SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARAR: APril 26, 2006

  • Xuseen Guutaale “Dagaalkii Xamar Weyne ka dhacay waxa uu ahaa mid ku koobnaa Cabdi Waal...

  • Daahir Xasan Baadi “Walaalkey Cabdi Waal ayaa i soo siiyay gaariga, Abtigey Xasan Daahir ma haysan karo”..

  • Xubnaha la dagaalanka "Argagixisada" oo Magaalada Jowhar kulan kula yeeshay..

  • Xubnaha Baarlamaanka oo isku khilaafsan in Xilka laga qaado Ra’isul Wasare Geeddi ..

  • Midowga Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed oo uga digay Shirkadaha doonaya in ay shidaal ka qodaan...

  • Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka muujisay dagaalada abaabulan ee ka socda..
    Kiin Maxamed Jaamac “ Waxaan Ameerika uga imid in aan  Waqtigeyga wax ka siiyo Waxbaridda Caruurta  Dibjirka ah


Kiin Maxamed Jaamac “ Waxaan Ameerika uga imid in aan  Waqtigeyga wax ka siiyo Waxbaridda Caruurta  Dibjirka ah

Qore: Amiin Yuusuf

Maalintii shalay ahayd ayaa ururka Horumarinta Carruurta iyo Haweenka ee  IFTIN (Iftin Women and Child Development organization) waxa uu Magaalada Muqdisho ka furay dugsi wax lagu barayo caruurta dibjirka ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho, carruurttaas oo uu ururku sheegay in ay ka kaalmeyn doonaan dhinaca waxbarashada.

Xaflad lagu furayay dugsigaasi oo shalay ka dhacday xarunta dugsiyada ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada, madax ka socotay Hay’adaha samafalka iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyntii halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Ururka Shukri Ismaaciil oo sheegtay in furintaanka dugusigaani ay iska kaashaadeen Haween Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa oo gacan ka helaya ganacsato iyo shirkado iyana ku sugan dalka gudihiisa.

Ardayda dibjirka ah ee dugsigaasi waxbarida uga bilaabatay oo tiradoodu gaareyso 67-arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal ayaa waxaa loo qaybiyay Buugaag iyo Qalimaan waxaana dugsigaasi Macallimiin ka ah gabdho Soomaaliyeed oo sheegay in ay doonayaan in ay wax- baraan carruurta dibjirka ah ee aan awoodin dhaqaalaha lagu bixiyo dhinaca waxbarashada.

Kiin Max’ed Jaamac oo ah guddoomiyaha Ururka ayaa waxa ay sheegtay in ururkaani la aasaasay 2003-dii waxqtigaasoo uu howlo dhinaca nadaafadda ah ka qabtay 8-degmo oo ku yaala magalada Muqdisho, waxay kalloo sheegtay in 2005-tii uu ururku noqday mid u adeega carruurta iyo Haweenka ku dhibaateysan dalka, Kiin Max’ed Jaamac oo iyadu sanad ka hor ka timid dalka Mareykanka ayaa wax ka weydiinay sababaha ay uga timid halkaasi, iyadoo ka jawaabeysa su’aashi waxay tiri “wixii aan bartay ayaan doonayaa in aan uga faa’iideeyo carruurta dibjirka ah, sidaas ayaana uga imid dalka Mareykanka, Kiin Max’ed Jaamac waxay ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan si ay gacan uga gaystaan u gargaarida dadka dhibaateysan iyo horumarinta dalkooda iyo dadkooda.

Mar aan wax ka weydiinay in ay wax dhibaato ah la kulantay intii ay ku sugneyd Magaalada Muqdisho ayay waxay tiri “wax dhibaato ah  kalama kulmin laakin waxaa walaac I geliyay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasoo dhibaato u gaystay dadka Soomaaliyeed, waxay sheegtay in ururkooda uu diiwaangeliyay dadkii ka dambeeyay dhibaatadaasi waqti ay ahaabta mar un lala xisaabtami doono. “carruurtoodii dibadaha ayay geysteen, waxayna doonayaan in ay ku kor dagaalamaan dad 15 sano dhibaato ku jiray” ayay tiri Kiin Max’ed Jaamac oo ugu baaqday dadka Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa iyo gudihiisa ku nool in ay caawiyaan dadkooda.

 

Xuseen Guutaale “dagaalkii Xamar Weyne ka dhacay waxa uu ahaa mid ku koobnaa Cabdi Waal...

Xuseen Guutaale Raage oo ah afhayeenka Isbahaysiga la baxay la dagaalanka "Argagixisada" oo shalay shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Deyniile ayaa waxa uu ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay Degmada Xamar-Weyne, waxa uun ku tilmaamay dagaalkaasi in uu ahaa mid ku koobnaa shaqsi ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad isagoo sheegay in isbahaysiga intiisa kale aysan la ogeyn dagaalkaasi.

“Maleeshiyada Cabdi Nuure waxay ku tageen codsi uga yimid dadweynaha Deegaanka si ay ugala shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaanka Xamar Weyne’ Ayuu yiri Xuseen Guutaale oo sheegay in markii dambe maleeshiyadii Cabdi Nuure ay is fahmeen dadweynihii deegaanka, waxaa kalloo uu sheegay in isbahaysiga la dagaalanka argagixisada uu dadaal ugu jiro sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho, waxa uuna meesha ka saaray in wax abaabul dagaal ah oo uu isbahaysigu haatan ku guda jiro aysan jirin. 

Daahir Xasan Baadi “Walaalkey Cabdi Waal ayaa i soo siiyay gaariga, Abtigey Xasan Daahir ma haysan karo”..

Daahir Xasan Baadi oo ahaa darawalkii dhawaan ay qabteen Midowta Maxaakiimta Islaamiga ah gaarigaasi oo ay saarneyd Haweenay uu qabay Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) ayaa doraad laga soo daayay Xabsiga xarunta Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane halkaas oo uu ku xirnaa in mudo ah, Daahir oo u waramayay Idaacadda Afrikada Bari ayaa waxa uu sheegay in sii deyntiisa ay gacan ka gaysteen Odoyaal iyo Waxgarad ka tirsan beeshiisa, isagoo sheegay in intii uu ku xirnaa Xabsiga Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane dhowr jeer la weydiiyay su’aalo la xiriirta Cabdi Nuure Siyaad oo Xubin ka ah ururka Isku magacaabay la dagaalanka Argagixisada.

“waxay i weydiiyeen maxaad ugu shaqeyneyseen ninka gaaloobay ee Ilaahay ka furtay” ayuu yiri Daahir Xasan Baadi oo intaa raaciyay “Cabdi Waal uma shaqeyneyn ee Ilmaheyga ayaa bariiska u raadsanayay”. Waxa uu sheegay Daahir Xasan in Maleeshiyo ka tiran beesha Reer Xaaji Saleymaan ay ku qabteen Isgooska Howlwadaag kaddibna waxa uu sheegay Daahir in gacanta loog galiyay Maleeshiyo ka tirsan Abgaal, kaddib markii ay in mudo ah u hayeen ayay igu soo wareejiyeen beesha aan ka dhashay, waxaana la igu xiray Xabsiga Ifka Xalane.

Mar waxa laga weydiiyay halka uu ka dambeeyay Gaarigii uu maalinkaa waday, waxa uuna yiri “Gaarigaasi waxaa i siiyay Walaalkey Cabdi Waal waxa uuna  i yiri ilamaha ugu shaqeyso, marka Abtigay Xasan Daahir Aweys waa gardaro in uu gaarigaasi uu iska haysto, waxaana ka codsanayaa in uu si dhaqsi leh dib iigu soo celiyo gaarigaasi”, Daahir Xasan Baadi waxa uu sheegay in markii la soo daynayay laga saxiixay waraaq, isagoo sheegay in waqtigaasi uu goob joog ahaa walaalkii oo isna loo sheegay in walaalkii Daahir uusan dib ugu laaban Cabdi Nuure Siyaad. Ugu dambeyntii waxa uu u soo jeediyay Beeshiishu in ay gacan ka gaystaan sidii dib loogu soo celin lahaa gaariga MarkII ee haatan gacanta ugu jira Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah. 

Xubnaha la dagaalanka "Argagixisada" oo Magaalada Jowhar kulan kula yeeshay..

Maalintii doraad ahayd ayaa waxaa Magaalada Jowhar kulan ku yeeshay xubnaha la dagaalanka "Argagixisada" waxaana kulankaasi ka qaybgalay dhamaan 11-ka xubnood ee Isbahaysiga waxaana kulankaasi looga hadlay arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda haatan ka taagan Magaalada Muqdisho.

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan Sirdoonka Mareykanka oo la sheegay in warbixin laga siiyay xaaladda Magaalada Muqdisho iyo talaabooyinka uu ku dhawaaqay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Qaar ka mid ah xubnaha la dagaalanka argagixisada ayaa iyagu soo jeediyay in la balaariyo xubnaha la dagaalanka argagixisada isla markaana la gaarsiiyo gobalada dalka, iyadoo dagaalkii doraad ka dhacay Degamada Xamar Weyne ay sheegeen in uu ahaa mid uu keligii ku ahaa Cabdi Nuure Siyaad oo xubin ka ah ururka, hase yeeshee afhayeen u hadlay isbahaysigaasi oo lagu magacaabo Xasan Guutaale Raage ayaa waxa uu sheegay in markii dambe ay is fahmeen waxa uu ugu yeeray dadweynaha deegaanka iyo maleeshiyadii ka socotay Cabdi Nuure Siyaad .  

Xubnaha Baarlamaanka oo isku khilaafsan in Xilka laga qaado Ra’isul Wasare Geeddi ..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay si weyn isugu khilaafsan yihiin in waqtigaan la hor keeno Baarlamaanka mooshin ku aadan in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay soo jeediyeen in waqtigaan aysan habooneyn in Baarlamaanka la hor keeno mooshin ku aadan xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, iyagoo sheegay in marka hore Ra’isul Wasaare Geeddi looga baahan yahay in Baralmaanka uu hor keeno qorshaha dowladda ee waqtigaan iyo waqtiga fog, qaar kale oo Xildhibaanda ka mid ah ayaa iyagu waxay sheegeen in haatan ay haboontahay in xilka laga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi, maadama mudadii sanadka iyo barka ahayd ee uu xilka hayay uusan dowladda u qaban wax la taaban karo . 

Midowga Jabhadda Xorreynta Soomaali Galbeed oo uga digay Shirkadaha doonaya in ay shidaal ka qodaan...

Ururka Midowga Jabhadda xorreynta Soomaali Gableed oo ah urur u halgamaya ka xorreynta wadanka Soomaali Gableed gumeysiga Xabashida ayaa waxa uu uga digayaa dhamaan shirdaha u tartamaya in ay heshiis kula galaan Itoobiya soo saarita gaaska dabiiciga ah ee deegaanka Jeexdin (Calub) iyo Hilala (Elale) ee Wadanka Soomaali Galbeed.

Midowga Jabhadda Xorrerynta Soomaali Galbeed waxaa kalloo uu warsaxaafa-deedkiisa ku sheegay in aan lagu deg degin in ay Itoobiya heshiis kula galaan soo saarista Gaaskaasi, iyadoo aysan ogolaansho ka helin shacabka soomaali Galbeed oo iyagu deegaanka iska leh.

Jabhaddu waxay sheegtay in itoobiya ay ku howlan tahay qorshayaal ay ku boobeyso kheyraadka wadanka Soomaali Galbeed iyadoo furtay dalabaadka shirkado maalgelineyd oo caalami ah oo ka soo saaraya gaaska shidaalka deegaano ka tirsan Somali Galbeed.

Jabhaddu waxay sheegtayin ay jiraan 19 shirkadood oo u tartamaya in Itoobiya ay qandaraas ku siiso soo saarista gaaska iyo shidaalka deegaanadaasi ku jira, iyadoo haba yaraatee aan waxba la weydiin dadka Soomaali galbeed.

Ugu dambeynitii jabhaddu waxay sheegtay in shirkaddii iska dhega tirsa ama Itoobiya gacan ku siisa boobka Hantida Somali Galbeed wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada ay mas’uuliya-deeda dusha u ridan doonaan, waxa uuna qoraalkaani ka soo baxay xafiiska Xiriirka Dibadda ee Midowga Jabhadda Xorreynta Somali Galbeed. 

Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale oo walaac ka muujisay dagaalada abaabulan ee ka socda..

Xarunta Dr, Ismaaciil Jimcaale ayaa walaac weyn ka muujisay dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Xamar Weyne, dagaalkaas oo ay Hay’addu sheegtay in uu ku dhintay nin ka tirsanaa Bulshada Rayidka ah oo lagu magacaabo Cusmaan Awoow Caddaamow, waxayna Hay’addu ku tilmaantay dagaalkaasi mid ka baxsan shareecadda Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqaanka Soomaaliya iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha.

Hay’addu waxa ay ku bogaadisay gabdhihii Soomaliyeed ee dhawaan u baqoolay Magaalada Baydhabo si ay bulshada tabaaleysan nabad waarta iyo deganaan u heli lahaayeen, ugu dambeynta Hay’addu waxay ka codsaneysaa Beesha Caalamka in ay qiimeeyaan waxna ka qabtaan codadka dhaadheer ee nabadeed ee ka soo yeeraya Haweenka Soomaaliyeed, waxaana qoraalkaani ku saxiixnaa gudooonka Xarunta Maryan xuseen Owreeye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


XUSEEN GUUTAALE RAAGE “ ISBAHEYSIGA WAX WADO AH OO U XIRAN MA JIRTO WAXAANA UGU BAAQAYAA KUWA WADOOYINKA XIRTEY IN AY DEGDEG BULSHADA UGU FURAAN WADOOYINKA AY XANIBAADAHA DHIGTEEN.... 

Afhayeenka isbahaysiga "soo celinta nabada" iyo ladagaalanka  waxa loogu yeedho argagixisada xuseen guutaale raage  oo Talaadadii u waramayey TV_ga  universal oo hawada galay 15 february2006  oo saldhigiisu yahay magaalada London isaga oo ku sugan deegaanaka dayniile ee duleedka muqdisho ayaa wuxuu sheegay in isbahaysigoodu uu leeyahay  fadhiisimo  badan oo ku yaala  magaalada muqdisho  taasina aysan ahayn kuwo laga cabsi qabo in ay shacabka wax ugu dhiman  waa siduu hadalka u dhigaye. 

Sidoo kale mar aan waydiiyey , hadaad tihiin isbaahaysiga ma dayniile oo kaliya ayaa xarun idiin ah maxaad meelo kale ugu shiri weydeen ayuu ku jawaabay  ,maya dayniile kaliya maahan ee waxaanu ka talinaa meelo badan oo kamida magaalada  muqdisho iyo gobolada qaarkood meeshii aan doono ayaane waanu ku shirnaa .  

Sidoo kale Wuxuu sheegay xuseen guutaale in isbaheeysigoodu uusan ahayn isbaahaysi siyaasadeed balse uu yahay isbaheeysi ka hortagaya "argagixisada" una adeegaya shacabka  wuxuuna ku eedeeyay maxaakiimta islaamiga ineey  yihiin  kuwo wada dhulbalaarsi isagoo xusay ineey xoog ku galeen dugsiga hoose dhexe godey oo kuyaala dagmada kaaraan ayna kasoo horjeesteen dadka deegaankaas ku dhaqan oo ay dib isaga caabiyeen kana saareen kooxihii soo detgay . 

Afhayeenku wuxuu sheegay in madaxweeynihii hore ee  lagu soo doortay magaalada carta ee dalkaasi  jabuuti c/qaasim salaad xasan in uu yahay abaabulaha koowaad ee dagaalka maxaakiimtu kawadaan mogdisho wuxuuna tilmaamay in uu  horay caalamku ugu aqoonsadeen alqaacido  waa siduu hadalka un dhigaye. 

 Guutaale ayaa eedayn dusha kaga tuuray c/qaasim salaad  xasan sida   uu ku sheegayna  inuu aabe u yahay dagaal kasta oo ka qarxa magaalada muqdisho , afhayeenka guutaale asagoo intaasi kudaray in uu digniin ku siinayo c.qaasim salaad in uu is kaga baxo dalka. 

Si kastaba ha ahaatee afhayeen guutaale ayaa ku baaqay in wadooyinka xiran la furo  si ay bulshada aan cabsi khalkhal loogu abuurin  oo ay  weliba uu ku eedeeyey maxaakiimta inay iyagu wadooyinka  xireen waa siduu sheegaye  hadana laga rabo inay wadooyinka  furaan  . 

Muuse Maxamuud Jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisho somaliya

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2006

Urur Gobaleedka IGAD oo dhowaan shir isugu yeeraya Madaxda Sare ee DFKMG..
»Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo fariisin ka..
»Guddi loo xilsaaray in ay ka hortagaan Dagaal ka dhaca..
»Golaha Baarlamaanka oo baaq u diray kooxaha isku haysta..
»Doon looga shakiyay in ay siday hub oo ay qabteen...
»C/qaadir Boorje “wax la qaybsaday ma jiraan ku aadan..
»USA: Mudaharaad balaaran oo lagaa soo horjeeday...
»Isbitaalka Al- Xikma iyo Luul Kulmiye oo gacan ka geystey..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 25