Degmada Qardho iyo qaar kale oo
kamid ah magaalooyinka gobollada waqooyi bari ee Soomaaliya waxaa diyaar
garow adag loogu jiraa, qabashada nadwo diini ah oo haddii Alle idmo ka
dhici doonta Masjidka Cumar bin Al-Khatdaab ee degmada Qardho. Kulan
cilmiyeedkan oo furmi doona habeenka sabtidu soo galeyso ee taariikhdu tahay
10/07/1427H oo ku beegan 04/08/2006 ayaa haddii Alle idmo lagu wadaa in uu
socdo inta u dhexeysa 10/07/1427H-17/07/1427H oo ku beegan
04/08/2006-11/08/2006. Kulan diineedkan ayaa ah kii saddexaad ee noociisa ah
ee lagu qabto magalada Qardho. Tiro aad u badan oo dadweynaha magaalada ah
ayaa si aad u xiiso badan u daneynaya kulan cilmiyeedkan si ay aqoon diineed
uga kororsadaan.
Ujeeddada laga leeyahay kulan
cilmiyeedkan ayaa ah:
-
Gudashada waajibka culimada
ka saaran faafinta iyo u caddeynta bulshada arrimaha diintooda.
-
Xallinta dhibaatooyinka iyo
ka sixitaanka bulshada qaladaadka xagga diinta ah iyo in looga digo bidcada iyo
dadkeedaba.
-
Gudasha waajibka bulshada ka
saaran barashada iyo sare u qaadidda aqoontooda diineed, gaar ahaan dadweynaha
ku dhaqan degmada Qardho iyo nawaaxigeeda oo ah kuwa iyagu haatan nasiibka u
yeeshay in ay usoo martiyeen culimaa’uddiin ula diyaar ah in ay ugu deeqaan
waqtigooda iyo cilmigoodaba.
Kulan cilmiyeedka waxaa dhinac
socon doona siminaar loo qaban doono dhallinyarada iyo ardeyda wax ka barata
iskuullada. Waxaa iyagana siminaar kaa la mid ah loo furayaa dumarka oo qaadan
doona muxaadaraad iyo duruus kale oo wax ku ool ah.
Kulan cilmiyeedka sanadkan ayaa
cinwaankiisu yahay:-Fahamka saxda ah ee manhajka ahlussunnah waljamaacah,
kaasoo ay culimadu ku falanqeyn doonaan mawaadiic bulshadu aad ugu baahi qabto
ayna ka mid yihiin:-
-
Ku xad-gudubka diinta
-
Dulmiga iyo cidhib xumadiisa
-
Dhexdhexaadnimada Islaamku u
dhexeeyo xadgudub iyo gaboodfal
-
Waajibnimada isku xukunka shareecada islaamka
-
Iyo kuwo kale oo badan.
Kulan cilmiyeedkan ka furmi doona
Qardho ayaa mawaadiicdaa aynu kor ku xusnay iyo casharro kale oo diini ahba
waxaa ka soo jeedin doona qaar kamid ah culimada waaweyn ee soomaaliyeed, gaar
ahaan kuwa ku dhaqan gobollada waqooyi bari oo kala ah:-
-
1) Sheekh C/qaadir Nuur
Faarax
-
2) Sheekh Aw-Axmed Xaaji C/raxmaan
-
3) Sheekh
C/naasir Xaaji Axmed
-
4) Sheekh
Axmed-Daahir Xasan Xuseen
-
5) Sheekh
Daahir Aw-Cabdi
-
6) Dr. C/qaadir
Muxammad Cabdallah
-
7) Sheekh
C/laahi Cali Xaashi
Kulan
cilmiyeedkan ayaa si toos ah looga baahin doonaa khadadka teleefannada Golis iyo
Somtel, taasoo suurtagal ka dhigeysa in nadwada laga dhegeysto dhammaan
degmooyinka gobollada W/bari ee Soomaaliya. Waxaa iyadana si toos ah u tabin
doonta idaacadaha laga dhegeysto magaalooyinka waaweyn ee gobolladan. Waxaa
sidaa si la mid ah nadwadan laga baahin doonaa qeybta telefishinka magaalada
Boosaaso iyo shabakadaha internetka gaar ahaan qowladaha Paltalk-ga.
Qoraalkan kala
xiriir:
Cabdiqani Maxamed
abdiqanim@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | July 2,
2006
Diyaarada
Jubba Airways oo noqotey Diyaaradii ugu horeeysey oo ganacsiga ah oo 11-sano
kaddib...
»C/llaahi Yuusuf oo soo
dhaweeyay Kalsoonidii uu ka helay..
»Ma dhabbaa in
Ciidamada itoobiya ay ka Bexeen Qaybo..
»Banaanbax lagu
taageerayo Geeddi oo ka dhacay..
»London: Mudaaharaad
looga soo Horjeedo Itoobiya...
»Garaad Jaamac iyo
safarkiisii beerta nabada...
Wararkii oo dhan
ka akhri halkan.... July 31
Range Resources oo
si Qarsoodi ah dad ugu dirsatay Degaanka Buruc...
Shacabkuna ay Arrintaas ka digeen...
Akhri...
July 31
Ra'iisul Wasaare
Geedi oo ka Badbaadey in Xilka laga qaado kadib markii …
88 xildhibaan ayaa u codeyey in xilka loo daayo, halka
126 xildhibaan u codeeyeen in xilka laga qaado...
AKhri…
July 29
Ra'iisul wasaare
Geeddi oo Eedeeyey Masar, Liibiya iyo Iiraan...
»Cabdalla Deerow muxuu
aaminsanaa intii aan la dilin..
»Ma dhabaa in
Madaxweyne C/llahi uu habeen ku soo baryey
»Maxkamadaha Islaamiga
ah oo u digay dadka ku ganacsada..
»Cali Max’ed Geeddi oo
kulamo gooni gooni aha la leh.
»Warar ku saabsan
Xaaladda Magaalada Byadhabo...
Wararka oo dhan
ka akhri halkan.... July 30
Golaha Wakiilada DGPL oo Madaxtooyada Puntland dib ugu Ceshay Xeer Oranayay
in Garsoorku uu hoos-yimaado
Wasaarada Caddaalada
Akhri