SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: APril 29, 2006

  • Indhoolayaal  la Barey Farta Braille-ka  kana Qalin Jabiyey Dugsiga Al- Nuur

  • Kulamada uu C/llaahi Yuusuf kula yeeshay magaalada London Qabaa'ilka Soomaaliyeed

  • JWXO oo u digtay sharikadaha damaacigu ka hayo shidaalka Ogaadeenya.

  • Wabarka Beesha Ceyr “Haddii aa laga hortagin kooxda  Culusow waxaa hubaal ah..

  • Xildhibaano ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan kulanka Baarlamaanka ..


Indhoolayaal  la Barey Farta Braille-ka  kana Qalin Jabiyey Dugsiga Al- Nuur

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxay ka dhacday dugsiga AL-Nuur waxayna xafladaasi ku saabsaneyd qalinjabin la xiriirta farta Braille-ka oo la barayay dad indhoolayaal ah oo tiradoodu gaareysay ilaa iyo 10 oo isugu jiray haween iyo rag.

            Ardaydaas oo mudo bil iyo bar ah baranayay fartaasi ayaa waxaa xafladda qalinjabintooda ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay Hay’adaha xaquuqda, Aadanaha, madaxda hay’adaha samafalka, dalladdaha Waxbarashada, Jaamcadaha iyo marti sharaf kale, waxaan augu horeyntii halkaasi heeso Anaashiido ah ka akhriiyay ardayda wax ka barata dugsiga Indhoolayaasha AL-Nuur kuwaasoo ay si aad ah ugu qushuuceen dadkii daawanayay.


Kutubka Quraanka oo ku qoran farta braille-ka | Ibraahim oo sharxaya farta Bareelka

Macallin Ibraahim Cabdulaahi  oo ah Macallin Indhoole ah si aad ahna uga soo qalinjabiyay farta Braill-ka waxbarashadiisuna ay tahay ilaa iyo heer jaamacadeed kana mid ahaa macalimiintii wax bareysay ardaydaasi ayaa waxa uu sheegay in farta Braill-ka ay tahay mid u fududeyneysaa dadka indhoolayaasha ah in ay wax qoraan waxna akhriyaan.

“waa nasiib daro in far la soo saaray labo boqol oo sano ka hor in maanta Soomaaliya ay soo gaarto, gaar ahaan dadka Indhoolayaasha ah” ayuu yiri Macallim Ibraahim oo ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee Illaah wax siiyay in ay gacan siiyaan dadka indhoolayaasha ah oo u baahan gacan aad u balaaran si ay wax ula qaybsadaan bulshada inteeda kale, waxaa kalloo ka hadlay Aadan Max’ed Xerow oo ah madaxa Warfaafinta iyo xiriirka caalamiga  ah ee Jaamacadda Muqdisho ayaa waxa uu isna sheegay  in xafladdaani ay tahay tii ugu fiicneyd ee uu ka qaybgalo xafladihii horey uu uga qaybgali jiray, wayo ayuu yiri “waxaa I faraxgeliyay dad indhoolayaal ah oo la barayo in ay wax akhriyaan waxna qoraan”, isagoo balanqaaday in Jaamacadda Muqdisho ay ka qayb-qaadan doonto iyo gacan siinta dadka indhoolayaasha ah.


Yaasmiin Mayow oo shahaado guddoonsiineysa gabar qalin jibeysey | Maxamed Axmed Hadlaya

            Waxa kalloo ka hadlay Sarkaall oo ka socday Hay’adda Muslim Aid, Uk waxa uuna u mahadceliyay intii ka shaqeysay in ay waxbaraan dad Indhoolayaal ah oo iyagu mar kasta u baahan in wax la baro, si ay ula qaybsadaan noloshada bulshada inteeda kale, isagoo sheegay in Hay’addiisu ay diyaar u tahay in ay wax u qabato dadka indhoolayaasha ah, waxaa kalloo halkaasi ka hadlay Prof. C/raxmaan Maxamuud Macow (Dhalxa) oo ka socdey  Hayada Xaquuqda Aadanaha ee Khaliif Huudow) oo isna u soo jeediyay maamulka Dugsiga AL-Nuur in ay farta Braill-ka ah wax ku baraan si ay iyana wax u baraan dadka Indhoolayaasha ah oo aan fursadda u helin dugsi, ama wax ku barida farta Braill-ka

            Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Dugsiga Al-Nuur C/fitaax Max’ed Daahir, waxa uuna sheegay in Dugsiga AL-Nuur ay fureen dad indholayaal ah oo horey wax u soo bartay kuwasoo doonaya in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan dadka Soomaaliyeed ee indhaha la’ isla markaana aan fursadda u helin ay wax bartaan, waxa uuna u soo jeediyay Hay’adaha Samafalka, Shirkadaha, Ganacsatada in ay gacan siiyaan dadka indhoolayaasha ah si ay ula mid noqdaan dadka kale ee caadiga, maadaama marba marka ka dambeysa adduunyadu ay horumar sameyneyso.


Cabdi Fataax | Faadumo

            Ardayda ka qalinjabisay waxbarashada dadka waaweyn oo indhoolayaal ah ayaa waxaa shahaadooyin iyo abaalmarino kale gudoonsiiyay Yaasmiin Mayow Max’ed oo ka socday Web-Site-ka 4Somaliwomen.com oo inta badan ka hadla arrimaha haweenka, waxaa kalloo shahaadooyinka guddoonsiiyay ardaydaasi Eng. Siidow Xasan Mahdi oo ka socday Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Human Rights iyo shaqsiyad kale.  

Kaalinta koowaad waxaa gashay Aamino  Cabdul Majiid oo ah gabar indhoola ah kol dhoweedna ku guuleeysatay tartan quraan aqris labada jeerba aamino waxay gashay kaalimaha koowaad,  kaalinta labaadna  waxaa  ku guuleysatay Abshiro C/naasir  labadaas gabdhood waxa ay ka mid yihiin tobanka ardey ee loo xiray siminaarka kor loogu qaadaayo barashada  Farta indhoolayaasha

“ Weligeey isma aanan dhihin adigoo indhoola ah ayaad wax aKhrisan doontaa waxna Qori doontaa   waxaan maanta gaarsiisanahay heerkii jaamacadee”   Sidaa waxaa tiri  Faadumo Axmed Maxamed oo  ka mid aheyd ardeyda la gudoonsiiyay shahaadada”

waa dugsigii ugu horeeyay ee noociisa ah oo laga furo Magaalada Muqdiso, waxa uuna bilaabay tababar labo sano ah oo uu furay ardaydii ugu horeysay oo gaareysay 22 arday oo isugu jiray 12 Wiil iyo 10 gabdhood, waxaana sababaha loo furay dugsiga ay tahay baahi weyn oo la factirsatay dadka Indhaha la’ mudo dheer xagga aqoonta, kor u kicidda tirada dadka indhaha la’ ee gudaha Soomaaliya sanooyinkaan dambe dhinacyada kala duwan haddii ay noqon lahayd dabiici, nafaqo daro, iyo naafeynta dagaalada sokeeye, dadka indhaha la’ ee Soomaaliyeed ee dibadaha iyo dalka wax ku bartay oo garwaaqsaday in loo gurmado walaalahooda dhibaateysan ee gudaha ku nool.


Yaasmiin oo shahaado gudoonsiineysa | Ing. Siidow oo shahaado guddoonsiinaya

Dadka gacanta ka gaystay aasaasidda dugsiga waxa ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magalada Birmingham ee dalka Engiriiska, Shirkadda Al-Towba, Mu’asasada Imaamu Shaafici, Shirkadda Jubba Airways, Shirkadda Telcom Somalia iyo shaqsiyaad kheyr jecel oo Soomaaliyeed.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Kulamada uu C/llaahi Yuusuf kula yeeshay magaalada London Qabaa'ilka Soomaaliyeed
 
Tan iyo intii uu yimid magaalada London Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya MD. C/llaahi Yuusuf Axmed wuxuu markii ugu horreeysay kulan la yeeshay xubno ka kooban 25 xubnood oo laga soo xulay qeybaha bulshada ku dhaqan magaalada London ahaana aqoonyahanno Soomaaliyeed si ay uga doodaan waxyaabaha hortaagan tan iyo markii la dhisay xukuumadda uu madaxda ka yahay MD. C/llaahi Yuusuf.
 
Kullankan oo xubnihii ka qeyb galay ay ku ballamaeen in ay dib isgu soo noqdaan, ayaan ilaa iyo hadda dhicin taasi, ka dib markii Madaxweynuhu bilaabay kulamo uu la yeelanayo xubno ka tirsan qabaa'ilka Soomaaliyeed.


Xildhibaan aamina Maxamed Mursal & Madaxweyne C/llaahi Yuusuf  |
Sawir qaade C/llaahi Afey.

 
haddaba haddii aan dib uga faaloono qabaa'ilka uu la kulmay waxaa ugu horeeyay:-
 
Beesha Xawaadle, Gaaljecel, Waceyle, Madhibaan, Dir, Majeerteen, Shiikhaal, Dhulbahante & beesha Leelkase iyo Aqoonyahannada beesha Daarood.
 
Sidoo kale maalinimadii shalay aheyd wuxuu la kulmay beelaha kala ah:-
 
Saruur, Saleebaan, Mudulood, Mareexaan, Absame iyo Qowmiyadda Digil & Mirifle.


Xubnaha ka qeyb galay... |
Sawir qaade C/llaahi Afey.

 
Kullankii uu la yeeshay Qowmiyadda Digil & Mirifle oo ay ka qeyb galeen aqoonyahannada beeshaasi oo ay hoggaamineysay Xildhibaan Aamino Maxamed Mursal iyo xubnaha sarsare ee jaaliyaddaasi ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa in si dhab ah wax looga qabto nabaradii ku dhacay ummadda Soomaaliyeed intii ay socdeen dagaallada sokeeye & sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo sababi kara dib u dhac ku yimaada nabadda & dib u heshiisiinta laga dhex wado ummadda Soomaaliyeed.
 
Waxaa intii uu socday kulankaasi hadallo qiimo badan ka soo jeediyay MD. C/kariim Maxamed Cali oo loo yaqaano C/kariim Yaanyuuroow oo ku hadlayay magaca ka qeyb galayaasha kulanka ay la yeesheen qowmiyadda Digil & Mirifle Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.
 
Iyagoo ballan qaaday in wixii awooddooda ah ay la shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliyeed.

 
Wariye
Allasow
London, UK
alasow73@hotmail.com
Sawir qaade C/llaahi Afey.

SOOMAALIYA::: Warbixintii Afarta Bilood ee UNDP (English)


Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 April  2006.
 
 
JWXO oo u digtay sharikadaha damaacigu ka hayo shidaalka Ogaadeenya.
 
Ciidammada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo foodda is-daray.
 
 Suxufiyiin kale oo Itoobiya xidhxidhay.
 
Qaramada Midoobey oo Itoobiya si kulul u canbaaraysay.
 
Barnaamijka Xog-warran(Hoos udhaca dhaqaalaha Itoobiya).
 
======================
 
 
    Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya JWXO ayaa digniin culus u jeedisay sharikadaha shisheeyaha ah ee damaacigu ka hayo inay soo saaraan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Ogaadeenya, sidaas waxay Jabhaddu ku sheegtay bayaan ay dhawaan soo saartay.
 
Digniintan waxay JWXO soo saartay, ka dib markii labo sharikadood oo laga leeyahay dalka Indiya, oo lagu kala magacaabo Gail India iyo GSPC ay daboolka ka qaadeen inay doonayaan inay xukuumadda Itoobiya la billaabaan gorgortan ku saabsan sidii ay soo saari lahaayeen Gaaska Jeexdin, iyagoo sheegay inay rajaynayaan in heshiis arrintaas ku saabsan ay Itoobiya la galaan inta ka horraysa 10-ka Juun 2006.
 
JWXO waxay doonaysaa inay u caddayso sharikadaha Gail India iyo GSPC iyo xukuumadda Itoobiya inayna u dulqaadanaynin in la soo saaro khayraadka dabiiciga ah ee Ogaadeenya, oo ay ka faa’iidaystaan xukuumadda Itoobiya ama sharikad shisheeye inta dadka Soomaalida Ogaadeenya loo diiddan yahay xuquuqdooda asaasiga ah ee aaya-ka-tashiga, sidaas waxaa lagu sheegay bayaanka JWXO.  
Bayaankan waxay kaloo JWXO ku sheegtay in dalka Ogaadeenya uu hadda ka socdo dagaal u dhexeeya ciidammada Itoobiya iyo ciidammada xorenya ee JWXO, kaasoo abuuary jawi aan nabadgelyo u noqon karin soo saarista gaaska.
 
JWXO waxay sharikadahan kula talisay inay ka noqdaan qorshohooda ah inay Itoobiya kala xaajoodaan sidii ay Gaaska Jeexdin u soo saari lahaayeen, waxayna ugu baaqday sharikad kasta oo doonaysa inay ka hawlgasho Gaaska Jeexdin ay marka hore iyadu u dhabba-gasho jawiga siyaasadeed iyo midka nabadeed ee ka jira Ogaadeenya.
 
Bayaankan ayay warbaahinta caalamku si wayn uga hadashay dhawrkii maalmood ee u denbeeyay, waxaana soo qaatay wakaaladaha warfaafinta ee adduunka ugu caansan, sida Reuters, AFP iyo AP.
 
Arrintaas ayaa xukuumadda Itoobiya naxdin wayn ku abuurtay, iyadoo ka cabsi qabta in sharikadaha adduunku ay ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Ogaadeenya, waxayna markiiba soo saartay bayaan ay ku raddiyayso midka JWXO, iyadoo sheegtay in Ogaadeenya ayna dhibaato colaadeed ka jirin.
 
Ciidammada Kenya iyo kuwa Itoobiya oo foodda is-daray.
 
Ciidammada Kenya iyo kuwa gumaysatada Itoobiya ayaa foodda isku daray meel u dhaw magaalada Mooyaale oo dhinaca xadaka Kenya ku taalla. Dagaalkan ayaa labada dhinac dhex maray, ka dib markii ay ciidammada Itoobiya soo weerareen xarun ganacsi oo ku taalla dhinaca Kenya.
 
Cutub ka tirsan ciidammada gumaysatada Itoobiya oo 60 askari ka kooban ayaa soo weeraray xarunta ganacsiga ee Oda, oo dhawr kilo mitir u jirta magaalada Mooyaale, isla markaana ku taalla gudaha xadka Kenya. Ciidammadan ayaa la sheegay inay raadsanayeen dad Oromo ah oo ka soo horjeeda xukuumadda Zenawi ama taageera ururka Oromada ee OLF.
 
Hase yeeshee ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira millatariga iyo booliska Kenya ayaa ka hortagay oo dagaal qadhaadh la galay ciidammada gumaysatada Itoobiya ee soo weeraray gudaha dalka Kenya.
 
Sargaal sare oo Keenyaan ah ayaa sheegay in ciidammada Itoobiyaanka ahi ay dhinaca xadka Kenya u soo gudbeen seddex maalmood ka hor, isla markaana ay afduubeen seddex qof oo Keenyaan ah. Sargaalkan sare ee Keenyaanka ahi wuxuu intaas ku daray in ciidammadii Itoobiyaanka ah dib loo riixay oo lagu celiyay fadhiisimadii ay ka soo duuleen. Askari Keenyaan ah ayaa ku dhaawacmay dagaalkan oo qarxay.
 
Markii dagaalku ka dhex qarxay ciidammada Kenyaanka ah iyo kuwa Itoobiyaanka ah waxay ciidammada Itoobiyaanka ahi qorshaynayeen inay weeraraan guri ku yaalla nawaaxiga meesha lagu magacaabo Atesa.
 
Afhayeen u hadlay booliska Kenya ayaa sheegay in ciidammada Itoobiyaanka ahi ay dileen 7 qof, isla markaana ay dhaceen dhawr neef oo xoolo ah, ka hor intii ay dib loo caydhinin.
 
Suxufiyiin kale oo Itoobiya xidhxidhay.
 
Xukuumadda Itoobiya ayaa xadhig ku xukuntay labo suxufi oo kale, sidaas waxaa talaadadii sheegay guddiga difaaca suxufiyiinta CPJ oo fadhigiisu yahay magaalada New York ee carriga Maraykanka.
 
Guddigu wuxuu sheegay in bisha Abriil 18dii 16 bilood oo xadhig ah lagu xukumay Wosonseged Gebrekidan, oo lagu eedeeyay inuu ku tuntay sumcadda dalka. Gebrekidan wuxuu ahaa tifatiraha wargayskii Addis Zena oo xukuumadda Zenawi mamnuucday, wuxuuna ka mid yahay 14 suxufi oo la xidhan madaxda mucaaradka ee loo haysto inay afgenbi isku dayeen.
 
Waxaa sidoo kale hal sano oo xadhig ah lagu xukumay Abraham Reta, oo ahaa suxufi madaxbanaan, oo mar lala qabtay ninka hore.
 
Madaxda mucaaradka iyo suxufiyiintan ayaa loo cuskanayaa denbiyada khiyaamo qaran, oo ciqabtoodu noqon karto dil ama xabsi daa’im ah.
 
Tan iyo markii uu billowday kacdoonkii ka dhashay musuqmaasuqii doorasha ku sheegtii kal hore waxay xukuumadda Zenawi xabsi ku xukuntay suxufiyiin badan oo lagu eedeeyay denbiyo kala duwan.
 
Qaramada Midoobey oo Itoobiya si kulul u canbaaraysay.
 
Qaramada Midoobey ayaa arbacadii si wayn xukuumadda Itoobiya ugu canbaaraysay arrimaha xuquuqda aadanaha, gaar ahaan intii ka denbaysay doorasha ku sheegtii la qabtay bishii May ee 2005.
 
Louise Arbour, oo ah wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha xuquuqda aadanaha, waxay booqatay maxaabiis isugu jirta madaxda mucaaradka iyo suxufiyiin, waxayna sheegtay in xaaladoodu ay aad u liidato.
Waxay kaloo intaas raacisay inayna ahayn arrin la qaadan karo in maxaabiistan xabsiga lagu hayo muddo sannad ah, loona diido in damiin lagu soo daayo.
 
Waxay kaloo intaas ku dartay in dastuurka Itoobiya uu dhigayo in qof kastaa uu xaq u leeyahay in damiin lagu sii daayo, waxayna xukuumadda Itoobiya ugu baaqday in dib uga fiirsato sharciyada ay u cuskanayso madaxda mucaaradka iyo suxufiyiinta xidhxidhan, oo maxkamaddoodu billaaban doonto bisha May labadeeda.
 
Louise Arbour waxay sheegtay inay la yaabban tahay in denbiyo sidaas u calculus ah oo khiyaamo qaran ah lagu soo oogo madaxda mucaaradka, ka dib markii la qabtay bannaanbaxyo dhawr ah oo ka dhashay doorashadii xukuumadda lagu eedeeyay inay musuqmaasuqday.
 
28 April 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Wabarka Beesha Ceyr “Haddii aa laga hortagin kooxda  Culusow waxaa hubaal ah..

“Waxaan ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadan, kana fiirsadaan arrinta ay xambaarsan tahay socdaalka ay ku tageen koox Ceyr ah oo uu watay ninka la yiraahdo Max’ed Max’ud Culusow, ayna sheegeen iney la shireen dowladda Mareykanka iyagoo matalaya beesha, haddaba arrintaasi socdaalka waxey xambaarsan tahay, khatar, oo la xalaaleysanayo in shaqsiyaad horey ugu shaqeyn jiray dowladdo kale ay beesha uga dhigtaan gabaad Soomaaliya” ayuu yiri wabarka Beesha Ceyr, Wabar C/llaahi Oray oo intaasi sii raaciyey. “Qof waa noqon karaa jaajuus laakiin qabiil dhan ma noqon karo jaajuusiin, beesha Ceyr waxaan ugu baaqayaa iney ka hortagto kana feejignaato, waxyaabaha ay soo wadaan shaqsiyaadka ku daneysanaaya sumcaddooda, sharaftooda, midnimadooda iyo jiritaankooda, waayo waan ognahay waxyaabaha ay damacsan yihiin, haddaan laga hortagin kooxda Max’ed Max’ud Culusoow, waxaa hubaal ah inaan takoormi doono”. Iyadoo uu wabarku uu ku soo gabagabeeyey warsaxaafadeed qoraal ah oo uu soo gaarsiiyey wargeyska Ayaamaha, in la meel mariyo warkiisaas oo aan la fududeysan, Soomaalidana ay ka feejignaato raggaasi uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo magaca beesha ay ku dhex leedahay Soomaalida ka faa’ideysanaya. 

Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo sheegey in ay kulan siin doonaaan..

Malintii khamiista ayaa kulan waxaa Hotel Peace ku wada yeeshay guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamuud Xasan Cali cadde Gaabow iyo guddoomiyaha Golaha deegaanka Gobalka Banaadir Maxamuud Cumar Tootoow iyo Odoyaasha dhaqanka Beelaha Haweiye waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, isla markaana loo heshiinsiin lahaa labada kooxood ee isku haysa Magaalda Muqdisho.

Odoyaasha dhaqanka ayaa maamulka Gobalka Banaadir waxa uu il xilsaaray in arrintaasi ay u howlgalaan waxayna Odoyaasha dhaqanku sheegeen in ay shaqsi shaqsi ula kulmi doonaan kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ka fool ka fool isku soo hor fariisin doonaan, waxaana ka mid ahaa Odoyaashaasi Maxamuud Cali Ugaas, Suldaan Cali Horseed, Maxamuud Dhaqane Nuur iyo Odoyaal kale.  

Xarun loogu magac daray xarunta wada xaajoodka iyo Horumarinta oo looga dhawaaqey...

Waxaa maalintii shalay aheyd hotel Ambaasadoor ee magaalada Muqdisho looga dhawaaqay xarun loogu magacdaray xarunta wada Xaajoodka iyo Horumarinta, waxaana ka qeyb galay furitaankii xaruntaasi qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ugu horreyntii ka hadlay guddoomiyaha xarunta Prof. Axmed Nuur Sheekh Cali oo isagu si aad ah ugu dheeraaday, dowladihii soo maray Soomaaliya, isagoo sheegay iney dhammaantood ahaayeen kuwo aan u shaqeyn shacabka Soomaaliyeed.

“Waa ayaandarro in dadka Soomaaliyeed ay 16-sano dowlad la’aan ahaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha oo sheegay in xaruntaani sababaha loo furay ay tahay sidii ay u barbaarin laheyd kaadirka Soomaaliyeed oo shacabka ku hoggaamiya nabad iyo dowlad.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay inxaruntaani ay dhawaan bilaabi doonto sidiiay u wada hadalsii laheyd qeybaha kala duwan ee bulshada si ay halkaasi uga soo baxaan fikrado lagu badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Axmed Abaroone Amiin, oo guddoomiye ku xigeen ka soo noqday maamulkii Carte, ayaa wuxuu u mahadceliyey intii soo abaabushay furitaanka xaruntaani, wuxuuna usoo jeediyey iney noqoto xarunti mid ka shaqeysa dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo ka hadlay Sh. Axmed Cali Gees oo ku hadlay magaca ummadda Soomaaliyeed, oona sheegay in xarunta mar kasta looga baahan yahay iney ku dhawaato dhinaca diinta, si loo helo dad bulshada ku hoggaamiya dowlad caddaalad ku dhisan.

Xildhibaano ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan kulanka Baarlamaanka ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaank ay ku hanjabeen in ay isaga bixi doonaan kulanka Barlamaanka ee ka socda Magaalada Baydhabo haddii aan si dhaqsi leh xilka looga qaadin Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi.

Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa yaala mooshin ah in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, waxaana soo gudbiyay mooshinkaan ilaa iyo 80 Xildhinaan.

Guddoomiyaha Baarla-aanka ayaa waxa uu xildhibanadaasi u sheegay in marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanku uu la xisaabtamo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi gaar ahaan waxyaabihii uu qabtay mudadii sanadka iyo barka ahayd ee ay Dowladdu jirtay. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2006

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa Liibya
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya, Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa sheegay in...  Guji.... Apr 28

Dil Ka Dhacay Tuulada Cabdille Biroole Ee magaalada Kismaayo...