Laguye Wasiirraa is Casilaya
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Aug, 2006
Ilaah
baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Wasiirka
iyo wasaaradda yaa horreeya? Arrintu ma joogto falsafaddii ahayd: ukunta iyo
digaagga kee horreeyey. Is-casilaadda “wasiirradu” waxay la mid tahay
sheeko-xariireedkii Soomaaliyeed ee oraneysay: waxaa meel wadajoogay afar nin oo
midi dhego la’aa midna indho, midno lugo midna qaawanaa. Kii dhegaha la’aa baa
yiri: sac baa seeri ka ciyey! Kii indhaha la’aa baa isna yiri: arkaayoo giiran!
Kii lugaha la’aana yiri: aan cararno. Kii qaawanaa baa isna yiri: amaa nala
furtaa? Bal Ilaahay baan idinku dhaarshee jagadee iyo shaqadee hayeen oo iska
casilaan?
Haddii
la is yiraahdo ninkani waa mucaarad marka yaan loo qaban wuxuu ka sheego labada
gole ee dowladda; waxaan idin xasuusinayaa waxay ku hadleen dad badan oo ka mid
ah labada gole ee dowladda. Markii madaxweynaha iyo afhayeenka baarlammaanku
go’aan ku gaareen Cadan inay labada gole lagu shirayo Baydhabo ayaa waxaa Xamar
ku haray dhowr wasiir oo markii la dambe la magac baxay: la dagaallanka
argagixisada. Midkood baa la yiri haddaad Baydhabo tagiweydaan soow kama
baqaysid in la idin ka qaado jagada wasiirnimada? Wuxuu yiri: muxuu yahay wasiir
aan guri, gaari iyo xafiis lahayn? Marka yaa raba jago noocaas ah? Ee ha qaateen
hadday rabaan. Waa runtiis. Sidoo kale markii xildhibaan Cali-baashi ka hor
akhrinayey baarlammaanka hortiisa mooshinkii la rabay in Geeddi looga takhaluso
buu sheegay in golaha wasiirrada shaqadoodii ay qabtaan Geeddi iyo labo wasiir.
Isla maantadan oo Jimce ah ayaa waxaa hadalka xildhibaanka oo kale ku ceshay
Cabdi Maxamed Tarrax oo ah wasiirka warshadaha.
Maaddaama dad badan oo maqaalkan akhrinaya ay ardaynimo soo mareen bal aan
suureeyo wasaaraddii waxbarashada iyo barbaarinta. Waxaa hoos imaanjiray
boqollaal kun oo arday; kumannaan macallimiin, boqollaal xoghayayaal; intaas oo
agaasime waaxeed; agaasime guud, darawallo, biyatooniyaal iyo iskuullo. Ha
iloowina wasiir-ku-xigeen iyo weliba qofkii u qeybsanaa xisbigii Kacaanka. Marka
wasiirku wuxuu u baahanyahay dad iyo agab kale oo hoos yimaada. Haddii iyadoon
wasaarad jirin la magacaabo wasiir waxay la micno tahay adoo gaari faraska ka
hormariya faraska! Bal gaari-faris ha jiido faraska! Ama nin fura haweeneyn u
doonnan oo aan weli loo meherin.
Waxaa
taas ka daran, markii wasiirradii waayeen meel ay salka dhigaan ayaa qaarkood
waxay bilaabeen iney raadsadaan shaqo ku lid ah tii ka turjumeysay magaca
wasiirraday wataan. Soow meynaan arag wasiirkii ganacsiga oo inta hay’ad sirdoon
shirqool la galay rabay inuu culumadii iyo shacabkii Soomaaliyeed ka ganacsado?
Wasiirkii ammaanka oo sidii horay loo sheegay ka shaqeynaya ammaandarrada Xamar?
Wasiirkii arrimaha gudaha oo isbaaro u taal Xamar? Kii kalluumeysiga iyo
kheyraadka badda oo badaheenna soo galiyey maraakiibta jiraafka inta xoogaa
laaluush ah ka qaatay?
Marar
badan baa la sheegay iney fiicantahay samo-saadsiga. Waxaa la sheegaa in markii
go’aan lagu gaaray in Baydhabo la i sugu keeno labada gole la isweydiiyey meesha
baarlammaanka la fariisinayo. Ma bakhaarradii hay’addii horumarinta beeraha mise
iskuul? Fiicnaanlahaydaa iney iskuulka doortaan. Belaayaba ugama horreyn markey
doorteen bakhaar gelley. Dadka kuwooda liita waxaa lagu sheegaa buunshe. Buunshe
iney yihiin oo bakhaar ku habboon lagu shiriyey waxaa u daliil ah: waxay
intoodii badneyd u codeeyeen in ciidamo shisheeye oon laka saarin la keeno
Soomaaliya. Ogaada, waa taas midda keentay in Xabashidu si aan leexleexad lahayn
ugu dhiirratay iney soo gasho Soomaaliya.
Fiicnaanlahaydaa hadday saxaafaddu ka fogaato buunbuunista is-casilaaddaas. Ma
ahan in saxaafaddu mar kasta sanka naga soo geliso arrintaas oo ay ka fiiriyaan
sida qolyaha iska soo horjeeda ee labada gole u arkaan. Haddaad iska horkeentid
oo dadka waqtiga uga qaadid inaad labo qof oo labadaas kooxood ah aad waqti
dheer madaxa isu gelisid maxaa laga dheefayaa? Arrinta waxaa loo cabbiraa sida
shacabku arko oo qaranka dani ugu jirto. Arrintaas wax micno oo weyn uma laha
shacabka Soomaaliyeed. Maxaa yeelay markey wadajoogeen ooyna is qabanba waxba
nooma kordhin aan ka ahayn iney cadowgii Soomaaliya helay qiil uu ku soo galo
waddanka Soomaaliyeed. Marka is-casilaaddoodu waxay dani ugu jirtaa shacabka
Soomaaliyeed. Markay BBC-du tiraahdo: qalalaasaha ka jira Baydhabo, yey ula
jeedaan? Arrinta uma aha shacabka Soomaaliyeed qalalaase ee waa u naruuro. Marka
saxaafaddu haka fiirsadeen iney u shaqeeyaan shacabka iyo in kale.
Haddaan
hal tusaale soo dhexgeliyo oo ku saabsan maxkamadaha soo ma muuqato in
golayaasha maxkamaduhu ka caqli badan yihiin kuwa dowladda? Jagooyinka dhifka ah
ee maxkamaduhu magacaabeen waxaa ka mid ah: maareeyaha garoonka diyaaradaha ee
Muqdisho. Goormaa xilkaas la doortay? Waxay doorteen markii la sugay ammaanka
garoonka iyo guud ahaan Xamar. Markii wax laga qabtay nadaafaddii garoonka.
Markii diyaarado ku soo dageen garoonka oo uu howlgalay. Marka dhib ma leh in
maareeyuhu inta kursi iyo miis soo qaato uu fariisto bannaanka ama dhismo
burbursan maxaa yeelay ugu yaraan waxaa halkaas ah wax la maareeyo. Laakiin 99%
wasiirrada dowladdu ma laha wax ka badan isaga iyo ku-xigeenkiisa iska daa
xafiis iyo wax kalee. Marka muxuu iska casilaa? Mise waa armaa nala furtaa?!
Waagii
Eldoret la fadhiyey waxaan dagaaloogayaasha siiyey calaamad taban. Waxaan soo
iri haddii la isku daro waxaa sii bata dhibkooda anoo ka dhigay:
(-1) +
(-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) + (-1) = -9
Micnuhu
waa haddii dadka shacabka ah oo wata calaamad togan lagu daro dagaaloogayaasha
waxbay naga goosanayaan. Marka haddaan u naxariisanno xildhibaannada aan
dagaaloogayaasha ahayn waxaan ku sheegikarnaa eber (0). Markey dagaaloogayaashu
Xamar joogeen, maalin kasta Xamar wax baa lagu dilijiray. Hadda markii
dagaaloogayaashu Baydhabo tageen waxaa yaraaday dhibkii Xamar ka jiray oo wuxuu
u wareegay Baydhabo maxaa yeelay waxay wataan calaamad taban. Aniga, dagaalooge
waa ii dagaalooge gobol kasta haka soo jeedee. Marka xildhibaannada eberka ahi
waxba nooma soo kordhinkaraan hadday is casilaan iyo haddii kalaba. Waxay ku
fiicantahay in iyaga laftooda la siiyo calaamad taban ileyn waa kuwii u codeeyey
in ciidamo shisheeye oon lakala saarin la keeno Soomaaliyee.
Waxaa
taas u dheer waxaa lagu soo doortay dhul shisheeye. Waxaa soo xushay shisheeye
iyo sharwadayaal marka laga reebo in yar. Waxay diiddanyihiin Shareecada
Islaamka oo waxay jeebka ku wataan sharci shisheeye iyagoo kale ahi dejiyey.
Marka qof kastoo muslim ah oo Soomaali ahi wuu ku farxayaa is xagxagashadooda.
Marka qofkii dadka noocaas ah wax ka filayey waa khaldanyahay. Marka dadkaas leh
waan is casileynaa waxaa u fiican in inta Ilaahay u toobadkeenaan ay dhibka ka
daayaan diintooda iyo dadkooda. Sidoo kalana dhinac ka raacaan dadkooda oo qof
walba wuxuu yaqaan ku shaqeysto. Haddaan shacabkii nahay waxaan noo yaal sidaan
wax uga qabanlahayn Xabashida dalka ku soo gashay waxay iyagu u codeeyeen.
Waxaan
kaloo maxkamadaha kula talinayaa ineysan soo kala dhoweysan C/hi iyo Geeddi. Wey
fiicantahay in lakala dillaalo maaddaama ay cadow ku yihiin qaranka Soomaaliyeed
laakiin ma ahan arrin fiican in la yiraahdo waxaan soo dhoweyneynaa C/hi iyo
Shariifka si Geeddi meesha looga saaro. Yaa Geeddi markii hore keenay? In kastoo
Zenawi keenay haddana waxaa ku dhawaaqay C/hi. Marka nimanku iyagaa u dhaarsan
ineysan kala harin ee sidaas ha ahaato. Xisaab ahaan haddii la isku dhufto labo
qof oo wata calaamad taban waxaa soo baxaysa mid togan:
(-1) x
(-1) = 1 (maxkamadaha). Soow awalba ka meynaan faa’iidin isku-dhicii u dhaxeeyey
labada gole ee kala joogay Xamar iyo Jowhar? Soow maxkamaduhu
kama soo dhexbixin? Marka Ilaahay idinkiis, tanna waxay
keeneysaa kacdoon shacab oo ka bilaabma Baay iyo Bakool oo gaara Soomaaliya oo
dhan.
Hooyadeen Caa’isho (RC) ayaa mar mar iyadoo Nabiga (SCW) ugu talogaleysa ku
dhaaranjirtay: Ilaahii nabi Ibraahim baan ku dhaartee saas iyo saas. Marka
hadhow nabi (SCW) weydiiyo arrintaas bey dhihi jirtay xanaaq dartiis baan saa u
yeelayey ee magacaaga keliya ayaan ka hijroonjiray ee ma jirto nacayb iyo cuqdad
aan kuu qaaday. Waxaan uga danleeyahay, waxaan shaki ku jirin ineysan jirin
jagooyin ay iska casileen wasiirradaasiye ee keliya waxay hadda iska casileen
magacii masabidka ahaa ee ay wateen. Marka inta Ilaahay ka baqaan meel hanaga
fariisteen.
Waxaan
shacabka kula talinayaa inay raacaan oo la shaqeeyaan maxkamadaha. Iyagaa yaqaan
si jago loo magacaabo. Hadda markay wax ka qabteen dekedda weyn oo ay soo
dhowdahay in maraakiib ku soo xirato ayaa la filayaa iney maareeye magacaabaan.
Soo ma aha sidii la rabay? Sidoo kale waxay magacaabeen guddi nabadgelyo markey
Xamarna gacanta ku dhigeen oo sidii markaan ka soo hadlayey wasaarrada
waxbarashada ay isla haleen dad, ciidan, Xamar iyo agabkii kale ee nabadgelyada
lagu sugilahaa. Marka waa sidaas sida fidrada iyo diintu qabtee hala raaco
maxkamadaha. Marka wax is casiley ma jiraane keliya waxay la mid yihiin ciiddii
inta weel dhexda laga sirqiyey lagu shubo si saacad ahaan loogu isticmaalo
markay dhinaca hoose ku dhammaato inta kii hoose la kormariyo si ay hoos haddana
u aado 24-ka saac ee soo socda. Marka dadku iyaga uun baa hadba magaalo ku
shubmayee ma jirto wax dan ah oo ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Kuma
dambaabayo haddaan dhaho waxay iska casileen Soomaalinimo markay u codeeyeen in
la keeno ciidamo shisheeye oon laka saarin.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan