SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
04August 2006
 
================================
 
Dadwayne lagu xidhxidhay magaalada Dhuxun.
 
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Somaliya.
 
Go’aano ka soo baxay wasiirrada IGAD oo Soomaaliya ku saabsan.
 
Dad badan oo Oromo ah oo fatahaad Wabi ku guryo belay.
 
Qorshahii Itobiya ay ka lahayd Somaliya oo burburay(Faalo).
 
 
================================
 
Wararka ka imanaya magaalada Dhuxun ee gobalka Nogob ayaa sheegaya in magaalada lagu xidhxidhay dadwayne rayad ah oo aad u tira badan. Dadkan ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin dad u shaqaynayay maamulka degmada, wuxuuna amarka xidhaygoodu ka soo fulay sargaalka u sarreeya ciidammada gumaysatada Itoobiya ee degmadaas.
 
Ninka u sareeya ciidammada gumaysiga ee degmada Dhuxun ayaa hadda ka hor amar ku bixiyay inaan wax mushaaro ah la siin karin dadka shaqaalaha ah haddii ayna geeri ama nolol ku keenin ciidammada JWXO ee aaggaas ka hawlgala.
 
Hase yeeshee amarkaas sharci darrada ah ayaa la jabiyay, ka dib markii uu ninkaasi hawlo u baxay, waxaana qaar shaqaalaha ka mid ah la siiyay mushaarooyin. Markii uu Dhuxun dib ugu soo laabtayna wuxuu xabisga u taxaabay dhammaanba shaqaalihii degmada ka shaqaynayay iyo waliba dadwyane kale oo rayad ah, kuwaasoo lagu xareeyay xerada ay ciidammada gumaysatadu degmadaas ku leeyihiin.
 
Dadkaa ayaa la xaqiijiyay in jidhdil ba’an loo gaystay, qaar ka mid ahna lala baxay oon la garanaynin meesha ay ku denbeeyeen.
Waxaa sidoo kale tuulada Fooljeex ee gobolka Qorraxey lagu xidhxidhay dad shacab ah oo ka mid ah dadka deegaankaas, waxaana ka mid ah dadka aan magacyadooda helnay;
Diib Cabdi Aar
Baan Maxamed Aar
Faa'iid C/qani Maxamed iyo
Nuur Gaal-eri
 
Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Somaliya.
 
Ciidamo Hubeysan oo Ethiopian ah ayaa  mar kale soo galay deegaanka Jawiil oo ka tirsan gobolka Hiiraan .Ciidamadaas Ethiopianka  ah oo aad u fara badan kuna hubeysan gawaarida dagaalka ayaa maalintii arbacada ahayd soo gaaray deegaanka Kala Beerka ee gobolka Hiiraan .
 
Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka dameysa soo gali taanka ciidamada Ethiopia ee halkaasi, mana ahan markii ugu horeysay oo ciidamo Ethiopian ah ay soo galaa gudaha Somalia siiba gobolada Hiiraan iyo Gedo.
 
Inta badan marka ciidamada Ethiopia ay soo galaan deegaanka Jawiil ayaa waxaa cabsi ay soo wajahdaa dadka ku dhaqan magaalada B/weyne.
Gudoomiyaha maxkamadaha somaliya sheekh Shariif ayaa mar kale ku celiyey inaysan tagaynin shirkas inta ciidamada itoobiya joogaan gudaha soomaaliya.
 
 
Soogalidan cusub ee ciidamada itoobiya ayaa waxay cirka kusii shareertay rajo laga qabay inay isu soo dhawaadaan maxkamadaha  iyo DFKM ee soomaaliya,iyadoo lagu waday inuu wajigii labaad ee kulankii khartuum dhexmaro.Raisul wasaare Geedi  ayaa mar kale ku dhawaqay in shirkaas dib loo dhigay 10 ilaa 15 casho,halka gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan uu cadeeyey inay DFKM ahi ka qaybgalayso kulankaas jirina wax isbadal ah oo ka yimid dhinaca DFKM.
 
Waftigaas ayaa lagu waday inuu hogaamiyo Shariif Xassan kana ambabaxaan magaalada Baydhabo,hasa-yeeshee ay suura gali weyday kadib markii ay iman weyday diyaaradii ay raaci lahaayeen.
 
Go’aano ka soo baxay wasiirrada IGAD oo Soomaaliya ku saabsan.
 
Wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa kulan degdeg ah oo ay talaadadii ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxay ka soo saareen go’aano la xidhiidha arrimaha Soomaaliya.
 
Wasiirrada IGAD ayaa sheegay in xilligan hadda ah loo baahan yahay in diblumaasiyad ballaadhan loo adeegsado arrimaha Soomaaliya, si looga gudbo marxaladda qallafsan ee dalka Soomaaliya ku sugan yahay.
 
War murtiyeed ka soo baxay kulankaasi ayaa ku baaqay in xoogga la saaro sidii ay miiska wadahadalka u iman lahaayeen dowladda ku meelgaadhka ah  iyo maxkamadaha islaamiga Soomaaliya.

Waxay kaloo sheegeen inay raacayaan mowqifyada siyaasadeed ee Qaramada Midoobey ka qaadatay dalka Soomaaliya iyo xayiraadda hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirradu isku afgarteen inay wafdi heer sare ah u diraan caasimadaha dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Wafdigan ayaa la sheegay inuu u hawlgali doono sidii beesha caalamku mowqif midaysan uga qaadan lahayd xal u-helidda dhibaatada Soomaaliya.

Dalalka IGAD, oo ay hormuud u tahay xukuumadda Itoobiya, ayaa wixii hadda ka horreeyay u ololaynayay sidii ciidammo shisheeye loogu diri lahaa dalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa hadda muuqata in wasiirrada IGAD ay arrintaas wajiga ka dedbeen, ka dib markii wakiilka Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya uu ku sheegay hadal uu ka jeediyay kulanka wasiirrada IGAD in Qarammada Midoobey ay hadda xoogga saarayso sidii arrimaha Soomaaliya diblumaasiyad loogu dhammayn lahaa.

 

Dad badan oo Oromo ah oo fatahaad Wabi ku guryo belay.
 
Qiyaastii 15,000 oo qof ayaa guryo beelay, ka dib markii uu si wayn ugu fatahay Wabiga Awasha oo qaaday tuulooyin badan oo ku yaallay Koonfurta Gobolka Oromiya.
 
Roobab dhawr toddobaad da’ayay ayaa keenay in Wabiga Awasha uu karaar dhaafo oo ku fataho tuulooyinka ku dhaw oo dhan.
 
Ilaa iyo hadda lama sheegin wax dad ah oo fatahaadaas ku dhintay, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan in qiyaastii 15,000 oo qof ay hoy la’aan ku yihiin meelihii Wabigu ku fatahay, isla markaana ay dhibaatooyin badan oo cunto iyo dawo la’aan ahi haystaan.
 
Markii ugu denbaysay ee Wabiga Awash fataho waxay ahayd bishii Abriil ee sannadkan, iyadoo kumannaan dad ah ay dhibaato ka soo gaadhay, ka dib markii uu daadku qaaday tuulooyin badan, xoolo badana ay ku le’deen.
 
04 August 2006.
C/nuur Sheekh Maxamed        
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2006


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD