SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dadka Hantida leh oo Qura!

20-maalmood oo aad soo joogeyso Hawada sare waa 20-Milyan oo Dollar. 

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya



Muqdisho 1984

Xamar 80-tanaadkii: isha Sawirada: swan.ac.uk

      Adduunka Ninkii ILAAHAY Cimri siiyo wax uun buu arkayaa, Safarkan aan maanta ka hadlayno waa safar loo baxayo dhinaca Hawada Sare, qof walba oo damca in uu u socdaalo hawada Sare, halkaana soo joogo 10-maalmood waxaa uu bixinayaa 20-Milyan Dollar oo Qura, waxaana halkaasi ka muuqata in uusan safarkan ka qayb qaadan Karin nin aan Hantiile ahayn.

      Alexy Krasnov, oo ah Maamulaha Wakaaladda Hawada Sare ee Ruushka oo ka hadlayay safarkani dalxiiska ah ayaa waxa uu yiri “qof walba oo bixin kara kharashka intaasi la eg uu u bixi karaa dalxiiskani marka uu maro tababar loogu diyaarinayo muddo bil ah, waase haddii ay leeyihiin awood Nafsaani iyo mid Jireed oo ku haboon, waxaana waddanka Ruushka lagu tilmaamaa in uu yahay waddanka faa’iidada ugu badan ka hela Socdaalka dadka dhinaca Hawada Sare, gaar ahaanna Hantidaasi faraha badan waxaa gacanta ku dhigta Shirkadda Ruushka ee Hawada Sare (Space Adventures LTD). 

      Afhayeen u hadashay Wakaaladda Dhinaca Hawada Sare ee Mareykanka “NASA”, laguna magacaabo Lesa Melsa Matthews ayaa waxa ay sheegtay in aysan wax dhambaal ah oo lagu kobcinayo iskaashiga Safarrada dhinaca Hawada Sare aysan ka helin dhiggooda Ruushka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in dadka u duulay dhinaca Hawada Sare ee Mareykanka aysan ka badnayn 450-qofood, halka dadka u baxay in ay Hawada dhow ku soo dabaashaanna aysan ka badnayn iyagana 151-qof.

      Cirbixiyeenka u dhashay dalka Mareykanka ee lagu magacaabo Tom Jones, kana mid ah dadka tirsan ee ku soo dabaashay Hawada Sare, haatanna La taliye ka ah Shirkadda qaabilsan duulimaadka Hawada Sare ee (Space Adventures LTD) ayaa isna waxa uu yiri “Dabaasha dhinaca Hawada Sare waa Khibraddii ugu weyneyd ee bani’aadam uu soo saaro”, waxaana uu intaa ku daray “Marka aad saaran tahay Doonta Hawada Sare “Spaceship-ka” uusanna jirin wax idiin dhexeeya adiga iyo dhulka oo aan ka ahayn meel maran runtii waa wax cajiib ah”.

      Robert Golitsh oo isna ah Macallin wax ka dhiga Jaamacadda KYU ee Yokohama, Japan ayaa isna waxa uu si weyn u soo dhoweeyey xayaysiinta iyo socdaalka dhinaca Hawada, taasoo uu tilmaamay in ay soo jiidanayso qof walba oo lacag leh.

      Sidoo kale mas’uul ka tirsan cirbixiyeennada oo lagu magacaabo Dirk Shoman ayaa Mutxaf ku yaalla Magaalada Berlin ee dalka Jarmalka ku soo bandhigay wax uu ku tilmaamay Hotel-ka Hawada Sar. 

      Hotel-kan Hawada Sare laga sameeyay ayaa waxaa ku guuleystay Waaxda Duulimaadka Hawada Sare ee Mareykanka, iyadoo Hotel-kanna uu ka kooban yahay qolal la seexdo, musqulo iyo qolal caadi ah, waxaana Dirk Shoman oo ah ninka soo ikhtiraacay dhismaha Hotel-kani uu sheegay in qofkiiba uu muddo toddobaad ah ku degganaan karo 2,000,000-Milyan oo Dollar (Laba Milyan oo Dollar).

      Waxyaabaha la isla meel dhigo ka hor duulimaadkan Hawada Sare ayaa waxaa ka mid ah Nabadgelyada Rakaabka u baxaya socdaalkani, maadaama Doomaha Hawada Sare ee haatan safarrada u baxa ay ka muuqato tabar darri marka ay cilladi timaadda, iyo iyagoo badanaaba aan bad-baadin Karin dadka rakaabka ah marka ay soo baxdo cillad aan la xallin Karin sida uu caddeeyey cirbixiyeenka Reer Jarmal ee Olaf Merbold.

      Dhinaca kale booqashada Meerayaasha ay ka mid yihiin Mars iyo Saturn (Mariikh iyo Suxal) ayaa iyadu ah su’aal weli la is weydinayo, iyadoo Tiknoolojiyada casriga ahna aysan weli waqti u samayn goorta Meerayaashaasi si nabad ah lagu gaari doono, inkastoo dadka aan sugi Karin goorta halkaasi la tegayana ay shirkadda “European Space Tourists” u diyaarisay 4-maalmood oo tababar ah oo lagu qaadanayo xarunta tababarka dhinaca Meerayaasha ee dalka Ruushka, iyadoo qofkiina uu bixin doono 5,000-Euro.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com
amiinkhasaaro@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 5, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD