Mikhail
Kalashnikov oo ah ninka soo hindisay Qoriga loogu
isticmaalka badan yahay Adduunka ee AK-47 oo u warramayay
wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa shaaca ka qaaday in
dagaalka Ciraaq uu ku ogaaday in qorigiisu uu weli yahay
midka ugu wanaagsan, maadaama uu yiri ay ciidammada
Mareykanka oo soo saara qoriga M-16 ay isticmaalaan qoriga
AK-47.

Soo
saaraha AK-47 Mikhail Kalashnikov oo heysta M-16 iyo ninka
hindisay Qoriga M-16 Eugene Stoner oo isna heysta Qoriga
AK-47….
Kalashnikov oo haatan 86-jir ah kana hadlayay shir
jaraa’id oo uu habeen hore ku qabtay magaallada Moscow ayaa
waxa uu yiri “xitaa haddii qoriga AK-47 uu muddo dheer ku
raago meel ama god, uma baahna in wax badan aad ka qabato,
keliya wuxuu u baahan yahay in aad boorka ka jafto, kaddibna
xabbad ayaa ka dheceysa”, waxaana Kalashnikov uu intaa ku
daray “Dagaalkii Vietnam ciidammada Mareykanku waxay iska
tuureen qoryahoodii M-16, waxayna qaateen qoriga AK-47 oo ay
ka furteen meydadka askartii Vietnam”, “U fiirsada dagaalka
Ciraaq waxaad maalin walba Shaashada ka arkeysaan ciidammada
Mareykanka oo saaran gawaaridooda gaashaman, isla markaana
wata Qorigeyga iyo Rasaastiisa”.
Isticmaalka
qoriga AK-47 ayaad aad ugu badan dalka Ciraaq, iyadoo
sababaha qorigaasi oo uu Kalashnikov soo saaray 1947-kii
lagu jeclaaday ay tahay fudeydkiisa iyo qaabka toogashadiisa.
Haddii
aan u milicsanno taariikhda Kalashnikov magaciisa oo buuxa
waa; Mikhail Timofeevich Kalashnikov, waxa uu dhashay 10-kii
November 1919-kii, waxaana uu ka dhashay qoys sabool ah oo
ku noolaa dalka Ruushka, waxa uu shaqadiisa Injineernimo ka
bilaabay xarun Tariin, halkaas oo uu Kalashnikov si aad ah
ugu bartay Makaanikada.

Kalashnikov oo heysta Qorigiisa AK-47
1938-kii waxa uu Kalashnikov ku biiray ciidammada Red
Army ee dalkiisa, waxaana hormuud looga dhigay Taangi,
inkastoo 1941-kii markii uu si xun u dhaawacmay dib loogu
celiyay dalkiisa si loogu daweeyo, laakiin Kalashnikov waxa
uu Isbitaalkii uu ku jiray uu ku sameeyey naqshadda
qorigiisa AK-47, kaasoo si rasmi ah loo soo bandhigay
1947-kii.
Kalashnikov waxa laga dhigay soo saaraha guud ee Hubka
fud-fudud ee Midowgii Soviet, waxaana uu soo saaray mar kale
Qori Automatic ah oo ka duwan AK-47 oo loo yaqaanno “RPK” (Ruchnoi
Pulemyot Kalashnikova), waxaana qorigani uu qaadanayaa
Rasaas silis ah oo aad u fara badan.
Wixii
ka dambeeyey 1949-kii Kalashnikov waxa uu u adeegayay
magaallada uu ka soo jeedo ee Izhevsk, isagoo dhaqtar ah
waxaana la guddoonsiiyay abaalmarinno ay ka mid ahaayeen
(Hero of Social Labor), 1998-kii ayaa sidoo kale la
guddoonsiiyay “Order of Saint Andrew the Protoclete), iyadoo
wiil uu dhalay Kalashnikov uu isna raacay wadaddii Aabihiis
noqdayna nin Hindisa Qoryaha fudud, waxaana uu ku guuleystay
soo saaridda qori fudud oo lagu magacaabo AN-94, kaasoo ay
haatan adeegsadaan ciidammada Ruushka.