SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ICG

ICG: Cabdullaahi Yuusuf ha kala diro Xukuumadda jirta, Casumaadna ha u fidiyo Hogaamiye Sare oo ka tirsan Beesha Hawiye oo soo dhisa Xukuumad Qaranka Midaysa oo lagu soo dhisayo la tashiga Maxkamadaha Islaamiga...

  • "Si shuruud la'aan ah ha loo bilaabo wadahadalkii DFKMG & Maxkamadaha Islaamiga. Golah ammaanka Qaramada midoobeyna ha isku dayo dhexdhexaadin DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, iyo samayn dowlad qaranka mideysa" ICG

Ururka ICG (International Crisis Group) oo Khamiis Agoosto 10, 2006 magaalooyinka Nairobi iyo Brussels ka soo saaray qoraal dheer oo ka kooban 36 baal kuna saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu dagaal kusii siqaayey ilaa markii la doortay dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah sannadkii 2004. Waxana qoraalku sheegay in arrintaasi ay dardar sii gashay dhowaanahan, taas oo ah, ayey yiraahdeen, is hor fadhiga DFKMG iyo Itoobiya oo isku dhinac ah iyo dhinaca kale oo ah Maxkamadaha Islaamiga ee hadda xakuma Muqdisho.

Qoraalka ICG waxa uu si toos ah ula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah, Maxaakiimta Islaamiga ah, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, Dowladaha Itoobiya & Eritrea, Midowga Afrika, IGAD iyo dowlada Maraykanka. Qodabada qoraarlka lagu soo koobay ay SomaliTalk.com soo tarjumteyna waa kuwan:

Ku Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ee Dowladda Federaalka ee kumeelgaarka ah:

1. Kala-dir dowladda hadda jirta, isla mar ahaan-taasna casumaad u fidi hogaamiye sare oo ka tirsan beesha Hawiye si uu u soo dhiso dowlad qaran mideeye ah oo lagu soo dhisayo wadaxaajoodka Maxkamadaha Islaamiga ah.

Ku Dowladda Federaalka Kumeelgaalka ah:

2. Si shuruud la'aan ah u aqbal dib u bilaabida wadahadalkii maxkamadaha sida ugu dhaqsaha badan

3. Ogolow in dib loo eego (wax looga bedelo) qorshaha qaranka ee nabad xasilinta, oo uu ku jiro qorshe kasta oo la xiriira keenista ciidamo shisheeye ayadoo lala xaajoonayo maxkamadaha Islaamiga

Ku Maxkamadaha Islaamiga:

4. Si shuruud la'aan ku aqbal wadahadalka Dowladda Federaalka kumeelgaarka

5. Ku dhawaaq in si kumeelgaar ah mudada wadaxaajoodka aydin maxkamado cusub ka hirgelineyn meelaha aysan weli ka jirin

6. Xaqiiji tixgelinta wadajirka dhulkeed Itoobiya

7. Markale xaqiiji ballantii ahayd la dagaalanka argaggaxisada, casumaad rasmi ahna u dir Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si ay baaritaan ugu sameeyeen inay argaggaxiso caalami ah joogto iyo in kale dhulka ay ka taliyaan maxkamaduhu

Ku Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey:

8. Si xoogan u dalab joojinta faragelinta ay wadamada shisheeye ku hayaan Soomaaliya, isla mar ahantaasna qadarin sii cunaqabatayntii hubka

9. Weydii Xoghayaha Guud, ayadoo la sii marayo wakiilkiisa gaarka ah, in uu qaado tallaabo ah xallinta mashaakilka, ayadoo:

(a) si dhow loola shaqaynaya dalalka xubanaha ah iyo hay'adaha caalamiga ee danaha ka leh, lehna khibarada, oo ay ka mid yihiin IGAD, Midowga Carabta & guddoomiyahooda, Sudan, Midowga Afrika, iyo sidoo kale wadamada Contact Group (U.S., European Union, Italy, Sweden, UK, Tanzania iyo Norway), iyo

(b) isku day dhexdhexaadin DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ah, iyo samayn dowlad qaranka mideysa

10.  U diyaar garow abuurid hab lagu taageerayo isku dayga lagu asaasayo dowlad mideysa qaranka ayadoo haddii loo baahdo la ganaaxayo carqaladeeyayaasha

11. Weydii ururuka la dagaalanka argaggaxisada & Al-Qaeda in ay radiyaan wada shaqaynta Maxkamadaha Islaamiga iyo DFKMG arrinta ku saabsan baaritaanka lagu samaynayo in argagaxiso calami ah joogto Soomaaliya iyo in kale.

Ku Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea:

12. Joojiya dhammaan faragelinta militari ee Soomaaliya iyo hadalada nin-tooxsiga ee ka badbadinta ah ee ku saabsan xaaladda halkaas ka jirta

Ku Midowga Afrika iyo wadamada xubnaha ka ah IGAD

13. Joojiya qorshaha la xiriira hawlgalada daabulaada taageerista nabada taas oo ku xiriirsan heshiiska u dhexeeya DFKMG iyo Maxkamadaha islaamiga

Ku dowlada Maraykanka

14. Taageer isku dayga dublamasiyadeed ee lagu fududaynayo dowalda qaranka (Soomaaliya) midaysa ayadoo lala shaqaynayo qaybaha kala duwan ee Comtact Group, oo ay la jiraan dowladaha furaha ah iyo hay'adaha caalamiga ah, dhammaadkana soo magacaw dublamaasi sare oo ah ergey khaas ah oo leh awooda ku haboon ee dhexdhexaadineed.

 Qoraalkaas Halkan ka akhri (Pdf) ama qoraalka oo ah WORD ka akhri halkan)

Tarjumadii: SomaliTalk.com | ISHA: Qoraalkii ICG ay ka soo saareen Nairobi/Brussels, 10 August 2006.

MA DEGGAN TAHAY MINNESOTA, SABTIDA HA MOOGAAN XAFLADDA WANQAL BUUG CUSUB.. XAGGEE... GUJI...

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 11, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD