SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Aug 13, 2006

  • Duqa magaalada Aarhus oo la shiray ururka Jaaliyada Soomalida Danmark.
  • Dowladda Uganda oo Muuse Suudi , Bashiir Raage ku xareysey Xero..
  • Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Maxkamada loogu Magacdarey Hanti isu celinta..
  • Golaha Maxaakiimta oo laga codsaday in ay wada hadal..
  • Bootaan Ciise oo la degay saaxiibkiis Qanyare…
  • Maanta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo..
  • Bandow lagu soo rogay Magaalada Garoowe…
  • Garoowe: Taliyaha Saldhigga booliska Garoowe Cabdi ganni ayaa kutilmaamay  Xasan Daahir Uways in  uu ...

Duqa magaalada Aarhus oo la shiray ururka Jaaliyada Soomalida Danmark.

Shir maanta (12/8/06) oo sabti ah ka dhacay xaruunta ururrada brabrand ee magaalada Aarhus, oo uu ka soo qayb galay duqa magaalada Aarhus oo ah magaalo madaxda labaad ee Danmark. Nicolej warmen, ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Gudoomiya Ururka Somali Community in Danmark C/rashiid SH. Maxmuud (siyaasi) shirkaan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaa waxaa looga wada hadlay arimo badan oo ay ka mid ahayd howsha Somali Community ay ka qabato Danmark iyo weliba arimo kale oo quseeya Soomaliya.

Ururka Somali Community ayaa  soo bandhigay howlaha kala duwan oo ay u qabtaan mujtamaca Soomaalida gaar ahaan kuwa magaalada Aarhus, ayaa waxaa ka mid ahaa bandhigooda Mashruuc cusub oo ay hirgeliyeen howl wadeenada Somali Community, mashruucaan oo layiraahdo Somalihoajskole, oo loogu talagalay hooyooyinka iyo caruurta soomalida in ay ka faa,idaystaan weekend-yada, waxaa kaloo kamid ahaa mashruuca Shaqo, cayaaraha, waxbarashada Iwm.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen howl wadeenada guud ee ururka iyo Somalida degan Magaalad Aarhus,ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay isbedelka shaqo ee Soomalida Afartii bilood ee ugu danbeeysay, warbixintaan oo ay soo bandhigeen Mulki C/samad Xaji xuseen Iyo Abshir X, Shiikhdoon (Gaalkacyo), kadib markii ay dhamaatay warbixintii Ururka Somali Community ayaa waxaa halkaas ka hadlay Duqa Magaalada Aarhus NicolajWarmen oo isagu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay isbedelka Soomalida iyo horumarka ay gaareen, waxaa uu si xeel dheer uga hadlay yoolka la tiigsanayo iyo in loo baahan yahay wada shaqayn dhab ah, waxaa uu ku amaanay ururka Somali Community iyo laamaheeda hoosyimaada shaqada ay qabteen, Nicolaj Warmen ayaa balan qaaday in uu garab istaagayo ururka  Somali Community iyo Soomaalidaba. Gabagabadii ayaa waxaa si furan laysku weydaarsaday su’aalo iyo jawaabo.

Shirkaan ayaa waxaa ka horeeyay shirarkale oo uu Ururka Somali Community soo qaban qaabiyay kaas oo ay ka soo qayb galeen poliska, iyo masuuliyiin kale oo Dowlada Danmark  ka socday. Siddoo kale waxaa uu Ururka Somali Community sahlay in ay wada kulmaan Wafdigii DKMG ee uu horsocday Xildhibaan C/rashiid Ciro iyo madaxda magaaladan Aarhus oo uu hor kacayay Duqa magaalada Aarhus Nicolaj Warmen.

Sikastaba waxaa Ururka uu ku balamay in wada shaqaynta iyo da’daalka laga sii wado meesheeda. 

Somali Community in Danmark
Xiriiriyaha ururka.
Abdi Maxmuud Faarax
Macaane75@hotmail.com 


Dowladda Uganda oo Muuse Suudi , Bashiir Raage ku xareysey Xero..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


ICG: Cabdullaahi Yuusuf ha kala diro Xukuumadda Hadda jirta...,
Casumaadna ha u fidiyo Hogaamiye Sare oo ka tirsan Beesha Hawiye oo soo dhisa Xukuumad Qaranka Midaysa oo lagu soo dhisayo la tashiga Maxkamadaha Islaamiga.. ICG.
Akhri Aug 11


Sida uu noo sheegay Weriyaheen Faarax Max’ed Cali (Faarax Blue) oo ku sugan dalka Uganda, waxaa xero Milatari oo ku taala duleedka dalka Uganda la geeyay Muuse Suudi Yalaxow, Bashiir Raage Shiraar iyo C/qaadir Beebe oo dhawaan soo gaaray Dalka Unganda.

Raggaan oo ay Dowladda Uganda si weyn u ilaalineyso ayaa waxaa loo diiday inay sameeyaan wax dhaqdhaqaaq ah, warar ayaa waxay sheegayaan in Muuse Suudi Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe ay codsadeen in loo qaado Dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in Dowladda Uganda ay ka fiirsaneyso codsigaasi iyadoo shir ay kal hore yeesheen Wadamada IGAD ay ku go’aamiyeen in aan wax martigelin ah loo sameyn Karin xubnihii ka mid ahaa Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada kaddib markii IGAD u aqoonsatay dambiilayaal dagaal.

Xubnahaan ayaa mudo ku sugnaa magaalada Bunya oo u dhexeysa Xuduuda kala qaybisa wadamada Uganda iyo Koongada Dimiquraadigaa.

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay Maxkamada loogu Magacdarey Hanti isu celinta..

Shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiis ayaa si weyn u soo dhaweeyay golaha Maxaakiimta oo ku dhawaaqay in la sameeyay maxkamad loogu magacdaray Maxkamadda isu celinta hantida la kala haysto, ha noqoto mid shaqsiyeed ama mid qaran, waxayna ku tilmaameen shacabka Soomaaliyeed mid sii xoojineysa nabadgelyada magaalada Muqdisho.

“Aad baaan ugu faraxsanahay in Maxaakiimtu sameeyaan Maxkamadaasi, waayo ayaa hantidoodii la haystay 16-sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo isugu jira Beero, Guryo, Gawaari iyo wixii la mid ah” ayuuyiri Wiil dhallinyaro ah oo ku ganacsanayey Suuqa Bakaaraha mar aan halkaasi kula kulannay.

“Gurigeygii aniga oo arkaya ayaa xoog looga jiraa, hadiise maxkad haatan la sameeyay aad baan ugu faraxsanahay” ayay tiri Hooyo Faadumo Cali oo dib ugu soo laabatay Muqdisho oo dooneysa in ay ku noolaat gurigeeda oo ay ka maqneyd mudo 16 sano ah.

Maalmahan ayaa Maxaakiimta Islaamiga qaarkood ee ka dhisan Degmooyinka Gobalka Banaadir waxa ay dib ugu celinayeen dadkii guryaha laga haystay, iyadoo guryo fara badan oo ku yaala deegaanka Buula Xuubey dib ay u hanteen dadkii lahaa markii Maxaakiimta Islaamiga ah ay amreen in dib loogu celiyo dadkaasi guryahooda.

Golaha Maxaakiimta oo laga codsaday in ay wada hadal..

Maalintii shalay ahayd ayaa magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray toban xubnood oo isugu jira Xildhibaano, Siyaasiyiin Ganacsato iyo culuama’udiin ka socday Dalka Kenya, waxaana hogaaminayay Xildhibaan Bile Keerow, waxaa kalloo ka mid ahaa Sheekh Max’ed Cabdi (Sheekh Umal), waxayna Magaalada Muqdisho u yimaadeen sidii ay u eegi lahaayeen xaaladda magaalada iyo is bedelka ka dhacay, waxayna shalay hotel Peace kulan kula yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha maxaakiimta oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna isla soo qaadeen sidii loo sii xoojin lahaa nabdgelyada magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale, waxay kaloo isla soo qaadeen sidii Golaha Maxaakiimtu uga qayb-qaadan lahaayeen Shirka Khartuum, isla markanaa ay wada hadal ula furi lahaayeen dowladda Federaalka, isla markaana loo soo afjari lahaa khilaafka jira. Bile Keerow wuxuu sheegay in shacabka Kenya ay aad ugu farxeen nabadgelyada Magaalada Muqdisho. Wafdigaan ayaa waxa uu horudhac u yahay wafdi balaaran oo ka socda Wadanka Kenya oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha dibadda ayaa la filayaa inay soo gaaraan Muqdisho maalinta beri ah, iyadoo Dowladda Kenya ay dooneyso in dib loo soo nooleeyo wada hadaladii Magaalada Khartuum hase yeeshee wara ayaa waxay sheegayaan in dowladda Kenya ay dooneyso in dalkeeda ay ku martigeliso Dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta si loo dhameeyo wixii xurguf ah ee u dhexeeya labada dhinac.

Bootaan Ciise oo la degay saaxiibkiis Qanyare…

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd wasiirkii hore ee dhaqancelinta maleeshiyoo-yinka Bootaan ciise oo ay la socdaan dhowr maleeshiyo ay shalay gaareen Baydhabo, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saaxiibkiis ay wada dhiseen Isbahaysigii la dagaalanka Argagixisada ee looga awood roonaaday magaalada Muqdisho.

Bootaan ayaa la sheegay in uu ka yimid dalka Itoobiya gaar ahaan Xuduuda u dhexeysa Soomaaliye iyo Itoobiya oo mudooyinkii la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Bootaan Ciise waxa uu markiiba la degay Max’ed Qanyare Afrax, waxayna haatan ka mid yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka, hase yeeshee waxay qalqaalo ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen dowladda uu dhisayo Cali Max’ed Geeddi oo beri lagu dhawaaqayo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Dowladda Federaalka martigeliso xubnihii la dagaalanka Argagixisada, waxaana horey Baydhabo u gaaray Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) iyo Xubno kale

Bile Keerow “Muqdisho waxan dhihi karaa waa Nabad..

Xildhibaan Bile Keerow oo ay la socdeen xildhibaano ka tirsan Wadanka kenya yaaa shalay ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Bile waxa uu sheegay in Muqdisho uu ku soo wareegay, isagoo sheegay in uusan ku arin wax wata qori, “Muqdisho waxaan dhihi karaa 100% waa nabad, waxayna keeni kartaa in dalka oo dhan uu nabad noqdo” ayuu yiri Bile Keerow oo sheegay in shacabka Kenya ay si aad ah ugu farxeen nabadgelyada ka soo cusboonaatay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Wafdiga uu hogaaminayo Bile Keerow ayaa Golaha maxaakiimta ka dhaadhicinaya sidii ay uga qaybgali lahaayeen shirka Khartuum si loo soo afjaro khilaafka u dhexeeya Dowladda iyo golaha Maxaakiimta, iyadoo maalinta beri ah Muqdisho soo gaari doono wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya oo la filayo in uu wada hadal la yeesho Golaha Maxaakiimta kaddib uu u gudbo magaalada Baydhabo.

Maanta ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo mudo tobaad ah loo qabtay inuu ku soo dhiso Dowladdiisa oo ka kooban 31 wasiir ayaa warar aanu helnay waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu uu maanta ku dhawaaqayo.

Waxaa lagu waramay in Ra’isul Wasaaraha iyo Maadaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay isku waafaqeen qaabka uu u soo dhisay xukuumada oo ay beelaha waaweyn u heleen min todobo wasiir, halka beelaha shanaad heleen sadde wasiir, iyadoo ay muuqato in Ra’isul Wasaare Geeddi uu si aad ah isugu dheeli tiray Dowaldda.

Dowladda lagu dhisay Magaalada Nayroobi way ka duwan tahay dowladaani, waayo dowladii hore waxaa awood lahaa hogaamiyaasha kooxaha oo Ra’isul Wasaaraha u keenayay ninka ay iyagu doonaan, halka maanta uu Ra’isul Wasaaaruhu u madax banaan yahay qofkii uu doono oo u qalma jagadaasi.

Warar ayaa waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaaraha uu dib u soo celin doono dowladdi la kala diray tobaadkii hore oo ka koobneyd boqol iyo dhowr wasiir, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay maanta u dheg taagayaan ku dhawaaqista Golaha Wasiirada iyo cidda ka mid noqon doonta, waxaana idiin ballanqaadeynaa in aan idiin soo gudbino magacyada wasiirada iyo beelaha ay ka so jeedaan.

Bandow lagu soo rogay Magaalada Garoowe…

Magaalada Garoowe oo xarun ah Maamul Gobaleedka Puntland ayaa maalintii shalay ahayd lagu soo rogay bandow bilaabanaya 10:00 fiidnimo kuna eg 6:00 subaxnimo kaddib markii ay soo baxeen sida ay maamulku sheegeen dad u guuxaya is bedelada ka dhacay magaalada Muqdisho.

Bandowgaan ayaa waxaa keenay kaddib markii maalintii shalay ahayd nin wata Microphone uu dadka ugu baaqayay in ay taageeraan maxaakiimta Islaamiga ah ninkaas ayaa la sheegay in ay qabteen ciidanka Booliiska, xabsigana ay dhigeen, maamulka ayaa waxa uu ku dhawaaqay in aan la sameyn Karin wax dhaqdhaqaaq ah oo lagu taageerayo Maxaakiimta Islaamiga, sidoo kale waxaa la joojiyay Banaanbaxyada lagu taageerayo Maxaakiimta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Hogaanka sare ee xisbulaah hassan nasrulaah ayaa ku tilaamay go'aankii xabad joojinta golaha amaanka in uu ahaa mid dhinac u xaglinaya.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Hogaanka sare ee xisbulaah hassan nasrulaah ayaa ku tilaamay go'aankii xabad joojinta golaha amaanka ee qaramada midowbay  in uu ahaa mid dhinac u xaglinaya una xaglinaya isreal oo sii wada duqaynta ay ku hayso dhulka lebanone ayuu yiri nasrullah.

Sikastaba, Sheikh Hassan Nasrallah ayaa sheegay in xisbullah ay sii wadi doonto dagalaka inta ay isreal ku jirto fudaha lebanon loona baahan yahay in la iska difaaco weerarada sahnuuniyada ay ku wadaan dhulkayaga ayuu yiri nasrullah oo u waramayay TV.

qaramada midowbay ayaa ugu baaqay dhamaan in ay u hogaansamaan go'aanka ka soo baxay golaha amaanak maalitnii jimcihii kaasi oo ugu baaqay in la  geeeyo lebanon ciidamo nabad ilaalina islamarkaana lagaaro xabad joojin rasmi ah.

Balse isreal aya xoojisay  dagaalka ay ku hayso iyo duqaynta koonfurta lebanon taasi oo aan waxba ka badalin go'aankii golaha amaanka ee xabadjoojinta lagagaaray dagaalka isreal iyo lebanon.

Waiirada isreal ayaa shir isugu yimid  ay kaga arinsanayaa qaraarkii ka soo baxay qaramada midowbay ee ahaa  xabadjoojinta, golaha wasiirada isreal ayaa sheegay in ay isreal sii wadi doonto dagaalka ilaa inta laga keenayo ciidamo nabad ilaalineeda oo xisbullahna hubka ka dhiga xaqna ay tahay in ay isreal isdifaacdo.

xassan nasrulah oo u warmayay TV almanar ee xisbullah ay leedahay maalintii sabtida ahayd aya sheegay in go,aankii golaha amaanka  ka soo baxay uu ahaa mid aan cadaalada ahayn islamarkaana dhinac u xaglinaya  waxana uu sheegay in ay tahay lagamamaarmaan in xisbullah ay sii wado dagaalka.

wuxuu intaa ku daray in aanay  dhamaanayn dagaalku  waxaana aan sii wadaynaa dagalaka maanta waxba iskama badalin waxaana aan filayaa in  barina aanay waxba iska badalayn colaada ay isreal wado aysana isreal u hogaansamin qaraarkii ka soo baxay qaramada midowbay taasina ay muujinayso in aanu dhamaad lahaayn dagaalkan halkan ka socda.

Tan iyo markii uu bilowday  dagaalka isreal iyo lebanon 12 july waxaa ku geeriyooday 1.000 lebanon ah oo intooda badani ay yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo 120 isreali ah oo u badan ciidamada isreal ee ku soo duulay koonfurta lebanon. 

Baaqa qaramada midowbay ayaa soo baxay xili way isreal sii xoojisay dagaalka ay ku hayso koonfurta lebanon.

Qaraarka ayaa ugu baaqaya in si dag dag ah loo geeyo koonfurta leabnon ciidamo xabad joojin ah oo ay ku jiraan 15.000 oo ah askarta lebanon oo aan awood u lahayn in ay isreal hubka ka dhigaan  lakiin xisbullah ayaa ku tilmaantay qaraarka in uu yahay mid ka fog xaqiiqada dhinacna u xaglinaya daacadna aan ahayn.

Garoowe: Taliyaha Saldhigga booliska Garoowe Cabdi ganni ayaa kutilmaamay  Xasan Daahir Uways in  uu Puntland mar kale la maaggan yahay cadaawad aan kala go'lahayn.

Taliyaha saldhiga garowe cabdi ganni ayaa maanta ka digay midowga maxkamadaha oo ku soo duula puntland mar uu maanta shirjaraaid ku qabtay magaalada garowe.

Taliyaha saldhigga booliska Garoowe Cabdi Gaanni ayaa maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe , wuxuuna ka hadlay arimo  badan oo ay ka mid yihiin isbalaarinta maxkamadaha iyo dada u dhashay gobalada puntland oo buuyiri u hanqaltaagaya maxkamadaha muqdisho.

Shirkan jaraaid uu qabtay taliyaha ciidankan booliska garowe ayaa ku soo aaday  xili manata xabsiga loo taxaabay nin   soo dhigay gaarigii uu watay salshiga booliska kaasi oo uu ku soo dhajiyay calamo uu ku taageerayo maxkamadaha taiyuhu mar uu arimahaas ka hadlayayena waxa uu sheegay in uu aad ula socdo dhaqdhaqaq kasta oo ay samayaan dadka aan waxba garanayn ee maangaabka ah waxana uu cadeeyay in magaalada garowe lagu soorogay bandow ka bilaamanaya caawa 5ta habeenimo ee cawa.

Bandawga lagu soo rogay magaalada garowe ayaa isla caawaba dhaqan galaya sida uu cadeeyay taliyaha saldhiga booliska garowe cabdi ganni oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada garowe.

Taliyuhu waxa uu cadeeyay in ay puntland ku sugan yihiin dad badan oo aan u dhalan waxana uu sheegay in ay aad ula socdaan dhaqdhaqaaqa ay dadkaais wadaaan sidoo kalena waxaanu la soconaa dadka soo dhawaynaya, guryaha ay dagan yihiin, ujeedaooyinkooda waxaaana laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan cidii amaanka puntlandgalisa khalkhal iyo wax aan loo dulqaadan karin,

Ninkii oran lahaa gurigayga ayaa madfac ku dhacay guri ayaa la iga dumiyay iyo dhib aya ala iigaystay hadeerba waanidiin  sheegaynaa ee ka digtoonaata dhibta ay wadaan dadka waxmagaratada ah ee ku soo gabanaya bulshada puntladn oo aan jeclayn wax nabadgalyo xumo ayuu yiri taliyaha saldhiga garowwe cabdi ganni oo maanta shirjaraaid ku qabtay garowe.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2006

Sheekh Aweys oo sheegay in Putland ay ka codsadeen…
»iyo Cadde Muuse Shir Jaraa'id ku qabtay Gaalkacyo...
»Shir ay isugu yimaadeen Beesha Daarood ee ku Dhaqan Magaaladda..
»Cadde Muuse iyo Cabdi Qaybdiid oo kulan ku yeeshey..
»Banaanbax looga soo horjeedo Yahuuda oo ka dhacay Muqdisho..
»Sida ay beelahu u qaybsadeen wasaaradaha Dowlada Federaalka.. .
»C/qaadir Walaayo oo xarigiisii ku tilmaamay Mid Xadgudub ah..
»Adis Ababa: Janaraal Ethiopian ah ayaa u baxsadey dalka  Eritrea
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..
Aug 12


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD