Wararkii August 4, 2006
- Diyaarada African Air oo Markii ugu
Horeysey Kasoo Degtey Garoonka Muqdsiho.
- WAX QABADKA GOLAHA SAMAFALKA &
HORUMARINTA SOOMAALIYEED
Diyaarada African Air oo Markii ugu Horeysey
Kasoo Degtey Garoonka Muqdsiho.
Waxaa si nabad ah Khamiistii
ugu soo degtay ugana duushay markii ugu horeysay mudo 11 sanadood ah diyaarada
African air taasoo ka mid ah diyaaradaha ganacsiga ee dalka ka howgala.
Bashiir oo ah madaxa
xamuulka (cargo) ee garoonka ayaa sidaan ku war bixiyey:
Bashiir cali rooble ( fayte)
”diyaaradaanu waa diyaarad u adeegta dadka macaamiisha u ah iyo ganacsiga ehelka
u ah anaguna si wanaagsan ayaan u soo dhaweynaa waxaana ku faraxsanahay dadka
shalay meeshii uu qoriga ka wateen maanta ay sitaan xaaqin in an ku soo degno
meel dadkedii sidaa isu bedelay aad baan ugu faraxsanahay.
Diyaradu
hada waxey keentey 78 qofood oo ay berbera u sido 15 qofood inta kalana ay
Dubai ku sii jeeda , aad baan ugu
faraxsanaha xaga amniga kuwii na waardiyeynayeyna waan ka soo tagney waxaana uga
soo tagnay nabadgalyada kalsoonida ka jirta garoonka iyo guud ahaanba magaalada
.
Garoonka
ayaa u baahan dayactir weyn waxaana ka muuqdo dhaawacyadii soo gaaray mudadii uu
ku jirey xaalada dayacnaanta lagana fuqsaday jaaygii iyo laamigii waxaa kale oo
la qotey wadad hareeraheeda si looga helo carro maanyo taasune waxey sababatay
in ay biyihii badu soo gaaraan meel aan loogu talagelin ka dib markii ay
burburtey wixii xeendaabka u ahaa.
Qeybta
soo dhaweynta waxa yaalo kuraas ay leedahay hadba shirkada ay diyaaradeedu soo
dagayso waxaa maanta la arkayey dad ajnabi ah oo fadhiyo qeybta sugida
duulimaadka kuwasoo transite ku ahaa garoonka, ugu danbaytii waxey laba saf u
galeen in ay raacaan diyaarada qofkasta oo halkaa jooga ayaa dareeemaya howsha
baaxada weyn ee ay qabteen ciidamada midowga maxaakiimta shareecada.
Maareeyahay dhawaan la
magacaabay garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha
cabdiraxiin adan
weheliye oo aan kula kulmay gudaha madaarka ayaanay inoo suurta gelin isga
oo saxaafada uga cudurdaartey in uusan waqti u heynin balse uu waqti kale la
hadli doono.
arintu si kastaba ha ahaatee
waxaa horey uga soo degay garoonka Muqdisho shirkadaha diyaradaha ee jubba iyo
daalo kuwaasi oo horey uga soo degi jijrey garoomo macmil ah oo an ku dhaweyn
magaalada muqdisho.
WAX QABADKA GOLAHA SAMAFALKA & HORUMARINTA
SOOMAALIYEED MUDDADII BISHA AHAYD EE UU JIRAY
1. Wuxuu Guddoomiyaha Golaha booqday
gobolka Sh/Dexe, gaar ahaan magaalada Jowhar iyo inta u dhaxeysa Balcad iyo
Jowhaw, waxayna goluhu qayb ka qaateen hawsha biyo xirka Webiga Shabeelle oo ka
goostay meel u dhow jowhar oo lagu magacaabo Daymasame, biyahaas oo gaaray dhul
badan dalagi ku yaallayna baaba’shay.
2. Guddiga Fulinta ee Goluhu wuxuu soo
booqday dhaawacayaalla Cisbitaalka magaalada Muqdisho, isagoo soo indha
indheeyey xaaladda dhaawacyada si wax loogu qabto.
3. Wuxuu raashin isugu jira Bariis, Saliid
u qaybiyey 75 Qoys oo isugu jira dad dhaawacan, Agoonleey iyo dad dagaalka
saameeyey.
4. Wuxuu ka guddoomay dawladda liibiya
Raashin deeq ah oo dhan 30 Tan, oo isugu jira Bur, Bariis, Sonkor, Baasto, iyo
Saliid .
5. Wuxuu ka qayb qaatay Goluhu hawsha
nadaafadda magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Golaha Samafalak iyo Horumarinta
Soomaaliyeed
Sheekh Axmad Maxamad Suleymaan
Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
002521576666, 002521653623
Aroos la yaab leh::: (Hargeysa) Laba haween ah
oo Nin habeen wada Aroosay
Hargeysa
(Jam)- Siciid Maxamed Cabdillaahi oo ah nin dhallinyaro ah oo u dhashay
Somaliland waxa markii u horreysay taariikh cusub u furay taariikhda guurka
Soomaliyeed kadiba markii uu hal habeen la aqal galay laba haween ah.
Guurka lamaanaha saddexan ee kulmiyey Caruus
Siciid Maxamed Cabdillaahi iyo Caruusadaha lamaanaha ah ee Ubax Saalax Cawad iyo
Sahra Maxamed Cabdi-dheere oo habeenimadii Isniineed ee toddobaadkan degaanka
Galoolay (Fahda) oo 25km koonfur/galbeed kaga toosan magaalada Hargeysa.
Aroos wadareedkan oo uu Siciid hal habeen kula
wada guri galay laba haweena oo sawjadihiisa ah ayaa noqotay mid bog cusub u
furtay inta la ogyahay taariikhda guurka Soomaalida, taas oo dadkii ka qeyb
galay xafladdaasi ku noqotay ashqaraar sheeko reebtay kadib markii ay shaahid u
noqdeen hab-dhaqameedka guurka cusub iyo laba haweena oo iimaansaday inay
Saygooda iyaga oo hareero fadhiya hal aroos habeen qudha kula aqal galaan.
Lamaanaha saddexan oo uu guurkooda laga filayo
in uu bulshada ku noqdo mid hadal hayntiisu raad sheeko ku reebo, isla markaana
uu noqon doono mid ay isweydiimo badan ka dhex aloosa bulshada iyada oo aan la
halmaami Karin heeladihii iyo xiisihii aanuu kalgacalku ka madhnayn ee tan iyo
bilowgii nolosha aadamaha soo taxnaa.
Inkasta oo mudane Siciid iyo labadiisa Marwo oo
xalay Jamhuuriyo ku booqatay xaafadda ay ku aqal galeen ee Galoolay oo ka tirsan
tuulada Fahda ay dareenkooda ka muuqatay farxad iyo kalsooni aan la soo koobi
Karin, waxa uu Siciid sheegay in uu ku faraxsan yahay labadiisa Marwo oo isla
mar la aqal galay.
“Daraynkaygu wuu fiican yahay ku talo-galka
guurkayguna wuu ii hir galay.”
Marwooyinka Caruusadaha ah ee Ubax Saalax Cawad
iyo Sahra Maxamed Cabdi ayaa iyaga oo tafaasiil ka bixinaya shucuurtooda.
Waxa ay Marwo Ubax Saalax oo ah Marwadii
nasiibka u heshay habeen dhixii u horreeyey ee Saygeeda cusub oo ay ku
mutaysatay 10 daqiiqo oo ay ka meher horreysay Marwada labaad Sahra Maxamed
Cabdi, waxa ay tidhi; “Waan ku talo galay guurkan iyo arooskaba waananu isku
jecelnahay.”
Caruusadda labaad Marwo Sahra Maxamed Cabdi oo
ay ka sinaayeen xishoodkii haweenimo hadana waxa ay muujisay taageerada ay la
wadaagto dangaladdeeda kale, waxayna ku dhawaaqday; “Waan ku faraxsanahay 90%
waananu isku jecelnahay sidan guurka wada jirka ah.”
Ruun Qowdhan oo ah hooyada dhashay Siciid
Maxamed Cabdillaahi, isla markaana ah hooyo aqoon farshaxanimo u leh
alaabooyinka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalidu caanka ku tahay, ayaa iyada oo
dareen ahaan gudbinaysa nasiibka ay u heshay guur wadareedkan wiilkeedu
calafsaday waxay dhoolo-ka-qosol ka tidhi; “Al Xamdu Lilaahi, waan ku
faraxsanahay oo Ilaahay ayaa igu garab galay guurka wiilkayga, isaguna waabuu ku
talo jiray.”
Hadaba, sababaha qisada guurkan ugubka ah
suurto geliyey iyo arrimihii ku waajibiyey Siciid Maxamed Cabdillaahi in uu mar
qudha aroos ku wada calfado inkasta oo ay ahayd himilada dareenkiisu mid
cindanayd xataa yaraantiisii oo sida saaxiibadii sheegeen uu ku hadaaqi jiray in
uu maagan yahay guur ka duwan dhallinyarada dhigiisa ah ayaa waxa uu Jamhuuriya
uga xog waramay Cabdillaahi Ciise Gaboobe oo Adeer ugu toosan Siciid, isla
markaana ka mid ahaa kooxdii Siciid u wehelisay tabaabushihii uu kula baxay
marwada hore Ubax Saalax Cawad oo ay ka kaxeeyeen Hargeysa geeyayna tuulada
Fahda oo ay degan yihiin Siciid reerkoodu, isla markaana Cabdillaahi oo goob
joog ka ahaa qaban qaabadii hore iyo dhismihii dambe ee arooskan, isaga oo ka
waramaya bilowgii u horreeyey iyo saan-saankii hordhica guurka Siciid waxa uu
yidhi; “Inanku [Siciid] waxa uu inanta hore [Ubax Saalax] ka guursaday magaalada
[Hargeysa] oo aan annigu kala sii kaxeeyey ilaa iyo degaanka Garabis oo uu
reerkoodu deganaa inanka [Siciid].
Inanka [Siciid] iyo inanta hore [Ubax] may
ahayn dad isku cusub oo waxay sheekaysanayeen muddo badan markii aanu tagnay
halkaa ee subixii dambe oo aanu isu diyaarinayno qorshihii aanu ula tegi lahayn
inanta reerkooda si ay noogu hibeeyaan inanta [Ubax] oo aanu gabaatiga ugu geyno,
ayaa intii aanu ku soo maqnayn inanta [Ubax] reerkooda oo joogay magaalada
Hargeysa waxa dhacday inay niman na dhabar-marteeyeen oo inankii u sheekeeyeen
oo ku yidhaahdeen arrintii Ubax odayaashu kuuguma maqnee gabadh kale guurso
sidaas baanuu fuliyey.
Halkaa markii uu xaalku marayey oo dadkiina
dawakh ku dhacay ayaa dadkii waxa ay u kala qaybsameen laba kooxood. Koox ku
talisay in labada gabdhood midii hore 50 keedii Halaad la bixiyo mida dambana la
arooso, iyaga oo markaa ka eegaya xag dhaqaale maadaama aanuu qoyska inanku ka
dhashay aanay wada qaadi Karin inay laba gabdhood mar qudha ka yarad bixiyaan
dhisaana.
Odaygii inanka [Siciid] dhalay ayaa isaga oo
dhaqan ahaan xeerinaya waxa uu go’aansaday inaan labada gabdhood oo uu yidhi;
“Labada gabdhood midna Abti ayaan u ahay midna Adeer, markaa midna la celin
maayo.”
Markaa ayaanu dadkii degaankayagu tashanay oo
wixii dhaqaale ahaan wax hayey go’aansanay in aanu labada aroos mid ahaan ku
qeybno wixii ku baxayey midna uu odaygu dhiso, markii intaa la isla meel dhigay
ayaa habeenkii saddexaadna waxa la meheriyey labadii gabdhood isku habeen oo
waxa u dhexeeyey muddo 10 daqiiqadood dhan.
Habeenkii arooska waxa loo sameeyey dadab weyn
oo la soo hadoodilay halkii loogu talo galay inay fadhiistaan Caruuska iyo
labada gabdhood ee aroosadaha ah, ayaa waxa aanu dhignay saddex kursi oo ay ku
kala fadhiisanayaan caruuskuna uu dhexda fadhiisanayo labada aroosadoodna labada
dhinac ay ka kala fadhiisanayaan, minxiiska iyo minxiisaduhuna waxa la
fadhiisiiyey meel hal jaranjaro ka hoosaysa halka uu fadhiyey aroosku, intii ay
socdeen heesihii iyo madadaaladii kale ee arooska loogu talo galay ayaa runtii
dadku fadhiisan waayeen oo arrinta ayaa waxay ku noqotay wax ku cusub intii
arooska lagu jirayna waxba lagama dareemayn labada gabdhood, waxayna ahaayeen
dad hore isu yaqaanay.”
Hadaba, xafladda gaafka ee arooska oo xalay ku
beegnayd ayaa waxa goob joog ka ahaa wasiirka dalxiiska Cismaan Cali Bile oo
sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guurkan ugubka ah ee halka mar la wada
aroosay labada gabdhood, isla markaana imaanshiyihii uu kaga soo qeyb galay
xafladda habeenka gaafka arooskan ay ka markhaati kacayso tixgellinta uu u hayo
maadaama uu yahay wasiirkii dhaqanka hiddaha iyo dalxiiska.
Xigasho: Jamhuuriya
Waxaa soo gudbiyey:
Yuusuf Maxamed Ismail
yusufgaduudow@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2006
|