SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: APRIL 22, 2006

  • London, UK: Madaxweynaha Soomaalia oo xalay kulan la yeeshay xubno la sheegay in ay talo.....

  • Nadwadii Afrad oo Boosaaso ka bilaabatay:::

London, UK: Madaxweynaha Soomaalia oo xalay kulan la yeeshay xubno la sheegay in ay talo.....


Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay kala qeyb galay kulan ay qaar ka tirsan aqoon yahayannada Jaaliyaadda Soomaalida ay ku lahaayeen hotelka IBIS oo ku yaal bartamaha magaalada London.

Kullankan aqoonyahannada oo ku saabsanaa sidii talo loo siin lahaa dowladda  ayaan wax natiijo ah ka soo bixin kullankooda ka dib markii doodo aan lagu guuleysan ay yeesheeen aqoonyahannadii ka soo qeyb galay shirka.

Shir guddoonka ayaa xiray shirkaasi kadib markii uu u arkay in dad badan doonayaan in ay iska hadlaan kana leexdaan barnaamijka sida loogu tala galay in kasta oo qaar ka tirsan aqoonyahanadaasi sheegeen lagama maarmaannnimada in dib la isugu soo noqdo shir kale.

Shir guddoonka ayaa sidoo kale sheegay in shirweyne ay ka qeyb galayaan aqoonyahanno gaaraya 65 xubnood dhawaan lagu qaban doono magaalada London oo ku saabsan sidii dowladda loo siin lahaan qoraal ku saabsan talabixin dhinacyo badan taabaneysa oo ku aaddan wax yaabaha hortaagan dowladda iyo sidii looga saari lahaa dhibaatadaasi.

Madaxweynaha oo aan hadal yar halkaasi ka sheegay ayaa aqoon yahanadana u sheegay in uu u yimid in uu salaamo asagoo hadalkiisa raaciyay in hadal ka buuxo uuna burqan doono marka uu la kulmo  aqoonyahannada, haddase uu yara xanuunsan yahay, ujeedada uu London u yimidna ay ugu weyn tahay xaaladdiisa caafimaad.

Madaxweynaha oo muddo aad u gaaban la joogay aqoonyahannadaasi ayaa sheegay isaga oo la kaftamaya in uusan midna ka aqoonsa dadka uu la hadlayay, waa sida uu hdalka u dhigaye wuxuuna yiri waxaan ku gartay in aan duqoobay, midna kama xusuusan karo wajiyadiina.mar uu la kaftamayay aqoonyahannadaasi.

Alasow
alasow73@hotmail.com
London, UK

Nadwadii Afrad oo Boosaaso ka bilaabatay:::

Assalaamu Calaykum.

 
Waxaa xalay oo taariikhdu ahayd 22/04/2006, ka bilowday Masaajidka Rawda ee magaaladda Boosaaso Nadwadii afraad ee sanad walba lagu qaban jiray masjidkaan, nadwadaan waxaa cinwaankeedu yahay AL-SIYAASA SHARCIYAH, waxaana ay socon doontaa 30/05/2006, waxaa ka qayb qaadan doona Culimada ugu waawayn Gobolldaan waxaan aya kala yihiin.
 
1. Sh Daahir Aw cabdi.
2. SH Axmed Daahir Xasan.
3. SH C/qaadir Nuur Faarax.
4. SH C/naasir Xaaji AXmed.
5. SH C/laahi Cali Xaashi.
6. DR Axmed Xaaji C/raxmaan.
7. DR Maxamed Cali Faarax.
8. SH Maxamed Macalim Axmed.
9. SH Axmed Faarax Garaase.
 
Nadwadaan oo daba socota nadwooyin la qabtay sanadihii ina soo dhaafay waxaa uu hadafkoodu yahay in la cadeeyo waxyaabo badan oo shareecada ka mid ah isla markaana kor loo qaado wacyiga dadka muslimiinta ah.
 
Waxaan Rabbi u waydiinaynaa culimadda ka qayb qaadanaysa nadwadaan iyo kuwa kala in cilmigooda iyo cimrigoodaba Rabbi barakeeyo.
 
Waxaan dadwaynaha soomaliyeedna ugu baaqaynaa inay ka faa'iidaystaan nadwadaan iyo kuwa kalaba meel ay joogaanba.
 
Xafiiska dacwada.
dacwah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 22, 2006

Isbahaysiga "Argagixisada" oo Sheegey in ay Dalka ka Dhisi Doonaan Dowlad..
»Banaanbax looga soo hor-jeedo afduubka Muqdisho oo..
»Isbaheysiga SNA oo si kulul u beeniyey in Villa Somalia...
»Beesha Eelaay ayaa baaq iyo digniinba u dirtay DFKMG..
iyo Warar kale oo GooGoos ah akhri halkan.... Apr 22

Shirkadda Terry oo Puntland u iib Geeysey Kuuriya (Korea)
Wararka ka imanaya Dubai ayaa... Guji...


"Qofna kuma Dhiman Hawlgalkii Puntland"