War-murtiyeedka Ururka Israaca Ummadda
Soomaaliyeed
Pan-Somali Council for Peace and Democracy (ISRAACA)
Washington, DC 20004
Ururka Israaca Ummadda Soomaaliyeed waxa uu
cambaareynayaa dilka loo geystay Marxuum Cabdalla Deerow Isaaq, wasiirkii
Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya.
Aad iyo aad ayaanu uga tiiraanyeysan nahay falkan dambiga ah, waxaanan uga
tacsiyeynaynaa ehelka marxuumka iyo shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay
joogaan. Waxaanu aad uga welwelsan nahay dilalka siyaasadeed ee lala
beegsanayo madaxda baarlamanka Soomaaliyeed, annagoo ku guubaabinayna
Dowladda Federaalka kumeelgaarka Soomaaliyeed in ay wax ka qabato
nabadgelyada Baydhabo, sharcigana lala tiigsado dambiilayaashii ka dambeeyey
falkan waxashnimada ah.
Ururka Israaca waxa uu si weyn uga walaacsan
yahay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, taasoo sii hurinaysa
dabka ka holcaya Soomaaliya, waxaanan si weyn u cambaaraynaynaa tallaabada
faragelinta tooska ah ee xukuumadda keli-taliska Meles Zenawi, taasoo ka soo
horjeedda heshiiskii IGAD iyo beesha caalamka ee diritaanka ciidamada
waddamada gobolka. Go’aankan gardarrada ah ee uu iskiis u qaatay
Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi waa mid uu ku burburinaayo kuna sheeganaayo
quwad milateri, isagoo shidaaya dagaal ku dhex mara iyaga iyo Eretreya dalka
Soomaaliya. Arrinta la yaabka leh waxa weeyaan faragelinta mileteri ee Meles
Zenawi maaha mid uu kula dirirayo dad mayal adag, balse waa khiyaano uu ku
fulinayo danahiisa Geeska Afrika isagoo ku soo gabbanaya magaca la
dagaallanka argagixisada caalamiga. Joogitaanka ciidamada Itoobiya ama
ciidamo kale oo ajnabi ah ee dhulka Soomaaliya waxa ay caqabad ku tahay
dadaalka heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda iyo guud ahaan nabadgelyada
gobolka. Israacu waxa uu ugu baaqayaa Ra’iisal-wasaare Meles Zenawi in si
degdeg ah oo aan shuruud lahayn uu ugala baxo ciidamada Itoobiya,
islamarkaana uu xushmeeyo xornimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.
Israacu wuxuu ugu baaqayaa Maraykanka iyo beesha caalamku in Itoobiya laga
dhaadhiciyo in ay ka waantowdo falalka wax u dhimaya nabadgelyada gobolka
Geeska Afrika.
Israacu waxa uu soo dhowaynayaa Nabadeynta
magaalada Muqdisho ee Midowga Maxaakiimta Soomaaliyeed. Qaadista
jid-gooyooyinka Muqdisho ee xannibay isu-socodka dadweynaha lix iyo tobankii
sano ee la soo dhaafay, iyo ku soo celinta sharciga iyo kala dambaynta
goobaha ay maamulaan, waxa ay abuureen xaalad nabadgelyo, isu-socod iyo
ganacsi. Dib u furista dekedda iyo garoonka caalamiga ah ee Muqdisho iyo
isticmaalkooda ganacsi waxa ay soo celinaysaa haybaddii ay lahayd caasimadda
Muqdisho.
Israaca waxa uu ugu yeerayaa Dowladda
Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in ay
khilaafkooda si nabadgelyo ah iyo wadahadal ugu dhammeeyo, la iskana daayo
hadallada kulul iyo falalka dhaawacaaya dedaalka nabadeed ee lagu xallinayo
mashaakilka Soomaaliya. Isticmaalka ereyada ay ka mid yihiin “Argagixisada”
ama “Dabadhilifka Itoobiya” iwm waxa ay abuurayaan is-aamin la’aan, mana
jirto faa’iido ay soo kordhinayaan. Dhinac walba waa in ay u shaqeeyaan
sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada dabadheeraatay ee Soomaaliya. Waana in
la iska ilaaliyo in khilaafku uu gaaro heer Itoobiya iyo Eritrea ay dalka ka
dhigtaan meel ay ku dagaalamaan.
Israaca waxa uu taageersan yahay sii wadidda
wada-hadalka Khartuum, waana aan soo dhowaynaynaa dedaalka Jaamacadda
Carabta ee arrintan. Waxaanu ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Ku meelgaarka
Soomaaliya iyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah in ay wadahadalka ka soo
qayb geliyaan ururada bulshada, ganacsatada iyo haweenka, sidoo kalena lagu
martigeliyo ka qaybgalka caalamka danaynaaya oo ay ka mid yihiin Midowga
Yurub iyo Maraykanka. Dowladda Federaalka Ku-meelgaarka ah iyo Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah waa in ay dejiyaan ejendahooda wada-hadalka lagana
hortago in danaha sisheeyuhu ay boobaan hadafka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan ugu yeeraynaa beesha caalamku in la sameeyo koox indheergarad
Soomaali ah oo ka qaybgala wadahadalladan, kuwaasoo ujeeddadoodu noqonayso
ilaalinta danaha dadweynaha Soomaaliyeed, labada dhinacna ku hubsan doonaa
mas'uuliyaddooda.
Israacu waxa uu ugu yeerayaa Golaha Ammaanka
ee Qaramada Midoobay in ay sii wadaan xannibaadda hubka ee Soomaaliya. Si
nabad waarta loo helo waxaa lagu gaari karaa in la taageero wadahadallada
nabadeed ee Khartuum ee laguma gaari karo in koox kooxda kale lagu hubeeyo.
Israacu wuxuu ugu yeerayaa Gollaha Ammaanka in uu eego ku xadgudubka
xannibaadda hubka ee Soomaaliya taasoo hurinaysa dagaalka sokeeye. Waxa aanu
rumaysan nahay xayiraadda hubka in la qaado oo keliya marka wada-hadallada
Khartuum ee Dowladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Midowga Maxaakiimta
Soomaaliyeed ay ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay.
Israacu waxa uu ugu yeerayaa Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah in aysan Soomaaliya gabbaad ka dhigan kooxaha iyo
shaqsiyaadka argagixisada ah. Waxa ku jira danta ummadda Soomaaliyeed in
aanu waddanku noqon bartilmaameedka dagaalka argagixisada caalamiga. Inta ka
horreysa, hoggaamiyayaasha Dowladda Federaalka ku-Meelgaarka ah waa in ay
iska daayaan eedaymaha aanan salka lahayn oo ay qaybo bulshada Soomaalida ka
mid ah ugu yeerayaan argagixiso. Hadallada argagaxa ah ee Dowladda
Federaalka Kumeelgaarka ah waa in ay joogsadaan. Dhanka kale, haddii la
xaqiijiyo in ay Soomaaliya joogaan argagixiso ajnabi ah, Midowga Maxaakiimta
Islaamiga ah waa in ay tillaabo xilkas ah qaadaan, lana kaashadaan beesha
caalamka si shaqsiyaadkaas loo soo qabto loona xukumo.
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July
3, 2006
Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan
Soomaaliya.....
Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo
Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii Khartuum.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda
Maraykanka, Tom Casey,
oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay
taageereysaa hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha
Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo keliya
in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha Soomaalida
sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye dhaqameedka, iyo
Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee Kumeelgaarka ah".
Fikradda guud ee USA ee ku aaddan Soomaaliya
ka dhegeyso:
Halkan..... (Real Player) | ama
Halkan...... (MP3).
|