Wararkii AUg 10, 2006
- Cadde Muuse oo warqad u direy Dowladda
Itoobiya
- Xubno ka tirsa
Isbahysigii la Dagaalanka Argagixisad oo ku sugan..
- Ciidamo iyo Tikniko oo ka tirsan Maamul
Goboleedka Putland oo soo gaarey..
- Golaha Maxaakiimta oo sheegay in aysan
Aqoonsaneyn Golaha Deegaaanka Gobolka..
- Urur loogu Magacdarey Dhalinyarada
islaamka oo looga dhawaaqey..
Cadde
Muuse oo warqad u direy Dowladda Itoobiya
Wararka naga soo gaaraya Magaalda Garoowe ee
maamul Goboleedka Puntland waxa sheegayaan in Madaxwaynaha Maamul Goboleedkaas
Cadde Muuse uu warqad Qoraal ah u diray Dowladda Itoobiya, waxaana la sheegay in
uu ka codsaday in ay gacan ku siiyaan sidii looga hortagi lahaa Ciidamada Golaha
Maxaakiimta ee ku soo siqaya dagaano ka tirsan Maamul Goboleedkaas.
Waxaa la sheegay in Madaxwaynaha uu si deg-deg
ah u codsady in lala soo gaaro Hub iyo Rasaas sidoo kale warar ayaa waxa ay
sheegayaan Madaxwaynaha Dowlada Itoobiya uu u ogalaaday in Ciidamadooda ay soo
gali karaan Deegaanada Maamul Gobaleedka Puntland si ay uga hortagaan waxa uu
ugu yeeray Kooxaha Argagixisada ee doonaya inay soo galaan deegano ka tirsan
Maamul Goboleedka isagoo ula jeeday Ciidamada Maxaakiimta ee haatan ku sugan
deeganka Galinsoor.
C/llaahi Yuusuf ayaa horay uga digay
Maxaakiimta in ay tagaan deegaano ka tirsan Gobollada dalka isagoo sheegay in ay
keeni karto Dagaalo sokeeye oo ka dhaca dalka
Xubno ka tirsa Isbahysigii la
Dagaalanka "Argagixisad" oo ku sugan..
Dad nagala soo xiriiray dalka
uganda waxa ee noo sheegeen in xubno ka tirsan Isbahaysigii la dagaalanka
argagixisada ee looga awood roonaaday Dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada
Muqdisho ee u dhaxeeyey ayaga iyo Golaha Maxaakiimta in ay hadda ku sugan yihiin
Uganda.
Xubnahaan oo kala ah Muuse
Suudi Yalaxow, Bashiir Raage Sheeraar iyo C/qaadir Beebe waxaana la sheegay in
muddo ah ku sugnaayeen Magaalada Bunya oo ku taal xuduuda kala qaybisa Uganda
iyo kongo waxaana la sheegay in xubnahaas ay halkaas muddo ku xirnaayeen ka dib
markii Baasboorradii ay wateen ku qornaayeen Magacyo kale,
Ganacsato Soomaaliyeed oo ku
sugan wadanka Uganda ayaa dadaal u galay sidii lagu sii deyn lahaa waxaana la
sheegay in lagu bixiyey dhowr kun oo Doollar waxaana shalay ay soo gaareen
Magaalada Kambala ee dalka Uganda waxaana loo sameeyey Xaflad soo dhaweyn ah oo
la sheegay in ay u sameeyeen Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaas hase
yeeshee Dowladda Uganda wax war ah kama soo saarin xubnaha Isbahaysiga ee ku
sugan dalkooda ayadoo Urur Goboleedka IGAD ay horay iskugu raaceen in aan
marnaba dalalkooda soo gelin Xubnihii ka mid ahaa la Dagaalanka Argagixisada ee
laga soo saaray dalkooda,
Ciidamo iyo Tikniko oo ka tirsan Maamul
Goboleedka Putland oo soo gaarey
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo
waxay sheegayaan in Ciidamo iyo Tikniko fara badan oo uu leeyahay Maamul
Goboleedka Puntland ay shalay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Ciidankaasi ayaa waxaa la dajiyey xero ku taala
duleedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaa loo keenay sidii ay uga hortegi la
hayeen Ciidamada Golaha Maxaakiimta oo ayaga ku sii siqaya Magaalada Gaalkacyo
ayagoo doonaya halkaas ka furaan Maxkamad Islaami ah ka dib markii Maxkamaduhu
sheegeen in halkaas u tageen sidii ay u fulin la haayeen rabitaanka Shacabka ee
ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka,
Maxaakimta ayaa Maamulka Puntland uga digay in
ay faraha la soo galaan howlaha Maxkamadaha ay ka wadaan koonfurta Magaalada
Gaalkacyo waxaana Golaha Maxaakiimta horkacaya Maxkamada Islaamiga ah ee Al-Furqaan,
Golaha
Maxaakiimta oo sheegay in aysan Aqoonsaneyn Golaha Deegaaanka Gobolka
Maxkamadaha Islaamiga ah ayaa shalay ku
dhawaaqay in aysan marnaba aqoonsanayn Golaha Deegaanka Gobalka iyo maamulkiisa,
”Maxkamadaha Islaamiga ayaga ayaa ka gacanta ku
haya Gobola Banaadir maamulka iyo Golaha Deegaanka waa mid markii hore ku yimid
qabqablayaasha dagaalka “ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Faarax Janaqow oo ah
Gudoomiye ku xigeenka-1-aad ee Golaha Maxaakiimta Islaamka wxuu intaa
raaciyey”Filim dhamaaday ayay Tigidh u goosanayaan”
Shiikh C/raxmaan waxa uu sheegay in Golaha
Deegaanka looga baahan yahay in ay faraha kala baxaan arrimaha Gobalka Banaadir
maadaama Maxkamadaha Islaaamiga ay ka gacanta ku hayaan Gobolka ,
Golaha Deeganka iyo Maamulkiisa waxa ay ka qayb
qaateen kacdoonkii Shacabka ee ay horkacayeen Maxkamadaha Islaamiga laguna eryey
Isbahaysigii la magac baxay la dagaalanka Argagixisada ,wuxuuna ku soo beegmay
hadalka Golaha Maxaakiimta xilli maanta lagu wado Muqdisho uu ka dhaco
Doorashadii Gudoomiye ku-Xigeenadii maamulka Gobalka Banaadir waxaana u
tartamaya ilaa iyo shan Musharrax.
Urur loogu Magacdarey Dhalinyarada islaamka oo
looga dhawaaqey
Waxaa maalintii shaley ahayd Magaalada Muqdisho
looga dhawaaqay urur dhalinyaro oo loogu Magacdaray ururka Dhalinyarada Islaamka
oo marka la soo gaabiyo uu noqonayo UDHIS,
Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimay ayaa
ka dhacday Hotel Capital ee Magaalada Muqdisho waxaana Xafladaas lagu furayey
Ururukaas ka qaybglay madax ka tirsan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah iyo marti
sharaf kale,
Godoomiyaha Ururkaasi Shiikh Faarax Cabdi
Max’ed ayaa ka warbixiyyey sababaha loo Aas-aasey ururkaasi wuxuuuna sheegay in
ururkan loo Aas -aasay ay tahay sidii uu ula jaan qaadi la haa isbedalka cusub
ee ka dhacay dalka iyo sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu toosin la haa
wadada toosan ee Islaamka,
Gudoomiye ku xigeenka Golaha Maxaakiimta Shiikh
C/raxmaan Faarax Janaqow ayaa waxa uu sheegay in Golaha Maxaakiimta ay soo
dhaweynayaan ururada noocan oo kale ah ee ku salaysan Islaamka isagoo sheegay in
Golaha Maxaakiimta halgankii ay la galeen kuwii Gaala raaca ahaa uu Xoogoodu
ahaa dhalinyarada,
Waa markii ugu horreesay oo looga dhawaaqo
Ururu Noocan oo kale ah Magaalada Muqdisho tan iyo markii Maxaakiimta ee gacanta
ku dhigeen Muqdisho iyo Deegaaanada ku hareeyraysan, wuxuuna ururka sheegay in
uu ka qaybqaadan doono dib u dhiska dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho,
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2006
Roobow “Geeddi uma
suurageli doonto in saaxiibadeyn caddow nooga dhigo”
»Kulan
ay xalay wada yeesheen C/lahi, Shariifka iyo Geedi..
»Wasiirka
arrimaha Dibadda ee Kenya oo ku soo fool leh..
»Sheekh
Shariif “Waxaa jira dad u adeegaya shisheeyaha..
»Banaanbax
looga soo horjeedo in Maxaakiimtu Galaan..
»Garowe:
ururka counterparty international ayaa ugu deeqay
»Dhoollatus
uu sameeyay ciidanka xoreynta ee Cirjiidh...
Wararka oo dhan ka
akhri halkan... GUJI... Aug 9
»Qoraal
ka soo baxay Xisbiga Ramaas Political Party...
|