SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: APRIL 22, 2006

  • Xubin ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisad oo sheegey in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad..

  • Banaanbax looga soo hor-jeedo afduubka ku soo badanaya Muqdisho oo..

  • Isbaheysiga SNA oo si kulul u beeniyey in Cabdi Shukri lagu wareejiyey Villa Somalia...

  • Beesha Eelaay ayaa baaq iyo digniinba u dirtay Dowlada Federaalka ...

  • Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifel oo dhameystiray Xareynta Ciidamada....


Xubin ka tirsan Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisad oo sheegey in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad..

Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) oo xubin ka ah Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada ayaa mar uu u waramay Idaacadda Afrikada Bari ayaa waxa uu sheegay in Isbahaysigu uusan wax abaabul dagaal ah  ka wadin Magaalada Muqdiso.

“Isbahaysiga waxaa loo abuuray in ay nabad ku soo celiyaan dalka gaar ahaan Gobalka Banaadir” ayuu yiri Cabdi Waal oo sheegay in ay isbahaysigoodu uu ku raaf joogo waxa uu ugu yeeray kooxo shisheeye ah oo gabaad ka dhigana Magaalada Muqdisho deegaano ka tirsan. “Markuu Isbahaysigu ka guuleysto kooxaha argagixisada isla markaana uu nabadda soo celiyo waxa uu dalka ka sameyn doonaa dowlad” ayuu yiri Cabdi Nuure Siyaad oo aan faahfaahin waxa ay dowladdaasi noqon iyo waqtiga la dhisi doono.

Hadalkaan ayaa waxa uu dhabarjab ku noqon doonaa Dowladda Federaalka, maadaama labo sano ka hor lagu soo doortay Magaalada Nairobi  ee dalka Kenya, iyadoo xubnaha Isbahaysiga ay ku jiraan Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka. 

Banaanbax looga soo hor-jeedo afduubka ku soo badanaya Muqdisho oo..

Maalintii shalay ahayd ayaa markii laga soo baxay salaaddii jimcaha ayaa waxaa Fagaaraha Tarabuunka isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan kuwasoo ka banaanbaxayay afduubka maalmahan ku soo batay Magaalada Muqdisho ee lala beegsanayo carruurta iyo waliba dagaalada la doonayo in laga abaabulo Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxaan oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka socotay midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, Culuma’udiin iyo marti sharaf kale, iyadoo dadkii banaanbaxayay ay wateen boorar ay ku qornaayeen “Dooni Meyno dagaal sokeeye” “waxaan ka soo horjeednaa in carruurta la afduubo” iyo ereyo kale.

Culuma’udiinkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha Kacdoonka Axmed Max’ed Cabdule waxa uuna sheegay in uu dhamaaday xiligii afduubka shacabkuna ay ogaadeen caddowgooda iyo nasteexooda, sidoo kale waxaa ka hadlay Shiikh Maxamuud Ibraahim Suuleey oo isna u soo jeediyay kooxaha gacan-saarka la leh Mareykanka in ay ka waantoobaan “lacag aad ka qaadataan Mareykan guryo ka dhisan meysaan waxna idiin tari meyso in aad ku gubataan mooyee, waxaa la doonayaa in dadkiina iyo dalkiin la baabi’iyo” ayuu yiri Shiikh Maxamuud Ibraahim Suuley.

Intii uu socday banaanbaxaan ayaa waxaa gabayo iyo shiribyo ka soo jeedinayay Abwaanada kala ah Abshir Nuur Faarax (Bacadle) iyo Abwaan Cusmaan Guure. 

Isbaheysiga SNA oo si kulul u beeniyey in Cabdi Shukri lagu wareejiyey Villa Somalia...

Madaxda isbaheysiga  SNA oo ka kooban todobada urur ayaa si kulul u beeniyey warar ay qoreen qaar ka mid ah wargeysyada magaalada Muqdiso oo ah in Cabdi Shukir Xirsi oo ka mid ah isbaheysiga la dagaalanka argagixisada uu la wareegay xarunta Vill Somalia waxeyna madaxda isbaheysiga SNA wararkaasi ku tilmaameen kuwo aan sal iyo raad toona aheyn.

Cabdi Siyaad Xasan oo ah ku simaha guddoomiyaha guddiga sare ee arrimaha gudaha ayaa wuxuu sheegay in Madaxtooyada ay tahay xarun aan si fudud lagula wareegi karin, ayna tahay xarun ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Siyaad waxaa uu sheegay in saxaafadda looga baahan yahay in wararka ay qorayaan ay ka fiirsadaan isla markaana wixii Isbaheysiga ay uga baahan yihiinna ay habboon tahay iney kala soo xiriiraan madaxda, mar aan wax ka weydiiyey halkii uu ku dambeeyey Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid, wuxuu yiri, “Xuseen Ceydiid hawlo shaqo oo dowladeed ayuu ku maqan yahay, saacad saacad ayuu mar walba noola soo xiriira”.

Ugu dambeyntii waxa uu u soo jeediyey kooxaha isku haaya magaalada Muqdisho, iney joojiyaan abaabulka dagaal ee ay wadaan wixii khilaaf ahna lagu xalliyo is afgarad iyo wadahadal, taasoo uu sheegay in lagu gaari karo nabad buuxda oo lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho.

Beesha Eelaay ayaa baaq iyo digniinba u dirtay Dowlada Federaalka ...

Beesha Eelaay ayaa baaq iyo digniinba u dirtay madaxda sare ee Dowladda Federaalka in dhismaha maamulka Gobalka Bay uu yahay mid ay ahmiyaddiisu leedahay beesha Eelaay gaar ahaan gudoomiyaha gobalka ee arrimaha deegaanka.

Beeshu waxay sheegtay in awood qaybsiigii dowladda Federaalka xaquuq fara badan looga lumiyay sida Xildhibaana-da, Golaha Wasiirada iyo wixii la mid ah. C/qaadir Boojra oo ka mid ah Siyaasiyiinta beelaha Eelaay ayaa waxa uu Dowladda u soo jeediyay in siyaasadda beesha lagala xiriir karo wixii haatan ka dambeeya Wasiirka Horumarinta iyo Qoyska Fowsiyo Max’ed Shiikh.

Ugu dambeyntii waxa u u soo jeediyay Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifle in aan marnaba la lumin xaquuqda Beesha Eelaay, isagoo sheegay in beesha horey looga lumiyay xaquuqo fara badan oo ay lahayd, wixii haatan ka dambeeyana aysan marnaba ogolaan doonin in lagu tunto xaquuqdooda.

Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Mirifel oo dhameystiray Xareynta Ciidamada....

Waxaa maalmahan Magaalada Baydhabo ka socday ururinta maleeshiyooyinkii ku dhex daadsanaa Magaaladaasi, iyadoo maalintii shalay ahyad siyaasiyiinta beelaha Digil iyo Mirifle ay soo gebgabeeyeen xarynta maleeshiyooyinkaasi.

In ku dhow 600 oo Malee-shiyo ah ayaa lagu xareeyay Xerada Daynuunaay ee Duleedka Magaalada Baydhabo, iyadoo siyaasiyiintu dowladda ay ka dalbadeen in ay bixiyaan qarashkii tababarka iyo raashinka ciidamadaasi, sidoo kale waxay codsiyo u direen Hay’ado samafal ah oo ay ka dalbadeen in  gacan lag siyo tabbarida ciidamadaasi. 

 C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda cariga Dalka Merykanka..

Warar aanu ka helnay Magaalada London ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed marka uu dhameysto booqashadiisa uu ku joogo dalka Ingiriiska uu u baqooli doono cariga Mareykanka kaddib markii lagu waramay in uu martiqaad ka helay Dowladda Mareykanka. Madaxweynaha oo horey u codsaday in uu tago dalka Mareykanka ayaa ujeedada uu halkaasi u tagayo ay tahay sidii Dowladda Mareykanka ugala hadli lahaa waxa loogu yeero arrimaha Argagixisada maadaama Wasiiro ka tirsan Dowladdiisa ay dagaalo ka wadaan Magaalada Muqdisho. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa la sheegay in uu si aad ah uga careysan yahay xiriirka ay la sameysatay hogaamiya kooxeedyada ku sugan Magaalada Muqdisho Dowladda Mareykanka waxa uuna madaxweynuhu sheegay in uu xiriirkaasi yahay mid qaldan marka loo fiiriyo dhinaca Dowladnimada. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale Dowlada Mareykanka waxa uu ka hadli doonaa sidii ay gacan u siin lahayd Dowladiisa isla markaana ay u joojin lahayd taagerada ay siineyso kooxaha ku sugan Magaalada Muqdisho. “Dowladda ayaa ku howlaneyd sidii ay u sameyn lahayd guddi loogu magacdaray guddiga ka hortaga argagixisada” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf mar uu dhawaan Magaalada Nairobi kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi. Dhinaca kale Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa dhowr jeer qoraalo u diray Dowladda Mareykanka oo uu kag dalbanayo in ay joojiso taageerada ay siineyso kooxha dagaalada ka wada Magaalada Muqdisho, waxa uuna Ra’isul Wasaaruhu sheegay in ay jiraan Dowladdo shisheeye oo faragelin ku yahay arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana fashinlinaya Dowladdii lagu soo dhisay dalka Kenya. 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2006

Shirkadda Terry oo Puntland u iib Geeysey Kuuriya (Korea)
Wararka ka imanaya Dubai ayaa... Guji...

SAXAAFADDA DENMARK OO SOO BANDHIGAY DHIBAATADA  QAXOOTIGA HAYSTA
Qaxootiyada ku nool xeryaha Denmark ayaa xaaladdooda nololeed ka sii daraysa marba marka ka...  Guji... Apr 21

Hotel Waamo oo ay Shir ku yeesheen Beesha Sade ee ku Dhaqan Magaalada Muqdisho
iyo Afhayeenka Isbahaysiga "Argaggixisada" oo sheegay in aysan wax dagaal ah soo wadin... Guji... Apr 21


Barnaamijkii Radio Xoriyo
21 April  2006
 
Arrinta Ogaadeenya oo la gaadhsiiyay safiirka USA ee Qaramada Midoobey.
 
Ogaadeenya: Roobabka oo laga baqayo in dhibaato ka dhalato.
 
 Guddoomiyihii hore ee JWXO oo nadwo ku qabtay Jaamacadda Sanca.            
 
Qarax ka dhacay meel 150 km u jirta Addis Ababa.
 
Qoraal Faahaahsan oo ku saabsan moqifka JWXO ee Oday-dhaqameedyada(Maqal).
 
Dabargoynta dabaqoodhiga iyo u dulqaadashada Shacabka.
 
======================
 
 
Qadiyada Ogaadeenya ayaa la hordhigay safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobey John Bolton, kaasoo sheegay inuu ka walwalsan yahay dhibaatada lagu hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya.
 
Mark Kennedy, oo xildhibaan ka tirsan Kongarayska Maraykanka, lagana soo doorto gobolka Minnesota, ayaa maalintii isniinta ahayd la kulmay safiirka dalka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobey John Bolton, wuxuuna kala hadlay dhawr arrimood oo caalami ah.
 
Arrimaha uu xildhibaanku kala hadlay safiir Bolton waxaa ugu horreeyay dhibaatada ka abuurantay isku dayga uu dalak Iran isku dayayo inuu samaysto awoodda nukliyeerka, taasoo dhalisay xiisad caalami ah. Waxaa arrintaas ku xigtay dhibaatada Ogaadeenya oo xildhibaanku uu tilmaamay inay tahay dhibaato u baahan in si caalami ah looga hadlo, si loogu helo xal caadil ah.
 
Xildhibaan Kennedy ayaa sheegay in safiirku uu la wadaago walwalka uu ka qabo dhibaatadalagu hayo dadwaynaha Soomaalida Ogaadeenya, gaar ahaan siyaasadaha cadaadiska ba’an ku salaysan ee xukuumadaha Itoobiya ay had iyo goor u adeegsadaan gobolka Ogaadeenya.
 
Xildhibaan Mark Kennedy wuxuu bishan horraanteedii xafiiskiisa Washington ku qaabilay wafti JWXO ah oo uu hooggaaminayay guddoomiye ku xigeenka kowaad Maxamed Ismaaciil Cumar, wuxuuna waftiga ka dhagaystay warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda Ogaadeenya, wuxuuna ballanqaaday inuu ka shaqaynayo sidii nabadgelyo cadaalad ku dhisan looga dhalin lahaa gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Ogaadeenya.
 
Ogaadeenya: Roobabka oo laga baqayo in dhibaato ka dhalato.
 
Gobollada Ogaadeenya iyo Cafar, oo ka mid ahaa meelaha ugu daran ee abaaruhu waxyeelleeyeen, ayaa laga cabsi qabaa in roobabka hadda billowday ay dhibaatooyin caafimaad soo gaadhsiiyaan dadwaynaha, sidaas waxaa ka digay ururro samafal ah.
 
Xafiiska isku xidhka Arrimaha Samafalka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in roobabku ay kordhiyeen dhimashada xoolaha, isla markaana ay abuureen saxo xumo aad u badan iyo jidadkii dhulka baadiyaha ah loo mari jiray oo xidhmay. 
 
Xafiisku wuxuu sheegay in kastoo lagu diirsaday roobabka ka da’ay gobollada Ogaadeenya, in haddana aan lagu farxin khasaaraha ay meelaha qaarkood ka gaysteen, gaar ahaan dhimashada xoolaha oo badan darted.
 
Guddoomiyihii hore ee JWXO oo nadwo ku qabtay Jaamacadda Sanca.
 
Wariyaha RX uga soo warrama dalak Yeman ayaa noo soo sheegay in guddoomiyihii hore ee Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Miudane Sh Ibraahim Cabdallah uu toddobaadkan nadwo ama dood caalami ah ku qabtay Jaamacadda ugu wayn dalka Yeman ee Jaamacadda Sanca.
 
Nadwadan wuxuu sheekhu kaga hadlay gumaysiga Itoobiya iyo qawmiyadaha kala duwanee uu xoogga ku haysto, sida qawmiyada Soomaalida Ogaadeenya. Wuxuu kaloo ku faahfaahiyay dhibaatada Geeska Afrika ka jirta iyo sida uu gumaysiga Itoobiya saldhigga ugu yahay colaadaha iyo faqriga daashaday guud ahaanba gobolka Geeska Afrika, isagoo tilmaamay in xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrika ay ku xidhan yihiin xal u-helidda dhibaatada Ogaadeenya.
 
Nadwadan ayaa ahayd mid aad iyo aad loo xiisaynayay, waxaana ka soo qayb galay aqoonyahaniin iyo cilmi baadhayaal aad u badan. Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay ardayda reer Yeman ee waxa ka dhigata Jaamacadaha kala duwan ee dalkaas iyo ardayda soomaaliyeed ee wax ka dhigata Jaamacadaha dalkaas.
 
Qarax ka dhacay meel 150 km u jirta Addis Ababa.
 
Qarax wayn ayaa axaddii la soo dhaafay ka dhacay magaaalo aan sidaas uga durugsanayn caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen 3 qof, 37 kalana way ku dhaawacmeen.
 
Qaraxani wuxuu maalintii axadda ahayd ka dhacay suuq wayn oo ku yaalla magaalada Gedo, oo 150 km dhinaca galbeed ka xigta magaalada Addis Ababa.
 
Qaraxyo is-dabajoog ah ayaa bilihii u denbeeyay oo dhan ka dhacayay magaalooyinka Itoobiya, ilaa iyo haddana lama garanayo cidda qaraxyadaas ka denbaysa, in kastoo ay xukuumadda Itoobiya ku eedayso dawlado shisheeye ah iyo ururrada mucaaradka ah.
 
Seddex qarax oo waaweyn ayaa bishii hore ruxay magaalada Addis Ababa, kuwaasoo inta la sheegay uu hal qof ku dhintay, dhawr iyo toban kalana ay ku dhaawacmeen.
21 April 2006.
Axmed Gaal-Eri
 
Info@radioxoriyo.com
raadioxoriyo@yahoo.com
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

DAAWO video: Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkas oo TV-ga ka baxay May 7, 2004]