SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Maanta iyo wararka Caalamka

Waxaa diyaarisay; Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com


 
Wararkii Isniintii 1.5.2006
 
Iiraan oo lugu eedeynayo iney dad ku leysay gudaha dalkaasi Ciraaq
 
 
Hogaamiye ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee KKP ayaa sheegay in ciidamada Iiraaniyiinta ay gudaha dhulka Kurdiyiinta ku dishay ka tirsan jabhadaasi halka qaar kale oo ka tirsan dadka deegaankana ay guryahooda ka carareen kadib weeraradaasi. Weerarka ay soo qaadeen ciidamada Iraaniyiinta ayaa hogaamiyaha oo u wararmayey wakaalada wararka AFP sheegay iney socotay saacado badan habeenimadii isniinta soo galeysay.
Wasaarada gaashingta ee Ciraaqiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in Iraan xadgudub ku sameysay dalkooda iyadoo weerar qaatay 24 saac ay ka geysatay deegaanada kurdidu degto ee waqooyiga Ciraaq. Iiraan habayaratee  eedeymahan kama hadlin.
 
 
Mareykanka ay ka dhacayaan banaanbaxyo lugu taageerayo soogalootiga
 
Boqolaal kun oo ka tirsan ajanabiga dalkaasi Mareykanka ayaa lugu wadaa iney maanta dibad baxyo ka dhigaan dhamaan gobolada dalkaasi ka kooban yahay. Dibad baxan ayaa loogu magac darray "Maalintii la'aanta ajaanibta" ayaa hey'adihii soo qaban qaabiyey ku baaqeen in iyadoo muraal taageero ah la siinayo soo galootiga dalkaasi ay dadka ka joogaan shaqada, carruurtana loo dirin iskuulada iyo sidoo kale aan dukaamanka adeeg laga doonan, taasoo muujineysa bey yirahdeen awooda dhaqaale ee dadka soo galootiga wadankaasi ay ku leeyihiin.
Ujeeda kooxahan ku baaqay banaanbaxa ayaa sheegay iney tahay in dowlada dalkaasi ay nidaamkii ay dhawaan soo rogtay wax ka badasho si dhamaan dadka sharci darrada ku soo galay dalkaasi ay u helaan joogitaan sharci ah. Warshado badan oo ka tirsan dalkaasi islamarkaasina shaqaalihiisa siiya lacago aan buurneyn ayaa iyagana sheegay iney xirayaan warshadooda si ay u taageeraan dadka soo galootiga ah.
 
  Shiinaha oo dabacsanaan u muujiyey muranka Nukliyeerka Iiraan
 
 
Danjiraha Shiinaha ee u fadhiya Qaramada Midoobey Wang Guangya ayaa sheegay iney tahay arrin qatarteeda wadata haddii golluhu isku dayo inuu cuno qabateyn ku soo rogo dalkaasi Ciraaq oo naaxitan macdanta Yuraanimka muran weyni ka taagan tahay.
 
"Arrintan gebi ahaan waxaa lugu xalin karaa hab dilomaasiyadeed" ayuu yiri Wang Guangya oo u waramayey warfidiyeeno isagoo ku suganaa gobolka Chicago ee dalka Mareykanka.
Dhinaca kale waxa uu hoosta ka xariiqay in hey'ada quwada caalamiga ah ee Atoomikada ay si buuxda u kormeeri karrto howlaha Iiraan ee nukliyeerkeeda si aysan u iman buu yiri danjiruhu in heshiiskii hore aan habacsanaan ku iman. Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa u arka in Shiinaha uu dabacsanaan weyn arrintani u muujinayo isagoo weliba lugu eedeynayo in ka cago jiidayo cunoqabateyn lugu soo rogo dalkaasi.
 

Wararkii 30 April

Shil baabuur oo dad badani ay ugu dhinteen Bosniya

 
 
 
Dad badan ayaa lugu soo waramayaa iny shil baabuur ku geeriyoodeen soddomeeyo kalena ay ku dhawaacmeen shil baabuur oo ka dhacay meel jaziirad aheyd oo ku tiilay beriga dalkaasi Bosniya goor dambe caawa ah. Baskan qalibmay ayaa la sheegay inuu ku socday magaalada Begareyd ee xarunta ah wadankaasi Yogoslaafiya. Afhayeen u hadlay booliska  Sarajevo ayaa sheegay in baskaasi ay saarnaayeen 50 meeyo rakaab ah mana kala cada ayuu yiri afhayeenka dadkaasi ku waxyeeloobay shilkan bas iney dalal kale ka yimaadeen balse waxa uu sheegay in hal qof laweysan yahay shilkaasi ka gadaal.
 
               Masar oo ku raad joogto dad ay argagaxiso ku sheegtay
 
Ciidamada amaanka Masaarida ayaa toddobo dilay nin oo dableey ah loo maleynayo inuu ka tirsan yahay kooxaha hubeysan oo lugu tuhmayo iney weeraro ka geysateen deegaanka Dahab ee toddobaadkii hore ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday goobo ay dalxiisayaal shisheeye ah u badnaayeen.
Wakaalada wararka AP oo dhacdadan ka hadashay ayaa sheegtay  ciidamada amaanka iyo ragg hubeysan ay  tacshiirado isku weydaarsadeen magaalada Magharaoo ku taala deegaanada Siinaay halkaasoo la sheegay iney ku dhuumaaleysanayaan kooxaha ka dambeeyey falkaasi ee la tuhmayo.
Masar tan iyo sanadkii hore waxaa ka dhacay qaraxyo lala beegsado dalxiisayaalka shisheeye ee dalkeeda jooga gaar ahaan deegaankaasi Dahab iyo Sharam El Sheekh  oo dad badani ku dhinteen kuwaasoo u badan dalxiisayaal reer galbeed ah. 
 
 
Wararkii Axada 30.4.2006
 
            Denmark oo ciidamadeeda qorsheyneysa iney kasoo saarto Ciraaq
 
 
Dowlada dalkaasi Denmark ayaa la sheegay iney boqol kamid ah ciidamadeeda ka jooga dalkaasi Ciraaq ka soo saareyso ka hor intaan la gaarin dhamaadka sanadkan 2006-da.
Telefeyshinka dalkaasi oo amuurtan shaaciyey ayaa sheegay in baarlaamanka dalkaasi looga munaaqishoon doono arrimaha ay kamid yihiin hanaan siyaasadeed oo cusub dowladu ku dooneyso iney wax kaga badasho istraajiyada siyaasadeed ee ku wajahan dalka Ciraaq.
Wasiirka arrimaha dibada dalkaasi oo telfeyshinka wareysi siiyey ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo hindisahaasi cusub balse waxa uu sheegay in dhawaan dowladiisu ay war ka soo saari doonto.
Kahor intaan la qaadin duulkaankii gardarada ahaa ee Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa dowlada dalkaasi oo taageero dhinaca ciidan siineysa go'aan ku gaartay in ciidamo gaaraya 550 askari loo dirro dalka Ciraaq.
 
 
Mareykanka oo dib u dhigay sii deeynta maxaabiista Guantanamo bay
 
Xabsiga  Guantanmo bey ee  ku yaala jaziirada dalkaasi Kubayaa ayaa markaad eegto warbixinada ay ka sheegayaaan maxaabiista halkaasi horey ugu jirtay  tilmaameyaan iney tahay cadaab darran lana mid ah midka fadeexadiisa soo banabxday ee Abuu gureyb, inkastoo Abuu Gareyb uusan la mid aheyn kan Guantanmo ku yaala oo sir badan oo sirdoonka Mareykanka ay yaaliin hadana cabashada ka soo yeereysa maxaabiistaas  halkaasu lugu hayo ee  dhinaca bani'aadnimada  tahay mid ay kawada siman yihiin, saas oo ay tahayan sawiro dadka argagax geliya lagama hayo Guantamo marka laga reebo in la arko muuqa dad xiran dhar casaan ah oo afka duuban eyna ku gaaf meerayaan ciidamo hubeysan.
 
Wargeyska  New York Times ayaa qoray in dowlada Washington oo horey u qorsheysay iney ooda ka qaado qaar badan oo ka tirsan maxaabiista tiradooda gaareyso 500 ee halkaasi lugu hayo dib u dhac ku yimid sii deyntooda kadib markii ay sheegtay in maxaabiistaasi aysan si bani'aadnimo leh kala kulmeeyn dalalka ay ka yimaadeen taasina ay ku heyso wel wel waa sida jariiradadu xustaye.
Bishii febraayo ee sanadkan Pentogon sheegtay in 150 maxbuus ay sii deyneyso marka uu af garad wanagasan oo la xirriira qaabka loola macaamil toonayo maxaabiistaasi ay wada gaaranan dowladaha ay ka yimaadeen taaso ay Pentogon sheegtay iney adkeyd in hello damaanad qaad buuxda. Xukuumada Washington waxey horey siideysay 267 maxbuus oo ka tirsan maxaabista laga soo aruuriyey dagaalkii Afgaanistaan kuwaasoo ay ku sheegtay iney yihiin argagaxiso.
 

Wararkii Maanta 28.4.2006 

 
      Dowlada Sweden oo diiday codsi uga yimid urrurada Islaamka ee dalkeeda
 
Dowlada Sweden ayaa gaashaanka ku dhifatay codsi uga yimid urrurada Islaamka kuwaasoo ay ku doonayeen iney sameystaan sharciyo u gaar ah. Midowga urrada Islaamka Sweden ayaa gudoomiyaheeda warqad cosdi ah u diray asxaabta siyaasadeed ee baarlamkaanka ku jira kuwaasoo ugu baaqay in muslimiinta dalkan loo sameeyo sharciyo u gaar ah. Midowga muslimiinta Sweden ayaa waxey codsadeen in ka badan 70.000 oo muslimiin xubina ka ah urrurka ay doonayaan in doonayaan waxyaabaha ay ka mid yihiin faruunta noqdo mid uu cadeeyo imaamyada masaajidada.
 
Sidoo kale ayuu gudoomiyaha Midowga muslimiinta Sweden warqadii uu diray siyaasiinta wadankan kaga codsaday in maalinta jimcaha, munaasabadaha ciidaha ay helaan fasaxyo u gaar ah sidoo kale wuxuu codsaday in imaamyada wadankan ay carruurta iskuulada dowlada ay carruurta wax u dhigi karaan. Dumarka oo ay habeenada markey tahay helaan meelo u gaar ah oo ay ku dabaashaan iyo in lacagta lugu dhisayo masjidka Ilaahey oo ay deyn ahaanta dowlada kaga qaadaan aan haba yaraatee wax ribo ah la saarin.
"Aniga codsan mayo sharciyo u gaar ah muslimiinta balse waxaan doonayaa in sharciyadeena ay la jaan qaadan dalkan si muslmiinta laga tiro badan yahay ee ay u dareemaan amaan" ayuu yiri Mahmoud Albede oo u waramayey Idaacada Sweden qeybteeda wararka ee Ekot.
 
Dhinaca kale Mahmoud Albede waxa uu sheegay inuusan ogeysooneyn inta ku taageertay arrintan, balse waxa uu tibaaxay inuu qaatay codsiyadii iyo su'aalihii ay dad badani u soo gudbiyeen.
Wasiirka isdhexgalka iyo sinaanta dalkan ninka la yiraahdo Jens Orback  ayaa xalay goor dame waxa uu mucaariday codsiga uga yimid Midowga Islaamka "Uma baahna Sweden shirciyo qaas ah in la soo rogo waxaana u baahanahay inaan dhamaanteen u wada sinaano sharciga aan muddo dheer u soo halgameynay" ayu yiri wasiirka oo muujiyey in Sweden haatan aysan diyaar u aheyn in fuliso codsiyo noocaas ah.
 
Tan iyo markuu gudoomiyaha Midowga Muslimiinta Sweden  shalay oo khamiis aheyd shaaca ka qaaday inuu doonayo in muslimiinta wadankan yeeshaan sharciyo u gaar ah d ayaa durba waxaa  soo yeeray qeylo dhaan kale oo ka timid urrurada kale ee Islaamka ah ee hoos taga Midowga Muslimiinta kuwaasoo si weyn u mucaariday hadalka ka soo yeeray gudoomiyaha.
Abd Al Haqq Kielan oo isagu madax ka ah urrurka la yiraahdo (Svenska islamiska samfundet) oo isagana u waramayey Idaacada Sweden ayaa sheegay inuusan jirin dad soo gudbiyey codsiyadda la sheegayo ee ah in sharuuc qaas ah muslimiintu yeeshaan. Sidoo kale hey'ada la yiraahdo Paraply Organisation ayaa iyagana cambaareyn kulul dusha uga tuuray Midowga muslimiinta codsigaaasi waxaana ay sheegeen in maanta oo jimco ah ay yeelanayaan kulan deg deg ah oo looga munaaqishoonayo amuurtan taagan.
 
               Doonidii labaad oo ku degta harrada Viktooriya 
 
Booliska dalka Tansaaniya ayaa maanta oo jimcaha sheegay in doon kuwa rakaabka ah ku degtay harrada Victoria. Sidoo kale wargeyska maalin laha ee la yiraahdo Mwananchi ayaa qoray in 28 qof ku dhinteen shilkaasi doomeed balse tiradaasi wargeysku qoray ma ahan mid sax ah.
Wakaalada wararka Reuters oo dhacdadan soo tebisay ayaa sheegtay in goobta shilku ka dhacay ay aheyd dhinaca Tansaaniya ilaa iyo haatana lama oga waxa sababay doonidaasi ku degtay harada Victoria. Harada Victoria ayaa mara wadamada Kenya Tansaniya iyo Ugandha, inta badana waxaa ka dhaca haradaasi shilal doomood oo qasaaro maal iyo moodba leh geystay saxaafada gudaha ee dalalkaasina waxey sheegeen dad boqolaal gaaraya iney ku dhinteen haradaasi. 
 
                  Indoonisiya oo nin ugu dhintay hargabka shimbiraha
 
Wasaarada caafimaadka dalkaasi ayaa maanta oo jimco ah shaaca ka qaaday in nin sodon jir ah ugu dhintay hargabka shimbiraha kadib markii baaritaan lugu sameeyey lugu ogaaday.
Natiijadii kasoo baxday baaritaanka ninkaasi ayaa loo dirayaa xarunta Qaramada Midoobey ee caafimaadka u qaabilsan ee ay ku leedahay jaziirada Hong Kong si warbixintaasi loo diiwaan geliyo. Haddii natiijadaasi noqoto mid hubaanti ah wuxuu noqonayaan qofkii 25-aad ee ugu dhinta cudurkaasi hargabka shimbiraha ee meelo badan oo caalamka kamid ah saameyn ku yeeshay.
 
Wararkii 27.4.2006
 
                          Weriyeyaal Denish oo la xabsiga loo taxaabayo 
 
Labo weriye oo ka tirsan wargeyska la yiraahdo Berlingske Tidende ayaa xeer ilaaliyaha baarlamaanka wadankaasi go'aansaday in dib loo soo nooleeyo dacwad horey ugu socotay labadaasi weriye kadib markii warbixino la xirriira howlaha qarsoodiga ah ee wasaarada gaashaandhiga dalkaasi ay ku soo daabaceen wargeyska ay ka tirsanaayeen.
Weriyeyaashan ayaa loo heysaa iney daabaceen warar la xiriira hubka wax gumaada ee la sheegay in laga helay dalkaasi Ciraaq qiilna looga dhigtay dagaalkii gardarada ahaa ee lugu qaaday.
 
Sidoo kale sarkaal ka tirsan wasaarada gaashaandhiga ayaa isagana lugu xukumay afar bilood oo xarig ah kadib wararkii weriyeyaashaasi daabaceen ay kasoo xigteen sarkaalkaasi. Xeer ilaaliyaha ayaa ku doodaya in labadan weriye xabsiga la dhigo kadib markii ay sameeyeen waxa uu ku sheegay xadgudub howlaha melateri ee dowlada dalkaasi.
 
Mareykanka oo cadaadis saaraya kooxihii ka dambeeyey dilkii Rafiiqal Xariiriga Lubnaan.
 
Inkastoo tuhunka iyo in qiil loogu hello dagaal lugu qaado Suuriya ay tahay mid waadix ah hadana ilaa iyo iminka  aysan jirin cid si toos ah farta loogu fiiqay iney ka dambeysay dilkii lo geystay ra'iisal wasaarihii Lubaan.  Hadana dowladaha colka la ah Suuriya weji ka duwan tan maanta taagan ayey aaminsan yihiin. Sidaas oo ay tahayna dowlada Washington waxey isku day iney saaxiib la noqoto cidkasta oo ay u aragto iney gacan weyn ka geysan karto  qorshayaasha qarsoon ee lala maagan yahay dowlada haatan talada heysa ee Basharal Asad madaxda ka yahay.
 
Madaxweyne Bush-ka Mareykanka waxa uu shalay amray in gebi ahanaba la xanibo dhaqaalaha kooxaha loo maleynayo iney ku lug lahaayeen dilkii Xariiri, waxaana uu Bush ku sheegay xanibaadaasi dhaqaale mid gacan ka geysaneysa baaritaankooda la xirriira amuurtaasi islamarkaasina taageero u ah dowlada Beyruut oo iyadu horey u codsatay.
Warbixinta amuurtan la xirriirta ma aysan sheegin shaqsiyaad iyo kooxo si toos ah loo tilmaamay balse waxey daba taagan tahay warbixintii Qaramada Midoobey ee ay horey uga soo saartay taasoo laftooda tilmaameysa iney jiraan shaqsiyaad u dhashay Lubaan iyo Suuriya ay ka dambeeyaan dilkii ra'iisal wasaarihii hore ee Rafiiqal Xariirrii!.
Bishii febraayo ee sanadkii hore ee Xarriiri la lugu dilay bartamaha magaalada Beyruut ee caasimada ah dalkaasi Lubnaan. 
 
Wararkii 26.4.2006 
 
                Abuu Maazin oo diyaar u ah wadahalo uu la yeesho Israa'iil 
 
Hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas (Abuu Maazin) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wahadal uu la yeesho mas'uuliyiinta Tale Aviv hadalkani ayaa soo baxay kadib markii uu kula kulmay magaalada Oslo wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Jonas Gahr Störe. Wasiirka ayaa horey u sheegay in sharuudaha dhaqaale ee ay dowladiisa siineyso ururka Xamaas ay ku xiran tahay aqoonsi ay siiso Israa'iil.
Maxamuud oo booqasho ku tagay wadanka Norway ayaa ka codsaday masuuliyiinta dalkaasi iney texgeliyaan codka aqabiyada leh ee shacabka reer Falastiin ku doorteen urruruka Xamaas. Abuu Maazin ayaa sidoo kale socdaalo kala duwan ku maraya wadamada  Filand iyo Faransiiska oo qeyb ka ah socdoolo uu ku kala bixinayo dalal dhowr ah oo reer galbeed ah si uu taageero ugu raadiyo dowladisa islamarkaasina ay cuno qabanteynta dhaqaale ka qaadan Xamaas.
 
                Rice iyo Rumsfeld oo booqasho kedis ah ku tagay Bakhdaad
 
Magaalada xarunta u ah wadanka Ciraaq ayaa waxaa booqasho kedis ah oo aan horey loo sii shaacin ku tagay xoghayaha arrimaha dibada iyo gaashaandhiga Mareykanka ee Donald Rumsfeld iyo Condoleezza Rice waxaana ay booqashadoodu aheyd midey ku muujinayeen taageeradooda dowlada Jalaal Talabaani.
Rumsfeld oo goor aroor ah ku yimid diyaarad melateri ayaa lix saacadood kadib waxa uu horey u siiraacay Rice. Inkastoo booqashadani aheyd mid kedis ah hadana iyadoo aan la inkiri karrin amaan xumada ka jirta guud ahaan dalkaas ayaa waxaa Mareykanka iyo xukuumada maqaar saarka ah ee Mareykanku meesha ka dhigeen wel wel ku haya dagaalada u dhaxeeya sunniyiinta dalkaas iyo shiicada oo dhowr jeer weeraro aargoosi ah la beegsaday goobaha lugu cibaadeysto ee masaajidada ah. Si toos ah looma shaacin waxa ay kawada hadleen masuuliyiinta Mareykanka iyo Ciraaq marka laga reebo in hadallo kooban oo taageero loogu muujinayo dowlada Ciraaq loo sheegay saxaafada.

Wararkii Apr 25, 2006

Madaxweynaha Falastiiniyiinta oo socdaal ku maraya Q Yurub

 
Madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas (Abuu maazin) ayaa maanta oo talaado ah waxaa socdaal ugu bilowday dalal kamid ah qaaradan Yurub.
Madaxweynaha oo lugtiisi ugu horeysay soo dhigtay magaalada Oslo ee xarunta wadanka Norway ayaa wadahal la yeeshay mas'uuliyiinta dalkaasi oo ay kawada hadleen xaalada bariga dhaxe. Sidoo kale socdaaalka Abuu Maazin ayaa la xirriira taageero dhaqaale ee ka doonayo wadamada reer galbeedka qaarkood. Waxaa lugu wadaa in Maxamuud Cabbaas Markaas kadib u kictimo dalalka Filand iyo Faransiiska.
 
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada Jonas Gahr Störe ayaa sheegay in dowlada Norway ay dhaqaalo ugu yaboohi doonto falastiiniyiinta haddii Xamaas ay aqoonto dowlad ay leedahay Yahuuda Islamarkaasina ay joojiso dagaalka hubeysan ee ay kula jirto Israa'iil.
 
Labaatan iyo sadex qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Dahab ee Masar
 
Ugu yaraan sadex iyolabaatan oo wadamo kala duwan ka yimid ayaa lugu soo waramayaa iney ku dhinteen in ka badan lixdan iyo labo qof kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magaalada Dahab. Qaraxani oo ahaa mid meelo kala duwan ka dhacay ayaa gebi ahaanba gilgilay goobaha ay dadka u badnaayeen oo iskugu jiray maqaayado iyo meelo laga cabo cafč-ga.
 
Dadka ku dhintay qaraxani oo wadamo kala duwan ka kala yimid ayaa la runsan yahay iney ku jireen Faransiis,Kuuriyaan,Ruushan,Jarmal,Mareykan iyo dad masaari ah. Madaxweyne Xusni Mubaarak-ga dalkaasi ayaa ku tilmaamay weeraradaasi fal sheydaan, halka Bush-ka reer Mareykan uu isna  sheegay iney ahaayeen kuwo laga naxo. Goor sii horeysay danjiraha Israa'iil ee Masar waxa uu sheegay inaaney jirin dad Israa'iiliyiin ah oo qaraxyadaasi ku dhintay balse waxa uu ugu baaqay dadka u dhashay israa'iil iney iskaga soo baxaan.
 
Weriyaha BBC-da uga soo waranta bariga dhexe Hibba Saalax ayaa sheegay in dowlada dalkaasi ay heshay warar sheegaya iney jiraan kooxo mintid ah oo loo maleynayo iney qaraxyadaasi ku lgu lahaan karraan balse wararkaasi mahan ayey tiri gabadhaasi weriyaha ah kuwo xaqiiqa ah.
 
Madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas (Abuu Maazin) ayaa weeradaasi wuxuu ku tilmaamay fal dambi oo liidasho ah, sidoo kale Jack Chirack farasansiiska ayaa isagana sheegay inuu u dirayo dalkaasi kooxo gurmad ah oo taageero ka geysta falkii halkaasi ka dhacay wuxuuna tagaeero weyn u muujiyey madaxweyne Mubaark iyo dagaalka uu kula jirro waxa loogu yeeray argagaxisada.
 
Waa markii labaad muddo ka yar sanad uu qaraxyo ka dhaco goobaha dalxiiska loo tago ee ku yaala deegaanka Siinaay ee xeebta ah. Bishii julay ee sanadkii hore ee baabuur iyo boorso laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa  ku qarxeen hotel ay degenayaan ganacsado yaal badan oo reer galbeed iyo yahuud iskugu jiray,halkaasoo ay ku dhinteen lixdan qof in ka badan 200 oo qofna ay ku dhaawacmeen.
 
Afar kooxood oo islaamiyiin ah ayaa sheegtay iney qaraxaasi ku lug lahaayeen waxaana ay sheegeen iney u tahay jawaab weerarka ay Mareykanka iyo xulafadiisa ay ku qaadeen dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan. Balse qaraxii ka dhacay caawa magaalada Dahab ma jirto cid sheegatay marka laga reebo in duqa gobolka Siinaay u sheegay wakaalada wararka Reuters iney jiraan kooxo ka dambeeyey weeraradaasi oo la tuhmayo.
 
   Afar Ingiriis ah oo lugu heysto iney tacayadiyo geysteen
 
Afar kamid ciidamada Ingiriiska ee ku joogay dalka Ciraaq ayaa maxkamad melateri la soo taagay kadib markii lugu eedeeyey iney tacadiyo ka geysteen dalkaasi.Afartan nin askari ayaa loo heystaa iney dhalinyarro da'ahaan markaas yareyd ku qasbeen meel kanaal biyo marro iney ku dabaashaan kuwaasoo la sheegay ineysan aqoon wax dabaal ah habayaratee.
 
Maahan markii ugu horeysay ee ciidamo ka socoda Ingiriiska lugu eedeyeeyo iney tacadiyo u geystaan dadka Ciraaqiyiinta ah, horey ayaa sawiro naxdin leh oo muujinaya sida loola dhaqmo dadka rayidka ah ee Ciraaqiyiinta saxaafada caalamka siweyn u hadal heysay, tanina kama duwana fadeexooyinkii horey u jiray ee ciidamadaasi ku dhaqmeen.
 

WARARKII APRIL 23, 2006

Usaama Bin Laadin oo cajalad cod ah soo diray...

 
Hogaamiyaha urrurka Al qaacida Usaama Bin Laadin ayaa cajalad cod ah oo kaga hadlayo arrimo badan u soo diray telefeyshinka laga leeyahay dalka Qadar ee Al-jazeera.
 
Bin Laadin waxa uu ka hadlay go'doonka la galiyey ururka Xamaas ee dhawaantan ku guuleystay dooroshooyinka barlamaaniga ah ee Falastiin iney tahay astaan muujineysa dagaalka tooska ah ee ay ku hayaan "gaalada" dadka muslimiinta ah isagoo dhinaca kale ka xusay heshiiska ay dowlada Sudaan saxiixday ee ah in nabad lugu soo dabaalo koonfurta dalkaasi ay lafteeda qeyb ka tahay dagaalka lugu hayo Islaamka.
 
Bin Laadin wuxuu sidoo kale sheegay iney muhiim tahay in la cuno qabateeyo reer galbeedka si ay ciqaab ugu noqoto dalka Denmark oo wargeys xag jir ahi kasoo baxo aflagaado darran u geystay suubanaheena Muxamed ah NNKH. Somaliya iyo jeejniyana waxa uu ku sheegay hogaamiyihu iney tahay meelo aaney gaaladu nabad u rabin.
 
Codkan maqalka ah ee Bin Laadin soo diray waa tii ugu horeeysay ee muddo sadex bilood gudahood ah soo diro, bishii janaayo ee sanadkan ayuu cajalad hanjabaad ah soo diray uu ku sheegay in la qaadi doono weeraro ka dhan Mareykanka iyo xulafadiisa.
 
Xamaas oo jawaab ka bixisay hadalkii kasoo yeeray Bin Laadin
 
Kadib maanta markii telefeyshinka Al-jazeera uu soo daayey cajaladii codka aheyd ee uu Usaama Bin Laadin u diray kagana hadlayey arrimo badan oo ay kamid tahay go'doonka ururuka Xamaas ee reer Galbeedku geliyeen ayaa afhayeen u hadlay ururka Xamaas sheegay in "mabaa'diida Xamaas ay tahay mid ka duwan tan Bin Laadin iyo ururkiisa Alqaacida" waxaana uu sidoo kale sheegay inuu soo dhaweynayo xirriir dhex mara reer galbeedka iyo Xamaas.
Afhayeenkan oo magaciisa la yiraahdo Zami Abou Suhri ayaa sheegay in halgankoodu oo keliya ka dhan yahay Israa'iil ee aaney aheyn mid quseeya reer galbeedka. Maahan markii ugu horeysay ee masuul sare oo Xamaas ka tirsan uu ka hadlo hadalo maqal ah ay soo direen hogaamiyeyaasha Al qaacida. Horey ayaa  madaxda xafiiska siyaasada Xamaas ninka la yiraahdo Khaalid Mashcal ayaa gaashaanka u darruuray talo ugu timaado Alqaacida waxaaana uu sheegay in ururukoodu leeyahay hadafkooda siyaasadeed ee u gaarka ah islamarkaasina aysan u baahneyn talo uga timaado Al qaacida.
 
     Qarax ka dhacay magaalada Sanca ee dalka Yamen
 
Ugu yaraan labo qof ayaa lugu soo warmaayaa iney ku dhinteen lix iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday goob suuq aheyd oo ku tiilay magaalada caasimada ah ee Sanca. Ilo ku sugan magaaladaasi ayaa wakaalada wararka AP u sheegay sidaas maanta.
Inkastoo aan la ogeyn ciddii ku lug laheyd weerarkaasi hadana waxaa la runsan yahay in farta ku godan tahay kooxaha argagaxisada lugu sheego ee dalkaasi ku sugan oo mudooyinkan dambe ay dowlada dalkaasi ugaarsato mise jirto ilaa iyo hada cid sheegtay qaraxaasi iney ka dambeyso.
 
Sanadku markuu ahaa 2000 ayaa markabka la yiraahdo US Cole lala beegsaday toddobo iyo toban kamid ah ciimada Mareykanka ayaa qaraxaasi ku dhintay, labo sanno kadib ayaa sidoo kale markab kuwa shidaalka ah oo Faransiisku leeyahay la weeraray hal qof ayaana ku dhintay qaraxaasi halka  labo iyo toban qof ay ku dhaawacmeen.
 

WARARKII APRIL 23, 2006

Ciraaq oo yeelatay Ra'iisal wasaare cusub

Madaxweynaha dalka Ciraaq Jalaal Talabaani ayaa dowladiisa ugu magacaabay ra'iisal wasare cusub oo amid ah siyaasinta shiicada dalkaasi waxaana u magacaabay ninka la yiraahdo Jawa Mailiki. Ku dhawaaqista ra'iisal wasaarahan cusubi waxaa ay timid markii Talabani uu la kulamay baarlamaanka dalkaasi oo maanta kulankoodi labaad yeeshay tan iyo intii lugu dhawaaqay bishii dicember ee sanadkii hore.
Jalal Talabani ayaa laftiisa dooroshooyinkii dalkaasi ka dhacay noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee ka soo jeeda qowmiyada Kuridida oo dal carbeed madax ka noqda. Sidoo kale baarlamaanka dalkaasi ayaa labada nin ee la kala yiraahdo Adel Abdel  iyo Tareq Hashemi  iney noqdaan madaxweyne ku xigeenada dalkaasi. Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxey afhayeenka baarlamaanka u dorteen Mahmoud Mashadani oo isagu kasoo jeedaa sunniyiinta dalkaasi oo gobolada qaar awood ku leh waana nin la runsan yahay inuu saameyn  ku yeelan karro aragtida sunniyiinta qaarkood ay ka qabaan dowlada cusub ee dalkaasi la dhisay Saddaam XUseen kadib.
 
Ra'iisal wasaarahan cusub ayaa haatan waxaa horyaala shaqooyin badan oo lagaga doonayo inuu bil gudaheed ku soo dhiso golle wasiiro iyo hey'ado dowli ah oo shaqeynaya iyadoo weliba amaan xumo heerkii ugu xumaa ka jirto ayaan hadna la ogeyn isbadalka siyaasadeed ee mas'uulikani kasoo kordhin karro siyaasada murugsan ee dalkaasi.
 
Haweeney ka tirsan CIA- oo shaqadeedii laga eryey
 
Haweeneyda lugu magacaabo Mary McCarthy gacan yarena ka soo noqtay xafiiska madaxweyne Clinton iyo Bush-ka haatan talada haya ayaa shaqadadeedii ay xafiiskaasi ka heysay laga eryey kadib markii lugu eedeyey iney warbixino sir ah ay u gudbisay saxaafada.
Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegtay in haweeneydani ay mudooyinkan ugu dambeeyey howlaheeda ay ku saleysnaayeen baaritaano la xirriiro tacadiyada ka dhanka ah maxaabiista aragagaxiso ahaanta loo sii xiray gaar ahaan kuwa lugu silic dilyeeyey Ciraaq.
 
Dowlada Mareykanka waxey gebi ahaanba ka gaabsatay wararka sheegaya in maxaabiista laga soo daabulo dalalka Yurub si qarsoodi ah looga soo qaaday qaarkoodna xabsiyo looga sameeyey si loo silic dilyeeyeo. CIA-da qudheeda waxey ka gaabsatay in tafaasiil ka xirriirta shaqo ka eryida lugu sameeyey haweneydaasi ay salka ku heyso wararka ay daabacday jariidada Washington Post.

Wararkii April 20,2006

Guushii Prodi oo Maxkamada sare ee Talyaaniga cadeysay 

 
Maxkamada sare ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday in xisbiga bidix dhexe ee uu hogaanka u hayo Romano Prodi ay ku guuleysteen dooroshooyinkii toddobaadkii hore dalkaasi ka dhacay. Warqad qoraal ah oo ay maxkamadu u soo dirtay mr Prodi ayey u sheegtay inuu xisbigiisa ay guusha raacday kadib markii 5000 oo cod oo muran ku jiray hubin lugu sameeyey.
 
Dhinaca kale xisbiga talaya haya ee uu hogaamiyo Berlescuni ayaa iyagu diiday guusha Prodi waxaana ay ku sheegeen mid u baahan baaritaan kale oo dheeri ah. Ra'iisal wasaaraha dalkaasi ilaa haatan wax war ah kama soo bixin wuxuuna horey ugu eedeyey iney jiraan wax isdaba mareyn. 
 
             Wasiiro lugu afduubay dalka Bolivia
 
Saddex wasiir oo ka tirsan dowlada dalkaasi Bolivia ayaa lugu afduubay gobolka Puerto Suarez, halkasoo la sheegay iney tahay gobol laga doonayo in dowladu ansixiso si looga dhiso mashruuc birta iyo macdanta.
Kooxaha afduubay wasiiradan ayaa iyagu codsaday iney dowladu shirkada la yiraahdo EBX ay siiso shati ay ku qodo macdantaasi iyadoo weliba halkaasi laga soo sheegay deegaan xumo ka jirto. Shirkadani ayaa iyadu dooneyso iney gobolka El Mutun ka qado ceelasha laga so saaro birta iyo macdanta loo yaqaano Magnesium-ka.
 
Mareykanka oo soo bandhigay magacyada maxaabista ku jira Guantanamo bay
 
Tan iyo muddo aad u fog ayaa markii ugu horeysay waxaa Mareykanku soo bandhigay magacyada la sheegay iney yihiin kuwa ku jira xabsiga ku yaala jisiirada Kuba ee Guantanamo bey.
Liisto ka kooban 558 magac iyo aqoonsiyadood ayaa shalay lasoo gudbiyey, kadib markii wakaalada wararka AP ay dacwad ka dhan ku xadgudubka xorriyada ay maxkamada u gudbisay, warkan ayaa waxaa si wada jir ah u daabacay caawa wakaaladaha Ap iyo AFP.
Wakalaada AP ayaa sheegtay in maxaabiistu ka kala yimaadeen 41 dal kuwa ugu badana ee maxaabiistaasina yihiin Sacuudiga, Pakistan iyo Yemen.
 

WARARKII April 17, 2006

Qarax Israa'iil ka dhacay oo sagaal qof ku dhinteen

 
 
Meel ay dadku si aad ah ugu badnaayeen kuna taal magaalada Tel Aviv ee dalka Israa'iil ayaa maanta nin falastiini ah oo naftiisa ismiidaamiyey ku dilay.
Kooxda Islaamik Jihaad ayaa iyadu sheegatay mas'uuliyada qaraxaasi balse xukuumada Tel Aviv waxey sheegtey iney mas'uuliyada qaraxaas ay leeyihiin ururuka talada haatan falastiiniyiinta u haya ee Xamaas. Qaraxani oo ah kii ugu horeeyey ee dhaca tan iyo bishii janaayo ayaa ku soo aaday xilli ay israa'iliyiintu dabaal dagayeen xaflada la yiraahdo Passover, sidoo kale waxa uu yimid xilli ay Xamaas hubka dhigtay tan iyo markey ku guuleysteen dooroshooyinkii baarlamaaniga ahaa ee ka dhacay deegaanadaasi.
 
Hogaamiyaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin waxa uu cambaareyey weerarkaasi waxaana uu ku sheegay inuu yahay mid da daaalka nabadeed ee lawado wax u dhimaya. Dowladaha Mareykanka iyo Ruush-ka ayaa si weyn iyagana u cambaareyey falkaasi, waxaana ay ku tilmaaneen kuwo aan la aqbali karrin. Isku soo wada duuboo qaraxani wuxuu ku soo beegmay xilli diyaargarow loogu jiro dhaarinta baarlamaanka cusub ee israa'iiliyiinta.
 
 
Qaramad Midoobey oo ku baaqeysa shir looga hadlayo bariga dhexe
 
Xoghayaha guud ee jumciyada qaruumaha ka dhaxeysa Kofi Cannaan ayaa doonaya inuu iskugu yeero dhamaan wadamada Mareykanka, Ruushka iyo Midowga Yurub si looga hadlo xaalada guud ee bariga dhexe iyo isbadaladii siyaasadeed ee ugu dambeeyey ee gobolkaasi.
Shirkan oo lugu wado inuu qabsoomo sagaalka bisha meey ee fooda innugu soo heysa ayaa ujeedadu tahay in la helo labado dowladood oo falastiiniyiinti iyo yahuudu leeyihiin oo deris ah nabadna kuwada jooga.
Koofi Cannaan oo u waramayey wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegay in kulankani kasoo qeybgalinayo hogaamiyaasha kale ee gobolka si looga doodo xaalada gobolka islamarkaasina loo helo xal quseeya labada dhinac.
 
 
Lixdan iyo qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay Meksiko
 
 
Lixdan iyo sadex qof ayaa lugu soo waramayaa iney geeriyoodeen kadib markii bas ay saarnaayeen kasoo dhacay meel buuraley ah oo marayey. Baskan oo marayey meel u dhow dhulka buuraleyda ah ee ku taala dhinaca beri ee layiraahdo Pico de Orizaba oo ah buurta ugu dheer ee dalkaasi ayaa waxaa dadkii dhintay kamid ah sagaal carruur ah.
 
Baskan qalibay ayaa waxa uu kasoo baxay deegaanka lugu magacaabo Guadalajara, waxaana uu ku soo jeeday  magaalada Veracruz ee dalkaasi.
 

WARARKII April 15, 2006

Haweeney tafatire ka ah wargeys la ganaaxay kadib markey daabacday sawiradii ihaanada loogu geystay Nabi Muxamed

 
Wadanka Ruushka ayaa haweeney tafatire ka ah wargeys dalkaasi kasoo baxa la ganaaxay lacag dhan 2000 oo doolarka kadib markii haweeneydaasi ay si ula kac ah wargeyskey tafatiraha ka aheyd ugu soo daabacday sawiradii kartoonada ee lagu ihaaneynayey Suubanaheena Muxamed NNKH.

Haweeneydan oo magaceeda lugu sheegay Anna Smrinova ayaa tafatire ka ah wargeys lugu magacabo Nach Region Plus, waxaana loo heystaa dembi ah iney faafisay barobogaando diimeed oo ka dhan ah Islaamka. Sidoo kale waxaa lugu xukumaday haweeneydan labo sano oo xariga ah iyo in hantieeda guri ahaaneed lala wareego tan iyo inta ay ka bixineyso lacagtaasi ganaax ahaanta loogu xukumay. 
 
                Ugandha: Dad ku dhintay shil doomeed
 
Wararka ka imanaya magaalo madaxda dalkaasi Ugandha ee Kampala ayaa sheegaya in dad gaaraya toboneeyo ruux ay ku dhintay shil doomeed oo ka dhacay harada Victoria.
Booliska dalkasasina waxey shaaca ka qaadeen in dabeylo xoogan oo haradaasi ka jiray ay keentay in doonidu qarqanto ama ay degto.
Doonidan ayaa waxey sitay in ka badan afartan qof oo rakaab ah kuwaaso kasoo kictimay jasiirada la yiraahdo Bunyuvo waxaana ay ku sii jeedeen dekad ku tiilay duleedka deegaanka Kasenyi ee wadankaasi.
 
Nin la sheegay inuu leeyahay doonidaasi degtay ayaa sheegay in afar iyo toban qof oo kamid ah rakaabka doonidaasi la weysan yahay halka booliskuna ay sheegayaan in toboneeyo ruux ay dhinteen inta kalena la badbaadiyey, dadkaasi la la'yahayna ay qaarkodo ku jiraan shan carruuri ihi. 

Harada Victoria oo ah harada ugu weyn qaarada Afrika ayaa shilalkeedu yihiin kuwo dhaca had iyo goor intooda badna waxey dhacaan xilliyo haradaasi dabeylo ka jiraan ama matoorada doomaha la soo raacayo ay yihiin kuwo aad u liita.
 
Ruush-ka oo kaalmo dhaqaale siinaya maamulka Falastiniyiinta
 
Dowlada Ruushanka ayaa sheegtay iney gar garaar dhaqaale oo deg deg ah u siineyso maamulka falastiin, kadib markii xukuumada Mosko ay u aragtay arrintani mid deg deg ah oo lugu taageerayo.
Wadahal xagga taleefanka ah oo dhexmaray madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas /Abuu Maazin) iyo wasiirka arrimaha dibada Ruushka
Sergej Lavrov ayaa lugu sheegay in si deg deg ah kaalmadaasi loo bixinayo.

Dowlada Ruushka waxey horey u cambaareysay xayiraada dhaqaale ee ay Midowga Yurub iyo Mareykanku ku soo rogeen xukuumada Xamaas garwadeenka ka tahay kadib markii Xamaas diiday iney aqoonsato dowlad Yahuudu leedahay oo ay jaar ahaadaan sidoo kale Xamaas waxaa Mareykanku ku daray kooxaha ay u aqoonsan yihiin waxa ay ku tilmaameen argagaxisada.
Ruush-ku wuxuu aqoonsi aan sidaasi loo muujin siiyey dowlada Xamaas martiqaad rasmi ahna waxuu bishii maarso ee ina dhaaftay u fidiyey mas'uuliyiinta ugu sareysa ee Xamaas. Inkastoo Ruushku ka codsaday Xamaas iney aqoonsato dowladanimada Israa'iil islamarkaasina hanaankii geedi socodka nabada sii ambo qaado hadana kaalmada dhaqaale ee dowlada Xamaas u baahan tahay haatan kuma xirin sharuud ah iney aqoonsato Israa'iil.
Dhinaca kale Ruush-ku haatan waxa uu doonaya in dowlada Falastiiniyiinta la kaasho xiisada nukliyeerka ee Iiraan si ay ugu qanciso in hakad ku sameyso barnaamijkeeda nukliyeerka balse qaabka ay falastiiniyiinta arrintan uga qeyb qaadan karaan ayaan la ogeyn, ruushankuse wuxuu u arkaa talaabo bilow ah oo arrintani wax looga qaban karro.
 

WARARKII April 14, 2006

Shan qof oo ku dhimatay weerar lugu qaaday gobolka Kashmiir

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay sagaal iyo labaatan kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar lugu soo qaaday gobolka Kashmir. Sidoo kale afar ayaa iyaguna siyaalo kala duwan loogu dilay gobolkaasi.
Weerarkan oo ahaa kii ugu horeeya ee muddo sanad ah ka dhaca deegaan la yiraahdo Srinagar oo iyadu u xarrun ganacsi. Sidoo kale waararkan ayaa lala beegsaday goobo la sheegay iney dalxiisayaashu yimaadaan.

Idaacadaha maxaliga ah ee gobolkaasi ayaa sheegay in kooxo islaamiyiin ah oo la yiraahdo Pro- pakistanian ay weerarkaasi sheegteen. Kooxahan islaamiyiinta ah ayaa gobolka tan iyo sanadii 1989-kii dagaal kula jiray ciidamada Hindiya ee gobolkaasi ku sugan. In ka badan 44.000 oo rayid ah ayaa dagaaladaasi ku dhintay. 

Chad oo jartay xirriirkii dilomaasiyadeed ee ay laheyd Suudaan

Dowlada dalka Chad ayaa sheegtay iney gebi ahaanba go'ay xirriirkii diblomaasiyadeed ee ay la heyd dalka Suudaan, kadib markii ay sheegtay in weerar maalintii khamiis ay kooxo falaago ah weerar ku qaadeen caasimada dalkaasi ee N'DJamena.

Xukuumada Khartoom waxaa ay beenisay eedeymahaas waxaana ay sheegtay ineysan lug ku laheyn gacan siinta la sheegay iney siiso jabhada UFC ee dagaalka kula jirta xukuumada Chad. Ciidamada Chad waxey jabsheen falaagadii weerarka soo qaaday, waxaana ay ka xukuumada N'Djamena ka digtay iney dalkeeda ka iran doonto qaxootiga ka soo carray gobolka Darfur.

Madaxweynaha dalkaasina waxaa isagoo ka hadlaya fagaaro banaanka lugu keenay maxaabiis la qabatay ayaa sheegay in xirriirka u jarayo dowlada Suudaan islamarkaasina ay xudduudaha xirayaan. 

Brundi oo bandowgii habeenimo qaaday 34 sanno kadib

Dalka Brundi ayaa muddo 34 sanno kadib bandowgii habeenimo ee lugu soo rogay dalkaasi laga qaaday. Dowlada dalkaasina waxey sheegtay in xaaladu aysan weli aheyn caadi dadkii dibada u baxana dacwad lugu soo oogayo tan iyo saacada 5-ta arroornimo xilliga wadankaasi.
Bandowgan ayaa waxaa la soo rogay sanadku markuu ahaa 1972-dii kadib markii dagaalo ay dhex mareen tuutsiga iyo huutiga kuwaasoo iska dilay dad badan.

Beritana waxaa lugu wadaa inuu wadahal dhex maro dowlada Tansaaniya iyo jabhadii ugu dambeysay ee huutiga ee la yiraahdo FNL.Sanadku markuu ahaa 1993-kii misna waxaa dib u bilowday dagaalo qaraar oo dhex maray labadaasi qabiil ee tuutsiga iyo huutiga oo galaaftay in ka badan 300 000 oo dad rayid ah. Sidoo kale sanadkii horena waxaa dalkaasi muddo dheer kadib ka dhacday doorasho hab dimoqraadi ah u dhacday ayna kasoo qeyb galeen qabiiladii dirirtu u dhaxeysay haba ugu badnaaadaan huutiyiintu e.

WARARKII April 13, 2006
 

Shiinaha oo ergay u direya dalalka Iiraan iyo Ruushka
 
 
Dowlada Shiinaha ayaa erey gaar ah u kala direysa dalalka Ruushka iyo Iiraan si ay gacan uga geysato xiisada ka taagan banraamijka Nukliyeerka Iiraan ee haatan muranka weyni ka taagan yahay.
 
"Waxaan rajeynayaa in dib loogu soo laabto wada miiska wada xaajood oo ayasan amuurtani cirka ku shareerin" ayuu yiri afhayeenka wasaarada arrimaha dibada dalkaasi Liu Jianchao oo u waramayey warfidiyeenada jooga Baakiin islamarkaasian xusay in ereygaasi yahay kusimaha wasiirka arrimaha dibada dalkaasi.
 
Dhinaca kale madaxa hey'ada caalamiga ah ee quwada Atoomikada Maxamed albaradci ayaa shalay gaaray magaalada Tehraan halkaasoo uu wadahal kula yeeshay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi islamarkaasina ah madax barnaamijka nukliyeerka Iiraan Gholam Reza Aghazadeh.
Waxaana uu halkaasi u tagay in mas'uuliyiinta Tehraan ku qanciyo iney hakiso naaxinta nukliyeerka tan iyo arrimahani ay dhinac u dhacayaan.
 
Reer galbeedka oo shaki weyn ka qaba in Iiraan dooneyso iney sameysato nukliyeer ayaa Iiraan lafteeda ku andacooneysaa in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed oo ay ugu adeegeyso dadka rayidka ah ,Mareykana wuxuu doonaya inuu goob joog ka ahaado kulanka ay Qaramada Midoobey arrinka Iiraan uga munaaqishooneyso ee dhamaadka bishan qabsoomaya.
 
Gollaha loo dhan yahay ayaa dalkaasi Iiraan ku cadaayey in muddo bil gudaheed ay ku hakiso naaxinta nukliyeerka balse Iiraan amuurtaasi waa ka dhaga fureysatay haatana waxaa la sugayaa go'aanada ay ka qaataan Q M barnaamijka Nukliyeerka ee haatan madaxa hey'ada Atoomikada uu u joogo Tehraan.
 
 
Berlusconi oo ka hadlay doorashadii dhacday kuna tilmaamay wax isdabamareyn.
 
Ra'iisal wasaaraha haatan sii dhacaya ee Silvio Berlusconi ayaa gaashaanka u daruuray inuu in doorashadii dhacday maalintii axada lagaga guuleystay balse waxa uu sheegay in xisbiga kale ee Romano Prodi hogaamiyo ay ku dhaqaaqeen wax i dabareyn.
"Waa in tirada markale lugu laabtaa maxaa yeelay wax dabareyn ayaa dhacday" ayuu yiri Berlusconi oo la kulmay madaxweynaha dalkaasi Carlo Azeglio Ciampi taasoo uu dhiniciisa beeniyey Mr Prodi.
 
Dhinaca kale Romano Prodi oo gobolka uu ka soo jeedo ee Bolonga oo taageerayaasha gobolkiisa kula ciidayey guusha uu gaaray ayaa sheegay in la gaaray xilligii Berlescuni boorsooyinka meesha ka arruusan lahaa, marba haddii doorashooyinkii loogaga guuleystay.
Qudhiisa Barlusconi waxaa uu sheegay in siyaasada wadanka ay jahaweer gali doonto, balse ma uusan sheegin goorta dib loogu laaban doono tirada codadka doorashada oo uu sheegay in dhowr maalmood qaadan karto isagoo weliba intaas ku daray hadalkiisa in 60.000 oo tirada cododka ah ay u baahan yihiin in dib loo eego.
 
Pakistaan oo diyaaradaha dagaalka ka iibsaneysa Mareykanka

Dalka Pakistaan ayaa tiro aan la cayimin oo diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano F- 16 ka iibsaneysa dalka Mareykanka warkan oo uu ka dhawaajiyey afhayeenka dowlada kadib markii baarlamaanka dalkaasi ansixiyey in diyaaradahaasi laga iibsado Mareykanka.
Bishii noevember ee sanadkii hore waxaa uu madaxweyne Musharaf dib u dhigay iibsashada diyaaradahaasi oo la sheegay iney ugu wacan tahay dhul gariirkii baaxada lahaa ee gobolka Kashmir qeybta Pakistaan xigta ku dhiftay.

Dowlada Hindiyana waxaa ay ku macneysay iibsashada diyaardahaasi ay teknolijiyadoodu sareyso mid kicineysa xiisada melateri ee gobolka ka jirta islamarkaasina wax u dhimeysa wadahadal haatan la doonayo in lugu soo af jaro muranka dhuleed uu dhaxeeya labadaasi dal. Hindiya tan iyo intii ay xorriyada qaadatay sanadku markuu ahaa 1947-dii sadex jeer dagaalo la gashay Pakistaan.

WARARKII April 12, 2006

Ciiidamo Ameerikaan ah oo Ciraaq lugu laayey

 
Iyadoo guud ahaan xaalada amaan ee dalkaasi ka jirta ay tahay mid cirka isku shareertay geeriduna tahay mid maalin walbaa dhacdo ayaa hadana maanta ugu yaraan dalkaasi waxaa lugu dilay labaataneeyo Ciraaqiyiin ah iyo sagaal ka tirsan ciidamada Mareykanka ee halkaasi ku sugan. Qaraxan bambaan ayaa ka dhacay magaalada Huweyder oo ku taala waqooyiga Bacquuba oo xaga waqooyi ka xigta magaalada Bakhdaad kadib markii baabuur lugu soo rakibay ay ku ag qaraxday masaajid halkaasi ku yaala.

Dhinaca kale ciidamada Mareykanka ee ku sugan dalkaasi ayaa maanta sheegay in sagaal askari oo ka tirsan ciidamadooda lugu dilay dalkaasi tan iyo maalintii shalay aheyd,taasina ka dhigeysa tirada ciidadamada Mareykanka ee dalkaasi ku dhintay 2364 askari.
Ciraaq oo haatan fowdo hor leh lugaha la gashay ayaa masaajidada lugu cibaadeysto ee ay leeyihiin suniyiinta iyo shiicada dalkaasi nodeen goobaha bartilmaamyada ah ee lugu dilo dadka rayidka ah.
 
Gudooomiyaha Baarlamaanka dalkaasina Cadnaan Baaja ayaa sheegay in hogaamiyaaasha dalkaasi ay kulankooda ugu horeeyo kaga hadli doonaan sidii loo soo dhisi lahaa dowlad ay Ciraaqiyiinta u wada dhan yihiin maadama baryahan muran xoogan uu ka jiray dhexdooda, sidoo kalena ay jirtay diidmo lugu diidan yahay ra'iisal wasaaraha haatan xukunka haya ee Ibraahim Al jacfari. 
 
Hindiya oo iska hor imaadyo ka dhaceen kadib markii ladilay fanaan caan ka ahaa dalkaasi
 
Magaalada la yiraahdo Banjular ee ku taal koonfurta dalkaasi Hindiya ayaa rabshado ka dhaceen kadib markii uu maanta geeriyooday jilaaga caanka ah ee Raj Kabur.Dadweyne aad u fara badan oo jilaagaasi taageersanaa ayaa rabashado ka abuuray gobolkaasi iyagoo gaadiidka wadooyinka yaala dab qabadsiiyey.
Goob joogayaal ku sugan gobolkaasi ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan goobihii ganacsiga iyo shirkadaha halkaasi ka howlgalaba albaabada loo laabay cabsi keentay in halkaasi rabshaduhu sii badaan kadib markii dadka gobolkaasi ay maanta maqleen geerida fanaankaasi. Shirkada Microsoft ee gobolkaasi ayaa sidoo kale xirtay xarumaha ay halkaasi ku laheyd cabsi la xirriirta in dadweynaha careysani ay wax yeelo u geystaan.
Weriyaha Reuters oo gobolkaasi ku sugnaa ayaa sheegay inuu arkay gaari ay boolisku leeyihiin oo afka ciida loo daray iyo gawaari kale oo dab la qabadsiiyey. Fanaaniinta Bolly wood-na waxey u baroor diiqayaan fanaankaasi geeriyoday ee jilista filimada muddo dheer ku soo jiray.
 
 Maxamed Cali Kalaay oo magaciisa Copyright gliyey 
 
Maxamed Cali-kalaay oo ah feeryahankii reer mareykan ayaa magaciisa ka iibiyey shirkad caan ku ah dhowrsita xaquuqda dadka iyagu meherada u ah fanka ciyaaraha iwm. 80% ayeey magaciisa Maxamed Cali-kaalay ka iibsadeen shirkadaasi halka isagu uu helayo 20% oo ah dhowrista xaquuqda magacaasi.
Shirkadan oo magaceeda la yiraahdo CKX ayaa iyadu ilaalisa xaquuqda fanaankii Elvis, Amerikan Idol iyo David Beckham oo ah ciyaaryanka kubada cagta ee Ingiriiska, waxaana la sheegay shirkadaasi in adduun gaaraya 50 milyan ay ku bixisay dhowrista xaquuqda. Shirkadan ayaa sidoo kale dhawaan furtay shirkad cusub oo lugu magacaabo Greatest Of All Time.
 
F X Sillerman oo isagu agaasime ka ah shirkada CKX ayaa sheegay iney haatan tahay deg degsiimo in faalo laga baxsho qaabka ay u adeegsan doonaan magaca M C Kalaay, balse waxa uu carabka ku dhiftay ineysan hatan qorshaha ugu jirin in magaca shaqsi ahaaneed ee Kalaay wax u dhimaan ama si kale loo adeegsado isagaa intaa hadalkiisa ku daray in cidkastaa ay taqaan Maxamed Cali- kalaay ee aaney u baahneyn in cid la barro.
Waana markii ugu horeysay ee Maxamed Cali-kaalay si rasmi ah ay shirkad ilaaliso dhowrista xaquuqda la wareegto magaca Maxamed Cali-kaalay oo isagu ahaa ciyaaryahankii ugu magac dheeraa qarnigii tagay ee 20aad.

Wararkii April 11, 2006

Romano Prodi oo u muuqda mid guuleystay

 
 
Hogaamiyaha xisbiga bidix dhexe ee dalka Talyaaniga Romano Prodi ayaa sheegay inuu ku guuleystay dooroshooyinkii labada cisho ka socday dalkaasi Talyaaniga ee loogu tartamayey jagada ra'iisalwaraanimada iyo aqalka hoose.
Wararkii ugu dambeeyey dooroshooyinkaasi la xirriira waxaa ay sheegeen in prodi xulafadiisa ay heleen 158 kursi halka Berlusconi uu ka helay 156 aqalka hoose.
Maanta gelinkii hore Prodi waxa uu sheegtay inuu isagu ku guuleystay doorashada balse Berlusconi dhiniciisa weli lagama hayo guul iyo qaraaso midna.
Isku soo wada duubo weli si rasmi ah uma cada cida guuleysatay waxaana la rajeyanayaa saacadaha soo socdo in la ogaado cida ku guuleysatay doorashadan natiijadeeda muranka dhalisay.

 
Denmark oo ka cabsaneysa weeraro lugu soo qaado
 
Tan iyo intii ay dhaceen xiisadihii ka dhashay aflagaadadii geed ku gambashada laheyn ee wargeys Denish ahi u geystay Suubanaheena Nabi Muxamed NNKH ayaa waxaa isa soo taraya wararka la xirriira cabsi ay dowlada dalkaasi ka qabto in kooxaha wax qarxiya ay dalkaasi bartilmaalmeedyo ka dhigtaan.

Amuurtani waxaa ka dhawaajiyey ninka layiraahdo Lars Findsen oo isagu ah boolis darajadiisu sareyso xilli uu waramayey isla wargeyskii aflagaadada geystay ee Jyllands Posen oo intaas hadalkiisa ku daray iney diiwaan geliyeen hanjabaado iyo kuwo kale oo astaan hanjabaado ah muujinaya.
Denmark inkastoo dowlada dalkaasi aan haba yaraatee muujin da daal ay ku dooneyso iney soo ceshato kalsoonidii ay ku laheyd dalalka Islaamka ee luntay hadana waxaa la runsan yahay in hoos u dhac dhaqaale uu dalkaasi kii ugu xumaa soo wajday.
 
Dad ku geeriyooday weerar bambaano oo ka dhacay Pakistaan
 
Dabcan iyadoo aad moodo baryahan qaabka dadka Islaamka sheegenaya iney si qaldan u fahmeen ereygaa "Jihadaad"oo dad aan waxba geysan naftooda ku galaafanayaan kooxaha fuliya weerarada nacasnimada ah ayaa hadana baryahan dagaalka u dhaxeeya kooxaha suniyiinta iyo shiicada dalkaasi Ciraaq gaaray heerkii ugu xumaa ee damiirku diido. Ciraaq keliya maahee halka musiibadan ka socoto ee waxaa dalkaasi Paksitaan magaaladiisa Karachi ka dhacay weerar ku talagal ah oo lala beegsaday masaajid ay joogeen dad kor u dhaafay 50.000 qof kuwaasoo xusayey dhalashadii Nabeegana Muxamed ah NNKH.
 
Ninka la yiraahdo Niaz Siddiqi oo isagu ka tirsan booliska Karachi ayaa sheegay in iyadoo xilli salaad lugu jiro uu nin bambaano isku soo xiray ka dhex kacay safka hore oo ay u badnaayeen culimo xagga diinta gobolkaasi caan ka ah una badnaa dadka suniyiinta ah dabadeedna uu naftiisa qarxiyey iyadoo dhaawucuna gaaray 100 qof. Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegtay iney qaraxaasi ka dambeeyey balse boolisku waxey sheegayaan inaan hal qof aheyn dadkii howshan fuliyey ee ay dhici karto iney ahaayeen dhowr qofood oo kale.
Wakaalada wararka Reuters waxaa ay sheegtay in dadki dhaawacmay ay ku jireen weriyeyaal iyo sawir qaadayaal k sugnaa goobtii xuskaasi ka socotay. Cisbitaalada gobalkaasina waxaa lugu soo waramayaa in keydiii dhiiga uu dhamaaday oo haatan qeybaha kale ee cisbitaalada la weydiisanayo dhiig dheeri ah si loola tacaalo dadka u baahan in lugu shubo.
 
Qaraxa maanta ka dhacay magaalada Karachi ee lala beegsanayo masaajidada Ilaahey waa kii labaad ee sabankan dhaca kal hore ayaa weerar sidan oo kale ah oo lugu qaaday masjid ay leeyihiin shiicada dalkaasi nin naftiisa ismiidaamiyey ku dilay dad tiradooda gaarreyso 22 qof, madaxweyne Musharaf ayaa maanta falkan cambaareeyey waxaana uu ku tilmaamay mid liidasho ah.
 

Wararkii April 9

Dadka Talyaaniga oo maanta dooroshooyin u dareeray

 
In ka badan 50 milyan oo Dadweynaha dalka Talyaaniga ayaa saaka u dareeray goobaha ay ka dhacayeen codbixinta lugu dooranayo ra'iisal wasaaraha shanta sano ee soo socota.
Doorashooyinkan oo berito isniin ah ku eg ayaa waxaa ku loolamaya ra'iisalwaraaha haatan xukunka haya Silvio Berleconi iyo hogaamiyaha mucaaradka ah ee Romano Prodi.
Labadan hogaamiye ayaa ka hor intii aaney saaka codkooda dhiibin waxaa mid kastaa ka hadlayey qorshaha ay ku doonayaan iney ku howl galaan haddii la doorto. Balse Selvio Berlesconi oo isagu caan ku ah hadalada qalifsan ayaa sheegay in dadka talyaanigu aheyn kuwo caqli badan taasoo ula jeedo in isagu yahay kan u taagan danaha dalkaasi muraacidkuna aysan aheyn kuwa wax ka qaban kara qorshaha dowlada laga sugayo iney shanta sanno ku xunkunto dalkaasi.
Codbixin la qaaday ka hor intii aaney dooroshiyinku bilaaban ayaa tibaaxday in hogaamiyaha mucaaridka Ramano Prodi uu isagu ku guuleysanayo dooroshooyinka haatan ka bilowday dalkaasi.
Inkastoo amaanka siweyn loo adkeeyey hadana hadana xalay waxaa la sheegay weeraro waxyaabaha qarxa lala beegsaday goobaha codbixinta ka dhaceyso mana mana la soo sheegin wax qasaaro ah oo halkaasi ka dhacay. Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa cida dadka reer Talyaani siiyeen codkooda Berlesconi mise prodi.
 
29 qof oo ku dhimatay Pakistaan kadib markey isbuurteen
 
Ugu yaraan 29 qof ayaa lugu soo warmayaa ineey ku dhinteen dalkaasi Pakistaan kadib markii la sheegay iney isbuurteen. Dadkan isbuurtay oo u badan dumar iyo carruur ayaa ku sugnaa masaajid ku yaala magaalada Krachi ee dalkaasi. Sida uu ku waramayo goob jooge ku sugnaa halkaas ayaa sheegay iney isbuurashadan bilaabatay markii gabar yar la sheegay iney qeylisay dadkuna ku dhacay is dhex yaac. Wakaalada wararka AP ayaa iyaduna soo sheegtay in dadka halkaasi ku dhaawacmay ay gaarayaan 70 qof oo u badan dumar iyo carruur. Inkastoo boolisku sheegayaan iney isbuurashadaasi ugu wacan tahay hanjabaad bambaano oo masjidkaasi lala beegsaday hadana ma jirto warar rasmi ah oo amuurtan ku saabsan.

Labaatan kun oo dumar iyo carruur u badan ayaa masaajidkaasi iskugu soo baxay iyagoo la sheegay iney u diyaar garoobayeen xuska dhalashada Nabi Muxamed NNKH oo ku beegan maalinta talaada ah ee fooda inugu soo heysa.
 
Wargeyska The Observer: "Qaraxyadii London Al Qaacida kama dambeyn"
 
Qaraxyadii lala beegsaday wadnihii dalka Ingiriiska ee London ayaa la sheegay ineysan aheyn kuwo ay ka dambeeyeen ururuka Al qaacida ee Usaama Bin Laadin hogaamiyo.Wargeyska kasoo baxa dalkaasi Ingiriiska The observer ayaa cadadkiisi soo baxay maanta  sidaasi qoray.
Wargeyska oo soo xiganaya illo baaritaan ku sameysay qaraxyadaasi ayaa sheegay in weeraradaasi aheyn kuwo si weyn u qorsheysan oo Al-qaacida ka dambeysay balse waxey ahaayeen kuwo jilicssan oo ay sameeyeen dhalinyaro afar ah oo dooneysay iney mujaahidiin noqodaan.
 
Baaritaankii lugu sameeyey weeraradaasi ayaa wargeysku ku sheegay in dhowrka toddobaad ee soo socda si rasmi ah loo soo daabici doono, qasaarihii ay geysteena sidoo kalena aysan aheyn kuwo lacag xoogan ku baxday.
 
 
Wararkii April 8
 
Ivory Cost iyo mucaaradkeeda oo isku soo dhawaaday
 
Dowlada Ivory Cost iyo mucaaridkeeda ayaa isku soo dhawaaday islamarkaasina heshiis ku gaaray iney labada dhinac heshiis buuxa dhexmaro tan iyo inta dooroshooyinka soo socda ay dhacayaan.
Heshiiskan dhex maray dowlada iyo mucaaridka dalkaasi ayaa waxaa kasoo shaqeeyey xoghayaha midowga Afrika Denis Sassou-Nguesso. Waxaana heshiiskani dhigayaa in mucaaridka ay gebi ahaanba hubka dhigaan dowladana ay diyaarisho qorshe ay ku diyaarineyso tiro koobka codbixinta islamarkaasina la siiyo aqoonsiga codbixinta.
Labada dhinac oo kol hore isku af garan waayey qaabka doorasha u dhaceyso ayaa hada ka gudbay caqabadaasi. Dalka Ivory Cost waxaa u kala qeybsamay labo qeybood kadib markii dalkaasi ay ka dhaceen dagaalo sokeeyo sanadihii 2002-da -ilaa 2003-dii.
 
    Baradaci oo ku sii jeeda Iiraan Toddobaadka dambe
 
Gudoomiyaha hey'ada caalamiga ah ee quwada Atoomikada Maxamed Albaraci ayaa todobaadka dambe waxa uu booqasho ku tegin doonaa caasimada dalkaasi Iiraan ee Tehraan halkaasoo la sheegay in wadahadalo uga bilaaban doonto xukuumada Teheraan oo iyadu iska indho tirtay baaqyadii hore loogu soo jeediyey ee la xirriira hakin ay ku sameyso barnaamijkeeda nukliyeerka ee ay ku howlan tahay.
Bishii maarso ee ina dhaaftay gollaha loo dhan yahay ayaa muddo bil ah u qabtay Iiraan iney gebi ahaanba joojiso barnaamijkeeda balse taasi uma muuqan mid hanjabaad ah oo macnaheedu tahay talaabo meletari ayuu yiri sarkaal ka tirsan qaramada midoobay.
Maantana waxaa halkaasi gaaray qubaro ka socota hey'ada Atoomikada kuwaasoo u guuragalayey goobaha la sheegay in lugu sameeyo Nukliyeer ay yihiin kuwo qorshahooda aheyn wax gumaadid iyo inkale.
 

Wararkii Maanta April 7

      Dooni ku degtay xeebaha dalka Jabuuti 

Ugu yaraan dad lugu qiyaasay 300 oo qof doon ay saarnaayeen ayaa ku degtay xeebaha dalka Jabuuti. Toddobaatan qof oo kamid ah rakaabkaasi saarna doonta ayaa meydkooda laga helay xeebaha sida uu warkan shaacay goor dhow telefeyshinka . Soddon iyo lix qof oo dhaawac ahana waxaa loola cararay cisbitaalada dalkaasi, mana jirto ilaa iyo hada sababta kaliftay in doonidaasi ay ku degto badda cas ee u dhow xeebaha dalkaaas Jabuuti.

CIA-da oo weli lugu eedeynayo iney si qarsoodi ah maxbiista u soo daad gureyso

Dowlada Mareykanka gebi ahaanba waxaa ay dafritaa ama beeninsaa wararka la xirriira sida qorsoodiga ah ee ay u soo daad gureyso dadka lugu tuhunsan yahay argagixsada saas oo ay tahayna warbixin ay soo saartay hey'ada u dooda xuquuqda aadanaha ayey ku sheegtay in ka badan 1000 duulimaad oo qarsoodi ah ay sameysay sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaano. Hey'ada warbixintan diyaarisay ayaa aaminsan in tirada guud ee duulimaayada CIA-du gaareen 1600  oo duulimaad tan iyo sanadkii 2001-da.

Waxaa kaloo ay warbixintu qortay in kun duulimaadyadaas kamid ah ay CIA-du u adeegsatay diyaaradooda qaaska ah, halka 600 oo duulimaad oo kalena loo adeegsaday diyaarado la soo kireystay sida ay hey'adu ka soo xigtay illo shirkadaha diyaaradaha iyo saxaafadaba.

Warbixintu waxey tilmaantay in duulimyaadaasi sida qarsoodiga ah loo adeegsaday ay intooda badan lamar siiyey hawada wadamada Yurub taasoo ah mid ka soo horjeeda bey tiri warbixintu baaqii Chicago convetion ee soo baxay sanadku markuu ahaa 1944-tii.Baaqani waxa uu dhigayey in haddii ay timaado duulimaadyo melateri iyo mid boolis ahaanba in lugu wargeliyo dalka howshan laga fulinayo hawadiisa. Waxaa kale oo ay warbixintu sheegtay in CIA-du si gaar ahaaneed ay adeegsatay duulimaadyadeeda ay ku daad gureyneyso dadka ay ku tilmaamtay argagaxisada kuwaasoo ay daabushay xabsiga Guantanamo bay ee Kuba  iyo xabsiyo kale oo ku yaala gudaha Mareykanka sidoo kalana waxaa jira dalal aan la aqoon oo ay warbixintu ku sheegtay in loo adeegsaday silic dilyeynta maxaabiistaasi.

Tirada rasmiga ah ee la xirriirta inta qofood ee sida qarsoodi ah loo daad gureeyey hey'ada Amnisty waxaa ay ku sheegtay kuwo aan la sheegin tiradooda saxda ah. 

Nin xabsiga loo dhigay bakeyle uu tuuray Yaxaas

Waxey aheyd mid Alle u qoray in Bakeylahaasi yari uu geli doono af Yaxaas balse ninka falkan sameeyey hadduu ogaan lahaa in xabsi loo seexinayo malaha kuma dhaqaaqeen taalabada waxashnimada leh ee Bakeylahaasi ugu tuuray yixaas-ka.

Waxey aheyd xerada xayawaanadka ee ku taalay oo ku tiilay gobolka Weles ee dalweynaha Ingiriiska markii wiil dhalinyarro ah oo labaatan jir ahi si ula kac ah inta xeradaasi kasoo xaday beykele ugu tuuray yixaas isna halkaasi lugu hayey. Waxaase la yaab laheyd in dhacdadani uu qof booqasho halkaasi u tagay ku duubay taleefankiisa gacanta filin ahaan, kadibna u gudboiyey ilaalada xerada xayaanka. Haatan ninkani xiska daran waxaa lugu xukumay lix bilood oo xarig ah kadib markii uu ku xadgubay xaquuqda xerada xawaankaasi iyo xayawaanada jooga laftooda.

Wararkii shalay: April 6

 
Shisheeyaha soo galootiga ah ee Mareykanka oo fursado la siinayo 
 
Senatoorada dalka Mareykanka ayaa isku raacay in dadka soo galootiga ah ee joogay dalkaasi in ka badan shan sanno ay haboon tahay in la siiyo dhalashada dalkaasi, waxeyna go'aankan kamid yihiin fikir ku saabsan sharciga cusub ee qaxootiga dalkaasi ee baryahan doodiisa socotay. Sidoo kale waxaa iygana ciqaab culus mudan doona shirkadaha iyaga shaqaaleysiiya kuwa aan heysan sharci ku jooga dalkaasi.
Dhina kale dadka iayagu joogay in ka yar muddo 2 sanno ah aaney heleyn wax fursad ah oo ay dalkaasi wax kaga qabsan karaan islamarkaasina aanu quseyn doonin nidaamka cusub ee qaxoootiga lugu soo rogay. In ka badan nus milyan qaxooti u badan dadka meksikaanka ah ayaa dalkaasi joogana waana kugu ugu badan ee dadyowga iyagu ku hadla afka Isbaanish-ka. Waxaana si weyn u cambaareyeen nimdaankas la soo rogay.
 
Nin jarmal ah oo afduub shan sano loogu heystay oo la sii daayey
 
Nin u dhashay wadankaasi Jarmalka oo muddo shan sanno ah ay afduubteen koox u dhashay Kolombiya u heysteen ayaa haatan la siidaayey.
Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada dalkaasi ayaa shaaca ka qaaday in ninkaasi laheysta jarmalka ah uu weli ku sugan yahay magaalada caasimada ah ee Bogata xaaladiisa caafimaadna ay wanaagsan tahay.
Ninkan jarmalka ah oo magaciisa la yiraahdo Lothar Hintze, ayaa da'diiisu tahay 60 jir, waxaana la afduubay sanadku markuu ahaa 2001-da. Siideyntiisa ayaa la sheegay iney iska kaashadeen laanqeyrta cas, iyo kaniisadaha labada wadan. Sidoo kale ayaa lugu wadaa in jarmalka dowladeeda ay da daal u gasho sidii ay u sii deyn laheyd dad jarmal ah oo la sheegay in lugu af duub dalkaasi Ciraaq.

Sweden oo laga codsaday in Charles Taylor dalkeeda lugu xirro

Inkastoo aan la ogeyn in dowlada Sweden aqbaladi doonto codsiga Qaramada Midoobey ee ay u soo gudbisay lana xirriira in Taylor dalkeeda lugu xirro marka uu dhaco xukunka la doonayo in lugu qaado, ayaa hadana saraakiisha arimaha dibada Sweden weli wax war ah oo ku saabsan amuurtan.Marka laga reebo in qaar kamid ah wargeysyada Sweden ay shaaca ka qaadeen amuurtan.
Charles Taylor oo haatan maxkamad ay taageerto Qaramada Midoobey ee dalka Sierra Leone la horkaanay ayaa lugu wadaa in arrimihiisa maxkamada caalamiga ah ee Den Haag loo gudbiyo. Charles Taylor waxaa lasoo qabtay toddobaadkii hore isagoo dhuumaleysi uga baxayey dalkaasi Neyjeeriya oo muddo badan nabadgalyo siyaasadeed ku joogay.Waxaa loo heystaa dembiyo dagaal oo ay jabahadiisu ka geysatay dalka Sierra Leone iyo inuu xaquuqda aadanaha meel uga dhacay.

WARARKII APRIL 5, 2006

Charles Taylor oo maxkamad la soo taagay

 
Hogaamiyihii hore ee dalkaas Lebeeriya ayaa maanta maxkamad lagu soo taagay dalka Sierra Leone halkaasoo ah meeshii loogaga soo eedeyey inuu dembiyo dagaal ka geystay.
Gebi ahaanba waxa uu dafiray kow iyo tobanka qodob ee loo heysto iyadoo la filayo in maxkamad ay leedahay Qaramada Midoobey ee ku taal magaalada Free town si rasmi ah la horkeeni doono, markaana uu qiran doono dembiyada loo heysto ama uu diido.
 
Taylor waxaa lugu eedeyey inuu taagary  Jabhaddii Mideynta Kacaanka ee ka jirtey Sierra Leone sanadihii u dhaxeeyey 1991kii ilaa 2002dii. Jabhadaasi  waxaa la sheegay iney geysatay tacadiyo iskugu jiro gacmo geyn ka dhan ah rayidka, kugsi iyo carruurta oo laga dhigo askar.
Tan iyo sanadkii 2003-da waxaa uu Taylor nabadgallyo siyaasadeed ku joogay dalkaasi Neyjeeriya balse waxey dowlada dalkaasi ogolaatay in loo dhiibo Leybeeriya markii ay isku afgarteen maamulka Monrovia, muddo gaabana gudaheed waxaa loo gudbiyey magaalada free town oo ah caasimada dalkaasi Sierra Leone ee haatan lugu maxkamadeynayo.
 
 
Diyaarad meletari oo Mareykanku leeyahay oo soo dhacday
 
Diyaarad kamid ah kuwa ugu waa weyn ee melateriga ayaa burburtay wax yar kadib markii ay diyaaradaasi ay cagaha dhulka ka qaaday. Dadkii diyaaradaas saarnaa oo tiradooda gaareysay toddobo iyo toban ayaa dhamaantood la sheegay iney bad qabaan oo aan waxba gaarin. Diyaaradan soo dhacday ayaa ah nooca loo yaqaan C 5, waxaana ay kamid tahay kuwa ugu waa weyn ee meletarig ah, waxaana ay sidoo kale ku sii jeeday dalka Jarmalka. Ma jirto ilaa iyo hada sabab loo aaneyn karro iney ugu wacneyd burburka diyaaradaasi, balse dhowrka maalmood ee soo socda ayaa baaritaanka lugu sameynayo ka soo baxayaan war cad oo burburkeeda ku saabsan.

WARARKII APRIL 4, 2006

Rice iyo Straw oo Ciraaq booqasho kedis ah ku tagay 

 
Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka iyo condoleezza Rice iyo dhigeeda Britan Jack Straw ayaa booqasho aan horey loo sii sheegin ku tagay magaalo madaxda Ciraaq ee Bakhdaad, halkaasoo ay wadahal kula leeyihiin mus'iiliyiinta dalkaasi si looga codsado wadahadalka lugu doonayo in dowlad cusub la soo dhiso.
Labadan xoghaye ayaa wahadal la yeeshay madaxweynaha dalkaasi Jalaal Talabaani iyo Ibraahimal Jacfari oo ah ra'iisal wasaaraha dalkaasi, waxaana ay ka wahadleen sidii dowlada dalkaasi ay lugaheeda iskugu taagi laheyd iyo arrimaha amaanka dalkaasi.
 
Dr Rice oo booqasho ku soo martay magaalada London ayaa sheegtay in dowladeeda ay ka go'an tahay in muranka Nukliyeerka Iiraan lugu xalinayo hab diblomaasiyadeed, dhinac kalana xustay in siyaasada Washington aysan ka baxsaneyn talaabo Melatari haddii loo baahdo balse waxaan shaku jirin ineysan amuurtan aheyn mid sahalan haddii xal melatari loo adeegsado walow wasiiradu sheegtay in Iiraan aan marna lala bar bardhigi karrin Ciraaq kahor intii aysan duulaankooda gardarada ah ku qaadin.
 
        Brazil oo cirbiyeen u dirtay dayaxa guudkiisa 
 
Shalay goor aroor ah ayaa cirbixiyeenka ruushan-ka ee la yiraahdo Soyuz oo ka tirsan xarunta caalamiga ah dayaxgameedka ee loo yaqaano ISS gaaray isagoo uu weheliyo cirbixiyeen u dhashay dalka Brasil Marcos Pontes waxaana lugu wadaa in cirbixiyeenkaasi Brasiliyaanka ahi joogto dayaxa guudkiisa tan iyo sagaalka bishan april ee aynu ku jirno. Halka cirbixiyeenada kale ee Pavel Vinogradov och Jeffrey Williams ay joogi doonaan halkaasi lix bilood.
Marcos Pontes oo ah duuliye sare ayaa inta halkaasi joogo waxa uu kuura geli doona xaalada dayaxa iyo cabirka bad ahaaneed ee ay Brazil ku fadhiso.
Wuxuuna sidoo kale noqonayaa cirbixiyeenki ugu horeeyey ee u dhashay Brazil u dhashay ee taga dayaxa guudkiisa.

WARARKII APRIL 2, 2006

Hamaas oo taagero ka raadsaneysa Koonfur Afrika

 
 
Inkastoo Mareykanka gebi ahaanba jiray xirriirka kooxaha aragagaxisada u yaqaan ee Xamaas ayaa hadana dhinaca kale waxaa lugu wadaa wafdi ka socda Koonfur Afrika ay soo gaaraan toddobaadka dambe dhulka Falastiiniyiinta halkaasoo wadahal uga bilaaban doono maamulka Maxamuud Cabaas.
 
Hogaamiyaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas (Abuu Maazin) haatan ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in dowr muuqta ay ka ciyaaro karto nabadeynta bariga dhaxe.
Koonfur Afrika waxey xirriir qoto dheer la laheyd falastiiniyiinta waxaana ay haatan halkaasi wafdiga ay u dirtay tahay bilow ay ku dooneyso iney dowr muuqato ku yeelato wadahalada falastiiniyiinta iyo Israa'iil.

Dhinaca kale dowlada Washington ayaa maalintii jimcihii bilowday hanaan cusub oo ay kaga hortageyso in Xamaas yeelato xirriiro caalami ah, maamulka Bush-na waxey horey u sheegeen ineysan aqoonsi iyo taageero siineyn dowlada Xamaas haddii aysan aqoonsaneyn jiritaanka dowladeed ee Israa'iil.
Berito oo axadna waxaa bariga dhaxe ku siijeeda wefdi ameerikaan ah kwaasoo iyagana matalaya  waxa loogu yeeray "wadahalka afar geesoodka" ee Q M, Mareykanka, Ruush-ka iyo Midowga Yurub, kuwaasoo magaalo madaxda Jordon kula kaga munaaqishoon doona sida falastiinyiinta hey'adaheeda dhaqaale loo nidaameyn lahaa.
Labadii maalmood ee ugu dambeysana waxaa halkaasi ka socday duqeyn ay diyaaradaha Israa'iliyiintu u geysanayaan degmada Qaza oo ay runsan yihiin in halkaasi loogaga soo tuuray gantaalo.
 
Boqor Cabdallaha Sacuudiga oo balan qaaday inuu tirtirayo Al- Qaacida
 
 
Boqorka dalkaasi Sacuudi Careebiya boqor Cabdullaah Bin cabdulcasiis ayaa balan ku qaaday inuu tir tiri doono ururka Al- qaacida ee Usaama Bin Laadin hogaamiyo. Hadalkan ayuu sheegay boqorku isagoo gollaha shuurada dalkaasi la hadlayey: Bqor Cabdala waxa uu sheegay in kooxaha argagaxisada loogu yeero ay sanadihii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin ka geysteen dalkaasi.
Isagoo weli boqorka arrintaas ka hadlaya ayuu sheegay in xitaa si fikir ahaaneed kula dagaalami doono kooxahaasi. Waana markii ugu horeysay ee boqor cabdalaha Sacuudiga ka hadlo gollahaasi tan iyo intii walaalkiis Fahad ka geeriyooday jagada boqornimo ee uu haantan isagu hayo. "Dalkan kooxaha mintidka ah meel ugama banaana diin ahaana sidoo kale" ayuu yiri isagoo laga dareensan karro sida ay uga go'antay inuu la dirriro kooxda Bin laadin.
 
 
Turkiga oo doonaya inuu aamusiyo Tv Denmark laga soo daayo
 
Dowlada Turkiga ayaa waxey ka codsatay Denmark iney gebi ahaanba alaabada u laabto telefeyshin laga soo daayo dalkaasi kaasoo lugu magacaabo ROJ tv., kadib markii ay ku eedeysay iney rabshado ka dhacay dhulka Kurdiyiinta ay ku lug laheyd.
Qalalaasaha ka jira dhinaca baeri ee dalkaasi ayaa maalintiisi shanaad madaxa lagalay waxaana halkaasi ku dhintay hal qof tobonayeeyo kalana waa ku dhaawacmeen kadib marki ay iska horyimaadeen banaanbaxayaal rabshado wado iyo booliska gobolkaasi  Kiziltepe oo ku yaala xuduuda ay la wadaagto Siiriya.
Talefeyshinka ku hadla afka dowlada ayaa shaaca ka qaaday dadkii banaanbaxan sameynayey ay waxyeelo u geysteen dhismayaasha magaalada sida gooba adeegyada iwm.
 
Bishii november ee sanadkii hore ra'iisal wasaaraha dalkaasi waxa uu diiday inuu ka hadlo shir jaraa'id uu qabanayey kadib markii weriyeyaashii halkaasi ku sugaa uu mid kamid ah ka socday telefeyshinka Roj tv oo ah tv-ga ay hada dowladiisa ka cabaneyso. Dowlada Denmar ayaan la ogeyn iney yeeli doonto codsigaasi iyo inkale waxaana ay inta badan ku andacoota ineysan shaqo ku laheyn saxaafada madaxa banaan ee dalkaasi ka jirta. Sanadkii hore ayey aheyd markii wargeys xag jir ah uu aflagaado darran u geystay Suubanaheena Muxamed ah NNKH taasoo dunida muslinka ay si weyn uga caroodeen aakhirkiina keentay in dalkaasi go' xirriirkii ganacsi iyo mid siyaasadeed uu lalahaa dalalka Islaamka, dowlada dalkaasina marna kama aysan bixin cudurdaar la xirriira amuurtaasi.

WARARKII ADDUUNKA EE BSIHII MAARSO 2006