SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: APRIL 23, 2006

  • Dil ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo..

  • Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada mooshin ku aadan in xilka laga qaado..

  • Max’ed Dheere “C/qaasim waxa uu xiriir la leeyahay Ururka Al-qaacida..

  • Shiikh Cali Dheere “waxaan u mahadcelinayaa Muuse Suudi iyo intii gacanta ka gaysatay sii deynta wiilkeyga

  • Shirkadda Banaadir oo si kulul u beenisay in hantida ka soo xaroota..

  • Golaha Baarlamaanka oo shalay isku raacay in Dowladdu ay ku sii shaqeyso....

  • Iska hor imaad shalay ka dhacay Afarta-Jardiino....

  • Siyaasiyiin si weyn u soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka.


Dil ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo

Nin ayaa Sabtidii si bareer ah uu nin kale oo maleeshiya ah ugu dilay gudaha magaalada Kismaayo. Ninka dhintay oo ay isku hayb yihiin gacan ku dhiiglaha dilaya ayaa waxa magaciisa la oran jiran Cabdiwahaab Ciise Maxamuud Barre.

Gacan ku dhiiglihii ayaa waxaa markiiba soo qabtay ciidammada ammaanka ee magaalada Kismaayo oo ku soo xiray saldhigga booliska ee magaalada iyada oo labada nin ee is dilayba ay ahaayeen ilaalada taliyaha xabsiga ee magaalada Kismaayo.

Arrintaan ayaa waxa ay dhalisay xiisad ka dib markii jifahoosaaddii marxuumka dhintay ay ku doodeen in gacan ku dhiiglahana loo dilo oo isku mar la aaso labada ninba, iyadoo arrintaasna uu soo jeediyay aabbihii dhalay marxuumka geeriyooday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa saacadihii dambe ee Sabtidii lagu guuleystay in maydkii la soo aaso, gacan ku dhiiglahana uu xirnaado tan iyo inta xal dhinac uun ah laga gaarayo. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kisamayo somaliya
cabdiqadar84@hotmail.com


Wiilki ay Maskaxdiisu Banaanka taal oo Geeriyoodey

Waxaa April 21keedii magaalada Muqdisho ku geeriyoodey wiilkii yaraa ee maskaxdiisu bannaanka taaley, da'diisu waxa ay ahayd 12-jir. [warkii hore ee wiilka laga qoray]


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo wada mooshin ku aadan in xilka laga qaado..

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay waxay sheegayaan in Xildhibaano gaaraya 35  xubnood ay wadaan mooshin ah in xilka Ra’isul Wasaaranimada laga qaado Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi kaddib markii ay sheegeen xubnahaasi in Ra’isul Wasaaruhu uusan wax qorshe ah u soo gudbin Golaha Baarlamaanka isla markaana uu ka meermeerayo in uu Baarlamaanka u soo gudbiyo arrimahaasi. Mooshinka ay wataan xildhibaanadaan oo la filayo in dhawaan si weyn Golaha Baarlamaanku ayaa haddana wararka qaar waxay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu wado qorshe ah in Cali Max’ed Geeddi uu hor yimaado Golaha Baarlamaanka uuna soo jeediyo qorshihiisa dhow iyo midda fog ee Dowladdiisa, waxaana haatan la sheegay in Ra’isul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu u socdo wada hadal la xiriira arrintaasi. Cabdi Cabudle Siciid (Jiinni Boqor) ayaa horey Ra’isul Wasaaraha ugu eedeeyay in uu ka meermeerayo in uu Baarlamaanka us oo gudbiyo howlaha Xukuumadda, maadaama Dowladdu ay gashay heshiisyo ah mid dowladeed iyo mdi shirkadeedba, sidoo kalana loogu deeqay lacago fara badan oo dhinaca dib u dhiska ah.

Xildhibaan diiday magaciisa ayaa waxa uu sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo Guddoomiye Shariif Xasan mar ay ku shireen Magaalada Gaalkacyo ay ku heshiiyeen in midba midka kale uusan xilka ka qaadin mudada shanta sano ah ee Dowladda loo qoondeeyay. Maalintii shalay ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka waxay si weyn uga doodeen mooshin ay soo gudbiyeen Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka oo ahaa in Dowladdu ay ku shaqeyso Magaalada Baydhabo ama magaalooyin kale inta laga nabadeynayo Magaalada Muqdisho, waxayna Xildhibaanada Baarlamaanka shalay isku raaceen in Magaalada Baydhabo ay noqoto mid labada Gole ee Dowladda ay ku sii shaqeyso  inta nabad looga helayo Magaalada Muqdisho. 

Max’ed Dheere “C/qaasim waxa uu xiriir la leeyahay Ururka Al-qaacida..

Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo ah Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay damacsan yihiin in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimo ay ku sugan yihiin Isbahaysigooda ku sugan Magaalada Muqdisho iyo waliba deegaano kale.

“Haddii aan nahay isbahaysiga wax weerar ah ma damacsanin markasta waxaa nahay difaac” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah ay dhaqaale ka helaan argagixisada caalamiga ah.

Mar wax laga weydiiyay cidda abaabuleysa ama hogaamineysa weeraradaasi Max’ed Dheere waxa uu ku jawaabay “arrintaani waxaa wada rag ay ka mid yihiin C/qaasim Salaad Xasan, Shiikh Xasan Daahir Aweys iyo Aadan Xaashi Cayrow, waxa uuna sheegay in C/qaasim uu damacsan in uu dhawaan u ambabaxo Magaalada Qaahir ee dalka Masar isagoo sheegay in uu halkaasi kula kulmi doono rag sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacida si uu uga soo helo dhaqaale lagu fuliyo dagaalo ka dhaca mar kale Magaalada Muqdisho.

Waxaa kalloo Max’ed Dheere ku eedeeyay C/qaasim in uu Magaalada Muqdisho ka furtay Warshad lagu sameeyo lacagta taasoo uu sheegay Max’ed Dheere in  laga damacsan yahay in  lagu dhiig-miirto shacabka danyarta ah.

Shiikh Cali Dheere “waxaan u mahadcelinayaa Muuse Suudi iyo intii gacanta ka gaysatay sii deynta wiilkeyga

Wiil uu dhalay Shiikh Cali Maxamuud (Shiikh Cali Dheere) oo mudo todobaad ah afduub loogu haystay Magaalada Muqdisho ayaa shalay la sii daayay, waxaana sii deynta wiilkaasi gacan ka gaystay siyaasiyiin uu horkacayay Muuse Suudi Yalaxow oo ah Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka.

Shiikh Cali Dheere waxa uu sheegay in afduubka loo gaysanayo carruurta waqtigaan ay ka tarjumeyso xaaladda qalafsan ee ay ku nool yihiin shacabka Gobalka Banaadir, isagoo sheegay in arrintaasi looga bixi karo iyadoo la qaato ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Afar bari ka hor ayay ahayd markii wiil yar oo dhiganayay Dugsiga Fatxu-Raxmaan isna ay koox dabley ah afduubatay, waxaa isna sii deyntiisa gacan weyn ka gaysatay Maxkamadda Islaamiga ah ee Degmada Wardhiigley, sidoo kale banaanbax looga soo horjeedo afduubka carruurta ayaa isna waxa uu ka dhacay Fagaaraha Tarabuunka oo ay ka qaybgaleen dadweyne aaf u fara badan, waxaana looga soo horjeeday afduubka ku soo kordhay Magaalada Muqdisho.

Shirkadda Banaadir oo si kulul u beenisay in hantida ka soo xaroota..

Shirkadda Banaadir oo maamusha dekedda dabiiciga ah ee Ceel-Macaan ayaa si kulul u beenisay warar ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Magaalada Muqdisho oo ah in daqliga ka soo xarooda dekeddaasi loo qaybsado qaab qabiil.

Maareeyaha dekedda Ceel Macaan C/qaadir Cosoble ayaa waxa uu sheegay in dekedda Ceel-Macaan ay maalgashadeen ganacsado Soomaaliyeed, isla markaana dakhliga halkaasi ka yimaada loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

“Ceel-Macaan waxay ka mid tahay shirkadaha ka jira dalka, waxaana iska leh ganacsato Soomaaliyeed” ayuu yiri C/qaadir Cosoble oo sheegay in dekeddu ay tahay deked u shaqeysa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Waxaa kalloo uu sheegayin dekedda Ceel-Macaan ay buuxisay howlihii ay qaban jireen dekedihii ka jiray dalka, taasoo uu sheegay in ay xil iska saareen ganacsato Soomaaliyeed.  

Golaha Baarlamaanka oo shalay isku raacay in Dowladdu ay ku sii shaqeyso....

Kal fadhi ay shalay isugu yimaadeen xubnaha Baarla-maanka uuna shir gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxaa shalay looga dooday qodob ahaa in Dowladdu ay ku sii shaqeyso Magaalada Baydhabo ama magaalooyin kale inta laga nabadeynayo Magaalada Muqdisho.

81 xubnood oo ka tirsan golaha Baarlamaanka ayaa iyagu soo jeediyay in mooshinkaasi laga doodo, dood dheer iyo falanqeyn kaddib guddoomiyaha Baarlamaanka waxa uu amray in arrinta cod la geliyo, waxaana kal fadhiga fadhiyay 183 xildhibaan.

182 xildhibaan ayaa waxay ku coddeeyeen in Baydhabo ay ku sii shaqeyso Dowladdu labadeeda gole ee Baarlamaanka iyo Xukumadda, inta nabad loogaga soo dabaalayo Magaalada Muqdisho, cid diiday ma jirto waxaase ka aamusay hal Xildhibaan.

Ku shaqeynta Dowladda ee Magaalada Baydhabo waxay ka hor imaaneysaa heshiiskii dhawaan dhex maray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi iyo Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb oo ahaa in Dowladdu ay ku shaqeyso Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagu si weyn u soo dhaweeyay in ay dowladdu ay ku sii nagaato ama ay ku sii shaqeyso Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Iska hor imaad shalay ka dhacay Afarta-Jardiino....

Iska hor imaad socday dhowr daqiiqo ayaa waxa uu ka dhacay Isgooska Afarta-Jardiino Magaalada Muqdisho kaasoo u dhexeeyay ciidamo daacad u ah Abuukar Cumar Caddaani iyo kuwo iyana taageersanaa C/qaadir Beebe, dagaalkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay dhow qof, iyadoo markii dambe Odoyaasha deegaanka ku guuleystay in ay kala dhex galaan kooxihii maleeshi-yooyinka.

Maleeshiyada Abuukar Cumar Caddaani ayaa halkasi u soo degay si ay u jaraan isu socodka Gaadiidka iyo Maleeshi-yooyinka Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada oo  maalmahan halkaasi wado ay u ahayd. 

Siyaasiyiin si weyn u soo dhaweeyay go’aankii Baarlamaanka.

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku jira labada gole ee Dowladda ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay go’aankii Golaha Baarlamaanka ee ahaa in Dowladdu ay ku shaqeyso Magaalada Baydhabo, inta laga nabadeynayo Magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiintu waxay sheegeen in wixii haatan ka dambeeya ay u howlgali doonaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Baydhabo oo wayaadaanba xaaladeeda nabadgelyo ay aad u liidatay.

Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade ayaa isagu mar uu la hadlayay siyaasiyiinta waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si weyn la isaga kaashado xaaladda Magaalada Baydhabo, isla markaana loo baahan yahay in gacan laga gaysto uruurinta Kooxaha maleeshiyooyinka.

Max’ed Ibraahim Xaabsade waxa uu sheegay in maalmaha soo socda Magaalada Baydhabo loo sameyn doono maalmul, ciidan Booliis ah iyo Maxkamadda isagoo sheegay in siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle looga baahan yahay in arrintaasi ay xoogga saaraan si uu gobalku u yeesho maamul kala dambeeya.  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 23,2006

$4 Doolar oo Baad ah ayaan Maalin kasta Bixiyaa, Haddii kale.....
Sidaas waxaa yiri Maxamuud Cabdulaahi Aaden oo ka mid ah 3da Soomaalida ee ku xiran Thailand oo shalay lagu soo booqday xabsiga Bangkok, waxana uu... Guji... Apr 23

Gurmad Degdeg ah: Ka Qayb Qaadasho sidii loo soo deyn Lahaa 3da Soomaalida
Sidee uga qayb qaadan kartaa soo deynta 3da Soomaalida ah ee ku xiran dalka Thailand..?... Akhri halkan... Guji... Apr 23

London, UK: Madaxweynaha Soomaalia oo kulan la yeeshay...
qaar ka tirsan aqoon yahayannada Soomaalida si ay... Guji...

Isbahaysiga "Argagixisada" oo Sheegey in ay Dalka ka Dhisi Doonaan Dowlad..
»Banaanbax looga soo hor-jeedo afduubka Muqdisho oo..
»Isbaheysiga SNA oo si kulul u beeniyey in Villa Somalia...
»Beesha Eelaay ayaa baaq iyo digniinba u dirtay DFKMG..
iyo Warar kale oo GooGoos ah akhri halkan.... Apr 22

DAAWO video: Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkas oo TV-ga ka baxay May 7, 2004]