SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


WARARKA: APRIL 25, 2006

  •  Urur Gobaleedka IGAD oo dhawaan shir isugu yeeraya Madaxda Sare ee Dowladda..

  • Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo fariisin ka dhigtey Dugsigii Hoose Dhexe ee .

  • Guddi loo xilsaaray in ay ka hortagaan Dagaal ka dhaca Muqdisho oo la magacaabey...

  • Golaha Baarlamaanka oo baaq u diray kooxaha isku haysta Magaalada...

  • Doon looga shakiyay in ay siday hub oo ay qabteen Ciidamada Mareykanka ..

  • C/qaadir Boorje “wax la qaybsaday ma jiraan ku aadan Maamulka Gobolka Bay”..

  • USA: Mudaharaad balaaran oo lagaa soo horjeeda tacadiyada boliska oo Maantay ka dhacay Clevelanad.

  • Isbitaalka Al- Xikma iyo Luul X Kulmiye oo gacan ka geystey Qaliinka wiil 9 jir ah oo kaadi haysta Dhagaxaan uga jireen


Abaaraha Gobolka Hiiraan: Sawiro laga soo qaaday


Urur Gobaleedka IGAD oo dhawaan shir isugu yeeraya Madaxda Sare ee Dowladda..

Urur Gobaleedka IGAD oo dhawaan isku raacay in Soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo Dowladda Ku meel gaarka ah kala qayb-qaata hub ka dhigista iyo dib u soo celinta amarkii iyo kala dambeyntii isla markaana haatan dadaal ugu jira sidii Qaramada Midoobey Cunaqabateynta hubka Soomaaliya uga qaadi lahayd ayaa la filayaa in dhawaan mar kale shir isugu yeerto Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiye Sharii Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi si loogala tashado qaabka u soo gali karaan ciidamadaasi iyo goobaha la dejin doono.

Shirkaan ayaa la sheegay in lagu qaban doono dalka Uganda horaanta Bisha May iyadoo Dowladda Uganda ay ka mid tahay dowladihii horey Soomaaliya ugu yaboohay ciidamo nabad ilaalin ah oo tiradoodu gaareyso 2000 oo askari kuwaasoo sugaya in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka. Shirka ka dhacay dalka Uganda ayaa waxaa kalloo ka soo qaybgali doona mas’uuliyiin sare oo ka socda Q/midoobey si ay halkaasi uga helaan warbixin oo la xiriirta sida Soomaaliya looga qaadi karo cunaqabateynta hubka. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa mar uu la hadlayay xubnaha Baarlamaanka ayaa waxa uu ka codsaday in Baarlamaanku ogolaado in Soomaaliya loo soo diro ciidamo shisheyee, sidoo kale waxa uu sheegay in uusan ka hari doonin sidii Soomaaliya u heli lahayd ciidamo nabad ilaalin ah waayo ayuu yiri C/llaahi dadka Soomaaliyeed si aad ah ugu baahan yihiin ciidamadaasi, inkastoo qaar ka mid ah Xildhibaanada iyana ay ku dhegan yihiin in aan marnaba loo soo dirin Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin ah, hase yeeshee loo baahan yahay in dib loo tababaro ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyed.

Ciidamo ka tirsan Midowga Maxaakiimta oo fariisin ka dhigtey Dugsigii Hoose Dhexe ee .

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo aad u xoogan oo ka tirsan Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah waxay degeen dugsigii Hoose/Dhexe ee Godey ee Degmada Kaaraan, waxayna halkaasi ka sameysteen saldhig.

Ardaydii dugsiga dhiganeysay ayaa maamulka dugsigaasi waxay ku amreen in ay guryahooda iska aadaan, inta ay ciidamadaasi halkaasi ka baxayaan, sidoo kale dadweynaha deegaanka ayaa iyana aad uga walwalay soo degitaanka ciidamadaasi ee Degamada Karaana, iyadoo qaar ka mid ah Dadweynaha ay sheegeen in ay banaanbax dhigi doonaan oo ay ku diidan yihiin ciidamadaasi in ay halkaasi fariisin ka sameystaan.

Maalintii shalay ahayd ayaa lagu guuleystay in la kala raro ciidamadii ku dagaalamay deegaanka Xamar Weyne, waxayna haatan Degmada Xamar Weyne u muuqataa mid degan, iyadoo dadkii shalay qaxay dib ugu soo labateen guryadhooda.

Waxaana arrinta kala rarisata ciidamadan gacan ka gaystay Odoyaasha deegaanka oo sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in deegaan-koodalagu kor dagaalamo.


Abaaraha Gobolka Hiiraan: Sawiro laga soo qaaday

Geela oo dhex galay webiga.


Guddi loo xilsaaray in ay ka hortagaan Dagaal ka dhaca Muqdisho oo la magacaabey...

Maalintii shalay ahayd ayaa Hotel Peace waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii looga hortagi lahaa dagaal ka dhaca magaalada Muqdisho oo ay isaga hor yimaadaan kooxaha isku haya Magaalada Muqdisho.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib ayaa waxaa la isku afgartay in la doorto guddi ka kooban 15 xubnood oo ka soo baaraandaga sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho isla markaana ay kulamo ual yeelan lahaayeen kooxaha maalmahan xurguftu ka dhex taagan tahay.

Xubnihii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xuseen Xaaji Bood oo sheegay in uu loo baahan yahay in bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ay dadaal u gasho sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada.

“Dowladda Federaalka ahi waxay degan tahay Magaalada Baydhabo waana la wada og yahay sababaha ay halkaasi u degtay, waana Muqdisho oo aan wali nabad ahayn” ayuu yiri Xuseen Xaaji Bood.

Waxaa kalloo halkaasi ka hadlay C/llaahi Xasan Ganey (Firinbi) oo sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka banaanbaxayaan dadka dhibaatada ku haya oo maalin walba abaabulaya dagaalo micno daro ah, waxaana ka mid ahaa guddigii halkaasi lagu doortay Xueen Xaaji Bood, Max’ed Nuur Gacal, C/llaahi Xasan Ganey (Firinbi), Maxamuud Xasan Cali Cadde (Gaabow) iyo xubno kale.

Golaha Baarlamaanka oo baaq u diray kooxaha isku haysta Magaalada...

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ay kulan isugu yimaadeen xubnaha Barla-maanka, iyadoo uu shirgudoominayay Guddoomiye Shariif Xasan, waxaana loo hadlay labo arrimood oo kala ah in baaq nabadeed loo diro kooxaha ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho iyo in baarlamaanku u diyaargaroobo Siminaar ay bixinayaan Hay’adaha Qaramada Midoobey.

Guddoomiyaha Baarla-maanka ayaa waxa uu ka codsaday kooxaha ku dagalamaya Magaalada Muqdisho in ay si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka oo wixii khilaaf ah lau xaliyo wada hadal iyo is afgarad.

Qaar ka mid ah Xildhibanaada Barlamaanka ayaa iyagu qaba in dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho ay wiiqi karaan howlihii Dowladda Federaalka, Sidoo kale dhawaan ayaa la filayaa in Magalada Baydhabo uu ka furmo Siminaar ujeedadiisu tahay sidii Xildhibanaada baarlamaanka loo bari lahaa maamulka iyo wixii sharciyo ah ee u soo kordhay Baarlamaanada Caalamka, waxaana bixinaya saraakiil sare oo ka socotaa Qaramada Midoobey


Abaaraha Gobolka Hiiraan: Sawiro laga soo qaaday


Doon looga shakiyay in ay siday hub oo ay qabteen Ciidamada Mareykanka ..

Warar aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Doon looga shakiyay in ay siday hub ku soo jeeday mid ka mid ah Dekedaha ku yaala Koofurta Soomaaliya ayay qabteen Ciidamada Mareykanka.

Doontaan oo la sheegay in ay ka timid dalka Yemen ayaa waxaa dusheeda u dhacay ciidamo ka socday Mareykanka oo la sheegay in ay Soomaaliya ka ilaalinayaan waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada.

Baaritaan dheer markii lagu sameeyay ayaa la ogaaday in doontaasi aysan sidin wax hub ah, ilaa markii dambe ay Ciidamada Mareykanka sii daayeen doontaasi.

Qaar ka mid ah dadkii ay u rarneyd Doontaasi ayaa waxay sheegeen in mudo saddex bari ah ay Ciidamada Mareykanka ku haysteen xeebaha Soomaaliya waxayna ka codsadeen Ciidamada Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya in ay ka bixiyaan raaligareyn waqtigii fara badnaa oo ay ka qaadeen.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Mareykanku baaraan Doomaha iyo Markaaiibta ku soo jeeda wadanka Soomaaliya, iyadoo dhawaan Dooni u soo jeeday Magaalada Boosaaso hub ganacsina ka keentay dalka Yemen ay qabteen ciidamada Mareyknka, ilaa iyo hadda lama oga halka ay ciidamada Mareykanku la aadeen hubkaasi iyo Doontiiba.

C/qaadir Boorje “wax la qaybsaday ma jiraan ku aadan Maamulka Gobolka Bay”..

C/qaadir Boorje oo ka tirsan Siyaasiyiina Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa si kulul u beeniyay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho oo sheegayay in beelaha Digil iyo Mirifle ay qaybsadeen maamulka Gobalka Bay.

C/qaadir waxa uu wararkaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn isagoo sheegay in haatan ay socdaan wada hadaladii lagu dhisi lahaa Maamulka Gobalka Bay, isagoo sheegay in ay shir u fadhiyaan Odoyaasha dhaqanka ee shanta degmo oo ay ka kooban tahay Gobalka Bay.

C/qaadir mar uu u waramayay wargeyska ayaa waxa uu sheegay in Beesha Eelaay ay xaq u leedahay in lagala tashado maamulka Gobalka Bay, maadaama horey looga qadiyay awood qaybsigii Baarlamaanka iyo Middii Xukuumadda, isagoo u soo jeediyay odoyaasha in ay si cadaalad ah Beelaha Digil iyo Mirifle ugu qaybiyaan maamulka Gobalka Bay.

Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu cadaadis kaga imaanaya Dowladda Federaalka kaasoo ah in ay dedejiyaan maamulka Gobalka Bay silo helo kala dambeyn iyo nabadgelyo buuxda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Mudaharaad balaaran oo lagaa soo horjeeda tacadiyada boliska oo Maantay ka dhacay Clevelanad.

 

Darawalada wada gawaarida dadweynaha gaar-ahaan takaasida magaalada Cleveland ee gobalka Ohio ayaa maantay mudaharaad balaaran waxay iskugu soo baxeen bartamaha malaagalada,iyagoo laamiyada iyo goobaha waaweyn ee magaalada gawaarai ku soo maray  ugu danbayntiina yimid xarunta City Hall Cleveland.

 

Darawaladaani oo qiyaastii dhamaa 150 darawal ayaa waxay ka cabanayeen tiketyo  ganaax ah oo xad-dhaaf ah oo ay alaaba Booliska  siyaan darawlada kuwaas oo ay sheegeen inaysan ahayn kuwa sharciga waafaqsan.

 


 

Darawaladaani mudaaharaaday oo uu badnaa Soomaali oo aan qaar ka tirsan wareystay iyagoo socdaalka mudaharaadkooda ku jira ayaa ii sheegay in nasiib darooyinka ugu waaweyn ee magaalada haysta ay tahay inay ku caanbaxday soo dhawayn la`aanta iyo cadaadiska ay la beegsadaan dadka soo galootiga ah iyo cid kasta oo damacda inay wax soo kordhiyaan.

 

Dhibaatooyinkaan ay ka cabanayaan darawalada ayaa yimid kagadaal markii maamulka magaalada iyo kan gagida diyaaradaha ay go`aansadeen in hal saf laga dhigo labadii saf ay takaasida gali jiraan iyadoo halka saf uu  qaado 50 taksi halka Labada saf ay gali jireen 110 taksi,taasoo keentay 60 hartay inay daaf wareegaan eelaboorka halka Booliska uu shaqo ka dhigtay inuu ceersado takaasida oo ay ganaax fara badan saraan.

 

Darawaladaani mudaaharaadayay oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ka mid ahayeen “Waxaan doonaynaa cadaalada,uma dulqaadan karno tiket yad sharci darada ah,danbiilayaal ma nihin ee muruq-maal  baan nahay” ayaa waxay saxaafada tuseen tiket yo tiro badan oo la siiyay xilli ay ku guda jireen shaqadooda.

 

Mudaaharaadka darawaladaan oo ahaa mid nabad ah ayaa ku soo hagaagay kulan ay yesheen guddi ka socda darawalada oo la kulmay maamulka magaalada kaasoo ay fara marnaan kal soo laabteen.

 

Sikastaba ha ahatee iyadoo aysan ahayn markii ugu horaysay ay darawalada samyeen mudaharaad noocaan oo kala ayaa rajada ay ka qabaan darawalada in cabashooyinkooda wax laga qabto aysan ahayn mid sidaa u sii buuran.
 

Agaasimha iyo tifaftiraha Gedo News Network.
C/risaaq Cali Adam(jeesteeye)
abdirizak12@hotmail.com

Isbitaalka Al- Xikma iyo Luul X Kulmiye oo gacan ka geystey Qaliinka wiil 9 jir ah oo kaadi haysta Dhagaxaan uga jireen

Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye, oo ay dalka ka dhacday dowlad la’aanta ayaa dadka Soomaaliyeed waxaa soo food saaray dhibaato aad u baaxad weyn oo dhinac walba leh, dhibaatadaasi waxay ku dhacday dadka ku barakcay gudaha dlaka, gaar ahaan kuwa u soo xaqay Magaalada Muqdisho.


 
Bidix: Mustafa (wiilka yar) | Midig: Hooyo Caasho oo kor u haysa dhagaxii laga soo saaray wiilka

Bixid:
Cabdi Ibraahim Jiya  | Midig: Yaasmiin Mayoow

Wiil yar oo lagu magacaabo Mustaf Maxamuud Cabdi oo da’diisu tahay 9-jir ayaa mudo waxa uu ka xanuunsanayay kaadi haysta kaddib markii dhagxaan ay kaadi mareenka ka xireen, waxa uuna wiilkaani ka soo jeedaa dad masaakiin ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagaha qalliinka iyo daawada.

Dhawaan ayaa qaar ka mid ah warbaahinta waxa ay wax ka qoreen dhibaatada haysata wiilkaasi, gaar ahaan Web-Site-yada 4somaliwomen, Somalitalk iyo Hiiraan Online, waxaana dhibaatada si weyn uga danqaday gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Luul Xaaji Kulmiye oo ku nool wadanka Norway, waxayna ugu deeqday dhibane Mustafa lacag KUN DOOLAR ah oo loogu talagalay wax ka qabasahda caafimaadkiisa iyo nafaqeyntiisa, “markii aan booqday Web-Site-ka 4somaliwomen ayaa ka akhriyay dhibaatada wiilkaasi haysata, aad baana uga jariiricooday waxaana goostay in aan wiilkaasi gacan siiyo” ayay tiri Luul  sidoo kale Isbitaalka Al-Xikma oo uu maamulo Dr, Cabdi Ibraahim Jiya ayaa isna sheegay in isna Isbitaalkiisa uu gacan ka gaysanayo qalliinka wiilkaasi.

Wiilkaas 9-jirka ah ayaa waxaa qalliin ku sameeyay Dr. Cabdi Ibraahim Jiya oo ku guuleystay in uu ka soo saaro wixii dhagxaan ahaa oo ku jiray marinka kaadi haysta, wiilkaan oo haatan jiifa Isbitaalka Al-Xikma ayaa marba marka ka dambeysa caafimaadkiisu uu ka soo reynayaa, waxaana u socda daawooyinkii lagula tacaali lahaa wiilkaasi.

Hooyada dhashay wiilkaasi oo lagu magacaabo Caasho Max’ed C/llaahi oo shalay nooga warameysay wiilkeeda iyadoo ag fadhida gaar ahaan qol ka mid ah Isbitaalka Al-Xikma ayaa waxa ay u mahadceliysay Luul Xaaji Kulmiye iyo maamulka Isbitaalka Al-Xikma iyadoo sheegtay in wiilkeeda la’aantood uusan heli lahayn wax qallin ah, waxay kalloo sheegtay in aysan waligood hilmaami doonin sida ay ugu kaalmeeyeen wiilkeeda.

Caasha waxa ay sheegtay in caruur fara badan oo noocaan oo kale ah iyana ay u baahan yihiin in qalliin noocaan oo kale ah loogu dadaalo, kaasoo ay sheegtay inay ku badbaadin doonaan carruur fara badan oo Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan dalka gudihiisa.

Dr. Cabdi Ibraahim Jiya oo ah Dhakhtarkii qalliinka ku sameeyay ayaa sheegay in qalliinku uu ahaa mid uu ku guuleystay, isagoo sheegtay in Canugu uu haatan u baahan yahay xanaano gaar ah oo dhinaca daawada iyo cuntada ah, Dr. Jiya waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Luul Xaaji Kulmiye oo uu sheegay in ay gacan baaxad weyn leh ka gaysatay qalliinka lagu sameeyay wiilkaasi, waxa uuna u soo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha in ay ku daydaan gabadhaasi.

Dr. Jiya waxaa kalloo uu sheegay in Isbitaalka uu la socon doono xaaladda nolosha wiilkaasi ha noqoto dhinaca daawada iyo dhinaca nafaqada.

Yaasmiin Mayow Max’ed oo wakiil uga ah dalka Web-Site-ka 4Somaliwomen oo inta badan wax ka qora arrimaha Haweenka iyo Carruurta ayaa iyana mar ay u warameysay warbaahinta waxay sheegtay in Web-Site-koodu uu mar kasta gacan u fidiyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatada la soo gudboonaatay, waxayna Yaasmiin u mahadceliysay Luul Xaaji Kulmiye iyo Isbitaalka Al-Xikma oo la’aantood aan la qali lahayn wiilkaasi yarka ah oo ka mid ah dadka soo barkacay kuna jira xerada 21-ka October ee Magaalada Muqdisho.

Yaasmiin waxa ay sheegtay in Web-Site-koodu uu sii wadi doono sidii uu bulshada ugu soo bandhigi lahaa dadka dhibaateysan si ay kaalmo uga helaan walaalahooda kale ee ku nool dibadaha, maadaama maalmahan looga bartay dadka dibadaha in ay gacan siiyaan dadkooda ku nool gudaha dalka Soomaaliya.

Saxaafadda Soomaliyeed ee isugu jira Idaacadaha, Wargeysyada, Web-Site-yada iyo Taleefishinada ayaa iyana qayb ka ah sidii ay bulshada ugu iftiimin lahaayeen dadka dhibaateysan ee ku sugan dalka gudihiisa, waxayna horey ugu soo bandhigeen bulshada Soomaaliyeed dad fara badan oo Soomaaliyeed oo u baahnaa gargaar isugu jira caafimaad iyo dhaqaalaba, intooda badana dadkaasi dhibaateysnaa waxbaa loo taray.

kal soo xiriir Xaalada wiilka

Tel 2521-532494

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | April 25,2006

$4 Doolar oo Baad ah ayaan Maalin kasta Bixiyaa, Haddii kale.....
Sidaas waxaa yiri Maxamuud Cabdulaahi Aaden oo ka mid ah 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand oo shalay lagu soo booqday xabsiga Bangkok, waxana uu... Guji... Apr 23

Gurmad Degdeg ah: Ka Qayb Qaadasho sidii loo soo deyn Lahaa 3da Soomaalida
Sidee uga qayb qaadan kartaa soo deynta 3da Soomaalida ah ee ku xiran dalka Thailand..?... Akhri halkan... Guji... Apr 23