SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR


WARARKA: APRIL 24, 2006

  • C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay go’aankii Golaha Baarlamanka ee ahaa

  • Labo nin oo Soomaali ah oo ka mid noqday Ragga ku xiran Xabsiga Guantanamo

  • Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in ay ku biiri doonaan Dagaalka

  • Iska hor imaad ka dhacay Degmada Xamar Weyne..

  • Roobabkii ka da’ay Jubbooyinka oo geystey waxteelooyin isgu jira..

  • Aljazeera TV oo lagsoodaayey Cajalad uu soo diray Usama Bin-Laadin...


C/llaahi Yuusuf oo soo dhaweeyay go’aankii Golaha Baarlamanka ee ahaa..

C/llaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynaha Dowladda Federaalka, oo haatan ku sugan Cariga Ingiriiska ayaa si weyn u soo dhaweeyay go’aankii Golaha Baarlamaanka ee ahaa in dowladdu ay ku sii shaqeyso Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay. “Go’aankaasi waa mid wax ka taraya in dowladdu ay ka baxdo guurguuritaankii ay ku jirtay” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf oo u soo jeediyay Siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Baydhabo haatan ay fariisini u tahay labada Gole ee Dowladda.

C/llaahi Yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in Dowladda Federaalka iyana ay gacan ka gaysan doonto sidii loo uruurin lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo sugo ammaanka guud ee dalka iyo waliba halka ay degan tahay dowladda Federaalka. Dhinaca kale C/llaahi Yuusuf waxa uu kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Cariga Ingiriiska waxa uuna uga waramay xaaladda uu haatan dalku marayo iyo waliba sidii shacabka dibadaha ku nool looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dowladda si ay dowladdu u hesho goob ammaan ah. Madaxweynuhu waxa uu sheegayin Dowladda Federaalka aysan ka daali doonin sidii dalka loo keeni lahaa ciidamo ammaanka suga maadaama ay Dowladdu horey ugu guuleysan weysay nin ay nabad ku soo dabaasho guud ahaan wadanka. Inkastoo Dowladda Federaalka ay ku kala qaybsan tahay keenista ciidamada ayaa haddana go’aanka uu wato Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu noqon doonaa mid ku adkaan doona in uu ansixiyo Golaha Baarlamaanka, waayo kala qaybsanaanta Dowladda waxaa sabab u ahaa qodobka uu ku dhegan yahay Madaxweyne C/llaahi, waxayna aaqiritaankii Dowladda kala dejisay Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu wada mooshin ah in xilka laga qaado Ra’isul Wasare Geeddi.

Labo nin oo Soomaali ah oo ka mid noqday Ragga ku xiran Xabsiga Guantanamo

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan soo bandhigtay dadka ku xiran xabsiga Guantanamo ee Jasiirada Kuuba, waxayna tiradoodu gaareysaa 558 qofood oo la sheegay in ay u badan yihiin wadamada Afgaanistaan iyo Bakistaan.

Labo nin oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku xiran yihiin xabsigaasi laguna kala magacaabo Max’ed Suleymaan Baare iyo Max’ed Xusen C/llaahi oo aan la shaacin halka laga soo xiray markii la geynayay xabisgaasi.

In ka badan 1200 oo maxaabiis ah ayaa ku xirneyd xabsigaasi, iyagoo intooda badana ay sii daayeen dowladahooda kaddib markii ay dadaal u galeen arrintaasi ayna ka hadleen dowladda Mareykanka, hase yeeshee labada nin ee Soomaalida ah ilaa iyo hadda ma helin dowlad Soomaaliyeed oo gacan ka gaysata sidii loo sii deyn lahaa labadaasi nin.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu eedeeyaa in xabsigaasi maxaabiista ku xira ay ula dhaqanto si Bini’aadannimada ka baxsan iyadoo soo bandhigida magacyadaana ay gacan ka gaysteen Hay’ado u dooda xaquuqda Aadanaha oo Mareykanka ku cadaadiyay in uu baahiyo magacyadaasi si loola socdo xaaladdooda.     

Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah oo sheegay in ay ku biiri doonaan Dagaalka

Iyadoo waayadaan dagaalo u dhexeeyeen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la magacbaxay la dagaalanka Argagixisada ayaa haddana waxaa haatan socda cabsi kale oo la xiriirta in ay mar kale isku dhacaan labadaasi kooxood.

Maalintii shalay ahayd ayaa waxa uu dagaal ka ka qarxay degmada Xamar Weyne oo u dhexeeyay ciidamo ka socday deegaanka iyo kuwo iyana ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada dagaalkaas oo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud ayaa afhayeen u hadlay Midowga Maxaakiimta Islaamiga uu sheegay in dhinacoodu ay ku biiri doonaan dagaalkaasi haddii aan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada si dhaqsi leh uga guurin Deegaanka Xamr Weyne.

“Isbahaysiga sheydaanka waa mid doonaya in uu bulshada ka dhex abuuro qalqal iyo cabsi mana doonayo in dalka ay ka dhalato dowlad” ayuu yiri afhayeenka oo sheegay in dadweynaha Magaalada Muqdisho ay ka feejignaadaan hagardaamooyinka Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.    

Iska hor imaad ka dhacay Degmada Xamar Weyne..

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo daacad u ah Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ayaa soo degay deegaano ka tirsan Degmada Xamar Weyne.

Markii ay maqleen dadka deegaanka ayaa waxaa laga codsaday ciidamadaasi in halkaasi isaga guuraa, iyadoo ay socoto waanwaantii ayaa markiiba waxaa bilowday rasaastii iyadoo la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, waxaana halkaasi ku dhintay labo ruux, waxaana ku dhaawacmay todobo qofood, oo la sheegay in ay badbaanaayeen dad rayid ah oo rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Shalay galabnimadii ayay qabowday rasaastu waxaana haatan deegaanka Xamar Weyen ka jira cabsi aad u xoogan iyadoo laga cabsi qabo in mar kale isku dhac u dhex maro labada dhinac.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne C/llaahi Ibraahim Sahal ayaa waxa uu u soo jeediyay isbahaysiga la dagaalanka argagixisada in ay si dhaqsi leh isaga guuraan deegaankaasi haddii kale wixii dhibaato ah ee ka yimaada in ay dusha u ridan doonaan sidoo kale waxa uu sheegay in deegaankoodu uu yahay deegaan ka mamnuuc ah in labada kooxood ee is haya ay fariisimo ka dhigtaan.

Roobabkii ka da’ay Jubbooyinka oo geystey waxteelooyin isgu jira..

Wararka naga soo gaaraya Gobalada Jubbooyinka waxay sheegayaan in roobab socday dhowr saacadood ay ka da’een deegaano ka tirsan gobalada Jubooyinka.

Roobabkaani ayaa waxay khasaaro naf iyo hantiba u gaysteen dadkii ku noolaa deegaanadaasi, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhinteen roobabkaasi labo caruur oo midkood carruur ahaa, sidoo kale xoolo fara badan ayaa iyana roobabkaasi qaadeen.

Baabuur fara badan ayaa waxay ku xayiran yihiin deegaanka Kuunyo Barow oo ka tirsan Degmada Baraawe, Gawaaridaasi oo ku sii jeediyay gobalada Jubbooyinka, sidoo kale Gawaari ka timid Magaalada Kismaayo ayaa iyana ku xayiran deegaankasi kaddib markii dhulkii ay soo mari lahaayeen ay gooyeen biyo ay dhingeen roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay halkaasi.

Roobabka haatan ka curtay gobaladaasi ayaa waxaa si weyn ugu diirsaday dadka ku nool gobaladaasi oo iyagu soo maray abaar aad u ba’an oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo.  

Aljazeera TV oo lagasoodaayey Cajalad uu soo diray Usama Bin-Laadin...

Shalay ayaa mar kale codkiisa laga maqlay Taleefishinka Al-Jasiira hogaamiyaha ururka Al-Qaacidda Usama Bin-Laadin waxa uuna ka hadlay arrimo fara badan oo la xiriira caalamul Islaami.

Mar uu soo qaadanayay ururka Xamaas oo iyagu kuguuleystay doorashada wadanka Falastiin ayaa waxa uu sheegay in Ururka Al-Qaacidda uu gacan siin doono Ururkaasi si looga hortago dibindaabyada lala damacsan yahay oo ay wadaan qaar ka mid ah wadamaada Carabta.

Mar uu ka hadlayay dhinaca wadanka Ciraaq waxa uu sheegay in waqti ay ahaataba ciidamada Mareykanka ee xoogga ku qabsday wadnakasi la bixin doono, isagoo waliba ay ka raacdo ceeb iyo fool xumo.

Usama waxa uu aad uga xumaaday dagaalka la damacsan yahay in la dhex dhigo Suniyiinta iyo Shiicada Wadanka Ciraaq, waxa uuna u soo jeediyay in arrimahaasi ay ka feejignaadaan, inkastoo Soomaaliya uusan sidaasi uga hadlin haddana waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada Islaamka ah ee Mareykanku dhibaatada ka wado isagoo ugu duceeyay shacaka Soomaaliyeed in dhibaatadaasi Illaah ka dulqaado.

Ugu dambeyniti Usam Bin-Laadin waxa uu sheegay in Ururka Al-Qaacidda uu sii wadi doono halgankiisa uu kaga hortagayo waxa uu ugu yeeray Saliibiyada oo haatan caddeysatay dhibaateynta dadka Muslimiinta ah ee ku nool caalamka.

Inkastoo Canjalada ay ahayd mid cod ah haddana waxaa warbaahinta caalamku isku raaceen in codku uu ahaa midkii Usma Bin-Laadin. [eeg Aljazeera]. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 24,2006

$4 Doolar oo Baad ah ayaan Maalin kasta Bixiyaa, Haddii kale.....
Sidaas waxaa yiri Maxamuud Cabdulaahi Aaden oo ka mid ah 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand oo shalay lagu soo booqday xabsiga Bangkok, waxana uu... Guji... Apr 23

Gurmad Degdeg ah: Ka Qayb Qaadasho sidii loo soo deyn Lahaa 3da Soomaalida
Sidee uga qayb qaadan kartaa soo deynta 3da Soomaalida ah ee ku xiran dalka Thailand..?... Akhri halkan... Guji... Apr 23