SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMIIN YUUSUF

Cabdi Qaybdiid: Nambarka 11-aad!!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Nambarka 11-aad waa nambar ay si aad ah u xiiseeyaan cayaartooyta gaar ahaan kuwa ciyaara kubadda Cagta, waana nambar ay xirtaan weeraryahanada iska soo horjeeda ee wada ciyaaraya, waana nambar marka la fiiriyo ku fadhiya haybad gaar ah, yaanan kugu daaline ka faaleynta nambarka 11-aad aan u guda galo gun dhiga sheekadda, waxaa dhawaan nambarka 11-aad ka noqday Isbahaysiga La Dagaalanka Argagixisada Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), mana garanayo sababaha loogu xiray nambarkaasi, hase yeeshee ragga ay xulufada yihiin ayaan u maleynayaa in ay Cabdi Qaybdiid ugu doorteen in uu yahay nin ku wanaagsan dhinaca weerarka.

Haddaba Isbahaysiga oo dagaal horey ula galay Midowga Maxaakiimta Ilsaamiga ah kaasoo lagaga guuleystay marka la fiiriyo, maxaase Cabdi Qaybdiid oo ah nin waayo arag ku ah dhinaca dagaalada uu ku soo kordhin karaa, iyadoo la og yahay Cabdi Qaybdiid in uu ka soo qaybgalay dagaalo fara badan oo wax natiijo ah uusan ka soo hoynin, muxuuse ku soo kordhin karaa, ku biiritaanka uu ku biiray Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.

Cabdi Qaybdiid, markii loo xiray nambarka 11-aad waxa uu hadalo gaaban u jeediyay Saxaafadda waxa uuna sheegay in uu hormuud ka noqon doono sidii looga hortagi lahaa waxa loogu yeeray kooxaha argagixisada oo ay sheegeen in ay gabaad siinayaan Maxaakimta Islaamiga ah.

Cabdi Qaybdiid waxaa kalloo uu sheegay in ururka Al-Itixaad uu yahay urur ay si weyn u yaqaanaan Ummadda Soomaaliyeed isagoo sheegay inay dhibaato weyn ka gaysteen qaybo ka mid ah dalka haatanna doonayaan in ay dhibaato ka abuuraan Magaalada Muqdisho.

Cabdi Qaybdiid waxa uu ahaa nin ay si aad ah isugu dhawaayeen Gen. Max’ed Faarax Caydiid waxaana la ogaa halkii ay ku dambeysay sheekadaasi sidoo kale, waxa uu hormuud ka haa dagaalkii looga hortagay Ciidamadii Mareykanka ee yimid Soomaaliya sanadkii 1992-dii iyana waxay ku dambeysay qisaddaasi ciddina daah kama saarna.

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa lagu xiray dalka Sweden mar lagu soo eedeeyay in uu dalka ka galay dambiyo dagaal ayaa haddana waxaa Cabdi Qaybdiid siideyntiisii qayb ka qaatay dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Dalka gudihiisa iyo Dibaddiisa, mar uu ka khudbeenayay fagaaraha Tarabuunka waxa uu sheegay in wixii haatan ka dambeeya in uu ka shaqeyn doono nabadda iyo isku soo dhawaanshaha shacabka Soomaaliyeed, haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay ma weerarkii Isbahaysiga ayuu sii wadi doonaa, mise arrinta waxa uu u bedeli doonaa xeelado kale oo kaga hortagi doono kooxda uu ka soo horjeedo.

Duqa Magaalada Minneapolis mar uu la kulmay kooxo aqoonayahano Soomaaliyeed ayaa waxa uu u sheegay in Dowladda Mareykanka in aysan marnaba gacan saar la yeelan doonin qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya oo mudo 15 sano ah dagaal sokeeye ka waday Soomaaliya, isagoo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan in Mareykanku uu wax lug ah ku lahaa dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho isla markaana ay ku bixiyeen Lacago.

Wiil yar oo madaxa Hoobiye uga dhacay isla markaana Maskaxdu ay soo jeedo, ayaa mar aan ugu tagay Isbitaalka Madiina ayaa waxa uu yiri “dhaawaca i gaaray waxaa mas’uul ka ah Mareykanka”.

Cabdi Qaybdiid oo waayadaanba taageero ka raadinayay beeshiisa ayaa iyadu haatan u muuqata mid ku kala jabsan arrintasi, qaarkoodna waxay horey u sheegeen in aysan Cabdi Qaybdiid ku taageeri doonin dagaal dambe oo ay la galaan qaybo ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in ay wali ka muuqato dagaaladii ay horey u galeen oo uu hormuudka u ahaa Cabdi Qaybdiid.

Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada oo dhawaan ku shiray deegaanka Deyniile ayaa si weyn isugu afgaran waayay cidda loo magacaabayo Guddoomiyaha Isbahaysiga sidoo kale waxay isku afgaran waayeen cidda loo magacaabayo taliyaha ciidamada, iyadoo xubno ka mid ah Isbahaysiga ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in loo magacaabo Guddoomiyaha Isbahaysiga, waxaa halkaas kaaga muuqata in raggu ay yihiin kuwo aan weli is aaminsaneyn oo ay meesha isugu keentay dan, waxaana dhaqdhaqaaqa ay maalmahan wadaan isbahaysiga walaac ka muujiyay dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo iyagu ka cabsi qaba in mar kale uu ka dhaco dagaal faraha looga gubto, isku soo wada duuboo Cabdi Qaybdiid waxaa loo xiray nambarka 11-aad oo marka k/cagta loo fiiriyo laga fisho farxad gaar ahaan marka uu dhaliyo gool, mararka qaarkoodna waxa uu keenaa khasaarooyin  oo ay aad ugu murugoodaan taageerayaasha, haddaba muxuu la imaan doonaa Cabdi Qaybdiid.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Qoraaladii: Cabdi Qaybdiid iyo Xabsigii Sweden

Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2006

Sawirka: Google images

DAAWO video: Barnaamijkii NBC ay ka diyaarisay Quixtar [Barnaamijkas oo TV-ga ka baxay May 7, 2004]