SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


Wadaadada Koonfurta oo Waranlayaal Noqday iyo Kuwa Puntland oo Warato Noqday

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Aug, 2006  


 ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU.

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM. 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ma usoo joogteen inaad maqashaan jananno Itoobiya u dhashay oo ka fakanaya Itoobiya iyo “dad” Puntland u dhashay oo Itoobiya soo abaabushay si ay uga   bannaabaxaan faragelinta Eriteriya ku heyso Soomaaliya?! Dadka bannaanbaxa horboodayey, qaarkood baa lagu sheegay iney wadaado Al-Itixaad ah ahaanjireen! Waxaa taas si dheer in Xamar lagu qabtay dibadbax looga soo horjeedo xasuuqa Yuhuuddu ku heyso dadka u dhashay Lubnaan iyo Falastiin halka boggag laga leeyahay Puntland ay leeyihiin haddii maxkamaduhu soo galaan xadka Gaalkacyo waxaa difaacayaa Itoobiya! Marka qofku Ilaahiis ka dambeeyo wuxuu kasoo horjeedaa dulmiga oo dhan laakiin marka qofku Xabashi iyo wax la mid ah ka dambeeyo waxaa ka lumaya miisaanka; waana arrintaas midda keenta in aan Baydhabo, Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo laga sameynkarin bannaanbax lid ku ah Xabashida iyo Yuhuudda. Hadday hadalkeygaan ka dabaakhaan haddee waan soo dhoweyneynaa. 

Dadoow maahmaahdii ahayd wadaad iyo waranle ma waxay ku baxday dadkayaga geyigaas dega? Miyaan xaddiis saxiix ah oo Bukhaari wariyey nabigu (SCW) oran: ogaada, jannadu waxay ku jirtaa seefaha harkooda? Goormaase culumo iyo jihaad lakala teeday? Miyaan xaddiis kale oo xitaa Bukhaari wariyey sheegin in nabi Suleymaan (CS) uu haween badan oo u qabayey hal habeen isu maray si ay mid kasta u dhasho wiil dar Ilaahay fardo ugu dagaala? Halkaas waxaan ka fahmaynaa inay khasab tahay in wadaadku waranle ahaado. Waxaase muhiim ah in la fahmo  in waranka xaqiisa la siiyo ee aan cid kasta loo isticmaalin. Ma fahanteen micnaha “super Power”? Ma dhaqaalaa laga wadaa? Dhaqaaluhu wuu ku jiraa laakiin waxaa ka horreeya hubka. Waa arrintaas midda Maraykanka sidaas loogu yeero. Hadday dhaqaale keliya ahaanlahayd Jarmalka iyo Jabbaanku way ku sifoobilahaayeen. 

Waxaa jira xaddiis aan saxadiisa hubin oo nabi ka mid ah nabiyaasha uu lahaa: yuusan jihaadka iisoo raacin nin guri dhisanaya oo uu qabyo ka yahay; nin haweeney guursaday oo raba inuu la aqalgalo, nin … iwm. Haddaan nahay shacabkii Puntland waxaan jeclaanlahaa in kacdoonkan soo socda haddii Ilaah idmo aan wadadaada Puntland iska cafinno ha iska ganacsadeene. Fiicnaanlahaydaa haddaysan wadaada Puntland dadka iska dhexsaarin. 

Waxaan la yaabaa markaan maqlo dad u dhashay Puntland oo wadaado ku jiraan oo leh: qolyaha Xamar waxay noo soo gashadeen shaar kale! Waxaan ku leeyahay: goormey ceeb noqotay in la sameeyo is-bedel (taqyiir)? Soow diintu ma oran: Ilaahay ma bedelo xaaladda qolo ku sugantahay ilaa ay bedelaan xaaladda qolodaas ku sugantahay? Marka haddii shacabka Xamar iska tureen reeryadii dagaaloogayaasha iyo gaalo-raaca ma shaati-bedelashaa? Yaan raalli ka ahayn waxa Xamar ka dhacay? Waxaan aamminsanahay in qolyihii lahaa waxaan ku bannaanbaxaynaa meelaha ay joogaan dadka u dhashay Eriteriya ee London ineysan raalli ka ahayn waxa Xamar ka dhacay. 

Weli ma fahmin sababta uu maamulka Puntland u soo dhoweystay Cabdi Qeybdiid halka uu maxkamadda Al-Furqaanna uga hortaaganyahay. Waxa keliya ee Al-Furqaan iyo Cabdi Qeybdiid u dhaxeeya waa diinta ileyn waa isku qolee. Mise Ashahaado-la-dirirkii baa weli sii socda? Ilaahay hortiis, waan u qiray kartida wadaada dariiqooyinka Mudug jooga muujiyeen. Inkastooysan ciidan iyo dhaqaale heysan haddana codkooda waa dhiibteen halka kuwii “saxsanaa/salafka” war laga la’yahay. 

Muxuu qabanayaa Kacdoonka shacabka Puntland? 

  • In Shareecada Islaamka la isku xukumo.
  •  

  • In reer Puntland oo dhan soo dhoweeyaan maxkamadda Al-caddaala ee Laascaanood laga furay.
  •  

  • In Cabdi Qeybdiid laga saaro Puntland dabadeedna loo ogolaado Al-Furqaan iney timaado Koonfurta Gaalkacyo. Al-Furqaan waxaa laga rabaa iney ceshadaan dadka dhulkaas ka soo jeeda ee jidgooyooyinka iyo dilka ka geysta Puntland sidoo kalana Puntland sidaas oo kale yeelaan.
  •  

  • In dib loo maro jidad badan oo aada degaannada Puntland oo cabsi darteed loo mariwaayey ama mar mar dhif ah la maro iyadoo wadnaha farta lagu hayo.
  •  

  • In Al-Furqaan soo celiso dambiilayaasha ka soo baxsada dhinaca Puntland sidoo kalana Puntland u celiso Al-Furqaan wixii dhankooda ka soo carara. Lana joojiyo dhibaatada dhexmarta dadka reer guuraaga ah ee labadaas qolo.
  •  

  • In marka Puntland lagu ballaariyo maxkamadda Al-caddaala ee laga furay Laascaano horay laga dayactiridoono jidadka laamiga ah ee burbursan ee u dhaxeeya magaalooyinka Puntland. Sidoo kalana wax laga qabanayo waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Gobollada ugu horreeya ee dekedda loo xiridoono waa Cayn, Howd, Sool iyo Sanaag-Bari haddii Ilaah idmo. Ma jiridoonto lacag loo dirayo madaxweynaha iyo Baydhabo.
  •  

  • In ciidan Itoobiya leedahay uusan soo gelikarin dhulkaas.
  •  

  • Si qaranimo Soomaaliyeed loo helo waa in maxkamadda Al-caddaala ee Puntland wadashaqeyn la yeelato lana midowdo midowga maxaakiimta siday horay u sheegeen madaxda maxkamadaas.  Si Soomaaliya dib looga arko maabka adduunka waa in dad Ilaahay aamminsani waddanka hagaan.

Maaddaama aan shacabka ka codsannay in la iska cafiyo wadaadada Puntland ayaan rajaynayaa iney jiraan jufooyin badan oo Puntland u dhashay oon aqbalin dulmiga. Waxaa ugu horreeya qolyaha hadda Laascaano ka furtay maxkamadda iyo kuwo kale oo hadda is diyaarinaya. Waxaa shacabkii Puntland ka yaabiyey dhibaatada ay wadaan madaxdii hore ee Puntland iyo kuwa hadda jooga. Waxaad arkeysaa iney qeybsadeen kheyraadkii dhulka. Waxaa hal qolo goosatay iney la soo baxaan shidaalkii, macdantii iyo kalluunkii geyigaas. Sidoosoo tahayna waxay rabaan iney  horistaagaan in Islaamka la isku xukumo! Marka yaa yeelikara in aakhiro iyo adduunba hal qolo na dhaafiso? 

Arrintaas darteed waxaa qof kasta oo reer Puntland ah waajib ku ah inuu u istaago sidii uu diintiisa iyo dalkiisa u badbaadin lahaa. Waxaan weli rajo ka qabnaa in dhowr culumo ah oo kheyr badan oo geyigaas u dhashay soo saaridoonaan fadwo. Haddeyse soo saariwaayaan haddee Ilaahay naguma khasbin inaan culumo gooni ah waajibaadkeenna ka sugno. 

Sidaan marar badan idiin sheegay waxaa cad in shacabkii Puntland is diyaariyeen marka waxay sugayaan in si nabad ah oo la isla ogyahay la iskaga tuuro qolyaha Xabashida u adeega. Marka waxaan sugnaaba waa kacdoonkii oo mira dhala haddii Ilaah idmo. 

ASALAAMU CALAYKUM

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 
U-hadlaha kacdoonka shacabka Puntland

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | AUg 13, 2006

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD