SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: August 2, 2006

  • Kacdoon Diimeed oo ka socda magaalo madaxda Gobalka Ju/Hoose..

  • Ra段sul Wasaare Geeddi oo doonaya in uu dowladiisa isku shaandheeyo, isla markaana..

  • Shirkii Wadamada IGAD oo la sheegay in uu hareeyay khilaaf ku aadan..

  • Wasiiro Farabadan oo markale is casiley ka dib markii. 


Kacdoon Diimeed oo ka socda magaalo madaxda Gobalka Ju/Hoose..

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo, waxay sheegayaan in magaaladaas ay ka socdaan kacdoon diimeed oo la xiriira kii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana habeen dhaweyd Magaalada Kismaayo lagu daadiyay waraaqo lagaga dalbanayo Barre Hiiraale in uu labo mid raaco in uu Dowladda Raaco iyo in uu Maxaakiimta islaamiga ah raaco.

Waraaqahaasi ayaa la sheegay inay daadiyeen kooxo wadaado ah oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadii isbahaysigii Dooxadda Jubba qaar ka mid ah ay ka soo guureen Magaalada Kismaayo oo ay soo degeen Jilib.

Barre oo waayadan xiriir la lahaa Dowladda Federaalka ayaa waxaa la sheegay in dhawaan ay ka degtay Kismaayo  Diyaarada waday hub oo la sheegay inay ka timid dalka Itoobiya, hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegeen in diyaaraddaasi ay ka timid magaalada Baydhabo.

Waxaa la filayaa in dhawaan Magaalada Muqdisho looga dhawaaqo maxkamad Islaami ah oo fadhigoodu noqon Magaalada Kismaayo, taas oo la doonayo in halkaasi la gaarsiiyo.

Ra段sul Wasaare Geeddi oo doonaya in uu dowladiisa isku shaandheeyo, isla markaana..

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Ra段sul Wasaare oo dhawaan ka badbaaday in dowladdiisu dhacdo ayaa haatan waxa uu wadaa qorshe ah sidii uu isugu soo shaadheyn lahaa kaddib markii Xukuumaddiisa ay iska casileen ilaa iyo 25 wasiir.

Xafiiska Ra段sul Wasaaraha waxaa yaala codsiya kaga yimid qaar ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed, kuwaas oo durbaba soo magacaabay raggii bedeli lahaa ragga is casilay, hase yeeshee Xubnihii horey isku casilaya ayaa iyana waxay wadaan shirar ay la leeyihiin Xildhibaanada beelahooda kuwaas oo ay ka dhaadhicanayaan in aysan wax xil ah ka qaban Dowladda Cali Max弾d Geeddi .

Ra段sul Wasaare Geeddi ayaa la sheegay inuu Dowladdisa gebi ahaanba ka saari doono Wasiiru Dowlayaasha, isago ku bedeli doona wasiir ku xigeeno, sidoo kale Ra段sul Wasaare Geedi waxaa la sheegay in uu doonayo in Dowladiisa uu dib ugu soo celiyo raggii horey ay Dowladdu u erisay ama ay xilalka uga qaaday ee dagaalka la galay Golaha Maxaakiimta, kuwaas oo qaarkood haatan ku sugan Magaalada Baydhabo, sidaa darteed Cali Max弾d Geeddi waxaa hor yaala caqabado aad u fara badan, taaas oo la sheegay in ay ku adkaan doonto sidii uu uga gudbi lahaa iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay Dowladdisa iska casilayaan Wasiiro iyo wasiiro ku xigeeno.

Shirkii Wadamada IGAD oo la sheegay in uu hareeyay khilaaf ku aadan..

Waxaa Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya ka socda shir ay leeyihiin Wasiirada arrimaha Dibadda ee wadamada IGAD, waxaana shirkaasi xoogiisa looga hadlayaa arrimo la xiriira, xaaladda Soomaaliya, kaddib markii uu is bedel weyn ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Warar aanu ka helnay Magaalada Nayroobi ayaa waxay sheegayaan in Dowladaha IGAD ay ku kala qaybsameen, iyadoo wadamada Ereteriya, Jabuuti iyo Suudaan ku eedeeyeen Dowladda Itoobiya in ay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ciidamadeedu galeen gudaha soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Itoobiya sababaha ay ciidamadeeda ugu dirtay ay tahay sidii ay isaga difaaci lahayd wax ay ugu yeertay kooxaha argagixiso ah oo doonaya in ay ka soo gudbaan gudaha, waxa uuna isna Ereteriya ku eedeeyay in ay faragelin ku hayso Soomaaliya.

Dowladaha IGAD ayaa la filayaa inay soo saaraan go誕an ah  in Soomaaliya aan loo dirin ciidamo ka socda wadamada IGAD gaar ahaan kuwa safka hore.

Dharbaaxo kale oo ku dhacday Ra段sul Cali Geedi..

Ra段sul Wasaare Geeddi oo dhawaan ka badbaaday in Dowladdiisu ay dhacdo ayaa maalintii shalay ahayd waxaa ku dhacday dharbaaxo kaddib markii afar wasiir ay iska casileen xilalkoodii, kuwaas oo Dowladda ku eedeeyay in ay ka gaabisay arrimaha dibuheshiisiinta iyo isku soo dhawaanshaha shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay ku eedeeyeen in ay ku xadgudubtay axdigii lagu sameeyay shirkii Nayroobi, sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay soo gudbinweysay dhaqaalihii soo galay Dowladda, waxayna Wasiiradaasi kala yihiin.

 Maxamuud Salaad Nuur Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Siciid Xasan Shire Wasiir kuxigeenka Horumarinta reer Miyiga,  Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenka lacagta, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha. 

Wasiiro Farabadan oo markale is casiley ka dib markii. 

Dowladda Cali Max弾d Geeddi ayaa labadan maalmood waxaa soo wajahay dhibaatooyin xoog leh, kaddib markii si isdaba joog ah ay isku casliyaaan wasiiradiisii, kuwaas oo ku eedeeyay Ra段sul Wasaaraha in uu ka gaabiyay dibuheshiisiina ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu diiday in uu golaha Xukuumadda la tashadayo, waxayna Wasiirada xoogoodu is casleen xalay, kaddib markii Ra段sul Wasaaruhu uu sheegay in mar kale dib loogu dhigo kulankii Khartuu, hase yeeshee wararka naga soo gaaraya Magaalada Khartuum waxay sheegayaan in Mas置uliyiinta sarsare ee Dowladda ku kala qaybsameen ka qaybalka kulanka Khartuum waxaana saacadaha soo socda ka ambabixi doona Wafdi uu hogaaminayo Shariif Sheekh Xasan Aadan oo sheegay in uu ka qaybgalayo kulankaasi, waxayna kala yihiin wasiirada is casilay

Maxamuud Salaad Nuur Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Siciid Xasan Shire Wasiir kuxigeenka Horumarinta reer Miyiga,  Mire Xaaji Faarax Wasiir ku xigeenka lacagta, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer) Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha.

Waxaa kaloo is casilay wasiirkii Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Xasan Abshir iyo dhowr kale oo wasiiro ku xigeeno ah, waxaana sacaadaha soo socda is casili doona wasiiro kale oo aan ku qanacsaneyn sida uu howsha u wado Cali Max弾d Geeddi. (Ilaa hadda waxaa la sheegay in ay dowlada iska casileen  ilaa soddon wasiir, wasiir dowlayaal iyo wasiir xigeenno).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

WARSAXAAFADEED: XAFIISKA QARAMADDA MIDDOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA
Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda Middobay u qaablisan arrimaha Somalia ayaa... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2006

Fikradda Dowladda Maraykanka ee ku Aaddan Soomaaliya.....

Dowladda Maraykanku waxa ay DFKMG iyo Maxkamadaha Islaamiga ugu baaqday in ay dib u bilaabaan wada hadalkii Khartuum.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibadda Maraykanka, Tom Casey, oo ka hadlayey arrimaha Soomaaliya ayaa yiri: "Dowladda Maraykanku waxa ay taageereysaa hirgelinta dowlad shaqayneysa oo ay ka mid yihiin dhammaan qaybaha Soomaaliya." Waxana uu intaas ku daray "Sidaas waxaa lagu gaari karaa oo keliya in la yeesho wadahadal guud oo ay ka qayb qaataan dhamman qaybaha Soomaalida sida bulshada rayidka ah, haweenka, ganacsatada, hoggaamiye dhaqameedka, iyo Maxaakiimta Islaamiga & Hay'adaha Federaalka ee Kumeelgaarka ah".

Fikradda guud ee USA ee ku aaddan Soomaaliya ka dhegeyso: Halkan..... (Real Player) | ama Halkan...... (MP3).

Kulan Cilmiyeed Dhowaan ka Furmi Doona Magaalada Qardho
Degmada Qardho iyo qaar kale oo kamid ah magaalooyinka gobollada w/bari  waxaa diyaar garow loogu jiraa.. AKhri Aug 2

IGAD oo ka shiraysa Arrimaha Soomaaliya
Fikradda Dowladda USA ee ku aaddan Soomaaliya
Dagaallo ciidammada Itoobiya lagu jabiyay....
USA oo Itoobiya ka dalbay inay faraha kala baxdo Somalia..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI Agoosto1

 

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD