SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

April 28, 2006

Dil Ka Dhacay Tuulada Cabdille Biroole Ee magaalada Kismaayo...

Hal qof ayaa lagu dilay tuulada Cabdille Biroole Oo 30km Dhinaca Galbeed Ka Xigta Magaalada Kismaayo. Dilka ninkan ayaa waxaa geystay nin maleeshiya ah oo ay isku hayb yihiin isla markaasna uu soo dhex maray muran ku saabsan arrimo dumar ama Gabar ay ku murmeen sida uu sheegay qof goobjoog ahaa.

Dad kale oo iyaguna ku sugnaa tuulada dilku ka dhacay ayaa sheegaya in dilkani uu ahaa dil la xiriiro arrimo aano qabiil oo ka dhexeeyay labada nin ee is dilay.

Si kastabase ha ahaatee ninka dilkan geystay ayaa waxaa iminka gacanta ku dhigay odayaasha ay isku beesha yihiin, si ay uga hor tagaan saameyn kale oo ay arrintan yeelatana waxa ay soo qaadeen meydkii oo Khamiistii lagu aasay magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horreysay ee degaammada ku dhow dhow degmada Kismaayo ay beelahani dad isaga dilaan, 15kii bishan ayey ahayd markii nin hubaysani uu saddex qof ku dilay tuulada Beerxaani ee isla degaanka Jubbooyinka, iyadoo aanan gacan ku dhiiglahana weli gacanta lagu soo dhigin.  

cabdi qadar nuur maxamed(filipiin)
kismaayo somliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Wararkii SHalay hoos ka akhri...


WARAR: APril 27, 2006

  • Culusow “Dowladda Mareykanka waxay naga dalbatay in aan gacanta u soo Gelino..

  • Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo soo jeediyay in dib looga laabto magacaabistii ..

  • Ciidamo daacad u ah Muuse Suudi oo gacanta ku dhigay dugsi ay...

  • Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo safar ugu ambabaxaya dalka K/Afrika...

  • Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Magaalada London kulan kula yeeshay Sarkaal sare oo...

  • Ciidamo ka socday Puntland oo shalay soo ka soo degay Garoonka Magaalada Diyaaradaha...


Culusow “Dowladda Mareykanka waxay naga dalbatay in aan gacanta u soo Gelino..

Max’ed Maxamuud Culusow oo ah guddoomiyihiin Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo uu xilkaasi ka qaaday Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi ayaa shalay gurigiisa waxaa ka dhacay kulan looga hadlayay shirkii dhex maray siyaasiyiin beeleed iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka, kasoo ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Max’ed Maxamuud Culusow ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay kulankasi, waxa uuna sheegay in qodobada la iskula soo qaaday intooda badan la isku afgartay, waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka qanciyeen warar badan oo si qaldan loogu sheegay .

Mudane Culusow oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta Sirdoonka Mareykanka ay beesha ka codsadeen in loo soo gacan geliyo saddex nin oo lagu eedeeynayo in ay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay Magaalooyinka Nairobi iyo Daara-Salaam kuwaasoo u kala dhashay wadamada Kenya, Tanzania iyo Mauritius.

Mudane Culusow wuxuu intaa ku daray in Beesha iska fogeysay in ay gacanta ku hayaan laga soo bilaabo Dhuusa-Mareeb ilaa iyo Kismaayo, waxaa kalloo uu sheegay in beesha ay iska diiday in aysan ahayn beel malatari ahaan u dhisan ayna ka mid tahay beelaha Soomaali-yeed.

Warar ay horey saxaafaddu u faafiyeen ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay Beesha ka codsaday in ay joojiso taageerada ay siinayaan Midowga Maxaakiimta islaamiga.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka oo soo jeediyay in dib looga laabto magacaabistii ..

Xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka ayaa waxay ay u soo jeediyeen in Ra’isul Wasaare Geedi in u dib uga laabto wixii uu magacaabay tan iyo intii ay Dowladdu ku kala sugneyd Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar. Xildhibaanadu waxa ay sheegeen in arrintaasi ay xal u noqon karto in wada shaqeyn dhex marto Xubnaha Dowladda iyo Xukuumadda, iyadoo intii ay Dowladdu kala maqneyd Ra’isul Wasaaruhu uu magacaabay jagooyin dhowr oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha ciidanka Booliiska, Wasiir ku xigeeno iyo Safiiro Soomaaliya fadhin doona Beesha Caalamka.

Arrinta muranku ka taagan yahay waxaa ka mid ah kaddib markii Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi uu xilka ka qaaday Guddoomiyaha Bankiga dhexe waxaa lagu ansixiyay tan markii Dowladdu ay ku sugneyd Magaalad Nairobi oo aysan imaanin kala qaybsanaanta. Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu qaba in waqtigaan la soo gudbiyo mooshin ku aadan in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, sidoo kale Xildhibaan diiday magaciisa ayaa sheegay in saddexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda oo ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’isul Wasaare Cali ay ku heshiiyeen in aan ninba ninka kale ka qaadin xilka, sidaasna ay ku dhameystaan shanta sano oo ay Dowladdu shaqeyneyso, waxa uuna heshiiskaasi ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Dowladdu intii ay dhisneyd wax la taaban karo oo ay Bulshada Soomaaliyeed u qabatay ma jirto, waxayna mudadii sanadka iyo barka ahayd uu ka dhex taagnaa khilaaf, waxaa la sheegay in laga yaabo dowladdu in ay mar kale u soo guurto Magaalada Muqdisho waa haddii nabad lagu soo dabaalee, sidoo kale waxay saddexda mas’uul ee ugu sareeya Dowladda waxay ka bixi waayeen safaro dhinaca dowladda gaar ahaan ka qaybgalida shirarka caalamiga ah.

Ciidamo daacad u ah Muuse Suudi oo gacanta ku dhigay dugsi ay...

Iyadoo maalmahan ay xiisadi ka taagnyed dugusiga Hoose/Dhexe ee Godey ee degmada Karaan halkaas oo ay degeen ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxaana ka xumaaday soo degitaankaasi dadweynaha deegaanka oo sheegay in deegaankooda aysan u dooneyn wax dagaal ah.

Shalay subanimadii ayaa ciidamo daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow waxay weerar ku soo qaadeen fariisinkaasi waxaana u suuragashay ciidamada Muuse Suudi in ay halkaasi ka saaraan kooxihii soo degay, iyadoo dagaalkaasi la sheegay in uu ku dhintay hal qof, dhowr kalana ay ku dhaawacmeen.

Maleeshiyada Muuse Suudi ayaa dugsiga dib ugu wareejiyay maamulka Dugsiga, waxaana shalay la arkayay arday soo booqaneysa Iskuulkaasi, iyadoo maamulaha Iskuulkaasi uu sheegay in maalinta sabtida ah ay dib u bilaaban doonto waxbarashadii oo istaagtay mudo afar maalmood ah.

Midowa Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa iyau iska fogeeyay in iyagu ay halkaasi fariisin ka dhigteen, isla markaana ay dagaal la galeen ciidamada Muuse Suudi, waxay kalloo Midowga Maxaakiimtu sheegeen in ciidamada halkaasi dagenaa ay ahaayeen ciidamo ka socday dadka deegaanka kuwaasoo doonayay in ay sugaan ammaanka deegaankasi.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo safar ugu ambabaxaya dalka K/Afrika...

Waxaa maalintii shalay ahyad Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay ka ambabaxay xildhibaano ka tirsan golaha Baralamaanka, waxayna dhowr maalmood ku sii hakan doonaan Magaalad Nairobi kaddibna waxay u duuli doonaan dalka Koonfur Afrika halkaas oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Baarlamaanada Madaxda Afrika oo dhawaan ka furmo dalkaasi.

Xildhibaanada ka qaybgalaya shirkaasi ayaa waxa ka mid ah Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) waxa uuna sheegay mar uu u waramayay saxaafadda in shirkaasi ay ka qaybgali doonaan ilaa iyo 13 xildhibaan, isagoo sheegay in Baarlamaanka Qaaradda Afrika ay hor dhigi doonaan warbxin ku saabsan xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa waxaa hogaamin doona Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow, waxaana la sheegay in inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi uu kulan la yeelan doono Mas’uuliyiinta Hay’adaha Samafalka iyo Hay’adaha deeqda bixiya isagoo uga warami doona xaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Magaalada London kulan kula yeeshay Sarkaal sare oo...

Wararka naga soo gaaraya cariga Ingiriiska waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo dalkaasi haatan u jooga arimo caafimaad uu la kulmay sarkaal sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ingiriiska.

Kulankaas ayaa la iskula soo qaaday arrimaha Soomaaliya iyo sidii Dowladda Ingiriiska uga qayb-qaadan lahayd gacan siinta dowladda Federaalka ee arrimaha amniga iyo dib u soo celinta adeegyadii Bulshada.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Dowladda Ingiriiska ku canaantay in aysan wax gacan ah siin Dowladda Federaalka mudadii sanadka iyo barka ahayd ee ay dowladdu shaqeyneysay waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay dhowr jeer kala hadleen arrimaha Soomaaliya, balse aysan dheg jalaq u siin codsiyadaadi.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu u soo jeediyay Dowladda Ingiriiska inay Dowladda Federaalka wax kala qabato arrimaha amniga iyo dib u tababarida ciidankii Xogga dalka Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu ka cosaday in ay dadaal u gasho sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunqabateynta hubka si ay u sahlanaato in Soomaaliya ay soo galaan ciidamo nabad ilaalin ah oo Dowladda kala qayb-qaata arrimaha nabadgelyada.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu dhawaan u ambabaxo qaar ka mid ah Wadamada Yurub si uu halkaasi Dowladda uga raadiyo kaalmo dhaqaale.

Ciidamo ka socday Puntland oo shalay soo ka soo degay Garoonka Magaalada Diyaaradaha...

Maalintii shalay ahayd ayaa diyaarad siday 58 askari lagana keenay Maamul Gobaleedka Puntland ka soo deegtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil sarsare oo ka tirsan ilaalada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Ciidankaan oo haatan ku sugan xarunta Madaxtoonyada C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa la sheegay in ay qayb ka noqon doonaan ciidamo booliis ah oo tababar loogu qaadi doono dalka Suudaan.

Ciidankaasi ayaa waxaa la sheegay in ay si gaar ah u ilaalin doonaan xarunta Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxaana maalintii doraad ahayd Magaalada Baydhabo dib ugu soo laabtay qaar ka tirsan ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mombassa.

Ciidankaasi ayaa sababaha loo soo celiyay ay tahay kaddib markii ay ku dhaceen baaritaankii caafimaad, waxayna isugu jiraan kuwo ka socday Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’isul Wasaaraha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2006

Kiin: "Waxaan Ameerika uga imid in aan  Waqtigeyga wax ka siiyo Waxbaridda Caruurta  Dibjirka ah"
»Guutaale: Dagaalkii Xamarweyne waa mid ku koobnaa..
»Daahir Baadi “Cabdi Waal ayaa i soo siiyay gaariga....
»Xubnaha la dagaalanka "Argagixisada" oo Jowhar kulan..
»Xubnaha Baarlamaanka oo isku khilaafsan in Xilka laga..
»Midowga Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed oo uga..
»Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka muujisay..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 26