar kale ku celinayaa in maamulka Puntland iyo kan GalMudug ay kasoo horjeedaan diinta Islaamka sidaas darteed waa in dadka ay ka soo jeedaan maamulladaas ay dhulkooda ka sameystaan maxkamado si Soomaali isagu soo dhowaato, diinta Ilaahayna kor u ahaato. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 
U-hadlaha kacdoonka shacabka Puntland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 16, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD