SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LIIBIYA

Madaxweynaha Soomaaliya oo Casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa liibya 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo Saaxil Wasaxaraa, Mudane Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa sheegay asigoo jooga xafiiskiisa safaaradda Soomaaliya ee tripoli in madaxweynaha dowlada federaalka kmg ah ee soomaaliya mudane:C/laahi yuusuf axmed uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka libya mudane:col-mucamaral al-qadafi.

Casuumada loo diray madaxweynaha soomaaliya ayaa ah mid labo weji leh midi waa kulan ku saabsan sidii ay uga wada hadli lahaayeen iskaashiga labada dowladood iyo weliba dhibaatada iyo macluusha baahdey ee ka taagan soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa gacana ay uga geysan lahayd dowlada libya oo ay horey u jireen heshiisyo aan la dhameystirin la rabana in hada la dhameeyo dowlada libya ayaa sheegtay in ay dowlada soomaaliya ay hiil iyo hooba la garabtaagan tahay

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxuu ka qeybgalayaa shirka todobaad ee saaxil wasaxaraa inta uu joogo dalka libya, shirkan oo ah kan madaxweynayaasha Saaxil wasaxaraa oo ka furmaya `1,may-2006 dalka libya oo ah xarunta ururka saaxil wasaxara halka ay ku taalo. Shirka oo looga hadli doono arimaha ururka iyo sidii loo mideyn lahaa siyaasada africa iyo weliba arimaha soomaaliya, shirkaas oo socon doono labo maalin uun madaxweynaha yuusuf oo la filayo in uu ka soo qayb galo, sida uu ii sheegay danjire ilka dahab.

Waxaa ka socoto safaarada soomaaliya diyaar garowga soo dhaweynta madaxweynaha soomaaliya mudane c/laahi yuusuf axmed oo ku soo fool leh dalka libya si uu u dhameysto casuumadiisa uu u fidiyey dhigisa.

saciid -antenno
tripoli- libya
saciidanteno@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2006

WARARKII HORE EE SAFAARADA SOOMAALIDA EE LIIBIYA: Hoos ka akhri.


Safiirka Soomaaliya ee Saaxil Wasaxaraa Dr Ilka-Dahab oo ka warbixiyey shirkii ka dhacay Morocco

  • Saciid Antenno
    Tripoli, Libya
    218926449131

Shir Jaraa'id Safiirka Soomaaliya ee Liibya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo Saaxil Wasaxaraa Mudane Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab) oo u warramayey warfidiyeenka gudaha iyo kuwa dibadda isagoo jooga xafiiskiisa safaaradda Soomaaliya ee Tripoli ayaa ka warbixiyey shirweynihii wadammada Saaxil Wasaxaraa ee ka dhacay magaalada Rabat ee dalka Morocco oo uu Safiirku u metelay dowladda Soomaaliya.

Dr Ilka-Dahab waxa uu sheegay inuu shirka furay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Morocco, ahna guddoonka Ururka Saaxil Wasaxaraa Mudane Yaxye Bin Ciise oo ka hadlay ugu horreyntiiba dhibaatooyinka ka jira Qaaradda Africa oo ah kuwo siyaasadeed, dhaqaale iyo dhinaca ammaankaba. Mudane Bin Ciise intii uu waday khudbaddiisa wuxuu ku soo qaatay dhibaatada abaareed ee maanta haysata waddanka Soomaaliya, wuxuuna yiri “waa in loo guntadaa sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaas haysata ummadda Soomaaliyeed.”

Yaxye Bin Ciise wuxuu u soo jeediyey shirweynaha in muddo ka yar 24 saac ay dowlad weliba uga soo jawaabto sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada abaareed ee ka jirta Soomaaliya. Isla markii uu khudbadda ka baxay waxaa hadalka qaatay Ambassador Ilka-Dahab oo metelayey Soomaaliya, wuxuuna si toos ah u guda-galay ajandihii shirka oo ahaa arrimaha Africa sidii kor loogu qaadi lahaa iyo weliba arrimaha Soomaaliya oo ka mid ahaa ajandihii shirka horyaallay.
NATIIJADII DAGAALADII SOOMAALIYA | DAAWO SAWIRADAN


Burburka Bangigii Ganacsiga ee Soomaaliya ee Muqdisho | Sawirkan waxaa la qaaday 2006, waxaana qaaday Muuse Maxamuud Jiisow
Sawirka hoose waa Muqdisho sannadihii soddonkii (1930)

Muqdisho: 1930's | Isha sawirkan: http://www.swan.ac.uk

“Waxaan si toos ah u hor dhigay saddax iyo labaatanka dowladood ee Saaxil Wasaxaraa sidii Soomaaliya wax loogu qaban lahaa haddii ay ahaan lahayd macluusha abaarta iyo caafimaadka, iyadoo waqtigan ay hal milyan iyo bar qofood la ildaran yihiin gaajo iyo macluul deegaanno ka mid ah Soomaaliya” ayuu yiri Safiirku. Safiirku wuxuu xusay nasiib wanaag intii uu waday khudbadda inuu shirka la soo hadlay Boqorka dalka Morocco oo ah Boqorka lixaad Maxamed Jilaal, uuna xaqiijiyey inuu u dirayo Soomaaliya markab sida deeq cunno ah oo ka kooban Bariis, Bur, Caano, Saliid, markabkaas oo hadda ku sii dhow Soomaaliya.

Dr Ilka-Dahab ayaa sidoo kale ii sheegay intuusan shirka Morocco u kicitimin la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkan Libya Mudane Maxamed Siyaali oo ay ka wada hadleen sidii deeq loo gaarsiin lahaa dadka abaartu ku dhufatay ee Soomaaliya, weliba sidii deeqdaasi ay u noqon lahayd mid degdeg ah oo lagu daabulo diyaarado, taasoo Safiirku uu tibaaxay in weli uu jiro ballan-qaadkaasi.

Dowladda Libya ayaa iyadoo ballantaasi jirto waxaa Wasiirka ugu qeybsan Arrimaha Africa Mudane Cali Cabdisalaam Tareki oo fadhiyey shirka dowladaha Saaxil Wasaxaraa ee magaalada Rabat uu sheegay in dowladdiisu ay u direyso Soomaaliya deeq gaaraysa afar kun oo tan, laguna qaadi doono labo markab.

Waxaa sidoo kale shirkaas ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Senegal Sheekh Tidiane Gagdio, wuxuuna si cad cad uga hadlay in dalka Soomaaliya uu yahay dal muddo ka badan 15 sano ay dagaallo sokeeye aafeeyeen, una baahan gacan mug leh in la siiyo, wuxuuna sheegay in dowladda Senegal iyo dowladda cusub ee Soomaaliya ay ku heshiiyeen in loo tababaro lix kun oo ciidan Soomaaliyeed iyo waxbarasho arday Soomaaliyeed, dhammaanna ay diyaar u yihiin inay fuliyaan heshiisyadaas.

Waxaa kale oo Mudane Tidiane uu sheegay inay deeq dirayaan, laakin wuxuu safiirka Ilka-Dahab ku yiri “si aysan isku dalab u noqon deeqda aan dirayno iyo tan ay dirayaan dowladaha oo loo helo wax kala duwan si baahidu ay u daboolanto waa inaad noo soo gudbisaa dalabka loo baahan yahay.”

Sidoo kale wuxuu Wasiirku si toos ah uu carrabka ugu dhiftay dowladihii shirka fadhiyey, gaar ahaan dowladihii ugu waaweynaa oo ay ka mid ahaayeen dowladaha Masar, Nigeria iyo Tunisia oo uu yiri “maxaad uga hadli la’dihin dhibaatada dowladda Soomaaliya ee walaalihiina ah”.

Markaas kaddib ayaa dowladahaasi waxay xiriir iyo kulamo la soo sameeyeen Ambassador Ilka-Dahab. Dhinaca dowladda Masar waxay safiirka wada kulmeen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee qaabilsan Arrimaha Africa Dr Daahir Farxaan, kaas oo ballan qaaday inay xaaladdu sida ay tahay u gudbin doonaan dowladdiisa, deeqda ay bixinayaan iyagoo sii maraya safaaradda Soomaliya ee Masar ama Jaamacadda Carabta, laakin buu yiri ay waajib muqadas ah tahay in si degdeg ah loo qaadi doono deeq loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Sidoo kale waxay Safiirka Soomaaliya is arkeen Wasiirka Arrimaha Africa ee dowladda Nigeria, wuxuuna Wasiirku u sheegay Safiirka in markuu ku laabto dalkiisa inuu wixii deeq ah uu sheegi doono dowladdiisa, kaddibna ay u diri doonaan dalka Soomaaliya kaalmo degdeg ah.

Dr Ilka-Dahab wuxuu sheegay inuu isna la kulmay Wasiiru Dowlaha Maqrib iyo Africa u qaabilsan dowladda Tunisia Mudane Saalaxuddiin Jamaali oo aan ka wada-hadalnay ayuu yiri arrimaha labada dal iyo sidii ay gacan uga geysan lahayd dowladda Tuniisiya macluusha Soomaaliya maanta ka jirta, wuxuuna Wasiiru Dowluhu yiri “wixii dalab ah soo gudbi ee loo baahan yahay, diyaar bey u tahay Tunisia inay deeq u dirto Soomaaliya”. Wuxuu Wasiiru Dowluhu muujiyey sida ay dowladda Tunisa uga xuntahay dhibaatada soo foodsaartay dadka Soomaaliyeed.

Intii uu joogay Safiirku dalka Morocco wuxuu kaloo la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo ka socda xafiiska Boqorka Morocco iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Morocco Dr Cabdilatiif Bendahane iyo Agaasimaha Guud ee Carabta iyo Africa Dr Make Gawane, waxayna ka wada hadleen mas’uuliyiinta dowladda Morocco sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dowladood iyo inay siiyaan deeqo waxbarasho ardeyda Soomaaliyeed iyo weliba inay noo dhaqan celiyaan maliishiyaadka dowladda Soomaaliya, waana ay ka aqbaleen codsigiisa.

Shirkaas ayaa gebi ahaanba ku dhammaadey guul iyo is afgarad buuxa. Safiirka Soomaaliya ee dalka Libya iyo wadammada Saaxil Wasaxaraa ayeysan ahayn markii koowaad ee deeq uu dalka Soomaaliya gaarsiiyo, isagoo horey u gaarsiiyey dalka deeqo fara badan oo uu u weydiiyey dalka uu Safiirka ka yahay iyo weliba dowlado kale oo ay saaxiib yihiin, taasoo uu uga faa’iideynayo ummadda walaalihiis ah ee ay haysato dhibaatada.

Safiirka ayaa ah kan ugu firfircoon madaxda safaaradaha Soomaaliyeed ee maanta weli ka sii shaqeeya dunida, isagoo ay ka muuqato waddaniyad iyo dad jaceyl. Ambassador Ilka-Dahab oo aad uga murugoonayey dadka abaaruhu ku habsadeen ee laga soo daayey Telefishinka af carabiga ku hadla ee Al Jazeera ayaa wuxuu ii sheegay in indhihiisa ilmo ay qooyeen markii uu arkay dadka dhibaateysan ama hooyada uurka leh ama dhallaanka yaryar ee macluushu ku haysato Soomaaliya, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu ka samatabixiyo gebi ahaanba dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu aafeysay.

Safiirku isagoo ka faa’iideysanayo fursaddan wuxuu u mahadcelinayaa dhammaan dowladaha jecel inay gacanta ka geystaan samatabixinta ummadda Soomaaliyed ee habaaraha ku dhufteen, gaar ahaan dowladda Morocco iyo dowladda Libya.

Saciid Antenno
Tripoli, Libya
Anteno100@hotmail.com
218926449131
Ama
saciidanteno@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2006

Xildhibaan Casharo oo ka Hadlay Muranka "Shirkada Macdanta" ee ka Taagan Puntland
 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD