SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: APril 30, 2006

  • Ugaas Max’ed Weli: C/llaahi Yuusuf wuxuu xabashi ahaa 30-sano wuxuu ubaahan yahay ..

  • Ra’isul Wasaare Geeddi “Si dhaqsi leh ayaan ugu soo gudbin doonaa Baarlamaanka ..

  • Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Waxaracade ..

  • 10 ka mid ah Maleeshiyadii Mareykanka ku qabteen Xeebaha 

  • Isqabqabsi ka dhex jira sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo....


Ugaas Max’ed Weli: C/llaahi Yuusuf wuxuu xabashi ahaa 30-sano wuxuu ubaahan yahay ..

Ugaaska Beesha Sade ahna afhayeenka salaadiinta beelaha Daarood, ugaas Max’ed Weli Sh Max’ed Nuur, ayaa wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu kaga waramo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaanna uu ku dhaliilayo mas’uuliyiinta dowladda sida xildhibaanada, Ra’isul wasaaraha iyo Madaxweynaha wuxuuna warsaxaaafeedkaasi u qornaa sidani:

Dadka sheeganaya in ay Soomaali metelaan, isla markaana isku heysta in ay yihiin xildhibaano Soomaaliyeed.

Ma ahan xildhibaanno Soomaaliyeed, Soomaalina ma metelaan, maxaa yeelay, waa dad laga xukumo waddamo shisheeye, sida Itoobiya, Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga iyo kuwo kale oo la mid ah.

Nimankaan xildhibaannada sheeganayaa waxey u badan yihiin dad Itoobiya u raran, marka laga reebo shaqsiyaad yar oo uu Alle u naxariistay.

Ninka madaxweynaha u ah wixii lagu soo dhoodhoobay Mbegathi wuxuu xabashi aha 30-sano, lamana Soomaaliyeyn karo ilaa la dhaqan celiyo 30-sano oo kale.

Kan Ra’isul wasaaraha ku magacaaban waa mid ka liita C/llaahi Yuusuf Axmed, waana nimmaan aqoon, wax ka horreeya iyo wax ka dambeeya midna, isla markaana u hadla sidii qof jinni qaba.

            Haddaba waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney iska iloobaan wixii horey u dhex maray iyaga oo dhibaato ah, isla markaana ay u midoobaan, sidii loo soo celin lahaa midnimadii, sharaftii iyo qarannimadii ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaan uga digayaa iney u dheg raariciyaan magac u yaalka ku shirsan magaalada Beydhabo, haddii ay dhacdo shacabku inuu u dhag raariciyo, wax matarayaashii horey u dhibaateeyey, waxey la kulmi doonaan dhibaato aan laga dabaalan Karin, ugu yaraan hal qarni, sidaasi darteed, waxaan mar kale ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed iney kala gartaan cadowgooda iyo saaxiibkood.

Ugaas Max’ed Weli waa shaqsi inta badan aan ka aamusin xaaladda dalka, jecelna inuu hadba wax ka yiraahdo xaaladaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna u fara dhuudhuuban yahay isbadalada siyaasadeed ee waddanka.

Ugaas Max’ed Weli wuxuu qeyb ka ahaa ka qeyb galayaashii shirkii Mbegathi, iyadoo sida laga wada warqabo ay Ugaasyada iyo odayaasha dhaqanka ahaayeen kuwii soo xulay mas’uuliyiinta isku wada maanta iney yihiin xildhibaanada ka wakiilka ah shacabka Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa laga yaabaa iney wax badan iska weydiiyaan waxa ku kalifay in ugaas Max’ed Weli uu warqaddiisa dhaliisha ah ku soo beego xilligaan  oo ay xildhibaanada ku sugan yihiin magaalada Beydhabo oo ay si KMG ah ugu shaqeynayaan, iyadoo dhawaan un la soo afjaray kala qeybsanaan muddo u dhaxeysay, 

Ra’isul Wasaare Geeddi “Si dhaqsi leh ayaan ugu soo gudbin doonaa Baarlamaanka ..

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa mar uu kulan la yeeshay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay in Dowladdiisu ay si dhaqsi leh ugu soo gudbin doonto Golaha Baarlamaanka wixii qorshayaal ah ee la xiriira Dowladdisa. “waxaan ku guda jirnaa diyaarinta barnaamijkii aan hor dhigi lahaydn golaha Baarlamaanka oo u qaybsan mid dhow iyo mid fog” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Geedi oo sheegay in mudadii ay jirtay Dowladda kuna sugneyd Magaalada Jowhar ay qabatay howlo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan isku xirka beesha Caalamka iyo Dowladda, sidoo kale waxa uu sheegay in Dowladdu ay gacan ka gaysatay sidii loo furi lahaa Safaaradihii Soomaaliya, waxaa kalloo uu sheegay in ay dib u uruuriyeen ciidamadii Xoogga dalka Soomaaliyeed isla markaana ay tababar siiyeen kooxo maleeshiyooyin ah oo laga keenay gobalada dalka. Waxaa Magaalada Baydhabo ka socda hadal haynta ah in Baarlamaanku uu damacsan yahay in uu xilka ka qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi waxaana arrintaai wada qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo iyagu ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Geedi in uusan waxba u qaban bulshada Soomaaliyeed mudadii uu ay Dowladdu jirtay. Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu sheegay in Baarlamaanka looga baahan yahay in uu turxaan bixiyo Dowladda Federaalka balse aan waqtigaan loo baahneyn in wixii la soo dhisay dib loo burburiyo. Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa u soo jeediyay Golaha Baarlamaanka in uu dedejiyo howlihiisa si ay Dowladdu ugu talaabsato sidii ay ugu adeegi lahayd Qaranka Soomaaliyeed. Dowladda Fedeaalka waxaa socodkeedii wiiqay Dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Midowga Maxaakiimta iyo Isbahaysiga la Dagaalanka Argagixisada ee ay ku jiraan qaar ka mid ah Wasiirada Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi. 

Dagaal shalay ka dhacay deegaanka Waxaracade ..

Shalay galabnimadii ayaa deegaanka Waxara-Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud oo u dhexeeyay maleeshiyooyin ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo kuwo ka socday isbahaysiga la dagaalanka argagixisada. Lama oga sababihii uu ku bilowday dagaalkaasi, balse warar ayaa waxay sheegayaan in laba kooxood oo ka kala tirsan labada dhinac oo kala shakiyay uu ka bilowday dagaalku, kaasoo markii dambe ku fiday Xaafadda Waxara-Cadde, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay in ay dagaalkaasi uu ku dhintay hal ruux ayna ku dhaawacmeen labo kale.

Waxaa xaafadda Waxara-Cadde ka bilowday haatan qax la soo gudboonaaday dadka deegaanka oo iyagu ka cabsi qaba in dagaalku uu sii balaarto waxaana la arkayay dad isugu jira Haween, Carruur iyo Odoyaal oo laga soo saarayo xaafadda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dadkaani la soo gudboonaadaan qax, bilihii Maarso iyo Febaraayo ayaa dagaaladii halkaasi ka dhacay waxaa ka firxaday dadweyne aad u fara badan oo ka carayay xababadihii la laysa weydaarsanayay.

Dadka deegaanka ayaa waxay ku baaqayaan in laga hor tago wixii dagaal ah ee la lala damacsan yahay in deegaankaasi laga huriyo , waxayna si gaar ah codsigaani ugu direen Odoyaasha iyo Waxgaradka ku nool xaafaddaasi oo ah xaafad ay si aad ah u degan yihin dad rayid ah.

10 ka mid ah Maleeshiyadii Mareykanka ku qabteen Xeebaha 

Maalintii shalay ahady ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Nambar Konton ayaa waxaa soo degay  toban ka mid ah maleeshiyooyin ay qabteen ciidamada Mareykanka ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya mar uu dagaal ku dhex maray meel ku aadan xeebta Xarardheere.

Raggaan oo mudo ku xirnaa xabsi ku yaala Magaalada Mombassa ayaa waxaa sii deyntooda gacan ka gaystay Hay’adda ICRC, waxa uuna sheegay sarkaal u hadlay Hay’addaasi intii ay xirnaayeen raggaasi ay Hay’addu ka shaqeyn jirtay sidii ay ula xiriirin lahayd eheladooda.

Tahliil Xaashi Weheliye oo ka mid ah raggii la soo daayay ayaa mar uu u waramayay saxaafadda waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu dib ugu soo laabto dalkiisa Hooyo waxa uuna sheegay  in Dowladda Mareykanka ay si xun ula dhaqmeen markii ay ku qabanayeen xeebaha Soomaaliya.

Dagaalkii dhex maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, waxaana ku dhaawacmay labo kale, iyadoo labada dhaawacantay haatan lagu daweenayo Isbitaal ku yaal dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ninkii Maydka ahaa uu yaalo Isbitaal u yaal Magaalada Mombassa waxaana uuna ku jiraa Qaboojiye.  

Isqabqabsi ka dhex jira sidii maamul loogu sameyn lahaa Magaalada Baydhabo....

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo waxey sheegayaan in is qabqabsi aad u balaaran uu ka jiro sidii maamul loogu sameyn lahaa magaalada Baydhabo.

Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa iyagu si aad ah isugu heysta jagooyinka sar sare ee maamulkaasi, iyadoo beesha Eelaay ay ku doodeyso iney xaq u leedahay iney noqoto guddoomiyaha gobolka Baay iyo duqa magaalada Baydhabo.

Waxaa jira shirar gooni gooni ah oo looga wada hadlayo sidii maamul loo dhan yahay loogu sameyn lahaa magaalada Baydhabo, maadaama magaaladaasi ay fariisin u tahay dowladda federaalka.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ayaa iyagu soo jeediyey in maamulka loo sameynayo magaalada Baydhabo uu noqdo mid doorasho taasoo looga bixi karo khilaafaadka haatan ka dhex jira siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle.

Dowladda federaalka waxey siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ku cadaadinayaan sidii maamul loogu sameyn lahaa gobolka si ay u timaado kala dambeyn.

Wafdi ka socda Jaamaca-da Carabta oo ku soo fool leh…

Wafdi ka socda Jaamaca-da Carabta ayaa la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan magaalada Baydhabo iyadoo intey joogaanna la filayo iney kulamo la yeeshaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka, wardigani ayaa u tagaya halkaasi sidii ay u soo ogaan lahaayeen baahida dowladda federaalka ee dhinaca dib u dhiska iyo ammaanka.

Jaamacadda Carabta marka ay dhameystaan safarkooda magaalada Baydhabo waxey warbixin u gudbin doonaan Jaamacadda Carabta si loo fuliyo ballan qaadyadii Jaamacadda Carabta ee dowladda federaalka ee shirarkii Aljaris iyo Khartuum ee sannadihii 200 iyo 2006.

Ilaa iyo hadda dowladda federaalka wax gar gaar ah kama helin Jaamacadda Carabta, xitaa kama aysan qeyb qaadan Jaamacadda Carabta gurmadkii loogu jiray abaaraha ee ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf ayaa dhawr jeer waxa uu Jaamacadda Carabta ku eedeeyey ineysan ka dhabeynin ballan qaadyadii ay horey ugu fidiyeen dowladda federaalka gaar ahaan intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay magaalada Neyroobi ee dalka Kenya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2006

Indhoolayaal  la Barey Farta Braille-ka oo ka Qalin Jabiyey Dugsiga Al- Nuur
»
Kulamada C/llaahi Yuusuf la yeeshay  Qabaa'il Soomaaliyeed
»JWXO oo u digtay sharikadaha damaacigu ka hayo shidaalka
»Wabarka Beesha Ceyr "Haddii aa laga hortagin kooxda..
»Xildhibaano ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan kulanka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 29

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa Liibya
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya, Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa sheegay in...  Guji.... Apr 28

Dil Ka Dhacay Tuulada Cabdille Biroole Ee magaalada Kismaayo...