Diktoor
Jaahil
Inj.
Maxamed Cali Cibaar
Delft, Holland
mohamed_ebar@hotmail.com
Aug 2006
Qiimaha ay
aqoontu leedahay waa mid aan la qiyaasi karin oo la wada qirsanyahay, wuxuuna
Quraankeenna Kariimka ahi noo sheegay in aysan sinneyn midka wax yaqaanna (
aqoonyahanka) iyo midka aan wax aqoonnin ( Jaahilka). Sidoo kale
sida ay
Soomaalidu murti ugu tilmaantay: “ Aqoon la’aani waa iftiin la’ aan” ayay
ummadaha kale ee duniduna wada leeyihiin xikamdo ku tilmaamaya cilmiga iftiin
dadka ku haga waddada horumarka iyo liibaanta, Jahligana mugdi dadka u horseeda
luggooyo iyo halaag.
Inkastoo
la isku wada raacsanyahay in uu cilmigu yahay harumar, Jahliguna halaag, haddana
waxaa muuqata in uu culeys ka jiro sidii la isugu waafaqi lahaa: Waa maxay
aqooni, qofkeese lagu tilmaami karaa aqoonyahan?
Waxay ila
tahay in qeexidda rasmiga ah ee aqoonta iyo aqoonyahanka sharraxaadda diinteenna
ka sokow lagala soo dhexbixi karo murtiyada ay ka simanyihiin dadyowga adduunku
kuwaasoo dhammaan tilmaamaya in ay aqoontu tahay iftiin iyo badbaado, Jahliguna
mugdi iyo halaag.
Waxaa la
dhihi karaa aqoonyahanku waa qofka ugu horreyn bartay wax naftiisa waxtar u
leh ( aakhiro iyo adduunba), intaa ka dibna waxtar u leh ummaddiisa. Way dhici
kartaa in waxa waxtar u leh ummad ay dhibaato u yihiin ummad kale maaddaama
aysan ummaduhu isku dan ahayn, sida ummad xaq-u-dirikeedba uu u yahay ummad kale
argagixisadeed.
Haddii
qofku intii uu doonaba wax ha soo bartee wixii uu baranayay ay iftiin yeelan
waayaan, cid kalena iska daaye ay xitaa naftiisa wax tari waayaan, qofkaasi
wuxuu noqonayaa mid mugdi hullaabanaya oo jahli-barasho ku habsaamay, lagumana
tilmaami karo aqoonyahan. Ha qaato shaahaado sare Dr., Inj., Brof. Iyo wixii la
doonana ha lagu magacaabee.
Maxaa lagu
tilmaami karaa shaqsi aqoon ku faanaya oo ay howshiisu yahay inuu ummaddiisa u
garbaduubo cadow aan naxariis la hayn? Maxaa lagu tilmaami karaa midka naf ka
raadinaya burburinta iyo kala qaybinta ummaddiisa isagoo dano shaqsi ka dhex
baarbaaraya is-nacaybka iyo kala fogaanta dadkiisa? Iyadoo la marayo qarnigii
21aad sow la yaab ma aha shaqsi aqoonyahan sheeganaya oo ku xiiqsan afar dhibic
shan iyo annaga reerkeenna oo daba habhable qabqable uu aqriska alifku ku
adagyahay?! Maxaa lagu tilmaami karaa shaqsi uu takhasuskiisu yahay
dabadhilifnimo oo dufan afka loo mariyay uu ku xambaaray inuu la dagaallamo
diinta uu sheeganayo inuu rumeysanyahay? Diktoor aan naftiisa iyo dadkiisa waxba
tarayn oo dullinnimo iyo wax dumin la soo indhacadi miyuusan istaahilin in lagu
magacaabo Dr. Jaahil?!
Haddaan
Soomaali nahay waxaa muddooyinkan dambe aad noogu soo badanaya qolooyinkan Dr.
Jaahillada ah oo aad mooddo in loo soo carbiyay hagardaameynta ummaddooda. Waxay
wax ku soo barteen, ku dallaceen, darajooyin sarena ay ku gaareen canshuur laga
soo faramaroojiyay danyar aad u taagdaran. Laakiin nasiibdarro daryeel waa
halkiisee waxay Dr.Jaahilladu dan moodeeen dibindaabyeynta dadkooda iyo duminta
qarankooda taasoo aan la garan karin waxa ku dirqinaya.
Maansada
Dr. Jaahil oo soo baxday 25kii May 2006, waxay tilmaameysaa dhaqamada foosha xun
ee wax-ma-garatada shaarka aqoonyahan loo geliyay, waxayna weyndiineysaa
weydiimo looga fadhiyo in ay ka warceliyaan. Weydiimahani waxay xambaarsanyihiin
dareenka shacabka dandarreysan ee deyntii laga qabay lagu dulmiyay.
Waxaa duco
iyo amaanba mudan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee xalaasha ah kuwaas oo naftooda
iyo aqoontoodaba u huray badbaadinta ummaddooda oo maanta ku jirta marxalad
adag.
Ninba
wuxuu muteystaa wey ka muuqan doonta !!
Maansaddu
waxay ku billaabanaysaa:
-
Diktoor
Jaahilow jaahil
-
Cadow
jarabaryow jaahil
-
Nuur jaah
leh iyo jaahil
-
Cilmi laga
jiryow jaahil
-
Xume lagu
jafyow jaahil
-
Xishood laga
jaryow jaahil
-
Jihowareersanow jaahil
-
Runta ku
jirradow jaahil
-
Been
jiibiyow hee dheh!
-
-
Diktoor
jaahilow Jaahil
-
Jihaad uma
kacow Jaahil
-
Fulay lagu
jaboo jaahil
-
Jabaqdii
hawada jaahil
-
Ka jaraynayow
Jaahil
-
Naf jacayl u
qabe jaahil
-
Sidu jirayo
abid jaahil
-
Malaggana u
jari jaahil
-
Meel jaquura
iyo jaahil
-
Joodari
dhexdiis jaahil
-
Jalxadaha la
gale jaahil
-
Misna
jaranjariyo jaahil
-
Meelo lagu
jajabo jaahil
-
Jaballada ka
dhace hee dheh!
-
-
Diktoor
Jaahilow Jaahil
-
Jiko qoom
kaliyo jaahil
-
Jasiirado
qalaad jaahil
-
Qurbe jiifsadow
jaahil
-
Jabad reer
hurdow jaahil
-
Jafjafkooda
hara jaahil
-
Lagu jeediyow
jaahil
-
Jugta lagu
hayiyo jaahil
-
Ku joogsiga
ficiis jaahil
-
Jurxayntiyo
yasmada jaahil
-
Gumeysigu ku
jiro jaahil
-
U jadboonayow
hee dheh !
-
-
Diktoor
Jaahilow Jaahil
-
Ilbaxnimo an
jirin jaahil
-
Iyo dhaqamo
jaan jaahil
-
Jakson lagu
daydiyo jaahil
-
Jiinisyo
karkaran jaahil
-
La jaqaafayow
jaahil
-
Jaas kama korow
jaahil
-
Asoo cimri ku
jira jaahil
-
Sidii inan shan
jira jaahil
-
Jibis shiilan
iyo jaahil
-
Jallaatada
qabow Jaahil
-
Jid ku
dhuuqayow hee dheh !
-
-
Diktoor
jaahilow jaahil
-
Joon baa qabiyo
jaahil
-
Filosoof
jirriya jaahil
-
Adoon la
jaqjaqlayn jaahil
-
Joorje ku
wardiyin jaahil
-
Ha
jeesjeesannine jaahil
-
Jimlo qaan ah
iyo jaahil
-
Dayn baad jib
tee jaahil
-
Su’ aalahan
jiroo jaahil
-
Maati jilicsan
iyo jaahil
-
Masaakiintu
jerin jaahil
-
Jawaabtooda
keen Jaahil:
-
-
1.Diktoor
Jaahilow Jaahil
-
Jiritaanki
ruuxdaada
-
Uurkii aad soo
jiiftay
-
Nafaqadii
aad jiidaysay
-
Jugjugtiyo
ciyaartaadii
-
Joogjoogsigii foosha
-
Jiirashiyo
xanuunkeedii
-
Jirro iyo
kadeedkeedii
-
Dhagba taan
u jalaq siinin
-
Marna yuu
jaqiiq oranin
-
Horaad kuu
jaqsiinaysay
-
Jab rootiya
inaad waayin
-
Jeeg caano lagu
kaydsho
-
Dhar jadiida oo
xirato
-
Aabbahii
jarmaadaayay
-
Jactadaayay soo
jeedka
-
Jirrab wixi u
mudanaayay
-
Wuxu halis
jibaaxaayay
-
Juhdigiyo
dadaalkoodu
-
Waa jasaan la
goyn karine
-
Jasaarnimo
halkaad gaartay
-
Markaad jeego
weynaatay
-
Waalidkina da’
aad joogo
-
Tallaabada la
jiisaayo
-
Jiimbaar ka
kici waayay
-
Jeerkaa inaad
hayso
-
Janno qaadir
uga tuugto
-
Jiirnaxoodu waa
meele
-
Inaad jiirto
gabigoodba
-
Jaguugnimo
la soo toosto
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
2. Diktoor
Jaahilow jaahil
-
Miskiin
tacab jibaal haystay
-
Oday kaawo
jebinaayay
-
Ayey xoolo
daba joogtay
-
Danyar
biraha jeexaayay
-
Ama kabaha
jeebaayay
-
Mid kalluun
jillaabaayay
-
Jiingadaha
cashuurtoodii
-
Aad ku
jaqallo buurnaatay
-
Kuwii laga
jujuubaayay
-
Qaar loo
jukeynaayay
-
Subax waliba
waa jaade
-
Cadowgood
hadduu jebiyay
-
Waxa jugug
sawaariikh leh
-
Jibaadkiyo
baroortooda
-
Juuciyo
rafaadkooda
-
Jilaalku
naafeeyay
-
Jadeecada
dhashii laysay
-
Jixiixiida
waayeelka
-
U go’aya jariir
laanta
-
Wuxu tabiyay
Joornaalku
-
Aadanuhu ka
wada jeestay
-
Jiil u kaca
inaad noqoto
-
Jeedaalin
naxariis leh
-
Jiirnaxoodu waa
meele
-
Adoo jeer la
miisaana
-
Juuq inaad
gabtaba ceebta
-
Jiho kale u sii
dhoofto
-
Meel aadan uga
jeedin
-
Ood jaaw tiraa
maanta
-
Jeesteyn ku
kaalmayso
-
Nabsigana la
jaar noqoto
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
3.Diktoor
jaahilow jaahil
-
Nin ibleyku
jiidaayo
-
Shaydaan la
jaanqaaday
-
Wuxuu kibir
is jaakeeyo
-
Wuxu xume
jideeyaaba
-
Wuxu same
jikaaraaba
-
Wuxu eex
janjeeraaba
-
Dadku maaha
jaajuuroo
-
Maalinbey
xisaab jiriyo
-
Isna laga
jaraayaaye
-
Jinsiyada
fadeexoobay
-
Iyo xumaha
loo jeestay
-
Jilitaanka
soconaaya
-
Adoo jaanis
moodaaya
-
Haddaad
waalli dabajoogto
-
Jacda maalin
baad arage
-
Jaajaadan
aad hayso
-
Dhaqankaad
ku jeesjeesi
-
Jus Quraan
inaad cayso
-
Jaamaca
cambaarayso
-
Jaa’ifeyso
diinteenna
-
Culimada
jillaafeyso
-
Ood jalow ku
doondoonto
-
Jarjar kumi
laguu laabo
-
Wax jufeeya haantaada
-
Juuniyaduna
deeqeynin
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
4. Diktoor
Jaahilow jaahil
-
Jabuutida
marsada weyn leh
-
Jigjigiyo illaa
Adari
-
Jiiraha
Togdheer howdka
-
Jowhar wabiga
sii dhaafa
-
Jubba
dacalladiisoo dhan
-
Illaa jiidda
Mooyaale
-
Haddey garasho
soo jeeddo
-
Juhaladuna
talinaynin
-
Waxay
jamasho kuu hayso
-
Jago adiga
kuu qalanta
-
Quud jaadba
jaadkiis ah
-
Guri joogle
oo fooq ah
-
Gaari jiidan
ood wadato
-
Jooharado
nuuraaya
-
Ubax midabka
jeegaan leh
-
Jardiin lagama
waayeeno
-
Juquraafigaa
marag ah
-
Balse jirac
gumeedkiiyow
-
Inaad tahay
waxaan jirino
-
Jug ka gaartay
iimaanka
-
Damiirkiina
jeexjeexay
-
Adigoo jadiin
raadin
-
Jaajuus inaad
noqoto
-
Jirjirroole
yaahuu ah
-
Marba jaakad
soo qaata
-
Dullinnimo u
jannaraala
-
Ummaddiisa
jebinteeda
-
Jaritaanka
ubadkiisa
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
5.Diktoor
Jaahilow jaahil
-
Adigoo rag
jaalkaa ah
-
Heli kara dad
kuu jeellan
-
Jeysh Qaran
difaacaaya
-
Bulsho jecel
samaanteeda
-
Jawi nabada oo
waara
-
Intaad luuq ku
jiireyso
-
Junki wada
daroogeysan
-
Jookar tuug
qamaaraaya
-
Mid islaama
jeebsiibi
-
Balwad oday la
jaamjaamay
-
Jilib weyn
afmiishaar ah
-
Jelbisyadana
soo xulato
-
Jixinjixu ka
wada suulay
-
Oo Jeermiskaba
beera
-
Jah ka siiyay
shacabkeenna
-
Inaad fitnada
joogteyso
-
Jeesba jees ku
naafeeyso
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
6.Diktoor
Jaahilow Jaahil
-
Jabhad
daallimoo liita
-
Jiim
khayrna soo barannin
-
Oon buug xaq
jaadkiisa
-
Jaldigiisa
garaneynin
-
Jiib iyo baroon
qaado
-
Jig ku sii
waxaad aragto
-
Jar naf tahay
aqoontiisu
-
Jacaylkiisu waa
yaabe
-
Yahay duudka
inu jeedsho
-
Lagu raro
jawaan ciida
-
Iyo weliba laba
jaaya
-
Isagoo ku
jaqanjooqa
-
Oo jafaalin
dacaygiisa
-
Jac yiraahdo
qayrkiisu
-
Sii raba waliba
jeedal
-
Dhabarkiis
in lagu jiido
-
Oo jiirku
kala daato
-
Jimicsada
markaa dhiigo
-
Jiriricadu
wada saaqdo
-
Jixjix qosol
macaanaa leh
-
Laafyana ka
jagac siiya
-
Jirroolahaa
xiskii beelay
-
Jinka sheekh
Quraan saara
-
Dhaqtar jarini
waa meele
-
Inaad tahay
waxaan jirinba
-
Laan jaada ood
ruugto
-
Jeeg lacaga oo
beena
-
Jago baas adoo
raadin
-
Hoostiis inaad
jiifto
-
Aabbow jiroo
joogta
-
Jaallowda ugu
heesto
-
Jalbeebada u
xaarxaarto
-
joogga ay
wasakhi gaarto
-
Jamballada
masixiddooda
-
Jalmadaha
shushubiddooda
-
Juxuud noqoto
howshaadu
-
Jadwalkana
lagaa qariyo
-
Jiheeyaha
tilmaantiisa
-
Shisheeyuhu
jartuu dagayo
-
Ood sidii
Jirow yaabban
-
Gudcurrada
ka jiileyso
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
7.Diktoor
Jaahilow Jaahil
-
Jakaarta iyo
Sao Paulo
-
Inta khalqi
Mumbay joogta
-
Sida
Juuj-Wamaa-Juujkii
-
Jaynahan
bilyuun dhaafay
-
Midnimana u
sii jeellan
-
Yurub iney
Jameecowday
-
Jallaad
kaliya loo yeelay
-
Adoo garan
dhan loo jeedo
-
Jeel samada
loo fayday
-
Iyagoo ku
jeebbeysan
-
Jirdil wali u
sii raaco
-
Jisyo aan
dhamaanaynin
-
Dhalanteed u
jeedsiinta
-
Afar jannadi
moodaysa
-
Oo badi wax
jira moog ah
-
Sunta jifida
loo mariyay
-
Jiiraanka
gaadaaya
-
Jalfisada
gondaha taalla
-
Jidhaamaha u
qodan dhiigga
-
Jafka waxa
dugaag buuxa
-
Bahal
jalabuteynaaya
-
Jiir iyo baruur
subag leh
-
Midba Jeeni
rabo qaybta
-
Jundi soo
badbaadshiyo
-
Jalas diga
inaad noqoto
-
Jiirnaxoodu waa
meele
-
Juudaan
dhallaanruugow
-
Halkaad jimic
la’aan gaartay
-
Jar inaad ka
sii tuurto
-
Jahannama
adduun iyo
-
Qabyaaladda
jecleysiiso
-
Shan jab
dhiman ku jaangoyso
-
Reer reer u
kala jiiddo
-
Jilib jilib u
miineyso
-
Jufo waliba
meel aaddo
-
Jaamuus noqdaan
yaaci
-
Cadowgoodu
jaabeysto
-
Marba qaar u
juruq siiyo
-
Adna jinow
dhanaan iyo
-
Laqanyada wax
joojinaya
-
jeex babaaya
aad noqoto
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamacadahee
dhigaya?
-
-
Dr. Jaahilow
jaahil
-
Waa adiga
jeebkaaye
-
Jaamicadahee
dhigaya?
---------------------------
Dhammaad
Inj.
Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_Ebar@hotmail.com
www.Samaddoon.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July
3, 2006
Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan
Soomaaliya.....
Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo
Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii Khartuum.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda
Maraykanka, Tom Casey,
oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay
taageereysaa hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha
Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo keliya
in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha Soomaalida
sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye dhaqameedka, iyo
Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee Kumeelgaarka ah".
Fikradda guud ee USA ee ku aaddan Soomaaliya
ka dhegeyso:
Halkan..... (Real Player) | ama
Halkan...... (MP3).
|