SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Aug 6, 2006

  • Wasiirka Arrimaha Dibbada Itoobiya oo Tegey Baydhabo
  • Guddiga nadaafada & bilic soo celinta muqdisho oo lacag loogu deeqay

Wasiirka Arrimaha Dibbada Itoobiya oo Tegey Baydhabo

  • Waxa uu kulan la yeeshay C/Laahi Yuusuf & Shariif Xasan oo wada jira, waxase uu si gooni ah ula kulmay Geeddi

Sida ay qoreen wakaaladaha wararka ee caalamka, waxaa magaalada Baydhabo maalintii Sabtida ahayd tegey wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Itoobiya, Seyoum Mesfin, waxaana ujeedada safarkiisa lagu sheegey in uu dhexdhexaadiyo hoggaamiyayaasha dowlada Federaalka oo sida warku sheegay uu khilaaf ku dhex jiro.

Jariidada Washingtonpost ee ka soo baxda Maraykanka oo safarkaas ka hadleysay waxa ay qortay: Seyoum Mesfin waxa uu noqday sarkaalkii ugu horeeyey ee yimaada Soomaaliya ilaa muddo sanado ah. Waxana jariidadu intaas ku dartay: Wadamada deriska ah waxa ay dagaalameen sannadkii 1977 ilaa 1978, waxana uu midba kan kale u arkaa cadow, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf waxa uu muddo dheer xiriir la lahaa Itoobiya.

Waxaa warku intaas ku daray in Subaxdii Sabtida uu kulan magaalada Baydhabo ku dhex maray wasiirka arrimaha dibada Itoobiya iyo Cabdullaahi Yuusuf kahor intii aan wasiirkaasi la kulmin Cali Maxamed Geedi, oo markaas uusan Seyoum u safrin Kenya (wararka qaarna sheegeen Itoobiya).

Wararku waxa ay sheegeen in marka hore uu Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya uu kulan la yeeshay Cabdullaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sh. Aaden oo wada jira, kulankaas oo saxaafada loo diidey. Kaddib uu wasiirku kulan gooni ah la yeeshay Cali Maxamed Geeddi, kulankaas oo sidoo kale saxaafada loo diidey, kaddibna aan dowladdu wax war ah kasoo saarin wixii kulamadaas lagaga wada hadlay ama ka soo baxay

Seyoum Mesfin waxa uu dhashay sannadkii 1949 (Tigray), waxaana jagadaas loo doortay May 1991 kaddib markii la tuuray xukunkii Mingiste.

Itoobiya waxa ay xoog ku haysataa dad iyo dal Soomaaliyeed oo ay muddo dheer gumeysaneysey, dadka siyasadda odorosana waxa ay sheegaan in Itoobiya ay ku dadaasho sidii ay Soomaalidu ugu jiri lahayd tafaraaruq iyadoo isu muujineysa in ay dhexdhexaadineyso. Daawo Dagaalkii 1977.

Gudoomiyaha samafalka iyo horumarinta soomaaliyeed ahna afhayeenka gudiga nadaafada iyo bilic soo celinta magaalada muqdisho oo shir jaraa'id ku qabtay hotel muqdisho .

Sheikh axmed maxamed sulaymaan oo ah gudoomiyaha samafalka iyo harumarinta bulshada  soomaaliyeed, afhayeena ka ah golaha nadaafada iyo bilic soo celinta magaalada muqdisho ayaa sabtidii ka war bixiyey isagoo shir jaraa'id ku sheegay in gudiga nadaafadu ay soo gaartay kaalmo dhaqaale oo ay ugu deeqeen ,shirkadaha is gaadhsiinta , kuwa ganacsiga iyo qaar kamida jaaliyadaha ku nool dalka dibadiisa . 

Deeqdaan lacageed ayuu sheegay afhayeenku inay ugu deeqeen shirkadaha  kala ah: hurmuud ,telcom, nation link, shirkada xawaalada tawakal iyo shirkada ganacsiga  altowba iyadoo uu sheegay inay shirkad kasta ay bixisay 10,000$us iyadoo shirkada xawaalada tawakal iyo altowba ay bixiyeen 1550$us halka jaaliyadaha dibadahaana ay bixiyeen 11800$us dhaqalaahaas lacageed oo ay bixiyeen shirkadaha iyo jaaliyadahaba ayaa waxuu sheegay afhayeenku in wax looga qaban doono howlaha bilic soo celinta iyo nadaafada magaalada muqdisho . 

Afahaayeenka ayaa waxuu uga mahad celiyey masuuliyiinta shirkadahaas iyo jaaliayadaha dibada ee soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay dalkooda iyo dadkooda ugu heelan yihiin ,isagoo sheegay in shirkadaha kale iyo jaaliyada dibadaba ay ku daydaan sidan oo kale waxuuna intaas raaciyey duco iyo amaan aan la soo koobi Karin . 

Sh,axmed maxamed sulaymaan ayaa intaas ku daray in haatan uu wada hadal u socdo gudiyada ganacsatada kala duwan ee suuqa weyn ee bakaaraha si ay kaalikooda uga qaataan howlaha bilic soo celinta magaalada muqdisho . 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay oo deeq noocan oo kala ah lagu bixiyo bilic soo celinta magaalada muqdisho tan iyo intii la aasaasay gudigaan ,iyadoo wax qabadkiisana durba laga dareemay magaalada muqdisho meelo kamida . 

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666/002521653623

AFRICAN AIR OO FADHIDA GAROONAK MUQDISHO... AKHRI

AKHRI HALKAN.....

Wararkii shalay hoos ka akhri:::

Wararkii: August 5, 2006

  • Senator Coleman oo Ku Dhawaaqay $106,971 oo loogu Deeqay CSCM
  • Barre Hiiraale oo noqday wasiirkii 50-aad ee ka taga dowladdaa Geedi..
  • Dowladda Yemen oo dooneysa in ay Badbadiso shirkii Magaaladda..

  • Cabasho ka soo yeertay Tuulooyin ka tirsan Degmooyinka ..
  • Mowliid Macaane “Wasiirada is casilay marka hore Dowladda waxay  ku soo galeen..”
  • Xarunta wada hadalka iyo horumarinta oo lagu qabtay dood ku saabsan..

  • Hay’adda Green Gate oo tababar u soo gebagabeysay  25 xubnood
  • Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta oo u mahadceliyey Ururada
  • MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDAY ETHOPIA OO KA DHACAY LONDON

    Waxaa wararka isku soo dubaridey:
    W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
    E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Senator Coleman oo Ku Dhawaaqay $106,971 oo loogu Deeqay “Confederation of Somali Community in Minnesota (CSCM)”

Isha warka: Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Coleman

(Minnesota: USA) Senator Coleman oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa (Agoosto 3) ku dhawaaqay in “Confederation of Somali Community in Minnesota (CSCM)” loogu deeqay lacag dhan $106,971, lacagtaas oo uu bixinayo xafiiska Maraykanka u qaabilsan dejinta Qaxootiga. Deeqdaas oo loogu talo galay in lagu gacan qabto Xarunta East African Women’s Center oo laga caawinayo barashada luqada, u diyaar garowga iskuulka, arrimaha caafimaadka, iyo adeegyada bulshada.

"Waxaan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo in CSCM ay heli doonaan deeqdaas" ayuu yiri Coleman, oo intaas ku daray "Minnesota waxaa ku nool Soomaalida ugu tirada badan ee ku dhaqan dalka (Maraykanka), waxaana ka taageeray aqalka Congress-ka. CSCM waxa ay shaqo wanaagsan u qabatay jaaliyada. Waxaan ku faraxsanahay in aan ku taageeray sidii ay deeqdaan uga heli lahaayeen Xafiiska US ee Dejinta Qatootiga ayadoo la aqoonsaday muhiimada CSCM."

"Waxaan ku faraxsanahay in aan deeqdaan helo" sidaas waxaa yiri Siciid Faahiye oo madaxa CSCM. Waxana uu intaas ku daray "Deeqdaasi waxay caawin doontaa dumarka Soomaaliyeed si ay u dhexgalaan Gobolka Minnesota. Senator Coleman ayaa naga caawiyey si deeqdaasi aan u helno, waana uga mahad celineynaa."

Senator Coleman waxa uu aad ula shaqeeyaa Jaaliyadda Soomaaliyeen, dhowaana waxa uu ku guulaystey in sharciga kumeel-gaarka ah loo kordho Soomaali ku nool Maraykanka. Sidoo kale Coleman waxaa shaqaalaha xafiiskiisa ka mid ah Maxamuud Wardheere oo ah Immigrant, si uu uga caawiyo korna ugu qaado la xiriirka Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Qalinjabintii jaamacad Culuunta...  Muqdisho





Waxaa sawiradan qaaday: Amiin Yuusuf

Barre Hiiraale oo noqday wasiirkii 50-aad ee ka taga dowladdaa Geedi..

Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ah wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Dowladda Federaalka ayaa shalay shaaca ka qaaday in uu iska casilay xilkii Wasiirnimo, kaddib markii uu Ra’isul Wasaare Geeddi ku eedeeyay inuu ka gaabiyay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.

Waa wasiirkii 50-aad ee iska casila golaha Wasiirada, waxaana la sheegay in wasiiro kale iyana iska casili doonaan xilalkooda.

Dowladda gudaheeda ayaa waxaa ka bilowday tartan dhinaca is casilaada ah, waxaana haatan bilowday in Golaha Baarlamaanka guddi hoosaadyadiisii ay is casilaan, waxaana ilaa iyo haatan is casilay 20 xubnood oo ka tirsanaa guddi hoosaadyadaasi, hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jirto xildhibaan iska casilay xilkii Xildhibaannimo.

“Haddii ay run sheegayaan may iska casilaan labada dhinac” ayuu yiri nin odey oo inoo waramay.

Waxaa haatan muuqda in uu bilowday loolan siyaasadeed oo u dhexeeya Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.  

Dowladda Yemen oo dooneysa in ay Badbadiso shirkii Magaaladda..

Warar diblamaasiyadeed oo aan helnay ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax uu wado qorshayaal ah in uu badbaadiyo shirka Khartuum uuna dalkiisa ku martigeliyo dowladda Federaalka iyo Golaha Maxaakiimta oo iyagu qabsaday Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Waxa la filayaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ergay ka socda  Dowladda Yemen, kaasoo labada dhinac kala hadli doona sidii ay uga soo qaybgali lahaayeen kulankaasi, hase yeeshee Golaha Maxaakiimta ayaa iyagu sheegay inay diyaar u yihiin ka qaybgalka kulankaasi, balse, waxay shuruud uga dhigeen in marka hore dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Gudaha Dalka Soomaaliya.

Cabasho ka soo yeertay Tuulooyin ka tirsan Degmooyinka ..

Qoraal ay shalay na soo gaarsiiyeen Odoyaasha, Culuma’udiinka iyo waxgaradka degmooyinka Qoryooley, Awdhiigle, Afgooye oo ka tirsan Gobalka Sh/hoose ayaa waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in 435 tuulo oo ka tirsan degmooyin-kaasi ay la soo gudboonaadeen biyo la’aan kaddib markii mudo saddex sano ah deeganadaasi aysan ka degin wax roobaba ah.

Waxay sheegeen odoyaashaa in xooluhu ay sii dhamaanayaan, waxayna biyo la’aantaasi xitaa ay saameysay dad iyo duunyaba, waxayna ka codsanayaan Hay’adaha Samafalka, Guddiga Taakuleynta Abaaraha, in gargaar lala soo gaaro tuulooyinkaasi oo ay sheegeen in ay dhibaato xoog leh soo wajahday, waxaan qoraalkaan Odoyaashu soo saareen ku saxiixnaa Xaaji Max’ed Gaab oo guddoomiyaha Deegaanka Farsooley, Max’ed Sheekh Abuukar ku xigeen, Max’ed Aadan xuseen Xubin, Aadan Isaaq Aadan Xubin, Gaabow Buule Xasa Guddoomiyaha deegaanka Tuuratuurow, Sheekh Ibraahim Cabdule Guddoomiye ku xigeen, Max’ed Xasan Xidagey xubin, Cumarow Fulaay iyo Xaaji xuseen C/raxmaan xubin iyo xubno kale. 

Mowliid Macaane “Wasiirada is casilay marka hore Dowladda waxay  ku soo galeen..”

Mowliid Macaane oo ah wasiirka dhulka ayaa wax laga weydiiyay sida uu arko wasiirada iska casilaya xilalkooda, kana tirsan Dowladda Federaalka, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Marka hore wasiiradaasi orod ayay ku soo galeen Golaha, maanta orod ayay uga baxeen”. Waxa uu intaasi sii raaciyay “waxaan hubaa in Ra’isul Wasaare uu si dhaqsi leh u buuxin doono boosaskii ay baneeyeen wasiiradaasi”.

“Anigu isma casilayo waxaana noqonayaa ninka u dambeeya, waayo aniga xilka waxaan u hayaa beesha Jareer-Weyne, markii ay iyaga ii soo jeediyaan ayaan iska casilayaa” ayuu yiri Mowliic Macaane oo sheegay in Ra’isul Wasaare Geeddi uu kursiga ku helay awood qaybsi, cid ka dejinta kartaana aysan jirin.

Mowliid Macaane waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaare uu kalsooni ka helay dhawaan Golaha Baarlamaanka, taasina ay tahay sumcad u soo hoyatay Golaha Dowladda. “Markii wax looga qaadi waayay Golaha Baarlamaanka, ayaa la damcay in si kale wax loo raadiyo” taasoo ah in la iska casilo xilalkii wasiirnimo”, ayuu yiri Mowliid oo sheegay in Geeddi uusan marnaba ka degin doonin xilkaasi. 

Xarunta wada hadalka iyo horumarinta oo lagu qabtay dood ku saabsan..

            Xarunta Wada hadalka iyo horumarinta ayaa maalintii khamiista hayad lagu qabtay dood ku saabsan haysashada qabiilka iyo tiigsashada qaran, waxaana ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay qoraalka caanka ah ee C/qaadir Oroma, waxa uuna si aad ah ugu dheeraaday qabiilka iyo qaranka, waxa uuna sheegay in dadka soomaaliyeed si fudud wax looga dhaadhicin karo, marka ay helaan wacyigelin fara badan, isagoo sheegay in qabiilka looga bixi karo marka uu qaranku damaanad qaado bulshada, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Cumar Idiris Cumar Dheere oo isna sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay yihiin dad xadaarad fog, isla markaana si dhaqsi leh looga baabi’in karo abiilka, waxaa kaloo halkaasi warbixin ka soo jeediyay madaxa xarunta Bashiir C/qaadir Macallin, waxa uuna sheegay in sababaha ay doodaani u qabteen ay ahayd sidii ay xaruntu u uruurin lahayd macluumaad fara badan oo la xiriira dhinaca dhaqanka bulshada.


Hay’adda Green Gate oo tababar u soo gebagabeysay  25 xubnood


Sawirada waxaa qaaday: AMiin Yuusuf

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Ambassador lagu soo gebagabeeyay tababar u socday 25 xubnood oo ka kala socday toban gobol oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana tababarkaan iska kaashaday Hay’adda Green  Gate oo gacan ka heleysa Hay’adda UNICEF.

Tababarkaan oo socday mudo 10 maalmood ah ayaa waxay xubanahaasi baranayeen ka hor taga cudurka AIDS-ka, muhiimadda Talaalka, Wacyigelinta waxbarashada Caruurta iyo daryeelka caafimaadka iyo nadaafadda, waxaana casharo ka bixinayeen macallimiin ka socotay Hay’adda SOPHPA.

Dr. Cabdi Nuur ayaa isagu bixinayay ka hor taga cudurka AIDS-ka, dhinaca  Talaalka waxaa bixinayay Max’ed Xuseen, Waxbarashadana waxaa iyana bixiyay Dr. Cabdi Ladiif iyo Axmed Jaamac oo isna bixiyay casharo la xiriiray dhinaca Isgaarsiinta.

 Axmed C/raxmaan (Dharbaaxo) oo ah xoghayaha fulinta ee Hay’adda Green Gate ayaa halkaasi ka hadlay waxa uuna sheegay in xubnahaani loo tababaray sidii ay bulshada ugu wacyigelin lahaayee, dhibaatooyinka haysta, gaar ahaan waxa uu sheegay inay ka howlgali doonaan xerooyinka dadka soo barakaca.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Dr. Dishibiliin oo ka socday Hay’adda UNICEF, waxana uu ugu baaqay xubnaha uu tababarku u dhamaday inay la yimaadaan jiljileec iyo naxariis, waxaa kaloo halkaasi ka hadlay, Nuurto Xaaji Max’ed oo ka mid ah xubnaha Hay’adda Green Gate,  waxayna kula dardaaran tahay xubnihii uu u dhamaaday tababarku in ay waxyaabihii ay ka faa’iideysteen tababarka u gudbiyaan bulshada dhibaateysan, waxaana ka qaybgalayaashii tababarka la siiyay shahaadooyin.




Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta oo u mahadceliyey Ururada

Kooxda k/Cagta Qaranka waxaa dhinaca qalabka ka taakuleeyay Ururada Sportiiga  ee ala ah

1. SOMALI SPORTS AND YOUTH DEVELOPMENT –NORWAY oo Uu Gudoomiye u yahay Garsoore caalami C/qaadir Cadaay

2. URURKA DHALINYARADA EE SUKAO oo Uu Gudoomiye u yahay Sharmaarke Calasow

3. HILAAC RESTAURANT : Milkiile Maxamed Yuusuf Xasan (Naxaaf)

Xiriirka soomaliyeed waxuu u mahadcalinayaa kaalinta lama iloowaanka ah ee ay ka qaateen taageerada Qaranka waxaana sidoo kale ka rajeyneynaa ururada kale ee soomalida ee yurub ku nool inay ayaguna kaalintaan oo kale ay qaataan





 W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


MUDAHARAAD LOOGA SOO HORJEEDAY ETHOPIA OO KA DHACAY LONDON

WAXAA MAANTEY OO AY TARIIQDU TAHAY 04.08.06 KA DHACAY MAGALADA LONDON ,MUDAHARAAD WAYN OO LOOGA SOO HORJEEDAY FARAGALINTA QAAWAN  EE ETHOPIA KU HEYSO DHULKA IYO DADKA SOOMALIYEED,BANAANBAXAAS OO AHAA MID SI HEERSARE LOO AGAASIMAY  AYAA AHAA MID JAALIYADA SOOMALIYEED EE KU NOOL YURUB ,QASATAN MAGALADA LONDON KU MUUJINAYEEN FARAGALINTA IYO JOOGITAANKA CIIDAMADA XABASHIDA AMA TIGREYGA EE JOOGA SOOMALIYA INAY ISAGA BAXAAN WALINA JOOJIYAAN GARDARADA  IYO DHIBATEYNTA  AY KU HAYAAN CIIDA SOOMALIYA.

DADWAYNIHI KASOO QAYB GALAY OO KA KoOBNA QAYBAHA BULSHADA AYAA KU MUJIYEY  DIIDMADA AY DIDAN YIHIN IN CIIDAMO TIGREE GA EE JOOGA GOBALADA SOOMALIYA QASATAN BAYDHABO IYO BAKOOL ,GEDO  ERAYADI AY KU DHAWAQAYEEN WAXA KAMID AHAA :

MELES ZENAWI JOJI FARAGALINTA SOOMALIYA AAD KU HEYSO,KALA BAX CIDAMADADA GUDAHA SOOMALIYA,SOOMALIYEEY TOOSOO,MIDNIMADA IYO WADAJIRKA UMMADA SOOMALIYEED WAA MUQADAS ,ETHOPIA DOONI MEYNO ,IGAD DOONI MEYNO,DOWLADA TAAGTA DARAN WAA INAY WADA HADAL WAXS KU QADATAA OO AY JOOJISAA  UYEERASHADA CADAWGA UMMADA,

MAXKAMADUHU WAA GUUSHA SHACABKA IYO NABADA,SOMALIYA GUUL , WARLORDS HA DHACEEN

SHIRIB HALKAAS AY KU MUUJIYEN WAXA U AHAA MID SI WAYN LOOGU SACABA TUMAY

AMXAARAA JID KU SOO JIRTEE INLA JIHAADO WAA JIRTAA

TIGREE  JID KU SOO JIRTEE IN LA JIHAADO WAA JIRTAA

UGU DAMBEYNTI BANAANBAXAAN  AYAA  WARQAD   BAYAAN AH OO AY SOO DIYAARIYEEN GACANTA LOO GALIYEY POLICE BRITAIN OO AMNIGA SI WAYN U ILAALINAAYEY SI AY SAFARADA UGU GUDBIYAAN CABASHADA SHACABKA SOOMALIYED EE KU WAJAHAN FARAGALINTA IYO JOOGITAAN CIDAMADA TIGREEGA EE JOOGA QAYBO BADAN OO SOOMALIYA KA TIRSAN.

DADKI ISKUGU SOO BAXAY AYAA LO SHEEGAY IN AY SAXIIXAN  WARAAQO LOO GUDBIN DOONO XUBNAHA XILDHIBANADA BAARLAMAANKA EE XAFADAHOODA LAGA SOO DOORTO SI AY UGU GUDBIYEEN  AQALKA WAKIILADA DOWLADA AMA BAARLAMAANKA  INGIRISKA ,WARQADAS OO UJADADA KAS DAMBEYSA TAHAY DIIDMADA  IN SOOMALIYA LAGA QAADO CUNA QABATEYNTA GOLAHA AMNIGA OO U INGIRISKA OLALAHEEDA U WADO INU JOOJIYO.

WAXAA XUSID MUDAN IN  MAR DHAW  BANAANBAXAN MID LAMID AH U KA DHICI DOONO DOWNING STREET LONDON OO AH XAFIISKA RAISAL WASARAHA DOWLADA INGIRIISKA EE TONY BLAIR

WAXAA SOO DIYAARIYEY OO SAWIRADA KASOO QAADAY

YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
mrsomalia@hotmasil.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2006



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD