SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Aug 14, 2006

  • Samiir Xusni: U Maleyn Maayo in uu baaqan doono shirka Khartuum ..
  • Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo laga codsadey in uusan dib u dhigin Magacaabista..
  • Cadde Muuse oo kulan gaar ah la yeeshay Culamaudiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca..
  • Golaha Maxaakiimta oo gacana ku dhigay Degmooyinka
  • Isbaarooyin ku soo kordhay Magaalada Muqdisho..
  • Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Deeganka Balambale..
  • Kullan ballaaran oo ay yeesheen jaaliyadda Digil & Mirifle ee Magaalada London
  • Laascaanood: Bandow lagu soo rogay magaalada laascaanood ee xarunta gobalka sool.
  • Tacsi: Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasin” oo ku geeriyoodey magaalada Hargeysa Sabtidii 12/08/06
  • Garoowe: Qoraal ka soo baxay ururka Ramaas P.P.
  • Bayaan Ka Soo Baxey shirweynaha Qowmiyadda Aw-digil ee ka socdey Daarisalaam:

Samiir Xusni: U maleyn maayo in uu baaqan doono shirka ..

Samiir Xusni oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Jaamacadda Carabtu ay rajo wanaagsan ka qabto in uu qabsoomo kulanka ay isugu imaanayaan Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, kaasoo la filayo in uu ka dhaco maalinta beri ah Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan. “Rajo wanaagsan ayaanu ka qabnaa in kulankaasi qabsoomo, waayo labada dhinac waxay ballanqaadeen qaadeen in ay ka qaybgalayaan kulankaasi” ayuu yiri Samiir Xusni oo sheegay in ay labada dhinac xiriiro la sameeyeen. Samiir Xusni oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in magaalada Qaahir ay dhawaan kulan kula yeesheen mas’uuliyiin ka socotay golaha Maxaakiimta, waxa uuna sheegay in kulankaasi Golaha Maxaakiimtu ka caddeeyeen in ay ka qaybgalayaan kulanka Khartuum. Dhinaca kale Dowladda Kenya ayaa iyana dadaal ugu jirta sidii ay isku soo hor fariisan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana maalmahan Magaalada Muqdisho ku sugnaa xildhibaano ka tirsan Dowladda Kenya, iyadoo wada hadal la yeeshay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah, warar ayaa waxay sheegayaan in maanta magaalada Muqdisho uu soo gaari doono wasiirka arrimaha dibadda ee Wadanka Kenya oo Maxaakiimta ka dhaadhicinaya in ay ka qaybgalaan kulanka Khartuum, sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa waxaa gaaray dhambaalo fara badan oo looga dalbanayo ka qaybgalka kulankaasi.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo laga codsadey in uusan dib u dhigin Magacaabista..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo xubnihiisa golaha Wasiirada oo ka koobnaan doona 31 wasiir.

Maalintii shalay ahayd aya la filayay in ay Ra’isul Wasaare Geeddi uu ku dhawaaqo xubnihiisa Wasiirada, hase yeeshee waxaa dib u dhigay markii muran xoogan uu soo wajahay qaabka qaybsiga beelaha wasiirada loo qoon deeyay.

Beelaha sida aadka ah isugu dhegan waxaa ka mid ah beesha Hawiye iyo beesha Daarood oo iyagu isku mari la’ cidda loo magacaabayo wasiirnimada, iyadoo beelaha qaarkood ay soo jeediyeen in la siiyo labo wasiir.

Dhinaca kale maalintii shalay ahayd kulan waxaa yeeshay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxaana kulankaasi looga wada hadlay in uusan dib u dhac ku imaan waqtiga la magacaabayo golaha Wasiirada oo ku eg Maanta, inkastoo ay weli taagan yihiin khilaafaadka u dhexeeya Beelaha Soomaali-yeed e dhinaca qaybsiga.

Cadde Muuse oo kulan gaar ah la yeeshay Culamaudiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca..

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Puntland oo maalmahan ku sugnaa Gaalkacyo ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu kulan la yeeshay Culuma’udiinka Ahlusunna Waljameeca ee ku dhaqan koonfuta iyo waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana kulankaasi looga halday sidii iskaashi u dhex mari lahaa dhamaan culuma’udiinka ku dhacan Gaalkacyo, gaar ahaan kuwa Ahlusunna Waljameeca.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Culuma’udiinka in ay ka shaqeeyan nabadgelyada gobalka Mudug gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna kulankaani ku soo beegmay xili dhawaan Golaha Maxaakiimtu damceen in ay galaan Magaalada Gaalkacyo, balse lagu dhameeyay wada hadal iyo is afgarad, waxayna taasi keentay in ciidamada Golaha Maxaakiimta ay dib ugu laabtaan Gobalka Galguduud, dibna u qabsaday magaaloo-yinka Xarardheere iyo Ceeldheere.

Madaxweyne Cadde Muuse waxa uu u sheegay culuma’udiinkaasi in maamul Gobaleedka Puntland ay uu iska difaaci doono cid kasta oo ku soo `xadgudubta deegaanada ay ka taliyaan, wuxuu kaloo sheegay Cadde Muuse in loo baahan yahay in dadweynaha ku nool gobalka Mudug ay gacmaha is qabsadaan oo ay iskaashadaan.

Golaha Maxaakiimta oo gacana ku dhigay Degmooyinka

Warar naga soo gaaraya gobalada dhexe waxay sheegayaan in Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah ee ku sugan gobaladaasi ay shalay subax gacanta ku dhigeen magaalooyinka Xarardheere iyo Ceel Dheer oo ka kala tirsan gobalada Galguduud iyo Mudug, ciidamada Maxaakiimta ayay u suuragashay in ay halkaasi ku qabsadaan sadde gaari oo kuwa dagaalka ah, oo ay lahaayeen xubnihii ka tirsnaan jiray isbahaysigii la dagaalanka Aragaxisada, sidoo kale waxay gacanta ku dhigeen qoryo fudfudu, iyadoo sidoo kale xabsiga u taxaabay maleeshiyadii halkaasi ku sugneydn.

Maxaakiimta islaamiga ah ayaa ku sii fidiya gobalada dalka, iyadoo dhawaan ay damacsanaayeen in ay galaan koonfurta Gaalkacyo, hase yeeshee waxaa lagu dhameeyay arrintaai wad ahadal, iyado maalamaha soo socda la filayo in Gaalkacyo looga dhawaaqo Maxkamad ilsaami ah.

Isbaarooyin ku soo kordhay Magaalada Muqdisho..

Iyadoo maalmahan Magaalada Muqdisho ay ka da’ayeen roobab is daba joog ah ayaa waxay roobabkaasi keeneen khasaarooyin dhinaca wadoodiyinka ah iyagoo sii burburiyay isla markaana biyo dhigay wadooyinka qaarkood.

Wadooyinka ay khasaaraha gaarsiiyeen biyuhu waxaa ka mdi ah wadamada Sodonka, waxaana gawaarida kui adkaatay in ay maraan wadadaasi, iyagoo u leexday dhinaca wadooyinka yar yar ee xaafadaha dhexdooda, waxaase dadweynihii degenaa xaafadaha bilaabeen in ay wadooyinka gooyaan iyagoo diidan in gawaaridu halkaasi maraan.

Inkastoo wadooyinka aan la kala xigin ayaa waxaa mararka qaarkood dhacda in gawaarida dhibaatooyin loogu gaysto, waxa dhacday in maalintii shalay ahayd qof jirran la damcay in laga soo qaado xaafaddiisi iyadoo gaari Taksi ah oo la soo kireeyayna geli waayay xaafaddii, waxa uuna Taksiilihii sheegay in laamiga ku sugayo oo halkaa loogu keeno qofka, waxaana dadkii qofka ka xanuunsanaa qasab ku noqday in qofkii soo qaadaan ilaa iyo wadada laamiga halkaana ay Taksigii ka saaraan.

Darawalo badan ayaa cabasho badan ka muujiyay arrintaani, iyagoo mar la weydiiyay sababta ku kalifeysa in ay xaafadaha dhex maraan sheegay in wadooyinkii ay biyo fariisteen, waxa uuna darawalkaasi yiri “Maamulka cusub ee haatan magaalada gacanta ku haya waxaan u soo jeedinayaa in ay soo farageliyaan jidadka ka layska goosanayo, oo aysan ogoleyn Diinta Islaamku”.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Deeganka Balambale..

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Dhexe waxay sheegayaan in ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u xoogan ay soo galeen deegaanka Balanbale oo ka tirsan Gobalka Galguduud 60Km u jira Magaalada Guriceel.

Ciidamadaasi ayaa dadweynaha weydiinayay in ay arkeen ciidamo ka socda golaha Maxaakiimta oo soo galay deeganadooda.

Warar ayaa waxay sheegayaan in dhowr qof ay ciidamada Itoobiya xabsiga u taxaabeen, sidoo kale dhowr qofood ayaa la sheegay in iyana ay ciidamadaasi jir dil u gaysteen. Ciidamada Itoobiya ayaa waqtiyadan dambe waxay xero taraar ku soo sameynayeen deegaanada ku dhow dhow xuduuda Soomaaliya waxayna arrintaani sii kordhiyeen markii Maxaakiimtu gacanta ku dhigeen Magaalada Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Tacsi: Abwaan Axmed Ismaaciil “Qaasin” oo ku geeriyoodey magaalada Hargeysa Sabtidii 12/08/06

Inaali laahi wa inaa ileyhi raajicuun 

Hawl-wadeennada Ururka dhaqanka, afka iyo Suugaanta ee Aftahan Org, waxa ay tacsi u dirayaan dhammaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo idil ahaan bah-weynta curshaaga iyo hal-abuurka af soomaaliga ku hadla, iyagoo uga tacsiyadeynaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee - abwaan Axmed Ismaaciil  Diiriye (Qaasin) oo Sabtidii 12/08/06 ku geeriyoodey magaalada Hargeysa. 

Qaasin alle ha u raxariistee waxa uu ka mid ahaa buuni ay tixdiisu carceertay oo ka caanbaxay dhulalka ay soomaalidu degto. afsoomaaliga laga hadlo, ruug-caddaaga hal-abuurka casriga ah ee soomaalida. Qaasin wuxuu ahaa maansayahan Ilaahay hibo u siiyey curinta maanso xigmad iyo miisaan leh oo hal-hays iyo hal-ku-dhig ba noqotay “Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yaal”.   

Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu kaga jirey halgankii gobanimo-doonka iyo kii caddaalad-doonkaba iyo quruxda farshaxanimo ee ay maansadiisu xambaarsanayd, iyo sida uu dareenka bulsho uga turjumi jirey.  Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Waxaan shaki ku jirin in maansooleydii soomaalida maalinba mid iilanayo oo Alle oofsanayo, xaqiina ku soo degayo. Waxayse is weydiintu tahay; sidee looga faa’iidaystay ama intee in le’eg oo murti iyo maanso ah ayaa lagala hadhay? Waxa kale oo yaab leh, sida joogtada ah ee ay isugu xig xigaan. Waxa saddexdii sanno ee ugu dambeeyey geeriyoodey, Jaamac-gacmadheere, Yuusuf X. Aadan, Ibraahin-gadhle, Yamyam iyo Qaasin. Kolley anagoon (Aftahan ahaan) canaan badan ku lahayn, haddana annagaa uga calaacal dhow kuwo badan oo aan dareensanayn, kaalinta Abwaanka iyo aqoonyahanku kaga jiraan horumarinta afka iyo hiddaha.

Abwaan Qaasin –Kaah damay; Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna ha inaga wada siiyo. Aammiin.

Allaa mahad leh
AFTAHAN ORG
aftahanc@hotmail.com

Kullan ballaaran oo ay yeesheen jaaliyadda Digil & Mirifle ee Magaalada London

 
Kullan ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Digil & Mirifle ee magaalada London oo maalmahan ka soconayay magaaladaasi, ayna ka soo qeyb galeen Aqoonyahannada beeshaasi, loogana hadlayay Dilkii magaalada Baydhabo lagu dilay Wasiirkii hore ee Dastuurka dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Allaha u naxariistee Cabdalla Deeroow Isaaq.
 
Dood dheer ka dib waxaa shirkan laga soo saarey qodobbo ay ka mid ahaayeen:-
 
1. In Beesha Digil & Mirifle uu ka dhammaaday dulqaadkii ay u lahaayeen, hadda iyo wixii ka dambeeyana ayan beeshaasi u dulqaadan doonin dil la soo qorsheeyay oo loo geysto madaxdooda.
 
2. In beesha ay xoogga saarto Illaalinta midnimadeeda dhexdeeda.
 
3. In Caddaaladda la hor keeno ciddii ka dambeysay abaabulka & dilka Cabdalla Deerow Isaaq.
 
4. Waxaa kaloo ay go'aan ku gaareen in ay la xisaabtami doonaan xubnaha D/M ee ku jira dowladda iyo baarlamaanka haddii ay arrintaan wax ka qabanwaayaan oo ay xil iska saari waayaan, taariikhdana ay qori doonto .
 
Kullankan dadkii ka qeybgalay waxay ku xuseen doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa beesha dhexdeeda iyo Soomaaliweyn, taariikhdana ay xusi doonto wixii uu u qabtay dalkiisa & dadkiisa.
 
Qoraalkan waxaa ku saxiixnaa:-
 
1. Max'uud Axmed Dalab
2. Ibraahim Siidoow
3. C/risaaq Sh. Muxudiin
4. C/kariim Max'ed Cali Yaanyuuroow
5. C/rashiid Xaaji Xassan
6. Ibraahim Aadan Cabdi
7. Abba Sheikh Abuu
8. Aamino Maxamed cali Daqarre
9. Shariif  Axmed Sh. xassan
10. Sayid Cali Maxamed
11. Shariif Maxamuud (Sanbarre) & Aqoonyahanno kale oo fara badan.

La xiriir: Saleban hassan Alasow
alasow73@hotmail.com


puntland somalia
Ramaas political party
RPP35/20006                                     Date:13/8/206
 
 
Ku:socota saxaafada madaxbanaan ee somalia
 
ogaysin: shacab waynaha puntland
 
Ujeedo: difaaca dalka iyo diintu waa muqadis
 
Tan iyo intii ay bur burtay dawladii somalia waxaa konfurta somalia ka abuurmayay kooxo hubaysan oo dhibaato ku hayay umada somaliyeed kooxa haas oo ay ugu dhibato badnayd kooxdii la oran jiray USC oo ilaa iyo maanta dhibaato wayn ku haysa baraxlay ilaa iyo xuduuda kenya ee somalia markii dadkii ku noolaa deegaanadaaas ay noqdeen dad u kala qaxa gobolada somaliyeed ee nabada ah sida puntland iyo somaliland, ayay maantana waxay bilaabeen shaati kale oo ay ugu magac dareen maxaakiimta iyaga oo doonaya dadkii ka badbaaday dhibaataadii somalia in ay iyagana ay dhib ku abuuraan.
 
Somalia  waxay soo martay dagaal sokeeye oo ay iyagu sabab u ahaayeen,waxay dheceen dadka guryihiisii iyo beerihiisii, waxay xalaalaysteen dhiigiisii, ma jirto meel looga heshiiyay ama la isku cafiyay waxaa la yaab leh dadkii noocaas ku shaqaynayay in ay yiraahdaan oo caalamka maqashiiyaan somaliya ayaan waxaan ku soo dabaaalaynaaa diinta islaamka.
 
Diinta islaamku waa diinu sharaf, waa diinu amni,waa diintii illaahay u soo dajiyay koonka in uu ku maamulo, waa diin kala bad baadinaysa dadka naftiisa iyo maalkiisa.
 
Hadaba shacab waynaha puntland waxaa xisbiga ramaas u soo jeedinayaa in ay u diyaar garoobaan difaac dalkooda iyo diintoodaba oo ay gacan ka siiyaan maamulka puntland  maxaa yeelay waxaa dalka ku soo wajahan kooxdii USC oo gashatay shaati diineed una socota gumaysi iyo dhul balaarsi, hada ka hor 1991 kii sidii geesinimada lahayd ee ay isaga celiyeen cadawga umada somaliyeed oo duulaan ku ahaa maatadooda hada ka hor 1992dii dagaalkii uu horkacayay xasan daahir aways isaga oo ay la shaqaynayaan kooxo calooshood u shaqaystayaal ah oo aan indheer garad ahayn galkacyo ilaa iyo saliid dagaal ku simay oo ayna xaadir ku yihiin dalka dadkii dagaalkaas ku naafoobay caruuro badana ay ku agoomoobeen, oo aan laga heshiis la islana soo qaadin, xasan daahir aways ma umulbaa ilowsho dhawaaa, dhibtaas uu u gaystay shacab ka puntland walina uu u hamuun qabo in uu markale ka abuuro cadawad iyo bur bur.
 
Puntland waa meeshii ninkasta oo ka yimaada koonfurta somalia oo ka taga xaalada biniaadaminimo oo wata mindi dhiigleh waa tii ku soo celinaysay biniaadaminimada ama  nolashiisi caadiga ahyd, ina qaybdiidna kama duwana dadkaas.
 
Hadaba xisbiga ramaas xubnihiisa kala duwan iyo shacab waynaha puntland  wuxuu xasuusniayaa in aan loo kala harin difaaca dalka iyo diinta maxaa yeelay hadii la dhayalsado waxaa imaan doonta in jiilal badan mustaqbalkoodu lumo oo ay xirmaan madarasado badan masaajido badan oo ay wax ku bartaan shacab isugu jira umada somaliyeed oo dhan kuna soo hiloobay amaanka aaan haybta lahayn ee ka jira puntland.
 
Puntlandna waa isha kaliya ee mustaqbalka somaliya ka imaan karo.
 
Afhayeenka xisbiga Ramaas
Daahirciiro
daahirciiro@hotmail.com                      mobile 747090

Shirka Iskuxirka Qowmiyadda aw-digil  oo kaga Qayb qaatey Khadka Talefoonka: 

Waxaa maalintii labaad galey shirka isku xirka Qowmiyadda awdigil,kaas oo ay kaga tashanayeen aayahooda dambe ,iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbeddellada ka dhacey soomaaliya. Shirka ayaa maanta waxa uu la kowsaday maalin roobaad ,taas oo ay odeyaasha dhaqanku ku sheegeen inuu shirku yahay mid guuleystey,taas oo ay sabab uga dhigeen kheyrka uu la kowsadey. 

 waxaa la guda galey ajanddeyaasha shirka u yaalley ,kaas oo ay ugu muhiimsan yihiin in ay midoowddo qowmiyaddan islamarkaasna la dhiso guddiyo la shaqeeya guddiga fulinta ee Ameerika .Guddiyadaas oo ka kooban Guddiga fulinta,Golaha dhaxe, Guddiyada Degmooyinka iyo guddiga samafalka.Haddaba shir guddoonka iyo xoghayntiisa ayaa waxa erggooyinka ka codsadeen in la qaybsado guddiyada kala duwan ee ururka loo dhisayo. 

Intaas ka dib beel kasta waxay la wareegtey xubnihii ay qaybta u heshey ,taas oo beelaha qaarkood durbadiiba ku heshiiyeen,halka kuwa kalena ay ku guda  jiraan qeybsiga guddiyadooda.Intaas ka dib waxaa shirka si toos ah  oo telefoon ah uga soo qayb galey madaxda sare ee ururka kuwaas oo sheegey inay aad ugu farxeen kulankan ballaaran ee Taageereyaasha koonfurta  Soomaaliya ku leeyihiin Darusalaam, taas oo ah bay yiraahdeen mid taariikhi ah . 

Sidoo kale masuuliyiintu waxay shacabka ururka taageera ugu bishaareeyeen in haddii ay midoobaan `ay heli  doonaan iskuullo ,isbitaallo iyo mashaariic waaweyn oo horumarineed ,taas oo ay aad u soo dhoweeyeen ka qaybgaleyaasha shirku .Waxayna masuuliyiinta haddallada guubaabada iyo qiirada ku dhisanaa oo ay jeediyeen ku ilmeeyey dad badan oo ku sugnnaa goobta shirka .  

Si kastaba ha ahaatee khudbooyinka masuuliyiinta Midowgga Koonfurta Soomaaliya waxay farxad iyo rajo weyn gelisey in badan oo ka mid ah  Qowmiyadda awdigil oo quus taaagnnaa inay iskuxirkooda ayna isku Talo noqdaan .Masuuliyiinta khudbbooyinka taariikhiga maanta shirweynaha u jeediyey waxaa ka mid ah Madaxweynaha Koonfurta Soomaaliya Dr:Aadan Cumar Abuukar,Maxamed Siid Cabddulle Cali Caliyoow Maxamed,Maxamed Abuukar, Injineer Cabdulqaaddir Khaliif iyo Sheekh Nuur . 

Intaas ka dib waxaa hadallo qiiro iyo suugaan halkaas ka soo jeediyey abwaaniin ka tirsan erggooyinka shirka oo halkaas ka soo jeediyey ereyo kicin iyo guubaabooyin iskugu jirey taas oo ay ka qaybgaleyaashu aad ula  dhaceen ,islamarkaasna ay dumarka midowgga Koonfurta soomaaliya alalaas iyo mashxarado ka dhinaca wadeen.  

Si kastaba ha ahaatee waxaa manta bulshweynta Qowmiyadda awdigil u ahayd maaln weyn oo fasrxadeed ,oo la dhehi karo waa maalinta  xorriyadda awdigil.Jawiga magaalada Daarisalaam ayaa wuxuu ahaa mid aad u degan oo qobow raaxo leh xanbaarsan.waxaana la isku soo laaban doonaan maalinta saddexaad ee burritoah insha allaah.

Bayaan Ka Soo Baxey shirweynaha Qowmiyadda Aw-digil ee ka socdey Daarisalaam: 

Shirweynihii Ballaarnaa ee u socdey beelaha awdigil islamarkaasna socdey muddo saddex maalmood ah ,ayaa waxaa maanta (Agoosto 12) laga soo saaarey qodobo  taabanaya dhinacayo badan .Waxana haddallada ku qoran bayaanka aad ugu maqsuudey ka soo qqaybgaleyaasha shirka .wuxuuna bayaanku ka kooban yahay 17 qodob  oo si faahfaahsan uga hadllaayey ujeedada shirka iyo mustaqbalka beelaha awdigil. wuxuuna bayaanku u qornaa sedan: 

Bayaanka shirweynaha Aw-Digil ee Daarisalaam: 

Shirweynaha Aw-Digil ee lagu qabtay Degmada Aw-dheegle beesha Daarasalaam

10—12/08/06:  

Markuu dersay waraaqihii ururka SSU, markuu arkay xaalada murugsan ee uu dalku marayo iyo isbedelada cusub ee soo kordhay dalka wuxuu soo saaray bayaankan: 

  1. In lagu dhaqmo Shareecada Islaamka.
  2. In la dhisay hoggaanka sare ee Aw-Digil
  3. In la dhisay guddiyo howlgal oo kala duwan
  4. In la joojiyo dhoofinta Dhuxusha iyo duur joogta wadanka, lana mamnuuco beeridda iyo ka ganacsiga maan dooriyeyaasha.
  5. In la joojiyo xaalufinta dhirta iyo daaqa oo si ficil ah looga howlgalo.
  6. In la dhowro deris wanaagga, ha ahaato mid beeleed, mid degmo, iyo mid goboleedba.
  7. In la soo dhoweeyo cid kasta oo maalgashi ku sameyneysa dalka ajnabi iyo Soomaaliba.
  8. Shirweynaha wuxuu u ogolaaday Ururka SSU inuu ku hadli karo codka Aw-Digil.
  9. Waxaan soo dhoweyneynaa Hay’adaha samafalka si ay u daboolaan baahida keentay dowlad la’aanta.
  10. Shiwrynaha Aw-Digil wuxuu go’aansaday In xarunta Aw-Digil noqoto Daarasalaam ee Degmada Aw-Dheegle.
  11. In la isu celiyo hantida ma guurtada ah, Soomaaliduna ay is cafiso.
  12. Shirweynaha wuxuu soo dhoweynayaa guusha ay gaareen Midowga MAxaakiimta Islaamiga ah
  13. In la sii ambaqaado wadahadalka Dowladda KMG ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, taasoo qowmiyada Aw-Digil diyaar u tahay inay gacan ka geysato si loo gaaro xal waara.
  14. In la dhowro xuquuqul insaanka saldhigna looga dhigo diinta Islaamka.
  15. In la dhowro xuquuqda Haweenka sarena loo qaado aqoontooda.
  16. Kulan weynaha Aw-Digil wuxuu go’aansaday in la dhowro cadaaladda saddexdeeda qeybood:
  • a)      Cadaaladda guud ee dabiiciga ah

  • b)      Cadaaladda Ijtimaaciga.

  • c)      Cadaaladda qaanuuniga.

  1. Kulan weynaha Aw-Digil wuxuu go’aamiyay in la dhowro Mabda’a nabad ku wada noolaanshaha iyadoo loo hoggaansamayo aayadda 208 ee Suuratul Baqara.

Waxaa bayaankan si xamaasad leh ku ansixiyay shirweynaha Aw-Digil: 

Salaadiinta Aw-Digil: 

  1. Ugaas Siideey Xaaji Maxamed Nuur     _________________
  2. Wakiilka Suldaanka Beesha Tunni,Jeylaani Maxamed Oofow ________________  
  3. Suldaan Buube Suldaan Cabdulle                                 ___________________
  4. Suldaan Sayid Cali Xasanow Caliyow Ibrow                            ___________________
  5. Malaaq Siidow Maadow Muuse                                            ___________________
  6. Ibraahim Cusmaan Daasow, wakiilka Ugaas Max’ed Macalin   ___________________
  7. Ugaas Xaaji Xasan Ibraahim (Ugaas Banduuq)                         ___________________
  8. Suldaan Sheekh Aabow Maxamed Nuur                 ___________________
  9. Suldaan Cali Maxamed Cabdi Cumarow
  10. Malaaq Cumar Ibraahin Axmed                       ___________________

Wabillaahi Towfiiq

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA 

Taariikh 12/08/06

 Ujeeddo: Qaraar 

Qowmiyadda Aw-Digil wuxuu qaraar toos ah ka soo saaray cadaalad darrada lagu hayo beelaha Digil iyadoo hore u tirsaneysay: 

  • a)      Tii Carte

  • b)     Tii Mbaghati

  • Iyagoo taas ogsoon ayay ku taageersan yihiin Dowladda KMG ah. 

Haddaba waxaan Dowladda Federaalka KMG ah baaq ugu jeedineynaa inaysan dhicin cadaalad darradii hore u soo dhacday, haddii ay dhacdo inaan ka fiirsaneyno ka mid noqoshada DFKMG ah.

Wabillaahi Towfiiq
Salaadiinta Aw-Digil 

Muuse Maxamuud Jiisow | Somali39@hotmail.com
Muqdisho somaliya | 002521576666/002521653623


Duqa magaalada Aarhus oo la shiray ururka Jaaliyada Soomalida Danmark.

Shir maanta (12/8/06) oo sabti ah ka dhacay xaruunta ururrada brabrand ee magaalada Aarhus, oo uu ka soo qayb galay duqa magaalada Aarhus oo ah magaalo madaxda labaad ee Danmark. Nicolej warmen, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiya Ururka Somali Community in Danmark C/rashiid SH. Maxmuud (siyaasi) shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa looga wada hadlay arimo badan oo ay ka mid ahayd howsha Somali Community ay ka qabato Danmark iyo weliba arimo kale oo quseeya Soomaliya.

Ururka Somali Community ayaa  soo bandhigay howlaha kala duwan oo ay u qabtaan mujtamaca Soomaalida gaar ahaan kuwa magaalada Aarhus, ayaa waxaa ka mid ahaa bandhigooda Mashruuc cusub oo ay hirgeliyeen howl wadeenada Somali Community, mashruucaan oo layiraahdo Somalihoajskole, oo loogu talagalay hooyooyinka iyo caruurta soomalida in ay ka faa,idaystaan weekend-yada, waxaa kaloo kamid ahaa mashruuca Shaqo, cayaaraha, waxbarashada Iwm.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen howl wadeenada guud ee ururka iyo Somalida degan Magaalad Aarhus,ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay isbedelka shaqo ee Soomalida Afartii bilood ee ugu danbeeysay, warbixintaan oo ay soo bandhigeen Mulki C/samad Xaji xuseen Iyo Abshir X, Shiikhdoon (Gaalkacyo), kadib markii ay dhamaatay warbixintii Ururka Somali Community ayaa waxaa halkaas ka hadlay Duqa Magaalada Aarhus NicolajWarmen oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isbedelka Soomalida iyo horumarka ay gaareen, waxaa uu si xeel dheer uga hadlay yoolka la tiigsanayo iyo in loo baahan yahay wada shaqayn dhab ah, waxaa uu ku amaanay ururka Somali Community iyo laamaheeda hoosyimaada shaqada ay qabteen, Nicolaj Warmen ayaa balan qaaday in uu garab istaagayo ururka  Somali Community iyo Soomaalidaba. Gabagabadii ayaa waxaa si furan laysku weydaarsaday su’aalo iyo jawaabo.

Shirkaan ayaa waxaa ka horeeyay shirarkale oo uu Ururka Somali Community soo qaban qaabiyay kaas oo ay ka soo qayb galeen poliska, iyo masuuliyiin kale oo Dowlada Danmark  ka socday. Siddoo kale waxaa uu Ururka Somali Community sahlay in ay wada kulmaan Wafdigii DKMG ee uu horsocday Xildhibaan C/rashiid Ciro iyo madaxda magaaladan Aarhus oo uu hor kacayay Duqa magaalada Aarhus Nicolaj Warmen.

Sikastaba waxaa Ururka uu ku balamay in wada shaqaynta iyo da’daalka laga sii wado meesheeda. 

Somali Community in Danmark
Xiriiriyaha ururka.
Abdi Maxmuud Faarax
Macaane75@hotmail.com 


Shir ay yeesheen Beelaha Darood ee ku dhaqan magalada Muqdisho

10-08-06 

shirkan oo ka dhacay Hotel Waamo3 ee magaaladda Muqdisho.

Shirkan oo uu soo abaabay, isla markaasna uu shir guddoominayay Ugaaska Beesha Sadde ahna Afayeenka Salaadiinta Beelaha Daarood, ayna kasoo qeyb galeen 40 qofood oo isugu jira oday dhaqameedyada, culima’udiinka, aqoonyahanada iyo saraakiisha ku abtirsada beelaha Daaroodwaxaa si qodda dheer looga dooday xaaladda uu dalku marayo. Isbadalkii ka dhacay magaaladda muqdisho iyo arimo kale, falanqeyn dheer kadib waxaa ka soo baxay afar qodob:- 

1.    Beesha Daarood waxay soo dhoweysay isbadalkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo durba la dareemay nabad galyadiisa, daganaashihiisa iyo horumarkiisa.

2.    Beeshu waxay si buuxda u taageertay baaqii ka soo yeerey Guddoomiyaha Middowga Maxaakimta Sh. Shariif Sh. Axmed ee ku saaabsanaa hanti isu celinta, waxayna beeshu u aragtaa baaqaas talaabo loo qaaday dhinaca wanaagsan, taasoo horseedi karta dib u heshiisiintii mudda dheer la raadinayay, Isla markaana waxay fura u noqon kartaa dib u soo celintii qarnimadii ummadda somaliyeed.

3.    sidoo kale beeshu waxay baaq u soo jeedisay dowladda KMG iyo Maxaakimta Islaamiga ah inay u istaagaan sidii ay uga badbaadi lahayd ummaddu dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa Soomaaliya, waxayna dowladda si gooniya uga codsadeen inay citiraafto soona dhoweeyaan isbadalkii wanaagsanaa ee ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasoo ay horseed ka ahaayeen Maxaakimta Islaamiga ah.

4.    beeshu waxay dooratay guddi ka kooban 11 xubnood, guddi gani wuxuu u adeegi doonaa danaha guud ee beesha daarood, gaar ahaan Golobka Banaadir, guddigani wuxuu beesha ku matali doonaan wax kasta oo waafaqsan shareecadda Islaamka iyo caqliga saliimka ah.

La xiriir: Ugas Mohamed-weli
EMail: kulmiyepress@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2006

Puntland: Waxaa Nalaku Dhiiri Geliyaa in aan Dalka ka Go'no...
Wasiirka Maaliyadda DGPL ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dowlado iyo hay'ado ku dhiiri geliyey in Puntland.. Guji... Aug 12

Dowladda Uganda oo Muuse Suudi, Bashiir Raage & Beebe ku Xareysey Xero...
»Duqa magaalada Aarhus oo la shiray Soomalida Danmark.
»Soo dhaweyn Maxkamada loogu Magacdarey Hanti isu celinta
»Golaha Maxaakiimta oo laga codsaday in ay wada hadal..
»Bootaan Ciise oo la degay saaxiibkiis Qanyare…
»Maanta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo..
»Bandow lagu soo rogay Magaalada Garoowe…
»Garoowe: Taliyaha Saldhigga booliska Garoowe oo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI... Aug 13


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD