SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO


Jimciyadda Sharci-yaqaanada Soomaaliyeed oo qabtay dood ku saaban "Regional Autonomy of Federal Government"

Waxaa maalintii Khamiista aheyd Hoteel Naasa-Hablood ka dhacday dood ku saabsan, habka dowliga ah ee ugu wanaagsan ee aanu qaadan karno, (Regional Autonomy of Federal Government) waxaana dooddaas soo qaban qaabiyey Jamciyadda Sharci Yaqaanadda Soomaaliyeed (Somali Law Society) waxaana ka qeyb galay Sharci Yaqaanno ka tirsan Jamciyadda, aqoonyahano, siyaasiyiin, dhalinyaro iyo haween.



 

Qof kasta oo ka qeyb galay dooddaas wuxuu dhiibanayey fikirkiisa ku aaddan habka ugu wanaagsan ee aan qaadan karo(Regional Autonomy of Federal Government), waxaana ugu horreyntii halkaasi fikirkiisa ka dhiibtay Prof. Max’ud Cali Daahir, (Prof: Guure) oo ah guddoomiyaha jamciyadda Sharci Yaqaanada Soomaaliyeed, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri, “Markaan aragnay mas’uuliyadda weyn ee uu xambaarsan yahay Federaaliisimka isla markaana aanan u laheyn wax khibrad ah iyo dhaqan, oo aan loo soo sameyn baaris dheer oo cilmiyeed, nooma suurtagaleyso inaan hirgalino habka Federaalka ah, marka waxey iila muuqataa in xilligaan aanu noqon karin mid ku habboon bulshada Soomaaliyeed oo leh Dhaqan, Diin iyo af isku mid ah, maadaama aanan qaadan karin habka Federaaliisamka ah, waxaa u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed dowlad leh, gobollo u madax banaan maamulooda Regional Autonomy lehna awood kooban, kuna imaanaya hab doorasho” ayuu yiri Prof. Guure,


Sidoo kale waxaa ka hadlay dooddaasi, Dr. Xuseen Xaaji Bood, wuxuuna sheegay in dastuuradii loo sameeyey Soomaaliya xilliyadii hore ay ahaayeen kuwo ay la socotay faragalin shisheeye, dadka Soomaaliyeedna aan loo madax banaaneyn iney qaataan habka ay is leeyihiin waa uu idiin wanaagsan yahay, sidoo kale dastuuraddaasi looma fiirin, dadka dhaqankooda, gaar ahaanna wuxuu farta ku fiiqay kuwii ugu dambeeyey ee Imbagaati” waxaa kaloo ka hadlay Gen. Jaamac Max’ed Qaalib, wuxuu isna sheegay, in shacabka Soomaaliyeed aysan wali helin, wax la yiraahdo dowladnimo, wuxuuna sheegay in dastuurka dowladda federaalka uu yahay mid aan shacabka Soomaaliyeed lagala tashan iyo waliba raggii la yiri soo diyaariya, sidaa darteed shacabka ayaa looga baahan yahay iney iyagu doortaana habka ay doonayaan, sidoo kale waxaa ka hadlay Sh. C/raxmaan Xuseen Samatar (Abuu-Xamsa) wuxuu isaguna si weyn ugu dheeraaday dowladihii soo maray caalamka gaar ahaan kuwii Islaamiga ahaa, isagoo tilmaamay, iney ahaayeen kuwo ku imaan jiray hab doorasho, sidoo kale waxaa ka hadlay Faarax C/llaahi Macallin, oo isna sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku Af isku Diin iyo Isku dhaqan ah isagoo sheegay inaaney qaadan karin labadaasi hab.

Ugu dambeyntii Jimciyadda Sharci yaqaanada Soomaaliyeed waxay baaq ka soo saareen xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho waxayna u soo jeediyeen dhinacyada isku haya Magaalda Muqdiso in ay khilaafkood ku xaliyaan wada hadal iyo is afgarad.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 23,2006

$4 Doolar oo Baad ah ayaan Maalin kasta Bixiyaa, Haddii kale.....
Sidaas waxaa yiri Maxamuud Cabdulaahi Aaden oo ka mid ah 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand oo shalay lagu soo booqday xabsiga Bangkok, waxana uu... Guji... Apr 23

Gurmad Degdeg ah: Ka Qayb Qaadasho sidii loo soo deyn Lahaa 3da Soomaalida
Sidee uga qayb qaadan kartaa soo deynta 3da Soomaalida ah ee ku xiran dalka Thailand..?... Akhri halkan... Guji... Apr 23